HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PEPAR EE MAANTA OO AH ISNIIN24-KA ABRIIL 2023-KA

0
Monday April 24, 2023 - 08:54:13 in Wararka by
  • Visits: 582
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PEPAR EE MAANTA OO AH ISNIIN24-KA ABRIIL 2023-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Madaxweyne Xasan Oo Odayaasha Beesha Gaaljecel Kala Hadlay Sidii Shabaab Looga Saari Lahaa Jubaland

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah aqalka madaxtooyada kula yeeshay Odayaal ka soco tay beesha Gaaljecel oo uu hormuud u ahaa Ug aaska guud ee beesha Gaaljecel Ugaas Cabdir axmaan Ugaas Uabdulaahi Ugaas Muxumad.

Sida wararku sheegayaan, kulanka oo ahaa mid ay albaabada u xirnaayeen waxaa diirada lagu saaray dhowr qodob oo ay ugu muhiims aneyd sidii beesha door muuqata uga qaadan leheyd dagaalka Shabaab ka dhanka ah, si ga ar ah sidii kooxda furin dagaal looga furi dhanka Jubaland oo ay beesha deegaano dhowr h ka degto.

Odayaasha ayaa soo dhaweeyay baaqa ma daxweynaha, iyagoo balanqaaday iney abaabuli doonaan dadka deegaanka iyo ciidanka beesh ooda, si ay Shabaab uga saaraan deegaanada beeshasi ka dagto Jubaland oo ay kamid tahay duleedyada magaalada Kismaayo.

Kulanka waxaa sidoo kale looga hadlay taba shooyin beeshan ay ka qabto xuquuqo uga maq an dowladda oo ay xilal ku jiraan iyo in deegaan adooda Hiiraan aan Shabaab laga saarin, taa soo madaxweynaha balanqaaday in si hoose loo eegi doono.

Arrintan ayaa timid kadib markii madaxweyn aha Jubaland uu si cad u diiday in Kun askari oo ciidamadii laga keenay Eritrea la geeyo Kis maayo, dowladda ayaa qorsheyneysa iney qa ado guluf Shabaab looga saarayo gobolka Jubb ada Dhexe, iyadoo la dhinac marayo Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ayey siyaasiyiin iyo saraak iil deegaankaasi ah ku dhaliileen inuusan diyaar u eheyn in la qabto gobolka Jubbada Dhexe oo dhamaantiisba ay Shabaab maamusho, taasoo ay sabab uga dhigayaan iney hoos u dhaceyso saameyntiisa.

Duqa Muqdisho oo faahfaahin ka bixiyay mu qaal laga duubay oo si weyn u qabsaday baraha bulshada

Gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Mu qdisho Yuusuf Xuse en Jimcaale Madaale ay aa sharaxaad ka bixiyay muqaal si weyn baraha bulshada u qabsaday saacadahii lasoo dhaa fay. Muqaal ka ayaa muujinaayay guddoomiyaha go bolka Banaadir oo ul ku garaacaya dhalinyaro isugu jir tay wiilal iyo gabdho ku wada sugnaa goob ku taala xebta liido oo la tilmaamay in lagu tunto

Madaale ayaa sheegay in masuuliyad ay ka saaran tahay ilaalinta dhaqanka wanaagsan ee dhalinyarada ku nool Magaalada Muqdisho. "Magaala dan waxaan u rabnaa Xasilooni, Hor umar, Bilic iyo Dhaqan wanaagsan, sidaas dar teeda ma aqbali doono wax kaste oo wax u dhimaayo sharafta Dadkeena, Diinteena iyo An shaxa Suuban, Waxaana mas’uuliyad innaga saaran ilaalinta mustaqbal dhallinteena Soom aaliyeed oo ah xooga ugu weyn uu Dalkeena ku tashanayo" ayuu yiri guddoomiye Madaale.

Muqaalka qabsaday baraha bulshada ayaa laga duubay guddoomiyaha gobolka Banaadir Habeenhore xili uu hoggaaminaayay howlgal lagu xira ayay goobtaan lagu tunto ee ku taala xeebta Lii do ee degmada Cabdicasiis ee magaalada Muq disho.

Gabagabadii duqa magaalada Muqdisho ay aa sheegay iney ka go’an tahay in albaabada la isugu dhufto goobaha lagu iibiyo laguna isticma alo walxaha maanka dooriya oo uu xusay iney dhibaato ku yihiin amniga iyo degenaashaha magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya oo doonaysa in la kor dhiyo joogitaanka ciidamada nabad ilaal inta Midowga Afrika ee ATMIS

Howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya ee ATMIS ayaa lagu wadaa in loo kordhiyo joogita ankooda Soomaaliya, arrintaas oo ay haatan ka wada hadlayaan dowladda Soomaaliya iyo gu ddiga nabadda ee Midowga Afrika.

Qorshahaan ayaa wuxuu sheegayaa in ATMIS lagu sii hayo Soomaaliya ugu yaraan la ba sano oo dheeraad ah, taasoo meesha ka sa araysa qorshaha ka bixitaankooda Soomaaliya dabayaaqada sanad ka 2024, sida lagu heshiiyay.

Dalalka ay ciidama da ka joogaan So omaaliya ayaa hor ey u soo jeediyay muddo shan sano ah oo kala guur ah oo hay’adaha Dowladda Feder aalka Soomaaliya ay si tartiib tartiib ah ula wareegi do onaan dhammaan howlaha amniga, balse Gol aha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo Mi dowga Yurub ayaa isku raacay wadar ahaan 32 bilood laga bilaabo Abriil 2022.

Dalalka ciidamada ku deeqay waxay door bi dayaan inay ka baxaan Soomaaliya 2026, laak iin tani waxay ku xidhan tahay inay ansixiyaan beesha caalamka oo leh awoodda dhaqaale, sida EU, UK iyo Qaramada Midoobay, kuwaas oo maalgeliyay howlgalka, oo illaa iyo hadda ay ku baxday $3 bilyan tan iyo 2007.

Si kastaba ha ahaatee, Midowga Yurub, ayaa dhawaan walaac ka muujiyay in beesha caal amka aysan waxba ka qaban dhameystirka xill iga kala guurka ee Soomaaliya, oo ay ka mid yi hiin dhismaha ciidamada ammaanka, tababarid da iyo qalabeynta ciidamada milateriga iyo bool iiska.

Booliska Muqdisho oo soo qabtay nin Toor eey wax ku dilay

Ciidanka booliska degmada Waaberi ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysane lagu magac aabo Cabdi Maxamed Khaliif (Cabdi Haash Ga ad) 30 jir ah, kuna eedeysan inuu Toorey calo osha uga dhuftay Maxamed Cabdullahi Sheekh.

Eedeysanaha lasoo qabtay Habeenhore ayaa dhibka an geystay Habeenhore, waxayna saraakiisha boolisku sheegeen in eedeysanaha ay cadaaladda hor geyn doonaan.

Boolisku ma shaacin sababta ninkaan ku kaliftay inuu caloosha toorey uga dhufto dhib anaha, waxaana xusid mudan in isla gudaha de gmada Waaberi laga soo qabtay ninkaan ku eedeysan inuu dhibka geystay. Inta badan mag aalada Muqdisho waxaa ka dhaca falal tuug nimo ah, kuwaas oo sababa in dil ama dhaawac loo geysto qofka ay tuugadu dhaceyso, balse boolisku ma kala cadeyn in kiiskaan uu la xariiro dhaca tuugada.

Muqdisho tuugada taleefoonada ka dhacda dadka waxay sitaan midiyo ama toorey, qori iyo bistoolad oo ah waxa ugu badan oo lagu dhaco dadka shacabka ah.

Mararka qaar waxaa dhacda in tuugadu qof ka ay dhaawacaan, kadibna dhacaan, inta bad ana inay tuugadu dadka disho waxaa keenta in qofka la dhacayo uu dagaalamo ama isku dayo inuu goobta ka baxsado.

Inkastoo lasoo sheego meelaha qaar, hadda waxaa Muqdisho ka yaraaday tuugada taleefoo nada dhacda, ciyaal weerada iyo kooxihii dadka u dili jiray Al-Shabaab.

Ciidan cusub oo boolis militaar ah ayaa laga howl-geliyey amniga caasimadda, waxayna fari isimo ka sameysteen degmooyinka dhaca daa faha oo markii hore ay ku badnaayeen falalka amni darrada ah.

Sidoo kale ciidankaan oo wata gaadiid u ga ar ah ayaa ka howlgala gudaha caasimadda, waxaana la dagaalanka tuugada iyo kuwa dilal ka geysta u dheer, dhaqan gelinta qararka ay dowladdu ku xakameyneyso hubka culus ee la gu dhex sida jiray magaalada Muqdisho.

Wafdi ka socday Burundi oo soo gaaray Mu qdisho, lana kulmaya Madaxweynaha

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Shalay soo gaaray Wasiirka Arrimaha dibedda iyo hor umarinta Iskaashiga ee Jamhuuriyadda Burundi Albert Shingiro iyo wafdi uu hoggaaminayo oo bo oqasho qaadan doon ta labo maalmood ah dal ka ku yimid.

Garoonka diyaara da ha Aadan Cadde ayaa waxaa wafdiga ka socday Burundi ku soo dhaw eey ay Was iirka arrimaha Dib ad da Xukuumadda Soo maaliya Abshir Cumar Jaamac Haruushe iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan D/ Federaalka.

Wasiir Cumar Haruushe ayaa kulan hordhac ah la yeeshay dhiggiisa Wasiir Albert Shingiro, isla markaana waxa uu uga mahadceliyay taag eerada xagga ammaanka ah ay dowladda Soo maaliya siiyaan, iyagoo qayb ka ah hawlgalka ATMIS.

Wafdiga Wasiirka oo uu ka mid yahay Gene ral Silas Ntigurirwa oo ah la-taliyaha Madaxwey naha Burundi ee dhanka Ciidamada ayaa la ku lmi doona Madaxweynaha JFS Xasan Sh Sida uu qorshahu yahay, Wasiirka Arrimaha dibedda iyo horumarinta Iskaashiga ee Jamhuuriyadda Burundi Albert Shingiro ayaa Madaxda la ware egi doona dhanbaal ay ka sidaan Madaxwey naha Burundi Évariste Ndayishimiye


Mooshin lagu ridayo xukuumadda R/Was aare Xamza oo socda – Xog

Qaar kamid ah Xildhibaanada BFS ayaa diy aarinaya mooshin ka dhan ah XFS R/Wasaare Xamza Cabdi Barre, sida ay inoo xaqiijiyeen mu daneyaal ka tirsan BF.lagu yiri wabka Caasim adda.net

Sida ay sheegtay in ay ogaatay Caasimada Online, Mooshin kan ay diyaarinayaan qaar ka mid ah Xildhibaanada BFS ayaa waxa la rabaa in lagu rido xukuumadda aan sanad jirsan ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza.

Kaambaynka mooshinkan ayaa si xawli ah u socda, ayada oo Xildhibaanada hormuudka u ah qorshahaan ay isku dayayaan inay taageero u helaan mooshinkooda.

Xildhibaanadan ayaa xiriir la sameeyay qaar ka mid ah saaxiibadooda Baarlamaanka, kuwa asi oo ay ka dalbadeen inay ka qeyb qaatan mo oshinka lagu ridayo xukuumadda Xamza, sida ay Sheegty In Ay ogaatay Caasimada Online.

Xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza ayaa muddooyinkii dambe wajaheysay dhaliilo xoogg an oo la xiriira hab maamulkeeda iyo shaqada loo igmaday, ayada oo dhawaana uu weerar ku qaaday Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishaku ur Warsame.

Ergeyga Madaxweynaha Soomaaliya u qaa bilsan Arrimaha Bini’aadannimada iyo gurmad ka Abaaraha ayaa waxa uu si weyn ugu dhali ilay xukuumadda, oo uu sheegay in isdhex-yaac uu ka jiro hay’addaha dowladda.

Ergeyga ayaa xilligaasi wareysi uu siiyay VOA wuxuu ku sheegay in xukuumadda ay sidii la rabay u maamulin dhaqaalaha gargaarka ee la soo gaarsiiyo, uuna dhowr jeer la wadaagay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

Dhaliisha u weyn ee uu ujeediyay xukuuma dda ayaa ah in aysan jirin wada-shaqeyn wasa aradaha dhexdeeda ah, taasi oo keentay is dhe x-yaac baahsan oo ka jiro hay’addaha dowlad da, oo lumisay masuuliyad iska saarida arrima ha mudnaanta leh, gaar ahaan arrimaha gar gaarka.

Si kastaba, Mooshinkan cusub ee ka dhanka ah xukuumadda R/wasaare Xamza ee wadaan qaar kamid ah Xildhibaanada BFS ayaa kusoo aadaya xilli uu dalka ka socdo guluf dagaal oo kooxda Al-Shabaab ka dhan ah.

XIGASHO:-CAASIMADDA.NET

Guddoomiyaha golaha shacabka oo ka tacsiyeeyay geeria shuhadadii argagixisadu ku dishay masagawaa

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS Md. Sh Aadan Maxa med Nuur (Ma doobe) ayaa tacsi uDir yqo ysaska iyo eh el lada shuh adadii ku naf waayay weerarkii Khawaariijt u ku soo qaaday M/Masagawaa ee Gobolka Ga lgu duud, sidoo kale nabadoonadii Khawaariijtu ku dishay dee gaanka kuwaas oo kala ah Naba do on Cusman Macalin Axmed Nabadoon Ibraahim Maxamed Cusman iyo Nabadoon Ca bdullahi Geeljiree.Guddoomiyaha ayaa falkan ku tilmaamay mid fuleynimo ah taas oo Khawa arijtu ay ku banee ysanyso dhiiga shacabka bi rmo-geydada ah ee aan waxba Shalaysan wa xayna ka tarjumeysaa arxan-darrada ay dadka Soomaaliyeed u hay aan, isagooona ciidanka iyo Shacabka Sooma aliyeed ku adkeeyay in qof kasta kaalin ka qa ato sidii dalka looga xoreyn lahaa kooxdanar xanka daran.

Guddoomiye Sh.Aadan Madoobe oo ugu da mbeyn sheegay in dib u xoreynta dalka ku naf waayay geesiyaal naftooda iyo dhiigooda u hur ay sidii dalka ugu badbaadin lahaayeen cadow ga islamarkaana Shalay la joogo xiligii la soo afjari lahaa, maadaama Khawaarijtu laga xorr eeyay deegaanno badan oo mudo dheer ku dhi baateynaayeen shacabka Soomaaliyeed, wax aana uu Allah ugu rajeeyey inta ay dhaawacy adu ka soo gaareen weerarkan arxan darrada inuu caafimaad deg deg ah siiyo.

Culimada Muqdisho oo war ka soo saartay ‘dadkii uu Habeenhore uleeyey Madaale’

Qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Muqdisho ayaa la hadlay warbaahinta, iyagoo ku dhawaaqay inay soo dhaweynayaan tallaabadii uu Habeenhore qaaday gud doomiyaha gobolka Banaadir.

Duqa Muqdisho ayaa Habeenhore tegay goobaha lagu tunto ee ku yaalla xeebta Liido, isagoo ule eyey dhalinyaro uu halkaas ugu tegay, waxa ana tallaabadaas ka dhalatay falcelin bogaadin ah oo xoog leh.

Sheekh Yuusuf Ceynte, Sheekh Cali Dhe ere iyo culimo kale oo Shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa guddoomiye Yuusuf Madaale waxay ku amaaneen go’aanka uu ku suulinayo munkarka.

"Habeenhore wixii dhacay oo guddoomiyaha gobo lka uu sameeyey waa badbaado umadeed. Waa xaq in la suuliyo munkarka, culimadu wa xay ayidsan tahay oo soo dhaweyneysaa tallaa badii uu Habeenhore qaaday Guddoomiye Yuusuf Ma daale,” ayuu yiri Sheekh Yuusuf Ceynte.

Ceynte ayaa farriin u diray dadka daroogada ke ena dalka, isagoo sheegay inay ka halis badan yihiin kuwa qarxiya bulshada, wuxuuna ugu nas teexeeyey inay ka waantoobaan baabi’inta ay ku wadaan dhaqanka suuban ee bulshadaan muslimiinta ah.

"Waxaan aad ugu faraxsanahay tallaabadii Habeenhore oo meel fiican laga bilaabay, umadda waa laga helayaa dad u istaaga inay suuliyaan munk arka, halkaas ka sii wada waan idin garab taaga nahay,” ayuu yiri Sheekh Yuusuf Ceynte.

Sidoo kale Sheekh Cali Dheere oo ka mid ah masuuliyiinta W/ Awqaafta & arrimaha Diinta, sidoo kale ka mid ahaa culima dii Shalay garab istaaga u muujisay guddoomiyaha gobolka ay aa aad u amaanay go’aankaas.

"Sidii Ushii Cumar Binu Khadaab ayey u he ybad badneyd Ushii uu Habeenhore sitay guddoomiye Sheekh Yuusuf, waa mahadsan tahay guddoo miye,culimadu waa ku garab taagan tahay, bul shada dhana waa ku taageertay,” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.Sidoo kale Sheekh Cali Dheere ayaa guddo omiyaha ka ballan qaaday inay go’aanada la midka ah kuwii Habeenhore ay la ful inayaan, haddii uu u yeerto culimada, markii uu qaadayo mid lamid ah tallaabadii Habeenhore.

Kulan Deg-deg oo laga yeeshay soo badba adinta Soomaalida ku Go’doonsan Suudaan

Xarunta dhexe ee Hay’adda M/Mus iboyinka Qaranka ee SODMA ayaa waxaa Shalay ka qabsoomay kulan deg-deg ah oo ay yesheen Guddiga gurmadka muwaadiniinta Soomaaliye ed ee colaadaha Sudaan ka socda ku go, doonsan .

Kulankaan oo uu Guddoominayey Guddoom iye ku xigeenka Hay’adda Maareynta Musiiboy inka Qaranka Dr Axmed Cabdi Aadan, waxaana qeyb ka ahaa madax ka socta Hay’ad daha kala duwan ee dowladda Federaalka.

Kulanka ayaa lagu faaqiday sida ugu fudud ee dadka Somaaliyeed ee ku go’doonsan dalka as loo soo badbaadin karo oo dalka loogu soo celin karo, kuwa badan oo u qaxay xaduudaha Sudaan ay la wadaagto Masar, Itoobiya,iyo Sou th Sudan in loo sameeyo gurmad kasta oo la heli karo iyo in xaduudaha dalalka ay jogaan loogu furo.

Mas’uuliyiinta ayaa booqday kulanka kadib xarun loo diyaariyey in dadka go,doonsan ay ka la soo xariiraan Hay’adda si loo badbaadiyo oo gurmad loogu fidiyo.

Fannaan Cumar Xasan Rooraaye oo lagu Aasay Hargeysa

Cumar Xasan Rooraaye oo kamid ahaa fana aniinta Soomaaliyeed ee aadka loo jecel yahay oo Dorraad galinkii dambe ku geeriyooday maga alada Hargey sa,a yaa Shalay lagu aasay caa simad da So maliland.

Allaha unaxari ste Fann aanka Caanka ahaan jir ay ee Soomaaliyeed Cumar Xasan Rooraye ay aa ka mid ahaa heesaagii iyo jilayaashii hobo lladii Waaberi ee Soom aliyeed.

Aaska marxuumka Cumar Xasan Rooraaye ayaa waxaa ka qeyb-galay ma suuliyiin kala duwan oo ka tirsan xukuumadda Somaliland iyo qeybaha kale ee bulshada, iyaga oo Eebe uga baryey in uu naxariistii janno ka waraabiyo.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaq anka iyo Wacyi-galinta Somaliland Md .Sa leeb aan Yuusuf Cali Koore ayaa dhambaal tac si ah u diray ehelkii, qoyskii, qaraabadii, bahda fanka, shacabka reer Somaliland iyo guud ah aanba dadka afka Soomaaliga ku hadla geerida ku timi Alle ha u naxariistee fanaanka.

Wasiirka ayaa marxuunka ku sifeeyey "in uu ahaa heesaa iyo fanaan caan ah oo fanka ku soo jiray muddo ka badan konton sanadood,” wakhtigana ka mid ahaa shaqaalaha Wasaa radda Warfaafinta.

Wasiirka ayaa marxuumka eebe uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo, ehelkii, qara abadii, bahda fanka iyo guud ahaanba shacab ka Somaliland uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Marxuum Cumar Xasan Rooraaye ayaa fanka ku jiray muddo ka badan50 sano, wuxuuna fan kiisu ugu fiicnaa sannadihi todobbaatan aadkii

iyo sideetamaadkii.

Madaxeynaha Somaliland oo cafis u fidiyey 554 maxbuus munaasibadda Ciiddul Fidrida awgeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md.Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto mad axweyne oo summaddeedu JSL/XM/WM/222-1009/042023, uu Cafis Guud u fidiyey Maxaabi ista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiya da dalka ku xidhan, munaasibadda Ciiddul Fidr ida awgeed kuwaas oo ay tir adoodu dhan ta hay 554 (Shan Boqol iyo Af ar iyo Konton) maxbuus.

Waxaanay u dhignayd War eeg tada Madaxweynuhu Si dan:-

Markaan Arkay: Qodobka 90aad Faqraddiisa 5a ad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Qoraalka Taliska Guud ee Cii danka Asluubta ee summaddiisu tahay TCA/G-1/119/2023, kuna taariikhaysan 13/04/2023, uje eddadiisuna tahay Soo-gudbin Liisaska Maxa abiista Cafiska galaya Sannadkan 2023-ka;

Markaan Arkay: Soo-jeedinta Xafiiska Xeer Ila aliyaha Guud ee Qaranka ee summaddiisu tah ay XIG/JSL/179/2023, kuna taariikhaysan 13/ 04/2023;

Markaan La-tashaday: Hay’adaha Ay Khusayso;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda Shalay aan Cafis Guud u fidiyo munaasibadda Ciiddul Fidrida aw geed maxaabiista dembiyada fudud ku xuk uman ee Xabsiyada Dalka ku xidhan, oo tirad oodu dhan tahay 554 (Shan Boqol iyo Afar iyo Konton) maxbuus. Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaab eed ee ka dhalanaya dembiyada ay ku xukunn aayeen. Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raac ayo liiska Maxaabiista ee halkan ku lifaaqan

.Allaa Mahad Leh

Muuse Biixi CabdiMadaxweynaha Jamhuuriyad da Somaliland

Garaad Jaamac: Muuse Biixi iyo rajiim kiisa waanu iska celinaynaa

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo kamid ah isimada SSC ayaa sheegay in ay iska dica afacayaan ciidamada Somaliland.

Garaadka ayaa shee gay in anay dulaan ku ahayn beel gaar ah lak iin ay iska di faa cay aan xukuum ada Muuse Biixi, wa xaanu sheeg ay in cidamada Somalland ay wali magaalada madaafiic kusoo garaacayaan.

"Anagu Isaaq duulaan kuma nihin lakiin Muu se Biixi iyo rajiim kiisa waanu iska celinaynaa, ci dna duulaan kuma nihin, cidna dal kuma hays ano, Muuse Biixi Shalay oo ugu danbaysay mad aafiic ayuu soo ridayay, maalintii ciidana mad aafiic ayuu masaajidka kusoo riday" ayuu yidhi Garaad Ismaaciil. Waxa uu ugu baaqay mada xweyne Biixi in uu ciidamada Somaliland ka sa aro magaalada Laascaanood, waxaanu ku hanj abay in hadii ay bixi waayaan xoog lagaga saari doono.

"Waxaanu leenahay Muuse iyo rajiim kiisa wakhti yar ayaad haysataaye adoo nabad qaba deegaanada iskaga bax, hadii aad ka bixi wa ydo taariikh xumo iyo anaga oo dhulkayaga xukuna indhahaaga oo shan ah ayaad arki doo nta" ayuu yidhi Garaad Ismaaciil.

Waxa uu sheegay in uu difaacayo deega ankiisa iyo dadkiisa, isla markaana gobolada SSC isa ga wax laga waydiiyo wuxuuna amar ku siiyay ciidamadiisa in ay iska caabiyaan cid kasta oo ka hor timaada halganka ay ku jiraan.

Garaadku waxa uu sheegay in Muuse Biixi uu talada deegaankiisa waxba ka waydiin waay ay markii hore imikana aanu isaga waxba ka waydiinayn waxa uu ugu talinayo.

Duqa Laascaanood oo ku baaqay in dagaal buuxa lagu qaado ciidamada Somaliland

Maayarka magaalada Laascaanood ayaa cii damada SSC ugu baaqay in ay muddo toddoba cisho ah kusoo afjaraan dagaalka ay Somalil and kula jiraan.

Maayar Cabdiraxiin Cali Ismaaciil oo la hadl ayay qaybo kamid ah ciidamo beeleedka SSC ayaa ku baaqay in xabada la bilaabo, oo muddo kooban lagu soo gabagabeeyo dagaalka.

"Garaadadu ducay leeyihiin oo karaamo ayay le eyihiin, karaamadii way idin fareen, saanadii iyo imkaaniyaadkii ciidana way inoo dhiibeen, xab ada aynu galno, oo aynu dhamaystirno, toddo bada cisho ee soo socda waar aynu ku kala ba xno meesha" ayuu yidhi maayar Cali.

Waxa uu sheegay in dagaalka Laascaanood uu saddex mid uun ku dhamaanayo in cii damada Somaliland laga adkaado, iyo in kuwa SSC laga adkaado iyo in xukuumada Somali land ay dib u fikirto oo ay ciidamadeeda ka sa arto deegaanada SSC.

Garaadka Guud ee SSC Garaad Jaamac Ga raad Cali iyo Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo hogaamanaya gulufka dagaal ee Somaliland ka dhan ka ah, ayaa iyaguna ku baaqay dag aalka.

Labada dhinac ayaa diyaargarow ugu jira da gaal, waxaana la filaya in berri iyo maalmaha ka danbeeya uu dagaalku si toosa u qarxo.

Dowladda Itoobiya oo aqbashay in Soomaal ida ka soo qaxaysa Suudaan ay yimaadaan dalka Itoobiya

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Itoobiya ay aa xaqiijisay in dowladda Itoobiya ay aqbashay in Soomaalida ka soo qaxaysa Suudaan ay yimaadaan dalka Itoobiya, kaddib wadahadal ay la yeelatay mas’uuliyiinta safaaradda Soomaa liya ee Addis Ababa. Qoraal ka soo baxay safaaradda ayaa lagu sheegay in ay daad gureyneyso dhammaan dadka Soomaaliyeed ee ku xayiran xadka u dhaxeeya Suudaan iyo Itoobiya. "Safaaradda waxaa ka go’an in ay soo daad gureyso dha mmaan muwaadiniinta Soomaali yeed ee ku xayiran xadka u dhaxeeya Suudaan iyo Itoob iya. Safaaradda waxay kala hadashay dowlad da Itoobiya arrintan, waxayna labada dhinac ga areen go’aanka soo dhaweynta dadka Soomaal ida ah ee ka soo qaxay colaadda Suudaan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Kumanaan Soomaali ah oo isugu jira Arday iyo Ganacsato ayaa ku sugan dalka Suudaan kuwa as oo ay ka dhaceen dagaalo lagu hoobtay oo dhex maray Abdel Fattah Burhaan oo ah mada xa ciidamada qalabka sida iyo Gen. Moham med Hamdan Dagalo oo madax u ah koox da bley ah oo loo yaqaano Rapid Support Forces.

Waxay ku soo beegantay laba sano ka dib markii ay si wada jir ah u fuliyeen afgambi milit ari oo ay meesha ka saareen u guuritaan dim oqraadiyad ah, taas oo soo bilaabatay ka dib markii mudaaharaadayaasha 2019 ay gacan ka geysteen in xukunka laga tuuro madaxweyne Cumar Al-Bashiir oo muddo dheer talada hayay

Mareykanka oo dhammaan shaqaalihiisa kasoo daad-gureeyay Suudaan

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Habeenhore sheegay in militariga Mareykanku ay soo afjareen daadgureynta shaqaalaha safaaradda Mareykanka ee Suudaan, wuxuuna ku baaqay in lasoo afjaro rabshadaha aan "mabda’a la heyn” ee halkaas ka dhacay, iyadoo laba hogg aamiye oo iska soo horjeeda ay ku loollamay aan awoodda Sudan.

Biden ayaa u mahadceliyay ciidamada Mar ey kanka ee fuliyay howlgalkii lagu soo saara yay shaqaalaha Mareykanka ee ku suganaa Suudaan.

Daad-gureyntan, ayay Washington ku xirtay safaaradda Mareykanka ee Khartoum muddo aan la cayimin, waxaana shaqaalahan loo duuli yay meel aan la shaacin oo ku taalla Itoobiya, si da ay sheegeen laba sarkaal oo Maraykan ah oo xog-ogaal u ah hawlgalkan.

Ciidamada Maraykanka ayaa hawlgalkan fuliy ay, iyadoo dagaalkani uu u dhexeeyo laba taliye oo hubaysan – kaas oo lagu dilay in ka badan 400 oo qof, kaas oo Sudan galiyay halis burbur iyo cawaaqib xumo ka durugsan xudduudah eeda, waxaana uu dagaalkani galay toddobaad labaad.

Biden waxa uu sidoo kale u mahad celiyay Jabuuti, Itoobiya, iyo Sacuudiga oo gacan ay ka geystay howlgalka lagu soo daad-gureeyay sha qaalaha safaaradda Mareykanka.Biden ayaa ku amray ciidamada Mareykanka in ay daadguree yaan shaqaalaha safaarada kadib markii uu talo

soo jeedin ah ka helay kooxdisa amniga qaran.


 


CAADA-JOOGSIGA XILLIGIISA KASOO HORMARA IYO CAAFIMAAD DARRA

 KU GADAAMAN


Haweenay muragsan

"Dhakhtarow, maalmahan waxaan daree maa daal joogta ah, waxaan dareemayaa xan aaq badan, wax walba waan ka wahsanayaa."

"Dhakhtarow, jirka oo dhan si joogto ah ayuu ii xanuunaa...ma dha dhan ka ay aa iga maq an. Hab eenkii ma seexan ka ro"

"Dhakhtarow, waxaan la ildarnahay xanuun dhabarka ah dhowrkii bilood ee la soo dhaafay. Dhab ahaantii dhammaan kala-goysyada waa ay xan uunayaan, waxaan ka dareemayaa 'daciifn imo'."

"waxaan isku arkay caado 15kii maalmoodba hal mar ah lixdii bilood ee u dambeysay iyo dhiigbax badan"

"Dhakhtarow, hadda miisaan aad u badan ayaa igu kordhay, si kasta oo aan u sameeyo ji micsi iyo cuntooyin fiican waxba iima taraan, naasuhuna aad bay ii xanuunayaan."

Waxa ay ka siman yihiin dhammaan bukaan nadan ayaa ah in bukaannadaas iyo qaraabado odu ay si buuxda ugu qanacsan yihiin in dhiba atada ay sabab u tahay caada go’ kusoo waj ahan.

Waxaa caada u ah bulshadeenna hadda in dhibaatooyin kano o dhan loo saariyo 12ka bilo od ee caada go’a ka horeeya hadiibay haween aydu ay gaadho 40 jir. Tani waxay noqon kartaa mid aad u khaldan oo khatar ah. Dhab ahaantii da'da caada joogsiga ee haweeneyda badanaa waa 48-49, mararka qaarkood waxay sii socon kartaa ilaa 50-51. Laakiin haddii caadadu ay sii socoto kontonka ka dib, waa in uu si joogto ah u hubiyaa dhakhtarka dumarka.

caada joogsi

Xilliga caadadu go’ayso oo loo yaqaan Men opause marka lagu jiro, caadadu way ka soo da ahdaa xilligii ay imaan jirtay dhiiguna wuu ya raadaa. Sidan hadii ay wax u dhacaan waxaa loo yaqaannaa ‘Menopause’ ama xilliga caada go’u soo wajahan yahay.

Haweeney 15-kii maalmoodba mar caadadu ka timaaddo, dhiig badanaa ka soo baxo, ayaa lagu xukminayaa inay ku jirto xilligii caada go’a, saaxiibadeed ay isku dhow yihiin oo iyagu ah ‘khubaro’ aan cidi dirsan, waxay ku qanciyaan in tani tahay wax la filayey, sidaas ayey xan uunka ugusii adkeyysataa. Haddaba qodob aad muhiim u ah wuxuu yahay….

Celcelis ahaan da’da caada go’u waa 48 ilaa 49 sano jir. Cudurro badan oo kale ayaa sidoo kale jidhka soo gala heerkan da’da. Dhibaatoo yinka sida sokorta, dhiigkarka, iyo qanjidh bara rku waxay yimaadaan da’da afartanka ka dib.

Waa lagama maarmaan in la sameeyo baarit aanno joogto ah. Inta badan dumarku ma same eyaan baaritaanadan waxayna u maleeyaan inay caada go’ tahay.

Haddaba maxay yihiin calaamadanahani?

Hawenay dhafoorraha haysata

Dhibaatooyinka caadada, korodhka miis aanka joogtada ah, bararka jidhka, maqaarka qalalan, timo daadashada ayaa dhammaantood noqon kara dhibaatooyin uu sababay xanuunka thyroid.

Cuncun joogto ah oo ku dhaca xubinta taranka haweenka, caabuqa kaadi mareenka, dacii fnimo, bararka jirka gaar ahaan cagaha, korodh ka miisaanka ayaa sidoo kale noqon kara cala amadaha cudurka macaanka.

Wadna garaac, dhidid badan, madax-xan uun, kabuubyo, walwalka ayaa sidoo kale noq on kara dhiig-karka ama marar dhif ah waxay noqon karaan calaamadu cudurrada wadnaha.

Sidaa darteed, way fiicantahay inaad la tashato dhakhtarka wakhtiga adiga oo aan ku xugminin astaamahan inay yihiin caada joogsi.

Maxaa keena caada joogsiga soo dhakhs ada? Makaanka

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Haddii caadadu istaagto ka hor afartan jir, waxaa loo yaqaan 'menopauuse premature'. Haddii caadadu ay joogsato da'da afartan ilaa afartan iyo shan jir, waxaa loo yaqaan 'meno pause hore'.

Cilmi-baadhisyada hadda la sameeyay ayaa muujinaya in dumarka Hindida ah ay wax yar ka sarreeyaan heerarka caada ka-baxa degdega ah marka loo eego haweenka kale ee addu unka. Qormooyin cilmi-baaris oo badan ayaa la qoray si loo ogaado sababta. Tan waxaan ka fahannay qaar ka mid ah sababaha ka dambe eya cada joogsiga degdegga ah, laakiin waxy aabo badan ayaan weli la sharraxin.

Xaaladaha dhaqaale ee haweenka, nafaqo-xumada, walbahaarka maskaxda ee qoyska, gu urka degdega ah, furriinka dhamaan waxay sab abi karaan cada go’a dumarka.

Waxaa laga yaabaa in caadadu ay ka joogs ato goor hore dumarka leh tilmaamaha sida in aanay waligeed isticmaalin kaniiniyada ka horta gga uurka, in ay yaraanta caruur ku dhashay, in ay ay caruur badan dhashay iyo in aanay weligeed soo dilmin.

Qaar ka mid ah xanuunka da'da ah ee nolosha dheer sida cudurrada difaaca jirka, kiimoterabiga la marsiiyo dadka qaba kansarka, daaweynta shucaaca ayaa sidoo kale sababi karta in caadadu ay goor hore istaagto.

Dhibaatada ka dhalata cada go’a soo dhakh ada

Makaanka

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Hadii aan ka eegno dhanka dumarka Hindida, way faraxsan yihiin xataa haddii ay caadadu ka istaagto.

Balse caadadii weli way socotaa, labada ho rmoon ee, estrógeno iyo progesterona si sax ah ayey uga shaqeynayaan jidhka haweynayda. Waa hoormoonnada masuulka ka ah caafim aadka jidhka iyo maskaxda ee haweenka, siiba lafaha iyo wadnaha.

Haddaba marka ay caadadu si dhaqkhso ah u joogsato waxaa hoos u dhacaya tirada hoorm oonadan ka dibna waxaa muuqanaya saam eynta ay jidhka iyo maskaxda ku yeelatay arr intani.

Xaaladaha wadnaha ee yimaadda marka ay cadadu go’do ka dib ayey halis ugu jirtaa hawe enaydu. Sidoo kale heerka cayilka caafimaad darada ah, dhiig karka, macaanka, walwalka dhamaan cudurradan ayaa kordha.

Xitaa sababta fudud ee daciifnimada lafaha ee kordhay waxay keeni kartaa lafaha oo jabá iyo inaad si dhakhso ah uga bogsan weydo taas oo ku biyo shubata inaad sariirta ka aruursato.

Hareeraha xubinka taranka oo qallala, luminta rabitaanka galmada, khilaafka guurka, ka dib dagaal lamaanaha iyo niyad-jabka ayaa dhama antood dhaca cada joogsiga ka dib.

Sidee loo daweeyaa kiniin

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Si loo yareeyo dhibaatooyinkaas, haddii caad adu ay si degdeg ah u joogsatay, waxaa habb oon in la siiyo haweenka noocaas ah kaniini yada hormoonnada si ay u sii wadaan caadad ooda ilaa ugu yaraan da'da afartan iyo shan sano inta ay ka gaarayaan.

Waxaan ka fogaannaa inaan hormoonnada siino haweeney kasta ka dib da'da soddon iyo shan jirka. Sababtoo ah waxay leeyihiin hormoonno dabiici ah oo ku jira jidhkooda. Hormoonnada ku jira jirka haweenka ee joojiya caadada goor hore ayaa gabaabsi ah taasina waxay saameyn xun ku yeelataa jirkooda.

Qaadashada kiniinka hoormoonka waqtiyadan oo kale waxay aad u yarayn kartaa khatarta caafimaad ee haweenkan.

Hal shay oo aad u muhiima, ayaa ah in la sameeyo baaritaanno ka hor inta aan la gusoo gunaanadin in caadadu aysan imaan waqtigii loogu talagalay taas oo macnaheedu yahay cada joogsiga caadiga ah.

Dumar badan ayaa la ildaran caadada aan caadiga ahayn. Dumarka qaar ayaa si qaldan u haysta in caadadu ay joogsatay da' da soddon iyo shan jirka ka dib. Ma raadiy aan la-talin caafimaad waqtigii loogu talaga lay waxaana si lama filaan ah u bilaabma dhi igbax culus. Waa in la ogaadaa in da'da caad iga ah ee menopause ee haweenka ay tahay 48-49 iyo wixii ka sareeya.

In la iska indhatiro cabasho kasta oo caafimaad kadib da'da sodon iyo shanta sano maadaama cada joogsi ay tahay, waa qalad aad u weyn oo ay haweenku sameeyaan oo ay waxyeelo aan la qiyaasi karin ugu geyst aan caafimaadkooda. Maskaxda ku hay in caado-joogsia degdega ah aysan ahayn mid caadi ah waxayna u baahan tahay talo caa fimaad iyo baaritaan sax ah.

Tirada haweenka uu ku dhaco caada jog siga degdegga ah ayaa sii kordhaya saba btoo ah korodhka rajada nolosha qof kasta oo ku jira maskaxdii hore. Cada go’a ka dib, haweenku waxay heli karaan ugu yaraan lab aatan ilaa soddon sano oo nolol ah. Bulshad eenna, haween aad u yar ayaa leh dabeecad ay ku daryeelaan caafimaadkooda da’da afar tanka ka dib. Sida aan kor ku soo sheegnay, cada joogsiga ka dib, hormoonnada ilaaliya caafimaadka haweenka ayaa dhammaanaya ka dibna waxay u nugul yihiin cudurro kala duwan.

Dhammaan waxyaalahaas oo dhan mas kaxda ku hay, cunto habboon iyo jimicsi joo gto ah ayaa lagama maarmaan u ah ka hort agga caadada go’a degdegga ah.

Fiitamiino iyo nafaqooyin qaarkood ayaa sidoo kale la muujiyay inay faa'iido leeyihiin. Dumarku waxa ay ilaashan karaan caafima adkooda sida ugu fiican iyaga oo dhimaya karbohaydraytyada bariiska, baradhada, sonkorta, daqiiqda, iyo in jimicsi ay ugu yar aan 45 daqiiqo maalintii sameeyaan.

Dhab ahaantii, marka loo eego wakhtiy ada isbeddelka, haweenku waa inay sidoo ka le horay u qorsheeyaan cada go’ooda oo ay go'aansadaan sida ay u yareyn lahaayeen dhibaatada. Taas awgeed, waxaa lagama ma armaan ah in aad maskaxdaada iyo jir ahaan u ilaaliso, u aqbal isbedelada jidhkaaga si wa naagsan. Markaas oo kaliya ayaa wakhtigan adag noqon karaa mid sahlan

.XIGASHO:-BBC 

MEYDADKA DAD UU WADAAD KU WACDIYAY IN AY GAAJO U DHINTAAN SI AY ILAAH ULA KULMAAN OO LA SOO SAARAY.

Booliska Kenya ayaa meel u dhow mag aalo xeebeedka Malindi kasoo saaray 21 me ydad ah, xilli ay baarayeen wadaaddad aam insanaa ku wacdiyay in ay gaajo u dhint aan si ay ula kulmaan ilaahooda. Carruur ay aa kamid ahaa dadka dhintay ee lasoo saa ray, waxaana booliisku ay sheegeen inay fil ayaan inay helaan meydad kale. Wadaadka oo lagu magacaabo Paul Mackenzie Nthenge ayaa haatan ku jira xabsiga, isagoo sugaya in la soo taago maxkamad. Telefishinka dowla dda ee KBC ayaa ku tilmaamay inuu yahay "hogaamiye kooxeed”, waxayna sheegeen in illaa iyo hadda la aqoonsaday 58 xabaalo ama qabuuro ah. Mr Mackenzie waa uu dafi ray in uu khalad sameeyay, iyadooloo diiday in damiin lagu sii daayo.

Waxa uu ku adkays anayaa in uu kanii saddiisa xiray sanadkii 2019-ka. Waxa la she egay in uu ku wacdiyay kuwa raacsan inay gaajoodaan una dhintaan si ay Ciise ula kulmaan. Wargeyska The Standard ee Kenya ka soo baxa ayaa sheegay in dhakhaatiirta ci lmu-nafsiga ay qaadi doonaan tijaabada DNA-da ayna sameyn doonaan baaritaanno lagu ogaanayo in dhibbanayaashu ay u dhin teen gaajo iyo in kale. Booliiska ayaa xiray Mr Mackenzie 15-kii Abriil ka dib markii ay hel een meydadka afar qof oo looga shakisan yahay in ay gaajo u dhinteen.

10 Ruux oo hal qoys kawada tirsan oo lagu toogtay Koonfur Africa.

wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afr ika ayaa sheegaya in toban ruux oo isku qoys ahaa lagu dilay weerar lagu qaaday guri ay deganaayeen. Todobo dumar ah iyo saddex rag ah ayaa la dilay ka dib markii gurigooda oo u dhow magaalada Pietermaritzburg la we eraray subaxnimadii Jimcaha. Wasiirka boolis ka Bheki Cele ayaa sheegay in laba tuhmane la soo qabtay, mid la toogtay mid kalena weli gacanta lagu hayo.Ujeedada ma cadda. Ko onfur Afrika waxa ay ka mid tahay dalalka ay dilalka ugu badan ka dhacaan.

booliska ayaa markii hore lagu wargaliyay toogashada kadib markii dadka deriska ay maqleen dhawaqa rasaasta. Mr Cele waxa uu sheegay in mid ka mid ah dhibanayaasha uu da’diisu ahayd 13 jir. "Waxay qabteen laba qof, mid waa dhaawacmay, mid waa dhintay, mid waa cararay, saddex qorina waa laga furtay,” ayuu u sheegay wariyeyaasha isagoo ku sugan goobta ay toogashadu ka dhacday oo ku taalla degmada Imbali ee bariga gob olka KwaZulu-Natal. Sida ay ku warameen warbaahinta gudaha, dableyda hubeysan ayaa u suuragashay in ay gudaha u galaan hantida, kadib markii ay iska dhigeen ciidamo boolis ah. Booliska ayaa sheegay in mid ka mid ah tuhmanayaasha oo ah ninka la toogtay uu ku jiray liiska dadka la raadinayey muddo dheer. Waa toogasho wadareedkii labaad ee todobaadkan ka dhacda gobolka KwaZulu-Natal ka dib markii afar qof lagu toogtay maalintii Khamiista guri kale oo ku yaala waqooyiga magaalada dekedda leh ee Durban. Bishii Janaayo, sideed qof ayaa lagu toogtay xaflad dhalasho oo ka dhacday mag aalada Gqeberha ee gobolka Eastern Cape.

YAA DHIBANE AH?

Qoys meel degan ayaa waxa ay lahaayeen Hal Diiq, Hal Ri iyo Hal Eey.Habeen barkii ayaa Diiqii waxa uu arkay Waraabe sii galayo Mooradii Rida. Diiqii ayaa qeyliyay, waxaa soo toosay Eeygii oo isna Hurdayay, Eeygii ayaa qeyliyay, Qoyskii ayaa soo toosay, War aabihii ayaa cararay. Cidii ayaa ku faraxday in Ridoodii ay Xalay khatar ka badbaaday.

Farxad darteed Subixii Ciddii waxa ay u wa ceeyn Wadaad si uu ugu duceeyo una xij aabo moorada Rida.Wadaadkii waxaa loo qa lay Diiqii.

Sax miyaa.Somaliyana Qofkii Dadka Bara arujiyo oo wacyi galiyo, khatartana uga digo, lana noqdo Bulshada Aragti wadaag. ayaa u noqdo dhibane

Qore:- Yahya Amir .




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip