Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey oo Martin Griffiths u diraya dalka Suudaan

0
in Wararka by
  • Visits: 136
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey oo Martin Griffiths u diraya dalka Suudaan

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa Kaaliyihiisa Arrimaha Bani’aadanimada ku wargeliyay in uu u socdaalo dalka Suudaan, si wax lagaga qabto xaaladda bani’aadanimada ee ka sii dareysa, kana jirta dalkaasi.

Stephane Dujarric, Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay in Xoghayuhu uu ka walaacsan yahay xaaladda Suudaan, sidaasina uu ugu dirayo Martin Griffiths.

"Miisaanka iyo xawaaraha waxa ka socda Suudaan, waa wax aan horey loo arag, oo uga dhicin, marka la eego dhibaatada bani’aadanimo ee sida xowliga ah uga sii dareysa.” Ayuu yiri Stephane Dujarric oo intaa ku daray "Waana sababta uu António Guterres ugu dirayo gobolka.”


Martin Griffiths, Madaxa Gargaarka Bani’aadanimada ee Qaramada Midoobey ayaa xaaladda Suudaan ku qeexay mid faraha ka sii baxeysa.

"Tan iyo markii ay iska horimaadyadu ka qarxeen Magaalada Khartoum iyo meelo ka mid ah dalka, xaaladda bani’aadanimada ayaa gaartay meel xun.” Ayuu yiri Martin Griffiths.

Waxa kaloo uu yiri "Agabyada laga ma maarmaanka u ah badbaadada dadka ayaa ku sii yaraanaya xarumaha ugu daran ee magaalooyinka, gaar ahaan Khartoum, qoysaskuna waxay la halgamayaan, sidii ay u heli lahaayeen biyo, cunto, shidaal iyo badeecooyin kale oo muhiim ah. Qiimaha gaadiidka ee ka baxaya meelaha ay dhibaatadu ka jirto ayaa aad kor ugu kacay, taas oo ka dhigeysa kuwa ugu nugul in ay helaan goobo ammaan ah.”

Warsaxaafadeed uu goor dambe oo xalay ahayd soo saaray ayuu ku sheegay "Helitaanka daryeel caafimaad oo degdeg ah, oo ay u baahan yihiin kuwa ku dhaawacmay rabshadaha ayaa si aad ah u xadidan, taasoo kor u qaadeysa khatarta dhimashada laga hortagi karo. Waxyeelada caafimaadka maskaxeed ee carruurta iyo dhallinyarada, waa mid aan la qiyaasi karin.”

Martin Griffiths ayaa sheegay in dhaca xoogan ee lagu hayo sahayda gargaarka ay caqabad ku noqotay dadaalada lagu caawinayo dadka rayidka ah, ee ay ka sii dhammaanayaan biyaha, cuntada iyo waxyaabaha kale ee aasaasiga u ah nolosha.

"Bililiqo baaxad leh oo loo gaystay xafiisyadii iyo bakhaarradii hay’adaha samafalka ayaa inta badan curyaamiyay sahaydeenna, waxaana raadinaynaa habab kale oo degdeg ah oo sahayda lagu keeni karo, si aan u bixino kaalmo dheeri ah. Qaramada Midoobey iyo la hawlgalayaasheena ayaa ku dadaalaya, sidii aan dib ugu bilaabi lahayn wax ka qabashada xaaladda bani’aadanimo ee dalka.” Ayuu yiri Griffiths.

Griffiths ayaa yiri "Codsiga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, waxaan u socdaa gobolka si aan u soo indha-indheeyo, sidii aan gurmad degdeg ah ugu samayn lahayn mallaayiinta qof ee noloshooda ga’doontay hal habeen.”

Griffiths ayaa ugu baaqay dhinacyada dagaalamaya "Si kastaba ha ahaatee, xalka muuqda ee dhibaatadan looga gudbi karo ayaa ah in dagaalka la joojiyo.”

Griffiths ayaa intaa raaciyay "Fariintayda ku socota dhinacyada waa mid aan mugdi ku jirin, waa in la ilaaliyo shacabka iyo kaabeyaasha rayidka. Hubi dadka rayidka ah ee ka cararaya goobaha colaadaha inay maraan marin nabdoon, xushmee shaqaalaha iyo hantida bani’aadanimada, aadna fududeysaan howlaha gargaarka, waana in la ixtiraamo shaqaalaha caafimaadka, gaadiidka iyo tasiilaadka kale, oo jooji isticmaalka aad u adeegsaneyso sida gaashaanka.”



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip