
HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAIYL NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH KHAMIIS 20-KA ABRIIL 2023-KA
Madaxweyne Xasan oo lacag badan ku abaal-mariyey 5 dhalinyaro ah Tartanka Qur’aanka Ku Guuleysatay
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Max amuud oo soo xiray Tartanka Qur’aanka Kariimka ee Bisha Ramadaan ayaa abaal marinno guddoonsiiyey dhalinyaradii kaalimaha hore ka galay tartanka Qur’ aan akhriska ee la qabtay sannadkan.
Mad axweynaha ayaa tilmaamay in tartankan
Qur’aanka Kariimka wiilasha iyo gabdhaha ka qe yb-galay, culimada hoggaamisay iyo dowladda soo qab an qaabisay ay ka tarjumeyso sida shacabka iyo do wladda Soomaaliyeed ay ugu dheggan yihiin diint ooda suubban, ugana shaqeynayaan barashadeeda iyo ku dhaqankeeda.
Madaxweynaha ayaa abaal marin dhan 20,000 oo doolar guddoonsiiyey Cabdifataax Axmed Maxamed oo kaalinta koowaad ka galay sannadkaan tartanka Qur’aanka Kariimka ee dowladdu u qabatay xaafid iinta Soomaaliyeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeedi yey munaasabadii lagu soo xiray tartankaan ayaa sheegay in dowladnimada Soomaaliya ay aas-aas u tahay ilaalinta diinta iyo ku dhaqanka shareecadda Islaamka.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa abaal marinno kale guddoonsiiyey xaafidiinta kala ah; Saabiriin Xa san Maxamed, Cabdulqaadir Yuusuf Maxamed, Xus een Maxamed Cabdulle iyo Maxamed Ibraahim Max amed oo galay kaalimaha hore ee tartanka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku bogaadiyey waalidiinta iyo macallimiinta barbaariyey halyeeya dan ku guuleysatay tartanka Qur’aanka Kariimka ah, wuxuuna Alle uga baryey in uu ku anfaco, faham kooda barakeeyo, kana yeelo kuwii dalkooda ugu adeega aqoontooda diinta suuban ee Islaamka.
Tartankaan oo ay soo qabanqaabisay dowladda Soo maaliya ayaa maalmahaan ka socday magaalada Muqdisho, waxaana soo xiray madaxweyne Xasan Sheekh.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Muqdi sho ku qaabilay Wafdi ka socday dalka Norway
Wasiirka Wasaaradda arrimaha Dibadda Xukuu madda Fedaraalka Soomaaliya Abshir Cumar Jaa mac ayaa Dorraad magaalada Muqdisho kulan kula qaatay wafdi heer Caalami ah oo ka socday Was aaradda arrimaha Dibadda dalka Norway.
Wasiir Abshir Cumar Jaamac ayaa wafdiga ka socday Wasaaradda arrimaha dibadda dalka Norway kala hadlay sidii loo sii horumarin lahaa xoojinta xiri irka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dowladood ee Soomaaliya iyo Norway.
"Waxaan Dorraad kulan kula yeeshay caasimadda dalkeenna ee Muqdisho wafdi heersare ah oo ka soc day Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Norw ay. Waxaan ka wada hadalnay xoojinta xiriirka iyo isk aashiga dhinacyada badan leh ee labada dal ka dhe xeeya iyo sidii loo sii horumarin lahaa. Dowladda Nor wey waxaan iska kaashannaa kor u qaadidda hawl aha Ammaanka, dhaqaalaha, arrimaha samafalka, tayeynta hay’adaha maamulka, hawlaha dimoqraadiy eynta iyo gacan siinta ururada bulshada" ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Abshir Cum ar Jaamac.
Dowladda Norway ayaa ka mid ah dowladaha mu ddada dheer taageerada joogtada ah la garab taag naa dowladda Fedaraalka Soomaaliya, waxaana gud aha Soomaaliya ka jooga oo ka hawlgala hay’ado ka la duwan oo dor muhiim ah ka qaata horumrka da ka.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay ergey cusub
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sh.Maxamuud ayaa Dorraad xeer madaxweyne ugu magacaabay Marwo Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf Ergeyga gaarka ah ee u qaabilsan arrimaha carruu rta iyo xuquuqda soo-galootiga.
Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha oo lagu baahiyay Villa Somalia ayaa waxaa lagu she egay in madaxweynaha uu magacaabista ergeygan u maray qoddobada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka KMG.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in ergeyga cusub ay aqoon iyo khibrad wanaagsan u leedahay ilaalinta arrimaha carruurta iyo xuquuqda soo-galootiga, isaga oo adkeeyey sida ay uga go’an tahay dowladda xaqiijinta arriimaha mudnaanta u leh shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay ergeyga cusub ee arrimaha carruurta iyo xuquuqda soo-galoo tiga dardar-gelinta dhammaan howlaha muhiimka u ah ka jawaabidda baahiyaha carruurta Soomaaliyeed iyo xuquuqda soo-galootiga.
Shaqada ergeyga cusub ayuu kula dardaarmay inuu ku saleeyo qorsheyaasha Qaran ee ku saleysan ilaalinta carruurta iyo xuquuqdooda aas-aasiga ah, sida lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska mad axweynaha ee lagu baahiyay Villa Somalia.
Madaxweynaha ayaa horraantii bishaan maga caabay ergeyga arrimaha Somaliland iyo ergayga ga arka ah ee madaxweynaha u qaabilsan xasillinta iyo ilaalinta arrimaha rayidka ee goobaha dagaallada, kuwaasi oo uu kala magacaabay Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Maxamed Cabdi Waare.
Si kastaba, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wax ka yar sanad magacaabay 5 Ergo, kuwaasi oo markii ugu horeysay ay ka soo dhex muuqdeen mad axweynayaal soo maray dowlad-goboleedyada qaar iyo hoggaanka xisbiyada mucaaradka qaarkood.
Gabar Kalkaaliso aheyd oo Shalay loogu dilay magaalada Muqdisho
Wararka ka imaanaya degmada Yaaqshiid ee ma gaalada Muqdisho, gaar ahaan Xaafada Juungal ay aa sheegaya in koox burcad ah ay halkaasi ku dileen gabar dhalinyaro ah oo ka mid aheyd shaqaalaha isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.
Gabadha burcada hubeeysan ku dileen Xaafada Ju ungal ayaa magaceeda lagu sheegay Naciimo Cabdi raxmaan, taasoo Kalkaaliso ka aheyd Isbitaalka Madi ina ee magaalada Muqdisho.
Burcada hubeysan ayaa la sheegay in gabartaan Kalkaalisada aheyd iney u dileen taleefan ay wad atay oo ay doonayeen iney ka dhacaan, waxaana la sheegay in gabadha ay isku dhajisay taleefanka dab adeedna burcada ay xabado la dhaceen. Kooxda dil ka geystay oo la sheegay iney wateen Mooto bajaaj ayaa si deg deg ah uga baxsatay goobta, waxaana dilka kadib goobta soo gaaray ciidamada amaanka, hayeeshee kuma aysan guuleesan iney soo qabtaan burcadii dilka geeysatay.
Dilka gabadhaan dhalinyarada ah ayaa kusoo beegmaya, iyadoo mudooyinkii dambe amaanka Muqdisho uu ahaa mid kasoo yara hagaagayay sidii hore, kadib markii amaanka Muqdisho lagu wareeji yay ciidamo gaar ah oo si aad ah u tababaran.
Dowladda Soomaaliya oo iibinaysa 30 tan oo kall uun ah oo lagu qabtay shirkado ajnebi ah
Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa Dorraad sheegtay inay iibinayso 30 tan oo kalluun ah, kaas oo kalluumaysato ajnabi ah ay sifo sharci darro ah ugala soo baxeen badda Soomaaliya.
Qoraal kasoo baxay maxkamadda ayaa lagu she egay in kalluunkan laga iibinayo shirkadaha Soom aaliyeed ee ka ganacsada kalluunka ee ku sugan magaalada Muqdisho.
Maxkamaddu waxay xustay in nuucyada kalluu nka ay iibinayso yihiin, nuucyada loo yaqaano White Tuna iyo Daamberi.
Xafiiska xeer ilaaliyaha Soomaaliya ayaa maalin ka hor sheegay in 36 eedeysane oo ajnebi ah max kamad la horgeeyay, kuwaas oo ku eedeysan inay kalluumaysi sharci darro ah ka wadeen badda Soo maaliya.
Ciidanka badda ayaa kalluumaysatadan ku qabtay 30 tan oo kalluun ah, waxaana lagala wareegay kal luunkii iyo doomihii ay ku jillaabanayeen, iyagoo loo gudbiya xabsiga.
Wasaaradda Kalluumeysiga ayaa horey u shee gtay in doonyo kalluumeysi oo laga keenay dalal shi sheeye ay si sharci darro ah uga kalluumeysanayaan badda Soomaaliya.
Caddeymahaas ayay wasaaraddu sheegtay inay tilmaamayaan in maraakiibtaasi ay ka howlgalayeen Aagga dhaqaale ee gaar ah, (EEZ) tan iyo bishii Jannaayo 2023.
Wasaaradda Kalluumeysiga iyo dhaqaalaha Bul uugga ah ee dowladda Federaalka waxay xaqi ijisay in dhammaan maraakiibta kalluumeysiga ay si sharci darro ah u maciinsanayeen, isla markaana aysan jirin wax heshiis ah oo ku saabsan gelitaanka iyo shatiga kalluumeysiga oo ay ka haysteen dowladda Federaa lka Soomaaliya.
Dagaal saacado badan qaatay oo
ka dhacay degaanka Budbud iyo khasaaro ka dhashay
Dagaal aad u xooganaa, isla markaana saacado badan qaatay ayaa Shalay waxaa uu ku dhexmaray degaanka Budbud ee Gobolka Galgaduud Ciida mada dowlada Soomaaliya iyo kuwa degaanka oo dhinac ah iyo Ururka Al-Shab aab.
Dagaalka ayaa waxaa uu yimi d kadib markii Al-Shabaab ay we erar qarax ku billaawday ku qaad een degaanka Budbud, waxaana dagaalka laba da dhinac ay isku adeegsadeen hibka noocyadiisa kala duwan.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in dag aalka labada dhinac uu kas gaaray khasaaro xoo gan, waxaana weli meelo kamid ah degaanka Bud bud laga dareemayaa saameynta ka dhalatay dag aalka.
Saraakiil katirsan Ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay in dagaalka ay kudileen Xubno badan oo katirsan Al-Shabaab, isla markaana hadda ay howlg allo xoogan ka wadaan duleedka degaanka Budbud ee Gobolka Galgaduud.
Halka Al-Shabaab dhankooda ay sheegteen inay la wareegeen Saldhigga Ciidamada dowladda ee de gaanka Budbud kana qaateen Gaadiid dagaal oo yaallay wallow aysan jirin warar madax bannaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.
Waxaa sidoo kale wararka aan heleyno ay sheeg ayaan in Habeen hore qeyb kamid ah degaanka Budbud ay Isgaarsiita ka maqan tahay taas oo yareeyneysa in la helo xogta ku saabsan xaalladda degaanka wallow wararku ay sheegayaan inay tahay mid degan.
Saacadihii la soo dhaafay ayaa Ciidamada dowl adda iyo kuwa degaanka ay howlgallo xoogan iyo dhaqdhaqaaqyo Ciidan ka wadeen degaanka Bu dbud ee gobolka Galgaduud, si ay Al-Shabaab uga saaraan degaannada ay ka joogaan guud ahaan Gobolkaas.
Booliska Gobolka Banaadir oo gacanta ku dhigay 5-sarkaal oo lagu tuhmayo Masuq-maasuq
Ciidanka Booliiska Gobalka Banaadir ayaa kaddib howlgal qorsheysan oo uu ka fuliyey garoonka Aa dan Cadde ee magadaalada Muqdisho waxa uu gac anta ku dhigay Shan Sargaal oo kamid ah Shabakad ballaaran oo Booliisku uga shakisan yahay in ay Musuq-maasuq iyo Wax-isdabamarin ka dhex wado Xafiisyada Maaliyadda iyo lacag-qabashada guud ee adeegyada dadweynaha ka bixiya garoonka
Shabakaddan ayaa sidoo kale ku eedeysan in ay been-abuurteen Buu gta iyo Xaashiyaha lacag-qabashada guud ee dowladda ayna Lunsadeen dakhli dowladdu leedahay oo ka yimaada Fasaxyada Shaqada (Work permit) Buugta iyo Xaashiyahaas been abuurka ah ayay kooxdu ku lunsanaysay kuna boobayey lacagta iyo hantida dadweynaha.
Xafiiska xeer-illaaliyaha guud ee Qaranka oo Kii skan kooxda la wareegay ayaa diyaarinaya dacwad-oogista eedeysanayaasha iyada oo xubnaha hadda kujira gacanta dowladda iyo kuwo ku lugta lehba ay wajihi doonaan Caddaaladda.
Ciidanka Booliiska gobolka Banaadir ayaa ku daba-jira xubno kale oo katirsan Shabakaddan ku eedeysan musuqa.
Madaxweyne Laftagareen oo Hambalyo u diray Abdifatah iyo Maxamed oo kaalimaha 1-aad iyo 2-aad ka galay Tartanka Qur’aanka Kariimka
Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa hambaliyo udirey dhammaan Tartamiyaasha Quraa nka Kariimka ee metelayey Dowlad Gobolleedyada iyo Gobolka Banaadir oo lagu Qabtay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.
Madaxweynaha ayaa si gaar ah ugu hambaliyeyey Abdifatah Ahmed Mohamed oo kaalinta 1-aad galay iyo Mohamed Ibraahim Moh amed oo kaalinta 2-aad galay kuna Metelayey Tart anka Dowlada Koonfur Galbeed.
"Alle ayey mahad usugnaatay waxaan hambaliyo udireyaa dhamaan tartamayaasha ku tartamayey akhriska Quranka Kariimka ee metelayey Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, si gaar ah waxaan Hambaliyo uleeyahay Abdifatah Ahmed Mohamed iyo Mohamed Ibraahim Mohamed oo metelayey Koonfur Galbeed kuna guulaystay tartanka.
Madaxweyne Laftagareen ayaa U-Mahadceliyey Waalidiinta iyo Maclimiinta Barbaariyey Wiilasha iyo Gabdhaha ku guulaystay Tartanka Quraanka Kariimka ah waxaana uu umahadceliyey cid waliba oo kaalin ka geysatay qabsoomida Tartanka.
Soomaaliya oo ka heshay $65,000 badee cad aha loo dhoofiyo Ruushka sanadkii 2021
Soomaaliya ayaa Ruushka u dhoofisay badeec ooyin qiimahoodu dhan yahay $65,000 kaliya san adkii 2021 marka la barbardhigo 10.8 Mil yan oo doo lar oo uu ka helay dhoofin ta Ruushka ee So oma aliya.
Sida lagu sheeg ay warbixin ay daabacday wakaala dda wararka ee Int erfax ee dalka Ruu shka, Dho ofinta Soo maaliya ee Ruushka aya a ka koobnayd sisinta oo kaliya.
Sida warbixinta lagu sheegay, wax-soo-saarka beeraha ee Ruushku u dhoofiyo Soomaaliya waxay dhan yihiin 36,600 oo tan oo qiimihiisu yahay $10.8 milyan sannadkii 2021 halka sannadkii 2020-kii la dhoofiyay 29,800 oo tan oo qiimihiisu ahaa 6.5 Milyan oo dollar.
Warbixintu waxay intaas ku dartay in wax-soo-saarka Ruushka ee Soomaaliya uu yahay 30 milyan oo doollar sannadkii.
Waxay intaa ku dartay in qaar ka mid ah wax soo saarka rajooyinka leh ay ka mid yihiin badarka, cale enta, saliidda gabbaldayaha, baastada, iyo kuwa kale.
Marka laga soo tago sarreenka, daqiiqa, saliid ga bbaldayaha, iyo cabitaannada fudud, ayaa sidoo kale la keenay suuqa Soomaaliya 2021, sida ay sheegtay Interfax.
Laamaaha ammaanka Muqdisho oo Soo Bandhigay koox Burcad ah
Laamaha ammaanka Muqdisho ayaa soo ban dhigay Burcad ay sheegeen inay dhac ka gaysana yeen Xaaafado ka mid ah Mgaalada Caasimadda ah, kuwaasi oo Warbaahinta loo soo bandhigay.
Taliska Qeybta Guud ee Boliiska G/Banaadir gaar ahaaan Qeybta Bari ayaa howlgalo kala duwan ee ay fuliyeen 24-kii saac ee la soo dhaafay ayaa waxay ku soo qabteen burcad hubaysan.
Waxaana Boolisku ay sheegeen in kooxdaan ay soo bandhigeen in ay dhac u gaysan jiren dadka sha canka, sidoo kalena ay ku luglahaayen maandooriye iyo waxyaabo kale oo ammaa.ka lid ku ah.Boolisku waxaa ay intaas ku dareen in Hay’adaha ku shaqda leh ay u gudbin doonaan burcadda ay soo qabteen..
Ciidamada dowladda oo Al-shabaab kala waree gay deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose
Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar aha an guutada 14-ka Oktoobar ee ka howlgasha dee gaanada gobolka Shabeellaha Hoose ayaa Uruka Al-shabaab kala wareegay deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.
Deegaanada ay la wareegeen ciidanka Gorgor ayaa kala ah, Jowhar awdheegle, Ay-Buutey, Gume ysidiid, Kali caafimaad iyo Buulo-naagey, kuwaas oo kala hoostaga degmooyinka Awdheegle, Janaalle iyo deegaanka Nambar konton ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Saraakiisha hoggaamineysa ciidan Gorgor gaar ahaan guutada 14-ka October oo la hadlay war baahinta qaranka waxay sheegeen iney kusii daba ji raan firxadka kooxda Al-shabaab oo ay tilmaameen iney isaga carareen deegaanada ay kala wareegeen oo ah kuwa ku yaala dhul howd ah.
Saraakiisha waxay sidoo kale sheegeen iney bur buriyeen Kontoroollo iyo Maxkamado ay shacabka ku baadi jireen kooxda Shabaab oo ay ku lahaayeen dhulka howdka ah ee gabaadka ugu jireen, islamark aana ay sii wadayaan howlgalada noocaan oo kale ah oo ay kula wareegayaan deegaanada ay ku sug an yihiin Al-shabaab.
Ciidamada dowladda oo kaashanaya dadka deeg aanka ayaa maalmahii ugu dambeeyay Ururka Al-shabaab kala wareegay gacan ku heynta in ka badan 20 deegaan oo ku kala yaala gobolada Hiiraan, Galg aduud iyo Shabeellaha Hoose, xili gobolada qaar ay si rasmi ah uga bilaawdeen wajiga labaad ee howlgal ada dalka looga ciribtiraayo Al-shabaab.
Daraawiishta DG Jubbaland & Ciidanka Fed eraal ka oo howlgallo kawada Gobolka Juba da Hoose.
Ciidamada Dowladda Federaalka gaar ahaan ku wa gaarka u tababaran ee DANAB & kuwa Daraaw iishta DG Jubbaland ayaa howlgallo kawada deegaa nno katirsan Gobolka Jubada Hoose ee Dowlad-Gob oleedkaas.
Ciidankaan ayaa dhaqdhaqaaq ciidan kawada de egaanno hoostaga Magaalada Kismaayo xarunta KMG ah ee DG Jubbaland, saraakiisha hoggaamine ysa waxa ay sheegeen in ujeedkoodu yahay sidii ay u qabsan lahaayeen deegaannada ay joogaan ‘AS’. Sarkaal katirsan Ciidanka Daraawiishta DG Jubb aland ayaa Warbaahinta u sheegay in Ciidamada Federaalka iyo kuwa Dar aawiishta in ay u diyaar garoobeen wajiga labaad ee howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee Deegaannada Dowlad-Goboleedkaas. Madaxweynaha DG Jubba land Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa dhow aan ciidamadaan kula dardaarmay in ay qaadaan gu luf ka dhan ah ‘AS’ si looga qabsado Gobolka Juba da Dhexe oo guud ahaan maamulaan Shabaab & de egaanno katirsan Jubada Hoose. Axmed Madoobe ayaa sheegay in ciidamadaan la diyaariyay ay u dha mmeystiran yihiin hub & agab sidaas awgeed ay ku dhaqaaqayaan de egaannada ay joogaan ‘AS’ si ay dib ugu soo celiyaan Gacanta DG Jubba land.
Wasiirka Arrimaha gudaha XFS oo si rasmi ah u soo xiray Tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallim Fiqiayaa Habeen hore soo gabo gabeeyay tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo sanadkan ay ka qeyb galeen 30 degmo oo ka kala tirsan gobollada dalka oo av 15 ka mid ah ay ahaayeen degmooyinka Gobollka Banaadir iyo 15 de gmo oo Gobolada Dalka ka mid ah kuwaasi oo ay ku jiraan degmooyin laga xoreeyay khawaarijta, wax aana taaba-gelinta si wadajir ah isaga kaashaday Maamulka Gobolka Banaadir iyo Bangiga IBS.
Munaasabadda xiritaanka tartan cilmiyeedka Wa rbaahinta Qaranka waxaa ka kaloo ka qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda go bolka Banaadir mudane Maxamed Axmed Diiriye,Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale, guddiga tartan cilmiyeedka, Agaasimaha Radio Muqdisho Mudane Cabdifataax Daahir Jeyte iyo xubno kale
Agaasime Cabdifataax Daahir Jeyte oo ka mid ah guddiga tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo xafladda hadal kooban ka jeediyay ayaa uga mahad celiyay tartamayaasha ka qeyb galay tartanka sida quruxda badan ee ay ku soo bandhigeen aqoonto oda, isagoo mahadcelin gaar ah u jeediyay daadihi yeyaasha iyo gudiga tartanka oo u dhabar adeegay muddada uu tartanka socday, isla markaana uu xu say inay jireen Macalimiin Soomaaliyeed oo si qoto dheer ula socday hannaanka tartanka sanadkan.
"Tartanka sandkan aad ayuu u xiiso badnaa, dhiiri gelinta loo sameynayay degmooyinka ka sokow wax aa jirtay su’aalo dhextaal ah oo la weydiinayay dhag eystayaasha iyo daawadayaasha ku taxan tartanka, kaasi oo habeenkasta uu bankiga IBS ku bjxinayay abaal marino lacageed oo ay Habeen hore ugu dambeysay oo uu dhageyste ku guuleystay 300$, waxaan kaloo u mahadcelinayaa macalimiinta oo kaalin muhiim ah ka qaatay tartanka”. Ayuu yiri Agaasime Jeyte.
Qaar ka mid ah tartamaayashii kaalimaha koowa ad iyo labaad ka galay tartanka oo ka hadlay munaa sabadda xiritaanka ayaa u mahadceliyay cidkasta oo gacan ku siisay tartanka, ayna ku qanacsanyihiin natiijadii Habeen hore tartanku ku soo idlaatay, kuwaasi oo isugu hambalyeeyay guusha.
Md. Cabdullaahi Xayir Ducaale Agaasimaha Gu ud ee Wasaaradda Warfaafinta ayaa ugu horeyn uga mahadceliyay cidkasta oo gacan ka geysatay diya arinta tartanka, isagoo si gaar ah ugu mahadceliyay howlwadeennada Warbaahinta Qaranka, Maamulka Gobolka Benaadir iyo Bankiga IBS oo iska kaash aday taabagelinta tartanka.
Guddoomiye Ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda ee Maamulka Gobolka Banaadir mudane Maxamed Axmed Diiriye Yabooh ayaa yiri "Runti waa wax lagu farxo in 30 degmo oo15 ka mid ah Gobolka Banaadir iyo 15 degmo oo Gobolada Dalka oo ay ku jiraan de gmooyin dhawaan laga xoreeyay, khawaarijta in ta rtan nuucaani oo kale ah loo qabto, runtii tartaka waa mid ay Soomaali oo dhan ay ku xiranyihiin dal iyo dib ad, hambalyo ayaan idin leeyahay”.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Md. Axmed Cabdi Kaariye oo khadka taleeefonka uga qeybgalay munaasabadda xiritaanka tartanka ayaa ugu horeyn hambalyo iyo bogaadin u diray dha maan tartamaayashii ka qeybgalay tartan Cilmiyeed ka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka. "Ha mbalyo ayaan u dirayaa dhamaan intii ka qeyb gashay, gaar dhamaan reer Galmudug waxaan u hambalyeynayaa guuleystayaasha tsrtanka sanadk an oo ah magaalada Dhuusamareeb, sidoo kale Gaalkacyo waxaanleeyahay Hambalyo oo kaalinta 2-aad ka gashy tartanka iyo tartamayaasha Degm ada Hodan oo kaalinta 3-aad ku guuleystay”. Ayuu yiri Madaxweyne Qoorqoor.Madaxweynaha Galmu dug ayaa hoosta ka xariiqay in la joogo waqti aqoon lagu tartamayo, isagoo hambalyo u diray cidkasta oo gacan ka geysatay taaba-gelinta tartanka oo ah mid si weyn ay bulshadu ugu taxantahay.
Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md Axmed Macallim Fiqi oo soo xiray tartan cilmiyeedka ayaa ugu horeyn hambalyo u diray guud ahaan sha cabka Soomaaliyeed, gaar ahaan tartamayasha kala galay kaalimaha 1-aad, 2-aad iyo 3-aad oo kala ah Dhuusamareeb, Gaalkacyo iyo Hodan oo ka kala tirsan Gobollada Galgaduud, Mudug iyo Banaadir.
Wasiir Fiqi ayaa si gaar ah u boggaadiyay Guddiga tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo kaalin muuqda ka qaatay, maamulka Gobolka Banaadir iyo Bangiga IBS, isagoo xusay in tartanka uu ahaa Hooy ada tartanka, maadaama ay ummadda Soomaali yeed isha ku wada heysay hanaanka uu tartanka u socday.
"Waxaan hambalyo u dirayaa tartamayaasha ka qeyb galay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaran ka, waxaan si gaar ah hambalyo ugu dirayaa tartam ayaasha kala galay kaalimaha 1-aad, 2-aad iyo 3-aad, waxaan u mahadcelinayaa intii ka qeyb qaad atay iyo intii lahayd fikirka aqoonta lagu tartamayo, sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa Madaxda Wa saaradda Warfaafinta oo igu sharaftay furitaanka iyo xiritaanka tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka”. Ayuu yiri Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya.
SHEEKH C/QAADIR JIILAANI KHUD BADII UGU GAABNE
ED TAARIIKHDA {FAALLO}
Khudbo gaaban iyo Cimrada sanadkan Ku dha waad Kun Sano muddo laga joogo ayaa Sh. Cab dulqadir Jeylaani waxa uu koray Manbarka Masjidka si uu u akhriyo Khudbadii Salaadda waxa uuna yiri: (1.Hunguri- Cunto lagu rido Caloosha Qof baahan, ayaa ka khayr badan in aad dhisto Kun Masjid.
2.Waxa ay ka khayr badan tahay in aad Kacbada ku hugiso dharka kacbada ku daboolan
3.Waxa ay ka khayr badan tahay in aad Alla dartii u istaagto Adiga oo Rukuucayo.
4.Waxa ay ka khayr badan tahay Qofkii ku jihaa da Gaalada isag oo wato Seef wax gooyso.
5.Waxa ay ka khayr badan tahay Qof sooma wak hti kuleeyl daran uu jiro.
6.Haddii Quudku ku dhaco Caloosha Baahana ha.Kansiga ama thawaabta aad helee waa sida ifti inka Qoraxda oo kale)
( F.M: 1aad) Khudbadii intaa ayey ku ekeyd wax aana la galay Sal aadii. Sheekhu waxa uu noo tilma amay muhimadda ay leedahay in muslimiintu ay caa wiyaan walaalahooda Baahan.
Dorraad iyo Dorraad Xaramku aad ayuu u buuxsa naa, Shalay dheer ayaa meel la istaago la waayay. Sanadkaan Somali Badan ayaa Cimro aaday, Alla ha u aqbalo dhamaantood.Anagana kuwii nooga soo du ceeyay halkaa Ducadooda Alla ha noo aqbalo. Midse aan is xasuusino. Somali badan oo Cimreeysatay Derisoodu waa baahnaa, madax badan oo Cimreeys atay shaqaalahooda iyo istaafyaduudu waa baahna ayeen.
Waxaa Sanadkaan Cimrada tagay Xubno ka kala socdo Lix Xisbi siyaasadeed iyo taageerayaashooda.
Kuwa kalena waa ku balansanaayeen. Qaar bad an waxa ay dageen "Hoteelka Saacadda” kaa oo ah kan ugu qaalisan magaaladda Kacbadana u dhaw, oo Habeenkii Halka qol lagu seexdo 1000 Dollar, Af furka iyo Saxuurtana waa midkiiba 80 Dollar, hadd aan maalmahaan wax laga bedelin.
( F.S: 2 aad) Cim radiina Alla ha idiin Aqbalo ee Xasuusta Inta Calool Baahan oo deriskiina aheyd ee aad ka soo tagteen, iyo sida Rasuulkeena Muxamed CSW uu noogala dardaarmay in aan quudino walaa lheena Muslimiintaa oo masaakiinta ah. FG: wixii ka khaldan ka sax, wixii ka dhimanna ku dar. Qore:
W/Q:-Yahya Amir
Qoysaska askarta ku dhintay howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya oo la siinayo $200 milyan oo magdhow ah
Ilaa 200 milyan oo doolar ayaa magdhow ahaan loo siinayaa qoysaska askarta ciidamada nabad ilaal inta Midowga Afrika (AU) ee lagu dilay Soomaaliya tan iyo 2007-dii, taasoo lagu dallacay howlgalka nab ad ilaalinta ee Midowga Afrika.
In ka badan $175 milyan oo lacagtan ka mid ah ayaa ku baxaysa magdhowga qoysaska askarta lo oga dilay dagaalka Soomaaliya, halka 15 milyan oo kale la siinayo kuwa ku dhaawacmay ama ku naafo obay howlgalka lagu cirib tirayo kooxda Alshabaab.
Midowga Afrika ayaa shaaca ka qaaday in ugu yaraan 3,500 oo askari oo ka kala socda Kenya, Ug anda, Burundi iyo Itoobiya ay ku dhinteen Sooma aliya 16-kii sano ee la soo dhaafay, iyagoo ku guda jira howl-galka nabadeed oo aan weli laga gaarin nat iijooyinkii loogu talagalay.
Sida ku cad heshiis is afgarad ah oo ay kala saxii xdeen dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya iyo Midowga Afrika, $50,000 ayaa la siindoonaa qoys ka askari kaste oo howgalka ku dhintay, halka dhaa wacyada ama naafada lagu bixinayo $10,000.
DIBADBAXYO LAGA CABSI QABO INAY MAR KALE KA BILLAAWDAAN DALKA KENYA
Ka hor inta anay bilaaban wadahadallada muc aaradka iyo dowladda Kenya ayaa dadka reer Kenya waxay walaac ka qabaan in markale mucaaradka dalkaasi hor kacaan bannaanbaxyo dadweyne oo ra bshado wata.
Hoggaamiyaha mucaaradka ugu wayan Kenya Raila Odinga ayaa dhawaan u sheegay dad isaga taageersan inay markale bannaabaxyada u diyaar garoobaan, isaga oomeel fagaara ah kula hadlayay.
Ban naanbaxayaasha mucaaradka ayaa ku andacoo naya inay kasoo horjeedaan sicir bararka kajira dal kaas iyo in la musuq maasuqay doorashadii uu ku soo baxay Wiliam Ruto.Walaac xoogan ayay xilliga an muujinayaan shac abka Kenya, taas oo ku aadan in ay saameyn xoog an ku yeeshaan dibadbaxyada laga cabsi qabo inay markale dib uga billawdaan
gudaha Kenya
GEESI U ISTAAGAY WAXBARIDDA IYO WACYIG ELINTA CARRUURTA LAGU SHAQEYSTO
Ku dhawaad 100 Carruur ah oo barakac ku ah du leedka Magaalada Muqdisho da’doodu na U dhax aeyso 5-10 sano ayaa waxbarasho bilaash ah helay bilihii u horeyeey sanadka, ka dib Markii Maxamed Sh. Isxaaq oo ah bare jaamacadeed uu ardaydan ka soo reebay Shaqooyin adag oo qarkood ay kala kul mi jiriin tacaddiyo joogta ah iyo xuquuq la`aan.
Carruurtan ayaan haysan goo bo ugaar waxbarashada iyo agab dhameystiran oo ay wax ku Baran karaan, balse waxay ku qanacsan yihiin fursaddan ay heleen oo ay markii ugu Horreys ay tan iyo markii ay deegaanadooda ka soo barakac een ay wax ku baranayaan, hase-Yeeshee isbedelka xilliga sida roobka iyo qorraxda ayaa ah caqabada ugu weyn ee ardaydan Ka hor taagan waxbarashada maadama aysan heysan goob hagaagsan oo ay ka galaan.
‘’ Carruurtan waxaan ka soo uruuriyay darbiyada iyo hareeraha waddooyinka iyaga oo ku Dayacan, saacado badan ayeey shaqeyn jireen qaarkood si ay u helaan lacag ay ku Iibsadaan Cunno.”sidaas wax aa yiri Maxamed Shiikh Isxaaq oo ah bare jaamaca deed dhina kalena u Istaagay caawinta iyo waxbar idda carruurtan.
"Aabbe ayaan ahay duruufaha carruurtanna aad ayaan u dareemaya waana sababta aan Ugu sitaa gay waxbariddooda iyo dhiirri galintooda, maadama ay carruurtu tahay ubaxa Runta ah ee uu dal kasta le eyahay shaqada ay carruurtan qabanayeen waxa ay aheyd mid Aad u dhib badan,qaarkood ma Heli jirin xaquuqdood.” Intaas ayuu raaciyay Maxamed.
Ubax Aadan waa hooyada afar (4) carruur ah oo oo hadda kmida carruurta nasiibka u Yeelatay iney hel aan fursaddan waxbarashada iyo wacyi galinta isugu jirta, Waxa ay Sheegtay in ka hor tacliintan uu qoysk oodu ku tiirsanaa lacagaha yaryar ee ay carruurte edu Kasoo shaqeeyaan magaalada.
‘’Qoyskeenna aniga ayaa hadda u kaca, waxyaa bo yaryar oo aan guriga ku sammeeyo ayaan Suuqa iyo xaafaddaba ku wareejiya sida sambbuus, bur iyo waxyaabo lamida, maadama ay Carruurteydu billa abeen waxbarasho oo laga wacyi galiyay in aysan awoodin shaqooyinkii ay Qaban jire en.” Sidaas wax aa tiri hooyo Uba x Aadan.
Saciid Nuur waa 12 sano jir bara kac ah xirfadda uu ku shaqeeysto waa caseeye-nimo si uu u Dabba ro noloshiisa, hase yeeshee mararka qaarna uu qab to shaqooyin ka duwan Midaas kana culeys badan marka uu waayo dhaqaalo uu maalintaas noloshiisa ku dabbaro.
‘’Anigu shaqadeyda waa caseeye-nimo shaqad an waa habeen cun habeena ka seeexo Macnaha jo ogto waxba uma helo, mararka qaar xammaali-nimo ayaan ku shaqeystaa si aan Wax uun u helo waayo majirto cid nolosheydu ay dulsaaran tahay” Siciid Nu ur ayaa sidaas Yiri.
Duruufaha adag ee ku gadaamman noloshooda iyo midda qoyskooda ayaa dhammaan Carruurtan ku khasbay iney u bareeraan qabashada shaqooyin ad ag iyo kuwa aan ku Habboneyn naftooda.
MADAXA AYAA LAGA TOGTAY KADIB MARKII U U KUQALDAMAY ALBABKA ODAY CADDAAN AH
Oday 84 jir Maraykan ah ayaa isu soo dhiibay bo oliska gobolka Missouri ee dalka Mar aykanka, kadib markii uu toogtay wiil madow ah oo garaacay gambaleelka albaabka gurigiisa, isagoo mooday ay guri kale. Andrew Lester ayaa da maanad lagu sii daayay kadib markii lagu soo oogay laba dembi oo kala ah in uu dhaawac geystay iyo in uu ku kacay fal dembiyeed hub loo adeegsaday.
Ninkan caddaanka ah ayaa la sheegay in Ralph Yar loo 16 jir madow ah uu rasaas kaga dhuftay ma daxa iyo gacanta. Wiilka ayaa badbaaday, arrin taas oo mucjiso ku noqotay dhakhaatiirta la tacaalaysay xaaladdiisa. Dacwad oogaha kiiska gacanta ku haya ayaa sheegtay in toogashada ay muujin ayso "nooc cunsurinimo ah” inkastoo aan odayga caddaanka ah lagu soo oogin dembi noocaas ah.
Wiilka la dhaawacay ayaa booliska u sheegay in habeennimadiii Khamiista uu ku qaldamay guriga Mr Lester oo ku yaalla meel aan ka fogeyn halka uu u socday. Markii uu garaacay jaraska guriga, ayaa Mr Lester waxa uu wiilka ku riday laba xabadood oo mid ay uga dhacday madaxa halka tan kale ay uga dhacday gac anta, sida uu sheegay dacwad oogaha kiiska.
Mr Lester ayaa ku dooday in wiilka uu toogtay maa daama ay xilligaas u muuqatay inuu weerar ku soo ahaa.
Andrew Lester
Booliska ayaa markii hore su’aalo weydiiyay Mr Lester kadidna sii daayay isagoo aan wax dacwad ah lagu soo oogin, arrintaas oo horseeday dibedbax Ax adii ka dhacay magaalada Kansas City.
Isniintii ayaa dacwad ooge Zachary Thompson wa xa uu shaaciyay in Mr Lester lagu soo oogay laba da cwadood. Haddii lagu helo dembiyada loo haysto, wa xa uu muteysan karaa xabsi daa’in.
Cleo Nagbe oo dhashay wiilka la toogtay ayaa u sheegtay telefishinka CBS in Ralph uu ka soo baxay cisbitaalka, isla markaana la filayo in uu caafimaado.
Lee Merrit oo ah qareenka qoysk aas ayaa BBC u sheegay in Ralph uu hadalka dhibayo, ayna muddo ku qaadan doonto in xaaladiisa ay caadi ku soo noqoto.
"Waa arrin weyn, waayo bulsh ada deegaankan waxaa dhibaato badan ku haya tac adiyada ay la kulmaan carruurtooda. Waxaan filayaa in kiiska Ralph uu arrintaa bedali doono,” ayuu yiri gar-yaqaan Merritt.
Dibedbax
Boqolaal qof ayaa Talaadadii mudaharaad ka hor dhigay maxkamadda, iyadoo ka carooday damaana da lagu sii daayay eedaysanaha.
"Waxaan ka xanaaqsanahay in Lester lagu sii daa yay damaanad. Waxaa ka sii daran in markii hore loo sheegay in uusan dembi lahayn oo habeenkaa gurigi isa seexday xilli Ralph uu nolal iyo geeri u dhexeey ay,” ayay tiri Donna Camargo oo 17 jir ah.
Abaabul qaaraan loogu uru rinayay daweynta Ralph ayaa Talaadadii waxa uu qabtay lacag ka badan 3 milyan oo dollar.XIGASHO:-BBC
CIIDUHU WAA KUWO FAC WAYN, OO WAXAA UMAD KASTAA LAHAAN JIRTAY CIIDO AY CIIDAAN,
Munaasabad kasta oo waynna waxay ka dhigan jir een iid ay iidaan, faraxadna ay muujiyaan, ka dib ma rkii Islaamku yimid ayuu wuxuu bedelay iidihii hore, isa goo ku bedelay iido ka khayr badan, wa xaana ku sug an xadiis saxiix ah oo uu wa riyey Abuu Daaw uud in Rasuulka SCW uu maga alada Madiina yimid, iyadoo re er Madiina ay leeyihiin laba ma almood oo ay ciyaaraan, mark aas ayuu Rasuulka SCW wayd iiyey waxay ay yihiin labad aas maalmood, markaa sayna ku yidhaahdeen: waa laba maalmood oo aan waagii jaahiliyada aan ciyaari jirnay, markaas ayuu ku yidhi: "Ilaahay wuxuu idinkugu bedelay labadaa maalmood laba ka khayr badan oo kala ah maal inta Ciidul-Fitriga iyo maalinta Ciidul-Adxada, labadaa Ciid ood Ilaahay ayaa ummadda Nebi Muxammed SCW siiyey.
Waxayna labadaas ciidood ka daba maraan laba tiir oo waawayn oo ka mid ah shanta tiir ee Islaamka, labadaas oo kala ah: soonka iyo xajka, maalmahaa inay dadku nafta u raaxeeyaanna waxay ka mid ta hay waxyaabaha Ilaahay uu jideeyey, sidaa awgeed waxaa banaan ciyaaraha nooc kas ta oo ay yihiinba, haddii laga ilaaliyo waxyaabaha shareeca du ayna ogolayn, sida cawrada oo la banneeyo, ragga iyo dumarka oo is-dhex gala, sidaas oo kale waxaa bannaan heesaha, laakiin waa inaan ruuxna lagu caa yayn, wax xun na aan lagu faafinayn, laguna faani nayn sida khamro iwm, muusikana aan la raacs iinayn.
Waxaana isku mid ah ragga iyo dumarka, waxaa uu xu say xadiis saxiis ah oo ay wariyeen culummo ay ka mid yih iin Bukhaari iyo Muslim in:
"Maalin iid ah iyadoo ay ku ciyaarayaan masjidka Ra suul ka SCW niman Xabashi ahi uu Rasuulku SCW Caa’isha (a.k.n) u yeedhay, dabadeedna ay eegtay ci yaartoodii ilaa ay ka bogatay, iyadoo weliba ciyaarta ka daawanaysay oo taagnayd Rasuulka SCW dhab arkiisa, iyadoo dhabankeedu uu saarnaa dhabank iisa, wuxuuna Rasuulku SCW maalin taa yidhi:
"Ha ogaato Yahuuddu in diinteennu ay leedahay fas ax iyo waqti damaashaad iyo tamashlayn.”
Sidoo kale waxay wariyeen Bukhaari iyo Musim in: "Caa’I sho ay tidhi: maalin ciid ah ayaa iyadoo ay ila joogaan laba gabdhood oo heesaya, ayaa waxaa ii soo galay Rasuulka SCW, dabadeedna ku seexd ay.firaashka, wuxuuna huwad ay maro, dabadeedna waxaa soo galay Abuu Bakar, wux uuna canaantay labadii gabdhood isagoo diiddan waxa ay Rasuulka SCW ku ag samaynayaan, markaas ayuu Rasu ulku SCW maradii iska fayday, kuna yidhi Abuu Bakar:
"iska daa, qolo waliba waxay leedahay ciid, tanina waa cii ddeeniiye”, laakiin waxaa la rabaa in falalka lagu kacayo oo muujinaya farxadda iyo rayn-raynta si da cuntada, cabit aanka iyo ciyaaruhuba ayna xadk ooda dhaafin, Ilaahay ka cabsashaddiisana aan la halmaamin.
"CIIDA” XUKUNKEEDA IYO MEESHA LAGU TUKA NAYO
Waxay culummada Islaamka isku khilaafeen xuk unka ay ciidda tukashadeedu sharciga ku leedahay, markaa ayaa qaarkood waxay yidhaahdeen waa sunne, qaar kalena waxay yidhaahdeen waa waajib, iya doo rag iyo dumarba ay isku mid yi hiin, sidan da mbe ayaana xoog ba dan, waxaana u daliila ah in Ra suulka SCW uu amar ku bixiyey inay ciidda yima ada an rag iyo dumarba, xataa gabdhaha aan la guursan gurigana aan ka soo bixin iyo kuwa dhiigga caadada qaba, markii sidaas la is amray ayaa haweeney asax aabta ka mid ahi Rasuulka SCW waydiisay sida ay samaynayso haweenaydii aan haysan jilbaab ay ku ti maado meesha lagu tuka naayo, markaas ayuu Ras uulku SCW ku yidhi: "wala asheeda muslimada ahi ha soo siiso jilbaab.”
Dumarka kuwooda caadada qabaa iyagu wax ka tukan mayaan salaadda, laakiin waxay joogayaan meel u dhow meesha lagu tukanayo, dadkaa muslimi inta ah ayey la takbiirsanayaan (Allaahu akbar ayey wax ka leeyihiin), wayna la ducaysanayaan, baraka da iyo khayrka maalintaa jira iyagoo rajaynaya, Rasu ulkuna SCW weligiis kamuu tagin salaaddan
Ciidda waxaa lagu tukan jiray waagii Rasuulka SCW meel bannaan, beledkana ka baxsan, oo loogu talagalay ciidaha iwm in lagu tukado, iyadoo salaa dda lagu tukado masjidka Rasuulka SCW ay u dhig anto kun salaadood oo meel kale lagu tukado (marka laga reebo Masjidul-Xaraam), ayaa haddana uuna Rasuulku SCW ku tukan masjidkiisa salaad ciid ah, hal marna Allaha ka dhigee, sidaa awgeed ayaa wax aa sunne ah in lagu tukado meel bannaan oo dadka la iskugu keeno, haddii duruuf dadka u diidaa ayna jir in, isku imaatinkaas wayn oo loo dhan yahayna xik mado badan ayaa ku jira, oo ay ka mid yihiin mus limiinta oo calaamad aha diinta Islaamka lagu garto mid ka mid ah muujinaya, sidoo kalena muujinaya wa laalnimada muslimiinta, mid nimadooda, iyagoo isb aranaya, iskaalmaynaya, isla mar kaana kelmada (di inta) Alle sare u qaadaya.
EEG BOGGA 6AAD
CIIDUHU WAA KUWO FAC WAYN, OO WAXAA UMAD KASTAA LAHAAN JIRTAY CIIDO AY CIIDAAN,
KA YIMID BOGGA 5AAD
WAXYAABAHA SUNNAHA AH MAALINTA "CIIDA”
Maalinta ciidda waxaa sunne ah in lala yimaado waxyaabahan soo socda:
In dhar wanaagsan la soo xidho marka salaadda ciidda laga soo qayb galayo, Rasuulkuna SCW ma almaha ciidaha wuxuu soo xidhan jiray dharkiisa ku wa ugu qurxoon, in maa lintaas la is qurxiyaana wa xay ahayd caado wanaagsan, Rasuulkana SCW ka sugnaatay, sidaynu soo xusnayba.
Waxaa sidoo kale sunno ah in la isa soo carfiyo, oo la soo marsado waxyaabaha udgoon.
In ciidda loo soo maydho, arrintani Rasuulka SCW kama ay sugnaan, laakiin asaxaabta ayey ka sug naatay.
In marka laga soo noqonayo salaadda ciidda laga soo noq do waddo aan ahayn tii markii hore la soo qaaday, sidii uu Rasuulkuba SCW samayn jiray ma almaha ciidaha.
Salaadda loo baxayaa haddii ay tahay Tan Cii dul-Fitriga waxaa sunno ah in wax la soo cuno inta aan loo bixin sala adda, gaar ahaan timir tiro is-dheer (kinsi) ah. Haddii ay Ciidul-Adxaa tahayna waxaa sun no ah in loo soo baxo iyadoo aan waxba la soo cun in.
In marka maalinta ciidda la kulmaba la isku tahni yade eyo, iyadoo la leeyahay: "Annaga iyo adinkaba Allaha naga aqbalo”, sidaasina waa sida asaxaabtii Rasuulku SCW ay isugu tahniyadayn jireen marka ay kulmaan maalin ciid ah.
HABKA TAKBIIRTA
Habka loo takbiirsanayo oo asaxaabtii qaarkood ka sugnaaday waa sidan soo socota:
"Allaahu akbar allaahu akbar, laa ilaaha illallaahu, wallaahu akbar, allaahu akbar walillaahil xamdu”, ama "Allaahu akbar, Allaahu akbar, Allaahu akbar, walillaah ilxamdu, Allaa hu akbar, wa ajjallu, Allaahu akbar calaa maa hadaanaa”, laakiin qaybta hore ay aa caansan ahna midda saxa ah.
SALAADA CIIDDA HABKEEDA & WAKHTIGEEDA
Waxaa salaadda ciidda la tukanayaa inta u dhexaysa marka qorraxdu soo baxdo oo ay kor u soo kacdo, ayna soo gaadho ilaa saddex mitir oo kale, iyo marka qorraxdu cirka badh-tankiisa dhaafto. Ciid ul-Adxada tukashadeeda waa la soo dedejinayaa, si dadku ay udxiyada qaliddeeda fursad ugu helaan. Ciidul-Fitrigana xoogaa ayaa dib loo dhigayaa, si dadku ay u helaan waqti ay ku bixiyaan Figrida, wax aana labada ciidood salaaddooda loo tukanayaa sidan soo socota:
Salaadda ayaa la xidhanayaa, iyadoo aan laga hora ysiinayn adimid iyo aqiimid toona, marka la xi dho dab adeedna todobo (7) goor (oo aanay ku jirin takbiirta sal aadda lagu xidhanayo) ayaa la takbi irsanayaa (Allaahu ak bar la leeyahay), marka rakcada labaad laga salaama naqs ado ka dibna waxaa sunne ah in la khudbadeeyo, iyadoo dadka lagu boorrinayo inay Alle ka cabsadaan, lana amrayo wax kasta oo wanaag aakhiro ama mid adduunyo ku jiro, loona sharaxayo arrimaha ciidda la xidhiidha, haddii laga jaahil yahay. Khudbadana waxaa lagu billaabayaa Alle ku xamdigiisa "Alxamdu lillaah”.
QOFKII SALAADDA "CIIDU” AY DHAAFTO
Qofkii ay dhaafto inuu Ciidda jamaca la tukado wuxuu kalidii (ama dadka la midka ah) iska tuk anayaan laba rakc adood oo salaaddii Ciidda ah, habka tukashadana waa sidaas aynu xaga hore ku soo xusnay.
UDXIYADA IYO XUKUNKEEDA
Udxiyadu waa neef la gawraco barqada maalinta "Ciidul-Adxada” (Ciidda wayn), iyadoo Allaah loogu dhowaanayo, waana sunne adag oo ayna haboon ayn in laga tago, waxaana udxiyada laga rabaa qoys kas ta oo muslim ah, aw ood dhaqaalena u leh inay gawracaan, qof kii aan reer lahayn sida ruuxa doo bka ah ama reerkiisii uu ka maqan yahay, awoodna u leh inuu la yimaado, waxaa sunno ah inuu la yima ado, Rasuulku SCW isagoo dadka ku boorrinaya su nnahaas, diidanna in la fud udaysto ayuu ciqaab wuxuu ku soo rogay dadka sunnadaa ka taga, wuxuu yidhi: "Qofkii heli kara dhaqaale uu ku udxaysto ee aan doonayn inuu udxiyaystaa yuunu naga iman oo aanu ka soo xaadirin meesha aanu ku tukanayno "Ciidda”.
Laakiin ruuxii aan heli karin udxiyada wax dambi ah gali maayo, waxaana soo gaadhaya ajarka udx iyadii uu Rasuu lku SCW ummaddiisa ka bixiyey, iyo midda ay muslimiintu qalayaan fadligeeda. Rasuulka SCW inta neefkii uu ku udxiyaysanayey loo keenay salaadda dabadeed ayuu markii uu gawracayey wuxuu yidhi: "Bismillaah, wallaahu akbar, udxiyadan aniga ayaa iska bixiyey, iyo qofkii aan udxiyaysan (aan awood u lahayn (ee ummaddayda ka mid ah)”.
WAQTIGA UDXIYADA LA GAWRACAYO
Udxiyada waxaa la gawracayaa laga billaabo mar ka laga baxo salaadda ciidda (Ciidda wayn), wax ayna soconaysaa ilaa iyo saddex maalmood oo maa linta Ciidda ka damba ysa, marka saddexdaa ma alm ood oo maalinta Ciidda ka dambaysa, marka sad dexdaa maalmood midda ugu Dambaysa qorraxde edu dhacdana waqtigeedii wuu dham aanayaa, sidaa awgeed maalintii qofku uu rabo oo maalinta Ciidda iyo saddexda ka dambaysa ka mid ah udxiyadiisa wuu qalan karaa.
Waxaaba aad mooddaa in xikma ddu ku jirto in dadka qaarkood ay udxiyadooda dib u dhigtaan, had dii dadka badankiisu maalinta Ciidda ay udxiyadooda wada qalayaan, si dadku fursad ay ugu helaan inay maa lmaha kalena ka faa’iidaystaan, oo aan hal maalin hilbaha oo dhami isaga dul dhicin.
Maadaama waqtiga udxiyada la qali karaa uu bill aabanayo salaadda dabadeed ayaa waxaan la ogol ayn in neefka la sii qalo habeenka Ciiddu soo gala yso, ama subaxa Ciidda inta aan salaadda la tukan, qofkii waqtiga loogu talagalay ka hormariyana ma he layo ajarkii udxiyada laga helayey, ee wuxuu u no qona yaa neef uu isagu iska qashay, waxaana laga rabaa inuu neef kale gawraco, haddii uu rabo inuu sunnada muslimiinta waafaqo, sida uu Rasuulku SCW u yidhi: "Qofkii salaadda horteed (udxiyada) bireeyaa ha ku soo celiyo.”
INTA UDXIYO UGU FILAN QOYS WALBA
Qoyskii udxiyaysanaya waxaa ku filan hal neef oo adhi ah, intii uu rababa qoyskaasi ha ka koobnaadee, maadaama neefka ishinka ahi (wa xaa lo’da iyo geela la isku yidhaah daa ishin) aanu le’ekayn lana hilib iyo qiimo ahayn neefka adhiga ah, ayuu wuxuu ku filnaan karaa in ka badan intii neefka adh iga ahi uu ku filnaa, sidaa awgeed neefka lo’da ahi wuxuu ku filan yahay toddobo qoys, oo meeshii qoys walbaaba hal neef oo adhi ah ka soo iibsan lahaa, haddii ay hal neef oo lo’ ah isku darsadaan, waa ku fil an yahay, oo uma baahna wax kale, qofka kaligii ah iyo qoyska isku wax ayaa udxiyo ugu filan, ee hal la ogaado, neefka geela ahina wuxuu udxiyo ugu fil an yahay toban reer, waxaana Cabdullahi bin Cabb aas (a.k.n) laga soo wariyey inuu yidhi: "Annagoo saf ar ku jirna oo Rasuulka SCW la soconna ayaa waxaa soo galay waqtigii udxiyada, markaas ayaanu neef lo’ ah 7 qof ku qaybsannay,midkii geella ahaana 10 qof.” XOOLAHA KUWOODA LAGU UDXIYAYSAN KARO
Waxaanu soo xusnay in adhiga, lo’da, iyo geelaba lagu udxiyaysan karo, laakiin intaa lagu dayn maayo, oo neefka udxiyada galayaa waa inuu soo buuxiyaa shuruudo cay iman, haddii neefku aanu ka soo bixin shuruudahan ma no qonayo mid udxiyo gala, shuruudahaasina waa:
1- Haddii neefku yahay neef ido ah waxaa shardi ah in hal sano ay u buuxsantay, haddii uu riyo yaha yna waa in la ba sano u buuxsanto, sannadka sadd exaadna uu galo, neef ka lo’da ahna waa in sidoo kale laba sano ay u buuxsanto, midda saddexaadna uu galo, neefka geela ahna waa in shan sano ay u buuxsantaa, midda lixaadna uu galaa.
2-Neefku waa inuu ka nabad qabaa ceebaha u di idi kara in uu noqdo mid lagu udxiyaysan karo, cee baha la rabo inuu ka nabad qabaana waa:
3-Cudurrada xoolaha ku dhaca, sida candhada, san babka, shinbirka, iwm, sidaa awgeed waa in neef ku aanu qabin cudur muuqda oo wax u dhimi kara, laakiin haddii uu qabo wax aan sidaas u darnayn wax dhib ah ma keenayo.
4- Il caddaad, haddii ishu si muuqata u caddaato ma gelayo neefkaasi udxiyo, haddii uu il la’yahay oo aanu waxba arkayn way ka sii daran tahay.
5-Dhutin muuqata, waa in aanu neefku ahayn mid u dhutinaya (laan-gadhaynaya) si muuqata, sida neefka jaban iwm, haddii uu sidaa yahay ma galayo udxiyada.
6-Dhuux ama baruur la’aan, haddii neefku aanu dhuux ama baruur lahayn, sida neefka aadka wayda u ah, ama duqa ah, laguma udxiyaysan karo.
7- Dheg go’naan ama jeexnaan, haddii dhegta oo dhan ama badhkeed uu go’an yahay udxiyo ma gal ayo, haddii dhegtu dillaacsan tahayna waa sidaas oo kale, haddii xubnihiisa qaar go’an yihiin sida badhida iwm, shaki kama taagna inaan la ogolayn, sidaasna waxaa la mid ah haddii gees jaban yahay.
Ceebahan aynu soo xusnay waxaa caddeeyey, oo ay ku xusan yihiin xadiis sugan, oo uu soo wari yey Baraa bin Ca azib (Ilaahay Raali ha ka noqdee) oo xusay:
"In Rasuulka SCW la waydiiyey iyadoo lagu yidhi: neefafka lagu udxiyaysanayo kuwee ayaa la iska ilaa lin ayaa?
Markaasna inta uu gacanta ku ishaaray yidhi: afar:
1- ka dhutinaya, ee dhutintiisu ay muuqato,
2- ka isha la’, ee il la’aantiisu muuqato,
3- ka buka ee xanuunkiisu muuqdo, iyo
4 ka weyda ah, ee aan baruurta lahayn.” DHAMMAAD
QORE :-MARXUUM SICIID GURAASE
Illaahay ajar iyo xasanaad haka siiyo Qoraaga maq aala ddan, Marxuum Siciid Ismaaciil Guraase, oo tacab badani ka galay inuu casharada diiniga ah af-Soomaali u bedelo muddadii uu Warbaahinta ku jir ay. Qof kastoo akhriya maq aalkan oo faa’iido badan ha u duceeyo qoraagiisa (Mar xuum Siciid Guraase), in illaahay Jannatul-Fardowsa ka waraabiyo, qabriga na u nuuro una ballaadhiyo..Aamiin Aamiin
WAR-GELIN:-
ku socota dhammaan Macaamiisha wargeyska iyo Akhrisata yaashi isa Sharafta leh, wuxuu Maamulka wargeyskan ku wargekinayaa inay ila aliyaan Nuqullada wargeyskan oo qeybo ka mid ah fadaa’isha Bisha Bar akeysan ee Ramadaan Daruus la xiriirta ay ku qoran yihiin iyo Aayado Qur’aan
HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAIYL NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH KHAMIIS 20-KA ABRIIL 2023-KA
..