Farmaajo oo farriin culus u diray dadka Soomaaliyeed

0
in Wararka by
  • Visits: 119
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farmaajo oo farriin culus u diray dadka Soomaaliyeed

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

 Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay xuska munaasabadda maalinta qaran ee Kowdo Luulyo oo maanta ku beegan.

Farmaajo ayaa marka hore hambalyo u diray dadka Soomaaliyeed isaga oo la wadaagay hambalyo ku aadan munaasabadda 63 guurada ka soo wareegtay markii ay xoroobeen Gobollada Koonfureed ee dalka iyo midnimadii labada Gobol ee Waqooyi iyo Koonfur.

"Dhammaan ummadda Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan waxaan ugu hambalyaynayaa munaasabadda 63 guurada ka soo wareegtay maalintii gobollada koonfureed ee dalkeennu ay xorriyadda qaateen, isla markaana labadii gobol ee woqooyiga iyo koonfurta dalkeennu ay midoobeen” ayuu qoraalkiisa ku yiri Maxamed Farmaajo.

Waxaa kale oo uu xusay in maanta oo kale ay aad muhiim uy tahay in la muujiyo waddaniyad iyo dal jaceyl.

"Toddobaadka xorriyadda dalkeennu waa mid ku suntan, una taagan gobannimada, midnimada iyo jiritaanka ummadnimo. Waxaana xuska iyo weynaynta maalmaha xorriyaddu ay dib inoo xasuusinayaan waddaniyaddii, Soomaali jacaylkii iyo sooyaalka halgameyaashii iyo dhaqdhaqaaqyadii gobannimo doonka ahaa ee dhaliyey xorriyadda dalkeenna” ayuu mar kale ku yiri bayaanka uu soo saaray madaxweynihii hore ee dalka.

 

Ugu dambeyn wuxuu farriin culus u diray guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, isaga oo ugu baaqay inay mar walba ilaashadaan taariikhdooda, isla-markaana ay xasuustaan, una duceeyaan dhamaan halyeeyadii naftooda u huray xornimada dadka iyo dalka Soomaaliya.

"Waxaan shacabka Soomaaliyeed ku boorinayaa in ay mar walba xusuustaan una duceeyaan halyeeyadii naftooda u huray sidii ay dalkeenna iyo dadkeenna uga kor qaadeen heeryadii gumaystaha, waana in aynu sooyaalkooda ka barannaa cashar aynu ku dabbaqno nolosheenna maanta, innaga oo xoojinayna dal jacaylka iyo midnimada dhexdeenna ah. Hambalyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed” ayuu qoraalkiisa kusoo gabagabeeyay.

 

Si kastaba, sanad kasta Soomaaliya waxaa lagu qabtaa munaasabad weyn oo lagu xuso 1-da Luuliyo oo ku asteysan 63-sano ka hor markii ay xornimada qaateen gobollada koonfureed ee Soomaaliya, sidoo kalena ay midoobeen waqooyi iyo koonfur.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip