Raysal wasaarayaal hore iyo siyaasiyiin kale oo heshiiska cusub ee doorashada Soomaaliya ku tilmaamay wax aan suurtagal ahayn

0
Sunday May 28, 2023 - 23:16:06 in Wararka by
  • Visits: 469
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raysal wasaarayaal hore iyo siyaasiyiin kale oo heshiiska cusub ee doorashada Soomaaliya ku tilmaamay wax aan suurtagal ahayn

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...
Golaha wadatashiga qaran ayaa xalay gaaray heshiisyo doorasho oo taariikhi ah, iyadoo la isku raacay in sanadka soo socda dhici doonta doorasho hal qof iyo hal cod ah, waxayna doorashadu dhacaysaa shantii sanaba hal mar.
Madaxda Soomaalida ayaa sidoo kale isku raacay in meesha laga saaro xilka Ra’iisul Wasaaraha, iyada oo lagu beddelay nidaam madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ay si toos ah shacabku u dooranayaan hal mar.


Haddaba, Raysal wasaarayaal hore iyo siyaasiyiin kale ayaa wax aan suurtagal ahayn ku tilmaamay heshiiska cusub ee doorashada Soomaaliya. Qaarkood waxay sheegeen inuu uga sii darayo xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Raysal wasaarihii hore ee dalka iyo madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiweli Gaas ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay heshiiskan doorasho oo ay xalay wada gaareen golaha wadatashiga qaran ee Soomaaliya.

Cadiweli Gaas oo qoraal bartiisa Facebook soo dhigay, ayaa ku tilmaamay heshiiskan inuu yahay mid aan u cuntami karin ummadda Soomaaliyeed iyo wacyiga maanta lagu jiro.

"Warka xalay ka soo yeeray Villa Somalia maaha wax la aqbali karo mana aha wax u cuntami kara Umadda Soomaaliyeed iyo wadciga maanta lagu jiro,” ayuu yiri Cabdiweli Gaas.

Geesta kale, raysal wasaarihii hore ee dalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa isna heshiiska ku tilmaamay mid sun kusii daraya xaaladda siyaasadeed ee dalka.

"Golaha Wadatashiga Qaran ma waxa uu isku beddelay taliskii Millateriga ee hore...nidaamkii xisbiyada badanna oo la laalay oo hal nidaam xisbi dib loo dhisay, waxa ay sun ku sii daraysaa xaaladda siyaasadeed ee dalka." ayuu yiri Cumar Cabdirashiid

Dhinaca kale, agaasimaha mac-hadka cilmi baarista ee Heritage Afyare Cilmi ayaa isna ka hadlay heshiiska doorashada ee ay kala saxiixdeen golaha wadatashiga qaran.

"Ma sahlanaan doonto in la hirgeliyo Heshiiska NCC. Waa go’aamo waaweyn oo ay gaareen dhowr qof oo madax ah. Madaxda gaartay go’aamadan ayaa laga rabaa inay ku qanciyaan goleyaasha dowladda dhexe iyo golayaasha maamulka-goboleedyada. Mucaaradka iyo bulshada rayadka ah oo aragti ka leh ayaguna waa joogaan". ayuu yiri Afyare Cilmi.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa sheegay go’aanada golaha wadatashigu inay yihiin kuwa lagu laalay dastuurkii Federaalka iyo kuwii Dawlad-Goboleedyadaba iyo dhamaan wixii heshiis lagu ahaa burburkii kadib.

"GOLIHII SARE EE KACAANKA 1969 OO AAN ILKO LAHAYN. Goluhu wuxuu xalay laalay Dastuurkii Federaalka iyo kuwii Dawlad-Goboleedyadaba iyo dhamaan wixii heshiis lagu ahaa burburkii kadib. "Hadday saas u fududahay maxaa 30 sano faraqa laysu haystey?”ayuu yiri wasiir Juxa.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip