HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ARBACO 8-DA MAARSO 2023-KA-

0
Wednesday March 08, 2023 - 08:23:35 in Wararka by
  • Visits: 466
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ARBACO 8-DA MAARSO 2023-KA-

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Xasan Sheekh Iyo Farmaajo Oo Kulan Gaar Ah Ku Yeeshay Dalka Qatar

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kula kulmay magaalada Doha Madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo oo dhowaan dowladda Qatar ay dib u dejin ugu sameysay dalkeeda.

Madaxweyne Xasan ayaa uga warbixiyay Farma ajo xaalada dalka, dagaalada iyo howlgalada xoreyn ta ee ka socda dalka oo deegaano fara badan looga saaray Al-Shabaab.

"Madaxweynaha JF Soomaaliyeed ayaa la wada agay Madaxweynihii hore ee dalka, dadaallada dowl addu ay ku bixinayso xoreynta dalka iyo halganka ci idamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku jiraan ee argagixisada Alshabaab lagu cirib tirayo.

Waa kulankii u horreeyay oo fool ka fool isku ark aan Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyn e hore Farmaajo, kaddib markii uu Farmaajo xilka ku wareejiyay bishii May 2022” ayaa lagu yiri qoraal madaxtooyada ay kaga hadashay kulanka.

Waa kulankii u horreeyay oo fool ka fool isku ark aan Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne hore Farmaajo, kaddib markii uu Farmaajo xilka ku wareejiyay bishii May 2022.

Ra’iisul Wasaare Xamze Oo Safiirka Denmarka Wadahadal La Yeeshay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumad da Federaalka So omaaliya Md. Hamza Abdi Barre ayaa Shalay Xafiiskiisa ku qaabils ay Danjiraha Dowladda Den mark u fadhiya Soomaaliya, Steen Sonne Andersen.

Ra’Iisul Wasaare Xamse iyo Danjire Andersen ay aa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo si dii loo ballaarin lahaa taageerada ay Denmark siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada Horumarinta, Dib-u-heshiisiinta, Xasillinta, Dowlad-wanaagga iyo Dhaqan-celinta dadka ka soo laabta afkaarta xagji rnimada ah.

Md.Xamse ay aa uga mahad cel iyey Dowladda De nmark taageera da ay la garab taa gan tahay dowl ad da iyo shacabka Soomaaliyeed, isaga oo dhanki isa adkeeyey Danjire Steen Sonne Andersen in ay ka go’an tahay xoojinta taageerada Soomaaliya, si loo xaqiijiyo nabadda iyo horumar waara.

ra'iisul wasaare xamze oo safiirka denmarka wad ahadal la yeeshayra'iisul wasaare xamze oo safiirka denmarka wadahadal la yeeshay

Wasiir ku xigeenka Diinta iyo Awqaafta oo ka hor yimid magacaabista guddiga adeega Xajka sanad ka 1444/2023

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Diinta iyo Awqaa fta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Saalax Sha riif Sayid Cali ayaa ka horyimid guddiga adeega Xaj ka sanadka 1444/2023 oo uu Dorraad magacaabay Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xukuum adda Soomaaliya Mukhtaar Roobow Cali. Wasiir ku xigeenka Diinta iyo Awqaafta Saalax Shariif Sayid ayaa sheegay in guddiga uu magacaabay Wasiir Rooboow ay yihiin kuwa lagu soo xulay hanaan aanan sharci aheyn, islamarkaana aan wax wadat ashi ah lagala yeelan magacaabistooda. Guddigaan Xajka sanadka 1444/2023 ee uu magacaabay Wasiir Mukhtaar Rooboow ayaa ka kooban 9 xubnood, wax aana xubnaha guddiga xoghaye looga dhigay Ibraahin Rooboow Cali oo ay walaalo yihiin Wasiir Mukhtaar Rooboow Cali. Talaabadaan ayaa imaaney sa, iyadoo inta badan sanad walba marka uu soo dhawaado xiliga Xajka ay sidaan oo kale Wasaarad da Diinta iyo Awqaafta, Wasiiru dowlayaasha wasaa radaan ay soo saaran amaro is diidan oo la xiriira shaqada wasaaradda.

Ergeyga madaxweynaha JFS ee gurmad ka Abaar aha oo kulan la qaatay danjiraha Dowladda Sweden

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaa bilsan Gurmadka Abaaraha Xildhibaan Cabdir axmaan Cabdishakuur Warsame oo uu wehliyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa Shalay kulan la qaatay Danjiraha Dowladda Sweden ee Soomaaliya Amb. Per Lindgärde.

Kulanka waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa Madaxa Waaxda Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sweden Irina S Nyoni.

Ergeyga ayaa ka warbixiyay xaaladda abaarta dalka ka jirta, isagoo sheegay in dadaallada wadajirka ah Dowladda Federaalka, deeq-bixiyayaasha iyo hay’ad aha Qaramada Midoobay looga hor tagay macluul la saadaalinayay in ay dalka ka dhacdo damaadkii san adkii hore.

Ergeyga ayaa sheegay in kooxda argagaxisada ah ee Al-Shabaab ay dhibaato xooggan gaarsiiyeen qaar ka mid ah ilihii nolosha ee degaannadii ay gac anta ku hayeen, ka hor inta aan laga saarin, wux uuna Dowladda Sweden ugu baaqay in ay gacan ka geysto gargaarka naf-badbaadinta ah ee dadka ku dhaqan goobaha khawaarijta laga xoreeyay.

Waxay noqon kartaa sawirka 3 qof iyo dad fadhiya

DENI oo sheegay sida kali ee Puntland uga qeyb galeyso dagaalka Laascaanood

Madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland Sa ciid Cabdullaahi Deni ayaa markii u horeysay si faahf aahsan uga hadlay dagaalka mudada ku dhaw bisha ka socda magaalada Laasca anood ee gobolka Sool.

Madaxweyne ayaa sheegay in Puntland aysan xilliga an qeyb ka aheyn dagaalka socda, hase yeeshe ay nus-danbeed u yihiin arrinta Laascaanood oo haddii Isimida SSC si rasmi ah uga codsadaan maamulkaasi uu qeyb ka noqon doono dagaal ka ciidamada Somaliland kula jirto SSC.

"Waxaa rabaa in aan halkan ka cadeeyo in dagaalkaas ay Puntland qeyb ka ah eyn, ma doo neyso colaad sokeeye iyo burbur uma deed in qeyb ka qaadato waa ka digayna, waxaase ku kalsoonahay in dadka reer Laascaanood iskaga filan yihiin in sharafkaado iyo cirdigooda ay difaa caan,” ayuu yiri.

"Waxaa u sheegayna caalamka iyo cid walba in aan nus-danbeed u nahay marka ay Isimida iyo Gar aadada ay Puntland si rasmi ah uga codsadaan oo ay kari waayan waxaa farriin halkan uga daraya in aan diyaar u nahay laakiin waxaa ka hormarinayna nabada iyo dadaalada socda ee xabad joojinta.”

Saciid Deni ayaa waxa ka socda Laascaanood ku tilmaamay xasuuq aan loo meel dayin iyo gumaad shacab, ayna tahay in lagula xisaabtamo cidda masu ulka ka ah waqtiga ugu dhow. "Dagaalka magaalada Laascaanood oo runtii nooc iisa aan mudadaan la arag, waxaa filayaa horraantii shagaashameedyadii wax kaas lamid ayaa dhacay. Waxkasta oo la adeegsan karay waa la adeegsaday, hubka noocyadiisa kala duwan kuwa xataa muxar amka ka ah magaalooyinka waaweyn. Runtii waa arrin u baahan xisaabtankeeda oo waa cambaareyn ayna.” Madaxweynaha Puntland ayaa waxa uu sheegay in gobolka Sool uu qeyb ka yahay maam ulka Puntland, islamarkaana ay kula shaqeynayaan go’aanka ay qaataan Isimida SSC.

"Gobolka Sool waxa uu caddeeyay in Somaliland ka baxdo kadibna masiirkeeda go’aan ka gaadho, waan aqbaleyna anagu maxaa yeelay marna ma rab no dadkeena in aan ku qasabno wax aysan raali ka ahayn anaga oo ogsoon in Dastuurkeena uu qorayo in Puntland ka tirsan yihiin ayaa haddana u ogol-nahay inay tashadaan

FIFA oo soo dhawaysay doorashada Guddoo miyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya

Madaxweynaha Xiriirka Caalamiga ee Kubadda Cagta ( FIFA), Gianni Infantino ayaa soo dhoweeyay doorashada Gudd oomi yaha Xiriirka Kubadda Cagta ee Soomaaliya Md. Cali Cabdi Maxam ed iyo xubn aha kale ee Guddiga Fulinta ee dho waan magaalada Muq disho lagu doortay.

Warqad qoraal ah oo Madaxweynaha FIFA u soo di ray Guddoomiye Cali Cabdi Maxamed ayuu ku xusay in FIFA ay garab taagan tahay Xiriirka Kubadda Cag ta ee Soomaaliya, ayna rajeyneyso in ay kaalin weyn ka geysan doonaan horumarka Kubadda Cagta ee Soomaaliya.

Ciidamo ka baxay Gaalkacyo iyo Garo owe oo ku biiray dagaalka Laascaanood

Waxaa marba marka ka dambeysa kasii daraya xiisadda dagaal dagaal ee ka taagan magaalada Laa scaan ood ee xarunta gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya, taas oo u dhexeyso ciidamada Somal iland iyo kuwa deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in Shalay xaalad kacsanaan ah la ga dareemayo gudaha magaala daasi, waxaana labada dhinac ay ka wadaan dhaq-dhaqaaqyo ciidan.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in Somaliland iyo dadka deegaankaba ay helayaan gurmadyo gaaraya jiidda hore ee aagaga lagu dag aalamayo.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, ciidamo dhee raad ah oo ka baxay magaalooyinka Gaakacyo iyo Garoowe ayaa Habeen hore iyo Shalay gaaray gudaha maga alada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kuw aas oo si diiran loogu soo dhaweeyey halkaasi.

Ciidamadan oo u abaabulan hab heeleed, isla-markaana kasoo jeeda gobollada SSC ayaa ku biiray dagaalka ka socda magaalada Laascaanood, kaaas oo maalmo badan qaatay.

Dhinaca kale Somaliland ayaa iyadina ciidamo dheeraad ah kusoo daabushay duleedka magaalada, halkaas oo ay ka wado guluf dagaal oo ka dhan ah ciidanka deegaanka.

Ujeedka milatariga Somaliland ayaa ah inay soo qaadaan dagaal rogaal celis ah, si ay markale dub ugu qabsadaan gacan ku heynta Laascaanood oo dhacda waqooyiga dalka.

Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa uga sii daraya xaalad da cakiran ee ka jirta xarunta gobolka Sool, halkaas oo ay weli isku horfadhiyaan ciidamada 2da dhinac.

Ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ayaa Dorraad markale ku dagaalamay magaaldaasn, kaas oo soo gaaray illaa Habeen hore, taas oo sii adkeneysa xaaladda.

Dagaalka Laascaanood oo socda ku dhowaad bil xiriir ah ayaa sababay dhimashada dad ka badan 200 oo qof iyo dhaawac ka badan 600 oo qof, sida laga soo xigtay dadka deegaanka.Xigasho:-Caasmadda.Net

Xasan Shekeh oo maraya Tijaabadii ugu adkeyd ee isku-haynta Qatar iyo Imaaraadka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Jimcihii u socdaalay magaalada Doha ee waddanka Qatar. Dowladda Qatar ayaa bixisay saaxiibtinimo shaqsiyaad iyo mid Sooma aliyeed-ba shantii sano ee uu talinayay nidaamkii madaxweyne Farmaajo.

Soomaaliya ayaa isbedel aa day 15-kii May 2022, dowla dda Qatar waxay weli ku ad keysaneysay in Farmaajo ku soo laaban karo xafiiska waxayna taageertay mu sharaxeedii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, laa kiin codkii iyo go’aankii Baarlamaanka Soomaaliya waxa uu noqday Xasan Sheekh Maxamuud.

Tobankii bilood ee lasoo dhaafay qorshaha Qat ar ee arrimaha Soomaaliya ma caddeyn, waxaase jira warar sheegayay inay xiisaynayeen wada-sha qeyn furan.

Dhowr bilood kahor Taliya NISA Mahad Max amed Salaad ayay casuumtay dowladad Qatar, waxaana Caasimada Online sheegtay inay ogaat ay inay dalbad een in waqti ba dan la galin wada-shaqeyn tii gaarka aheyd ee nidaamkii baxay, taas badelke eda hadda la furo bog cusub oo labada dal ah.

Maalmihii tegay waxaa xoogeystay gacan-saar ka Villa Somalia iyo dowladda Isu-tagga Imaaraad ka Carabta, taas oo laga yaabo inay si taban u sa ameyso fikrada Qatar ka aaminsan tahay dow ladda Xasan Sheekh.

Magaalada Doha waxaa maalmahan ku sugan madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Agaas imihii hore ee NISA Fahad Yaasiin. Lama oga inay madaxweyne Xasan Sheekh is arki doonaan.

Hoggaamiyaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu ololaha doorash ada ku soo galay inuu keeni doono Soomaaliya oo Dunida heshiis la ah.

Isku-haynta Qatar iyo Imaaraadka waa tijaabo gaar ah, waxaana isha lagu wada haya qaabka ay Qatar isku fur-furto iyo sida madaxweyne Xasan Sheekh u wada kasbado labada dal oo ay dowl addii hore ku guuldareysatay inay wada kasbato.

Dowladda Qatar ayaa Soomaaliya ka fulisay dho wr mashruuc oo maangal ah shantii sano ee lasoo dhaafay, waxaana la aaminsan yahay in haddii iy aga iyo madaxweyne Xasan Sheekh inay wax bad an ka tari karto dib u dhiska kaabayaasha muhiim ka ah iyo kabka maaliyadeed ee dowladda Soo maaliya.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa dhawaan si kumeel-gaar ah u badashay da njirihii Soomaaliya ee Doha, taas oo lagu fasiray is ku diyaarinta Soomaaliya ee cilaaqaadka cusub ee Qatar.

Wasaaradda ayaa u yeertay safiirkii dalka u fa dhiyey dalka Qatar Cabdirisaaq Faarax Cali Taa no, sida ku cad warqad ay sheegtay inay heshay Caasimada Online. Warqadda oo ku taariikhey san 2-da March 2023, loona diray safaraadda Qatar ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in Cabdiri saaq Taano loogu yeeray arrimo wada-tashi, oo aan la shaacin waxa ay yihiin.

Warqadda ayaa sidoo kale lagu shaaciyey inay xilka safiirka sii hayn doonto Ruun Saciid Qorsh eel, waxaana dowladda Qatar looga codsaday in ay la shaqeyso, islamarkaana taageerto. Ruun ay aa xilka si ku-meel gaar ah usii hayn doonto, balse waxaa lasoo magacaabi doonaa safiir cusub.

Safiir Cabdirisaaq ayaa kamid ahaa safiirada aad ka ugu dhow madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxmaed Cabdullaahi Farmaajo iyo taliyihii sir doonka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, waxaana u ye eristan ay tahay xil ka-qaadi dadban, isaga oo aan dib ugu laaban doonin Doha.

Si kastaba, Dad badan waxay qabaan inuu ma daxweyne Xasan Sheekh wada hanan karo cilaa qaadka Doha iyo Dubia, waxaana isha lagu wada haya tallaabooyinka uu dhankaas u qaadi doono. Xigasho:-Caasimadda.Net

Madaxweyne Axmed Madoobe oo maga caa bay Wasiirka Maaliyadda Jubbaland (Wareegto)

Wareegto kasoo baxday madaxweynaha dowl ad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Isl aam (Madoobe) ayuu ku magacaabay wasiirka cu sub ee wasaaradda maaliyadda Jubbaland.

Wasiirka cusub ee maaliyadda maamulka Jubbal and ayaa loo magacaabay Axmed Cabdirisaaq Maxamed oo kamid ahaa aqoonyahanada kasoo jeeda Jubbalanad, waxa uuna masuulkan aad ugu dhaw yah ay mad axweynaha.

Halkan ka akhriso wareegtada maga cabaista

Tix-raac: XM/DGJS/022/2023 kuna saabsan mag acaabid Wasiirka Wasaarada Maaliyada iyo hormarinta dhaqaalaha.

Madaxweynaha Dowladda Jubaland

Markuu arkay: Dastuurka Dowlada Jubaland, Cu tubkiisa 4aad ,Qodobka 72aad, Farqada(3aad) ee ku aadan awooda madaxweynaha, ee magaca abida xubnaha Golaha Fulinta Jubaland.

Markuu Latashaday: Madaxweyne ku-xigeen ada Dowlada Jubaland.

Wuxuu Madaxweynaha Dowlada Jubaland u magacaabay Mudane Axmed Cabdirisaaq Maxa med Wasiirka Wasaaradda Maaliyada yo Hormar inta Dhaqaalaha.

Magacaabistani waxay dhaqan galaysaa mark uu Madaxweynuhu sixiixo wuuna sixiixay.

Madaxweyne Xasan Sheikh oo sheegay inuu diyaar u yahay inuu wada hadal la galo Alshabaab

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheikh oo wareysi siiyay telefishinka caalamiga ah ee Alj azeera, ayaa sheegay inuu diyaar u yahay wada hadal uu la galo Ururka Alshabaab.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa ku xiray shu ruudo lagula heshiiyo Alshabaab, sharuudaha as oo uusan madaxweynuhu ku sheegin wareysiga uu bixiyay.

Xasan Sheikh waxa uu xusay in dadka u daga alama Alshabaab ay u badan yihiin dhallinyaro So omaaliyeed, islamarkaana aysan heysan dal kale oo ay ku noolaadaan.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa carrabka ku adkeeyay in Alshabaab aan looga adkaan karin cudud ciidan oo keliya. Wuxuu sheegay in dowla ddiisa ay qaadatay istiraatiijiyad dhinacyo badan leh oo lagula dagaalamayo Al-Shabaab, oo ay ku jiraan hab militari, hab diimeed, iyo tallaabooyin dhaqaale.Si kastaba ha ahaatee, madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sanadkii horey markuu xilka ku guulaystay sheegay in dowladd iisa ay wada hadal la galidoonto Alshabaab marka awood ahaan kooxda Alshabaab loo daciifiyo oo ay dowladdu ka saarto dhulka ay maamulaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa haatan maamusha dhul badan oo ay Alshabaab maamuli jireen 15kii sano ee ugu dambeeyay, taasoo ka dhalatay howl gal 3 bilood socday oo Shabaab looga saaray badi degaanada Hirshabeelle iyo Galmudug.

Maxay ka wada hadleen Madaxweynaha Jublan d iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya?

Madaxweynaha Dowlada goboleedka Jubal and ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jener aal Sulub Axmed Firin iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan Magaalada Kismaayo.

Wafdiga uu Hogaam ainyo Taliyaha Ciidanka Bo oliska Soomaaliyeed Jene raal Sulub Axmed Firin ay aa Dorraad gaaray Magaal ada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubaa Hoose Halkaas oo lagu soo dhaweeyay.

Taliyaha Ciidanka booliska Somaaliyeed iyo saraakiisha la socota ayaa Magaalada Kismaayo uga qayb galaya shirka Golaha Taliyeyaasha Boo liska Dalka oo looga arrinsanayo hanaanka cusub ee Booliska dalka labadiis heer iyo wada shaq aynta Hay’adaha Booliska dalka.

Weerar qaraxyo culus ku bilaawday oo ka dhacay deegaanka Janaay Cabdalle ee gobolka Jubbada Hoose

Wararka ka imaanaya deegaanka Janaay Cab dalle ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in aroornimadii hore ee Shalay dagaalamayaal ka tirsan kooxda Al-shabaab ay weerar qaraxyo ku bilaawday ku qaadeen Xero deegaankaasi ay ku leeyihiin ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Dar aawiishta Jubbaland.

Weerarka qaraxyada ku bilaawday ayaa waxaa xi gay dagaal toos ah oo dhe xmaray ciidamadii ku sug naa Saldhiga Janaay cabdalle iyo dagaalamay aashii Al-shabaab ee weerarka ku qaaday, wax aana dadka deegaanka ay sheegeen inuu ahaa dagaalka mid aad u xoogana oo socday ku dha waad hal saac oo xiriir ah.

Wararka hordhaca ah ee laga helayo dagaalka Shalay aroortii hore ka dhacay deegaanka Janaay Cabdalle ayaa sheegaya inuu ka dhashay khasa are badan oo dhimasho iyo dhaawac leh oo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay.

Deegaanka Janaay Cabdalle oo ah deegaan muhiim ah ayaa u dhaxeeya magaalooyinka Kis maayo iyo Afmadoow waxaana horay halkaasi u ga talin jiray kooxda Al-shabaab, ka hor inta aysan la wareegin ciidanka dowladda iyo kuwa Daraaw iishta Jubbaland dhamaadkii bishii Janaayo ee sanadkaan 2023.

Al-shabaab ayaa baraha ay ku leeyihiin Intern etka waxay ku shaacisay iney cagta marisay Sal dhiga oo khasaare badan gaarsiiyeen ciidamadii ku sugna gudaha Saldhiga deegaanka Janaay Ca bdalle, hayeeshee majirto ila madax banaan oo xa qiijinaya sheegashada Al-shabaab.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidanka dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland oo ku aadan khasaaraha ka dhashay weerarkaan qaraxyada ku bilaawday ee Shalay ka dhacay Sal dhiga deegaanka Janaay Cabdalle ee gobolka

Jubbada Hoose Xigasho:daljir.com


Xog: Arrinta ka dambeysa in siyaasiyiin badan ka dareeraan xisbiga CC SHAKUUR

Illaa 19 xubnood ayaa ku dhawaaqay inay ka bax een xubinimadii xisbiga Wadajir oo kamid ah as xaabta siyaasadeed ee kumeel-gaarka ah ee ka jirta Soomaaliya. Xisbigan waxaa hoggaamiya Cabdirax maan Ca bdishakuur Warsame. Doorashadii ugu dambeysay War same wuxuu keensad ay 15 cod, maadaama la kala dooranayay shaqsiyaad oo aan xisbiyo la kala dooraneyn.

Wadajir xisbi aha an waxay leey ihiin astaan ah dhe elitir dowlad eed. Xubn aha ku dhawaaqay in ay xisbi ga ka ba xeen waxaa ku jira qaar dhawaan shaqoo yin ka helay dowladda fe deraalka, xubno hore mu sharaxiin kale u dhisayay xil ligii doorashada sida Xi ldhibaan Sanyare oo Saciid Deni dhisayay iyo qaar hore uga tagay xisbiga balse aan shaacin oo hadda qeyb ka ah liiska soo baxay.

Sheekadan waxaynu ku soo koobeyna sababta ay xu bnahaan u baxeen, waxay xisbiga u dhimi karto iyo rejada xubnaha baxay ee nidaamka tallada haya.

1. Sababta: Xubnaha sheegay inay ka baxeen xis biga Wadajir waxay sababta ku sheegeen arrimo u gaar ah, laakiin Caasimada Online waxay ogaatay in xubnaha qaarkood go’aankan u qaateen dano ay ku qabaan dowladda hada jirta iyo inay diidan yihiin fik radaha hoggaamiyaha xisbiga ee ah in mararka qaar la iftiimiyo waxyaabaha ka qaldan dowladda hadda jirta, taas oo ay xubnaha u arkeen haddii ay sii soc oto saameyn karto fursadaha ay hadda ka haystaan dowladda dhexe.

Xiriir aan la sameynay xubnaha ku haray xisbiga si aan u ogaano in xisbiga uu qaatay siyaasada ah in dowladda hadda jirta mucaaridnimo mutaxan lagala horyimaado iyada oo sanad jirin ayay beeniyeen, waxay sheegeen in marwalba mab’da xisbiga uu yah ay in shacabka loo hadlo.

2. Maxay saameyn ah oo ku yeelan karta xisbiga Wadajir?

Soomaaliya hadda xisbiyada siyaasadda ma gaarin isku filnaansho, weli dalka kama jiraan xisbiyo rasmi ah oo dhamaan xisbiyada diiwaan-gashan waa ku-meel gaar, dadweynuhu weli xisbiyo ma kala dooran oo doorasho asxaab ah ma aanay dhicin.

Siyaasiyiinta waaweyn ee shacbiyada leh ayaa weli la kala xusha xilliga doorashada. Siyaasiyiinta aan sida weyn u muuqan iyo ganacsatadu waxay ma rwalba raadiyaan qof ay dhisaan oo xukun la yeesha an, haddii ay waayan cidda adkaata ayay isku day aan inay kula daartan, halka tartamayaasha muuqda ay sidooda usii taagnaadan illaa doorashada xigta.

Xisbiyadu hadda waxay u jiraan magac ahaan iyo madal ay ku kala warqaadan hoggaamiyaha iyo saa xiibadiisa ku fikirka ah ee raba inay madaxweyn u dhisaan, sidaas darteed liiska xubnaha habeen hore ka baxay xisbiga Wadajir si siyaasi ah iyo mustaqbal iyan-ba uma badna inay dhaawaceen xisbigan oo markii horeba boqolkii boqol ku tiirsanaa Cabdiraxm aan Cabdishakuur Warsame.

3. Saameynta taban ee xubnaha ka baxay xisbiga Wadajir?

Xubnaha Wadajir ka baxay ee la sheegay in qaark ood raajicinayaan ku biirista UDP ee madaxweyne Xasan Sheekh culeys siyaasi ah ayaa horyaalla.

Inta la ogyahay xubno badan oo UDP ka tirsan ayaa ku qadsan dowladda hadda jirta oo qaar ay durba mu caaridnimo darbiyada la fadhiyaan.

Uma badna in xubnaha Wadajir ka yimid uu door shaqaalinimo ka badan kaga furan yahay dowladda hadda jirta. Xasan Sheekh isku macno uma sameyn ayaan xu bnihii wax kasoo dhistay iyo xubno hadda u yimid oo doodooda u weyn ay tahay waxaa diidnay oo xisbige ena uga soo baxnay in lagu mucaarado. Sidoo kale dhaawaca dambe ee kooxdan kasoo ba xday xisbiga Wadajir waa in berri xubnahaan loo ar ko rag haddii ay fursad yar helaan meel cidla ah uga tegi kara kooxda ay la joogan.

Howlgal isbaaro qaadis ah oo laga same eyay Shabeellaha Dhexe

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe ahna Duqa Magaalada Jowhar Axmed Meyre Makaraan oo ay wehliyaan Taliyaha Ciidamada Booliiska Hir shabelle korneel Xasan Dhicisow iyo Taliyaha Ururka 12aad qeybta 27aad ee Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed korneyl Cali Xuubeey ayaa sameeyey Howgallo looga sifeynayo jidgooyoyin ay dhigteen maleeshiyaad wadada isku xerta Muqdisho iyo Cadalle

Howggalka lagu qaadayo isbaarada wadadaasi ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa Gudoomiye ku xigeenka maaliyada Gobolka Shabellaha Dhexe Mu use Shitaawe iyo Korneel Mukhtaar Alaalax oo kamid ah saraakiisha booliiska Hirshabelle

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe ahna Duqa Magaalada ayaa sheegay in aan markale la aqbali doonin in dhac iyo baad loo geesto gaadi idleyda ku safarta wadada marta Degmooyinka War sheikh Ragacelle Cadalle iyo Guud ahaan Gobolka Shabellaha Dhexe oo ay inta badan shacabka ka muujiyeen cabasho si doo kale waxa uu ga adiidleyda ugu baaqay in aysan bixin karin lac ago baad hadii ay la kulmaana la soo xariir aan Maamulka si wax looga qabto

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in sharciga lala tiigsan doono cid alaala cidii lagu soo qabto iyadoo dhiganeyso Isbaaro shacabkana ka qaadeysa lacago baad iyadoo la fulinayo Amarka Madaxweyna ha Qaranka iyo kan Hirshabelle

Sidoo kale Maamulka ayaa xusay in goobaha la ga qaaday jidgooyada ka howlgali doonan ciidamo is ku dhaf ah oo xaqiijinaya badqabka gadiidka safar leyda ee isticmaala wadadaan.

Abaaro ka jira degaano ka Tirsan gobol ka Shabeelada Hoose

Degaanno ka tirsan degmada Wanlaweyn ee gob olka shaabeelada Hoose ayaa laga soo sheegayaa in ay ka jirto Abaar daran oo sameeysay dadka iyo duunyada ku nool Tuulooyin hoostaga degmada Wanlaweyn

Boqolaal qoys

oo ku dhaqan degaanna da Abaarta ay ka jirto ee degmada Wanla weyn ay aa waxaa la soo darastay Xaalad Adag oo dhinaca nolasha ah, waxana qoy saska qaarkood ay isaga soo tageen degaannadii ay ku noolaayeen biyo la’a an iyo cuno yari darteed . Shacabka ku nool degaann ada Abaarta ay ka jirto ee demmada Wanlaweyn ay aa sheegay in Fuustada biyaha la iibiniyo $ 2 doollar una dhiganta 52 kun oo lacagta shilin Soomaali, Waxana ay ugu baaqeen Dawlada Federaalka iyo Hay’adaha gargaarka bixiya in ay usoo gurmadaan.

Hase ‘ ahaatee’ Abaarta ka jirta degmada Wanlaw eyn ee gobolka shabeelada Hoose ayaa ku so aade ysa xilli Hay’adaaha gargaarka ee Qaramada mid oobay ay ka digeen saameynta ay yeelan karto Abaa rta ka jirta Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya

Iiran oo baareysay Haween lagu sumeeyay dalkaas

Hoggaamiyaha sare ee dalka Iran ayaa Isniintii ku tilmaamay weeraro taxane ah oo looga shakisan yahay in loo adeegsaday ‘sun’ kala geddisan oo lagu bartilmaameedsaday hablaha wax ka barta dugs iyada, inay yihiin dembiyo aan la cafin karin. Sida la ga soo xigtay wakaaladda wararka dalka Iran ee IRNA, hoggaamiyaha sare ee dalkaas Ayatollah Ali Khamenei ayaa sheegay in haddii ay masuuliyiinta dalkaasi ogaadaan in hablahaas loo sumeeyey si ula kac ah, "inay tahay in kuwa ka dambeeya dembigaas, in lagu xukumo ciqaab dil ah, mana jiri doonto wax cafis ahi”.

Madaxweynaha dalka Iran Ebrahim Raisi ayaa amar ku bixiyey in la baadho dhacdooyin kala duwan oo la diiwaangeliyey, oo ay ku jiraan, xanuuno la soo dersay hablaha wax ka barta in ka badan 30 dugsi, kuwaas oo soo taxnaa tan iyo bishii November ee sannadkii hore.

Xanuunadan ayaa ku faafay uguyaraan 21 gobol oo ka mida 30ka gobol ee dalkaasi ka kooban yahay.

Falalkan loo malaynayo in loo isticmaalay sunta, ayaa lala beegsaday boqollaal hablo ah, kuwaas oo aan illaa hadda la cadayn nooca sunta ama kimikada ah ee la isticmaalay, ama haddiiba la isticmaalay

SADDAXDAAN NIN OO KALE MA LAGA HELAA

 SOMALIYA?=FAALLO=

Alla mahaddii, Subaxaan Caafimaadkeygu waa ka fiicnaa Dorraad.Waxaa u baxay in aan Xaafadda Dhaxdeeda xoogaa soo soc socdo.Waxaan la kul may Guri la amray in la dumiyo oo buuq ka tagaan yahay.

Waxaan soo xasuusatay.

1.Dowladii Sayid Cumar bin khidaab RC, ayaa soo saartay Amar lagu Duminayo Gurigii Cabaas bin Cab dul mudalib, iyada oo looga dhisayo Guriga Meel kale. ((taasi waa Go’aan Dowldeed oo rasmi ah))

2.Sabatuna waxa ey aheyd in la ballaariyo Dhul ka Kacbada. (( Taasi waa Arrin loo qaateen ah))

3.Cabaas ayaa yiri: Maya, Cumarow Gurigeyga la dumimaayo. (( taasi waa Xuriyadda Milkiyadda Qof ka)

4.Cumar ayaa yiri: Cabaasoow waxa loo Dumin ayo waa Beytulaah Kacbada Darted. (( Taasi waa Beer laxawsi))

5.Cabaas ayaa yiri: waan kaa diiday Cumarow. (( taasi waa cisadda Muwaadinku ku leeyahay.

Madaxda Dowladda Horteeda)) 6.Cumar ayaa yiri: aan aadno Maxkamadda. (( Taasi waa Cadalad don)

7.Cumar ayaa hadana yiri: Cabasow noo xul Qaa li noo kala gar naqo(taasi waa tawaaluc &kalsoni sIIn)

8.Cabaas ayaa yiri: waxaa noo kala gar qaadato Qaaliga la yiraa, Shuriix. (( taasi waa Sumcad iyo Da acadnimo))

9.Cumar ayaa yiri: waan kugu raacay. (( taasi waa sinan))

10.Cabaas ayaa yiri: Amiirul Mu’miniinow noogu yeer Qaaliga. (( taasi waa kala dambeyn))

11.Cumar ayaa yiri: Qaaligu Qof uma tago ee Ann agaa Aadeeyno(( Taasi waa Madaxbanaanida Garsoorka))

12.Qaaligii Markii loo tagay ayuu yiri: Amiirul Mu’m iniinow, maxaad isku heysatiin. (( Amiirul Mu’mini n ow.

Taasi waa Ixtiraamidda Masuuliyiinta))

13.Cumar ay aa yiri : Ha iigu wicin Amiirul Mu’mini inow, waxaan Jo ogaa Maxkamadda dhaxdeeda. (( taasi waa Tawaal uc iyo ixtiraaka Cadaaladda iyo sin aanta)) kadibna waxa uu ugu yeeray Cumarow oo kaliya, kuma hal qabsan Xilka Amiirul mu’miniin. 14.Qaaligii ayaa yiri: Cumarow, in aad Guriga ka fog eeyso Kacbada… Xaq uma lihid. in aad Dumiso Gur iga Cabaas oo aad meel kale Guri uga dhisto Ogolaa sha la’aantiisa suuragal ma ahan. (( taasi waa Cada alad, Amaana Culus iyo Gudasho masuuliyad))

15.Cumar ayaa yiri: waan ogolaatay Go’aanka, Qaali fiican ayaadna tahay Shuriixoow. (( Taasi waa in aad Garta ogolaato xattaa Haddii lagaa gar hello))

16.Cabaas ayaa yiri: Gurigeyga waxaan ogolaad ay in la dumiyo Aniga oo sidaa u yeelayo Alla Dartii. (( taasi waa bixin iyo Niyad samaan)) Su’aal. Somal iya ma laga helaa Saddax daan Nin oo kale, Cumar, Cabaas iyo Shuriix

QORE:-YAHYA AMIR .


XUSKA MAALINTA CAALAMIGA AH EE HAWEENKA

 (WARBIXIN)


Soomaaliya iyo dalalka kale ee dunida ayaa Shalay u dabbaaldegay xuska munaasabadda 8-dda Maarso oo ah maalin weyn oo xambaarsan dadaalkii loo soo galay dhismaha ururkaasi iyo kaalintii ay ka qaateen ka qeybgalka arri maha bulshada ,dhaqaala ha ,siyaasadda iyo guud ah aan horumarada xoogan ee ka jiray dunida.

Waxaa xusid mudan in aan ogaanno kaalin nuu cee ah ayeey haweenku ka qaateen dhaqdhaqaaqya dii iyo halgankii kale ee loo galay raadinta 8-dda Maarso?.

Dadaalkii ugu horeeyay ee loo galay raadinta sin naanta shaqada , xuquuqda taranka , ilaalinta badq abka dumarka iyo guud ahaan helidda maalin u gaar ah haweenka,waxa uu soo ifbaxay dhaamaadkii qar nigiii 18-aad iyo horaantii qarnigii 19-aad,xilligaasi oo ay bilowdeen kacdoonadii shaqaalaha ee ka curtay Mareykanka iyo Yurub .

Dhowr arrimood ayaa sabab u ahaa aasaaskii ma alinta haweenka,waxaana ka mid ahaa:-

1-halganka xoogagga shaqeeya ee haweenka ay kaga qeybgaleen kacdoonadii shaqaalaha ee looga horjeeday milkilayaasha warshadaha iyo beeraha.

2-dhismaha ururadii shaqaalaha iyo raadinta maalin iyo xuquuq u gaar ah haweenka.

Hirgainta arrimahaasi, waxa ay mideeyeen dumar kii ku noolaa wadamada Yurub , Mareykanka iyo Mid owgii Soofiyeeti ,waxaana sanadihii u dhaxeeyay 1907-1917-kii dhacay bannaanbaxyo si gaar ah loo gu raadinaayey xuquuq iyo maalin ay leeyihiin haw eenka.

Si loo xaqiijiyo hadafka, muhiimadda iyo xaqa ay haweenku u leeyihiin in la siiyo maalin u gaar ah,aa wadeed,waxaa sanadkii 1975-tii, golaha loo dhan ya hay ee qaramada midoobay ay ku dhawaaqeen in 8-da Maarso loo asteeyay xuska maalinta haweenka aduunka.

Haddaba,dalka Soomaaliya waxa uu ka mid yah ay wadamada Shalay u dabbaaldegay munasabada maalinta caalamiga ah ee 8-dda Maarso oo ah xus taariikhi ah oo lagu muujiyo waxqabadkii haweenka iyo doorkii shariiifka ahaa ee ay ku lahaayeen xoriy adda dalka iyo horumarkiisa.

Waxaa xaqiiqo ah in qeybaha haweenka ee dalka Soomaaliyeed ay kaalin wax ku ool ah ka qaateen ama ka ciyaareen dhaqdhaqaaqyadii xoriyad doonka ee ay hoggaaminaayeen ururkii SYL,kuwaas oo naf iyo maalba ku bixiyay halgankii xaq u dirirka ee lagu helay gobanimada anta.

Sidoo kale,haweenku, waxay door muhiim ah ku lahaayeen wax soo saarka beeraha,warshadaha, dhismahii ururadii bulshada ee dalka,gaar ahaan urur kii shaqaalaha ee gudaha dalka ka curtay dagaalkii labaad ka dib iyo guud ahaan ka qeybgalka barnaa mijyada horumarineed ee dalka ka hanaqaaday xilliyadii la soo dhaafay.

Inkastoo, Xilligii Xoriyadda ay aad u yaraayeen dumarka wax bartay ,haddana, dowladdi rayidka ee talada dalka la wareegtay 1960-kii,waxa ay ku guu leysatay in loo siman yahay raadinta xirfadaha sha qo, waxbarashada iyo xuquuqaha kale ee bulsha da,waxaana waqtigaasi iyo sanadihii ka dambrryay so baxay dumar leh aqoon iyo xirfado kala duwan oo wax ku kordhiyay horumarka dalka.

Dhinaca kale dowladdii kacaanka ee ay hoggaam inaayeen mileteriga Soomaaliya,iyadoo aaminsan nid aamka hantiwadaagga ,waxa ay haweenka u aqoob sadeen udub-dhexaadka bulshada ee lagama maa rmaanka u ah habka dhaqan dhaqaale ee dunidaan casriga ah.

Haweenka Soomaaliyeed,waxaa lagu tiriyaa in ay yihiin kuwa ugu badan xoogagga shaqeeya,waxayna 30-kii sano ee u dambeeyay ay u howlgaleen badba adinta iyo go’aan ka gaarista qorshaha qoyska ,kan guriga , ilaalinta caafimaadka carruurta, hannaanka dakhli-abuur iyo horumarinta hab-nololeedka guud.

Waloow ay jiraan caqabado iyo dhibaatooyin u gaar ah haweenka,haddaana,daraasad ama cilmi baars caalami ah oo la sameeyay ayaa muujineysa in furs adaha shaqo ee ay helaan dumarku ay weli yihiin ku wo ka hoseya fursadaha shaqo ee ay helaan ragga,

Shalay tirada ugu badan Xoogagga shaqeeya du nida, boqolkiiba 45.4 waa haween, waana kuwo ka dambeeya isbadal kasta oo loo qaado dhanka horu marka,sidaa daraadeed,waxaa waajib ah in xil la iska saaro kor u qaadidda xirfadaha aqooneed ee hawe enka .

Xuska maalinta caalamiga ah ee 8-maarso ee san adkaan ayaa dhacaya,xili haweenka Soomaaliyeed y wadaan olole loogu magac daray ka soo saara gurya ha garanwaaga ah,kaas oo loola jeedo kooxaha kha waarijta ee ku dhexdhuumaleysanay bulshada.

Ololahaan oo socda muddo 8 cisho ah,waxa uu ka dhaqangalay Gobolka Banaadir iyo kuwa kale ee dalka,si taageero loogu helo barnaamijkaasi oo uu hindisihiisa lahaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Fe deraalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud.

Gabagabadii ,waxaan halkaan dhambaal hambalyo ah uga direynaa Ururada Haweenka Caalamiga ah ee Dunida,kuwaas oo Shalay u dabaaldegay xuska munaasabadda 8-dda Maarso,waxaanna u rajeyne ynaa horumar iyo barwaaqo. XIGASHO:SONNA

MAXAY TAHAY SABABTA DUMARKA SHIINAHA AYSAN U RABIN INAY CARRUUR DHALAAN?

"Ma awoodo in aan carruur koriyo," ayay tiri Gloria, oo ku guursatay 30-jir. Waxay samaysay maadada xisaabta , waxay ogaatay inay ku baxeyso lacag dhan 2,400 oo doolar bishii tasoo ka badan khara shaadkeeda kale si ay u koriso ilmo iyadoo ku nool dalka Shiinaha.

"Wuxuu kharashka gaari doo naa 3,000 yuan ($436) gaar aha an kharashka maalinlaha ah sida cuntada. 2,000 ($291) waxay ku baxeysaa xanaanada carruurta, 1,000 ($145) doolar daryeelka ilmaha gaar ahaan xarumaha ku meel ga arka ah waa haddii loo baahdo iyo ugu yaraan 10, 000 ($1,456) oo ku baxeyso waxbarashada canuga"

Gloria waxay macalin ka tahay dugsi hoose oo ku yaalla gobolka Guangdong ee koonfurta Shiinaha.

Celcelis ahaan dakhliga soo gala haweenka ka shaqeeya ganacsiga gaarka loo leeyahay ee dalkaas waxaa soo gaashaa ilaa 6,000 yuan bishiiba oo u dhiganta ($873) doolar.

Maadama ay gabadhan tahay qofka kaliya ay dha leen waalidiinteeda iyadoo ay ugu wacan tahay siy aasadda Shiinaha ee ah in dumarka loo gol yahay in ay dhalaan hal canug, waxay sheegtay inay diiradda saareyso sidii u bixin laheyd deynta lagu leeyahay iyo sidii lacag ay meel ugu dhigi laheyd waalidiinte eda da'da ah.

Tirada dadka oo sii yaraaneysa

Shiinaha ayaa wajahaya isbedel dhanka tirada dadka ah: waxaa sii yaraanayay tirada dadka Shiina ha markii ugu horeysay muddo lixdan sano ah. War bixin cusub waxay muujineysay in dumarka Shiinha ay doonayaan inay hal canug ama qaarkooda maba rabaan inay ilmo dhalaan. Boqolkiiba dumarka Shiin aha ee aan ilmo lahayn ayaa kor uga kacay sanadkii 2015-kii waxay gaartay boqolkiiba 6% halka boqolk iiba 10% ay gaartay sanadkii 2020, sida lagu sheeg ay daraasad ay dhowaan samaysay xarunta cilmi ba arista dadweynaha iyo horumarinta Shiinaha.Waxay sidoo kale muujisay warbixinta ,haweenka Shiinaha ee da'da dhalmada gaaray in heerka tarankooda uu hooseeyo, iyadoo celceliska tirada la filayo ee carruurta ay hoos ugu dhacday 1.64 sanadkii 2021 marka loo barbardhigo 1.76 ee sanadkii 2017.

Inkastoo wadamada kale ee Aasiya sida Singap ore, Japan iyo Kuuriyada Koonfureed ay sidoo kale heerka tarankooda uu hooseeyo, dadka qaar ayaa sheegaya inay wali rajeynayaan inay dhalaan laba caruur ah. balse Shiinaha, sidaas maaha xaaladda.

"Marka la eego xaaladda Shiinaha sidaas wuu ka du wan yahay, waxaa aad u hooseeyaa heerka taranka iyo sidoo kale damaca dhalidda carruur badan" ayay tiri Dr. Shuang Chen oo maadada xiriirka bulshada ee caalamiga iyo siyaasadda dadweynaha ka dhigta jaamacadda dhaqaalaha iyo siyaasadda ee London.

Xilli Shiinaha uu bilaabay inuu qabto shirarkiisa siya asadeed bishan March- lataliyeyaasha arrimaha siya asadda ayaa soo jeediyay in sare loo qaado heerka taranka ee dalkaas.

Fikradda kale ah in carruurta ay dhaleen waalid iin aan is guursan la siiyo xuquuq siman Shiinaha, ca rruurta ay dhaleen waalidiinta aan is rasmi ah isku guursan waxay ku adag tahay inay helaan "hukou", oo ah aqoonsiga diiwaangelinta bulshada ee rasmiga ah ee looga baahan yahay waxbarashada, daryeelka caafimaadka iyo daryeelka bulshada, iyo adeegyada maamulka.

Korinta carruurta waa mid qaali ah

Korinta carruurta waa mid qa ali ah Sababta du mar ka Shiina ha aysan u rabin inay dhalaan carruur ayaa ah inay qaali tahay in korin ta carruurta. "Ma doonayo inaan nolol cusub ku bilaabo jawi adag oo uu tartan ka jiro," ayay tiri Mia, oo ah 22 jir ahna ardayad jaamacadeed.

Waxay ku dhalatay magaalo yar oo ku taal waqooyi ga Shiinaha, Mia waxay diiradda saartay waxbarasha deeda. waxay gashay imtixaankii gelit aanka jaamac adda qaranka ee Shiinaha oo loo yaqaanno Gaokao, ka dibna waxay ku biirtay jaamacad caan ah oo ku ta al magaalada Beijing.

Laakiin waxya sheegtay inay marar badan dareen tay niyad jab. Ardayda Shalay qalin jebisay, ayuu xu say, inay sidoo kale la tartamaan kuwa helay waxbar ashada dibadda. "Dhammaan taageeradan waxbara sho ee dheeraadka ah waxay u baahan tahay lacag," ayay tiri Mia, oo aan u malaynayn inay u ururin karto lacag ku filan carruurta mustaqbalka si fursadahaas oo kale loo siiyo.

"Haddii aanan siin karin ilmaha fursaddan si uu sidan ugu raaxaysto, haddaba maxaa u keenaya dun idan?"

Haween badan waxaa saam eeyay isku dheelitir idda shaqa da iyo nolosha

Qoraalka sawirka, Haween bad an waxaa saameey ay isku dhee litiridda shaqada iyo nolosha

Isku dheelitirnaanta nolosha iyo shaqada Haween ka Shiinaha oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in sa ameynta xun ay shaqadooda ku reebtay noloshooda ay u horseedaay inay doorbid aan in aysan carruur dhalin.

Markii haweenka qaar laga qaadayay imtixaanka ay shaqada ku raadinayeen, su'aalaha ay soo xusu usato waxaa kamid ahaa mar la weudiyay haddii ay qorsheynayaan inay carruur dhalaan sanadaha soo socda ama in kale, Waxay yiraahdeen haddii ay 'haa ku jawaabaan, markaas fursada lagu shaqaaleysiin lahaa way yarayd, ama waxay heli lahaayeen fursad yar oo dhanka dallacsiinta ah.

"Isku dheelitirnaanta shaqada iyo nolosha waa wax ay si weyn u xoojiyaan haweenka Shiinaha ee u weecanaya dhanka helidda tacliinta sare iyagoo tixgelinaya inay diyaar u yihiin inay ilmo dhalaan ama in kale," ayuu yiri Dr. Yun Zhou, oo ah kaaliyaha boro fisar cilmiga bulshada ka dhiga Jaamacadda Michig an."Suuqa shaqada oo uu hareeyay takoor dhanka ji nsiga, way adag tahay in la kala doorto shaqada iyo ilmo dhalista.".XIGASHO:-BBC

AYEEYO FALASTIINIYAD AH OO DIIDD AY IN LAGA SAARO DHULKEEDA

Riyooyinkii ayeeyadan Falastiiniyadda ah ee ahaa inay si nabad u noolaato ayaa meesha ka sii baxay sa Qoraalka sawirka,

Riyooyinkii ayeeyadan Falastii niy adda ah ee ahaa inay si na bad u noolaato ayaa meesha ka sii bax aysa Amal Cawad waxa ay eegay saa daaqadda jaban ee gurigeeda. Gurigu waa dhisme aan sidaas u habaysnayn balse lagu taagay dhidibbo ka samaysan shub adag. Waxa uu u egyahay in lagu dhisay si degdeg ah, balse wa xa uu jiray tobanaan sanadood, sida Amal oo kale.

Ayeeyadan Falastiiniyadda ah ayaa sheegtay in si joogto ah loo dhibaatayn, balse haatan weeraradu ay noqdeen kuwo aad u soo laablaabtay.

Waxay sheegtay in saqdii dhexe ee habeenkii 13-kii Febraayo ay gurigeeda soo weerareen koox Israa’iili yiin ah oo la dajiyay aagga ku xeeran dhulkeeda. Wa xay jajabiyeen dhammaan muraayadihii ay arki kar een oo ay ku jiraan baabuurta iyo baalayaasha cad ceda ku shaqeeya kahor inta aysan weerarin guriga.

Kaamirada lagula socdo ammaanka ee CCTV-ga ayaa duubtay, dad reer aakharaad u eg oo wata bu dad.

"Waxaan u baqanayaa qoyskeyga. Carruur yaryar oo aan ayeeyo u ahay ayaan guriga ku hayaa,” ayey tiri. "Iyaguna way baqayaan," ayey sii raacisay.

Amal Awad ayaa ku andacootay in milateriga Israa'iil ay dhowr sanno kahor burburiyeen qol gurigeeda ka tirsan

Qoraalka sawirka,

Amal Cawad ayaa ku andacootay in milateriga Israa'iil ay dhowr sanno kahor burburiyeen qol gurigeeda ka tirsan

Amal waxay ku nooshahay Daanta Galbeed ee la haysto waxayna ay sheegaysaa in qulqulatooyinka socda ay yihiin kuwii ugu dheeraa ee muddo soo jiita ma kuwaas oo la doonayo in lagu khasbo Falastii niyiinta dhulkooda ay isaga tagaan.

"Dhawaan, waxay billaabeen inay yimaadaan ma alinkasta. Laakiin inta badan waanu aragnaa waxaan an wacnaa deriska si aan uga digno in weerar uu dhi ci karo,” Amal ayaa tiri. "Balse markan waxay yimaa deen saqdii dhexe kadib, markaas oo qofkasta uu seexday."

Saraakiisha falastiiniyiinta ayaa sheegay in tan iyo bilowgii sanadkan ay dhaceen illaa 600 oo weerrar, taas oo ah koror aad u xooggan marka la barbar dhi go weerraradii dhacay sanadkii hore, markaasoo bili hii Jannaayo iyo Febraayo la diiwaangeliyay 55 weer ar oo kaliya.

Dhacdooyinkan waxaa geysta dad Israa'iiliyiin ah oo ka soo horjeeda in la burburiyo goobaha sharci da rrada ah ee dadka Israa'iil la dajiyay. Dad goobahaas la dajiyay ayaa doonaya inay ciqaabaan bulshada Falastiiniyiinta.

Daanta Galbeed waxa loo qaybiyey saddex qaybo od taas oo qayb ka ah heshiiskii nabadda ee Oslo ee 1993kii. Amal waxay ku nooshahay aagga ugu weyn, oo lagu magacaabo "Aagga C", oo ay maamusho Isr aa’iil, oo halkan Falastiiniyiintu kama taliyaan.

"Waxaan wacnay booliiska iyo milateriga, laakiin cidna ma aanay imaan," ayey ku dartay Amal, oo u dhexeysa rajo-beel iyo caddibaad. "Ilaa hadda, ma jir to cid timid si ay u hubiso khasaaraha." Xee lado dag aal Amal waxa ay sheegtay in sanadihii la soo dhaa fay ay aad u bateen dadka aaggaas la soo dajinayo. Halka weerarkii ugu horreeyay ee noocan oo kale ah ee gurigeda lagu soo qado uu dhacay Oktobar 2021.

"Markii koobaad dhagxaan ayey ku soo tuureen gurigayaga. Waannu joojin waynay, mana aynaan do onayn in xaaladdu ka sii darto, marka wax jawaab ah kamaynaan bixin arrintaasi," ayay tiri.

"Laakiin 20 maalmood kaddib way soo noqdeen, w axay isticmaaleen buufin basbaas ay ka soo buuxiy een, waxayna jabiyeen daaqadihii iyo deyrarkaba.”

Yuhuud goobta la dajiyay ayaa saqdii dhexe ee habeenkii bisha Febraayo ay aheyd 13 waxa ay weerrareen guriga Amal Awad Qoraalka sawirka,

Dad reer Israa'iil ah oo goobta la dajiyay ayaa saqdii dhexe ee habeenkii bisha Febraayo ay aheyd 13 wa xa ay weerrareen guriga Amal Awad

Waxaa sharci-darro ah dadka la dajiyay Daanta Galbeed marka loo eego qaanuunka caalamiga ah, inkastoo Israa’iil ay arrintaas dood ka keento.

Israa'iil waxay dhistay ilaa 140 deegaan oo ay ku nool yihiin 600,000 oo Yuhuud ah tan iyo markii ay qabsatay Daanta Galbeed iyo Bariga Quddus dagaa lkii Bariga Dhexe ee 1967-kii.

Markasta oo ay sii balaartaan deegaannadaasi wax aa sii kordha xurgufta u dhaxaysa labada bulsho.

Israa’iil ayaa sidoo kale sanadkii lasoo dhaafay xoo jisay baaritaanada iyo howlgallada ay dadka ku qab ato ee ay ka waddo Daanta Galbeed, iyadoo sheegt ay inay isku dayeyso inay hakiso weerarrada ay dadka badan ku dhinteen ee ay Falastiiniyiinta ku bartilmaameedsadaan Israa’iiliyi inta.

Tuulo u dhow halkaas waxaa ku nool Fu’aad Xas an oo si iskaa wax u qabso ah halkaas u ilaaliya, bar xadda ayuu fadhiyaa oo bannaanka ayuu eegaya. Waxa uu ku biiray Guddiga Dadweynaha Falastiin, oo koox dadka deegaanka oo qabanqaabisa dadka habeenkii waardiyaha gala.

"Waxaan guddigan bilownay 2012-kii si aan dad ka rayidka ah iyo hantidooda uga ilaalinno weerar rada ay soo qaadayaan dadka halkan la soo dajiyay," ayuu yiri Fu'aad.

"Dadku marka ay arkaan dhaq-dhaqaaq ka socda tuulada, way noo soo sheegaan. Habeen iyo maalin ba deegaanka waxaan la soconnaa dhaqdhaqaaqa deegaanka."

Fu'aad ayaa meel sare ka daawanaya tuuladiisa balse waxa uu sheeg ayaa inuusan taag u hayn wee rrarada dadka Israa'iil ay halkaas dejisay

Qoraalka sawirka,

Fu'aad ayaa meel sare ka daawanaya tuuladiisa balse waxa uu sheegayaa inuusan taag u hayn weerr arada dadka Israa'iil ay halkaas dejisay

Marka laga reebo booliiska Falastiiniyiinta ee ku sugan deegaanada ay maamulaan, shacabka Falasti iniyiinta ee ku nool Daanta Galbeed looma ogola inay hub qaataan. Taa beddelkeeda, waxay leeyihiin waa qasab ah inay isku difaacaan toosh iyo taleefannada gacanta.

"Ilaah ayaa ah hubka kali ya ee aan haysanno,” ay uu yiri Fu’aad. "Waxa kali ya ee aan rabno ayaa ah in weeraradan ay joogsa daan. "Sannadkii hore, Fu’aad waxaa la dhaawacay isagoo isku dayaya inuu deriskiisa difaaco markii la weeraray tuuladiisa.

"Waxaan ahayn afar qof oo kaliya, waxayna ahaaye en koox badan, waxaana madaxa iga soo gaaray dhaawac ay qasab igu noqotay in 5 qodob la I tolo."

Laakiin Fu’aad wuu nasiib badan yahay oo sanna dkii 2014-kii, mid kamid ah dadka deegaanka ayaa la gu dilay weerar ay soo qaadeen dadka la dajiyay aaggaasi. Fu’aad waxa uu ku andacoonayaa in askta Israa’iil ee jooga tuulada aanay waxba ilaalin.

"Ciidanka Israa’iil waxa ay ilaaliyaan dadka deeg aanka la soo dajiyay ee ma ilaaliyaan Falastiiniyiin ta,” ayuu sii raaciyay.

Afhayeen u hadlay militariga Israa’iil ayaa BBCda u sheegay in dadka deegaanka sida Amal ay soo sheegi karaan falalka qulqulatooyinka ee halkaas ka dhaca, halka ciidammada Israa’iilna ay tahay inay tallaabo qaadaan. Balse sida laga soo xigtay hay' ad da xuquuqda aad anaha ee Israa'iil ee Yesh Din, tan iyo 2005 baaritaa nnada Israa'iil ay ku samayso waxa loogu yeero "da mbiyada fikradaha ku salaysan" ee ka dhaca Daanta Galbeed ayaa boqolkiiba 3 kaliya horseeday in xukun laga soo saaro.XIGASHO:-BBC

Dhaawac soo gaaray Jilaaga caanka ah ee Soomaalidu u taqaanno Cali Dheere



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip