
Axmed Karaash oo jawaab ka bixiyey hadalki Xamza ee DAGAALKA Laascaanood
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland AxmedCilmi Cismaan Karaash ayaa ka jawaabay hadalkii ku saabsanaa xaalka Laascaanood ee habeen kahor uu yiri Ra’iisul Wasaare Xamze Cabdi Barre.
Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa hadalkaas ku sheegay in arrimaha ka taagan Laascaanood iyo Boorama aysan u baahnayn colaad iyo dhibaato hor leh ee loo baahan yahay in wixii jira lagu xaliyo wada-hadal iyo wadajir bulsho, islamarkaana ay Somaliland ka saaran tahay masuuliyad gaar ah xal u helidda dhibaatada taagan.
Madaxweyne Karaash ayaa sheegay in Ra’iisul wasaare Xamza aysan marnaba ka fileyn inuu garab istaag u muujiyo shacabka gobollada SSC.
Sidoo kale waxa uu intaas sii raaciyey "Isagana waxay dani ugu jirtaa inuu iskaga aamusnaado sidii looga bartay”.
Hadalka Xamza iyo mid maalmo kahor uu jeediyey madaxweyne Xasan Sheekh oo ku saabsanaa doorasooyinka Puntland ayaa sare usii qaaday xiisadda ka dhaxeysa dowladda federaalka iyo Puntland, ayada oo madaxweynaha Puntland Saciid Deni uu aflagaado ugu jawaabay Xamza.


0 



Axmed Karaash oo jawaab ka bixiyey hadalki Xamza ee DAGAALKA Laascaanood
..