HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ISNIIN 13-KA FEBARAAYO 2023-KA

0
Monday February 13, 2023 - 08:53:18 in Wararka by
  • Visits: 397
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ISNIIN 13-KA FEBARAAYO 2023-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Ku simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiy aha Golaha Shacabka oo kulan la yeeshay Safiirka Mareykanka

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlam aanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ay aa Dorraad kulan la yeeshay Safiirka dalka Mareykanka u jo oga Soomaaliya Mudane Larry Andrè.

Labada mas’uul ayaa ka wa xaa ay ka wada hadleen guu shii laga gaaray dib u heshiis iinta Koonfur Galbeed iyo xaaladaha guud ee dalka.

Danjiraha dalka Mareykanka ayaa Guddoomiy aha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS uga mahad celiyay sida hufnaanta iyo dhexdhe xaadinta leh uu u maamulay isl-markaana ku guul eystay gogoshii taalay magalada Baydhabo in si guul ah lagu soo gabagabeeyay.

RW Xamze Oo Q.Midoobe Kala Hadlay Sidii Xal Waara Loogu Heli Lahaa Barakacayaasha

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Feder aalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa Dorraad xafiiskiisa ku qaabilay La-taliyaha Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Barakacayaasha, Robert Andrew Piper oo Dorraad dalka soo gaaray.

Kulanka ayaa looga wada hadlay xaaladaha nololeed ee dadka ku barakacay gudaha dalka iyo sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatooyinka heysta dadkaasi malaayiinta qof ah ee ku sugan xeryaha.

Md. Xamse ayaa sheegay in dowladda So omaaliya ay ka go’an tahay sidii dib u dejin loogu sameyn lahaa barakacayaasha, gaar ahaan beer aleyda iyo xoolo dhaqatada ku waayay hantidoodii abaaraha, colaadaha iyo isbeddelka cimillada, isa goo ku ammaanay Qaramada Midoobay dadaalka ay waddo ee wax loogu qabanayo dadka bara kacay.

Dhankiisa, La-taliyaha gaarka ah ee Xoghaya ha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arr imaha Barakacayaasha ayaa ku ammaanay Xuk uumadda dadaallada lagu caawinayo barakacay aasha, isagoo xusay in QM ay qaadayso tallaabo oyin ay wax ugu qabanayso dadka barakacay ee ku sugan 16 waddan oo Soomaaliya ay ku jirto.

Dhibaatooyinka sababay barakaca gudaha dalka ayaa waxaa kamid ah abaaraha, colaadaha iyo argagixisada oo go'doon galisay deegaannada ay ku sugan yihiin, si aan dadka gurmad loo gaars iin. Sidoo kale isbeddelka cimilada ayaa sababay biyo yaraan iyo dhulkii ku haboonaa daaqa iyo be erashada in uu nabaad guuro. ---DHAMMAAD--

Madaxweynaha Galmudug iyo wafdi uu hogga aminayo oo gaaray magaalada Caabud-waaq

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmud ug, mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Dorraad gaaray Magaalada Cabud-waaq ee Gobalka Galgaduud.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa magaa lada Cabudwaaq ku soo dhaweeyay qeybo ka mid ah laba gole ee Dowlada Galmudug Maamul ka Degmada iyo bulshada Degmada.

Madaxweynaha ayaa kulamo la yeelan doona Maamulka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Caabud-waaq, si uu oggaado xaala dda magaalada.

Ra’iisul Wasaare Xamse Barre iyo Maa mulka G/Banaadir oo ka shiray Amniga Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo uu wehliyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guddoomiyay kulan amni oo ka dhacay Xarunta dowladda Hoose ee Xamar.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay amniga guud ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, Xoojinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo wada-shaqeynta Maamulada Degmooyinka, Hey’ addaha Amniga iyo Bulshada Caasimada.

Kulanka ayaa warbixinno ku saabsan amniga caasimadda iyo Dagaalka ka dhanka ah AS ee Bulshada Caasimada looga dhageystay guddoom iyeyaasha degmooyinka iyo taliyeyaasha amniga, iyadoona uu Ra’iisul Wasaare Xamse ku adkeey ey in laga feejignaado falal amni darro, maadaa ma dalku uu ku jiro xaalad dagaal.

Shirkan waxaa ka qeyb galay Wasiirro ka tirs an Xukuumadda Federaalka, Guddoomiye ku-xig eennada Maamulka Gobolka Banaadir, Xoghaya ha Guud, Taliska Ciidanka Ilaalinta Deegaanka Xa mar, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Taliyeyaasha Qeybta Guud ee Booliska, Nabad sugida, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir, Saraakiisha Qeybaha, Ururka Haweenka, Agaasimeya al iyo La-taliyeyaal ka tir san labada Xafiis.

Booliska Muqdisho oo soo qabtay bur cad dhac gaysatay oo laga arkay CCTV

Ciidamada Booliska ayaa soo qabtay burcad ku hubeysan oo dhac ka geysatay goobo ganacsi oo ku yaalla deegaanka Weydo ee duleedka M/ Muqdisho iyo degmada Dharkenley.

Burcadan oo ka koobnaa laba askari oo ku lebisan dareyska ciidanka ayaa waxaa duubtay kaamir ada qarsoon ee CCTV, ka dibna lagu baahiyay baraha bulshada, taasi oo sahashay in ciidamada gacanta kusoo dhig aan.

Goobaha ay dhaca ka geysteen labadan nin ayaa waxaa kamid ah Farmashiye iyo Dukaamo ay ka qaateen agab kala duwan iyo lacag, kuwaas oo markii dambe u gacan galeen ciidamada Boo liska.

Ciidamada Booliska ayaa labadan nin kusoo qabtay raad-raac ay ka sameeyeen kaamirada, si da uu shaaciyay taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir

"Ciidanka Booliska qeybta guud ee gobolka Banaadir ayaa soo qabtay labo kamid ah burcad hubaysan oo qori AK47 ah ku dhacayay goobo ga nacsi oo ku yaalla degaanka Weydoow ilaa aagga D/Dharkenley, kuwaas oo muuqaalo laga helay lagu baahiyay Baraha Bulshada, iyagoo gudaha u galaya goobo ganacsi oo ay kamid tahay goob Pharmacy ah,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo bax ay taliska.

"Baaritaan dheer kadib ciidanka booliska D/Dharkenley ayaa soo qabtay labadaan nin ee Burcadda ah, waxaana lagu soo xiray saldhigga D/Dharkenley, ciidanka ayaa ragaan ka qaaday agab kala duwan oo ay ka soo dhaceen bulsh ada.”

Waxa kale oo lagu yiri qoraalka kasoo baxay tal iska "Muwaadiniinta ay burcadaan dhaca u geyst een waxaa laga codsanayaa inay soo wacaan lan barka gaaban ee 991, si loogu hagaajiyo xoolaha ka maqan.”

Ciidamada Booliiska Soomaaliyed ayaa mud dooyinkii dambe waday howl-gallo lagula dagaal amayo kooxaha burcadda ee bulshada dhaca, kuwaas oo tiro kamid ah la soo qabtay.

Sheekh Cali Wajiis oo shaaciyey arrimo uu Fa had Yaasiin uga digay oo uu ku dhacay

Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah hoggaanka culumada la shaqeysa dowladda ee Muqdisho ku nool ayaa ka sheekeeyey wadahadal ku saabsan xaaladda dalka oo dhex maray isaga iyo Fahad Yaasiin, xiligii uu talada haayey Farmaajo.

Sheekh Cali ayaa sheegay in wadahadalkaan uu dhex ma ray markii ay labo sano joogtay dowladdii Farmaajo, isla mark aana uu uga digay dhamaan wixii ku dhacay ee ku kalifay inay talada dalka ku fashilmaan.

Wuxuu sheegay in habeen uu Fahad u yeeray oo gurigiisa uu kula kulmay, isla markaana uu kala sheekeystay xaaladda dalka, isagoo ka dalbaday in aragtidiisa ku aadan sida ay dalka u maamu layaan uu la wadaago.

Sheekh Cali Wajiis ayaa ku faanay in habee nkaas uu Fahad Yaasiin uga digay waxa dhici do ona hadii ay talada dalka sidaas ku sii wadaan oo ugu dambeyntii ay garoonka ka dhoofi doonaan, iyagoo dhuumaaleysanaya.

Fahad Yaasiin ayuu sheegay in xiligaas uu aad u rabay talada dadka waxgaradka ah, balse ma uusan qaadan talooyinkii uu siiyey sida uu she egay.

*Sheekh Cali Wajiis ayaa sheegay in Fahad Yaasiin uu u sheegay dhowr qodob oo ay ku liitaan iyo qodobo ay ku fiican yihiin, balse sida ay ku socdaan ay khatar ku tahay.

Qodobada ay ku liiteen ee Sheekh Cali uu u sheegay Fahad Yaasiin ayaa waxaa ka mid ahaa in qabaa’ilka ay ka xushaan siyaasiyiinta ugu liita, isagoo markaas tusaale u soo qaatay xubnihii bee shiisa ku metelaayey dowladda, inkastoo uu ka gaabsaday inuu tiro magacyadooda.

"Fahad waxaa si cad u dhahay dib dambe la idi in doora maayo, sababtoo ah ma heysaan wadadii aad ku soo laabaneyseen, laakiin waxaan ka ba qaa in dalka aad isaga carartaan marka ugu dam beysa, siyaasigii xilka wareejiya ee dalkiisa ku noolaada waa guuleystay, laakiin waxaan ka ba qaa inaad dalka isaga carartaan,”ayuu yiri Sh. Cali Wajiis.

Sheekh Cali oo wareysigaan siiyey Weriye lagu magacaabo Maxamed Cali Faracade ayaa tiriyey 7 qodob oo sida uu sheegay uu Fahad Yaasiin la wadaagay habeenkaas, seddax arrimood oo ay ku liiteen, seddax ay ku roonaayeen iyo hal uu ka ba qaayey, 7-daas qodob ayuu sheegay in Fahad u kala saarsaaray habeenkaas.


Hay’adda Isgaarsiinta Qaran oo soo dha weys ay isku xirka shirkadaha Isgarsinta

Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, ayaa soo dhaweeyay tallaabada ay shirkadaha isgaarsiinta dalka ku hirgeliyeen heshiiskii isku-xirka shabaka daha ee ay gaareen 5tii Disembar 2022.Waxaa he shiiskaas hirgeliyay qeyb ahaan shirkadaha Ho rmuud, Somtel, Amtel, Som Link, Golis iyo TeleSom.

"Hay’adda waxaa ka go’an dhamaystirka in si buuxda uu u hirgelo Maareeyaha ayaa uga mahadceliyay wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, Md Jaamac Xasan Khaliif, kaalintii hoggaamineed ee uu ka qaatay hirgelinta isku-xirka shirkadaha

Is-wicitaankan waxaa dammaanad-qaadday hirgelintiisa Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, iya doo fulineysa dhammaan shuruucda iyo xeer-nid aamiyeyaasha khuseeya arrintan” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Hay’adda.

Ujeeddada laga leeyahay adeeggan waa sidii shacabka loogu fududeyn lahaa adeegyada isgaa rsiinta dalka, loona dhiirrigelin lahaa tartan ku dhi san adeeg iyo qancin macaamiil.

Shabaab oo saldhig muhiim ah laga qabsaday

Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Daraawiish ta Jubbaland ayaa maamnta howlgal culus oo ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyay qaybo kamid ah gobolka Jubbaland, kaas oo ay guul ka sheeg teen saraakiisha ciidanka huwanta.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa si gaar ah uga dhacay deeg aanka Qunbi, halkaas oo ay horay ugu sugnaayeen xoogaga Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay dagaal ku qaadeen deegaanka asi, kadibna ay la wareegeen saldhig weyn oo ay kooxda Al-Shabaab ku lahayd halkaasi.

Qoraal lagu daabacay warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in saldhigga la beesaday uu muhiim u ahaa kooxda, isla-markaana ay isku uru ursanayeen dagaalyahano tiro badan.

Waxaa sidoo kale warkan lagu sheegay in sal dhiggan uu muhiim u ahaa xubnaha Al-Shabaab ee ku sugan gobolka Jubbada Hoose ee dowlad goboleedka Jubbaland.

"Ciidanka ayaa dagaal kula wareegay Sal dhiggaan muhiimka u ahaa Khawaarijta ku dhuum aaleysaneysa deegaanno ka tirsan gobolkaas,” ayaaa lagu yiri qoraalka dowladda.

Sidoo kale ciidamadan oo ka baxay deegaanka Janaay Cabdalle ayaa hub badan iyo saanad cii dan kasoo furtay kooxda Al-Shabaab, kadib howl galka ka dhacay deegaanka Qunbi.

Dhinaca kale taliyaha qaybta 43-aad ee Ciida mada Xoogga Dalka iyo Wasiirka Amniga Jubba land oo ku sugan aaggaasi ayaa kulamo la qaatay saraakiisha ciidamada huwanta, waxayna ku dhi iri-geliyeen inay isku diyaariyaan duulaan culus oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Sidoo kale saraakiisha kulanka ka qayb-ga shay ayaa mas’uuliyiinta ku sugan halkaas uga warbixiyay deegaanka muhiimka ah ee ay la war eegen ciidanku.

Howlgalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo Dorraad xoogaga Al-Shabaab ay weerar culus ku billwoday is-miidaamin ku qaadeen saldhig ku yaalla duleedka degmada Afmadow, kaas oo ay saraakiisha ciidamadu ay sheegeen in laga hort agay, kadibna laga hortegay weerarkaas.

dayaal iyo waxgarad Baledweyne ugu xirnaa la macaamilka Al-shabaab oo Dorraad xabsiga laga sii daayay

Ku dhawaad 10 ruux oo isugu jira Odayaal na badoono iyo dad beeraleey ah oo mudo dhowr iyo toban cisho ah ugu xirna dowladda Soomaaliya xabsi ku yaala magaalada Baledweyne ayaa Dorraad dib u helay xur iyadooda, kuwaas oo u xirnaa macaamil ay la soo sameeyeen koox da Al-shabaab.

Odayaashaan oo ku eedeysnaa iney Al-shaba ab lasoo galeen heshiisyo ayaa iska fogeeyay in ey wax heshiis ah lasoo galeen Shabaab, hayee shee ujeedkoodu uu ahaa sidii ay ku goosan laha yeen dalagyo ugu beerna beerahooda.

"Anaga Al-shabaab heshiis lama galin ee wa xa uu ujeedkeenu ahaa inaan goosano dalagyo noo beerna oo qarash badan naga galay afar sa no oo abaar ah kadib, marka anaga heshiis uusa nn Xawaadle raali ka aheyn maba gali karin mana galin ee muhiimada aan ula kulanay waxay aheyd inaan beeraha ka goosano dalaga" ayuu yiri mid ka mid Nabadoonada Dorraad laga sii daayay Xabsiga Baledweyne.

Odayaashaan iyo beeraleyda ayaa sidoo kale raali galin toos ah ka bixiyay la macaamilka ay la soo macaamileen kooxda Al-shabaab, iyagoona balan qaaday ineysan markale la macaamili doo nin Al-shabaab oo ay u hogaansamayaan amarka dowladda Soomaaliya ee ku aadan inaan lala macaamili karin kooxda Al-shabaab.

Xilliga ay dhaceyso doorashada kursigii uu banneeyay RW Xamse oo la shaaciyay

Guddiga KMG ee doorashooyinka kuraasta ka bannaan Golaha Shacabka ayaa shaaciyay jad walka qabashada kursiga tirsigiisu yahay HOP# 203 oo deegaan doorashadiisu tahay Kismaayo.

Kursigaan ayaa waxaa hor ay loogu doortay Ra’iisul Was aaraha Xukuumadda Soom aaliya Xamse Cabdi Barre balse uu waayay markii loo Magacaabay xilka Ra’iisul Wasaaraha.

Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa lagu sheegay in 15-ka Bishaan oo ku began Maalinta Arbac adaha ay ka dhaceyso doorashada kursiga HOP#203, magaalada Kismaayo.

Al-Shabaab badan oo lagu dilay weerar ka dhacay Hobyo

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ay aa sheegay in duqeyn ay Jimcihii ka fuliyeen gud aha Soomaaliya ay ku dileen 12 xubnood oo ka tirsan maleeshiyada kooxda Al-Shabaab

Qoraal kasoo baxay AFRIC OM ayaa waxaa lagu sheeg ay in xubnahan Shabaab-ka ah lagu dilay weerar dhinaca cirka oo ay ka fuliye en deegaanno ka tirsan degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

Sidoo kale waxa lagu sheegay in weerarkan uu yimid kadib codsi uga yimid dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, uuna ahaa mid is-difaac ah oo ay si wada-jir ah u fuliyeen iyaga oo taageeraya cii danka xoogga dalka ee wada howl-galka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

AFRICOM ayaa sheegtay in qiimeynta horu dhaca ah ay muujineyso in aanay jirin dad rayid ah oo dhaawac ama dhimasho ay kasoo gaartay weerarkan oo ka dhacday deegaan fog oo qiya astii 45 KM dhanka Koonfur-galbeed kaga beegan Hobyo. "Taliska Mareykanka ee Afrika wuxuu taag eero siiya dowladda Soomaaliya si ay wax uga qabato khataraha argagixisada, waxaan kaliya qeyb ka nahay dadaalka Mareykanka,” ayuu yiri taliyaha AFRICOM Gen. Michael Langley.

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmud ug Axmed Qoor-Qoor ayaa horaantii bishaan ka codsaday taliska Mareykanka inay laba jibbaaraan howl-galada dhinaca cirka ah ee ka dhanka Al-Shabaab, iyada oo xiligaas codsiga madaxweyna ha ay aqbashay AFRICOM.

Deegaanada Galmudug ayaa waxaa si habsa mi leh uga socda dagaalka ka dhanka ah Al-Shab aab, ayada oo ciidamada dowladda iyo kuwa dad ka deegaanka ay kooxda Al-Shabaab ka qabsa de en degmooyin istiraatiiji ah oo ay ku jirto degma da Xarardheere, oo sanado badan ay ka talinay say kooxda.

Militariga Mareykanka ayaa tan iyo markii uu billowday dagaalka Al-Shabaab waxa uu ciidama da dowladda ee ku jira dagaalka ku taageerayay weerarada dhinaca cirka ah, kuwaasi oo inta ba dan lagu dilo dagaal-yahaano ka tirsan kooxda.

Xukuumada iyo ururada siyaasada Somaliland oo baaq wada jira kasoo saaray colaada Laascaanood

Kadib kulan dhexmaray Madaxweynaha Som aliland Muuse Biixi Cabdi, iyo 10 ka rurursiyaasad eed,ayaa laga soo saaray in colaada Laas caano od wadahadal lagu dhame eyo iyo in xabad joojinta la taageero.

Waxa lagu heshiiyay in wax kasta oo khatar ku ah jiri taanka Somaliland si midaysan looga hortago, in xaalada Laascaanood lagu soo dabaalo nabad iyo wadahadal si xal waara looga gaadho nabadgalyo darada iyo colaada ka jirta Sool. Waxa kale oo lagu heshiiyay in madaxda 10 ka urur siyaasad eed ay taageeraan xabad joojinta ay xukuumadu ku dhawaaqday, waxayna dhanka kale ugu baaq een in ay fuliyaan xabad joojinta si colaada loo joo jiyo, iyo in la sii wado dadaalada nabada lagu doo nayo.

Waxa kale oo kasoo baxay in ururada siyaas adu ay gacan buuxda ka gaystaan dajinta xaalada Laascaanood, in taakulo iyo gurmad deg deg ah loo fidiyo bulshada reer Laascaanood ee ay cola adu saamaysay.

Madaxweynaha iyo ururadu waxay ku heshiiy een in ururadu si lamid ah saddexda xisbi ay awo od u leeyihiin in laga tala galiyo arrimaha la xidhi idha doorashooyinka, isla markaana ururadu ay iska soo saaraan xubno ka qayb qaata wadahad alada doorashooyinka.

Waxa badbaadadayda sabab u ahaa sugitaanka Salaaddii subax

Laacibka u dhashay dalka Cameroon ee Kevin Soni oo haatanna u ciyaara kooxda Hatayspor ee ka dhisan dalka Turkiga, ayaa ka sheekeeyey qaabkii uu uga badbaaday masiibadii dhul gariirka ee toddobaadkii hore ka dhacday Koonfurta Turkiga iyo Waqooyiga Suuriya.

Weeraryahanka ayaa yidhi ” Waxaannu imi guriga xilli dambe oo habeena. Aniga oo ka imi ciyaar dhex maraysay kooxdayda iyo naadiga kale Qaasim Baasha, waxaana soo dhoweyd Salaadii subax taa darteed waxaan ku tashaday in aan seexan ilaa inta la gaadhayo wakhtiga Salaadda si aan u tukado.

Balse wakhti kooban waxaan dareemay argagax, waxaana gariiray dhismihii taa darteed waxaan la cararay Baasaboorkaygii iyo telefoonkaygii. Aniga oo bannaanka uga soo baxay gurigii oo markaa ka dib isku daatay.Xigasho:khaalid foodhadhi

Ciidamada dowladda oo degaano dagaal kula wareegay

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ho wlgal ay Dorraad sameeyeen waxaa ay dagaal ku la wareegay saldhig weyn oo Al-Shabaab ay ku lahaayeen degaanka Qunbi ee Gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in Ciida ma da ay dhowr jiho ka weerar een degaanka Qu nbi oo ay isku aruursanayeen Al-Shabaab si ay weeraro u fuliyaan, balse ay ka hortageen, isla markaana ho wlgalka uu weli socdo.

Sidoo kale waxaa ay saraakiishu sheegeen in how lgalka lagu dilay Xubno badan oo katirsan Al-Shabaab, sidoo kalena ujeedkoodu uu yahay sidii gu ud ahaan degaannada ay Gobolka Jubbada Ho ose kaga sugan yihiin Al-Shabaab uga saari laha ayeen.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa dhaq dhaqaaqyo Ciidan ay Ciidamada dowladda iyo ku wa Jubbaland ka wadeen degaano katirsan Gobo lka Jubbada Hoose, waxaana degaanka Qunbi ee lala wareegay gaaray Saraakiil uu hoggaaminayay Wasiirka Amniga Jubbaland Janeraal Yuusuf Xus een Cusmaan Dhuumaal.

Khasaaraha Dadka Ku Dhintay Dagaalka Laas caanood Oo Sii Kordhaya

Magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool ayaa maalintii todobaad ku waabariisatay dagaal culus oo halkaasi ka socda

Dagaalka xoogiisa ayaa waxaa lagu soo warramayaa in haatan uu ka socdo deegaanada Gooye, Mooragaan iyo aaga xerada Qooja-cadde oo ku taalla dul eedka Laascaanood

Wararka la helayo ayaa sheegay in ciidanka maa mulka Somaliland ay magaalada si aan kala sooc lahayn ugu garaacayaan hubka culus ee kaaraya asha.

Magaalada ayaa wali wajaheysa jawi colaad eed, iyadoo ay burburtay xabad joonintii ay habe en kahor kudhawaaqday Somaliland, mana muuq ato cid isu xilqaantay iney u kala dabqaado dhin acyada diriraya.

Dorraad oo u danbeysay Cabdisalaan Muuse oo ahaa dhakhtar bisha cas la shaqeeya ayaa ku geeriyooday hub culus oo ugu tagay goobtiisa shaqo.

Daladaha samafalka ayaa ku baaqay in marin ammaan ah loo helo gurmadka bini’aadantinimada ee diyaarka ah, si dadka dhibaateysan ay caawim aad u helaan.

Si kastaba, In ka badan 100 ruux ayaa illaa ha dda la xaqiijiyey in ay ku nafwaayeen colaadan gal aysa maalintii 7-aad, waxaana meelaha qaar laga soo shegayaa xaalado adag oo dhanka noloshaah

Culimada Soomaaliyeed ee dalka Kenya oo ku baaqay in deg deg loo joojiyo dag aalka ka socda Laascaanood

Kulan balaaran oo ay Dorraad ku yeesheen M/ Nayrobi ee dalka Kenya Culimaa'udiinka Soomaa liyeed ee ku nool dalkaas ayaa waxay kaga hadleen dagaalada ka soc da magaalada Laascaa no od ee xarunta G/Sool.

Culimadaan ayaa gabagab adii kulankooda soo saa ray War murtiyeed ka kooban lix qodob oo dham aan quseeya xaalada ka taagan magaalada Laasa canood, iyagoona ku baaqay in deg deg loo jooj iyo dagaalka socda Laascaanood.

War murtiyeedka Culimada Soomaaliyeed ee dalka Kenya ay soo saareen waxaa ka mid ahaa in Somaliland ay duqaynta ka joojiso Magaalada Laasacaanood, islamarkaana ciidamadeeda ka dulqaado magaalada.

"Waxaan ugu baaqeyna dhinacyada ku daga alamaya Laascaanood iney deg deg ku joojiyaan dagaalka socda oo wax walba ay ku dhameeyaan wadahadal, dadku waa walaalo xukun jaceyl maa ha in leysku laayo Alle halaga cabsado" ayuu yiri mid ka mid ah Culimada Soomaaliyeed dalka Kenya.

Waxaa sidoo kale Culimadaan ay ugu baaqeen dhamaan waxgaradka Soomaaliyeed iney u ista agaan daminta Colaada ka taagan Laascaano od, iyagoona xusay iney diyaar u yihiin iney hormuud ka noqdaan si walba oo lagu dhameyn karo xal u helida dagaalka Laascaanood.

Culimadaan ayaa sidoo kale magacaabay gud diga ka shaqeyn doono gurmad gaarsiinta dadka waxyeelada kasoo gaartay dagaalada ka socda Laascaanood, waxayna ugu baaqeen shacabka Soomaaliyeed iney ka qeyb qaataan gargaar u fidi nta walaalahooda ay dhibaatada kasoo gaartay da gaalka maalintii 7,aad ka socda Laascaanood.

Wasiirkii u horeeyey ee ka socda Yurub oo tagay Turkiga Dhul-gariirkii kadib

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Giriiga, Nikos Dendias ayaa waxa uu Dorraad booqasho Taageero muujin ah ku tegay dalka Turkiga

. Dhigiisa dalka Türkiye, Mevlüt Çavuşoğlu ayaa ku soo dhaw eeyey Garoonka Diyaaradaha ee Şakirpaşa Airport ee Gobalka Adana oo ka mid ah Tobanka Gobal ee uu Dhul-gariirku ka dhacay Toddobaadkii la soo dhaafay.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Giriiga, ayaa waxa uu Dhul-gariirkii ka dhacay Turkiga ku tilmaamay Masiibada Qarniga "The disaster of the Century”. Imaanshiisa waxay ka dhiganta tahay inuu yahay Wasiirkii u horeeyey ee ka socda dalalka Midowga Europe ee EU oo booqasho ku taga dalka Turkiga tan iyo Dhul-gariirkii kadib. Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Giriiga oo ka hadlay Shir Jaraa’id oo ay isaga iyo dhigiisa Turkiga ayaa waxa uu tilmaamay inuu dalkiisa sii wadi doono Taageerada Türkiye ee ay kaga gudbayaan maalmaha dhibaatada leh.

Dowladda Giriiga waxay dalka Turkiga u soo direen 80 tan oo Qalabka Daaweynta iyo Qalabka Gargaarka Degdega.

Dhul-gariirkii isbuucii hore ku dhuftay dalka Türkiye waxaa la shaaciyey inay ku geeriyoodeen in ka badan 28,000 oo qof, iyadoo Kumanaan kalena ku dhaawacmeen.

Turkiga oo xir xiray 33 qandaraaslayaal ka hawl geli jiray dhismeyaasha gobola da uu ka dhacay dhul gariirka

Dowladda Turkiga ayaa Xabsiga dhigtay 33 qandaraasleyaal dhismo sababo la xiriira cillado dhanka dhismaha ah iyo khaladaad dhismaha la xariiro oo lagu arkay Magaalada ugu weyn koonfur bari Turkiga ee Diyarbakir, taasi oo uu aad u same eyay Dhul-gariirkii halkaasi ka dhacay dhawaan.

Wakaalada wararka Anatolia,

ayaa sheegtay in xafiis ka xeer ilaalinta ee Diya rbakir uu bilaabay baarit aan ku aadan sidii loo ogaan lahaa cilladaha iyo khaladaadka la xiriira dhismooyinkii ku burburay dhulgariirkii Isniintii la soo dhaafay ku dhuftay magaaladan.

Wakaaladda ayaa intaas ku dartay in weli ay socdaan baaritaanno lagu hayo qandaraaslaya asha la xerxeray ee qaabilsanaa dhismaha maga alada Diyarbakir

Cabsi Laga Qabo Dhul Gariir Xooggan Oo Waqti Dhow Ka Dhici Kara Istanbul

Khubarrada saadaaliya dhul gariirrada ayaa soo saaray digniin xoog leh oo ku saabsan dhul gariir waqti dhow ka dhici kara Istanbul.

Dadka magaalada daggan ayaa digniintan walaac ku abuurtay xilli wali lala tacaalacayo dhulgariirkii todobaadkii hore oo ay dhimashadu hadda mar eyso 28,000 oo qof.

Shaqaalaha gurmadka oo wada howl-samatabixin ah ayaa qaarkood soo badbaadiyay dad ku hoos jiray burburka.

Sidoo kale, shan qof oo Soomaali ah oo ku dhintay dhul-gariirka ayaa Dorraad la aasay, iyadoo 4 hablood oo Soomaali ahna ay ka mid yihiin dad ka wali la la’ yahay.

Burburka ugu weyn ayaa ka dhacay xarunta dhul-gariirka oo ah inta u dhaxeysa gobolka Kahraman maras iyo Gaziantep, oo ah magaalo ay ku nool yihiin laba milyan oo qof.

Dhul-gariirkii koowaad oo aad u xoog badnaa ayaa laga dareemay illaa Greenland, waxaana xigay kuwo yar yar oo uu ku jiro mid cabirkiisu aha 7.5, kaasi oo ku dhuftay xilli ay kooxaha gurmadka ku jireen baadigoobka dadka ku waxyeeloobay dhul-gariirkii koowaad.

Inta badan aagga uu dhul-gariirka kaga dhuftay waqooyiga Syria ayaa waxaa markii horeba bur buriyey sanado dagaal ah iyo duqeymo ay gayst een ciidamada Syria iyo Ruushka, kuwaas oo bur buriyey guryo, isbitaallo iyo xarumo cafimaad



SHAN MUCJISO OO LAGU ARKAY DHUL GARIIRKA KU DHUFTAY TURKIGA IYO SUURIYA


Aab Be Gacanta Ka Haya Gabadhiisa Oo La Badbaadiyay

XIGASHADA SAWIRKA,ADEM ALTAN

Weli waxaa Turkiga iyo Suuriya ka socda howlaha loogu gurmanayo dadkii ku waxyeelloobay dhul gariirkii dhimashada badnaa ee dhacay 6-dii Bish an February. Ilaa hadda inta la xaqiijiyay 21,000 oo qof ayaa ku dhintay dhul gariirka Isniintii ku dhuftay Koonfurta Turkiga iyo Waqooyiga Duuriya.

Turkiga oo ay saameynta ugu badan gaartay ayaa laga wadaa gumrmad xoog leh iyo raadinta dadka ku hoos jira gurburka dhismeyaaha.

Dhanka kale, lix gawaarida xamuulka qaada ah oo ay leedahay Qaramada Midoobay Dorraad ka xudbay xadka uu Turkiga la wadaago Suuriya, taasoo noqoneysa kaalmadii ugu horreysay ee cal ami ah ee la gaarsiiyo Suuriya.

Tan iyo markii uu dhul gariirku dhacay waxaa lasoo tebiyay dhowr mucjiso oo la arkay.

Cunug ay xuddunta hooyadiis ku dhaggan tahay

Gabar yar oo ay ku dhagganeyd xuddunta ho oyadeed Saacado ka dib markii uu dhacay dhul gariirka, xilli ay si xowli ah u socdeen howlaha gur madka ayaa la maqlay qeylo.

Mid ka mid ah dhismeyaasha burburay ayuu kasoo baxay nin wada cunug yar oo dhowr saac adood uun dhallan.

Arrinta mucjisada ah waxay ahayd in cunugga yar oo gabar ah ay ku dhagganeyd xuddunta hooy adeed oo meyd ah.

Hooyada wey ku geeriyootay musiibada laa kiin ilmaha yar ayaa badbaaday. Guriga uu qoy skan dagganaa waxaa saacado ka hor waqtiga uu dhacay dhul gariirka isugu tagay dad isu diyaari nayay dhalashada gabadha yar ee la filayay.

Dhammaan dadkii qoyskeeda ahaa ayaa halkaas ku wada geeriyooday, gabadha dhalatay kaligeed ayaana soo hartay.

Mucjisadan ayaa lagu arkay magaalada Afrin ee waqooyiga Suuriya.

Shimbir bannaanka usoo baxday 50 saacadod ka dib Shimbir la badbaadiyay

XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

Farxad ayaa la muujinayay mar kasta oo bur burka dhismeyaasha laga soo saaro qof nool. Laa kiin dhisme ka mid ah guryaha ku burburay magaalada Malatya ee dalka Turkiga ayaa laga soo saaray shimbir nooca la xannaaneysto ah oo nool. Isla markii shimbirtan la soo bixiyay ayey billowday in ay si sare ku qeyliso.

Shaqaalaha gurmadka degdegga ah ayaa kartoon ku riday shimbirtan oo ah nooca dadka hadallada ka daba dhaha ee afka qalaad lagu dhoho "Pa rrot".

Dabaq 7 biyaano ah iyo 62 saacadood Dhisme ka kooban 7 dabaq oo ku yaallay magaalada Adi yaman ee dalka Turkiga ayaa ka mid ahaa gur yaha uu burburiyay dhul gariirka awoodda bad naa.

Kooxaha gurmadka ayaa 62 saacadood ka dib musiibadaas la kulmay mucjiso kale. Wiil yar ayaa isagoo nool laga soo saaray burburka toddobada dabaq hoostiisa, kaasoo sawirradiisa iyo muuqa allo laga duubay ay si weyn u faafeen.

Wiil yar oo la badbaadiyay

XIGASHADA SAWIRKA, TWITTER/ WHITEHELMET

Hay’adda difaaca rayidka ee Suuriya, White Helmets oo muuqaallada dhul gariirka aruuriney say ayaa baraha bulshada ku faafisay muuqaalka wiilka yar oo markii lasoo bixiyay billaabay in uu dhoolla qoslo.

Qoys dhammeystiran oo iyagoo nool lasoo bixiyay

Burburka guri ku yaallay Suuriya oo uu dhul gariirku dumiyay ayaa laga soo badbaadiyay dad ka kooban hal qoys oo iyagoo hurda ay musiibadu dhacday.

Arrinta mucjisada ah ee ku saabsan dhacda dan waa in qoyskaas uusan hal qof ka dhaa wacmin, dhammaantoodna lasoo saaray iyagoo nool.

Waxaa muuqaallo laga arkayay kooxda gurm adka oo marka hore soo bixinaya carrurta ka dibna dadka waaweyn.

Magaalooyin ka tirsan Suuriya oo uu saamee yay dhul gariirka ayaan wax caawinaad ah helin saacado ka dib dhul gariirka.

Waddankan ayaa in ka badan toban sano ku jira dagaal sokeeye oo sababay amni darro.

Dhul gariirka oo ruxi waayay jacaylka u dhaxeeya wiil iyo gabar walaalo ah

Gabar ilaalineysay madaxa walaalkeed

XIGASHADA SAWIRKA, TWITTER /MHDKSAFA

Dad badan ayey guryahooda ku dumeen markii uu dhacay dhul gariirka khasaaraha badan saba bay.

Dadkaas waxaa ka mid ahaa wiil iyo gabar walaalo ah oo ku aasmay gurigooda.

Markii waqtiga uu dhul gariirku dhacay ay kasoo wareegeen 36 saacadood ayey kooxaha gurm adka dhisme hoostiisa ka heleen wiil iyo gabar walaalo ah oo uu dhagax wyn ku daboolnaa. Waji yadooda waxaa ka buuxay bus, indhahooduna wey furnaayeen. Laakiin waxaa aad loola yaabay markii la ar kay gabadha oo gacanteeda ku ilaalineysa ma daxa walaalkeed, sida uu shaaciyay telefishinka CNN ee dalka Mareykanka. XIGASHO:-BBC

MAXAY DUMARKA UURKA LEH EE RU USHKU UGU QULQULAYAAN DALKA ARGENTINA?

haweenay uur leh

In ka badan 5,000 oo haween Ruush ah oo uur leh ayaa galay Argentina bilihii la soo dhaafay, oo uu ka mid yihiin 33 ka mid ah oo hal duulimaad saarnaa maalintii Khamiista, sida ay saraakiishu sheegeen.

Dumarka ugu dambeeyay ee soo galay dalkan ay aa dhamaantood ku jiray toddobaadyadii ugu dam beeyay ee uurka, sida ay sheegtay wakaaladda socdaalka ee dalkaasi.

Waxaa la rumeysan yahay in haweenku ay doonayaan in carruurtoodu ay ku dhashaan gud aha Argentina si ay u helaan dhalashada Arge ntina.

Tirada dadka imanaya ayaa kor u kacday dhawaan ahan, taas oo warbaahinta maxalliga ah ay ku sheegtay in uu ka dhashay dagaalka Ukraine.

33 ka mid ah haweenka ku yimid caasimadda Argentina hal duulimaad maalintii Khamiista, sad dex ka mid ah ayaa loo xiray "qaladaad ku saab san waraaqahooda", iyagoo ku biiray saddex kale oo yimid maalintii hore, madaxa hay'adda socdaal ka Florencia Carignano ayaa sidan u sheegtay majallada wararka ee La Nacion.

Haweenka Ruushka ayaa markii hore sheeg tay in ay Dalxiis ahaan u yimaadeen Argentina, ayay tidhi.

"Xaaladahan waxaa la ogaaday in aysan hal kan u imaanin si ay ugu dalxiisaan dalka, iyaga laftooda ayaa qiray."

Waxay sheegtay in haweenka Ruushku ay doo nayeen in carruurtooda ay helaan dhalasho Arjan tiin sababtoo ah waxay ku helayaan xorriyad socd aal oo ka badan tan baasaboorka Ruushka.

"Dhibaatada ayaa ah in ay yimaadaan Argen tina, caruurtoodana u diiwaan gashadaan muwa adininn kadibna ay ka baxaan dalka. Baasaboor keena aad buu u ammaansan yahay adduunka oo dhan. Waxa uu u ogolaanayaa [dadka haysta] in ay galaan 171 waddan si bilaash ah," ayay tiri Ms Carignano.

Haysashada ilmo Argentine ah waxay sidoo kale dedejisaa nidaamka dhalashada ee waalidiin ta. Sida ay hadda tahay, Ruushku waxay si bilaa sh ah ugu safri karaan 87 waddan oo keliya.

Qareenka u doodaya saddexdan haween ee la xiray Khamiistii ayaa sheegay in ay sharci darro ku xiran yihiin, maadaama lagu eedeeyay inay yih iin dalxiisayaal been abuur ah. Kani waa erey "aan ka jirin sharcigeena," Christian Rubilar ayaa yidhi.

"Haweenkan oo aan dambi gelin, aanan jabin sha rciga socdaalka, ayaa si sharci darro looga qaad ayaa xoriyadooda,” ayuu raaciyay.

Haweenka ayaa hadda la sii daayay.

EEG BOGGA 6AAD…..


Ka yimid bogga 5aad

MAXAY DUMARKA UURKA LEH EE RU USHKU UGU QULQULAYAAN DALKA ARGENTINA?

Diyaarado garoon tuban

Wargeyska La Nacion ayaa u sababeeyay kacsanaanta lama filaanka ah ee soo galootiga muw aadiniinta Ruushka, mid la xiriira dagaalka Ukraine, isagoo yiri "marka laga reebo ka cararidda dagaal ka iyo adeegga caafimaad ka dalkooda, [haweenka Ruushka] waxaa soo jiitay [xuquuqda] fiisaha bilaashka ah ee Arg entina, iyo sidoo kale sida daawooyinka tayada sa re leh iyo noocyada kala duwan ee isbitaallada".

"Dalxiiska umuliida" ee muwaadiniinta Ruushka ee Argentina waxay u muuqataa mid faa'iido leh oo si fiican u hir gashay.

Shabakad ku hadasha afka Ruushka oo ay aragtay BBC-du ayaa soo bandhigeysa xirmooyin kala duwan oo loogu talagalay hooyooyinka uurka leh ee raba inay ku dhalaan Argentina. Shabak addu waxa ay xayaysiinaysaa adeegyada ay ka midka yihiin qorshayaasha dhalashada ee gaarka ah, ka-qaadista garoonka diyaaradaha, casharro afka Isbaanishka ah iyo qiimo dhimista kharashka joogitaanka "cisbitaallada ugu fiican caasimadda Argentina".

Xirmooyinka ayaa u dhexeeya "qaybta dan yarta", laga bilaabo $5,000 (£4,144), ilaa "kuwa ladan", oo ka bilaabmaya $15,000 (£12,433).

Mareegtan internet-ka ayaa sheegtay in aasaa seheedu uu fududaynayey dalxiiska dhalmada iyo bixinta taageerada socdaalka tan iyo sannadkii 2015, shirkaddu waxa ay sheegtay in ay tahay "100% mid Arjantiin ku sugan".

Sabtidii, La Nacion ayaa sheegtay in booliiska Arg entine ay qaadeen hawlgal, kaas oo qayb ka ah baar itaanka "ganacsiga malaayiinta doolar ah iyo shaba kad sharci darro ah" oo lagu eedeeyay in haweenka Ruushka ah ee uurka leh iyo lamaanayaa shooda ay siiyeen dukumeenti been abuur ah si loogu ogolaa ado inay Argentine dagaan.

Booliiska ayaa sheegay in kooxdan burcadda ah ay ka helaan adeeggan ilaa $35,000 (£29,011) oo lac ag ah. Ma jirto cid loo soo qabtay falkan, balse wax aa la sheegay in boolisku ay gacanta ku dhigeen Laptop-yo &Tablets & sidoo kale warqado socdaalka &

lacag aad u badan==DHAMMAAD==

.XIGASHO:-BBC


SHAN DAL OO DUNIDA HOGGAAMIN DOONA SANADKA 2050-KA


Shanghai waa magaalada ugu dadka badan Shiinaha

Ka bixitankii Ingiriiska ee Midowga Yurub fayrasak karona, dagaalka Ukraine iyo canshuuraha ganacs iga ayaa laga yaabaa in ay abuuraan xaalado dhaq aale, laakin inkastoo caqab adahaas ay jiraan haddana waxaa la qiyaasayaa in dha qaalaha adduunka uu sii wadi doono koritaanka tob anaanka sano ee soo socda.

Dhab ahaantii marka la gaaro 2050-ka dhaqa alaha dduunka ayaa labajibaarmi doona sida la saa daalinayo in inkastoo Qaramada Midoobey ay shee gayso in tirade dadka caalamka ay kordhi doonto 26%. Koritaankaas ayaa keeni doono caqabado ba dan In kasta oo ay adkaan karto in la saadaaliyo sida uu mustaqbalka u dhici doono, haddana dhaqaala-yahannada intooda badani waxay isku raaceen hal shay: suuqyada soo koraya ee Dorraad waxay noqon doonaan kuwa berrito ah marka la eego quwadaha waaweyn ee dhaqaalaha.

Sida laga soo xigtay warbixinta The World ee 2050 ee shirkadda caalamiga ah ee adeegyada xirfa deed ee PwC, 30 sano gudahood, lix ka mid ah toddobada dhaqaale ee ugu weyn adduunka ayaa no qon doona dhaqaalaha soo koraya Dorraad, dhaqa alaha Maraykanka ayaa hoos u dhici doona . Japan waxay hoos ugu dhacday 4 ilaa 3 ilaa 8 iyo Jarmalka oo hoos uga dhacay 5 ilaa 9.

Xitaa dalalka dhaqaalaha yar yar sida Vietnam, Filibiin iyo Nigeria waxay la kulmi doonan koboc weyn heerarkooda sodonka sano ee soo socda, sida lagu sheegay warbixinta.

Waxaan la hadalnay dadka deegaanka ee ku nool shan wadan oo awood u leh inay koraan si aan u og aano sida ay ula tacaalayaan isbedelada xawliga ah ee hadda ka socda, faa’iidooyinka ay ka helayaan ku noolaanshaha deegaanadaas iyo caqabadaha dalalk ooda ay la kulmaan marka ay sare u kacaan.

SHIINAHA

Kobaca dhaqaalaha ee Shiinaha oo ay shaaciye en xisbiga talada haya ee Shiinaha ee PPP ayaa mu ujinaya in Shiinaha uu durbaba yahay dalka ugu dhaqaalaha badan caalamka. Waddanka awoodda badan ee ku yaalla qaaradda Aasiya ayaa 10-kii sa no ee la soo dhaafay gaaray guulo la taaban karo oo dhanka dhaqaalaha ah, hase yeeshee dhaqaaloyann ada ayaa carrabka ku adkeeyay in guushani ay tahay bilow un oo ay guulo badan soo socdaan.

Isbedello waaweyn oo dhanka dhaqaalaha ah ay ay dadka Shiinaha marqaati ka ahaayeen. "Dalkey ga, sannadadii la soo dhaafay ayaa waxaa laga hirga liyay Kaabayaal dhaqaale oo waaweyn kuwaas oo horseeday in maagaalooyin qurux badan ay dhisma an. Waxaa ka mid ah warshado, goobo laga dukaam eysto oo waaweyn, maaqaayado iyo waddooyin. Waddanka oo dhan ayaa is baddalaya marka loo eego 15-kii sano ee la soo dhaafay,” ayuu yiri Rowan Kohl loo ah qoraaga buugaagta 1-Minute Chinese Books.

HINDIYA

Hindiya waa dalka labaad ee ugu dadka badan dunida Dalka labaad ee ugu dadka badan aduunka ayaa la filayaa in uu koboc weyn sameeyo sodonka sano ee

soo socda,isaga oo celcelis ahaan gaari doona 5% kobaca wax soo saarka dalka san ad walba,sida la gu sheegay warbi xinta – taas oo ka dhigaysa mid ka mid ah wadama da ugu kobaca dhaqaalaha badan aduunka. Marka la gaaro 2050, Hindiya waxaa la saadaalinayaa in ay noqon doonto dalka labaad ee ugu dhaqaalaha ba dan adduunka oo dhaafi doona Mareykanka, waxa ana ay ka dhigan tahay 15% wadarta guud ee GDP.

Natiijooyinka wanaagsan ee koritaanka ayaa durba bilaabay inay saameyn ku yeeshaan dadka deegaanka.

"Laga soo bilaabo dhamaadkii Qarnigii 20-aad iyo bilowgii Qarnigii21-aad, waxaan arkayaa Hindiya oo is baddaleysa inanga oo daawaneyna," ayuu yiri Saurabh Jindal oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Hindia, isla markaana maamula barnaamijka la yira ahdo Talk Travel. "Kobaca dhaqaaluhu waxa uu horseeday isbedello badan oo ku yimid hab nololeedka dadka, laga soo bilaabo fir-fircoonida magaalada ilaa hab-dhaqanka bulshada iyo ugu dambayntii socodkii iyo wada sheekaysigii guud ee dalka iyo dadka deegaanka."

"Tusaale ahaan, waxaa 15-kii sano ee la soo dhaafay horumar weyn laga sameeyay tayada telefi shinnada, taleefoonnada gacanta iyo noocyada baa buurta,” ayuu yiri Jindal, iyadoo socdaalka hawada uu noqday mid la heli karo, guryuhuna ay noqdeen kuwo aad u deggan oo hodan ah.

Brazil

BRAZIL

Dalkan awodda leh ee koonfurta Mareykanka ayaa lagu wadaa in ay noqdo dalka shanaad ee ugu dhaqaalaha

badan caalamka marka la gaaro sanadka 2050-ka, iyada oo ka sara mari doonta dalalka Japan, Jar malka iyo Ruuushka. Dalka Brazil oo uu ka buuxo kheyraad dabiici ah ayaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay waxa uu ahaa mid dhaqaalihiisa sare u sii kacayay,balse waxaa soo food saaray caqabado ay la daalaa dhacayaan dadka dalkaasi sida musuq maasuqa iyo sicir bararka ka jiray dalkaasi sanadihii u dambeeyay. Brazil waa mid ka mid ah wadamada ugu weyn adduunka dhanka macdanta, beeraha iyo warshadaha.

MEKSIKO

Meksiko ayaa noqon doonta dalka toddobaad ee ugu dhaqaalaha badan caalamka 2050-ka

Sannadka 2050-ka, Meksiko waxa ay diyaar u tahay in ay noqoto waddanka toddobaad ee ugu dhaqaal aha badan adduunka, iyada oo afar meelood ka soo sara mari doonto kaalinta 11-aad ee ay hadda kaga jirto qiimaynta la sameeyay. Waxay diiradda saartaa wax soo saarka iyo dhoofinta taasi oo u horseeday kobac xoogan sanadihii ugu dambeeyay, inkastoo xaalada dhaqaale ee ha dda jirta ay caqabad ku no qtay wax badan oo dalkan uu gaari lahaa

Haddii aad fursad he sho oo aad si adag u sha qeyso, horumar waad gaari kartaa.

Daryeelka caafimaadka iyo gaadiidka ayaa halk an ka jaban marka loo eego Maraykanka, Canada iyo Yurub. "Waxaan joogay magaalada Merida, Yuca tan ee Meksiko, qiimaha gawaarida online-ka ku shaq eeya wuxuu ahaa $4 ilaa $10 [qiyaastii "ayay tiri Suzan Haskins, tafatiraha guud ee jariiradda Liv ing International. Wadamo badan oo soo koraya, kaa bayaasha iyo xaaladaha waddooyinka ayaa caqabad ku noqon kara, laakiin dawladdu waxay hadda bilo wday maalgelin kaabayaal dhaqaale oo dhan $44bn, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters, kaas oo la isticmaali doono afarta sano ee soo socota.

NIGERIA

Nigeria

Mid ka mid ah dalalka ugu dhaqaalaha badan Afrika, oo ah Nigeria waxay diyaar u tahay in dhaq aalaheedu uu u koro heerka ugu dhaqsiyaha badan sanadka 2050, celcelis ahaan 4.2%.

Iyadoo dowladdu ay la dagaalantay musuqmaa suqa, dadka deegaanka waxay leeyihiin niyad gana csi oo sii dhiiragalineysa dadka inay horay u sii wad aan howlahooda ganacsi. Marka loo eego xogta Monitoring Entrepreneurship Global, in ka badan 30% dadka reer Nigeria waa ganacsato ama milkiil ayaal cusub - oo ka mid ah kuwa ugu horuma rsan adduunka. XIGASHO:-BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip