
HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ARBACO 3-DA MAY 2023-KA
Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaq day qiimaha sanadkan lagusoo xajinayo
Raysul wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ku dhawaqey qiimaha Xajka sanadk an, kaddib munaasabad Shalay ka dhacdey Xarun ta Wasaaradda Awqa afta iyo Arrimaha Diinta ee magaalada Muqdisho.
Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, ayaa Raysul Wasaaraha ku sharfey inuu asaga si rasmi ugu dhawaaqo qiimaha xajka ee sanadkan iyo shir kadda diyaaradaha ee ku guuleysatey daabulka xujeyda Soomaaliyeed.
Wasaaradda diinta ayaa soo saartay qiimaha la gu tagayo xajka, qiimahaas oo dhan $4,484, wax aana sida muuqata hoos loo dhigay lacagihii awal xujeyda laga qaadi jiray oo ahayd ku dhawaad shan kun oo dollar.
Wasaaradda diinta iyo awqaafta waxay sheeg tay in tallaabo laga qaadidoono shirkaddii qarash intaan ka badan ka qaada xujeyda Soomaaliyeed.
Illaa 75 shirkadood ayaa ku guulaystay daabul ka xujeyda, kaddib wasaaraddu u qabatay shirk adaha soo dalbaday.
Gudoomiyaha Aqalka Sare Oo Wadaha dal Ga ar Ah La Yeeshay Safiirka Ruush ka
Guddoomiyaga Aqalka Sare ee BJF/Soomaa liya, Md.Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa Shalay xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Ruush ka u fadhiya Soomaaliya Mikhail Golovanov.
Danjire Mikhail Golovanov ayaa ugu horreyn Guddoomiyaha la wadaagagay warbixin ku saabs an halka uu marayao xiriirka labadal, isagoo xusay in dowladda Raashiya Soomaaliya ay u tahay sa axiib dhow oo istaraatiiji ah, kana go’an tahay xooj inta xiriirka labadal iyo iskaashi dhexmara golay aasha Baarlamaanka labada dal.
Dhankiisa, Guddoom iye Cabdi Xaashi C/hi ayaa Danjiraha la wa daag ay xiriirkii soo jireen ka ah oo ay lahaa ye en Soomaaliya Raa shiya iyo sida ay uga go’an tahay Soomaa liya in ay dalalka caalamka la yeelato iskaashi mir adhal ah oo ku dhisan is-qaddarin iyo wax-wada-qabsi aan mugdi ku jirin.
Midowga Yurub iyo Dowladda Sooma aliya oo daah-furay Qorshaha Hawl-gal ka Wadajirka ah ee labada dhinac
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa Shalay daahfuray Geeddi-socod Wad ashaqayneed oo dhabaha u furaya iskaashi cusub oo dhex maraya labada sano ee soo socota.
Mr. Josep Borrell Fontelles oo ah Wakiilka Mad axweyne Ku-Xigeenka Midowga Yurub, ayaa she egay in geeddi-socodka wada shaqayneed uu diirr ada saarayo saddex arrimood oo kala ah, siyaas ada loo dhan yahay iyo dimuqraadiyadda, amniga iyo xasiloonida, iyo horumarinta dhaqaalaha bu lshada. "Midowga Yurub iyo Soomaaliya waxay ja alaha ayeen muddo dheer iyada oo hannaankan loo dhan yahay ee lagu qeexay arrimaha hortabin ta u leh labada dhinac uu tusaale u yahay in iskaa shi geennu miradhal noqonayo. Midowga Yurub iyo Soomaaliya waxay iska kaashanayaan suurto gel inta nabad waarta, amni iyo horumar iyada oo la raacayo nidaam ku saleysan qawaaniinta caal ami ga ah", ayuu yiri Mr. Fontelles.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Ab shir Cumar Haruuse ayaa sheegay heshiiskaan uu kaalin weyn ka qaadanayo in xukuumaddu ku guu laysato qorshayaasheeda ku aadan, dhameystirka dastuurka dalka, iyo horumarinta maxkamadaha.
R/wasaaraha XSS Md. Xamse Cabdi Barre oo hadal ka jeediyey daah-furka ayaa bogaadiyay tall aabadan, isaga oo muujiyay ahmiyadda uu ku fa dhiyo dadaalkan lagu xoojinayo iskaashiga ka dhe xeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub.
Qorshahan wadashaqaynta ah ee Shalay la da ahfuray wuxuu jidka u falayaa xiriir cusub, wuxuu na caddeyn u yahay sida ay inooga go’an tahay in aan iskaashigan uga faa'iideysano si waxtar u leh shaca bkeenna, islamarkaana la xaqiijiyo in faa'I idadiisu gaarto dhammaan muwaadinii nta Soom aaliyeed. Midowga Yurub waa saaxiib la isku hal leyn karo oo aan la leenahay iskaashi dhow, wax aana hubaa in Geeddisocodkan Wadashaqayn eed uu horseedi doono horumar ballaaran oo laga gaaro arrimaha muhiimka u ah dowlad dhis ka, amniga, nabadgelyada, koboca dhaqaa laha iyo daadajinta adeegyada dowladda", ayuu yiri Ra'iisul Wasaare Xamse.
Ku dhawaaqida heshiiskaan ayaa erge yga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Af rika iyo Badda Cas, Annette Weber, wuxuu ku dha waaqday in €20.5 milyan M/Yurub oo uu ku tage erayo miisaniyada cusub JFSee bisha Sebtembar.
Xukuumadda oo daahfurtay tirakoobka dadka iyo guryaha Somaliya
R/W/Kuxigeenka XFS, Md.Saalax Axmed Ja amac ayaa Shalay daahfuray hannaanka tirakoob ka dadka iyo guryaha Somaliya, oo ay soo diyaar isay Waasaradda Qorsheynta & Horumarinta Dha qaalaha, gaar ahaan Hay’adda Qiimeynta Qaran ka (National Statistics Agency).
Barnaamijkan oo socon doona muddo laba sano iyo dheeraad ah ayaa laga fulinayaa dham maan Dowlad Goboleedy ada ka dhisan dalka iyo Gobolka Banaadir, iyada oo dowladda uu ka caawin ayo bixinta adeegyada bulshada, amniga iyo dhaqaalaha.
Raysal Wasaar Md.Saalax ayaa sheegay in mu ddo hadda laga joogo in ka badan 40tan sano ay ugu dambeysay tirakoob lagu sameeyo dadka So omaali yeed, wuxuuna ku ammaanay Hay’adda Qiimeynta Qaranka iyo Wasaaradda Qor sheynta dadaalkooda ku aaddan sameynta hannaanka tirakoobka dadka iyo guryaha Somaliya.
Jenaraal Odawaa oo sheegay in howlgal qor sheysan lagu laayay Ajaaniib ka tirsan Al-sha baab
Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Jen. Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay howl gal ciidamada dowladda ay ka fuliyeen deegaanka Ceel qaboobe in lagu laayay Ajaaniib ka dhinac da gaal amaysay kooxda Al-shaba ab, islamarkaana kuwa kale nolosha lagu qabtay. Taliyaha wuxuu intaasi ku daday in ciidanka xo ogga dalka oo ka war hayay dhaqdhaqaaqa ciidan ka Shabaab iney weerar ku qaadeen deegaankan oo qiyaas ahaan 30 KM u jira degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.
Jenaraalka ayaa sidoo kale xusay in xubnaha Ajaaniibta ah ee la dilay iyo kuwa la qabtay ee ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ay xilligaasi ku guda jireen dejinta iyo daabulidda hubka iyo agab kale oo ay doomo kala soo dagayeen kooxda Shabaab
"Majiro wax khasaare ah oo soo gaaray ciidan ka xoogga, kuwa deegaanka iyo dadka shacabka ah ee halkaasi ka dhawaa, waxaana howlgalka u dhacay si taxadar iyo xog ogaalnimo ah, iyada oo feejignaanta ciidankuna ay aheyd mid sareysa" ayuu yiri Taliye Odawaa Yuusuf Raage.
Wuxuu sidoo kale tilmaamay Taliyaha in ciidan ka ay gubeen gaadiid ay kooxdu ku diyaarisay wa xyaabaha qarxa oo ay doonayeen iney ku dhibaa teeyaan Shacabka Soonaaliyeed.
"Gaadiidka wuxuu ahaa gaadiid xamuul ah oo waxyaaba ay doomo ku keeneen ay kusoo qaade en, waxa ay rabeen inay ku dhibaateeyaan umad da Somaliyeed oo waxaa ku rarna waxyaabaha qarxa oo ay ka mid yihiin baarruudaha TNT loo ya qaan iyo waxyaabaha la midka ah, gaari weyn oo BG ah oo ay alaabtaas ku sideenna waa la gubay ” yuu yiri Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jenaraal Odowaa Yuusuf Raage.
Ciidamo gadoodsan oo xirtay Koontor ool kuyaalla Gaalkacyo
Wararka naga soo gaaraya M/ Gaalkacyo ee Xarunta G/Mudug ayaa sheegaya in Ciidamo ka ti rsan Puntland oo sida ay sheegeen ka gadoodsan mushaar la’aan ay xirteen kantaroolka Waqooyi ee M/Gaalkacyo. Ciidamada oo wata Gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa la heegay inay guud ahaan la wareegeen Koontr oolka Gaalkacyo, halkaas oo ay u diideen in Gaa diidka noocyadiisa kala duwan inay ka gudbaan.
Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Gaadiid ka kala duwan ee xamuulka ay ku xanniban yihiin kantaroolka M/Gaalkacyo, balse halkaas ay ka so coto waan-waan lagu qancinayo ciidanka gadood san inay jidka furaan isla markaana fasaxaan gaa diidka ku xanniban.
Saraakiisha Ciidamada hoggaamineysa ayaa sheegay in muddo dhowr bilood ah aysan qaadan wax mushaar ah, isla markaana Maamulka Puntl and ay ka doonayaan xaquuqdooda, ayna furi do onin wadada ilaa laga siiyo.
Dhowr jeer oo hore ayaa sidaan oo kale Ciida mo katirsan M//mulkaPuntland oo ka gadoodsan mushaar la’aan ay la wareegeen Baro koontorol oo kuyaalla M/yinka Puntland iyaga oo ka gado odsan mushaar la’aan.
DowlaFS oo mar kale 73 Muwaadiniin ah dalka dib ugu soo celisay
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Md. Abshir Cumar Jaamac ayaa garoonka Diyaaradaha Mu qdisho ku soo dhoweeyay 73 muwaadiniin Soom aaliyeed ah, kuwaas oo DFS ay diyaarad gaar ah kaga soo qaadday Dalka Ethiopia.
Muwaaddiniintan ayaa qeyb ka ah dadka Soomaaliyeed ee ka soo baxsaday colaadda dal ka Suudaan, kuwaasi oo soo gaaaray dhanka Ethiopia, halkaas oo ay dowladda Soomaaliya uga soo qaaday diyaarad qaas ah.
Dhowaan ayay ahayd markii in ka badan 100 muwaadiniin Soomaaliyeed laga soo daabukay dalka Ethiopia, kuwaasi oo u badnaa Arday ku xan ibneyd colaadda dalka Suudaan.
Taliyaha Ciidanka Asluubta oo awaamiir culus kasoo saaray Askarta isticmaasha daroogada
Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, General, Mahad Cabriraxaan Aadan ayaa sheeg ay in Askarta isticmaasha daroogada noocyade eda kala duwan uusan ka mid noqon doonin Ciidanka. Taliyaha ayaa amray dhammaan saraakiisha iyo ho ggaannada Ciidanka Asluubta iyaga oo tixgelinaya shuruuda ha Ciidannimo iyo dhaqanka suubban ee looga baahan yahay in ay soo gudbi yaan laba maalin gudahood Askarta isticmaasha daroogada noocyadeeda kala duwan, si ay shaqa da ugu saaraan.
Taliye Mahad ayaa dhinaca kale digniin u jeed iyay saraakiisha qorata dadka eheladooda ah ee aan shaqada iman, kuwaas oo qaata mushaar ay san shaqaysan, isagoo ku tilmaamay caddaalad darro, iyo qiyaano Qaran, wuxuuna sheegay inay tallaabbo cad ka qaadi doonaan dadkaasi.
Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa sheegay in aysan dooneyn in ay qiyaameeyaan Qaranka, wuxuuna ku cel-celiyay in la qaata awa amiirta uu siiyay hoggaannada kala duwan ee Cii danka Asluubta.
Saraakiisha Ciidanka Dowladda oo soo bandh igay Xubno ka tirsan AL-Shabaab
Ciidanka xoogga dalka ee ku sugan aagga de gmada Ceeldheer ayaa sheegay inay nolosha ku qabteen ugu yaraan 2 dagaalame oo AL-Shabaab ka tirsan, kadib dagaal Habeen hore ka dhacay de gaanka Ceel-qab oobe oo hoos tagta D/Xarardheere ee G/Mudug.Xubnaha la soo bandhigay ayaa Saraakiishu sheegeen in Shalay lagu qabtay degaan lagu mag acaabo Howdley oo dhaca inta u dhaxeysa Ceel dheer iyo Xarardheere, kuwaasi oo ka badbaaday howlgal Habeen hore xilli dambe ka dhacay degaa nadaasi.
Dagaalka Habeen hore ayaa yimid ka dib markii sida la sheegay xubno ka tirsan Al-Shabaab ay Is ku dayeen in ay xeebaha G/Mudug kala soo dega an kiimikooyin halis badan oo laga sameeyo wax yaabaha qarxa.
Wasiir Ka Tirsan Dowladda Uganda Oo Lagu Toogtay Magaalada Kampala
Askari ka tirsan ciidamada qaranka Uganda ay aa toogasho ku dilay wasiir uu ilaalo u ahaa. G/le sare Charles Okello Engola oo shaqada ka fadhiistay, oo ahaa wasiir ku xig eenka jinsiga iyo shaqada ayaa la gu toogtay gurigiisa subaxnimadii Shalay.
Ilaa hadda ma cadda in uu mur an dhex maray iyo in kale askariga iyo wasiirka. Goob joogayaal ayaa sheegay in da qiiqado ka dib markii uu toogtay uu askarigu ku waree gay xaafadda isaga oo rasaas hawada u ri dayay, waxaana uu ku qeylinayay inaan la siinin mushaar aadkiisa, Ka dibna uu is toogtay laftgiisa
Wararka ayaa sheegaya in laga yaabo in tiro dad ah ay ku dhaawa cmeen weerarka.
Muuqaalo la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya dadka deegaanka oo goobta isugu yimid iyagoo argagaxsan. Colonel Engola ayaa ho ray u soo noq day wasiir ku xigeenka wasarradda gaasha ndhigga.
Hay'adda Duulista Rayidka oo soo saart ay digniin ku socota Shirkadaha Duulim aady ada gudaha dalka
Hay'adda Duulista Rayidka Soomaaliy eed ay aa soo saartay qoraal digniin ah oo ku socda shir kadaha duulimaadyada guda ha dalka oo cabasha xoogan kasoo gudbiy een rakaabka isticmaala diy aaradaha u kala duula gobolada dalka.
Qoraalka kasoo baxay Hay'a dda Duulista Rayid ka Soomaa liyeed ayaa loogu digay shirk adaha du ulimaadyada gudaha dalka sa meeya ineysan waqti ka badan sadax saacadood aysan ku dhex hayn karin rakaabka term inaalka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Warkaan kasoo baxay Xafiiska Hay'adda Duul ista Rayidka ayaa sidoo kale lagu faray shirkada ha diyaaradaha aysan shacabka balamin karin, iy adoo loo heyn diyaaradii ay raaci lahaayeen ama aan la hubin bad qabka diyaarada safarka u baxe ysa.
Amarkaan kasoo baxay hay'adda Duulista Ray idka ayaa kusoo beegmaya, iyadoo rakaabka So omaalida ah ee u duulaya deegaanada kala duw an ee gobolada dalka waqti aad u dheer lagu dhex haayo terminaalka garoonka Aadan Cadde oo xa ta mararka qaar loo sheego waqti dambe iney ba aqatay diyaaradii ay raaci lahayeen
Ebrahim Raisi oo booqasho taariikhi ah ku tegeya Syria
Madaxweynaha dalka Iran Ebrahim Raisi ayaa maalinta Arbacada ah u safri doona caasimadda dalka Syria ee Dimishiq.
Booqashada Raisi ee Dimishiq ayaa qaadan doonta muddo laba maalmood ah, ayna tahay tal laabo aad u muhiima oo qayb ka ah iskaa shiga sii kordhaya ee gobolku uu la yeel anayo xuk uumada Syria, sida ay baahis ay warb aahinta dawladda Iran.
Danjiraha Iran u joo ga Syria Xuseen Akbari ayaa u sheegay Wakaa ladda wararka ee Iran ee IRNA in safarka uu madaxweyne Dr. Raisi uu ku tegeyo Dimishiq maalinta Arbacada ee soo so cota inuu yahay mid muhiim ah oo la xidhiidha is bedelada ka socda gobolkaas.
Sida ay baahisay wakaaladda wararka ee IRNA, madaxweynaha Iran ayaa hoggaamin doona wefti ballaadhan oo ay qayb ka yihiin ganacsato iyo siy aasiyiin kala duwan. Tehran oo saaxiib dhow la ah madaxweyne Ba shaar al-Asad, ayaa taageero joogto ah u fidina ysay Syria 12-kii sano ee ugu dambeeyey ee ay colaaduhu ka socdeen. Hase yeeshee hore uma dhicin in madaxweyne ka socda Iran inuu dalkaas booqdo tan iyo sannadkii 2011, oo ahayd xilligii uu dagaalku ka bilawday Syria.
Booqashada madaxweynaha Iran uu ku tegeyo Syria ayaa ku soo aadday toddobaadyo kadib markii uu heshiiska taariikhiga ah dhexmaray dalal ka Iran iyo Sucuudiga, oo si weyn isugu haya siya asadda gobolka, taasi oo horseeday inay iridaha u furto in dalalka Carabtu ay dib ula macaamilaan xukuumadda go’doonsanayd ee Syria.
Danjiraha Iran u fadhiya Syria ayaa sheegay in safarkani aanu muhiim u ahayn oo keliya Syria iyo Iran, balse uu yahay mid wax wanaagsan ku soo kordhinaya dalalka kale eek u yaalla gobolka.
Xukuumadda Syria, illaa haatan faah-faahin ka ma bixinin safarkan qorshaysan.
Madaxweynihii ugu dambeeyey ee ka socda dalka Iran ee booqasho ku taga dalka Syria wuxuu ahaa Maxamuud Axmed Najaat, kaasoo dalkaas booqday sannadkii 2010.
Sidoo kale madaxweyne Assad ayaa isagu bo oqday Tehran bishii May ee sannadkii hore, kaasi oo ahaa safarkii labaad ee uu dalkaas ku tago, tan iyo intii uu dagaalku ka bilawday Syria.
Hoggaamiyaha ruuxiga ah ee dalka Iran Ayat ollah Ali Khamenei ayaa sannadkii hore bogaadiy ey xidhiidhka uu dalkiisu la leeyahay Syria, isaga oo ku tilmaamay inuu yahay mid muhiim u ah lab ada dal, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in la xoojiyo xidhiidhkaas weliba sida ugu macquu lsan.
Iran ayaa kalmo militari iyo mid dhaqaale u fidi naysay xukuumadda uu hoggaamiyo madaxwey ne Assad, tan iyo markii uu dagaalku bilawday, iyada oo ciidamo u dirtay Syria kadib codsi ay sheegeen inay ka heleen xukuumadda dalkaas, kuwaas oo ay ku tilShalayy inay yihiin la taliyayal.
Marka laga soo tago Ruushka, Iran ayaa ah saaxiibka ugu weyn ee uu isku halleeyo Assad, kaasi oo la tacaalaya dagaalo sokeeye oo dalkaas ka socda, kaas oo ay ku naf waayeen illaa 500 ,000 oo qof, halka ay ku barakaceen kala badh shacabka dalkaasi.
Baadarigii dadka kula taliyay inay gaajo isku dilaan oo maxkamad la soo saarayo
Kenya
Dhakhtarka cilmi-nafsiga ee Kenya ayaa faah faahin ka bixiyay natiijadii ugu horreysay ee qaar kamid ah meydadka in ka badan boqol dhibanay aal ah oo u dhintay baadari kula taliyay in ay gaajo u dhintaan si ay ula kulm aan ilaahooda.
Johansen Oduor ayaa sheegay in meydadka saga al carruur ah oo ay da'doo du u dhaxayso 18 bilood ilaa 10 sano iyo hawe eney kale la baaray Isniintii Dorraad.
Waxa uu sheegay in meydadkaasi ay ka muu qdaan calaamado gaajo, iyo neefta oo ku xirantay.
Intii kale ee hartay ayaa bishii hore laga soo saaray kayn loogu sameeyay xabaal wadareed, halkaas oo uu hoggaamiyahooda diinta uu kula dardaarmay dadka raacsan inay gaajo u dhintaan si ay jannada u galaan ka hor inta aanay dunidu dhammaan.
Paul Mackenzie, oo ahaa taksiile hore iyo wadaad kale ayaa lagu wadaa in galinka dambe ee Shalay oo Talaado ah ay kasoo muuqdaan maxkamado kala duwan oo Kenya ah.
Madaxweynaha Eritrea oo sheegay inuu doona yo dhex dhexaadinta dhinacyada ku dagaala maya Sudan
Qaxooti reer Sudan ahImage caption: Qaxooti reer Sudan ah Madaxweynaha Eritrea, Isaias Af werki, ayaa sheegay in urur goboleedka Bariga Afr ika ee IGAD ay tahay in mudnaanta koowaad la siiyo, marka laga hadlayo sidii xal loogga gaari lahaa qalalaa saha ka taagan dalka Suud aan.
Waxa uu sheegay in iyadoo xaaladda Suudaan ay tahay arrin walaac leh heer gobol iyo heer caalamiba, oo laga yaabo in dalal gaar ah ay soo gudbiyaan daneyntooda, haddana hindisaha Igad, ayaa shacabka Suudaan ka caaw in kara inay u gudbaan siyaasad cusub oo la jaa nqaadi karta rabitaankooda.
Madaxweynaha ayaa sheegay in loo baahan yahay in si degdeg ah loo soo afjaro colaadda mu rugada leh ee ka taagan dalka Suudaan. Waxa uu intaa ku daray in madaxweynaha dalka Eritrea uu diyaar u yahay inuu ka qeyb qaato dadaal wal iba, si ay wax loogga qabto dhibaatada ka jirta Suudaan.
Isaias ayaa sheegay in dhamaan qeybaha kala duwan ee Eritrea, sida badda, xudduudaha dhulka iyo sidoo kale hawadeeda ay u furan yihiin dadka Suudaan, iyo kuwa kale ee ay saameeyeen dagaa llada haatan socda.
Si kastaba ha ahaatee, waxa uu ku adkaystay in Eritrea aanay doonayn inay hoyga qaxootiga, balse ay diyaar u tahay inay gargaar wax ku ool ah ay siiso dadka reer Suudaan.
Waxa uu sheegay in khilaafka taagan uu yah ay mid ka dhashay Hogaamiyaasha Ciidamada oo ku jira loolan dhanka awooda ah oo aan gudan waajibaadkooda ah in si nabad ah loogu gudbo dowlad la soo doortay.
Mareykanka: "Ruushka hammigii uu ka lahaa Ukraine ma gaarin waana la dhabar jebiyay"
In ka badan 20,000 oo ciidamo Ruush ah ayaa lagu dilay dagaalka Ukraine tan iyo bishii Dece mber, sida uu sheegay Mareykanka.80,000 oo kale ayaa laga dhaawacay, sida uu sheegay afhayeen ka golaha ammaanka qaranka John Kirby.Kala bar ka mid ah dadka dhintay ayaa ka tirsan kooxda Wafner, oo weerar ku qa adeysay magaalada bariga ku taalla ee Bakhmut.
Ruushka ayaa isku dayaya inuu la wareego magaaladan ar tan iyo sanadkii tegay. Xukuum adda Moscow ayaa haatan gacanta ku heysa inta badan Bakhmut, balse ciidamada Ukraine ayaa weli maamula qeyb yar oo galbeedka magaalada ah. Dagaalkan qaraar ayaa muhiimad gaar ah u la haa labada dhinacba.
Saraakiisha Ukraine ayaa sidoo kale sheegay inay dagaalka u adeegsanayaan inay dilaan ciida mo badan oo Ruush ah inta ay awoodaan. Kir by ayaa sheegay in uu dhicisoobay isku dayga Ruushka inuu weeraro gobolka Donbas isagoo ka soo galaya dhanka Bakhmut.
Wuxuu intaa ku daray in lagu qiyaasayo in Ruu shku uu la kulmay khasaaro 100,000 dhimasho iyo dhaawac ciidankiisa ah, ayna ku jiraan in ka ba dan 20,000 oo la dilay.
Khasaaraha ka dhacay Bakhmut waa tan iyo bil lowgii December, sida ku xusan xogta Marey kanka. Kirby ayaa sheegay in ujeeddada warka ay tahay in isku daygii dagaal ee Ruushka la fa shiliyay isla markaana laga raayay kaddib bilooyin dagaal uu socday ayna soo gaareen khasaare aan caadi ahayn. Wuxuu sidoo kale sheegay inuusan ka hadleynin khasaaraha dhanka Ukraine isagoo u aaneeyay inay iyagu yihiin dhibbanayaa sha Ruushka.
BBC-du uma suurtogelin inay si madax banna an u xaqiijiso tiradan halka xukuumadda Moscow-na aysan wax jawaab ah ka bixin.
Qabsashada magaalada ayaa Ruushka u hor seedi karta hadafkeeda ah inay qabsato dhamma anba gobolka Donetsk, oo ka mid ah afarta gobol ee ku taalla bariga iyo koofurta Ukraine ee uu Ru ushku la wareegay bishii September kaddib afti ca mbaareyn caalami ah ay ka dhalatay oo uu same eyay.
Falanqeeyeyaasha ayaa sheegaya inay leedah ay muhiimad istaraatiijiyadeed oo yar, balse ay no qotay mid diiradda u saaran ciidamada Ruushka, oo la daalaa dhacayay inay war wanaagsan u ge eyaan aqalka Kremlin.
Kooxda calooshood u shaqeystayaasha Wag ner oo adeegsada waxyaabo ka baxsna bani’aa dannimada ayaa door dhexe ka cayaaraya tacadd iyada uu Ruushku ka geystay Bakhmut.
Hoggaamiyahooda, Yevgeny Prigozhin, difaa cay sumcaddiisa iyo tan ciidankiisa gaarka ah.
Balse wuxuu dhowaan ku hanjabay in Ciidank iisa uu ka saari doono Bakhmut.
Wareysi dheer oo dhif ah oo uu siiyay weriye ca an ka ah Ruushka, ayaa wuxuu wacad ku maray in Wagner uu ka saari doono haddii wasaaradda gaashaandhigga Ruushku aysan siin hubka ay u baahan yihiin. wuxuu ka digay in dagaal-yahan nada Wagner dib loo geyn doono Mali.
Dhinacyada ku dagaalamaya Sudan oo iney wada hadlaan ku heshiiyey
Volker Perthes
Dhinacyada isku haya Suudaan, ayaa isku ra acay in ay u diraan wakiillo uga qeyb gala wada-xaajood, kuwaasoo laga yaabo inay ku sugan yih iin Sucuudiga, sida uu sheegay wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan dalkaas, Fol ker Bertes.
Bertes, ayaa u sheegay wakaalada wararka ee (AP) isniintii, in wada hadaladu ay marka hore diiradda lagu saari doono sidii loo samayn lahaa xabad joojin la isku halayn karo, oo ay kormeerayaan goobjoogayaal heer qaran iyo caalami ah.
Wuxuu intaa ku daray in labada dhinac ay markiiba magacaabeen wakiiladooda, si ay wada hadalo hordhac ah u yeeshaan.
Bertes, ayaa waxa kale oo uu sheegay in usbuucii lasoo dhaafay uu arkay isbedel dhanka mowqfiyada ay kala taagan yihiin labada dhinac ee dagaalamay, isagoo xusay inay garwaaqsadeen sida ay xaaladu halis u tahay, iyo in guul kasta oo la gaarayo aad u baahan yahay dhaqaale tiro badan.
Macluumaad sugan lagama hayo goorta iyo goobta wada xaajoodku uu ka dhacayo. Sarkaalka Jimciyadda Quruumaha Ka Dhaxeysa ka tirsan, ayaa sheegay in labada dhinac ay ku heshiin doonaan goobta lagu qabanayo shirka.
Mucaaradka Kenya oo dib u billaabaya dibadbaxyada dowladda looga soo horjeedo
Isbaheysiga mucaaradka Kenya ee Azimio ayaa sheegay in ay Shalay dib u billaabayaan mudaa haraadyada ka dhacaya magaalada Nairobi ee ay kaga cabanayaan qiimaha maciishada iyo wax is daba marin la sheegay in lagu sameeyay doora shadii madaxtinimo ee sanadkii hore.
Hoggaamiyaha Azimio ahna Ra’iisul Wasaarihii hore Raila Odinga ayaa waxaa si dirqi ah kaga guuleystay Madaxweyne William Ruto doorashadii dhacday Agoosto sanadkii hore.
Odinga ayaa hakiyay mudaaharaadyada sad dex toddobaad ka hor kaddib markii madaxweyne Ruto uu sheegay in wadahadal lala yeesho mucaaradka.
Odinga ayaa hadda dowladda ku eedeeyay in aysan dhab ka ahayn wadahadallada.
Booliiska dalka ayaa sheegay in aysan og golaan doonin dibadbaxyada cusub, iyaga oo ku sababeeyay rabshado ka dhacay mudaaharaadyo hore oo ay ku dhinteen saddex qof, goobo ganac sina la burburiyay.
Odinga ayaa sheegay 1-dii may in "Booliska aysan horay u go'aansan karin in rabshado dhac aan ka dibna ay sii wadaan joojinta dhaqdhaqa aqyada siyaasadeed ee dastuurku ilaalinayo".
"Taasi waa samayn kalitalisnimo. Waxay ka dhi gan tahay laalista dastuurka. Waan iska caa bineynaa,” ayuu yiri.
Tirada qaxootiga Suudaan oo lagu qiyaa say in ay gaareyso illaa 80,000 iyo Qm oo xal u raadineysa
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay waddo qorshayaal ay kula tacaalayso qaxootiga faraha badan ee ka imaanaya dalka Suudaan, haddii uusan joogsan dagaalka u dhaxeeya dhin acyada iska soo horjeeda.
Tobanaan kun ayaa mar hore u qaxay dalalka dariska ah.
Hase yeeshee saraakiisha Qaramada Midoobay ayaa sheegay in ay isu diyaarinayaan in tirade qaxootiga ay kor u dhaafi karto siddeed boqol oo kun.
Waxay sidoo kale sahminayaan sidii gargaar bini'aadannimo loo gaarsiin lahaa malaayiin qof oo ku sugan gudaha Suudaan.daadgureynta muwaadiniinta Ajaanibta ah ayaa sii socotay, iyadoo boqolaal laga soo qaaday Badda Cas, laga soo qaaday Sudan, lana geeyay Sacuudiga.
MAXAA WAALIDDIINTAN KU KALLIFAY INAY XIRIIRKA U JARAAN CARRUU RTOODA?
Carruur badan ayaa xiriirka u jaray waaliddiintooda kaddib isku dhacyo dhex maray. Way yar tahay waalid xiriirka u jaray carruurtooda– balse way dhacdaa, waxayna noqon kartaa mid ay dhibaato kala kulmaan.
Helen lama aysan hadlin wiilkeeda muddo sanad ah. Markii ugu damb eysay ee ay is maqleen, wuxuu ku jiray xab si. Haatan waa 31 jir, wuxuuna isticmaali jir ay darogada opioids wax ka badan 10 sano.
"Wuxuu isku dayay inuu isoo waco, dab can inuu lacag i weydiisto, kamana qabane ynin,” ayay tiri Helen, oo ku nool England. "Haatan, kaasi waa go’aan quseeya badqab keyga iyo caafimaadkeyga maskaxda.” Iyadoo ah qofka haatan daryeela ga badha uu wiilkeeda dhalay ee ay ayeeyada u tahay, Helen waxay diiradda sa areysaa in gabadhaas ay u xaarto deegaan la jecleysto oo ay ku korto oo ammaan ah.
Helen waxa xusuusataa wiilkeeda inuu ahaa cunug aan edeb lahayn, bal se waxaa weli ku jirta naxariista hooyannimo. Marka, way ku jahwareertay markii, isagoo da’yar, "ay dabeecaddiisa isu beddeshay mid khallafsan uuna bilaabay inuu suuliga isku xiro saacado markiiba”, ayay dib u xusuusatay. "Markii aan weydiiyay, wuxuu ii sheegi jiray inaan aniga ahay qofka waalab, qofka daroogada isticmaala. Mararka qaar, waxaan rabay uun inaan qoslo, wax yaba leh ayay ahayd.”
Markii Helen ay ogaatay inuu isticmaalo daroogada heroin, ma aysan aq oon cid ay kala hadasho. Maalmo ayuu iska maqnaan jiray, isagoo soo laab an jiray isagoo qaba dhaawacyo kala duwan. Markii uu guriga joogay, wuu dhib badnaa. "Weligii ima uusan dilin, balse guriga ayuu jejebin jiray caro dart eed – weli duleel ayaa ku yaalla derbiga,” ayay tiri.
Markii ay shaqada jirtay, waxaa la siin jiray lacag caddaan ah, taasoo ay sheegtay in wiilkeeda uu bilaabay inuu boorsadeeda kala baxo. Kaddib waxay la cagta gashan jirtay jeebka sun ay dhexda ku xiran jirtay. Waxay ho oyadan she egtay inay cabsi dareentay inay la noolaato qof daroogo ay dillo otay kadibna ay billowday inay xiriirka u jarto.
Xiriirka u dhaxeeya waalid iyo ilmo waxaa laga filaa inuu noqdo mid weligii jira – miro-dhal ah, xiriir jaceyl oo sii jiri kara wax walboo dhaca. Si kastaba, waalidd iinta qaar, inay xiriirkan joogteeyaan way ku adag tahay.
Hellen
Waxaa muddooyinkii dambe soo batay arrimaha la xiriira carruur joojiyay inay la hadlaan waaliddiintooda. Haddana dhanka kalena way dhacdaa, xitaa haddii ay yar tahay. Daraasad la sameeyay sanadkii 2015
ayaa muujineysa in 5% ay waaliddiintu iyaga xiriirka u jareen carruurtooda.
Go’aanka ayaa ah mid adag oo xa nuun badan, kuwa la kulmayna waxay sheegeen in arrintan ay dhif tahay dar teed ay ka dhigeyso mid aan laga had lin.
‘Jaceyl bilaa shuruud ah wuxuu noqo n karaa mid dhib bad an’ "Marka la eego labadaba baaritaanka iyo dhaqanka caa diga ah, in yar baan maqalnaa waaliddiinta oo xiriirka u jaray carruurtooda sa babtoo ah waa wax laga xishoodo, waxaana jira meelo yar oo looga hadli ka ro oo aa need lagu saareyn,” ayay tiri Lucy Blake, oo ah bare sare oo cilmu-nafsiga ka dhigta Jaamacadda West England, Bristol.
Sababaha ay waaliddiintu xiriirka ugu jaraan carruurtooda waxay la mid yihiin kuwa ay carruurtu ugu jaraan waalidkooda. Kuwa ugu badan sida ay Lucy qab to waa isku dhacyada qoyska, kala aragtiyo duwanaanshaha sha khsiyadeed sida diinta, daroogada iyo dabeecado kale oo khallafsan.
waalid
Mararka qaar, sida Helen, go’aanka xiriirka lagu jarayo waxaa gaara hal dhinac. Balse waxa sababay arrintaas ayaa noqon karta mid kala duwan.
Jack, oo ku nool Mareykanka, waxay xaaskiisa is qabeen ku dhowaad 20 sano, markaas oo ay afar carruur ah isu dhaleen. Markii ay kala tagayeen, gabadhooda ugu yar waxay ahayd hal sano jir. Markii ay xaaskiisa mar kale guursatay, wuxuu sheegay, in gabadhiisa yar ay jaceyl badan tus tay adeerkeed hooyadeed qaba in ka badan intii ay tusi lahayd aabbaheed – markii ay weynaata yna, kama ay heli jirin inay waqti la qaadato Jack.
Jack ayaa sheegay inuu gaaray heer uu sii wado waayo la kulanka gaba dhiisa mar ay 14 jir ahayd. Kaddib isku dhac dhanka xayiraadda Co vid ah, waxay Jack u sheegtay inaysan jecleysan inay maalmaha fasaxa la qaad ato isaga, waxayna wacday hooyadeed oo ay ka codsatay inay u kaxayso xaflad ay u socotay. "Waxaan la xiriiray xaaskeygii hore si aan ugu sheego in [gaba dhe yda] aysna markan dooneyn inay waqti ila qaadato, haddii taasi ay is be ddesha na aan soo dhoweyn doono,” ayuu yiri Jack. Ma eedeynayo gabadhii sa inay si daa sameyso, balse tan iyo waagaas war kama hayo.
Inkastoo ay gabadhiisa mar horeba xiriirka u jartay Jack ma dareemin inay wanaagsan tahay in marka hore uu xiriirka soo celiyo. "Marba markuu waqti fog ka soo wareego uma baahan inaan soo celiyo xiriirkan. Waxay iila mid tahay dhim asho, waanan ka gudbay,” ayuu yiri. "Marxaladdan nolosheyda, markaan eego xiriirrada aan ku raaxeysanayo ee aan heysto, waxaan ka sha kisanahay inaan u baahanahay soo celinta xiriirkeeda,” ayuu yiri.XIGASHO:-XIGASHO:-BBC
MAALINTA CAALAMIGA AH EE XORIYADDA SAXAAFADDA
Maanta oo ku began 3-da May waxaa dalalka caalamka oo dhan ay u dabbaal degayaan xuska maalinta xoriyadda saxaafadda oo ah maalin loogu talagalay in lagu muujiyo kaalinta saxafiga iyo xaqa ay u leeyihiin in cid kasta ay gacan ku si iso habsami u socodka howlaha warbaahinta iyo guud ahaan badqabka qeybaha shaqalaha ee ururada saxaafadda. 3-da May waa maalin caalami ah oo loo aqo onsaday xoriyadda saxaafa dda ,iyadoo la eegayo baaqa Qaramada Midoobay ee Xuquuqul Insaan ka,gaar ahaan qodobka 19-aad ee soo baxay 1948-dii,kaas oo dhigaya ilaalinta xaqa ay dadku u leeyihiin Xorriyatul-qawlka. Ujeedka guud ee xuskaan ayaa ah sidii kor loogu qaadi lahaa wacyiga ku saabsan muhiimadda xorriyadda saxaaf adda iyo in dawladaha la xasuusiyo waa jibaadka ka saaran dhawrista iyo ixti raamka saxaafiyiinta.Iyadoo laga ambaqaadayo kaalinta dow ladaha ee ay ku leetihiin bad qabka saxaafiga, sanad kasta waxaa la qabtaa shir ay soo abaabulaan hey’ adda UNESCO ee Qaramada Midoobay ,kaas oo looga hadlo qodobo la xir iira xorriyadda saxaafadda, gaar ahaan maamul-wanaagga iyo doorka war baahinta ay ku leeyihiin la shaqeynta dalalka ka soo kabanaya colaadaha.
Haddaba, Dalka Soomaaliya waxa uu ka mid yahay wadamada maanta u dabb aaldegay xuska maalinta xoriyadda saxaafadda oo mabd’a ahaan ka dhigan in si wadajir ah codka iyo ra’yiga loogu gudbiyo nuucyada warbaahin ta wax daabaca iyo kuwa kale ee elektarooniga ah.
Xuskaan waa mid loogu talagalay in lagu eego horumarka wanaagsan ee ay ku tallaabsadeen suxuufiyiinta iyo guulaha wax ku oolka ah ee ay ka soo hooyeen meelmarinta nidaamka shaqo ee ay u hayaan bulshada.
Saxaafadda waa muraayad laga daawado horumarka dalka,sidaad daraa de ed, warbaahinta Soomaaliya ee ka howlgasha gudaha,waxaa sanadihii u dambe eyay ay ka qeybgaleen dadaalada hordhaca ah ee loo galay geedi so codka nab adda ,dhismaha dalka iyo rajo soo celinta umadda.
Horumarka wanaagsan ee xilligaan ka muuqda saxaafadda Soomaaliya, ,wa xa uu saaciday in bulshada Soomaaliya, ay heleen saxaafad xor ah oo ay ku gudbin karaan fikradaha isdiidan,kuwa wax dhisaya iyo kuwa kale ee lagu dhaliilo madaxda iyo hogaamiyaa sha dalka.
In lagu shaqeeyo dhexdhexaadnimo waa sida kali ya ee lagu ilaalin karo xoriyadda saxaafadda,waxaana waajib ah in suxuufiga waxa uu gudbinaayo uu ku eego isha dhabta ah,si meesha looga saaro is-qabqabsi iyo hoos u dhac kale oo wiiqa shaqadii warbaahinta .
Ogoow saxaafaddu waa adeeg loo isticmaali ka ro laba waji ,cid ayaad ku dulmin kartaa, marna wax ay aad ku dhisi kartaa ,sidaa aawadeed.ha ku sifoobin aalad ay adeegsadaan dadka fidno abuurka ah ee u taagan fulinta dano gaar ah iyo kuwo shisheeye.
Isku day in aad u hiiliso cid kasta o u taagan dhismaha dowlad xilkeedu yahay soo celinta amniga iyo karaamadii ay lahaayeen dadka iyo dalka,kana fogoow in aad qeyb ka noqoto hardanka siyaasadeed ee u dhaxeeya ma daxda ama dhinacyada kale ee ishaya.
Si loo gaaro xoriyad buuxda oo dhanka saxaafadda ah,waxaa lama hur aan ah in dowladda iyo madaxda shirkadaha warbaahinta ay u howlgalaan sidii tababarro aqoon kororsi ah loo siin lahaa shaqaalaha qeybaha war baahinta.
Anagoo ka faa’ideysaneya fursadda munaaasabaddaan ,waxaan halkaan dha mbaal hambalyo ah oo ku aadan xuska mmaalinta xoriyadda Saxaafadda Dun ida,aawgeed, u direynaa suxuufiyiinta caalamka,gaar ahaan shaqaalaha Soomaal iyeed ee ka howlgala qeybaha warbaahinta dalka.Gabagabadii, wax aan u rajey neynaa shaqaalaha iyo maamulada qeybaha Saxaafadda in
ay halkaasi ka sii wadaan howlaha culus ee ay u hayaan umadda.
XIGASHO:- SONNA
BOGGA CIYAARAHA
WARBIXIN:-Maxaan Ka Bara nay Bar-Barihii Uu Xulka Qaranka Somaliya La Galay Xulka Congo ee Xalay
xulka qaranka somaliya ee 17 jirada ayaa bar-baro la galay dhigooda congo kulan ka tirsanaa wareega group-yada koobka africa ee 17 sano jirada.
Xulka Somaliya ayaa si weyn uga ciyaar fiicnaa kulankii hore ee ay la ciyaareen Algeria waxana ay ahaayeen kuwo soo bandhigay qaab ciyaareed aad u fiican.
Wiilasha Somaliya ayaa wax walba u sameeyay sidii ay guul ugala bixi lah ayeen kulanka waxana ay sameeyeen fursado waali ah oo cajiib ah.
Laakiin wali waxa ka maqnaa dhamaystirka fursadaha taas oo ahayd dhibataada ugu weyn ee ay dareemayeen xiddigaha xulka qaranka Somaliya. Warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa sababtii uu xulka Qaranka Somaliya guul uga gaa dhi waayay kulanka:
1.Wali Koox Ahaan Uma ciyaarayaan:
Xiddigaha xulka Somaliya ayaa wali si shaqsi ah u ciyaaraya gaar ahaan marka ay hor tagaan goolka kooxda ka soo hor jeeda ee ay tahay in ay dhamaystiraan fur sadaha.
Waxa aan aragnay marar badan oo ay xiddigaha xulka Somaliya goolka la hor tageen kubada laakiin halkii ay baas ciyaari lahaayeen si ay uga midho dhaliyaan fursadaha ayay isku dayayeen in uu xiddig walba farsamo ku dhaafo daafaca Congo isla markaas dhaliyo goolka.
2.In Ayna Xiddigaha Somaliya Lahayn awood jidh ahaaneed:
Waxa si cad u muuqatay in xiddigaha xulka somaliya ayna taam u ahayn dhinaca jidhka marka loo bar-bar dhigo dhigooda Congo, taas ayaa cadaatay marar badan iyada oo xiddigaha xulka Congo ka awood badnaayeen xiddigaha xulka Somaliya.
Taas ayaa imanaysa in ayna xiddigaha xulku helin tababar aad u badan sida uu xaqiijiyay tababaraha xulka qaranka oo sheegay in uuna xiddigaha u helin wakhti aad u badan oo uu sameeyo tababar ka hor bilowgii tartanka.
Isku soo wada duuboo xulka Somaliya ayaa ahaa kuwa fiican, ka fursad Abuuris badan xulka Congo laakiin waxa uu nasiibku u diiday in ay 3-da dhibcod kala baxaan kulanka.
3.Waxyaabaha Kale ee Aan Ka Baranay:
In xiddigaha da’yarka Somaliya sharaf u soo hooyeen kubada cagta Somliyed marka la eego qaab ciyaareedka cajiibka ah ee ay ku soo bandhigeen kulan ka inkasta oo ay wali bilaa guul yihiin hadana waxa aan rajaynaynaa in ay kulan ka xiga guul ka gaadhaan xulka Senegal.
DALKA UGU DADKA BADAN CAALAM KA: NAXDIN MIYEY U TAHAY MISE FARXAD?
Caruur saf ugu jirta tababarka Yoga- Chennai XIGASHADA SAWIRKA,AFP
Tirada dadka Hindiya ayaa gaadhay 1, 425,775,850 qof, taas oo kor u dhaaftay tirada dad ka ku nool dhul weyna ha Shiinaha, sida ay sheegtay QM.
Tirakoobka Hindiya oo la qorsheeyay in la qabto sannadkii 2021 ayaa dib loo dhigay, mana jirto xog rasmi ah oo ku saabsan tirada dadweynaha Hindiya. Tirakoobkii ugu dambeeyay ee Shiinaha waxa la sameeyay sannadkii 2020.
Si loo qiyaaso sawirna looga bixiyo tirada dad ka Hindiya iyo Shiinaha, Qaramada Midoobay wax ay ku tiirsan tahay macluumaadka ku saabsan he erarka iyo isbeddellada dhalmada, dhimashada iyo socdaalka ee laga helay diiwaannada, sahann ada iyo xogta maamulka.
Waxaa cad in Hindiya iyo Shiinaha labaduba ay haystaan in ka badan 1.4 bilyan oo qof midki iba, todobaatankii sano ee lasoo dhaafay waxay tir ada la isku daray ee labadan dal ka badneyd sad dex meelood meel ka mid ah dadweynaha caal amka.
Tirada dadka Shiinaha ayaa loo badaniyaa inuu hoos u dhac ku yimaado sanadka soo socda. San nadkii hore, 10.6 milyan oo qof ayaa dhashay, tan oo wax yar ka badan tirada dhimashada, taas oo ay ugu wacan tahay heerka dhalmada oo si degd eg ah hoos ugu dhacay. Sida laga soo xigtay QM, tirada dadka Shiinaha ayaa sii ahaan doonta mid hoos u dhacda, waxayna hoos ugu degi kartaa hal bilyan oo qof ka hor dhammaadka qarnigan.
Heerka taranka Hindiya ayaa sidoo kale aad ho os ugu dhacay tobannaankii sano ee la soo dhaaf ay taas oo ahayd dhalmo 5.7 ah halkii qof ee du mar ahba, halka Shalay ay ka tahay laba caruur ah halkii haweeney, laakiin heerka hoos u dhaca ayaa ahaa mid gaabis ah. Dadka Hindiya waxaa laa saadaalinayaal in tirada dadkiisu ay sii kordha yaan dhowr iyo toban sano, Q/M-na waxay filays aa in tiradu ay sii kor orto marka la gaaro sannadka 2064, ka di bna si tartiib tartiib ah hoos ugu soo dhac do. Haddaba maxay ka dhigan tahay in Hindiya ay ka sare marto Shii naha oo ah wadanka ugu dadka badan addunka?
Shiinuhu wuxuu hoos u dhigay cadadka dad kiisa in ka badan Hindiya Garaaf muujinaya kobo ca tirada dadka Hindiya tan iyo 1950 kii
Qoraalka sawirka,
Garaaf muujinaya koboca tirada dadka Hindiya tan iyo sannadkii 1950 kii Shiinaha ayaa hoos u dhigay heerka kobaca dadweynaha qiyaastii kala badh 2% sanadkii 1973 ilaa 1.1% 1983kii.
Cilmi-baarayaashu waxay sheegeen in arrintan inteeda badan lagu gaarey iyada oo lagu xad gud bey xuquuqul insaanka laba qorshe oo kala duwa n oo lagula talinayey in lamaanuhu dhalaan hal il mo oo kaliya iyo guurka oo la dib dhigo, muddada u dhexaysa dhalmada labada da’ood iyo yareynta dhalmada ayaa loo aaneynayaa hoos u dhaca tir ada guud ee dadka Shiinaha.
Maalgelinta caafimaadka bulshada iyo koboca waxbarashada haweenka iyo ka qayb qaadasha da shaqada iyo waxyaabo kale, ayaa sidoo kale qayb ka qaatay hoos u dhaca dhalmada.
Dadka Hindiya waxay saddex jibaarmeen lixd ankii sano ee xorriyadda ka dib - laga soo bilaabo 361 milyan oo qof sannadkii 1951 ilaa in ka badan 1.2 bilyan oo uu gaaray sannadkii 2011.
Kobaca tirada dadku hoos ayey u socotaa
Hindiya waxay la kulantay koror degdeg ah oo dad weyne – ku dhawaad 2% sanadkiiba – oo inta ba dan dhacday qaybtii da mbe ee qarnigan. Mud do ka dib, heerka dhima shadu hoos ayay u dha cday, rajada nolosha ay aa kor u kacday, dakh liga dhaqaaluhuna kor buu u kacay. Dad badan - gaar ahaan kuwa ku nool magaalooyinka - waxay heleen biyo nadiif ah oo la cabbo iyo iyo nidaamya da bulaacadaha lagu qaado oo casri ah. "Hadda ba heerka dhalashadu aad bay u sarraysay," ayuu yidhi Tim Dyson, oo ah cilmi-baare ka tirsan Dugsi ga Dhaqaalaha ee London.
Hindiya waxay bilawday barnaamijka qorsheyn ta qoyska sannadkii 1952 waxayna dejisay siyaas adda dadweynaha markii ugu horreysay sannadku markuu ahaa 1976, oo ku beegan wakhtiga Shiina ha uu ku mashquulsanaa dhimista heerka dhala shada.
Laakin madhalaysnima la isku qasbayo ee mala ayiin qof oo sabool ah oo ku jiray barnaamijka xa maasadeysnaa ee qorshaynta qoyska intii lagu jir ay xaaladdi degdegga ahayd ee sannadkii 1975 - markii xorriyadda madaniga ah la hakiyay - waxay keentay dib u dhac xagga bulshada oo ka dhan ah qorsheynta qoyska. "Hoos u dhaca dhalmada Hin diya ayaa ka xawaare sarreyn lahayd sidaas, had dii aysan xaalad degdeg ah dhicin iyo haddii siya asiyiintu talaabo ka qaadi lahaayeen. Waxa kale oo ay la macno tahay in dhammaan dawladihii xig ay ay si taxadar leh ula dhaqmeen marka ay timaa do qorsheynta qoyska," ayuu yiri Prof Dyson.
Wadamada Bariga Aasiya sida Koonfurta Korea, Malaysia, Taiw an iyo Thailand, kuwa asoo bilaabay barnaa mijyada dadweynaha wax badan kadib Hindiya, waxay gaadheen heerar hoose oo taran ah, waxayna kor u qaadeen dakhli ga iyo horumarinta bini'aadamka ka hor inta aanay sidan sameynin Hindiya.
Hindiya wax cabsi ah kama qabto badashada dadweynahaDhammaan heerka koboca taranka dadka diimaha kala duwan kasoo jeeda ayaa hoos u dhacayQoraalka sawirka,
Dhammaan heerka koboca taranka dadka diimaha kala duwan kasoo jeeda ayaa hoos u dhacay
Hindiya waxaa ku darsamay in ka badan hal bilyan oo qof tan iyo markii ay xornimada hesha ysannadkii 1947, waxaana la filayaa in dadkeedu ay sii bataan ilaa 40 sano oo kale.
Markaa Hindiya oo leh dad ka badan Shiinaha hadda muhiim uma aha "wax cabsi geliya", ayay yiraahdeen cilmi-baarayaashu.
Kor u kaca dakhliga iyo horumarinta helitaanka caafimaadka iyo waxbarashada ayaa ka caawiyay haweenka Hindida inay dhallaan carruur ka yar sid ii hore, taasoo si wax ku ool ah u toosisay qalooca ko baca. Heerarka taranka ayaa hoos u dhacay – laba dhalasho haweenaydiiba 17 ka mid ah 22 gobol iyo dhulalka uu federaalku maamulo.
Heerarka dhalmada ee dhammaan diimaha ay dadka Hindiya haystaan ayaa hoos u dhacay, mar ka loo eego xogta rasmiga ah.
Hoos u dhaca heerarka dhalmada ayaa aad uga dhaqso badnaa koonfurta Hindiya marka loo eego waqooyiga dadka badan. "Waa wax laga xumaado in wax badan oo Hindiya ka tirsan aysan ahaan karin sida koonfurta Hindiya," ayuu yiri Prof Dyson. "Wax walba oo siman, korodhka degdega ah ee dadweynaha qaybo ka mid ah waqooyiga Hindiya ayaa hoos u dhigay heerarka nolosha" XIGASHO:-BBC
DIGNIIN: "MASHIINNADA CAQLIGA MACMAL KA LEH DHOWAAN WAY NAGA CAQLI BADAN DOONAAN”
Nin loo arko inuu yahay aabbaha mashiinnada caqliga macmalka leh (AI) ayaa isaga tegay shaqadiisa, isagoo ka digay khatarta sii kordheysa ee horumarrada laga gaarayo aaladaha casriga ah.
Geoffrey Hint on, oo 75 jir ah, ayaa warqad uu u diray New York Times ku dhawaaqay inuu ka tagay shirkadda Google, isa goo sheegay inuu haatan ka shallaynayo shaqadiisa.
Wuxuu BBC-da u sheegay in qaar ka mid ah khataraha mashiinnadan ay yihiin kuwo "xoogaa cabsi leh ". "Haatan, nagama caqli badna, inta aan sheegi karo. Balse mar dhow laga yaabee."
Dr Hinton ayaa sidoo kale garwaaqsaday in da’ diisa ay door ku leedahay go’aanka uu shaqada kaga tagay shirkadda, sida uu u sheegay BBC:
"Waxaan ahay 75 jir, marka waa waqtigii aan howlgab noqon lahaa."
Baaritaanka Dr Hinton ee daraaseynta qotada dheer iyo sida ay aaladahan u shaqeeyaan ayaa waddada u xaaray hannaanka mashiinnada macmalka ee haatan la isticmnaalo.
Balse ninkan cilmu-nafsiga ku takhasusay ahna saynisyahan kumbiyuutar, una dhashay dalka Britain ayaa BBC u sheegay in mashiinnadan ay dhowaan la wareegi doonaan heerka warbixin ee ay maskaxda bani’aadamku keydin karto.
"Haatan, waxa aan arkeyno waa waxyaabaha si da GPT-4 ay uga aqoon badiso qofka.
Marka la eego dhanka sababeynta, sidaasi uma fiicno, balse haat anba xoogaa sababeyn ah ayay sameysaa.
"Marka la eego heerka horumarka, waxaan fileynaa inay arrimuhu dhaqsi isu beddelaan.
Marka wax aan u baahannahay inaan taas ka walwalno."
Maqaalka lagu qoray New York Times, Dr Hinton wuxuu tilmaamay "dad xun" oo mashiinnadan u adeegsan doona "waxyaabo xun".
Marka ay BBC ka codsatay inuu arrintan iftiimiyo, wuuxu ku jawaabay:
"Tani waa waxa ugu xun ee dhici kara. "Waad qiyaasi kartaa, tusaale ahaan, dad xun sida [Madaxweynaha Ruushka Vladimir] Putin ayaa go’aansaday inuu mashiinnada macmalka ah siiyo awoodda ay ugu sameeyaan hadafyadooda hoose."
Saynisyahanka ayaa ka digay in tani ay muddada dheer abuuri karto "abuur hadafyada hoose sida 'Waxaan u baahanahay inaan helo awood dheeraad ah".
Wuxuu intaa ku daray: "Waxaan ogaaday in mashiinnada macmalka ee aan soo saareyno inay aad uga duwan yihiin kuwa aan heysanno.
"Annaga hannaankeenna wuxuu ku dhisan yahay bayoloji kuwaanna waa casri ama digital.
Marka farqiga ugu weyn ee u dhaxeeya waa in kuwan digital-ka laga sameyn karo nuqullo badan.
"Nuqulladaanna si kala gaar ah ayay wax u baran karaan balse degdeg ayay aqoontooda u wadaagi karaan.
Marka waa sida adiga oo heysta 10,000 oo qof oo qof walba uu bartay wax gaar ah, haddana qof walba waxaas gaarka ah wuuba sii ogyahay, taasina waa sababta ay nooga caqli badin karaan."
Wuxuu carrabka ku adkeeyay inuusan dooneyn inuu cambaareeyo Google isla markaana shirkaddan ay tahay mid "aad u mas’uuliyad badan".
"Waxaan runtii doonayaa inaan waxyaabo wana agsan ka iraahdo Google." Ayuu yiri
.XIGASGASHO:-BBC


0 



HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ARBACO 3-DA MAY 2023-KA
..