HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH TALAADO 14-KA FEBARAAYO 2023-KA

0
Tuesday February 14, 2023 - 08:25:11 in Wararka by
  • Visits: 440
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH TALAADO 14-KA FEBARAAYO 2023-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Madaxweyne Xasan oo Qurba joogta Sooma aliyeed ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan dagaalka khawaarijta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka So omaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galayay kulan ay qabteen bulshada Soom aaliyeed ee ku nool Qaarada Yurub kuna taage erayeen dagaalka ka dhanka ah khawaarijta ee xiligaan ka socda inta badan gobolada dalka ayaa ka hadlay qorshaha dowlada uga dagsan ciidam ada Xoogagga kacdoonka dadweynaha,guulaha dowladda ay ka gaaratay dagaalka khawaarijta iyo kaalinta jaaliyadaha Soomaaliyed ee ka qeyb qaa dasahada howlgalada socda.

Madaxweynaha oo khudbada ka jeediyay kul ankaasi ayaa sheegay in howlgallada ka dhanka ah khawaarijta kaalinta ugu weyn ee howlgalkasi ay leeyihiin Ciidamada qaranka oo kaashanayo ciidanka dib u xoreeynta degaannada (Macawiisl eyda),oo khawaarijta u diiday in wax dhaq dhaqa aq ah ka sameyaan degaannada lagala wareegay isla markaana qorshahoodu uu yahay sidii Ciid amadaas loo qarameyn lahaa loogana dhigi lahaa Boolis ilaalinaya amniga goobaha laga saaray khawaarijta

"Dalka Soomaaliyed meel fiican ayuu marayaa niyadu wey wanaagsan tahay iyagaa dowladda ga rab taagan tilmaamayo, khawaarijtu Shalay kuma dhax socon karaan degaannada waxa u diiday waa Macawiisleey,macna weeyn ayayna noogu fa dhiyaan ,xoreyayaasha Shalay waaye barrina waa Booliikii degaanada”sidaa waxa yiri Madaxwe yne Xasan Sheekh

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ugu baaqay Soomaalida ku nool dalka dibaddiisa in y qeyb weyn ka qaataan oo dhaqaalo ku taage eraan dagaalka dalka looga saarayo kooxda khaw aarijta oo mudda dheer dhib ku heysay shacabka Soomaaliyeed

Xildhibaannada Golaha Shacabka BJFS oo dood adag ka yeeshay labo sharci oo muhiim ah

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane. Cabdullaahi Cumar Ab shirow ayaa shir guddoomiyay Kalfadhiga 2-aad Kulankiisa 18-aad ee Golaha Shacabka BJFS oo aa ajandihiisu ahaa ka doodista akhrinta 2-aad Hindise sharciyeedka

Nidaamka Maaliyadeed ee kheyraadka Dhulka Hoostiisa iyo Akhrinta 2-aad Hindise Sharciyeedka Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliyeed.

Guddoomiye Ku xigeenka Guddiga Miisaaniyad da, Maaliyadda, Qor sheynta iyo iskaashiga caalamiga iyo La xisa abtan Hay’adaha Dowl adda xildhibaan Maxamed Harruun ayaa faahfaahiyay Hindise Sha rciyeedka Nidaamka Maaliyadeed ee kheyraadka Dhulka Hoostiisa, waxaana uu sheegay in ay wax badan ka soo badaleen, iyagoo la kaashanaya wasaarada maaliyadda iyo khuburo ku xildheer sharcigaan, waxaana uu xildhibaannada ka cod saday in ay ansixiyaan maadaama uu sharcigaan muhiim u yahay dalka iyo dadka soomaliyeed.

Intaasi kadib xildhibaannada Golaha shacabka BJFS ayaa dood adag ka yeeshay Hindise Sharci yeedka Nidaamka Maaliyadeed ee kheyraadka Dhulka Hoostiisa, waxaan ay intooda badan do odooda ay saleeyeen toosin iyo turxaan bixin ku saabsan sharcigaan.

Intaasi kadib Guddoomiye ku xigeenka Gudd iga Arrimaha Gudaha, Maamulada Gobollada iyo Amniga ee Golaha Shacabka BJFS, Xildhibaan. Nuur Axmed Diiriye ayaa xildhibaanada ka hor akhriyay Hindise Sharciyeedka Hay’adda Socdaal ka iyo jinsiyadda Soomaaliyeed oo uu guddigu ka soo shaqeeyay, asagona tilmaamay in diyaarinta sharcigaan in ay la kaashadeen khubaro sharci yaqaano ah iyo khuburo ku xildheer sharcigaan ,

waxaana uu xildhibaannada ka codsaday in ay ansixiyaan sharcigaan oo muhiim u ah dalka.

Guddoomiye ku xxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane. Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa soo xiray kulanka Shalay, waxa ana uu faray labada guddi inay soo diyaariyaan warbixinta akhrinta 3-aad Hindise Sharciyeedka Nidaamka Maaliyadeed ee kheyraadka Dhulka Hoostiisa iyo akhrinta 3-aad Hindise Sharciyeedka Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliyeed, ayna ku soo biiriyaan tallooyinka iyo turxaan bix inta ay xildhibaannada soo jeediyeen.

Ra'iisalwasare Xamze:-Xukuumadda wa xaay xoogga saareysaa garsoor caddaal ad ku dhi san oo laga hirgeliyo goobaha la xoreeyey

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md.Xamse Cabdi Barre ayaa guddo omiyey shirka Tiirka Caddaaladda iyo Garsoor Ma dax Bannaan oo diiradda lagu saaray sidii loo gaa rsiin lahaa garsoorka deegaannada laga xoreeyey Khawaarijta oo ay bulshada baahida weyn u qab aan.

Wasaaradda Caddaaladda iyo Dastuurka oo kaashanaysa khubaro ka tirsan Xafiiska Ra'iisul Was aaraha ayaa soo bandhig ay qorshaha xasillinta goo baha laga xoreeyey Khawaarijta sidii loo gaarsiin lahaa garsoor, si loo soo celiyo kalsoonida ay bul shadu ku qabaan nidaamka dowladnimada, maa daama deegaannadaas ay muddo badan argagix isadu ku maaamulaysay gacan arxandaran.

Wasaaradda Haweenka iyo Xaquuqul Insaan ka ayaa soo jeedisay warbixin la xiriirta tacadiyada ay ka geysteen Khawaarijtu goobaha laga xore eyey.

Ra'iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in Xuk uumaddiisa ay ka go'an tahay ilaalinta nafta, sharafka iyo maalka shacabka Soomaaliyeed, si taas loo xaqiijinaya ay muhiim tahay in la helo nid aam garsoor oo lagu kalsoonaan karo oo ay sal dhig u tahay caddaaladdu.

Mudane Xamse ayaa sheegay in ay xoogga saarayaan sidii guud ahaan dalka looga hirgelin lahaa Garsoor Caddaalad ku dhisan, gaar ahaan goobaha dhowaan laga xoreeyey khawaarijta.---DHAMMAAD----

Culimada Soomaaliyeed oo Warsaxaaf adeed ka soo saaray dagaalka ka socda Magaalada Laascaanood

Culimada Soomaaliyeed oo Warsaxaafadeed ka soo saaray dagaalka ka socda M/La ascaanood ee Gobolka Sool ayaa ku baaqay in dagaalka si degdeg ah loo joojiyo, iyaga oo labada dhinac ugu baaqay in arrim aha taagan ay ku dhameeya an Nabad.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay Culimada Soomaaliya oo Warbaahinta la wadaagay Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa ugu horreyn sheegay in Culimada ay ka xunyihiin dagaalka ka socda Magaalada Laascooneed, kana tacsiyeeyay dhammaan dadkii ku dhintay da gaalka inta uu socday.Sidoo kale Culimada ayaa ku baaqay in Alle laga baqo, dadkane loo turo, iyaga oo ugu baaqay dhammaan dhinaycada ku dagaalamaya Magaalada Laascaanood in arrim aha taagan ay ku dhammeeyaan isqancin, kana foogaadaan wax kasta oo keeni kara colaad iyo dhiig dambe oo daata.

Dhanka kale Culimada Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay Culilmada, Odayaasha Dhaqanka, Siyaa siyiinta, Dowladaha iyo cid kasta oo kaalin ka geesan karta in ay kaalintooda ka qaataan sidii loo xalin lahaa mushkiladda iyo khilaafka taagan.

Ugu dambeyn Culimada ayaa uga digay Ummadda Soomaaliyeed in Baraha Bulshada lagu buun buuniyo colaadda ka taagan Magaalada Laa scaanood, sidoo kale waxa ay ka dhawaajiyeen in gurmad lala gaaro dadkii ku barakacay colaadda Magaalada Laascaanood.

Baaqa ka soo baxay Culimada Sooma aliyeed ayaa ku soo beegmaya xilli dagaalka ka socda Gobolka Sool uu galay maalintiisii todobaad, halkaas oo ay ku dagaalamayaan Ciidan taabac san Xukuumadda Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Bixi Cabdi iyo kuwa garab ka helaya dadka deegaanka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federa alka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya Sool in ay wada heshiiyaan, wax waliba oo la kala tabanaya lagu xaliyo miiska wada hadalka, iyada oo DFS ay sheegtay in ay ilaalineyso midnimada Ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shaaciy ay sida laga yeelayo Ciidamada Macawii sleyda ee la dagaalamaya Al-Shabaab

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ay aa ka hadlay dagalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee xilligaan ka socda meelo kamid ah dalka iyo sida laga yeelayo Ciidama da Macawiisleyda ee la dagaalamaya Al-Shabaab.

Madaxweynaha oo khudbad ka jee dinayay kulan bulshada Soomaaliy eed ee ku nool Qaarada Yurub ay ku taageeray say dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo ka la gu qabtay Magalada Roma ee dalka Talyaaniga ayaa sheegay in howlgalka ka danka ah Al-Shab aab uu weli ka socdo dalka.

Waxaa uu sheegay in kaalinta ugu weyn ee howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab ay leeyihiin Ciidamada Macawiisleyda, isla markaana qorsh ahooda uu yahay sidii Ciidamadaas loo qarameyn lahaa loogana dhigi lahaa Boolis ilaalinaya amniga degaannada laga saaray Al-Shabaab.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu baaqay Soomaalida kunool dalka dibaddiisa inay qeyb weyn ka qaataan oo dhaqaalo ku taag eeraan dagaalka dalka goobaha ay ka joogaan looga saarayo Al-Shabaab.

Wafdi Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal oo ka qayb galay shirka Baarlam aannada Carabta

Wafdi Xildhibaanno ah oo ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka koobnaa Senator Cabdixakiim macalim Axmed, Senator Abdi Osman Xareed iyo Xildhiban

Jamac Maxamed Askar ayaa ka qayb galay shirka shanaad ee madaxda Baarlamaannada Carabta oo lagu qabtay Maga alada Qaahira ee Dalka Masar.

Shirka oo lagu ansixiyay sharci ku saabsan sidii looga hortagi lahaa cunta yaraanta laguna kobcin lahaa wax soo saarka beeraha ee Wadamada Carabta ayaa waxaa khudbadda Baarlamaanka Somaliya shirka ka jeediyay Senator Cabdixakiim Macalim Axmed.

Wafdiga iyo madaxda kale ee Baarlamaannada carabta ayaa sidoo kale kulan la qaatay Madax waynaha Dalka Masar Cabdifitax Siisii iyo madax kale oo shirka ka soo qayb galay sida Gudd oomiyaha Baarlamaanka Afrika.

Xoghayaha joogtada Wasaaradda Arri maha Di badda oo qaabilay Sii hayaha Safaaradda Shii naha

Xoghayaha Joogtada ee wasaaradda Arrima ha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Xamse Aadan Xaadoow, ayaa Shalay ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda , Siihayaha Safaaradda Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha ee Soomaaliya , Md. Wendi Chen.

Xoghayaha Joogtada iyo Siihayaha Safaara dda Shiinaha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka qotada dheer ee labada dal iyo Iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha iyo Tiknoolojiyadda.

Md. Xamse Aadan Xaadoow ayaa uga mahadcel iyay dowladda China taageeradeeda fagaarayaa sha caalamiga ah, isagoo la wadaagay dadaalka ay dowladda Soomaaliya ugu jirto in laga qaado cunaqabataynta hubka, maadaama ay caqabad ku tahay dib u dhiska Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Sii hayaha Safaaradda Shiinaha ayaa muujiyay muhiimadda ay Soomaaliya iyo guud ahaan Afrika ugu fadhiyaan Jamhuuriyadda dadka Shiinaha, isa goo caddeeyay inay xoojinayaan Iskaashiga kala dhexeeya.

Maxkamadda gobolka Banaadir oo xukun ku riday weriye Cabdalle Muumin

Maxkamadda gobolka Banaadir, ayaa Shalay oo isniin ah go’aan ka gaartay dacwaddii ka dhan ka ahayd Cabdalla Muumin oo ah guddoomiyaha ururka suxufiyiinta Soo maaliyeed ee SJS.

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa ku xuk untay labo bilood oo xarig ah, waxayna max kamaddu sheegtay inay kala laabatay damaana ddii uu banananka ku joogay.

Maxamaddu waxay sheegtay in xarigiisa lagu xisaabinayo 11 cishe oo horey loo xiray ka hor inta aan lagu sii daynin damaanadda.

Qaar kamid ah dambiyadii loo haystay oo uu ku mutaysan karay xarig dheer ayay maxkamaddu sheegtay inay ku weyday.

NISA ayaa Cabdalla Muumin ku qabatay garoon ka diyaaradaha isagoo ku sii jeeday magaalada Nairobi 11-kii October 2022.

Eedeymaha loo haystay waxaa kamid ahaa in uu ka hor yimid amar dowladda kasoo baxay oo warbaahinta looga mamnuucayay tebinta wararka Alshabaab ay soo saaraan.Cabdalla Muumin ayaa ku tilmaamay go'aanada dowladda kuwo ka hor imaanaya madaxbanna anida saxaafadda iyo xorriyada hadalka ee uu damaanad qaaday dastuurka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya.

Kooxo Hubeysan Oo Imaam Masjid Ku Dishay Magaalada Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqd isho ayaa sheegaya in kooxo bistoolado ku hu beysan ay aroortii hore ee Shalay ku dileen degm ada Wadajir wadaad caan ka ahaa degmadaasi.

Marxuumka oo xiliga la dilay kasoo baxay Mas jidka Maqaamul Ibraahim ee kuyaalla agagaarka Jaayga degmada Wadajir oo uu Imaam ka ahaa ayaa lagu magacaabi jiray sheekh Mukhtaar Cabdi Xaamud.

Rasaasta oo ka haleeshay qeyb aha sare ee jirka ayaa dhalisay inuu durba isla goobta ku geeriyoodo, wal ina lama cadeyn sababta rasmiga ah ee ka danb eysa dilkiisa.

Kooxihii falkan dilka ah geystay oo ilaa saddex ruux lagu sheegay ayaa goobta isaga baxsatay kahor inta aysan soo gaarin laamaha amaanka, kuwaasoo sameeyay howlgal aan wax natiija ah ka dhalan.

Si kastaba, Ma jiro illaa iyo hadda war rasmi ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta maamulka deg mada iyo saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi, iyadoo kooxda Al-Shabaab oo haatan wajaheysa dagaal culus oo ay iska kaa shanayaan dowladda federaalka iyo dadka deeg aanka ay culyes xoogan soo saartay magaaladan Muqdisho

Isimida Puntland oo beesha caalamka udiray dalab deg deg ah oo la xiriira dagaalka

Isimida dhaqanka Puntland ee ku sugan mag aalada Boosaaso ayaa Shalay markii u horeysay ka hadlay dagaalka Laascaanood, iyaga oo dalab deg deg ah u diray beesha caalamka.

Isimida Puntland ayaa ugu horeyntii taageeray go’ aamadii dhawaan kasoo baxa isimada dhaqan ka SSC, kuwaasi oo ay uga soo horjeesteen gooni isu-taagga Soma liland.

Isimadan oo kala ahaa Boqor Burhan Boqor Muuse, Beeldaaje Cali Beeldaaje Faarax, Beel daaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil iyo Beeldaaje Cali Beldaje Salaad ayaa sheegay in aan xoog cidna lagu caburin karin, islamarkaana aan lagu qabsan karin.

"Dadkaasi waa ka tashan karaan aayahooda iyo masiirkooda. Waa khalad dilalka iyo madaafi icda loo adeegsanayo dadka reer Laascaanood.”

Isimadan ayaa Somaliland ku eedeeyey in aysan ka dhabeynin xabad-joojintii ay dhawaan ku dhaw aaqday, inkasta oo ay dhowr jeer ku cel-celisay xukuumadda Somaliland in go’aankeeda uusan waxba iska badelin.

Isimada ayaa beesha caalamka ka dalbaday in mashaqada ka socota Laascaanood loo soo diro dad xaqiiqo raadin ah oo baaris kusoo sameeya dhibaatada halkaasi ka dhacday.

Hadalka Isimida dhaqanka Puntland ayaa im anaya, xili dagaalka Laascaanood uu galay maalintii 8-daad, kaasi oo dhaliyay khasaare xo ogan.

Xukuumadda Somaliland ayaa dhawaan ku dhawaaqday xabad joojin bilaa shuruud ah, ayada oo sheegtay in go’aankan ay u qaadatay si wax kasta oo jira xal looga gaaro miiska wada-hadalka, hase yeeshe arrintaan waxba kama badalin xaala dda ka taagan magaalada Laascaanood ee gob olka Sool."Somaliland waxay diyaar u tahay inay miiska wad a-hadalka timaado oo xabada joojiso, walaalad ayada waxaa ka filayna inay go’aamadan kuwa la mid ah qaatan oo xabada bilaa shuruud ku jooj iyaan.”

Si kastaba, xabad joojinta ay ku dhawaaqday Somaliland oo markii hore loo arkayay in ay wax ka tari doonto xaalada ayaa la ogeyn sida ay u dhaqan-geli doonto, maadama Isimida ku sugan Laascaanood ay ku xireen in ciidamadooda ay ka baxaan magaalada.

Madaxweynaha Galmudug oo xarigga ka jaray saladhiga booliska degaanka Huurshe ee gobolka Galgaduud

Madaxweynaha Dowladda goboleedka Galmu dug mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa Shalay xarigga ka jaray Saladhiga de gaanka Huurshe ee gobolka Galgaduud ,kaa oo dadka degaan ka ay ku dhisteen Isku tashi Bulsho.

Madaxweynaha ayaa shacabka Huurshe uga mahad celiyay isku tashiga ay ku dhiseen Sal dhiga booliska oo bulshadu baahiweyn u qab een,isagoo sheegay in madamaam dadka degaan ka ay howl ballaaran ka qabateeyn dhismaha xar unta saldhiga iyagana ay keeni doonaan Gawaari dii ay Booliiska ku howlgali lahayeen.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa tilmaamay in guul waweyn laga gaaray arrimihii dib u heshiisiin xalna lagaa gaaray,islamarakaan waxa uu boga adinayo odayaasha iyo Culimada degaanka Huur she oo kaalin tooda ka qaatay dib u heshiisiintaa.

Muddaharaad culus oo ka socda guud ahaan Israel Bannaanka Baarlamaanka Israa’iil

Ugu yaraan todobaatan kun oo qof ayaa ku bii ray mudaaharaad ka dhacay bannaanka baarlam aanka Israa’iil ee magaalada Jerusalam, kuwaas oo ka cadhaysan hindise sharciyeed ay sheegeen in uu dhaawacayo madax-bannaanida garsoorka.

Ra’iisul wasaarihii hore ee dakaas Yair Lapid ayaa u sheegay dadkii isugu soo baxay meeshaas in isba heysiga cusub ee midigta fog uu Israa’iil u rogi doono kalitalisdadka geliya xaal madaw. Gudaha aqalka baarlamaanka ee Knesset guddigu waxa ay u codeeyeen in sharciga loo diro akhrinta koow aad, fowdo ayaa ka dhalatay iyadoo sharci-dajiyay aashu ay golaha dhexdiisa aad ugu murmayaeen.

Waxaa jiray weedho ay ku dhawaaqayeen sida "Fashiiste” iyo "khaa’inul waddan” xilli dadka qaar si qiiro leh u ilmaynayaan kolka la eego muuqa alkooda, Raiisel wasaaraha Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in dib u habeyntu ay ka hortagi doonto xad gudubka garsoorka.

Dhanka Waxa loo haystaa eedaymo musuq maasuq oo uu diiday.

Wararkii Saakay Ugu dambeeyay khasaaraha ka dha shay dagaalka ka socda Laascaanood

Dagaal xooggan ayaa ka socda Hareeraha M/ Laascaanood ee xarunta gobolka Sool Saaka.

Dagaalkaas oo u dhexeeya Ciidamadda Somali land iyo kuwa degaanka ayaa galay maalintii 9a adoo xiriir ah.

Ciidamada Somaliland iyo kuwa degaanka ayaa lagu soo warramayaa inay ku dagaalamaya an duleedka M/Laascaanood balse waxaa Xaaf adaha Magaaladaas ku dhacaya Madaafiic Xoog gan.

Garaad Mukhtaar Garaad Cali Buraale ayaa Ku Eedeeyay Ciidamada Somaliland in hub culus ay ku garacayaan M/Laascaanood.

Dhinacyada dagaalamaya ayaa waxaa soo kala gaaray sida waraku ay sheegayan khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac lamana oga Tirada Rasmiga ah ee ka geeriyootay kana dhaawacant ay Ciidanka Somaliland iyo kuwa degaanka balse Dadka shacabka ah ee degan Xaafadaha Laasca anood ayaa waxyeelo ay ka gaartay madaafiicda

lala beegsanayo Xaafadaha Magaaladaas.


Culimada Somaliland oo war culus kas oo saaray dagaalka ka socda Laascaanood

Culimada waaweyn ee Somaliland ayaa Shalay markii u horeysay ka hadlay dagaalka ka socda magaalada Laascaan ood, kaasi oo galay maalintii 8-aad.

Culimada ayaa waxay ku baaqeen in deg deg loo joojiyo dagaalka Laascaanood, islamarkaana miiska wada-hadalka la iskugu yimaado, ayada oo dhinacyadu ka wa da-xaajoonaya wixii khil aaf iyo tabasho jira.

Sidoo kaze waxay taageereen adkaynta iyo hir galinta xabad-joojintii ay dhawaan ku dhawaaqday Somaliland, iyaga oo xusay in dagaalka aan laga faa’iidin khasaare mooyaane.

Waxay sheegeen in dhiiga qofka muslimka ah oo la daadiyaa uu xaaraan yahay gaar ahaan bil ahan aynu ku jirno oo ah bilihii xurmada lahaa, "Culimadu waxay xasuusinayaan labada dhinac in dhiiga muslinka oo la daadiyaa uu xaaraan yahay, iyada oo lagu jiro bilihii xurmada lahaa ee Rajab.”

Culimada ayaa waxa kale oo ay bahda warbaah inta iyo dadka baraha bulshada isticmaala ugu ba aqeen in ay Alle ka cabsadaan oo ay iska hubsad aan wararka ay faafinayaan, ayna ka baaqsadaan hurinta collaada, sida lagu yiri baaqa culimada.

"Culimadu waxay diyaar u yihiin inay kaalin mug leh ka qaatan daminta iyo nabadeynta dadka wa laalaha ah. Culimada waxay ugu baaqayaan dha maan bulshada Soomaaliyeed inay ka qeyb qa ataan samafalka iyo taakuleynta walaalaha dhibaa tada kasoo gaartay colaada Laascaanood waxay na diyaar u yihiin inay kaalintooda ka qaatan.”

Sidoo kale waxay qurba-joogta Soomaaliyeed u gu baaqeen in ay ka qeyb-qaatan adkaynta nab ada, iyagoo xusay in ay ka culimo ahaan diyaar u yihiin in ay qaybtooda ka qaataan daminta collaa da ka taagan Laascaanood.

Ugu dambeyntiina waxay sheegeen in dadka reer Somaliland yihiin dad walaalo ah, sidaas dar teedna loo baahan yahay in la joojiyo dagaalka, si aysan cid dambe ugu dhiman.

Bayaanka culimada Somaliland ayaa imanaya, iyada oo burburtay xabad-joojintii ay dhawaan ku dhawaaqday xukuumadda Somaliland, waxaana weli Laascaanood ka socdo dagaalka u dhaxeeya labada dhinac.

Xaaladda ayaa ah mid aad u cakiran, waxaana lagu soo waramayaa in labada dhinac ay helay aan gurmadyo xoogan, taasi oo uga sii dareysa xaaladda adag ee ka jirta magaaladaasi.

Isimada SSC oo sheegay inay askar So malil and ah oo isisoo dhiibay si nabad galyo ah ku geeyeen deegaankooda

Isimada SSC ee ku sugan magaalada Laas caanood ayaa sheegay inay si nabad galyo ah dhinaca Somaliland ugu gudbiyeen askar iyo hubkooda oo is ku soo dhiibay.

Waxay garaadadu sheegeen inay diyaar u yihiin in ciidamada Somaliland ee Sool ka dag aalamaya si nabad galyo ah loogu fududeeyo inay ku laabtaan deegaankooda.

Isimada waxay sheegaan in aan cidna dhiba ato loo geysan doonin, iyagoo ku baaqay in ci idamada Somaliland ee ku sugan dhinaca bari magaalada Laascaanood ay xabbada joojiyaan oo ay deegaankooda si nabad galyo ah ugu laabtaan.

Si kastaba ha ahaatee, ciidamada Somaliland ayaa badi ku sugan saldhigyo ku kala yaala Tukaraq, Gambara iyo Gooje-Cadde oo dhaca bar iga gobolka Sool. Ciidamadan iyo kuwa kale oo ka soo jeeda SSC ayaa maalintii 8aad ku dagaalam aya magaalada Laascaanood duleedkeeda. Wax ayna Isimadu sheegeen inay socon weyday xab bad joojintii lagu dhawaaqay.

Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo kulan la qaat ay Wakiilada Beesha Caalamka ee taage era Soomaaliya

Madaxweyanaha Dowlad Goboleedka Hirshabe elle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Shalay Maga alada Nairobi ee dalka Kenya kula kulmay Wakii lada Beesha Caalamka ee taageera Soomaaliya.

Shirkaan ayaa looga hadl ay howlgallada ka dhan ka ah Al-Shabaab, xaaladaha deeg aanada la xoreeyay iyo dardargalinta barnaamijka xasilinta oo muh iim u ah bulshada. Madaxw eynaha ayaa wakiilada bee sha caalamka uga warbi xiyay xaaladaha guud ee Hirshabeelle gaar ahaan guulaha muhiimka ah ee laga gaaray dagaalada lagula jiro Al-Shabaab oo laga saaray degmooyin iyo deegaano badan oo muddo fog ay maamula yeen.

Madaxweynaha ayaa wakiilada beesha caal amka ee taageera Soomaaliya la wadaagay dard argalinta iyo xoojinta barnaamijka xasilinta ee laga fulinayo deegaanada iyo degmooyinka la xoree yay si bulshadu u hesho adeegyada muhiimka ah Dowladda.

Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen oo kul ankaan muhiimka ah ay ku weheliyeen Wasiirad iisa Arrimaha Gudaha, Amniga, Qorsheynta, iyo Haweenka iyo Xuuqul Insaanka ayaa bogaadiyay doorka saaxi bada beesha caalamka ee Sooma aliya gaar ahaan taageerada ay la garab taagan yihiin Hirshabeelle.

Madaxweynaha Eritrea oo ku eedeeyay Mare ykanka inuu taageerayay TPLF

Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, ayaa dowladda Mareykanka ku eedeeyay inay taageer een fallaagadda Tigray ee qay bta ka ahayd collaadii mudda da labada sanada ahayd ka so cotay dalka Itoobiya.Wareysi uu Axaddii siiyay wargays maxalli ah ayuu madax weynaha ku sheegay in dowladda Mareykanka ay riixaysay heshiiskii ay dhawaan gaareen TPLF iyo dowladda si aysan fallaagada Tigray ugu fashilmin dagaalka.

Heshiiska oo lagu gaaray dalka Koonfur Afrika bi shii Novembar ee sanadkii la soo dhaaday, ayaa soo afjaray dagaal sokeeye oo lay ku dhinteen ku mmanaan qof halka malaayiin kale ay ku bar akeen..

Mr Isaias, ayaa sidoo kale markii ugu horreysay qiray in boqolaal kun oo qof ay ku dhinteen daga alkaas, inkastoo uusan faahfaahin ka bixinin tirada dadka u dhashay Eritrea ee ku

Turkiga iyo Suuriya: Tirada dhimashada oo kor u dhaaftay 33.000

Kooxaha Samatabbixiyeyaasha ayaa sii wada inay soo saaraan dadka ku hosjira burburka dhis mayaasha ee ka dhacay Turkiga iyo Suuriya ,iyadoo tirada dhimashada dhulgariir kii usbuucii hore ay kor u dhaaftay 33,000. Dhulg ariirrada ayaa Turkiga ku dilay ugu yaraan 29,605, hal ka in ka badan 4,300 oo dhimasho ah laga soo sheegayo Suuriya ah.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ilaa 5.3 milyan oo qof oo Suuriya ku nool laga yaabo in ay hoy la’aan yihiin,halka Ku dhawaad 900,000 oo qof ayaa u baahan cunto kulul oo degdeg ah gud aha Turkiga iyo Suuriya.

Martin Griffith, madaxa gargaarka Qaramada Midoobay, ayaa sheegay in dunidu ilaa hadda ay ku guul darraysatay wax u qabashada dadka ku nool waqooyi-galbeed ee Suuriya, isagoo sheegay in kuwa ka bad-baaday ay "si sax ah u dareemaya an in la dayacay”.

Mareykanka ayaa ugu baaqay Golaha Amma anka ee Qaramada Midoobay in uu oggolaado in sahayda la geeyo dhulka ay fallaagada gacanta ku hayso iyada oo laga sii gudbayo xadka Turkiga

XOOLAHA MOGADISHU DHIBAATADA KU HAYO. {FAALLO}

Nin danyar ahaa, ayaa Isaga, Xaaskiisa iyo 8 Caruur ah oo uu dhalay ayaa ku wada noolaay hal Qol.Waxa ey dhib ku qabeen jiifka iyo Cariiriga Qolka. Saaxiibkii ayaa kula taliyay si aad dhibaata daa uga baxdo Dameer soo iibso ee Qolka ku soo dhax xir.

Sidii ayuu yeelay.

Dhibaatadii Qolka iyo Ciriirigii ayaa sii batay.

Saaxiibkii ayaa Mar kale kula taliyay, Sac ku soo dar ee Isagana Guriga ku soo xir.

Sidii ayuu yeelay.Xaaladii Guriga ayaa kasii dar tay oo meel la istaago ayaa la waayay.

Saaxiibkii ayaa hadana kula taliyay Dooro soo

iibso ee iyadana ku soo dar.

Ninkii ayaa yiri: Saaxiiboow arrintii farahey ka baxday waxa ey ku dhawdahay in Guriga laga guuro, Caruurtii iyo Xaaskii Qeeylo ayeey bilaab een.

Saaxiibkii ayaa ku yiri: Dameerka ka saar Guriga.

Subaxdii ayuu u yimid waxa uu yiri: Habeen hore Dameerkii markii aan guriga ka saaray Cidii waa ka nasatay Haraatidiisii Dameerka.Habeenkii Xigay ayuu yiri: Saca ka saar habeenka Xigana Doorada ka saar.

Subixii kale ayuu Ninkii yiri: Habeen hore si fiican ayaa loo seexday Sidii Guriga looga saaray, Dameerkii, Sicii iyo Dooradii, Alla mahadii, Cidii qeyla dambe lagama maqal.

” wax kale ma qaban ee Dhibkii hayay midkii loogu daray oo kaliya ayaa laga dhaafay”. (F.S:1aad) Mogadishu Mogadishu waxaa ka jiray Dad u qeeylinayo Xuquuq ka maqan sida: 1.In ey Sameeystaan Maamul u gaar ah sida Gobalada kale.

2.In ey Horuumariyaan: Amniga, Waxbara shada iyo Caafimaadka Bulshada.

Waxaa la isticmaalay Siyaasado ey Berri hore Dowladuhu isticmaali jireen oo aheyd in Dadka loo abuuru dhibaato Cusub si ey u hilmaamaan dhib aatadii hore u heeysatay, ka dibna laga qaado isla dhibaatadii, si ey u hilmaamaan Xuquuqdii hore uga maqneyd.

Xamar waxaa loo Alifay Mashruuca Lo’da la qalayo si laguu mashquuliyo oo ey u hilmaamaan Xuquuqdoodii asaasiga aheyd. Xoolaha kugu dhibayo Magaaladu, ma ahan: Dameer, Sac iyo Dooro ee waaQore: Yahya Amir .


Arrimaha ugubka ah ee ku gedaaman dil ka uu asakri u geystay laba eedeys ane oo maxka mad loo waday Askari qori haysta

Askari ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in Shalay uu laba qof oo rayid ah, isla markaana ay maxkamad ku socotay ku to ogtay meel u dhaw maxkamadda magaalada Jo whar. Askariga ayaa lagu sheegay inuu ka mid ya hay qoyska wiil yar oo Dorraad ku dhintay webiga, dhimashadiisana la tuhmay inay ku lug lahaayeen labada nin ee Shalay maxkamadda la soo taagay.

Maamulka Hirshabelle ayaa sheegay in arrintaas ay tahay wax aan la aqbali karin, isla markaana ay filayaan in askarigaas cadaaladda la marsiin do ono. Wasiirka amniga Hirshabelle, Maxamed Cab diraxmaan Kheyre oo goor dhaweyd nagu soo bo oqday Istuudiyaha ayaan ka waraysannay waxa Shalay dhacay.

Sidee ayay wax u dheceen?

Wasiirka amniga ee Hirshabeelle ayaa dhacd adan ku tilmaamay mid ugub ku ah deegaanka is la markaana kedis ku noqotay dadka.

”Shalay waxaa magaalada Jowhar ka dhacday dhacdo xun oo aan la filaynin inay deeganka ka dhacdo, waxaa magaalada ka dhacday in laba qof oo eedeysaneyaal ah oo maxkamadda loo sii wad ay kuwaas oo lagu tuhmaamayay kiis dil ah oo loo geystay canug yar uu si lama filaan ah u soo wee raray nin lagu sheegay inuu yahay qoyska wiilka yar ee la dilay,” ayuu yiri wasiirka amniga ee Hi rshabeelle.

Wiilka yar oo wasiirku uu ku tilmaamay mid da’ diisu aad u yareyd ayaa la sheegay in laga helay meel kanaallada beeraha lagu waraabiyo ah, waxaanay qoyska wiilka yar ee la dilay ay ku tuhmeen in la ciijiyey ka dibna webiga lagu riday. Balse sababta tuhunkan keentay ayaan caddeyn, sidoo kale wasiirka ayaa ka gaabsaday inuu cad deeyo guud dhacdada rasmiga ah ee ku xeeran dhimashada wiilka yar isaga oo sheegay in baar itaan uu socdo aanay ka war dhowrayan natiijada baaritaanka.

”Ka dib ninka weerarka soo qaaday ayaa waxa uu dil u geystay labada nin ee lagu tuhumayay in ay dileen wiilka oo la sheegay in la ceejiyay ka dibna webiga lagu riday.”

Wasiirka ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin dhacdada foosha xun ee ka dhacday magaalada jowhar.

Muxuu ahaa ninka dilka geystay?

Webiga Shabeelle

Ninka dilay labada nin waxa uu ahaa askari ka tirsan ciidamada xoogga dalka. Waxa uuna la dha shay canugga yar ee la dilay ka dibna webiga lagu riday, sida uu BBC-da u sheegay wasiirka amniga Hirshabeelle.

Warbaahinta qaar ayaa qortay in ninka dilka u geystay laba nin uu ka tirsanaa koox ciidanka daw ladda ka mid ah oo la magac baxday AFJAR sidoo kalena uu watay ciidammo ilaalo u ah isaga balse wasiirka ayaan xaqiijin sheegashooyinkan inksta oo uu sheegay in uu watay ciidan ka badan kuwii ilaalada maxaabiista ahaa oo uu ku sheegay inay ahaayeen laba askari oo kali ah.

"Maxbuuska ama qofka eedaysanaha marka maxkamadda loo wado, sharciyan waxaa raaca la ba askari oo boolis, ninka dilka geystayna wuxuu watay gaari ciidan ah,” ayuu yiri wasiirku mar uu ka jawaabayey sida ay ku suurta gashay inuu nink ani dilo eedaysanayaal ay ilaalo la socoto. Ninka dilka labada nin geystay ayuu wasiirku BBC-da u sheegay inuu u baxsaday meel tuula ah oo mag aalada ka baxsan balse waxuu ballan qaaday in ay ciidamada amaanku soo qabanayaan sharciga na marsiinayaan.

"Waxaana shacabka soomaaliyeed gaar aha an shacabka Hirshabeelle u ballan qaadeynnaa in gacan ku dhiig lahaas lasoo qaban doono sharcig ana la marsiin doono.” Ayuu BBC-da u sheegay wasiir Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre

. XIGASHO:-BBC

DAGAAL markale dib uga billowday Laascaanood iyo khasaaraha oo sii kordhay

Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa waxaa weli ka socdo dagaal culus oo u dhexeeyo ciidamada maamulka Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka, kaas oo galay maalintii 8-aad, ayadoona uu kordhay khasaaraha.

Dagaalka oo ah mid xo ogan, isla-markaana la’Is ku adeegsanayo hub ka noocyadiisa kala duwan ayaa saameyn ku yeeshay dadka rayid ah oo isaga barakacay guryahooda.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka Shalay ay soo qaadeen ciidamada Somaliland ee ku sugan duleedka magaalada, waxayna isku dhaceen maleeshiyaadka dadka deegaanka.

Dagaalka xoogiisa ayaa waxaa lagu soo warra mayaa in haatan uu ka socdo koonfurta Laas caanood, isla-markaana uu kusii fidiyo meelo ka baxsan magaaladaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalka ay barbar socota duqeyn xoogan, gaar ahaan madaafiin lagu garaacayo xaafado ka tirsan magaaladaasi, taas oo kordhisay khasaaraha dhi mashada iyo dhaawac.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in khasaaraha tirada dhimashada iyo dha awaca ay korortay, isla-markaana ay kor u dhaaf tay illaa 100 qof.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay labada dhinac oo ku aadan da gaalka Shalay dib uga bilowday koonfurta mag aalada Laascaanood.

Xaaladda ayaa ah mid aad u cakiran, waxaana lagu soo warramayaa in labada dhinac ay helay aan gurmadyo xoogan, taas oo uga sii dareyso xaaladda adag ee ka jirta halkaasi.

Arrimahaan ayaa kusoo beegmaya, ayada oo ay burburtay xabad joojintii ay ku dhawaaqday So maliland, maadaama uu weli dagaalka halkiisa ka socdo.

Si kastaba, labada dhinac ayaa horay u shee gay in mid kasta uu diyaar u yahay xabad joojinta, balse ma noqon mid hirgasha, waxayna noqotay mid ku kooban afka baarkiisa.

Maamulka Somaliland oo dagaalka Laa scaano od ka socda ku eedaysay mad axweyne Farmaajo

Somaliland ayaa markii u horraysay ku eeday say ka qayb ahaanshaha dagaalka socda Laasca anood madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabd illaahi Farmaajo

Sida uu barta Twitter-ka ku sheegay wasiir ka gaashaan dhigga ee Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caa teeye, ayaa soo qoray in dagaalkan ay qayb ka yi hiin ciidammo lagu soo tababaray dalal kala du wan. "Qorshaha lagu khal-khal gelinayo xasiloon ida Somaliland ayaa soo socday muddo sanado ah, iyadoo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Fa rmaajo, uu ciidamo [ u diray] dalalka Ereteriya iyo Turkiga, si ay tababar ugu soo qaataan, ujeedko oduna ahaa in ay la dagaalamaan Somaliland. HubkII loogu deeqay Soomaaliya ayaa sida oo kale lagula dagaallamey Somaliland.” ayaa lagu sheegay qoraalkaas.

BBC-du waxa ay isku deyday in ay la xidhiidho xafiiska warfaafinta ee Madaxweynihii hore Fa rmaajo, se nooma ay suuragalin in ay falcelin ka bixiyaan eedaynta Somaliland u soo jeedisay.

Jabuuti oo war rasmi kasoo saartay arrinta La ascaanood, beenisay arrimo la faafiyey

Dowladda Jabuuti ayaa war rasmi ah oo ay soo saartay ku sheegtay inaysan wax lug ah ku la heyn dhex-dhexaadinta dhinacyada isku haya ma gaalada Laascaanood, islamarkaana aysan cidna la safan.

Maalmihii ugu dambeeyey ayaa waxaa jiray warar ku saabsan in madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Ge elle uu soo faro-geliyey dag aalka ka socda Laascaanood oo Shalay galay maalintii 8daad, iyo inuu la saftay dhinac ka mid ah dhinacyada isku haya.

Warkan ayaa markii hore wuxuu ka yimid Xogh ayaha Guud Urur Goboleedka IGAD Mudane Wo rkneh Gebeyehu oo sheegay inuu jiray door nab adeed oo madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ka qaatay xiisadda taagan, si xal waara loogu helo.

Sidoo kale, Xisbiga Dimuqraadiga Jabuuti (PA DD) ee mucaaradka ah ayaa 10-kii bishan ku eed eeyay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle inuu aqbalay in uu gacan siiyo ciidamada Somaliland.

"Tan iyo dhamaadkii Janaayo 2023, iyo tan iyo ma rkii ay bilowdeen iska hor-imaadyada tooska ah ee Laascaanood, Madaxweynaha Jabuuti wuxuu fara gelin ku hayay arrimaha gudaha ee Soomaaliya is agoo ku marmarsiyoonaya inuu ka shaqaynayo nabadda,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay mucaaradka Jabuuti.

Si kastaba, wasiirka arrimaha dibedda Jabuuti Maxamuud Cali ayaa qoraal uu Shalay soo dhigay twitter-ka ku sheegay in dhammaan arrim ahaas ay yihiin been-abuur.

"Maalmihii dhowaa, waxaa jiray dacaayad ceeb ah oo ka socotay baraha bulshada oo ka dhan ah Jabuuti, oo dalkayga ku eedeeyey inuu ka qeyb-qadaanayo waxa ka socda Laascaanood. Tan waa arrin la been abuuray oo lagu carqaladeyn ayo xiriirka Jabuuti ay la leedahay deriskeeda,” ayuu yiri

"Ma jirto cid ka tirsan saamileyda siyaasadda Somaliland oo codsatay dhex-dhexaadinta Jabuuti ee arrimaha ka socda Laascaanood. Illaa ay taasi ka timaado, Jabuuti waxay sii wadi doontaa inay ku ekaato siyaasadda aadka loogu yaqana ee derisnimo iyo dhex-dhexaadnimo.”

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Jabuuti ay mar kasta sare u qaaddo nabadda gobolka, isla markaana aysan marnaba faro-gelin arrimaha gudaha ee deriskeeda.

Dagaalka Laascaanood oo Shalay galay maalintii sideedaad ayaa waxaa ku dhintay ku dho waad 60 qof, ayada oo ay ku dhaawacmeen in ka badan 400 oo qof, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.

Dagaalka oo billowday 6-dii Febraayo, ayaa yi mid kadib markii odayaasha deegaanka oo maa lmo ku shirsanaa magaalada ay soo saareen go’ aanno ay ka mid yihiin inaysan qeyb ka aheyn maamulka Somaliland, islamarkaana ay hoos tagaan DFS.


XIISADDA BUUFINADA BASAASKA AH EE U DHEXE EYSA MARAYKANKA IYO SHIINAHA OO SII XOOGE YSATAY


Xiisada ka dhalatay buufinnada basaaska ah ee u dhexeysa Washington iyo Beijing ayaa cirka isku sha reertay kadib markii labada wadan ay isweydaarsad een eedeymo la xiriira buufinada basaaska ah.

Mareykanka iyo Kanada ay doonaya inay sharxa an saddex walxood oo kale oo militariga Mareykanka uu ku soo riday hawada Waqooyiga Ameerika intii la gu jiray 7badkan.

Shiinaha ayaa waxa uu ku and acoonayaa in bu ufinnada joogga sare ee Marey kanka ay fasax la’aan dul mareen hawadooda in ka badan 10 jeer tan iyo bilowgii 2022. hase yeeshee Aqalka Cad ayaa isla markiiba beeniyay.Washington waxay ugu yeertay buufino basaas ah,halka Shiinuhu uu ku adkaystay inay ahayd farsamo dhinaca cimil ada la xiriirta balse si khadlan hawada Maraykanka u gashay.

Dhacdadan ayaa keentay in xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken uu baajiyo safarkii loo qorsheeyay ee uu ku tago Beijing 7baad kii hore.

Isniintii, afhayeenka wasaaradda arrimaha diba dda Shiinaha Wang Wenbin ayaa sheegay in 10 duu llimaad oo buufin ah oo Mareykan ah sannadkii hore ay sharci darro ahaayeen, laakiin ma uusan ku tilma amin buufinnada kuwo milateri ama ujeeddooyin basaasnimo ah.

Afhayeen u hadashay Aqalka Cad ayaa arrintaas beenisay, waxayna ku eedaysay Shiinaha in uu ku xad-gudbay madax-bannaanida Maraykanka iyo in ka badan 40 waddan oo kale oo ku kala yaalla 5-ta qaaradood ee adduunka.

Diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka ayaa Axa dii Dorraad soo riday shay toban gees ah oo dul heeh aabaya harada Huron, sida uu sheegay Pentagon-ka. Jimcihii, shay ayaa lagu toogtay badda meel u dhow Deadhorse, Alaska, iyo shay saddexaad, oo qa abkiisu ahaa goobo oo lagu burburiyay Yukon ee Kanada Sabtidii, iyada oo baarayaashu ay weli uga arsanayaan burburka.

Ciidamada Mareykanka ma aysan awoodin inay aqoonsadaan waxa ay yihiin seddexda walxood ee ugu dambeeyay, halka ay ka imaanayaan,sida laga soo xigtey General Glen VanHerck, madaxa Taliska Difaaca Hawada Waqooyiga Ameerika (NORAD).

3-da walxood ayaa ku duulayay joogga sare oo khatar gelin kara isu socodka hawada, sida ay saraa kiishu sheegeen. Shiinaha ayaa sheegay in aysan wax war ah ka hayn mid ka mid ah saddexda walxood.XIGASHO:-BBC

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka dalka Ukra ine

Magaalada Bakhmut ee G/Donetsk ayaa xudun u noqotay dagaalka culus ee dalkaasi Ukraine ku dhex maraya Ciidamada Ruushka& kuwa Ukraine.

militariga Ruushka oo taageero ka helaya xoogaga Wagner ayaa isku dayaya inay go’doomiyaan maga aladaasi, ka dib markii bishii hore ee January ay la wareegeen magaalada kale ee bariga dalkaasi ku ta ala ee Soledar. Ciidamada Ukraine ayaa kuwa Ruu shka kula dagaaamaya deegaanada ku teedsan Bakhmut. Dowladda Ukraine oo fahamsan in Ruush ka uu culeyska ka qafiifiyay 4-tii gobol ee la qarame yay, marka laga soo taggo Gobolka Donetsk ayaa in ta badan ciidamadeeda isugu geysay gobolkaasi, si ay jilbaha dhulka ugu dhigaan duulaanka Moscow.

Yevgeny Prigozhin, madaxa xoogaga calooshood u shaqeysatayaasha ee Wagner ayaa sheegay in ay khasab tahay in Ciidamada Ruushku la wareegaan magaalada istiraatiijiga ah ee Bakhmut, si uu u sii socdo dagaalka ka dhanka ah Dowladda Madaxwey ne Volodymyr Zelenskyy.

Prigozhin ayaa sheegay in Ruushku uu dejiyay istiraatiijiyad ciidan oo Moscow ku xaqiijineyso joogi taankeeda bariga Ukraine, isla-markaana qabsash ada Bakhmut ay fure u tahay guusha yoolalka cad ee Moscow.

"Bakhmut ayaa loo baahan yahay inaanu qabsa no, si ciidamadeenu ay si dhib yar ugu shaqeeyaan.” Ayuu yiri Prigozhin oo intaasi ku daray "Maxaa Bak hmut loogu yeeraa goob lagu shiilmayo/shiidmayo, maxaa yeelay Ukraine ayaa u soo direysa cutubyo ciidan, oo aad u badan.”

Iska caabinta xoogan ee ay Ciidamada Ukraine sam eynayaan ayaa caqabad weyn ku noqotay qorshaha Moscow ay ku dooneyso in ay kula wareegto gobolada bariga dalkaasi dhaca ee Donetsk iyo Luhansk. Dagaalka dhowrkii toddobaad ee ugu da mbeysay ka socday magaaladan ayaa lagu sheegay mid aan waxba la isku reeban, isla-markaana ay si joogto ahi dhanka cirka uga garaacayaan diyaarada ha dagaa lka ee Ruushka, askar fara-badana ay si maalinle ahi ugu dhimaneyso.

Dadka ka faallooda dagaalka Ukraine ayaa shee gaya in Ruushka uu la wareegi doono magaaladaasi, muddada ay doontaba haku qaadatee, Ukraaniyiin tana ay u muuqdaan kuwo aan iska caabintaasi sii wadi karin muddo dheer.

Madaxweyne Zelenskyy ayaa ka digay in Ruush ku uu isku diyaarinayo guluf weyn, ka dib dagaalka muddada sanadka ku dhow ee dalkaasi ka socda.

DUQAYN LAGU DILAY XUBNO KA TIRSAN ALSHAB AAB

Taliska Ciidamada Mareykanka Africa ayaa shaaciyay in ay dileen 12 Xubnood ka tirsan Al-sha baab weerar dhinaca cirka ay oo ay ka fuliyeen de egaanno hoostaga degmada Hobyo ee gobolka Mu dug , sida lagu sheegay warsaxaafdeed kasoo baxay Taliska AFRICOM

Taliska Maraykanka ee Afrika ayaa sheegay inay san jirin dad shacab ah ah oo ku dhintay kuna dhaa wacmay duqeynta oo ka dhacday deegaan fog oo qiyaastii 45 KM dhanka Koonfur-galbeed kaga bee gan degmada Hobyo.

Hawgalka AFRICOM ayaa sheegtay in weerarkan uu ka dambeeyay codsi uga yimid Dowladda Fed eraalka ah ee Soomaaliya, uuna ahaa mid ‘is-difaac ah; oo ay si wadajir ah u fuliyeen iyaga oo taage eraya Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee wada howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Taliska Hawgalka AFRICOM wuxuu taageero sii ya dowladda Soomaaliya si ay wax uga qabato kha taraha argagixisada, waxaan kaliya qeyb ka nahay dadaalka Mareykanka,” ayuu yiri taliyaha AFRICOM Gen. Michael Langley.


MILITERIGA MAREYKANKA OO SOO RIDAY QALAB DUL HEEHAABAYAY HAWADA


Diyaaradda dagaal ee Mareykanka oo soo ridday qalabka lagu arkay hawada sare

XIGASHADA SAWIRKA,AFP

Diyaarad dagaal oo uu leeyahay Mareykanka ayaa soo ridday qalab duulayay hawada Mareykanka oo aan la aqoonsan. Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegay in saraakiisha aysan weli u suurtagalin inay ogaadaan waxa uu ahaa qalabka lasoo riday.

Waa markii afaraad ee uu Mareykanka bishan gudaheeda fuliyo howlgalka noocan ah oo lagu soo ridayo waxyaabo hawada duulayay oo laga shakiyay.

Taliyaha ciidamada ee waqooyiga ayaa sheegay in qalabka dul heebayay hawada Mareykanka aan lagu tilmaami karin buufin iyo sababta uu hawada ugu jiray. Wuxuu intaa ku daray in meesha aan laga saari karin in qalabka uu ahaa mid shisheeye.

Madaxweyne Joe Biden ayaa Shalaytii Axadda amar ku bixiyay in lagu soo dejiyo meel u dhow harada Huron oo ku taalla agagaarka xadka Canada.

Qalabkan ayaa waxaa looga cabsanayay in uu faragelin ku sameeyo diyaradaha qaada xamuulka ee marayay hawada maadaama uu qalabka dhulka u jiray 20,000ft (6,100m), sida lagau sheegay bayaan ka soo baxay waaxda gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon-ka. Saraakiisha Pentagon-ka ayaa sheegay in markii ugu horreysay lagu arkay meel ka baxsan goobaha militariga ee Montana, maalintii Sabtidii.Qalabka oo aan loo arkin in uu yahay halis ciidan ayay saraakiisha difaaca Mareykanka ku tilmaameen mid aaney cidina wadin oo lahaa saddex geesood.

Waxaa lagu dhuftay gantaal laga soo riday diy aaradda F-16 saacadu markii ay ahayd 14:42 wak htiga Mareykanka.

Dhacdadan ayaa dhalisay su'aalo dheeraad ah oo ku saabsan xaddiga walxaha hawada ku duulayay ee bishan lagu soo riday Waqooyiga Ameerika.

Buufin looga shakisanaa inay basaas u aheyd Shi inaha ayaa lagu soo riday xeebta South Carolina 4-tii bishan ka dib markii ay maalmo dul heehaabaysay qaaradda Mareykanka.

Saraakiisha waxay sheegeen in laga soo diray Shii naha si loogu la socdo dhaqdhaqaaqa goobaha xasaasiga ah.

Shiinaha ayaa beeniyey in walxahan loo adeeg saday basaasnimo, wuxuuna sheegay in uu ahaa qalab lagula soconayo cimilada kasoo la buufiyay. Dhacdadan - iyo caradii ka dhalatay arrintani ka dib - waxay kor u qaadeen xiisadda u dhaxaysa Washi ngton iyo Beijing.

Axaddii, sarkaal ka tirsan wasaaradda gaashaan dhigga ayaa sheegay in Maraykanku uu la xiriiriyay xukuumadda Beijing kadib markii la arkayay qalabkii ugu horreeyay xilli uusan wax jawaab ah ka helin dhowr maalmood, Ilaa hadda ma cadda waxa ay ka wadahadleen.Tan iyo dhacdadaas, diyaaradaha dag aalka Mareykanka waxay soo rideen saddex walxo oo kale oo hawada marayay.

Madaxweyne Biden ayaa Jimcihii amar ku bixiyay in lasoo rido qalab dul heehaabayay hawada gobolka Alaska, Sabtidii waxaa la soo riday qalab kale oo ma rayay hawada Yukon ee waqooy galbeed dalka Can ada. Saraakiishu si cad uma aysan aqoonsan halka laga soo diray iyo ujeeddada qalabka, Mareykanka iyo Canada ayaa wali ka shaqeynaya sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen haraadiga qalabka lasoo riday balse waxaa dadaalladdaas caqabad ku noqotay xaaladda ka jirta badda Arctic.

"Walxahan la arkay iskuma eko, waxayna aad uga yaraayeen, buufintii hwada lagu arkay [4-tii bishan] si dhab uma faahfaahin karno tan iyo inta aan ka arkeyno haraadiga qalabka lasoo riday" ayuu yiri afhayeenka Amniga Qaranka ee Aqalka

Cad. Walxaha duulaya ee aan la aqoonsan ee uu Mareykanka hawadiisa ku arkay

. 4-tii bishan February: Milateriga Mareykanka wuxuu soo riday buufin looga shakiyay inay basaas aheyd waxaana lagu arkay xeebaha So uth Carolina. Maalmo ayay dul wareegaysay hawada Maraykanka, waxayna saraakiisha sheegeen inay laga soo diray Shiinaha ayna basaaseysay goobo xasaasi ah

10-kii bishan February : Maraykanka waxa uu qalab kale ku soo riday hawada waqooyiga Alaska kaas oo ay saraakiisha sheegeen in aanu lahayn nidaam xakameynayo qalabka.

11-kii bishan February : Diyaarad dagaal oo uu Mare ykanka leeya



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip