
HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ARBACO 29-KA MAARSO 2023-KA-
ATMIS oo ku biiraysa howl-gallada Muqdisho
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa M/Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ay aa ahalay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qa abilay Wakiilka Ga arka ah ee Guddo omiyaha Guddi ga Midowga Afrika u fadhiya Soomaal iya, ahna Madaxa howl-galka (ATMIS) Danjire Maxamed Al-Amiin Souef.
Kulankaan ayaa waxay loo ga wada-hadlay xoojinta wa da-shaqeynta maamulka go bolka Banaadir iyo howl-galka ATMIS, sidoo kale fulinta qorshaha sugida amniga caasimadda iyo guud ahaan howl-galada ka dhanka ah kooxaha Khawaari jta ee ka socda dalka.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa M/Muqdisho Yuusuf Madaale ayaa ku ammaanay Midowga Afrika (ATMIS) doorka ay ka qaateen horu marka iyo Ammaanka Soomaaliya, iyagoo u huray dhiigooda iyo naftooda.
Danjire Souef ayaa xusay in ATMIS ay sii wadi do onto taageeradooda ku aadan cirib-tirka Khawaarijta iyo dardar-galinta howl-galada ka socdo dalka, isago ona shacabka Soomaaliyeed ku amaanay garab ist aaga howl-galada socda, taasi oo keentay in ciida mada xoogga dalka ay guulo waaweyn gaaraan. Si doo kale waxa uu sheegay in ka go’an tahay in bul shada Soomaaliyeed kala shaqeeyaan amniga iyo barnaamijyada horumarinta, kahor December 2024, oo ah xilliga u qorsheysan inay soo gaba-gabeeyaan howl-galkooda Soomaaliya.
ATMIS ayaa door muhiim ka qaadan doonta qo rshaha sugida amniga caasimada, ayada oo la dar dar-gelinayo howlaha wada-shaqeynta Booliska AT MIS iyo taliska Booliska Soomaaliyeed.
Si kastab, Ciidamada ATMIS ayaa saameyn muu qata ku haleyn howl-galada Muqdisho iyo kuwa gobo lada ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, balse ta asi ayaa muuqata in hadda kadib wax iska bedeli do onaan kadib kulamo isdaba-joog ah oo ay hoggaan ka ATMIS iyo madaxda DF.
Madaxda DFS oo isku raacay qorshe ka dhan ah qaar ka mid ah askarta Muqdisho
Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa shaaciyay qorshe cusub oo qeyb ka ah sugida ammaanka mag aalada Muqdisho iyo dib u habeynta askarta ka howl-gasha magaalada Muqdisho.
S/Guuto Sulub Axmed Firin ayaa sheegay in xubin kasta oo ciidanka Booliska ka tirsan ee isticmaasha waxyaabaha Maandooriyaha in ciidanka Booliska la ga saarayo, sidaasna ay isku raaceen madaxda sare ee dalka.
"Waxa la dagaalameyna maa ndooriye oo ogtihiin dhibta uu ku hayo dadka iyo dalkeena, waxaa go’aansanay in aan ka suulino ciidanka dhexdiisa. Xu bin kasta oo Booliska ka tirsan oo isticmaasha ma andooriye nooca uu dooni ha ahaado in ciidanka ka mid ahaan ayaa go’aansanay oo banaanka uga sa arno,” ayuu yiri S/Guuto Sulub Axmed Firin.
Sidoo kale waxa uu sheegay in si adag ula-dagaa lamayaan cidkasta oo ka ganacsata waxyaabaha ma anka dooriya, "Cid kasta oo waxaas ku lug leh oo ga da, beerta, dibada ka keenta in tallaabo waafaqsan sharciga ka qaadno.”
"Waxaa la dagaalameyna nolosha qofka muwaa dinka ah ee u adeegno iyo guud ahaan umadda Soo maaliyeed oo inagu ku jirno in aan ka hortagno waxa khatarta ku ah,” ayuu yiri Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed. S/Guuto Sulub Axmed Firin ayaa waxa kale oo uu xusay in taliska Booliska ay ka go’an tahay inuu soo celiyo sharafka iyo qiimaha uu leeyahay ciidanka Bo oliska, oo sanadihii dambe si weyn u lumay kadib fi cillada askarta ka howl-gasha magaalada Muqdisho.
Dowladda ayaa wada qorshe dib u habeyn loogu sa meeynayo ciidanka ka howl-galla gudaha magaalada Muqdisho, iyada oo hore u ballan-qaaday in askari kasta oo gabood fal ku sameeya shacabka la marin doono ciqaabta ugu adag ee sharciga.
Si kastaba, Amaanka magaalada Muqdisho ee caas imada dalka ayaa muddooyinkii dambe sii xumaana yey, ayada oo ay ka dhaceen dilal, dhac iyo iska hor-imaadyo ciidamada dhexdooda ah, kuwaasi oo sa babay dhimashada shacab badan.
Maamulka gobolka oo $69,000 siinaya dadkii ku waxyeeloobay weerarkii…
Maamulka gobolja Banaadir ayaa soo bandhigay dhaqaale loo qorsheeyey in la siiyo dadkii ay waxy eelladu ka soo gaartay weerarkii ay kooxda Al-Shab aab ku qaaday xarunta maamulka gobolka Banaadir.
Gudoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyada Gobalka Banaadir Ciise Maxamuud Guure ayaa she egay in 69 kun oo dollar ay u qorsheeyeen inay siiy aan ehellada 8-qof oo ku geeriyooday weerarkaas.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in dadkii ku geeriy ooday weerarkaas ay duugtoodii bixiyeen, hadana ay doonayaan inay lacagtaan gaarsiiyaan ehellada dadkii ku geeriyooday weerarkaas.
"Qoys kasta waxaan ugu tala galnay afar kun oo dollar inta soo hartana waxaan sii doonaa dadka qa ba dhaawacyada daran, lacagtaan waxaa iska soo uruuriyey shaqaalaha maamulka gobolka oo mush aarkooda qof kasta uu 10% ku deeqay,” ayuu yiri gud doomiye Guure.
Wuxuu sheegay in dadkii dhin tay weerarkaas oo 8 qof gaaraya ay dhamaantood shaqaale ka ahaaye en gobolka, isla markaana aan la ruqsey doonin oo ehelladooda ay qaada doonaa mushaarkii ay qaada jireen.
"Dadkii shaqaalaha ahaa ee gee riyooday carru urtooda sidii ayey mu shaarka u qaada doonaan, wax la ga jari doono ma jiraan, in wax loogu daro maahane,” ayuu hadalkiisa ku sii daray guddoomiye ku xigeenka maaliyadda maamulka gob olka Banaadir. Guddoomiyaha ayaa sheegay in dad kii dhaawacmay ay isbitaallada ka baxeen oo intooda badan ay bogsoodeen, "Waxaan ka qeyb qaadanay baxnaaninta dadkaas, hadda dhamaantood isbitaall ada waa ka baxeen,” ayuu yiri.
Wuxuu intaas ku sii daray, "Ahalay waxaan qaban ay munaasabad aan ugu duceynay shuhadadii, mu naasabadaan waxaan dib ugu dhiganay in la baxna aniyo dadkii ku dhaacawmay weerarkii, dhaawacya da waxaan u dirnay dhaxal koob,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Guddoomiye Guure.
Odayaasha Dhaqanka ka tegay Muqdisho oo bil aabay dadaalo lagu xalinaayo Colaada Laas-Caan ood
Odayaasha Dhaqanka ee ka tegay Magaalada Muqdisho, isla markaana Dorraad gaaray Magaalada Laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa bilaabay dadaalo lagu xalinaayo dagaalka dhex-maray Ciidamada Somaliland iyo kuwa xoogaga la Magac baxay SSC.
Odayaasha oo uu horkacayo Maxamuud Cali Ugaas ayaa waxaa ay booqdeen qaar kamid ah Dhismayaa sha ku burburay mada afiicda ay Ciidamada Somalil and ku garaac een Magaalada Laas-Caanood oo ay kamid yihiin Goobaha waxbarashada iyo Isbitaalka weyn ee Magaalada Laas-Canood. Wararka ay Risaala heleyso ayaa sheegaya in Odayaasha Dha qanka ee ka tegay Muqdisho ay Ha been hore kula mo la qaateen Isimada Dhaqanka SSC, iyaga oo kala hadlayay sidii loo joojin lahaa col aada magaa lada Laas-Caanood oo dad badan ay ku dhinteen.
Odayaasha Dhaqanka ka tegay Magaalada Muqdi sho ayaa qorshahoodu ahaa inay sidoo kale la kulma an dhinaca kale ee Madaxda Somaliland ayna taga an Magaalada Hargeysa, balse Wararka kale ayaa sheegaya in dhinaca Somaliland ay diideen wada-hadalladaas, islma markaana ay shuruud ku xireen.
In kastoo xaaladda magaalada Laas-Caanood ay ta hay mid degan, ayaa hadana waxaa markasta la filan karaa in uu dagaal dhaco maadaaa weli dhinacyadii daga lamay ay ishor-fadhiyaan. xigasho:-radioris aala.com
DF oo Turkiga kala wareegtay gaadiid dagaal
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ahalay ga adiid dagaal kala wareegtay dowladda Turkiga, xilli uu dalka ka socdo dagaal ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.
Munaasibad kooban oo ka dhacday gudaha dek edda Muqdisho ayaa waxaa gaadiidkaas ay dowl adda Turkiga ugu deeqday Soomaaliya kula waree gay wasiirka gaashaandhiga xukumadda federaalka Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).
Wasiirka Gaashaandhiga ayaa uga mahad-celiyay shacabka iyo dowlada Turkiga oo uu sheegay in "hiil iyo hooba” ay la garab taagan yihiin xaalad kasta wal aalahooda Soomaaliyeed.
Waxaan ahalay dekada Muqdisho kula wareegey gaadiid ay noogu deeqdey Dowlada aan walaalaha nahay ee Turkiga, Waxaan u mahad celinaayaa Sha cabka iyo Dowlada Turkiga oo hiil iyo hooba la garab taagan xaalad kasta walaalahooda Soomaaliyeed,” ayuu yiri Wasiir Jaamac.
Gaadiidkaan ay ku deeqday dowladda Turkiga ay aa waxaa loogu tala-galay in lagu tayeeyo ciidamada xoogga, gaar ahaan GorGor, sida uu sheegay wasi irka Gaashaandhiga oo ahalay la wareegay.
Gaadiidkaan dagaal ayaa waxay keenistooda ku soo aadaysa xilli ay dalka ka socdaan howl-gallo ka dhan ka ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo ay iska kaash anayaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa tan iyo ma rkii uu billowday dagaalka ka socda dalka waxay ka almo milateri iyo saanad ciidan ka helaysay dalalka saaxiibka la ah, kuwaasi oo muujiyay inay diyaar u yihiin inay ku taageeraan dagaalka Al-Shabaab.
Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo guddoo miyay kulan looga hadlay Xaaladda magaalada Baardheere
Wasiirka arrimaha gudaha dowladda federalka Soomaaliya, mudane Axmed Macalim Fiqi ayaa ahalay guddoomiyey shir ay isugu imaadeen hay’addaha ka shaqeeya arrimaha Bin’aadanimada oo looga hadlayay xaaladda magaalada Baardheere ee gobalka Gedo oo dhawaan uu ku fatahay wabiga Jubba.
Kulankan waxaa qayb ka ahaa guddoomiyaha hay’ adda maareynta musiibooyinka Qaranka mudane Ma xamuud Macalin Cabdulle, La-taliyaha Istaraatii ji yadda iyo iskaashiga mudane Maxamed Cumar Mac alin, madaxa isku-xirka arrimaha gargaarka Soomaa liya ahna ku-xigeenka madaxa Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Adam Abdul Mowla, waxaana looga hadlay xaalada magaalada Baardheere iyo sida dadka halkaas ku dhibaataysan gargaar loo gaarsiin karo.
Masuuliyiinta ka qeyb-galay shirkan muhiimka ah ayaa ku balamay in la qabto shir ballaaran oo xooga lugu saaraayo arrimaha fatahaadda iyo sidii xal wa ara loogu heli lahaa dhibootooyinka ka dhasha biyo yarida iyo fataahadaha, ayidoo lugu balamay inay hay’adda SoDMA ay qaadato dowrka isku xirka
Hay’adda HSF oo deeq raashiin gaarsiisay Isbitaalka Laansareeti
Isbitaalkan ayaa waxaa lagu daryeelaa dadka dhi mirka la’ waxaana hay’adda samafal ee Hormuud sa laam foundation oo dardargelinaysa mashruuca taak uleynta iyo afurinta dadka masaakiinta ah waxa isb itaalka gaarsiisay raashiin isugu jira bur, bariis, son kor, saliid iyo timir.
Gudoomiye Kuxiggeenka Hormuud Salaam Founda tion, Cabdiraxmaan Ibraah im Cilmi oo ugu horeyn ka hadlay munaasabadda wa reejinta deeqda ayaa shee gay in deeqdan ay qayb ka tahay wax u qabashada dadka danta yar iyo kuwa baahiyaha gaarka qaba ee HSF ay fulineyso bishan barakeysan ee Ramadan.
Ku simaha Agaasinka guud ee Isbitaalka Laansare eti, Dr Yuusuf Cabdi Samoow ayaa kaga mahad celi say Hay’adda Hormuud Salaam Foundation gargaar ka ay soo gaarsiisay isbitaalka, iyadoo sheegtay inay san ehayn markii ugu horeysay ee mar walba oo la gaaro bisha Ramadan ay il gaar ah ku fiiriso dadka kuwooda ugu nugul.
Dhanka kale Hormuud Salaam Foundation ayaa isla ahalay deeq isugu jirta lacag iyo timir waxa ay ga arsiisay illaa laba boqol oo haween, oo ka mid ah dadka danyarta ee ku dhaqan Magaalada Muqdisho.
Raaxo Xusen Xirsi oo ah Ku xigeen Hormuud Salam Foundation ayaa ka hadashay goobta haweenkaasi loogu guddoonsiiyay deeqda lacagta iyo weliba timi rta, waxayna sheegtay in deeqdan ay ugu talagaleen in haweenka danyarta ay kaalmo u noqoto, inta lagu guda jiro bisha Ramadan.
Gudoomiye ku xigeenka Ururka Haweenka Wars an Xasan Xagar oo halkaasi ka hadashay ayaa Horm uud Salaam Foundation ku amahalayy mid mar wal ba u taagan caawinta haweenta danta yarta ee aan waxba haysan.
Hormuud Salaam Foundation ayaa dardargelinay sa caawinta dadka danta yar iyo kuwa baahiyaha ga arka qaba, iyadoo hay’addu marka la gaaro bisha bar akeysanee Ramadan, ay fuliso mashaariicda noocan oo kala ah, waana xilli ay hay’addu waddo barmaamij kaasi ku lamaanan oo dadka danyarta ahi lagu afu rsiiyo.
Digniin: Fatahaado ballaaran oo laga filan karo webiga Shabeelle oo sameeyay sarakicii ugu wey naa
Digniin ayaa laga bixiyay fatahaado weyn oo uu samayn karo webiga Shabeelle kadib markii roobab lixaad leh ay ka da'een buuralayda sare ee Itoobiya.
Dad ku sugan magaala da Godey iyo deegaano kale oo katirsan dhulka degaanka Soomaalida, ayaa kusoo waramaya in webiga Shabeelle uu sameeyay sarakicii ugu sarreeyay muddo dhowr sano ah.
Biyaha webiga ayaa kor u kacay 1.25 Mitir, waxa ana la sheegay marka uu heerkaan gaaro inuu sam ayn karo fatahaad aad u ballaaran, taasoo galaafan karta nolasha dad badan, iyada oo fatahaadu ku faafi karto dhul ballaaran oo aan la qiyaasi karin.
Webiga ayaa hadda fahataad ka sameeyay dega ano badan oo kuyaala degaanka Soomaalida, isagoo dhibaato weyn u geystay dhul beereed.
Meelaha digniinta laga bixiyay waxaa kamid ah magaalada Baladweyne oo caan ku ah in mar walba fatahaada webiga Shabeelle ay dhibbane u tahay, in kastoo aad looga digayo in halistu sidii hore ka ball aaran tahay, loona baahan yahay in laga fogaado meelaha webiga fatahaada ka samaynayo.
Dowladda Soonaaliya iyo maamulka Hirshabeelle weli wax digniin ah ma aysan bixin, xilli ay qeylo dha an weyn kasoo yeerayso degaanka Soomaalida Eth iopia, halkaas oo uu webiga biyaha kasoo qaado.
Horraantii 2020 ayay ahayd markii Fatahaad weyn ay ka dhacday magaalada Baladweyne, halkaaa oo ay dad badani ku dhinteen, hanti badanna ay ku luntay, walina waxaa muuqda inaan cashar laga baran dhib aatooyinka ay sababeen fatahaadu.
Waxaa intaas sii dheer, meelihii laga xiray webiga ee fatahaadu ka imaan jiray ayaa la burburiyay, taa soo sii kordhinaysa halista fatahaada la filan karo
Laamaha Amniga oo burburiyay Warshado lagu farsameeynayay waxyaabaha Maanka dooriya
Taliska qeybta Guud ee Booliska Gobolka Bana adir ayaa kadib howlgal ay sameeyeen waxaa ay ku guuleysteen inay burburiyaan Goob lagu farsameeyn ayay waxyaabaha maanka dooriya sigaar ah calaqa, taas oo ku taalla Waaxda Cirfiid degmada Hiliwaa ee Gobolkan Banaadir.
Goobtaan ayaa Sarakiisha Ciidamada Boolisku sheegeen inay aheyd goob weyn oo lagu sam eeyn ayay Calaqa, si loogu iib geeyo qeybaha kale ee Magaalada Muq disho, isla markaana ay ka Sha qeeynayeen Dhaliny aro farabadan.
Ms’uuliyiinta Maamulka gobolka Banaadir oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha gobolka Yuusuf Xuseen Ji mcaale Madaale, Maamulka degmada Hiliwaa, Tali yaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir iyo taliska qeybta Bari ee Booliska Gobolka ayaa ku sugnaa Goobta lagu burburinayay Maandooriyaha Calaqa oo caaga waaweyn kujiray.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muq disho ayaa sheegay in Maandooriyaha uu yaha mid aan wanaagsaneyn mustaqbalka dhalinyarada Soo maaliyeed, wuxuuna si cad u sheegay inay la dagaa lami doonaan Goobaha lagu kariyo Maandoriyaha & Hoteelada lagu isticmaalo.
Taliyaha qeybta Guud ee Booliska Gobolka Ban aadir Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin ayaa dhankiisa seegay in marnaba la aqbaleyn in xashiish iyo waxkasta oo Maanka dooriya la beerto, isla mar kaana hub inta lagu gato darajo lagu gaaro.
Wuxuu hadalkiisa uu intaasi kudaray in Magaalada muqdisho ay kusoo bateen Burcadda iyo Ciyaal weer ada ay la dagaalami doonaan cidkasta oo farsame yneysa waxyaabaha maanka dooriya iyo dadka ist icmaalaya intaba.
Laamaha Amniga Gobolka Banaadir ayaa habeen adii la soo dhaafay waxaa ay Magaalada muqdisho ka wadeen howlgallo ka dhan ah Ciyaal weerada iyo waxyaabaha maandka dooriya, iyaga oo ku qabtay maandooriye farabadan iyo dadkii ka Ganacsanayay
Shirka Daah-Furka Warbixin Muuqaaleedka Dhaq aalaha Dalka Oo Muqdisho Ka Furmay
Wasaaradda Qorsheynta ayaa magaalada Muqd isho ka daah-furtay shirka warbixin muuqaaleedka dhaqaalaha dalka.
Kulanka ayaa waxaa ka qayb galaya Wasiirro ka tirsan golaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada, jilayaasha aan dowliga aheyn iyo saaxiibbada caalamiga ah. Wasiirka Wasaarada Qorsheynta Maxamuud Cabdi raxm aan Beene Beene oo kulankan daah furay ayaa ka hadlay muhiimada ay leedahay shaacinta warb ixinta dhaqaalaha dalka.
"Waxaa farxad weyn noo aheyd in markii ugu horeysay ahalay aan shaacinno Warbixin Muuqaaled ka Dhaqaalaha Dalka, taas oo ka tarjumeysa Muuqa alka Dhaqaalaha Soomaaliya, isla markaana faah faahinaysa waxqabadka tilmaamayaa sha dhaqaa laha guud, horumarrada dhaqaale ee u dambeeyay, siyaasadda dhaqaalaha guud, siyaas adda deymaha, maamulka maaliyadda iyo dhaqaal ha iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo saadaa sha.”ayuu yiri Wasi irka Qorsheynta Beene Beene.
Wasiirka Wasaarada Qorsheynta ayaa sidoo kale kulankan ka sheegay in si kor loogu qaado awoodda ay Wasaaraddu u leedahay in ay soo saarto warb ixinno dhaqaale oo noocan oo kale ah, isla markaana loo horumariyo hababka ku saleysan kobaca dhaqaa laha iyo horumarka, waxaan ka codsanaynaa bah-wadaagtayada horumarineed in ay wadashaqeyn dhow la yeeshaan Wasaaradda.
20 Qof Oo Cumro U Tagay Sucuudiga Oo Ku Dhintay Shil Baabuur
Ugu yaraan 20 qof ayaa ku geeriyootay 29 kalena waa ay ku dhaawacmeen shil bas oo ka dhacay dal ka Sacuudiga, sida ay ku warrantay warbaahinta gud aha.
Baska oo siday dad u joogay cumro Magaalada Barakaysan ee Makka, ay aa waxa uu ku dhacay Bu undada Gobolka Aasir ee Koonfur-galbeed, ka dibna waxaa qabsaday dab.
Muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay gaariga oo holcaya. Maamulka ayaa wali baaraya sababta. Al Carabiya oo Sacuudiga laga leeyahay ayaa sheegtay in dadka geeriyooday ay u kala dhasheen dalal kala duwan balse ay ku jiraan dhowr qof oo Sacuudiga u dhashay.
Waxa la sheegay in ay qorshaynayeen in ay soo gutaan Cumrada. Shilkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay billaabatay bisha barakaysan ee Ramadaan oo ah xilli aad u mashquul badan oo ay aad u badan yihiin dadka Cumrada u taga halkaas.
Sanadkii 2019-kii, 35 ayaa dhimatay kadib markii uu bas ku dhacay gaari kale xilli ay ka soo ambabaxeen magaalada Madiina kuna sii jeedeen magaalada Maka si ay Cumrada u soo gutaan.
Midowga Afrika oo war ka soo saaray rabsh adihii ka dhashay dibad baxyadii ka dhacay Kenya.
Midowga Afrika ayaa ku baaqday in wada hadal la sameeyo ka dib mudaaharaadyadii mucaaradka ee ka dhacay Kenya oo isku bedelay rabshado ayna ku dhinteen saddex qof tan iyo tod obaadkii hore.
Hogaamiyaha mucaaradka Mr Odi nga ayaa ku baaqay dibad baxyo ka dhan ah sare u kaca qiimaha ma ciishadda iyo caddaalad darro ay mucaaradku ka tabanayaan doorashadii dhacday sanadkii hore.
War qoraal ah oo uu soo saaray gudoomiyaha Mid owga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa ku booriyay "inay daneeyayaasha is dajiyaan oo ay wada hadal la galaan si wax looga qabto wixii khilaaf ah”.
Waxa uu sheegay in qaabkii ay doorashadu u dha cday san adkii hore ay ku soo dhamaatay si guul ah, islamarkaana natiijada ay xaqiijisay maxkamada sare ee dalka. "Gudoomiyuhu waxa uu ku celinayaa wada shaqaynta iyo garab istaaga dawlada iyo shacabka Kenya dadaalka ay ugu jiraan ka shaqaynta midnimada qaranka, nabadda iyo xasiloonida dalka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka. Hogaamiyayaas ha diinta ee Kenya ayaa sidoo kale ku baaqay wad ahadal shuruud la’aan ah oo dhexmara madaxwe yne William Ruto iyo Mr Odinga.
Golaha ammaanka ee QM: "Ma baarayno qarax yadii dhuumaha shidaalka ee Nord Stream’
Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Isniintii diiday codsi ka yimi dalka Ruushka oo ahaa in baadhitaan lagu sameeyo weerarkii lagu qaaday dhuumaha shidaalka ka soo qaada dalka Ruushka ee geeya dalalka Yurub, ee loo yaqaan Nord Stream 1 iyo 2.
Ruushka, Shiinaha iyo Br azil ayaa u codeeyey cods iga Ruushka, hase ahaa tee xubnaha kale ee gol aha ammaanka ayaa ka aamusay ama sheegay ina an loo baahnayn in baadhitaan lagu sameeyo arrin tan.
Sida uu yahay dhaqanka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, qaraarkasta oo dhaqan gal noqonaya ayaa u baahan in sagaal xubnood oo ka mida 15-ka xubnood ee golaha ammaanku inay u co deeyaan "haa”, iyo weliba inaanu diidmada qayaxan isticmaalin mid ka mida shanta dal ee xubnaha joog tada ka ah golaha ammaanka ee Qaramada Midoob ay. Danjire ku xigeenka Maraykanka u jooga Qara mada Midoobay ayaa sheegay inaan loo baahnayn in Qaramada Midoobay ay baadhis samayso, iyada oo ay baadhis wadaan Sweden, Jarmalka iyo Den mark. Labada dhuumood ee shidaalka ee Nord Stre am 1 Nord Stream 2 ayay inteedabadan maalgelisay dawladda Ruushku.
Dhuunta shidaalka ee Nord Str eam 1 ayaa shida alka geynaysay dalka Jarmalka, ill aa ugu dambayn uu Ruushku ka joojiyey bishii Au gust ee sannadkii 2022, halka dhuunta labaadi aanay shaqo bilaabin, ka dib markii dawladda Jarmalku ay warqaddii ogola anshaha ahayd kala laabatay, markii uu Ruushku duullaanka ku qaaday dalka Ukraine.
Bishii Sept emb er ee sannadkii 2022 ayaa weer ar lagu qaaday dhuumahan shidaalka, illaa haatanna ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay weerarkaas. AP
Dab xooggan oo ka kacay xarun muhaajiriin lagu hayo iyo Dhimasho iyo Dhaawac ka dhashay
Dab xooggan oo dhimahso sababay ayaa ku faa fay xarun lagu hayo muhaajiirinta oo ku taalla magaa lada Ciudad Juárez oo saaran xadka Mareykanka iyo Mexico.
Ilaa 70 qof ayaa la rumeysan yahay inay ku jireen gudaha xaruntan oo uu gacanta ku hayo Machadka Socdaalka Qaranka, markii uu dabkan kakacay hal kaas.
Warbaahinta gudaha ayaa sheegtay in ugu yaraan saddex qof ay ku dhinteen dabka.
Ma jirto weli xog rasmi ah oo oo dhacdadan laga soo saaray, balse wakaaladda wararka Efe ayaa shee gtay in weriyeyaasheedu ay arkeen bacaha meyd adka oo safan bannaanka xaruntan.Warbaahinta gu daha ayaa sheegtay in dhismaha uu dabku ka kacay ay ku jireen muhaajiriin ay saraakisha dalkaas hal kaasi geeyeen Dorraad.
Xaruntan ayaa ku taalla meel u dhow Buundada Stan ton-Lerdo, taasoo xiriirisa Mexico iyo Mareykanka.
Ma jirin war rasmi ah oo ka soo baxay oo ku saabsan waxa sababay dabka balse wargeysyada gudaha ay aa sheegaya in carqalad dhanka korontada ah ay ka jirtay gudaha xarunta kahor inta uusan dabku kicin.
Sawirro ay baahisay wakaaladda wararka Reuters ayaa muujinaya tiro meydad ah oo lagu daboolay bustooyin oo yaalla bannaanka dhismaha.
Dhibbaneyaasha badankood ayaa loo maleyna yaa inay ka soo ejedaan dalka Venezuela iskuna day ayeen inay u gudbaan Mareykanka.
Ciudad Juárez, oo ah magaalada Mexico ka tirs an ee ku taalla meel u dhow webiga Rio Grande oo ka soo billowda El Paso, Texas, ayaa waxaa dhowaa nahan ku soo qulqulayay dad badan.
Inta badan muhaajiriinta ayaa u socday xadka koofur eed ee Mareykanka iyagoo rajo ka qabay in la soo afjaro Title 42, oo ah siyaasad dowladda Maryekanka awood u siineysa inay si degdeg ah isaga cayriso mu haajiriinta doonaya inay u gudbaan xadkeeda.
Title 42, oo u oggolaaneysa in ka saraakiisha xadka ee Mareykanka ay u diidaan shakhsiyaadka isku da yaya inay galaan Mareykanka si looga hortago cudur rada faafa, ayaa makrii ugu horreysay la hirgeliyay bil lowgii xanuunka safmarka ah ee Covid.
Maamulka Biden ayaa ku dhawaaqay qorshihiisa ah inuu soo afjaro siyaasadihii xilligii Trump balse ha atan wlei taasi ma suurtogelin.
Tan iyo markii qorshahaas lagu dhawaaqay, waxaa korortay tirada muhaajiriinta gaareysa Ciudad Juárez ee sugeysa suurtogalnimada ah in la qaado xayiraaddaas.
Masar oo soo bandhigtay fiisayaal cusub, iyado ona soo dhawaysay booqdayaasha 180 waddan
Masar oo soo bandhigtay fiisayaal cusub, iyadoona soo dhawaysay booqdayaasha 180 waddan Masar waxay bixin doontaa fiisaha booqashooyinka badan ee shanta sano ah oo dhan $700 ayuu yiri Axmed Ci ise, wasiirka dalxiiska iyo qadiimiga oo shir jaraa’id qabtay Isniintii.
Waa markii ugu horreysay oo waddanku bixiyo fiisayaal sha qeynaya sannado badan wax ayna timid iyadoo waddanka Waqooyiga Afrika uu eegayo inuu kor u qaado da khliga muhiimka ah ee dalxiiska.
Masar booqasho fiisaha
Liiska wadamada heli kara fiisaha 30-ka maalm ood ee soo gelitaanka ayaa la gaadhsiiyay 180.
Dal ku galka wakhtiga gaaban waxa lagu bixiyaa lac ag dhan $25, muwaadiniinta Shiinaha iyo Hindiyana hadda way ka faa’iidaysan karaan waraaqaha.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dalxiisayaasha Turkiga loo oggolaaday inay fiisaha deg degga ah ka helaan dekedaha iyo garoomada diyaaradaha iyadoo aan lagu xaddidin da’ gaar ah.
Dalxiisayaasha Algeria iyo Morocco ee imanaya kooxaha dalxiiska ayaa sidoo kale hadda awood u yeelan doona inay helaan fiisaha gelitaanka degdega ah, iyo sidoo kale u oggolaanaya dalxiisayaasha Iran inay si toos ah u yimaadaan.
Dalku waxa uu bartilmaameedsanayaa 30 milyan oo dalxiisayaal ah sannadkii 2028 waxana uu u ba ahan yahay in uu kordho in ka badan 25 boqolkiiba sannadkii si loo gaadho
Kansarka ku dhaca uur kujirta oo kusoo badan aya dhallinyarada.
Heerarka kansarka uur kujirta ee dadka da’da yar ayaa aad kor ugu kacay sannadihii la soo dha afay. inta badan kiisaska la oga ado waxay ku jiraan marxalad ho re oo cilmi-baarayaashu ma huba an waxa keena kansarka.
Marka loo eego tirakoobyada cusub ee Ururka Kansarka Mare ykanka, saamiga kansarka uur kujirta ee ku dhacay dadka da’doodu ka yar tahay 55 sano ayaa labo jibaarmay intii u dhaxaysay 1995 iyo 2019. Taasi wa xay la macno tahay, in ku dhawaad 1.3 milyan oo qof oo Maraykan ah kuna ku nool Maraykanka isla mar kaana qaba kansarka uur kujirta ee sanadkii 2019, qiyaastii 273,800 ay ka yaraayeen da’da 55. Tirooyi nka uu saameeyay cudurka ayaa u kordhaya si xawli ah.
Daraasad lagu daabacay JAMA, 2021-kii , ayaa lagu qiyaasay in toddobo sano gudahood, kansarka uur kujirta uu noqon doono sababta ugu weyn ee dhi mashada kansarka ee dadka da’doodu tahay 20 illaa 49. Nooca kansarkan ayaa lagu tilmaamay mid si aa d ah u faafi kara iyadoo bukaanku uusan dareemin calaamadaha ama xilli hore uusan booqan dhakht arka si looga hortago.
Dad badan oo qaan gaar ah ayaan weli ka war qabin in kansarka uur kujirta uu ku dhici karo iyaga, taas oo u horseedi karta inay calaa madaha fahmi waayaan taasoo sababi karta in heer kii wax ka qa bashada uu dhaafo. Cudurkan ayaa la sheegay inay keeni karto arrimaha khatarta ah ee hab-nololeedka qofka ee , sida dadka da’da yar ee ku nool qaab-nol oleed fadhiidnimo si ka badan sidii hore, iyo cunista cuntooyinka ay ku badantahay sonkorta iyo cuntooy inka warshadaysan ayaa dhammaantood waxay u ba dan tahay inay gacan ka geystaan kor u kaca. Xogta cusubi waxay muujinaysaa heerka ugu sarreeya ee ogaanshaha kansarka uur kujirta ee haatan lahelay: ·Alaska Natives (88.5 per 100,000) ·Native Americ ans (46.0 per 100,000) ·Black Americans (41.7 per 100,000). Si kastaba ha ahaatee, kiisaska sii kordhey sa ee lagu ogaanayo dadka da’doodu u dhaxayso 20 ama 30 waxay u badan tahay inay noqdaan kuwo aan la ogaan karin ilaa calaamadaha ay ka soo bax aan.
Calaamadaha kansarka uur kujirta ayey dhakhaa tiirtu sheegeen in ay ugu caansanyihiin kuwan hoos ku xusan. ·Saxarada oo dhiig badan lagu arko. ·calool xanuun. ·miisaanka qofka oo si deg deg ah is ku dhima. ·Dhiig-yaraan. ·Neefta oo ku yaraata iyo daal ayaa sidoo kale noqon kara calaamado digniin ah.Xigasho:BBCSomali
Caro ka dhalatay fal lagu gubay kitaabka Qur’aanka
weerarro xooggan ayaa ka dhalatay fal ay koo xda midig-fog ee dalka Denmarka ay ku gubeen nu qul kamid ah kitaabka Qur’aanka Kariimka ah, sida ay dhawaan muujiyeen muuqaalo aad ugu faafay baraha bulshada.
Xubno ka tirsan kooxdan oo loo yaqaano Patrioterne Gar Live (The Patriots Go Live) ayaa waxay fal kaan ku baahiyeen Facebook Live, iyaga oo sidoo kale soo bandhigay boorar ay ku qoran yihiin Islaam naceyb.
Falkan Islaam naceybka ayaa waxaa si weyn uga carooday dalal badan oo Muslimiin ah, oo iyagu mu ujiyay sida ay uga xun yihiin falkaan, ayna tahay in wax laga qabto ficilada noocaan ah ee daan-daa nsiga ah.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Jordan ayaa cambaareysay arrintaas, oo ay ku tilmaamtay "fal aan la aqbali karin oo cunsuriyad ah oo kicinaya Mus limiinta, gaar ahaan xilli lagu guda-jiro bisha bara keysan ee Ramadaan.”
Wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga ayaa si doo kale oo ka hadashay dhacdadaan waxay ku tilm aamtay "dambi naceyb”, iyada oo sheegtay in Ankara aysan marnaba aqbali doonin tallaabooyinkan nooc aan ah.
Qatar oo iyaduna kamid ah dalalka Muslimka ah ee arrintaan ka dhiidhiyay ayaa waxay falalka koox dan xagjirka ah ku qeexday fal kicin halis ah oo lagu kicinayo dareenka balaayiin Muslimiin ah oo ku nool dunida, xilli lagu guda-jiro bisha barakeysan ee Ram adaan.
Horraantii sanadkaan ayay aheyd markii Rasmus Paludan oo haysta dhalashada dalalka Denmark iyo Sweden uu nuqul kamid ah Qur’aanka Kariimka ah uu ku gubay afaafka hore ee safaaradda Turkiga ee Stocholm, isaga oo mar kalena masaajid hortiisa ku gubay, falalkaasi oo si weyn uga careysiiyay Musl imiinta.
Midowga Yurub oo ku dhawaaqay €72 Milyan oo wax looga qabanayo saamaynta abaaraha Soomaaliya
Midowga Yurub ayaa ahalay ku dhawaaqay inuu bixin doono ilaa €72 milyan oo gargaar bini'aadannimo ah oo loogu talo galay ka jawaabidda abaaraha ka jira Soomaaliya.
Gargaarkaan ayaa ugu horr ayn lagu beegsanayaa haqab-beelka cuntada, wax ka qaba shada baahiyaha barakacay aasha iyo qaxootiga, u diy aargarowga musiibooyinka, iyo waxbarashada xaal adaha degdegga ah.
Taageeradan ayaa qeyb ka ah €331 million oo Yuuro ah oo Midowga Yurub uu u qoondeeyay dalalka Eth iopia, Kenya, Jabuti, Soomaaliya, Uganda, Sudan iyo Koonfurta Sudan.
Waddamadan ayaa wajahaya dhibaatooyin bini'a adantinimo oo badan, iyadoo in ka badan 50 milyan oo qof ay u baahan yihiin gargaar cunto oo degdeg ah.
"Baahiyaha bini'aadinimo ayaa gaaray heerkii ugu sarreeyay abid ee dalalka qaar, iyadoo xaaladda Soomaaliya ay aad u liidato. Abaarta Geeska Afrika ka jirta Ethiopia, South Sudan iyo Sudan oo ay weheliso cawaaqib xumadii ka dhalatay dagaalkii gardarada ahaa ee Ruushku ku qaaday dalka Ukr ain, waxa ka dhashay cunto yari aan hore loo arag, colaadaha iyo is-beddelka cimiladu waxay sii wadaan inay sababaan barakac gudaha ah. iyo qulqulka qaxo ontiga xudduudaha ka gudba. Jawaabteenu kuma ko obna maalgelinta-- 2022, tusaale ahaan, waxaan qa banqaabinay duullimaadyo xiriir ah oo Bini'aada ntinimo kuwaas oo gargaar nafo lagu badbaadinayo gaarsiinay meelaha ay adagtahay in la gaaro ee Soo maaliya, waan sii wadi doonnaa shaqada. anagoo kaashanayna saaxiibadeena bini'aadantinimo ee go obta jooga, si aan gargaarka u gaarsiino kuwa aadka ugu baahan." ayuu yiri Janez Lenarčič, oo ah Gudd oomiyaha Maareynta Xasaradaha.
Sidaan hoose ayuu Midowga Yurub dhaqaalaha ugu qoondeeyay dalalka geeska Afrika.
Jabuuti (€500,000)
Itoobiya (€60.5 milyan)
Kenya (€12.5 milyan)
Soomaaliya (€72 milyan)
South Sudan (€82 milyan)
Suudaan (€73 milyan)
Uganda (€30 milyan).
Madaxweynaha Kenya oo ka hadlay weerar kii loo gaystay beerta Uhuru Kenyatta
Madaxda diimaha kala duwan ayaa sidookale cambaareeyay falalkan.
state house kenyaCopyright: state house kenya
Madaxda diimaha kala duwan ayaa sidookale cambaareeyay falalkan.Image caption: Madaxda diimaha kala duwan ayaa sidookale cambaareeyay falalkan.
Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa cambaree yey mud aaharaady adii ay Isnii nti mucaaradka ka dhi geen dalka, taas oo hor se eday burbur hantiy eed oo u uku jiro dullaan lagu qaaday beer ay leeyihiin qoyska madaxweynihii hore ee dalka, Uhuru Kenyatta.
Mar uu hadal la hadlayay Kenyaanka ku nool maga alada Berlin, ayaa madaxweyne Ruto waxaa uu wa cad ku maray inuu ilaalin doono, badqabka dhamaan shacabka Kenya iyo ganacsatada isagoo howl gelin doono booliska. Mudaaharaadada ka dhacay dalka ayaa horseed ay in la weeraro masaajiddo iyo kaniisado ku yaalla magaalada Nairobi.Madaxda diimaha kala duwan ayaa sidookale camba areeyay falalkan. Kuuriyada Waqooyi oo markii ugu horreysay sameysay arrin walaac dhalisay
Kuuriyada WaqooyiXIGASHADA SAWIRKA,RODONG SINMU
Qoraalka sawirka,
Kim Jong Un iyo waxa ay warbaahinta Kuuriyada Waqooyi ku sheegtay hubka nukliyeerka
5 Saacadood ka hor
Kuuriyada Waqooyi ayaa soo bandhigtay gantaallada hubka nukliyeerka oo yaryar, kuwaasoo ay sheegtay in lagu rakibi karo gantaallada riddada dhow.
Waqooyiga ayaa in muddo ah sheegan jirtay inay heysato hubka nukliyeerka oo aad casri u ah, kaasoo awooda inuu beegsado Kuuriyada Koofureed.
Balse sawirrada ahalay lagu daabacay wargeyska dowladda ayaa noqonaya markii ugu horreysay ee ay bixiso caddeymo.
Si kastaba, suurtogal ma aha in la xaqiijiyo inay sax yihiin iyo in kale. Ilaa ay Kuuriyada Waqooyi tijaabiso mid ka mid ah hubkan, waan iska qiyaaseynaa uun.
Pyongyang ayaa labadii toddobaad ee la soo dhaafay ku howlaneyd tijaabinta gantaallada waxa ay ugu yeertay hubka nukliyeerka oo awood leh, iyadoo sidoo kale ka dhigeysay sida inay weerarro nukliyeer ku qaadday Seoul.
Waxaa xaqiiqo ah inay adag tahay in maalmahan lala socdo tijabaooyinka hubka ee Kuuriyada Waqooyi. Tijaabooyinkan sida qarsoodiga ah loo sameeyo beryahan sidii hore looma daneeyo, balse haddii aan dhammaantood eegno waxaa jira waxyaabo badan oo laga baran karo.
Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay inay ciqaabeyso Mareykanka iyo Kuuriyada Koofureed iyadoo ka aarsaneysa dhoollatusyadii ugu weynaa ee militariga ee muddo sanado ah ay sameeyaan. Xulafadan ayaa tijaabinayay sidii ay uga adkaan lahaayeen Waqooyiga haddii ay weerar soo qaaddo. Tani maaha tijaabo u uku farxayo hoggaamiyaheeda Kim Jong Un.
Tan keliya maaha cabasho lagu yaqaannay Kuuriyada Waqooyi. Sanadihii la soo dhaafay waxay dhoollatusyadaas oo kale uga falcelin jirtay rididda gantaallo isugu jira kuwa riddada dhow, dhexe iyo dheer.
Markan, labadii toddobaad ee la soo dhaafay, Pyongyang waxay tijaabisay hubkeeda isaga gudba qaaradaha ee ugu culus, kaasoo gaari kara meel walba oo ka mid ah dhulweynaha Mareykanka.
Waxay badda hoosteeda ka gantay gantaallo. Milatarigeeda ayaa tijaabiyay weerar nukliyeer oo lagu qaadi karo Kuuriyada Koofureed.
Kim Jong Un ayaana daaha ka qaaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo biyaha hoosteeda marta, taasoo uu sheegay inay hubka nukliyeerka ka gani karto badda hoosteeda si ay u sameyso wax u ek duufaanta tsunami ayna u burburiso maraakiibta dagaal ee cadowga.Waxaa intaas dheer, waxay Waqooyigu soo bandhigtay madaxyada nukliyeerka oo ay sheegtay in lagu rakibi karo hubkan.
Tani waa tijaabooyin xiriir ah oo dhibaato sababi kara. Ellen Kim, oo ah falanqeeye ka tirsan Xarunta Istaraatiijiyadda iyo Daraasaadka Caalamiga ah, ayaa arrintan ku qeexday "in Kuuriyada Waqooyi ay u dhiganto sida bandhig dharka faashiyonka ah".
Falanqeeyeyaasha oo ay Ellen ku jirto, ayaa ka walaacsan kala duwanaashaha hubkan la soo bandhigay markan. Pyongyang ayaa daaha ka rogtay hub badan oo cusub oo kala nooc ah kaasoo laga gani karo badda iyo dhulka laguna beegsan karo Mareykanka, Kuuriyada Koofureed iyo Japan.
"Hore, ma aynaan ogeyn inay awoodaan inay badda hoosteeda ka soo duqeyn karaan hubka maraakiibta, amaba dhulka hoostiisa. Hubkeeda wuxuu noqonayaa mid ay adag tahay in lala socdo," ayay tiri Ms Kim.
Kuuriyada Waqooyi
Xamza Yuusuf: Waa kuma ninka Muslimka ah ee loo doortay hoggaamiyaha Scotland?
Xamza Yuusuf
XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES
Xamza Yuusuf ayaa loo doortay in uu baddalo Nicola Sturgeon si uu u noqdo hoggaamiyaha xisbiga SNP isla markaana u qabto xilka wasiirka koowaad ee Scotland.
Muddo dheer ayaa loo arkayay in uu ahaa murasha xa ugu cad cad ee u taagnaa jagada ugu sarreysa ee xisbiga oo sidoo kale ay kula tartamayeen siyaasiyiin ay ka mid tahay Ms Sturgeon qudheeda.
Ninkan oo ahaa Xog hayaha caafimaadka ayaa taageero ka helay tiro xildhibaanno ah oo ka badan kuwa u codeeyay murashaxiintii loollanka kula jiray.
Ku xigeenka wasiirka koowaad John Swinney ayaa saadaaliyay in tallaabadan au horseedi doonto guul, isagoo yiri: "Mr Yuusuf waxa uu dhammeystiri doonaa geeddi socodkeenna madaxbannaanida".
Waxa uusan shaki ku jirin in uu yahay murashaxa ugu khibradda badan saddexda siyaasi ee u taagnaa xilka hoggaanka, maadaama uu kasoo shaqeynayay dowladda tan iyo sanadkii 2012, isagoo soo qabtay xilal kala duwan oo ay ka mid yihiin xog hayaha caddaaladda iyo wasiirka gaadiidka.
Taageerayaashiisa ayaa sheegay in uu yahay nin ku fiican dhinaca wadahadalka uuna yahay qofka ugu mudan xilka si uu u mideeyo xisbiga.
Waa kuma Xamza Yuusuf?
Xamza iyo qoyskiisa
XIGASHADA SAWIRKA,AVERAGE AP
Marka Xamza oo 37 jir ah la xaqiijiyo in uu yahay Wasiirka Koowaad ee Scotland waxa uu taariikhda ku geli doonaa in uu yahay hoggaamiyihii ugu horreeyay ee kasoo jeeda qowmiyadaha laga tirada badan yahay oo ku jira dowladda maamul wadaagga.
Waxa uu sidoo kale noqonayaa qofkii ugu horreeyay ee Muslim ah ee hoggaamiya xisbi weyn oo ka dhisan UK.
Xamsa aabihiis waxa uu asal ahaan kasoo jeedaa dalka Pakistan. Waxa uu qaxootinnimo ku tagay Scotland sanadihii 1960-meeyadii xilligaas oo uu soo kaxeystay qoyskiisa.
Hooyadiis waxa ay ka dhalatay qoys kasoo jeeda Koonfurta Aasiya oo ku nool dalka Kenya.
Mr Yuusuf waxaa lagu yaqaannay in uu inta badan ka hadlo tacaddiyada cunsuriyadda ee uu la kulmi jiray.
Waxaa lagu khasbay in uu booliksa waco ka dib markii sida la sheegay uu helay hanjabaado xilliga uu billaabanayay artanka xilka hoggaanka xisbiga.
Nin 25 jir ah iyo haweeney 35 jir ah ayaa loo xiray arrintaas, waxaana lagu soo oogay dacwad.
Yuusfu waxa uu wax ku bartay iskuul si gaar ah loo leeyahay oo ku yaalla magaalada Glasgow, halkaas oo uu labo sano uga dambeeyay hoggaamiyaha xisbiga shaqaalaha ee Scotland, Anas Sarwar
DARUUSTA BISHA BARAKEYSAN EE RAMADAAN {AXKAAMTA-SOONKA}
(Jaabir binu cabdillaahi {isaga iyo aabbihiiba Allaa haka raalli noq dee} waxaa laga warinayaa inuu yiri: rasuulkii Alle oo safar ku jira ayaa ar kay urur {meel lugu tuursan yahay} iyo nin loo dallaalimeeyay {loo hoosi yay} markaasuu yiri: kani muxuu ahaa?
Waxay dheheen waa mid sooman, wuxuu yiri: wanaagga kama mid aha in safarka dhexd iisa la soomo). Odhaah muslim u sugnaatayna waxaa ku sugan: (qaata rukhsadii Alle ee uu idiin rukhseeyay idinka).
Safarka uu ruuxii soomanaa ku afuri karo, sala addana lugu gaabink aro waa:- meesha caada ahaan ay dadka uyaqaanaan safar, oo la odhan karo, "hebal safar ayuu ku maqanayahay” qayb culimada kamid ahna wa xay dheheen, waa inay tahay meel jirta masaafa dhan: ilaa 80 km, (side etan kilomet er) hadallo kale oo fara bandanna way sheegeen culimada
AxkaamtaSoonka ‐20‐
10. Waxyaabaha Soonka Jabiya Soonka waxaa jabiya qodobadan ho os ku qoran :
·Wax jidhka gudihiisa gaadha oo cunto iyo cabbid ah ama shay qabana ya shaqada ay jidhka uqabtaan cuntada iyo cabitaanka si ulakac ahna ugaadha .
·In mantag (hunqaaco) si ulakac ah la isaga keeno. · In si ula kaca ah galmo loo sameeyo .
·Biyo dajin (minida oo timaada) kuna timaadda taa-taabasho iyo raaxa ysi.
·Dhiigga caadada (xaydka) oo yimaada .
·Dhiigga dhalmada (nifaaska) oo yimaadda . ·Waalli iyo wixii lamid ah oo ruuxa ku dhacda .
·Riddoobid (ruuxa oo diinta ka baxa) ALLAAH ayaan kamagan galnay.
·Ruuxa oo niyooda inuu afuro inta ay qorraxda soojeedo.
Marka la helo mid kamid ah qodobadan kor ku qoran, ruuxii sooman aa soonkiisi wuu jabay, waxaana waajib ku ah inuu soo qalleeyo soonkii sid aa kagajabay oo idil. Faah-faahin Ø Jabiyaha koowaad ee soonka waa: Wax gaara caloosha ama jidhka gudihiisa oo cunto iyo cabbid ah ama qa banaya shaqada ay jidhka uqabtaan cuntada iyo cabitaanka, si da: faleen booyinka nafaqada, ama in dhiig lugu shubo, ruuxii oo soo man, i.w.m. Waxaa isku mid ah waxa jidhka gudihiisa galay inuu kagalo mee laha fur an sida: afka, xagga danbe, ibta, sanka, dhagaha, iyo in irb ad (silingo) ahaan lugu siiyo, Addilada arintaa tusinaya waxaa kamid ah: وكلو واشربو حتى يتبين لكم الخيط الأبيض من الخيط الأسود من الفجر ثم أتموا الصيام إلى اليل
AxkaamtaSoonka‐21‐ ( Cuna oo cabba intuu ka muuqdo liilanka cadi (waagu) kan madow aroortii dhammeeyana soonka tan iyo habeen ka…) Soonka kama jabayo ruuxa cuna ama cabba isagoo is hilmaansan Abu hureyrah (r.c) wuxuu yiri: rasuulkii Alle (s.c.w) wuxuu yir: ( من نسي وهو صائم، فأكل أو شرب، فليتم صومه، فإنما أطعمه الله وسقاه ) (متفق عليه) ( Ruuxii hilmaama isagoo sooman, oo cuna ama cabba, soonkiisa ha dha maystiro, ALLAAH un baa quudiyey oo waraabiyeye ). Ø Jabiyaha labaad ee soonka waa: In si ulakac ah la isaga mantajiyo, hadii mantaga uusan ulakac ahayn soonka kuma jabayo. Abu hurayrah (r.c) wuxuu yiri: rasuul kii Alle (s.c.w) wuxuu yiri: (من ذرعه القيء فلا قضاء عليه، ومن استقاء فعليه القضاء) ( Ruuxii uu soo dhaafo mantagga, qalle korkiisa luguma laha, ruu xii iska mantajiyase korkiisa waxaa ah qalle ) . Ø Jabiyaha saddexaad ee soonka waa: In galma lasameeyo maalinimada bisha ramadaan iyadoo la xusuusanyahay soonka, ruuxii arintan sameeya soonkiisa wuu jabayaa kafaara culusna way ku waajibi, Kafaarada wayni waa: ü Qoor (addoon) inuu xoreeyo. ü Inuu soomo laba bilood oo xidhiidh ah. ü Inuu quudiyo li xdan (60) miskiin.
AxkaamtaSoonka ‐22‐ Waxaana udaliil ah xadiiskan hoos ku qoran oo ah qiso dhacday xilligii nabiga (s.c.w) Abuhureyre (r.c) waxaa laga war inayaa inuu yiri: nin baa nabiga (s.c.w) uyimid wuxuuna yiri: waan halaag samay rasuulkii allow!, wuxuu yiri - Nabiga: maxaa ku halaagay ? - Ninkii: xaaskeygi ayaan ku dhacay ramadaan dhexdiisa. - Nabiga: ma heli kar taa wax aad qoor (addoon) ku xoreyso? - Ninkii: maya. - Nabiga: ma aw ooddaa inaad soonto laba bilood oo is raac-raacsan (xidhiidh ah). - Ninkii: maya !. - Nabiga: ma heli kartaa wax aad ku quudiso lixdan miskiin ? – Ninkii: maya !. Kadib wuu fadhiistay waxaana loo keenay nabiga (s.c.w) danbiil ay timir kujirto, wuxuuna yiri - Nabiga: kan (danbiisha timirta ah) sadaqayso. - Ninkii: ma cid annaga naga faqiirsan !? kuma sugno (mak ka) labadeeda shiilood reer annaga nooga baahi badan. - Nabiga: wuu qoslay (s.c.w) illaa ay soo baxaan miciyihiisa, kadib wuxuu yiri: orod oo reerkaada quudi. [mutafaq]. Runtii waa arrin mudan in la isaga jiro, max aa yeelay waa arrin ku dhaxalsiin wixii aad hal maalin ka adkaysan wayd ay in lugugu ganaaxo lixdan maalmood inaad ka adkaysato. Waxaa uban aan ninka sooman inuu xaaskiisa la sameeyo wixii aan galma ahayn, waa haddii uu yahay nin weyn oo aan dhalinyaro ahayn, ama uu yahay nin iska adag oo is hanan kara . عن عائشة رضي الله عنها قالت: (كان النبي صلى الله عليه وسلم يقبل ويباشر وهو صائم وكان أملككم لإربه). (متفق عليه
AxkaamtaSoonka‐23‐ (Caaisho (r.c) waxaa laga warinayaa inay tiri: nabiaga (s.c.w) wuxuu ahaan jiray mid dhunkada oo taataabta isagoo sooman, wuxuuna ahaa kiinna ugu hanan og xubinkiisa ). Ibnu cabaas (r.c) wuxuu yiri: ( رخص للكبير الصائم في المباشرة وكره للشاب ) (أحمد) ( Taa-taabashada waa loo, ogolaaday ruuxa weyn ee sooman, midka dhal inyarada ahna waa loo kohda ). Sidookale ruuxii uu waaga ku baryo isa goo janaabo qaba, soonkiisa wuu sii wadanayaa wax dhib ahna malaha.
Naafic waxaa laga warinayaa inuu yiri: waxaan su’aalay ummu sala ma, nin uu waaga ka baryi isagoo janaaba qaba (islamarkaana) doonaya inuu soomo?, waxay tiri: (كان رسول الله صلى الله عليه وسلم يصبح جنبا من الوقاع لا من احتلام، ثم يغتسل ويتم صومه) (متفق عليه). ( Rasuulkii ALLE (s.c.w) wuxuu ahaan jirey mid waabariista isagoo janaaba qaba, ooy xaas la kulmid (galmo) xaggeed ka ahaatay, ee aanay riyo xaggeed ka ahaanin, kadib wuu qabaysan jirey, soonkiisana wuu dhamaystiran jirey ). [mutafaq] . Ø Jabiyaha afaraad ee soonka waa: Biyo dajin uu ruuxa soo man sababteeda leeyahay sida: taa-taabasho ama iska keenid i.w.m wax aana ku waajibaya inuu maalintiisaa afhaysto soona qalleeyo soonka ma alintaa ka jabay, haddiise ay minida ka timaado isagoo jiifa ama fikiraya soonka kama jabinayso waxaana udaliil ah: Abu hurayrah (r.c) wuxuu ras uulka (s.c.w) ka warinayaa: (... يترك طعامه وشرابه وشهوته من أجلي...) (متفق عليه)
AxkaamtaSoonka ‐24‐ (…. wuxuu ka tagi (ruuxa sooman) cuntad iisa iyo cabitaankiisa iyo shahwadiisa aniga daraaddeey….) . Ø Jabiyaha shanaad ee soonka waa: Dhiigga xaydka ee dumarka ku imaada bishiiba hal mar Abiisaciid al-khudri wuxuu yidhi rasuulka isagoo kawaramaya nuqsaanta diintooda: (أليست إذا حاضت المرأة لم تصل ولم تصم) (متفق عليه) ( Miyayna ahayn markay hesho xayd haweenayda mid aan tukanaynin oo nan soomaynin ) . Ø Jabiyaha lixaad ee soonka waa: Dhiigga dhalmada, imaanshaha dhiiggan wuxuu noqon karaa hal mar oo kali ah, ama wuxuu socon karaa toban bari illaa afartan, sida badan mudada uu socdaa waa afartan bari, hadaba gabadha muslimadda ah waa iney la socoto xilliga uu dhiigga ka istaago, si ay cibaadada isugu diyaariso. Ø Jabiyaha todo baad ee soonka waa: Waalli ama miyir daboolmid maalinta soonka oo idil, hadii ruuxa sooman maalin ramadaan ah uu waasho, soonkiisa wuu jabayaa . Cali (r.c) wuxuu rasuulka (s.c.w) ka warinaya inuu yiri: (رفع القلم عن ثلاثة:: عن النائم فتى يستيقظ، وعن الصبي حتى يحتلم، وعن المجنون حتى يعقل) (تقدم تخريجه
AxkaamtaSoonka ‐25‐ ( Saddex xaggooda qalinka
waa lag koryeelay: ruuxa jiifa illaa uu soo tooso, iyo ilmaha yar illaa uu
qaanga adho iyo midka waalan illaa uu wax garto (miyirsado ). Ø Jabiyaha sagaal aad ee soonka waa: Ruuxii soomanaa
oo si ula kac ah u niyooda inuu af uro waxaana udaliil ah xadiiska caanka ah ee
cumar binul khadaab (r.c) uu warinayo: (إنما الأعمال بالنيات وإنما ل
HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ARBACO 29-KA MAARSO 2023-KA-
.