Senator Cabdiraxmaan Faroole oo uga digay madaxweyne Deni in uu dastuurka Puntland furo
Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, ahna sanator katirsan qalka sare ayaa uga digay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, inuu furo dastuurka maamulkiisa.
Cabdiraxmaan Faroole oo hoggaamiye ka ah urur siyaasadeedka mucaaradka ee Horseed, ayaa sheegay in ay caaqib xumo ka dhalan karta furitaanka dastuurka Puntland, isagoo sheegay in Puntland ku sugan tahay marxalado siyaasadeeed oo xasaasiya.
Faroole wuxuu sheegay in aanay xilligan jirin daruufo aan laga fursan karin oo qasbaya in dastuurka la furo.
Madaxweynihii hore Puntland wuxuu Deni ku eedeeyay inuu danaha sii joogitaanka kursiga madaxweynaha awgeed u doonayo inuu dastuurka u furo, si uu wax uga beddelo qodobo damaciisa ka hor imaanaya.
Hadalka Faroole ayaa kusoo aaday, iyadoo ay soo baxayeen warar sheegaya in madaxweyne Deni uu dhawaan isugu yeeray ururada siyaasadda, isagoo kala hadlay in dastuurka la furo, si ururada kusoo baxaya doorashooyinka dowladaha hoose looga dhigo shan.
Halka dastuurka uu qorayo saddex urur siyaasadeed.
Deni ayaa lagu eedeeyay inuu ka damacsan yahay qorshahan, in shanta urur siyaasadeed ay go'aamiyaan nuuca doorasho ee 2024, ama in muddo kororsi ay u sameeyaan maamulkiisa, arrintaas oo siyaasiyiinta mucaaradka aad uga soo horjeedaan.
Senator Cabdiraxmaan Faroole oo uga digay madaxweyne Deni in uu dastuurka Puntland furo
Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, ahna sanator katirsan qalka sare ayaa uga digay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, inuu furo dastuurka maamulkiisa. Cabdiraxmaan Faroole oo hoggaamiye ka ah urur siyaasadeedka mucaaradka ee Hors