HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH AXAD 19-KA FEBARAAYO 2023-KA

0
Sunday February 19, 2023 - 08:51:51 in Wararka by
  • Visits: 356
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH AXAD 19-KA FEBARAAYO 2023-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay shirka Madaxda Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federa alka Soo maaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shalay khudbad ka jeediyey Meertada 36-aad ee Shirka Madaxda Afrika oo ka socda magaalada Adis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa khudbadiisa kaga hadlay gu ulaha laga gaaray dhinacyada amniga sida la dag aallanka Khawaarijta, arrimaha dhaqaalaha iyo arri maha siyaasadda.

Madaxweynaha ayaa tilmaam ay in dowladda Soomaaliya ka go’antahay la dagaalanka Khawaarijta, isla markaasna guulo muhiim ah laga gaaray.

"Madaxweynanimadaydu waxay diiradda saari doontaa dhisidda jawi lagu heli karo horumar waari-og oo baahida dadka ku salaysan, annagoo ku billaa bayna sidii aan nabadda uga ilaashan lahayn ururka argagigixisada caalamiga ah ee Al-Shabaab annaga oo la kaashanaynna dhammaan bahwadaagteenna caalamiga ah.

Waxaan durbaba horumar wax-ku-ool ka sameyn nay qorshaheenna cusub ee dhammaystiran ee aan argagixisada Al-Shabaab kula dagaallamayno – militari ahaan, dhaqaale ahaan iyo caqiido ahaan” ayuu yiri Madaxeynaha Jamhuuriyadda.

Madaxweynaha oo sii hadlaya ayaa yiri "Hal-ku-dheggaygii doorashada ee guulaystay wuxuu ahaa"Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah”. Wax ay tani caddayn u tahay sida dowladdaydu si firfirco on u baadigoobayso inay xoojiso dhammaan xiriirr ada ay horey ula lahayd saaxiibbada caalamiga ah iyo sidii ay cilaaqaad hor leh ula samaysan lahayd ku wo kale si aan u xaqiijinno inaan dhammaanteen wadaagno horumarka iyo barwaaqada Shalay caalamka ka jira”.

Gunaanadkii, Madaxweynaha ayaa u mahad celiy ay dhammaantiin soo dhoway nta diirran, isaga oo til maamay in ay iga go’an tahay uu la shaqeeyo Midow ga Afrika, dowladaha xubnaha ka ah iyo dha mmaan bahwadaagteenna qaalliga ah si aan uga dhigno So omaaliya, Afrika iyo adduunka meel nabdoon, horu marsan, barwaaqo u ah muwaadiniinteenna oo idil.

Ku simaha Madaxweynaha oo Ummadda Islaam ka ugu hambalyeeyay habeenkii Nabigeena Mu xamed SCW la dheelmiyay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ahna Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Sh.Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hamb alyo ku aaddan munaasabadda 27-ka bisha Rajab ee Hijriyadda u diray dhammaan ummadda Muslimiin ta gaar ahaan ummaadda Soomaaliyeed meel walba ay joogaan oo ah habeenkii la dheelmiyay Nebigee nna NNKH (ليلة الاسراء والمعراج) oo ku weyn qof walba oo Muslim ah.

Guddoomiyaha Golaha Shac abka ayaa dhammaan ummadda Islaamka meel walba ay dunida ka joogaan la wadaagay dhambaalk aas qiimaha badan leh, isagoona xusay in muhiim ay tahay weyne ynta iyo xuska nebigeenna NNKH lana badiyo xuska iyo xusuusta habeenkaas oo ku suntan kheyr iyo wanaag.

Madaxweyne Xasan oo ka hadlay sharc iyadda cusub ee DF Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sh. Maxamuud ayaa markii u horeysay si faah-faahsan uga hadlay sharciyada cusub ee DFS, kuwaasi oo qaarkood dhaliyay dood badan.

Madaxweynaha ayaa waxa uu sheegay in sharciyada cusub ee DFS ay samee ynayso ay yihiin kuwo ilaalinaya danaha guud ee dalka, sidaas darteedna ay m uhiim u yihiin dowladnimada Somaliya.

"Sharciyada cusub ee dowladdu sameyneyso waa kuwo ilaalinaya danaha guud ee dalka, qaanuunka dal iyo dibadba waa na ilaalinayaa, qofka Soomaal iga ah naftiisa iyo xoolahiisa buu ilaalinayaa,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale waxa uu ka ha dlay dooda iyo hadal-haynta ka dhalatay sharciyada cusub ee la horgeeyay baarlamaanka, wuxuuna she egay in dowladnimada ay ku dhisan tahay sharci yada ayna tahay in midaas fahmaan bulshada, oo ay ada lagu dhowrayo xeerarkaasi.

"Baryahaan xeerar badan oo ganacsiga, dhaqaala ha iyo amniga quseeya ayaa baarlamaanka qaar ka doodayay qaar marsiiyay oo qaarna weli sugaya. Ba arlamaanka un ma ahan xataa qaar banaan ka qey linaya ayaa jira. Xoriyad ayaa leedahay waxaa xoriy ad ku leedahay inta dadka kale xoriyadooda ilaashan tahay, sharciguna taas ayuu jideynaya.”

"Maalin walba ninka jooga caqligiisa naguma filna ee waxay dowladdu nagu ilaalin kartaa qawaaniin jo ogto ah oo ka dambe iyo ka kasii dambeeya u joogo ayay nagu ilaalin karta. Qawaaniinta in hantida qofka Soomaaliga ah lagu qabsado ayay ka ilaalinee.”

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa. "Adduunka wax ay dowlad ahaan kula dhaqma hadba inta uu qanuun kaaga la’egyahay. Haddaad qaanuun iyo nidaam la heyn wax ka celinaya malahan sidii la rabo ayaa laga yeelaya.”

Ugu dambeyntiina waxa uu ka codsaday dadka Soomaaliyeed in dowladda ay ku garab istaagan sidii ay u yeelan lahaayeen sharciyo ilaalinaya muwaadi niinta iyo sharafta dowladnimada. "Hadduu qaloocd ay farta ku fiiqa oo meeshaan ayuu ka qaldan yahay dhaha waa la bedela, wax boqolkiiba boqol sax ah wax Ilaahay keenay ayaa ka jira, waa la hormarin ka raa, sidaas darteed aan dulqaadano oo ogolaano in dalka qawaaniin yeesho si dowlad u yeesho, dowladii suna u awood badnaato.”

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ansixiyay sharciyo muhiim ah

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlam aanka Soomaaliya ayaa Shalay kulan ku yeeshay Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho, iya ga oo ansixiyay sharciyo muhiim ah.

Kulanka oo uu shir guddoominayay Guddoomiye kuxigeenka 2aad ee Golaha Shacabka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa 150 mudane, waxaana dhamaan xildhibaannada ay ansixiyeen soo jeedin ka timid Guddoomiye Abshirow oo aheyd in Xildhibaan walba Bishaan mushaarkiisa laga jaro Boqolkiiba labaatan si loogu caawiyo dadka uu saameeyay dhul gariikii ka dhacay dalka Turkiga. Dhinaca kale Xildhibaanna da Golaha Shacabka ayaa ansix iyay hindise sharciy eedka nida amka Maaliyadeed ee kheyraad ka dhulka hoostiisa, waxaana ans ixiyay 148 mudane halka laba Xildhibaan ay ka aam useen.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Cilmi Maxam ed Nuur oo kulanka Goobjoog ka ahaa ayaa Xildhiba annada uga mahad celiyay ansixinta hindise sharciy eedka nidaamka Maaliyadeed ee kheyraadka dhulka hoostiisa, isaga oo sidoo kale sharaxaad ka bixiyay muhiimada uu dalka u leeyahay sharcigaan.

Sidoo kale Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa ansixiyay Hindise sharciyeedka Hay’adda Socd aalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya oo Xildhibaannada dhowr jeer ka doodeen, waxaana ansixiyay 149 Xil dhibaan, waxaana ka aamusay hal Xildhibaan mana jirin Xildhibaan diiday

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo La Kulmay Madax da Dalalka Ethiopia, Burundi Iyo Tanzania

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka So omaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira kulamo uu la yeelanayo madaxda ka qayb galaysa shir madaxeedka 36-aad ee Midowga Afrika ee ka socda magaalada Addis-ababa ayaa kulamo kala gaar gaar ah la yeeshay madaxda dalalka Itoobiya,Burundi iyo Tanzania. Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia Abey Ahmed ayaa kulankoodii ka wa da hadlay xoo jinta is kaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, dhaqa alaha iyo arrimaha gobolka, iyaga oo isla meel dhig ay dardar galinta howlgalada lagu ciribtirayo Khaw aarijta.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxam uud ayaa kulamo la qaatay Madaxweyneyaasha Bur undi Mudane Évariste Ndayishimiye iyo Tanzania Marwo Samia Suluhu Hassan.

Kulamadan ayay Madaxweyneyaashu ku dul istaa geen dhibaatada xooggan ee argagixisadu ay ku hayso horumarka iyo xasilloonida qaaradda iyagoo is la meel dhigay in la iska kaashado cirib itrka kooxaha na badda diidan si loo xaqiijiyo Afrika nabdoon, horu marsan oo barwaaqo ah.

Golaha Aqalka sare oo ansixiyay xeer-hoosa adka Golaha

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare, Md.Cabdullaahi Cali Xersi (Timacad de) ayaa Shalay shir guddoomiyeyay kalfadhiga labaad kula nkiis 12-aad.

Kulanka ayaa ajandihiisu wuxuu ahaa ansixinta xeer-hoosaadka Aqalka Sare iyo akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Hay’a dda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Guddoomiyaha guddiga Xeer-hoosaadka Aqalka Sare, Senator Cabdiwali Maxamed Ibraahim (Xaab sade) oo golaha la wadaagay qaabayn iyo toosin ay ku sameeyeen Xeer-hoosaadka ka dib, ayuu goluhu ansixiyay Xeer-hoosaadka Aqalka Sare

Sidoo kale, Hindise Sharciyeedka Hay’adda Nab ad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka oo doodiisa la guda galay ayay Senatorada ka dhiibteen dood ay ka qabeen qodobada qaar ee sharciga.

Sanater:-Muuse Suudi oo dalbaday in Mahad Sal aad horyimaado baarlamaanka

Senator Muuse Suudi Yalaxow oo ka tirsan Aqa lka Sare ee Soomaaliya ayaa kulankii Shalay waxa uu guddoonka ka dalbaday in loo yeero agaasimaha hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) Mahad Maxamed Salaad.

Senator Muuse Suudi ayaa waxa uu sheegay in sharciga NISA laga doodo iyada oo goobjoog uu yah ay agaasimaha hay’adda, islamarkaana wax lag we ydiiyo qoddobada u baahan fasir aad dheeraad ah."Ha la hubiyo hay’adda an ha na yimaado ninka agaasimaha & taliyaha ka ah maalmaha la hadla ayo oo goobjoog ka ahaado, yaan sibiq dadka ku gal in,” ayuu yiri Senator Muuse Suudi Yalaxow.

"Kaligeen in aan doodno waa iska fiican tahay la akiin waxba dhiman. Guddoomiye hay’addan inay ha y’ad muhiim ah in ay tahay waa la sheegay laakiin waxay muhiim tahay haddey shaqadeedu toosan tah ay, haddii shaqadeedu qaloocan tahay waa fidno.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in sharciga NISA uu golaha shacabka kasoo gudbay iyada oo dood ka taa gan tahay, sidaas darteed ay tahay in si fiican ay isk aga akhriyaan mudaneyaasha golaha Aqalka Sare.

"Waxaa ku jira sharcigeeda ninkaan hay’adda ka tirsan (agaasimaha) anaga naga xaasaanad badan yahay, waxaa ku taalla korkiisa lama taaban karo, lama xiri karo. Xataa maxkamadda la geynayo maxkamad qarsoodi ah ayaa lagu xukuma.”

Waxa kale oo uu intaas kusii daray "Buugaan waxa ku qoran wax iska culus waaye aad ha loo akhriyo. Guddoomiye buugan xoog ha loo akhriyo, madaxda ka maqan ha timaado. Ninka hay’adda madaxda ka ah ee taliyaha guud iyo agaasimaha isku noqonaya ha fadhiyo oo ha loo sheego wixii la saxayo.” Sharciga hay’adda NISA oo ah mid muhiim ah ayaa toddobaad kahor la geeyay Golaha Aqalka Sare, ayada oo dhawaan uu meel-mariyay Golaha Shacabka, wuxuuna noqonaya sharcigaan kii ugu

horreeyey oo ay yeelato NISA.

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka & Jins iyadda oo G/Shacabka uga mahad-cel iyay ansixinta hindise sharciyeedka dhismaha HSJ

Guud ee Hay’adda Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) ayaa uga mahadceliyay Mudanaya asha Golaha shacabka ansixinta Hindise-sharciye edka dhismaha Hay’adda Socdaal ka iyo Jinisyadda.

"Waxaan u mahadcelinaynaa Go laha Shacabka Jamhuuriyadda Fad eraalka Soomaaliyeed oo Shalay ansixiyay Hindise-sharciyeedka Dhi smaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) So omaaliyeed.

Sharciga HSJ wuxuu muhiimad gaar ah u Ieeyah ay tayaynta Baasaboor-ka & sare-uqaadidda aqoons igiisa, horumarinta koontoroolka socdaalka xaduuda ha, iyo ilaalinta xuquuqda shaqaalaha” ayuu yiri Aga asimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jin siyadda.

Sidoo kale agaasimaha ayaa Golaha Aqalka Sare ka codsaday in ay meel mariyaan hindise Shar ciyeedka ka soo gudbay Golaha Shacabka.

"Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamahuu riyadda Fader-aalka Soomaaliya waxaan ka codsan eynaa inay ansixiyaan sharcigaan maadaama uu ahmiyad adeeg bixin u Ieeyahay bulshada Soomaali yeed dalka iyo dibadaba, isla markaana ay hay’adu waajibkeeda u gudato si hufan” ayuu yiri Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali Agaasimaha Guud

Shir deg deg ah oo laga yeeshay Amni ga Magaalada Muqdisho

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gu uto Sulub Axmed Firin ayaa Shalay shir la qaatay Taliyeyaasha Booliska, Qaybta Guud ee Gobolka Ba naadir, Qaybaha, Saldhigyada Degmooyinka Gobol ka Banaadir iyo Fadhiyada Madaxa Bannaan ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Shirka ayaa waxaa looga hadlayey adkaynta amn iga guud ee Dalka iyo si gaar ah amniga caasimadda Muqdisho. Oo mararka qaar ay ka dhaceen falal lidi ku ah amniga oo ay geystaan Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa Saraakhiisa Ciidanka Booliska faray in si weyn looga hortago falal ka liddiga ku ah amniga, lag ana feejignaado dhagaraha ay Khawaarijta arxanla aweyaasha ahi u maleegayaan shacabka Soomaali yeed, sidoo kale na la labo jibbaaro dadaallada lagu sugayo amniga caasimadda Muqdisho

Maxkamadda Ciidamada oo dil toogasho ah ku fulisay laba askari

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa Shalay xukun dil toogasho ah ku fulisay laba askari oo ka kala tirsanaa Booliska iyo Mil atariga, kuwaas oo 10-kii Janu ary ee sanadkan 2023-ka dilal ka geystay Xamarweyne iyo Bal cad.

Labada askari ee tiirka la geeyay ayaa waxaa la gu kala magacaabi jiray Qaasim Ducaalle Cabdi iyo Xasan Juulle Shaakir , kuwaas oo ay horay u xukun tay maxkamadda ciidamada.

Qaasim Ducaalle oo ka tirsanaa ciidamada qaa da Canshuuraha ayaa Xamarweyne wax ka yar 25 sinti ugu dilay marxuum Abuukar Maxamed Sheekh Nuuraani (Abirimo).

Abirimo oo dilkiisu uu sababay carro xoogan ay aa Alaabta Yaryar ee loo yaqaano Jukaatarada ku ii bin jiray gudaha degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir. Xasan Juulle Shaakir oo isna ka tirsanaa Milatariga Soomaaliya ayaa dil bareer ah u geystay marx uum Cali Taliye Cariif, kaas oo ka dhacay degmada Balcad ee gobolka Sh/Dhexe.

Marxuum Cali Taliye oo ahaa wade mooto Bajaj iyo askariga Shalay la qasaasay ayaa murmay, wax aana kadib goobta lagu toogtay marxuumka. Dhinaca kale waxaa tallaabada ay qaaday maxk amadda iyo dilka ay fulisay soo dhaweeyay ehellada marxuum Abuukar Abirimo oo ku sugnaa goobta qasaasta.

"Cadaaladdii Xasan Sheekh nagu ayiday Shalay waan aragnay. Maxkamadda sharafta leh guul” ayuu yiri adeerka marxuum Abirimo oo goobta toogashada kula hadlay warbaahinta.

Maalmihii u dambeeyay Maxkamadda Ciidama da Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa kordhisay ful inta dilalka toogashada ee ay horay u ridday, taas oo aad loo dhaweeyay.

Si kastaba, waxaa weli xabsiyada dowladda ku ji ra askar kale oo dilal geysatay iyo xubno ka tirsan Shabaab oo iyagana sugaya in la geeyo tiirka cadaa ladda, maadaama la xukumay.

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo lagu wareejiyay xoolo nool

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, Gen eral Maxamed Tahliil Biixi ayaa xoolo nool ka guddo omay waxgaradka Deg mada Xarardheere ee Gobol ka Mudug.

Deeqdan xoolaha oo ka kooban tiro riyo iyo ido ah ayay waxgaradku ugu talagaleen in ay ku taageer aan Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Galmudug ee 16-kii bishii hore ee January la wareegay gacan ku haynta degmadaasi.

Taliyaha oo deeqda xoolahaasi guddoomay ayaa kaga mahadceliyay dadka deega anka, garabka ista aga ay u muujiyeen ciidamada dagaalka kula jira mal eeshiyada Al Shabaab.

Taliyaha ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay ka go'an tahay in Shaba abka hubeysan laga sife eyo gebi ahaanba deegaanada Galmudug. Xarardhe ere waxay ahayd degmadii keliya ay Shabaabku ka maamulayeen Gobolka Mudug, inkastoo weli ay gob olkaasi kaga sugan yihiin deegaano dhaca koonfurta gobolkaasi.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug oo gacan ka helaya xoogaga deegaanka ayaa haatan isku fidinaya deegaanada koonfureed ee gobolkaasi.

Maxay ehellada Maxamed Sheekh Nuuraani ka dhaheen xukunkii Shalay?

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa Shalay xukun dil toogasho ah ku fulisay Qaasim Duca alle Cabbdi oo ka tirsanaa ciidamada qaada canshu urta, kaasi oo 10-kii January ee sanadkan 2023-ka degmada Xamarweyne ku dilay marxuum Abuukar Maxamed Sheekh Nuuraani (Abirimo).

Askarigan ayaa waxa uu Abirimo u dilay shan kun oo shilling Soomaali ah. Abirimo oo dilkiisu uu sa babay carro xoogan ayaa alaabta yaryar ee loo yaq aano Jukaatarada ku iibin jiray gudaha degmada Xamarweyne ee gobolka Banaa dir.Haddaba, max aya ehellada Abirimo iyo dadka reer Xamarweyne ka yiraahde en xukunka max kamadda?

Ehellada Abirimo oo xukunka maxkamadda kadib la hadlay warbaahinta ayaa si weyn usoo dhaweey ay, ayaga oo sheegay in wiilkoodii ay Shalay u hel een cadaa lad, iyaga oo dowladda uga mahad-celiyay dadajinta kiiskan.

"Xukunka aad iyo aad ayaa ugu faraxsanahay, nin ka Shalay qisaasta lagu fuliyay culeyskii aadan aha ka saarna waa ka degay. Anaga meeshaas ayaa ku kala baxnay, dowladdana aad iyo aad ayaa ugu mahad-celinayna oo xuquuqdii shacabka ayay gut een,” ayuu yiri Ibraahim Cabaas oo adeer u ahaa ma rxuumka."Dad naga wakiilo ah ayaa joogay oo fiirsa nayay fulinta xukunka. Dadka kale waxaa u rajeyn ayaa ee bajaajlayda in nimankii dilay lasoo qabto oo sidan oo kale loo dilo ayaa rabna.”

Waxa kale oo ay hadalkooda sii raaciyeen "Sharc iga Diinta Islaamka lagu xukumo waa cadaalad, dow ladda aad iyo aad ayay u mahadsan tahay. Madaxw eynaha waakii ballan noogu qaaday in qofkii qof dila in tiirka la geynayo oo oday dhaqameed soo daba kaceyn.” DFS ayaa sidoo kale waxay ugu baaqeen in waddada Shalay la mariyay askarigii dilay Abirimo la marsiiyo askarta kale ee dilka toogashada hore loo gu xukumay, ee dilalka u geystay shacabka.

"Kuwa toogashada ku qoran ha dheeraato ha dhawa ato in lasii daba-galo cadaalad ayaa na deeqda,” – "Waxaa leenahay xukuumadda siddaan ha loo galo nin kasta oo muwaadin Soomaaliyeed qalad ka gala sidan haloo galo.”

Axmed Karaash "Waa wax aan layskaga hari doonin in dad Shacab ah lagu xasuuqo Laasca ano”

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Shalay Isbitaalka guud ee M/Garoowe ku booqday dadkii kusoo dhaawacmay xasuuqa Somaliland ku hayso dadka magaalada Laascaanood

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa warbixin ka dheg aystay Guddiga heer Wasiir ee Gurmadka Gobolka Sool iyo dhakhaatiirta gacanta ku haysa dhaawacy ada, wuxuuna mu ujiyay sida ay Dowladdu isaga xil saarayso garab istaaga dhibaatada lagu hayo. "Eebbe ha u naxariisto intii dhimatay,inta dhaawa ca ahna haw booga dhayo, dhammaantood waxay difaacayeen sharafkooda iyo Midnimada Um mada Soomaaliyeed” ayuu yiri Madaxweyne ku-xige enka Puntland.

Isaga oo sii hadlaayay Axmed Karaash ayaa wax aa uu intaas kusii daray "Waa wax aan layskaga hari doonin in dad Shacab ah oo Masiirkooda ka

tashanaya Xasuuq noocaas ah loo geysto”.

Dagaalada Laascaanood ku dhexmaraya ciidama da maamulka Somaliland iyo kuwa deegaanka ayaa galay maalintii 13-aad oo xiriir ah, waxaana ciidam ada Somaliland ay madaafiic ku garaacayaan goobo ay ku sugan yihiin dad shacaba

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay dishay 50 kamid ah dagaalamayaasha Alshabab oo ay ku jiraan horjoogayaal

Ciidamada Qalabka sida ee dowladda Soomaaliya iyo kuwa dib u xoraynta ayaa dilay in ka badan 50 ka tirsan Al-Shabaab oo ay ku jiraan 5 horjooge.

Dilkaan ayaa dhacay kadib howlgal qorsheysan oo ka dhacay meel u dhow deegaanka Afcad ee gob olka Hiiraan.

Howlgalkan ayaa waxaa taag eerayay saaxiibada caalamiga ah ee amniga Soomaaliya, sida lagu sheegay war ka soo baxay dow ladda.

Waxaa lasoo bandhigay ma gacyada qaar kamid ah horgooj ayaasha Alshabaab ee weerarka lagu dilay.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka go’ an tahay dhameystirka howlgal ka xididdada loogu sii bayo kooxda Alsha baab.

Khamiistii ayay ahayd markii Dowladda Soomaal iya ay sheegtay inay dishay 200 katirsan dagaalam ayaasha Alshabaab, kadib howlgallo ka dhacay deegaanka Iji ee gobolka Hiiraan.

Xoghayaha Qaramada Midoobay oo sheegay in Afrika nabaddeedii sii wiiqmayso.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqay qoondadii abid ugu badnayd ee laga helayo Sanduuqa Gurmadka Degd egga ah ee Dhexe si wax looga qa bto waxa uu ku tilmaamay ‘xasara daha la illoobay’ ee adduunka.

Antonio Guterres ayaa sheegay in badh ka mid ah labo boqol iyo kon ton milyan oo dol lar lagu caawin doono dadka halis ta ugu jira macluu sha Afrika.Hadalkan ayuu ka she egay shir madax eed ka Midowga Afrika ee ka socda magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoo biya. Mr.Guterres ayaa u sheegay hogaamiyayaa sha Afr ika in tiirarkii nabad eed ay sii wiiqmayaan qaaradda oo dhan, wuxuuna sheegay inuu aad uga walaacsan yahay sii xoojinta rabshadaha ka socda bariga J/D/ ah ee Congo.


Sarkaal Ka Tirsan Ciidanka Dowladda Oo Lagu Dilay Qarax Loogu Xiray Sari irtii Uu Jiifay

Wararka ka imanaya gobolka Gedo ayaa sheeg aya in qarax Miino lagu dilay sarkaal sare oo ka tir san ciidamadda xoogga dalka ee ku sugan degmada Beeld xaawo ee dhacda xadka Ken ya.

Sarkaalka la dilay oo lagu magacaabi jiray Dhamme Maxamed Aweys ayaa ahaa taliyihii ururka 28-aad ee ciidamada xoogga dal ka, isagoo sidoo kale saaxiib dhow la ahaa taliyihii NISA ee Gedo Bakaal Kooke oo sanadkii hore dha maadkiisa isaguna qarax lagu dilay.

Arrinta yaabka leh ayaa ah in sarkaalkan qaraxa Miino ee lagu dilay loogu xiray sariirtii uu ku jiifay oo taalay xeradii ay baneeyeen ciidamadda Gorgor oo sarkaalkan la dilay haatan madax ka ahaa. Lama oga cida qaraxa geysay xerada oo amaankeeda aad loo ilaaliyo, iyadoo shacabka aaney u dhawaan kain xerada, taasoo ay sii dheer tahay in magaalada Bandow ku jirto maalmahan.

Kooxda Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarkan, iyadoo war lagu daabacay warbaahinto oda lagu sheegay in howlgalkan uu u dhacay sidii ay ugu talagaleen.

Al-Shabaab oo sabab yaab leh u tooga tay lix ka mid ah dagaalamay aashooda

Kooxda Al-Shabaab ayaa Shalay toogatay 6-xub nood oo ka mid ahaa dagaalamayaashooda ku sug an duleedka degmada Xarardheere ee gobolka Mu dug, kadib markii laga shak iyey.

Sida ay sheegtay in ay ay xogtaan ku hesh ay Caas imada Online, lixda dagaalame ee la toogtay waxay ku tashadeen inay kooxda ka goostaan, laakiin wa xaa ka war helay amiiradooda oo tallaabo deg deg ah ka qaaday.

Lixda xubnood waxaa lagu toogtay goob fagaare ah, waxaana lagu hor dilay raggii ay horay uga tirsan aayeen oo ay ka soo goosa rabeen, si ayaguna ay ugu quus qaataan.

toogashadaas ayaa Shalay ka dhacday tuulo lagu magacaabo Wadaariq oo hoos tagta degmada Xarardheere ee gobolka Mudug oo Al-Shabaab ay maamulaan.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee aagga Xara rdheere howlgallada ka wada ayaa xaqiijiyey dhacd adaan, sidoo kale dad ku nool tuulada Wadaariq oo toogashadaasi ay ka dhacday ayaa u Caasimada Online la hadlay.

Falkaan ay Shalay sameeyeen Al-Shabaab ayaa argagax ku abuuray dadkii ku noolaa tuulada, Wad aariq waa deegaan ay ku sugan yihiin Shabaab ba dan oo u diyaar garoobay inay iska difaacaan duula anka dowladda, sida ay noo sheegeen dadka ku nool deegaankaas.

Qaar ka mid ah qoysaska ku nool tuuladaas Wad aariq oo hoos tagta Xarardheere waxay kooxdu ka soo barakicisay deegaano kale, si ay gabaad uga dhigtaan dadka shacabka ah oo duulaanka iyo duqeybta dowladda ay uga badbaadaan.

XIGASHO:CAASIMADDA.NET

In ka badan 45 kun oo qof oo ku dhima tay dhul-giriirkii dalalka Turkiga iyo Syria

In ka badan 45,000 oo qof ayaa ku dhintay wadar ahaan dhul-giriiskii ka dhacay dalalka Turkiga iyo Syria, inkastoo aysan weli waxba Iska bedelin ma almahan tirada dadkii ku dhintay Dhul-gariirkii dalka Syria oo la soo weriyey inay Tirada ka badan tahay 5,800 oo qof.

Dalka Turkiga ayaa weli baa di-goobka dadka weli ku hoos xa niban Dhismayaasha ayaa soc ota, weli dad badan ayaa lagu la’ yahay dalkaasi.

264,000 oo Dhismo Qeybeed (apartments) ayaa waxay ku burbureen Dhul-gariirkii bishan 6-dii ka dha cay dalkaasi, kaasi oo lagu tilmaamay kii ugu xumaa ee ka dhaca dalkaasi. Dorraad oo Jimco ahayd, Mas aajid Caalamka oo dhan ayaa waxaa laga oogay Sal aatul Janaasa calaa Qaa’ibiin ee dadkii ku dhintay Dhul-gariirkii Turkiga iyo Syria.

Dhanka kale, inta badan Kooxihii Gurmadka ee ka socday dalalka Caalamka waxay bilaabeen inay u dhoofaan dalalkooda, balse, Samafalayaasha iyo Mutadawaciinta ayaa waxay weli wadaan hawlaha Baadi-goobka iyo Samata-bixinta ee dadka ku hoos xaniban burburka Dhismayaasha uu Dhul-gariirku saameeyey.

Ururada Samafalka waxay sheegeen inay dadkii ka badbaaday Dhul-gariirka u baa han yihiin in la caawiyo bilooyin, iyadoo ay aad u burbureen Kaab ayaasha Asaasiga.

Dowladda Türkiye waxay ballan qaaday Baaritaanka dadka lagu tuhunsan yahay mas’uuliyada Dhismaya asha ku burburay Dhul-gariirka, waxaana horey loo amray in la soo xiro in ka badan 100 Eedeysanayaal oo ay ku jiraan Qandaraaslayaasha.

Hoggaamiye ka tirsan Daacish oo la dil ay iyo Askar Maraykan oo la dhaawacay

Hawlgal ay iska kaashadeen ciddamo Maraykan ah iyo Maleeshiyada Syrian Democratic Forces (SDF) Maraykanka Taageero ayaa la sheegay in Hawlgal ku dileenHoggaamiye Sare oo lagu magac aabo Xama Al-Hosi oo ka tirsan Kooxda Daacish (ISIS)

Qoraal ka soo baxay Taliska Ciiddanka Dhexe ee Maraykanka (The US Central Command) ayaa lagu xaqiijiyey in Hamza Al-Hosi lagu dilay Hawlgal ka dhacay W/bari ee dalka Syria.

Qoraalka waxaa lagu xusay in Hogaamiyahaasi la dil ay, xilli uu hawlgalka Helicopter oo ay ka qeyb gal een Ciiddamo Isku-dhaf Maraykanka iyo Syria ah qaadeen xilli dambe oo ahayd Habeenkii (Khamiis, February 16).

Dhanka kale, 4 Askar Maraykan ah ayaa ku dha awacmay Qarax aan la shaacinin waxa sababay.

Askarta dhaawacmay waxaa dhamaantooda lagu daaweynayaa Isbitaal ku yaalla dalka Iraq.

Toddobaad ka hor, Sarkaal ka tirsan Kooxda Daac ish oo lagu magacaabi jirey Ibrahim Al-Qaxtani ayaa lagu dilay Hawlgal ay qaadeen Ciiddan Maraykan iyo Maleeshiyada Maraykanka Taageero ee Syrian Democratic Forces (SDF).

Qaramada Midoobay oo dalbatay 1 bily an oo dollar oo lagu gargaaro Turkiga

Qaramada Midoobay ayaa codsatay in ka badan 1 bilyan oo dollar oo dhaqaale ah oo loogu talagalay gurmadka dhulgariirka Turkiga, laba maalmood kadib markii ay bilowday codsi $400-milyan ah oo loogu talagalay dadka Suuriyaanka ah.

Madaxa gargaarka ee Qaram ada Midoobay Martin Griffiths, oo booqasho ku tagay Turkiga, usbuucii hore, ayaa sheegay in dadka ay la kulmeen dhibaatooyin aan la sheegi karin, isaga oo raaciyay: "Waa inaan garab istaagnaa dadka oo aan hubinno inay helaan taageerada ay u baahan yihiin.”

Dhulgariirkii dhacay 6-dii Febraayo ayaa ilaa had da ku dilay ugu yaraan 36,187 koonfurta Turkiga, hal ka maamulka dariska la ah Suuriya ay sheegeen in ay ku dhinteen 5,800 oo qof.

Dadaalka samatabixinta ayaa ka socday dalka Turkiga, balse tirada dadka la soo badbaadiyay ma alin walba ayaa aad u yaraaday.

Turkiga ayaa balan qaaday inuu baaritaan ku same yn doono cid kasta oo lagu tuhmo inay mas’uul ka ta hay burburka dhismooyinka, wuxuuna amar ku bixi yay in xabsiga la dhigo in ka badan 100 tuhmane ah oo ay ku jiraan kuwa wax dhisa.

CIYAARAHA:-Ronaldo oo ku soo baxay gool dhige cajiib ah & Booska ay hadda ku jiraan

Laacibka Cristiano Ronaldo ayaa isu rogey gool dhige halkii lagu yaqaanney gool dhaliye ahaanta, isagoo kulankii ugu dambeeyey sameeyey laba ca awin, kuwaasoo ay ku jirto mid faraha laga taagey, kulankii ay Al-Nassr guuldarradii ku badday Al-Taa woun oo ay 2-1 dirtay horyaalka Saudi Pro League fii dnimadii Jimcahan.

Inkasta oo uu dhaliyey 5 go ol la badii kulan ee u gu dam beeyey, xiddigga shanta jeer ku guulaystey Ballon d’Or ayaa awoodi waayey in uu shabaqa soo taabto kulankan, laakiin waxa uu muujiyey aragti ya ab leh oo uu kaad dhex tuur ah kaga dhex bixiyey dif aaca Wolves.

Baaskiisa waxaa helay Abdulrahman Ghareeb, kaasoo maray goolhayaha, si uu ciyaarta kaga dhigo dhigay 1-0. Ronaldo ayaa markii uu dhowr jeer tijaabi yey goolhayaha Al-Taawoun, waxaana xusid mudan inuu baasay kubad qurux badan oo uu si aan anaan iyad lagu arag uu ugu dhiibey Abdullah Madu kaasoo shabaqa ku hubsaday goolkii labaad.

Guushan ayaa Al-Nassr ka dhigaysa inay ku dhib co yihiin hoggaanka Horyaalka Sacuudiga ee Al-Itixa ad, kuwaasoo 3-0 ku Garaacay Etti faq Khamiist ii.

BAADARI ISKU DAYAY "SOONKII NEBI CIISE” OO GAAJO U DHINTAY

Baadari Francisco Barajah

XIGASHADA SAWIRKA,QOYSKA BARAJAH

Baadari u dhashay dalka Mozambique ayaa geeriyo oday xilli uu doonayay inuu soomo 40 maalmood oo uu kaga daydo Nebi Ciise NKH, sida ku xusan Injiilka.

Francisco Barajah oo asa asay kaniisadda Santa Tri ndade Evangelical ayaa ku geeriyooday cisbitaal ku yaalla magaalada Beira, kadib markii halkaa loo geeyay si wax looga qabto xaaladdiisa caafimaad.

Kadib 25 maalmood oo uu af xirnaa, ayaa baadari Francisco Barajah waxaa uu noqday mid jir ahaan dhaciif ah oo xitaa aan istaagi karin.

Baadariga oo 39 jir ahaa ayaa qoyskiisa iyo xert iisa waxa ay u qaadeen cisbitaalka si loola tacaalo xaaladdiisa caafimaad.

Markii cisbitaalka la geeyay, Barajah ayaa la ogaa day inuu qabo dhiig yari ba’an, isla markaana ay haw lgab noqotay qeybta dheef shiidka.

Hawlwadeennada caafimaadka ayaa isku dayay inay soo celiyaan awoodda jirkiisa oo ay ku duraan cunno dareero ah, balse taasi laguma guulaysan oo waxa uu baadariga geeriyooday Arbacadii.

Baadari Francisco Barajah

XIGASHADA SAWIRKA,QOYSKA BARAJAH

Baadari Francisco Barajah ayaa sidoo kale ahaa macallin luuqada Faransiiska ka dhiga iskuul ku yaa lla magaalada Messica ee ka tirsan gobolka Manica o dhaca xuduudda dalka Mozambique uu la leeyahay Zimbabwe.

Xubnaha kaniisadda Santa Trindade ayaa sheegay in baadariga iyo xertiisa ay soomi jireen, balse aanay horay u dhicin in intaas oo maalmood uu soomo.

Marques Manuel Barajah oo ay walaalo yihiin baada riga geeriyooday ayaa su’aal geliyay sababta uu u dhintay, waxaana uu sheegay in inkastoo Franci sco Barajah uu muddo soomanaa, haddana "uu u geeriy ooday cadaadiska dhiiggiisa oo hooseeyay.”

Ma aha markii ugu horreysay ee uu qof u dhinto isagoo isku dayaya "soonkii Nebi Ciise uu 40 maalm ood ku soomay saxaraha” sida ku qoran Gospel of Matthew ee Kitaabka Injiilka.

Sanadkii 2015, nin u dhashay dalka Zimbabwe ayaa geeriyooday kadib markii uu soomay 30 maalm ood oo xiriir ah, sida ay xilligaa ku warrantay warba ahinta dalkaas.

Sanadkii 2006, dhakhtar baara meydadka oo Brit ish ah ayaa xaqiijiyay in haweeney reer London ah ay sababsatay soon ay waday 20 maalmood oo xiriir ah .XIGASHO:-BBC


MAXAAD KA TAQAAN AFARTA NIN EE HOGGA AMINAYA DADKA LAASCAANOOD EE KA SOO HOR JEEDA SOMALILAND?

AFAR GARAAD

Ku dhawaad labo isbuuc waxaa magaalada Laa scaanood ka taagan colaad u dhexeysa ciidamada Jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dha waaqday ee Somaliland iyo ciidan bulshada deeg aanka ah oo kasoo horjeeda in ciidamada Soma liland ay sii joogaan deega ankooda.

Hoggaanka Dhaqanka ee ku mideysan Golaha Dhaqanka oo ka kooban 14 qof, oo wada rag ah. Bay aan ay soo saareen ayey ku sheegeen in ay doonay aan inay Somaliland guud ahaan ba isaga baxdo dhu lkooda iyo inay qeyb ka noqdaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Waxa ay ku doodeen aysan raalli ka ahayn in dhu lkoodu uu qeyb ka noqdo Somaliland oo iyadu sheeg tay inay ka go'aday Soom aaliya iyada oo ka masuul ah dhammaan dhulkii Goboladda Waqooyi la oran jiray.

Xiisadda oo ka dhalatay dilal dad aan la aqoons an ay ka geysteen magaalada iyo dibadbaxyo dabo socday ayaa gaartay heerka ugu sarreeya ee kala-fogaanshiyaha labada dhinac.

Waxaa ugu dambeeyay dilka Cabditifaax Hadraawi oo dhacay 26-kii bishii December ee sannadkii tagey, kaas oo xubin ka ahaa xisbiga mucaaradka Somali land ee Waddani.

Dibadbaxyadii ka dhashay dilkaas iyo jawaabta cii damada booliska ayaa xiisada cirka ku sii shar eeray. Isbuucyadii lasoo dhaafay waxaa magaalada Laasca anood ka jiray qalalaase isu baddalay dagaal toos ah oo u dhaxeeya dadka deegaanka iyo ciidama da Jam huuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaa qday ee Somaliland.

Hoggaanka dhaqanka bulshada Laascaanood ay aa shirkii ugu dambeeyay ee magaalada ku yeeshee n ku dalbaday in ciidamada Somaliland ka baxaan dhulkooda.

Haddaba waa kuwee hoggaamiyeyaasha dadka deegaanka ee Laascaanood?

Golaha Dhaqanka

Golaha dhaqanka waa14 xubnood oo isugu jira sa gaal garaad, 2 suldaan iyo 2 ugaas iyo Boqor.

Boqorka waxaa lagu magacaabaa /hi Axmed Cali.

Waxaa jira dhowr garaad oo hormuud u ah dadka deegaanka kuwaas oo darajo ahaan kala sarreeya, dhammaantoodna waxa ay qeyb ka yihiin dagaalka socday maalmihii lasoo dhaafay.

In muddo ahba waxaa si weyn loo hadal-hayay ma gacyada afar garaad oo ah kuwa ugu saameynta bad an bulshada deegaanka.

Xiriirrro kala duwan ayaan la sameynay garaadda da si aan wax badan uga ogaanno taariikhdooda.

Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac

Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac

XIGASHADA SAWIRKA,GARAAD JAAMAC GARAAD CALI

Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac

yaa Garaadka ugu darajada sarreeya, uguna saam eynta weyn bulshada deegaan ka iyo dhaqanka ba.

Garaad Jaamac ayaa hadda ah hoggaanka dhaqanka ee ugu sa rreeya garaadda golaha, isagoo shir-guddoomiya kulamado oda.

Garaad Jaamac Garaad Cali waxa uu magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ku dhashay sanadkii 1974. Waxa uu sanadkii 2006 garaadnimada ka dha xlay adeerkiis Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac oo ku sime ahaa, isla sannadkaas ayaana loo caleema saaray. Garaad Jaamac oo ku abtirsada 19 garaad waxa uu aabihii Garaad Cali geeriyooday bilowgii 1985-kii, isaga oo markaas 15 jir ah oo aan weli gaa rin da'da uu xilka uga dhaxli karo. Garaad Cabdiqani oo ah garaadka dhintay walaalkiis ayaa bishii May ee 1985-kii la caleemasaaray.

Garaad Jaamac Garaad Cali waxa uu hadda deg gan yahay guri uu ku leeyahay magaalada Laasc aanood.

Garaad Cabdullaahi Garaad Saleebaan Garaad Maxamed

Garaad Cabdullaahi Garaad Saleebaan

XIGASHADA SAWIRKA,GARAAD CABDULLAAHI GARAAD SALEEBAAN

Qoraalka sawirka,

Garaad Cabdullaahi Garaad Saleebaan

Waa garaadka labaad ee ugu sarreeya garaaddada gobolka, waxa uuna hoggaanka hayaa marka uusan joogin Garaad Jaamac.

Waxa uu ku abtirsadaa ilaa 8 gara ad oo uu kasoo jeedo.

Garaad Cabdullaahi Garaad Sale eb aan waxa uu dhashay sanadkii 1969.

Aabihiis oo ahaa garaad magac weyn lahaa ayaa geeriyooday dabayaaqadii sanadkii lasoo dhaafay.

Intii ay socdeen rabshadaha Laascaanood ayaa loo gartay in uu noqdo garaadka.

In muddo ah ayu uku howlanaa xallinta xiisad soc otay tan iyo 2012-kii oo ay ku dhinteen in ka badan 20 qof. Waxa uu dhibaatadaas soo afjaray isagoo aan weli loo caleema saarin garaadnimada.

Garaad Cabdullaahi waxa uu waxbarashada ka ga aray ilaa heer Dugsi Sare ah.

Dhawaan ayaa la filayaa in la caleema saaro Gar aad Cabdullaahi si uu rasmi ahaan ula wareego xilkii aabihiis.

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Ducaale

Garaad Jaamac garaad Ismaaciil

XIGASHADA SAWIRKA,GARAAD JAAMAC GARAAD ISMAACIIL

Garaad Jaamac garaad Ismaaciil

Kaalinta saddexaad ee garaaddada bulshada go bo lka waxaa ku jira Garaad Jaamac Garaad Ismaa ciil Ducaale oo garaadnimada uu uga hor reeyay aabihiis, halkaasna uga baxay abtirs iga garaadnimo.

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil waxa uu dhashay 1971-kii. Waxa uu wax barashada ku qaatay ilaadugsi sare dalka gudihiisa waxaana uu burburkii ka dib aad ey dalka debediisa.

Waxa uu dalka dib ugu soo laabtay markii Gara ad Ismaaciil Ducaale Guuleed geeriyoodey 2008-dii. Ka dib 2009-kii ayaa la caleemasaaray.

Warar ay BBC-du heshay ayaa sheegay in Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil uu yahay ninka abaabulay dadka deegaanka ee dagaalka kula jira ciidamada Somaliland.

Waxa uu soo jeediyay in madax-dhaqameedku ay ku soo xaroodaan Laascaanood.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in garaaddadu ay horkacayaan dagaalka ay qeybta ka yihiin bulshada is abaabushay.

Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe Durraan

Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe

,Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe

Qoraalka sawirka,

Garaad Cabdirisaaq Garaad SoofeWaa garaadka afaraad ee ku abtirsada garaaddada soo jiray wixii ka horreeyay bur burkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe waxa uu dhashay sanadkii 1964.

Waxa uu booska afaraad uga jiraa liiska kala sar reynta garaaddada dhaqanka, isagoo hoggaanka shirarka qabta marka ay maqan yihiin saddexda gar aad ee kale.

Garaad Cabdirisaaq Garaad soofe waxbarashad iisa waxa ay ahayd Dugsi Sare, ka dibna waxa uu noqday ganacsade .Waxa uu sanadihii u dambeeyey dhinaca hoggaanka dhaqanka kala shaqaynayey Aabihii isagoo ganacsigiisana sii wata.

Shakhsiyaadka kale ee ugu magaca dheer odayaa sha dhaqanka ee Laascaanood waxaa ka mid ah Sul daan Maxamuud Aw Seed oo saameyn ku leh dag aalka.

Inta badan waxaa adag in xog rasmi ah laga helo xaaladda gudaha ee magaalada Laascaanood, sab abo la xiriira amni darrada uu sababay dagaalka.

Ka hor inta aysan xaaladdu isu beddelin gacan ka ha dal waxaa halkaas ka dhacay dibadbaxyo rabsha do watay oo daba socday dilal kusoo batay Laasca ano od, kuwaasoo ay dadka deegaanku ka caba nayeen.

Maxaa sababay dagaalka?

Laascaanood

XIGASHADA SAWIRKA,SOCIAL MEDIA

Laascaanood waxaa lagu tiriyaa mid ka mid ah magaalooyinka Soomaalida ee ay ka dhacaan dilalka ugu badan ee qorsheysan. Haddii aan waqtiga dib u celinno, 1969-kii waxaa lagu dilay magaaladan mada xweynihii labaad ee Soomaaliya, Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Balse laga soo laga soo bilaabo 2010-kii waxaa soo xoogeysanayay dilalka shaqsiyaad deggan magaal ada oo ay geysanayeen dab ley aan la aqoonsan.

Sanadkaan oo kaliya lix qof oo ah dad si wayn looga garanayo magaalada ayaa la khaarijiyay.

Qofkii ugu dmabeeyay ee la dilo ka hor inta ays an bilaaban xiisaddan ayaa ahaa Cabdifitaax Had raawi, kaasoo ahaa nin dhalinyaro ah oo la sheegay in uu ahaa siyaasi.

Dilkiisa ayaa kiciyay dareenka shacabka magaal ada, kaas oo horseeday dibadbaxyo si nabad ah ku bilowday balse markii dambe isu beddelay kuwo dhi masho sababay ka dib markii isku dhac uu ka dhex dhashay booliska iyo dibad baxayaasha.

Ila iyo hadda inta aan xaqiijinay dibadbaxyadaas wa xaa ku dhintay shan ruux 9 kalena waa ay ku dhaaw acmeen. XIGASHO:-BBC

Ciyaaryahan Christian Atsu oo meydkii sa la helay dhulgariirkii Turkiga kadib

Ciyaaryahan Christian Atsu, ayaa meydkiisa laga helay burburka gurigiisa ku dhawaad ​​labo todobaad kadib dhulgariirkii Turkiga, sida uu xaqiijiyay wakiilk iisa. Ciyaaryahanka

heerka caalami ee u dhashay dalka Ghana, oo 31 jir ah, ayaa waqtiyo la soo qaatay kooxaha Premier Le ague Ingiriiska ee Everton, Chelsea iyo Newcastle. Atsu ayaa la la’aa tan iyo 6-dii bishan Febraayo dhulgariirkii sababay burb urka guri, uu ka deganaa magaalada Hatay. Naadigiisa Hatayspor, ayaa markii hore sheegay in la soo badbaa diyay "isagoo dhaawac qaba,” laakiin maalin ka dib booskaas ayaa isbedelay. "Waa sida ugu cuslayd ee qalbiyada ay tahay inaan ugu bishaareeyo dhamma an dadka wanaaga jecel, in si murugo leh meydka Christian Atsu la helay Shalay,” wakiilka Atsu, oo la yiraahdo Nana Sechere, ayaa Twitter ku soo qoray Sabtidii. "Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysk iisa iyo eheladiisa, waxaan jeclaan lahaa inaan furs adan uga faa’iidaysto inaan qof walba uga mahad cel iyo ducada iyo taageerada.

” Atsu ayaa ku biiray koo xda heerka Sare ee Turk iga ee Hatayspor bishii Sebtembar ee sanadkii 2022-kii, wuxuuna dhaliyay goolkii guusha ciyaar Super Lig ah 5tii Bishan Febraayo. Dhulgariirka ka dhacay koo nfurta Turkiga iyo waqooyiga Suuriya, ayaa inta la og yahay haatan dhimashadu waxey gaareysaa in ka badan 40,000 oo qof.


WAR CUSUB OO LAGA SOO SAARAY CAAFIM AADKA MADAXWEYNAHA MAREYKANKA EE 80 JIRSADAY JOE BIDEN

Dhakhtar ka howl gala Aqalka Cad ee looga arrimiyo Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in Madaxweyne Joe Biden uu caafimaadkiisu wanagsan yahay, awoodna u leeyahay in uu guto waajibaad kiisa shaqo.Warkan ayaa soo baxay ka dib markii ay dhakh aatiirtu Khamiistii Biden ku sameeyeen baarita an caafim aad oo qaatay saddex saacadood.

Madaxweynaha Mareykanka oo bishii November 80 jirsaday ayaa xaaladdiisa caafimaad lagu eegay isbitaal ku yaalla magaalada Washington. Waa markii labaad oo baaritaan qota dheer lagu samee yo Biden tan intii uu qabtay xilka bishii January ee sanadkii 2021.

Joe Biden oo hadda ah madaxweynihii ugu horreeyay ee Mareykan ah oo 80 sano gaaray isagoo xilka haya ay aa la filayaa in uu dhawaan kala caddeeyo go’aankiisa ku aaddan inuu mar kale doorashada u soo istaagi do ono iyo in kale.

Biden Baaritaanka madaxweynaha lagu sameeyay Khamiistii ayaa sharraxaad ka bixiyay xogtiisa caafimaad ee hore iyo xaaladda uu hadda ku jiro.

Hase ahaatee waxba lagama baarin caaf imaadkiisa dhinaca maskaxda.

"Madaxweynaha wuu u caafimaad qabaa gudashada wa ajibaadkiisa, si buuxda ayuuna u dhammeystiraa dha mmaan shaqooyinka ay mas’uuliyadda ka saaran tah ay,” ayuu Dr Kevin O'Connor ku yiri qoraal uu kasoo sa aray baaritaanka madaxweynaha.

Sida ku xusan warqadda xogta, Mr Biden waxaa had da laga daweynayaa wadne garaac qeyrul caadi ah. Si doo kale waxaa madaxweynaha laga daweynayaa Kol astaroolka oo sare u kacsan, aashito mararka qaar cal oosha ku kacda, xasaasiyad xilliyo ku waqtiyeysan, xa nuun dhinaca lafdhabarka ah iyo xanuun fudud oo uu ka qabo neerfaha lugaha.

Laakiin dhammaan dawooyinka xaaladahan ayuu si caadi ah ula falgalayaa madaxweynaha, sida ay dhakha atiirtu sheegeen.

Dr.O'Connor ayaa intaas ku daray in baaritaanka u uku ogaaday in aashitada ku kacda madaxweynaha "ay tahay mid ku timid marka uu dhuunta nadiifinayo xilliga uu hadlayo iyo qufaca" kuwaasoo lagu arko mar walba oo uu khudbado jeedinayo.

Waxa uu sidoo kale xusay in Madaxwey nuhu uusan lahayn wax calaamado ah oo u uku reebay xanuunka Covid-19 ee ku dhacay xilligii xagaaga.

Biden Dib u eegista xaaladda caafimaad ee Biden wax aa qeyb ka ahaa "baaritaan qota dheer oo lagu sameeyay neerfaha" kaasoo aan lagu arkin wax cillad ah, sida astaamo muujinaya xanuun ka faaligga iyo cudurro kale.

Xilli uu Mr Biden isku diyaarinayo ololaha siyasadeed ee dib-usoo doorashada, ra’yi aruurin la sameeyay ayaa muujisay in siyaasiyiinta xisbigiisa Dimuqraaddiga bada nkood aysan ku taageereyn inuu u tartamo afar sano oo kale.

Dad badan oo fikirkooda dhiibtay ayaa sheegay in da’da Biden oo aad u sarreysa ay abuureyso walaac aasaasi ah.Waxa uu noqonayaa 86 jir marka uu dham meysto labada xilli ee madaxweynenimada, haddii dib loo soo doorto.

Markii ugu horreysay waxaa xubinnimada Aqalka Sar e oo u uku matalayay Delaware loo doortay sanadkii 1972.Madaxweynaha ayaa siyaasadda Mareykanka ku dhex jiray muddo ka badan nus qarni. XIGASHO:-BBC

DAD LAGA SAMRAY OO IYAGOO NOOL 11 MAAL MOOD KADIB LAGA SOO SAARAY BURB UR KA TURKIGa

Hakan Yasinoglu

X/SAWIRKA,ANADOLU AGENCY Hakan Yasinoglu Kooxaha samata bixinta ee Turkiga ayaa saddex nin ka soo saaray bur burka hoostiisa, kadib 11 maalmood oo ay halkaa ku go’doonsanaayeen dhulgariirkii dalkaas ka dhacay aw gii. Hakan Yasinoglu ayaa 278 saacadood ku hoos jiray dhismo gebi ahaanba dumay, waxaana Jimcihii laga soo badbaadiyay gobolka Hayat oo ah meesha uu khasaara ha ugu badan ka dhashay. Wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Osman Halebiye iyo Mustafa Avci oo 34 jir ah ayaa laga soo badb



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip