HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PEPAR EE MAANTA OO AH AXAD 5-TA FEBARAAYO 2023-KA

0
Sunday February 05, 2023 - 09:22:42 in Wararka by
  • Visits: 415
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PEPAR EE MAANTA OO AH AXAD 5-TA FEBARAAYO 2023-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Senatarada Aqalka Sare Oo Ka Dooday Hindise Sharciyeedka Cunaqabataynta Maaliyaeed Ee Cayiman

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Senator Ca bdi Xaashi Cabdilaahi ayaa Shalay shir guddoomiyay kalfadhiga labaad kulankiis 9-aad oo ajandihiisu ah aa, Akhrinta koowaad ee hindise sharciyeedka cun aqabataynta maaliyadeed ee cayiman.

Kulankan oo ay goobjo og ka ahaayeen Guddoo miye ku xigeenka 1-aad Cali Shacbaan Ibraahim iyo Guddoomiye ku xigeen ka labaad, Cabdullaahi cali Xersi (Timacadde) ayaa warbixin looga dhagaystey Wasiirka Maaliyadda Dr Cilmi Maxamuud.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS, Dr.Cilmi Maxamuud Nuur ayaa xubnaha Sanatarrada Golaha Aqalka Sare u sharraxay muhiimiyadda hindise sharc iyeedka cunaqabataynta maaliyadeed ee cayiman kaas oo ka soo gudbay Golaha Shacabka.

Dhinaca kale, Guddiga horumarinta adeegga Bul shada, arrimaha bani’aadanimada, warfaafinta iyo dhaqanka Aqalka Sare ayaa Shalay Xafiiska Gudd iga ugu yeeray Masuuliyiinta Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Kulanka oo uu shir guddoominayay Senator Cis maan Maxamuud Maxamed (Dufle) ayaa wasiirka loo ga dhageystay warbixin ku saabsan qorshe howleed ka wasaaradda, arrimaha shaqaalaha iyo shaqo abu urka, mashaariicda ay maamusho iyo sida ay wasaar addu uga hirgeliso mashaariicda Dowlad Goboleedy ada.

Wasiirka Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bu lsh ada, Md. Biixi Imaan Cige oo ay wehliyaan Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Cismaan Ibraahim Libaax, Wasiir Dowlaha Wasaraadda Yuusuf Maxamed Aad an iyo xubno kale oo la socday, ayaa guddiga faahf aahin ka siiyay howlaha shaqo ee Wasaaradda iyo dhammaan su’aalihii ay qabeen.

Sheekh Aadan Madoobe oo xiriir la sameeyay dhiggiisa dalka TURKIGA + Ujeedka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo haatan ku sugan Baydhabo ayaa xiriir dhanka khad ka taleefoonka ah wuxuu la sameeyay dhiggiisa dal ka Turkiga Mudane Mustafa Şentop.

Labada guddoomiye ayaa yeeshay wada-hadal gaar ah oo diirradda lagu saaray xiriirka saaxibtinimo ee ka dhaxeeya labada Baarlamaan iyo sidii loo sii xoojin lahaa.

Sidoo kale labada dhin ac ayaa isla soo hadal qaaday xaaladihii ugu dambeeyay ee labada dal, iyo sidii loo sii wadi lahaa iskaashiga xoogan ee ay haatan leeyihiin.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ku ballamay in la wada xoojiyo xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga, maadaama ay dalka ay ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab kaas oo ay ka qayb qaadaneyso dowladda Turkiga.

Dhankiisa guddoomiyaha Golaha Shacabka oo madasha ka hadlay ayaa adkeeyay in la sii laba jiba aro wada-shaqeynta labada baarlamaan ee Sooma aliya iyo Turkiga.

Ma’aha wadahadalkii ugu horreeyay ee ay yeesha an guddoomiyeyaasha Baarlamaanada ee dalalka Soomaaliya & Turkiga, ayaga oo horay uga wada-ha dlay xiriirka ka wada dhexeeya.

Turkiga ayaa kamid ah dowladaha waa weyn ee caawiya Soomaaliya, wuxuuna si u dhow u taagee raa hay’adaha kala duwan ee dowladda federaalka oo uu ku jiro Baarlamaanka.

Sidoo kale waxa ay dowladda dalka Turkiga ay Soomaaliya ka taageertaa dhanka howlgallada milat ariga, ayada oo tababarta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Si kastaba, wadahadalkan ay yeesheen guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo dhiggiisa dalkaas Mus tafa Şentop ayaa kusoo aaday, xilli ay dalka ka socd aan howlgallo xoreyn ah oo ka qayb qaadaneyso dowladda Turkiga oo hawada ka taageereysa ciida mada Soomaaliya.

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo dooddii 2aad ka yeeshay Sharciga NISA

Gudoomiye Kuxigeenka 2aad Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa Shalay shir guddoomiyay Kalfadhiga 2aad, kulankiisii 15aad ee Golaha Shacabka.

Ajandaha kulanka Shalay ayaa ahaa (1) Dhaarinta Xil dhibaan Ilyaas Sheekh Axm ed, oo Arbacadii lagu doortay Magaalada Dhuusama reeb, isagoona ku guuleystay kursigii uu banneeyay Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad. (2) Dham eystirka ka doodista Akhrinta 2aad ee Hindise Sharci yeedka Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qar anka. (3) Ka doodista akhrinta 2aad ee Hindise Shar ciyeedka Korontada. (4) Qaybinta warbixinta Kalfa dhiga 1aad ee Golaha Shacabka 11aad.

Habdhowraha Golaha Shacabka, Xildhibaan Maxam ed Cabdullaahi Xasan (Nuux) ayaa dhaariyay Xildha baan Ilyaas Sheekh Axmed, oo deegaan doorasha diisu tahay Galmudug.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa intaasi ka dib guda galay ka doodista Hindise Sharciyeedka Ha y’adda NISA. Xildhibaanada ayaa doodooda ku sal eeyay toosin iyo turxaan bixin ku saabsan sharcigan cusub.

Kusimaha Gudoomiyaha ahna Gudoomiye Kuxig eenka Guddiga Arrimaha Gudaha, Maamulada Gob olada & Amniga ee Golaha Shacabka, Xildhibaan Nu ur Axmed Diiriye (Nuur Afeey) iyo qaar ka mid ah xubnaha guddigaasi ayaa Xildhibaanada uga mahad celiyay, sida wanaagsan ee ay uga doodeen Hindise Sharciyeedkan, soo jeedinta iyo weliba turxaan bixin tooda.

Guddiga ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka hork eeni doona akhrinta 3aad ee Hindise Sharciyeedka NISA, kolka ay soo diyaariyaan, si Xildhibaanada ay u sii wadaan doodaha ay ka yeelanayaan qodobada ay u arkaan inay tahay in la saxo.

Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka ayaa 5-tii bishii January ansixiyay Hindise Sharciyeedka Hay’adda Nabad Sugidda, waana hindisaha lagu doo nayo in lagu sharciyeeyo jiritaanka hay’addaasi, oo aan horey u haysan wax sharciyad ah, iyada oo 53 sano ka dib uu sharcigan meesha ka saarayo Xeer Number 14 oo Dowladdii Kacaanka ay ku sameysay hay’addan, sanadkii 1970-kii. Xukuumad da Feder aalka ayaa sharcigan u aragto mid dhabaha u xaar aya in lala xisaabtamo Hay’adda NISA.

DFS oo la shaacisay inay wax badan kusoo kor dhin doonto Ururka Bulshada Bariga Afrika

Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Ma daale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku soo dhaweeyay xubno ka socday Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo maalmahaan Muqdisho u joo gay sidii ay qiimeyn ugu sameyn lahaayeen ku biirit aanka Soomaaliya ee Ururka EAC.

Madaxa Xafiiska Ururka Bulshada Bariga Africa Mrs. Tiri Marie Rose oo Munaasabadda ka hadashay ayaa waxa ay si weyn ugu mahadcelisay soo dhaweynta weyn ee iyada iyo wafdigeeda loogu sameeyay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, iyado ona rajo weyn ka muujisay ku biiritaanka Soomaaliya ee Ururka EAC oo ay ku mideysan yihiin dalalka Ken ya, Uganda, Tanzania, DR Congo, Rwanda, Burundi iyo South Sudan.

Ergeyga Soomaaliya u qaabilsan Ururka EAC Da njire Cabdisalaan Hadliye iyo Wasiirka Arrimaha Dib adda iyo Iskaashiga Caalamiga Abshir Cumar Jaa mac (Haruuse) oo dhankooda ka hadlay Munaasab adda ayaa waxa sheegeen in wafdiga EAC oo mu ddo ku dhaw labo isbuuc ku sugnaa Muqdisho ay wax badan qiimeyn ku sameeyeen, iyagoona xusay in ku biiritaanka Soomaaliya ee Ururka EAC wax bad an kusoo kordhin doonno suuqa ganacsiga dalalka Geeska.

Guddoomiyaha Gobolka oo gaba-gabadii Muna as abadda ka hadlay ayaa sheegay in Maamulka G/Banaadir ay ku faraxsan yihiin marti-gelinta Wafdi ga Ururka EAC si ay u arkaan horumarada iyo koba ca dhaqaale ee ka jira guud ahaan Soomaaliya iyo gaar ahaan Caasimadda Muqdisho oo ay ku taala su uqa ugu weyn bariga Afrika ee Bakaaraha.

Sidoo kale Duqa Muqdisho waxa uu xusay in wa fdiga mudada ku dhaw labada isbuuc oo ay joogeen ay arkeen wax badan oo sahli kara in Soomaaliya ay ku biirto EAC, asigoona rajeeyay in quimeynta la sa meeyay ay noqon doonto mid buuxisa shuruudaha la doonayay.

Maxay ka Wada hadleen Gudoomiyaha Golaha Shacabka & Madaxa Xafiiska Siyaasada ee Q/Midoobay?

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Md.Sheekh Aadan Maxa med Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay madaxa Xafiiska Siyaasadda (UNSOM) Mudane Fexton Matupa.

Guddoomiyaha Golaha Shacab ka iyo Madaxa Xafiiska Siyaas adda ee Qaramada midoobay ee (UNSOM) ayaa waxay ka wada hadleen arimaha dib u heshiisinta Koonfur Ga lbeed, waxayna Guddoomiyaha ugu hambalyeeyeen sida hufnaanta leh uu ugu guulaystay wajiga 1aad ee shirka Baydhabo ka socda .

Sidoo kale Qaramada Midoobay ayaa muujisay iney garab taagan yihiin isla-markaana ay taagee ray aan sidii shirka uu guul ugu soo dhammaan lahaa.

Taliye Sulub oo balanqaadkii u horeeyay same eyay ka dib markii uu xilka la wareegay

Taliyaha cusub ayaa ballan-qaadka cusub ee Shalay uu sameeyay ku tilmaamay mid kor u qaada ya awooda gudaha ee booliska, "si awood badan uu u yeesho booliska Soomaaliyeed.”

Taliyaha cusub ayaa waxa sidoo kale laga suga yaa inuu wax ka qabto xaaladda magaalada Muqd isho oo ay hataan Al-Shabaab soo saartay culeys xoogan, xilli uu dagaal culus uga socdo gobolada dalka.

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa dabayaqaa dii bishii hore xilka qaadis ku sameeyay taliyihii ciid anka Booliska Soomaaliya, Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar).

Golaha wasiirada ayaa sidoo kale Jeneraal Sulub Axmed Firin u magacaabay taliyaha cusub ee ciid anka Booliska Soomaaliyeed.

Sulub ayaa horay u ahaa wasiir ku-xigeenka wasaar adda gaadiidka, wuxuuna ka soo jeeda deegaan aha an Jubbaland.

Magacaabistan ayaa timid, kadib soo jeedin ka imaatay wasaaradda Amniga Gudaha, ayada oo gol uhuna uu ku raacay, kadibna asnixiyay magacaabi sta taliyaha cusub.

Xilka qaadista Xijaar ayaa ku soo aaday, xilli M/Muqdisho ay ku jirto xaalad ammaan darro, kadib markii ay kordheen weerarada qaraxyada ah iyo dila ka kala duwan ee ka dhacaya gudaha caasimadda.

Si kastaba, Isbeddalkan ayaa ah mid la filayey, balse soo daahay, kadib doorashadii dalka ka dhacday 15-kii bishii may ee sanadkii hore ee 2022-kii.

Dowladda shaacisay in la dilay horjooge Xasan Cadde oo ahaa horjoogihii koo xda Al-Shabaab deegaanka Janaa-Cabdale

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa Shalayeyd shaacisay in howl-gal qorsheysan lagu dilay horjooge Xasan Cadde oo ahaa horjoogihii kooxda Al-Shaba ab ee deegaanka Janaa-Cabdale iyo deegaanada kale ee u dhow.

Qoraal kasoo baxay wasaarada warfaafinta ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in ciidanka xoogga dal ka iyo kuwa dowlad-goboleedka Ju bbaland ay Shalay howl-gal qorsheysan ku dileen ugu yaraan afar dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaa rijta Al-Shabaab. Howl-galka ayaa ka dhacay dee gaanada Qalow laha iyo Sooyaa oo u dhow degma da Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose, sida lagu sheegay qoraalka wasaarada warfaafinta.

Dhinaca kale, Afhayeenka Howl-gallada ciidanka Jubbaland Maxamed Faarax Daahir oo la hadlay Jubbaland TV ayaa xaqiijiyey dilka kooxdan, sidoo ka le wuxuu sheegay in howl-galkaas lagu burburiyey goobo fariisimo u ahaa kooxda Al-Shabaab.

Howl-galkan ayaa imanaya xilli uu dardar xoogan ku socdo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, oo lagu gaarsiiyay jab weyn kooxda, islamarkaana laga qab saday deegaan horleh oo sanado badan ku jiray gac antooda.

Dhawaan unbay aheyd markii ay DFS ay sheegtay in howl-gal lagu dilay 136 xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyada Al-Shabaab, laguna dhaawac ay 98 kamid ah maleeshiyada kooxda, oo ay ku jir een horjoogayaal.

Sida ay xiligaas warisay dowladda howl-galkaas ayaa ka dhacay dhul ballaaran oo kayn ah oo ka tirs an Shabeellaha Hoose, gaar ahaana ku yaalla inta u dhaxeysa tuullooyinka Tawakal iyo Garasje ereed oo 12KM dhanka galbeed uga beegan degmada Janale.

Wasiirka Amniga DG Hir-Shabeelle: "Wajiga 2aad ee howlgalka waa Deegaannada Galbeedka ka ah Wabiga Shabeelle

Wasiirka Amniga DG Hir-Shabeelle Maxamed Ca bdiraxmaan Khayre oo faah-faahin ka bixiyay howl gallada ka dhanka ah ‘AS’ ee ka socda Gobollada Shabeelaha Dhexe & Hiiraan ee Dowlad-Goboleed kaas ayaa sheegay in ciidamu ay u tallaabi doonna an deegaannada dhaca Galbeedka Wabiga Shabe elle.

Wasiir Maxamed ayaa sheeg ay in deegaanno badan oo katir san Gobollada Shabeelaha Dhe xe iyo Hiiraan DG Hir-Shabeelle inuu maro Wabiga Shabeelle, waqtigaan ayuu tilma amay in biyaha ka gureen (Qalalan yahay), Gaadiid ka & Dagaalamayaasha ‘AS’ ayuu shaaciyay in ay ka soo gudbaan si ay u weeraraan deegaannadii laga qabsaday.

Ka hor Bisha Maarso 2023 ayuu sheegay Wasiir ka Amniga DG Hir-Shabeelle Maxamed Cabdiraxm aan Khayre in la galayo wajiga ugu dambeeya ee ho wlgalka ka dhanka ah ‘AS’ si looga xaqiijiyo in guud ahaan deegaannada Dowlad-Goboleedkaas laga qabsaday waa sida uu hadalka u dhigay.

"Dhammaan deegaannada Argagixisada laga saa ray waxaa gacanta ku haya Ciidamada Dowladda, Hir-Shabeelle & kuwa deegaanka, sababta keentay in ay dib usoo weeraraan meelaha laga qabsaday waxa ay ka dhalatay kaddib markii wabiga Shabeelle uu guray, Meelo badan oo Hir-Shabeelle ayuuna ma raa, sida inoo qorsheysan waxaa Shalay billaaban aya howlgal ka dhan ah Khawaariijta ugu dambeyn Bisha Maarso si loosoo afjaro kooxda naf la caariga ah” ayuu yiri Wasiirka Amniga DG Hir-Shabeelle.

Dhanka kale Wasiirka Amniga DG Hir-Shabeelle Maxamed Cabdiraxmaan Khayre ayaa sheegay in la kala jaray isu gudubka ‘AS’, deegaannada xiga Dow lad-Goboleedyada Galmudug, Koofur Galbeed & Dowlad-Deegaanka Soomaalida laga xayiray isu so codkooda kaddib markii laga qabsaday Magaalooyin muhiim u ah marinkooda. Howlgallada Ciidamada DF, Daraawiishta DG Hir-Shabeelle & Dadka Deeg aanka ay wadaan ayuu sheegay Wasiirka Amniga in uu barbar socda barn aamij loogu magac daray xasil inta si Bulshadu ay u hesho adeegyada ay u baahan tahay, sida goobaha Caafimaadka, Waxbarashada, Maxkamad & Xaruma ha Amniga laga sugo.

DG Hir-Shabeelle ayaa sheegtay in horumar wan aagsan ka gaartay howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee ka socda Gobollada Hiiraan & Shabeelaha Dhexe, Xildhibaanno, Wasiiro heer federal & heer Dowlad-Goboleed, Siyaasiyiin & shakhsiyaad kale ayaa ta gay deegaannada howlgallada ka socdaan si ay she egeen in ay u dhiirrageliyaan ciidamada iskaasha naya.

Wafdi ay hoggaamineyso Wasiirka Gaadiidka XFS oo gaaray Magaalada Beledwayne

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS , Xil. Fardowsa Cusmaan Cigaal iyo wafdi ay hoggaa mineeyso ayaa gaaray magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Wefdi ayaa waxaa qeyb ka ahaa Wasiirka wasa aradda gaadiidka iyo Duulista hawada Hirshabelle Muuse Salaad Wehliye Xildhibaan Cabdirsaaq Ma calin Ciid oo kamid ah Baarlamaanka Fedaraalka So omaaliya iyo Agaasimaha Hay’adda Duulista Rayid ka Soomaaliyeed Axmed Macalin Xasan.

Ku-simaha guddoomiyaha gobolka ahna guddoo m ye ku xigeenka Maaliyadda iyo siyaasadda maam ulka gobolka Hiiraan Xasan Ibraahim Cabdulle Ma yarka Beledweyne Nadar Tabaax maalin iyo madax kale oo maamulka kamid ah ayaa wafdigaasi kusoo dhaweeyay garoonka Diy aaradaha Ugaas Khaliif ee Beledweyne.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuum adda Federaalka Soomaaliya , Xil. Fardowsa Cisma an Cigaal iyo wafdi aay hoggaamineysay ayaa korm eeray qeybha uu ka koobanyahay garoonka Diyaar adaha Ugaas Khaliif gaar ahaan qeybta diyaaradaha ku ordaan oo bur-burka ka muuqda aawgiis halis ugu jiryo garoonka in uu xermo.

Wasiirka ayaa ballan qaaday in maalmo kaddib wajigii koobaan ee dhismaha garoonka uu billaabay doono aayna hakin doonaan diyaaradaha.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XF S, Xil. Fardowsa Cusmaan Cigaal iyo Agaasimaha Hay’ad da Duulista Rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin Xasan oo aay wehliyaan Mayarka Beledweyne Na dar Tabaax Maalin ayaa gunta dhiisha isaga dhigay dhismaha garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Beledweyne, oo dhawaan loo dhisi doono qaab lamid ah garoomada Caalami ah.

la wadaag cid kale

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada XFS oo daah-furay tirakoobka Shaqaalaha dowladda

Wasiirka wasaasaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshadda ee DFS Mudane Biixi Iimaan Cige, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada, Mudane Cum aan Libaax Ibraahim iyo Gudoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka Mudane Xasan Abshirow Maxa med ayaa Shalay si wada jir ah u daah furay tiro ko obka shaqaalaha dowlada.

Tiro koobkaan oo lagu sam eyn doona dhammaan Shaqaal aha Rayidka ee dowladda ayaa Shalay lagu bilaabay wasaara da Shaqada & arimaha bulshada iyo wasaarada Ho wlaha guud ee DFS.Guddoomiya ha Guddiga Qaran ka ee Shaqaalaha Rayidka Md. Xasan Abshirow Max amed ayaa xusay in hormar wanaagsan laga samey ay dhanka diiwangelinta iyo tiro-koobka shaqalaha Rayidka waxuu xusay in waxii hadda ka danbeeya xogta halkaan lagu diiwangeliyo go’aan lagu qadan doona.

Ugu danbeyn, Wasiirka wasaaradda Shaqada iyo Arimaha bulshada Mudane Biixi Iman Cige ayaa bo gaadiyay Guddiga Shaqaalaha Rayidka iyo howl-wadeenada shaqada wada asagoo kula-dardaarmay in si hufan ay howsha u qabtaan.

Abiye Axmed Oo Laba Sano Oo Dagaal Ah Kadib La Kulmay Madaxda U Sareysa TPLF

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa markii ugu horreysay la kulmay madaxda Tigrayga tan iyo markii labada dhinac ay heshiis nabadeed kala saxiixdeen saddex bilood ka hor.

Sawirro ay baahisay warbaahinta dowladda Itoobiya ayaa muujinaya Mr Axmed iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda oo la fadhi ya dadka ugu sarre eya qowmiy adda Tigreega oo uu ku jiro tali yaha ciidamada Tigrayga Jener aal Tadesse Werede.

Waxaa la sheegay inay ka wada hadleen horumarka laga sameeyay hirgelinta heshiiska nabada, iyo sidoo kale arrimaha u baahan in fiiro gaar ah loo yeesho.

Heshiiska ayaa soo afjaray dagaal sokeeye oo socday muddo labo sano ah kaas oo halakeeyay gobolka waqooyi ee dalka.

Madaxweyne Mustafe Cagjar "Magac Suxufi cid ku xoogsanaysa oo sifo sharci ah aan ku joogin degaanka lama oggola"

Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar ayaa qoraal uusoo dhigay barta uu ku leeyahay Facebook, waxa uu kaga hadlay arrimo maalmahan ka taagnaa gudaha dowlad degaanka Soomaali da, kuna saabsanaa Saxaafadda iyo tallaabooyin ay dowladiisu ka qaaday qaar kamid ah Saxaafadda ka howlgasha degaanka Soomaalida.

Ugu horreyn Madaxweyne Must afe Cagjar waxa uu sheegay in dowl ad degaanka Soomaalida ay ka jirto Xorriyatul qawl uu ku tilmaamay mid dibiro dhac sanaysa, oo aan ahayn middii loo baah naa, isla mar kaana keeni karta dhibaato iyo fowdo, waa siduu hadalka u dhigay Madaxweynuhu.

Waxa kale oo Madaxweynuhu sheegay in qofka saxafiga ah looga baahan yahay inuu u hoggaans amo shuruucda u yaal goobta uu ka howlgalayo, isa goo xusay in saxafiga aan sharci wadan uusan dega anka ka howlgali karin " Magac suxufi cid ku xoogsan aysa oo sifo sharci ah aan waliba ku joojin deegaan ka lama ogola". ayuu yiri Madaxweyne Mustafe Cag jar.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Saxaafaddu ay leedahay xuduud qabata, haddii xuduuddaas ay dhaaftana ay noqonayso Fowdo, isa goo yiri " Saxaafad xor ah maaha saxaafad aan xad lahayn. Meela kama jirto Adduunka xorriyad ayna ku ladhnayn masuuliyadd. Xorriyad aysan la socon ma suuliyadna waxay noqonaysaa fowdo".

Ugu dambayn, Madaxweyne Mustafe Cagjar ay aa xusay in dowlad degaanka Soomaalidu u baahan yahay Saxaafad xor ah, ee aan loo baahnayn mid xoogsato ah, oo kolba xaaladda lagu jiro mid caksig eed ah sheegta " Waxaynu u baahan nahay Saxaaf ad xor ah; uma baahnin saxaafad xoogsata ah oo iy adoo gudcur dam ahna tidhaa waa cadde; iyadoo ca dde ahna tidhaa waa gudcur 15 ah". ayuu yiri Mad axweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar.

Hadalladan Madaxweynaha ayaa kusoo beegma ya xilli madmadaw uusoo kala dhex galay Xukuumad da dowlad degaanka Soomaalida iyo Saxafiyiinta ka howlgala degaanka Soomaalida, iyadoo dowladduna ay maalmahan qaaday tallaabooyin ay ku sheegtay inay ku turxaan bixinayso Saxaafadda degaanka So omaalida, taas oo u cuntami wayday qaar kamid ah Wariyayaasha madaxa banaan ee dhawaan laga xanibay shaqadii ay degaanka ka hayeen

Maamulka Jubbaland oo sheegay in howlgal qorsheysan lagu dilay saraakiil iyo xubno ka tirsan Al-shabaab

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howgalo qorsheysan oo ay Shalay ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedka Jubbaland ka sameyeen deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ayaa howlgalada ka sameeyay deegaanada kala ah Qalowlaha iyo Sooyaa oo ka mid ah deegaanada ho ostaga degmada Afmadoow ee G/Jubbada Hoose.

Howlgalada ayaa la sheegay in ciidamada ay ku dile en afar xubnood oo ka mid ahaa dagaalamayaasha kooxda Shabaab oo uu ka mid ahaa horjoogahii Al-shabaab u qaabilsanaa deegaanka Janaa Cabdale iyo deegaanada ku dhadhaw, kaasoo magaciisa lagu soo koobay Xasan Cadde.

Afhayeenka Howlgalada ciidanka Jubbaland Max amed Faarax Daahir oo la hadlay Talefeshinka Jub baland ayaa xaqiijiyey in howlgalka lagu dilay xubn ahaan ka tirsan Shabaab, islamarkaana lagu burburi yey goobo fariisimo u ahaa Ururka Al-shabaaab.

ATMIS oo ka qoomameysay dilkii ka dhacay Ceel-gaabta

Taliska guud ee howlgalka ATMIS ee Soomaal iya ayaa war rasmi ah kasoo saaray dil ay Jimcihii askar ka mid ah kuwooda ay ka gey steen isgoyska Ceelgaabta ee M/ Mu qdisho, kaas oo lagu dilay wiil dhalin yaro ahaa.

Wiilka dhalinyarada oo kamid ahaa ciyaalka darbi jiifka ayaa waxaa laba xabadood ku dhu ftay askari ka tirsan ciidanka ATMIS oo la soc day kulanyo mareysay halkaasi.

ATMIS ayaa qoraalka ay soo saartay ku qiratay di lkan inuu geystay askari kamid ah ciidankeeda, waxa yna shaaca ka qaaday inay ka qoomam ayneyso falkaasi.

"Hawlgalka ku-meel-gaarka M/Afrika ee Soomaal iya (ATMIS) waxa uu ka qoomamaynayaa falkii toog ashada ahaa ee mid ka mid ah askartooda uu Dorr aad ka gaystay isgoyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho,” ayaa lagu yiri Warsaxaafa deedka AT MIS. Taliska oo sidoo kale sharraxaad ka bixiyay si da uu u dhacay dilka ayaa shaaca ka qaaday in inta la dilin marxuumka uu wax kusoo tuuray kolonyada, kadibna uu isku dayay inuu soo fuulo, taasina keen tay inay ka shakiyaan ciidamada, kadibna ay sidaas ku toogtaan.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu yiri in haatan ay wadaan baaritaano ku aadan dhacdadaasi, ayada oo ku baaqday in deganaan la muujiyo inta uu ka soo dhamaanayo dabagalka.

"ATMIS ayaa tan & marka uu dhacay baaritaan ma daxbannaan ku billowday falka, waxayna ku baaqeen deganaan, maadaama ay baaritaanadu socdaan,” ay aa markale lagu yiri. Dilka loo geystay wiilka dhalin yarada ah ayaa waxaa ka dhashay banaanbax ka dhan ah ciidamada ATMIS oo la sheegay inay si bar eer ah u geysteen dilka.

Dadweyne ka careysan dhacdadan ayaa waxay xirteen wadada isgoyska Ceel-gaabta, iyaga oo dhig aya banaanbax ay ku dalbanayaan in cadaalad loo helo dilkaas.Inta badan ciidamada kala duwan ee Muqdisho ku sugan ayaa dilal ka geysta gudaha ca asimada, kuwaas oo aad u kordhay bilihii lasoo dha afay, taasi oo walaac ku abuurtay dadka rayidka ah.

Axmed Madoobe Oo Shaaciyay Xiliga Shabaab Laga Xoreynayo Magaalada Bu’aale

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axm ed Maxamed Islaam ayaa Shalay tababar u soo xiray dufcada lixaad ee Ciidamada Booliska Jubaland oo qaatay tababar kala duwan.

Dufcadan oo ka kooban qeybaha kala duwan ee Ciidanka Booliska gaar ahaan qeybta ka hortaga dan biyada, danbi baarista, ka hortaga rabshadaha iyo Booliska Sida gaarka ah u tababar ayaa gaaraya 150 askari iyadoo Shalay tababarka loogu soo xiray Aka deeniyada Ciidanka Booliska Jubaland ee gobolka Jubada Hoose.

Ciidamadan ayaa loogu tala galay inay la waree gan amniga deeganada laga xoreeyay kooxaha Arga gixisada ah ee howglgalka ka dhanka ah ay wadaan Ciidamada kala duwan ee Jubaland iyo ciidamada xooga dalka.Howlgalka lagu xoraynayo deegaanada Jubaland ee dhawaan bilowday ayaa ilaa hada lagu xoreeyay Deegaanada Aw qumbaale, shandarmood, Ceelcad, Gubakibir, Canjeel iyo Janaa Cabdalle iy adoo Ciidamadan ay durba ka howlgali doonan dee gaanadaas ay xoreeyeen Ciidamada qalabka Sida.

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axm ed Maxamed Islama ayaa sheegay in howlgalada bilowday ay sii socon doonan isla markaan laga xo rayn doono dhammaan deegaanada Jubaland gaar ahaana Magaalada Caasimada ah ee Bu’aale wakht iyada dhow.

Waxaa kale oo Madaxweynahu uu sheegay in Ciidamadan ay ka howlgali doonan dhammaan dee ganadii u danbeeyay ee laga xoreeyay Kooxda Shab aab isla markana ay kala wareegi doonan masuuli yada sugida amniga Ciidamada qalabka Sida.

axmed madoobe oo shaaciyay xiliga shabaab la ga xoreynayo magaalada bu’aaleaxmed madoobe oo shaaciyay xiliga shabaab laga xoreynayo magaalada bu’aaleaxmed madoobe oo shaaciyay xiliga shabaab laga xoreynayo magaalada bu’aaleaxmed madoobe oo shaaciyay xiliga shabaab laga xoreynayo magaa lada bu’aale

Magacyada iyo qabiilada Al-Shabaabkii weerar ay xarunta gobolka iyo ajnabi ka mid ah

Kooxda Al-Shabaab ayaa shaacisay magacyada debleydii weerarka ku uqaaday xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Kooxdan, oo ka koobneyd 6 uu midkood markii hore is-qar xiyey, iyo shan gudaha galay oo markii dambe la filay, ayaa ilaa hadda Al-Shabaab ay shaacisay codad dard aaran oo laga duubay afar ka mid ah.

Arrinta ugu yaabka badan ayaa ah in mid ka mid ah ragga weerarka fuliyey uu yahay ajnabi u dhashay dalka Kenya, ayada oo inta badan aan horey loo ar ag ajaaniibta Al-Shabaab oo weerar ka fuliya Muq disho.

Xubnaha Al-Shabaab ee galay xarunta gobolka Banaadir ee illaa hadda la shaaciyey ayaa kala ah

1- Haaruun Axmed Faarax (Cabdi-Rabi) oo ka mid ahaa dagaalameyashii weerarka ku galay xarunta maamulka gobolka Banaadir. Ninkan ayaa sheegay inuu kasoo jeedo beesha Reer Xaaji Saleebaan ee Habar-gidir, gaar ahaan Jufada Reer Muuse.

Wuxuu ku ku heyb ahaa guddoomiye ku xigeen ka gobolka ee Amniga iyo Siyaasadda Yabooh Axm ed Diiriye. Wuxuuna ahaa 24 sano jir ku dhashay magaalada Muqdisho, sida uu sheegay.

2- Cilmi Cumar Xassan (Yaxye) ayaa isna ka mid ahaa dagaalyahannadii Al-Shabaab ee weerarka ku galay xarunta maamulka gobolka Banaadir ee mag aalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay inuu kasoo jeedo Beesha Daa’u ud ee Wacbuudhan Abgaal, wuxuuna ku heyb ahaa guddomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Madaale. Cilmi Cumar ayaa ku dhashay degmada Ruun-Nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe, sida uu she egay.3- Zubeye Al-Muhaajir, oo u dhashay dalka Ken ya ayaa ahaa ninka saddexaad ee Al-Shabaab ay shaacisay dardaraarankiisa. Waa Kenynati kasoo jeeda Majengo, Nyeri, waxayna Al-Sehabaab ugu ye eraan dadka ka yimaada dalalka kale ee ka tirsan Muhaajir.

4- Nuur Maxamed Suleymaan (Cabdi-Qani) ay aa ahaa ninka afaraad ee ka mid ahaa maleeshiyada Al-Sabaab ee weeraray xarunta Gobolka Banaadir. Wuxuuna sheegay inuu kasoo jeedo beesha Gaal jecel, gaar ahaan jufada Makaahiil Cumar Mataan.

Waxaa la filayaa inay Al-Shabaab baahiso laba da harsan dagaalameyaashii lagu laayay xarunta Go bolka Banaadir ee weerarka ka fuliyay, iyadoo looga bartay inay is-miidaamiyeyaashooda codad ka duuba an inta aysan fulin weerarka ay qaadayaan.

Waxaa xusid mudan in laba ka mid ah ragga wee rarka loo xushay ay ku beel yihiin mas’uuliyiinta gob olka, la-yaabna ma noqon doonto. In labada harsan ay sidoo kale ku beel noqdaan maamulka gobolka. XIGASHO:CAASIMADDA.NET

Dad badan oo Ciraaqiyiin ah oo Carooday markii gabadh dhallinyaro ah oo taageero weyn ku laha yd baraha bulshada uu dilay aabbaheed.

Tibaal-Cali, ayaa waxay safar ugu tagtay qoysk eeda dalka Ciraaq ku nool, wax ayna ka timid dalka Turkiga, hal kaasoo gabadhan 22 jirka ah ayd, ay si madax bannaan ugu noolayd dhowr sano.

Wararka ayaa sheegaya in aa bah eed uusan ku farax sana yn inay kalig eed goob ku noolaato.

Dilkeeda ayaa waxa uu kiciyay ca ro hor leh, oo Ciraaqi yiin badan oo ku jira baraha Internet-ka ee la isku dhaaf sado aar aada, ay ku booriyeen dowladda iney sharci loogga hortagayo dilkan loo yaqaano Sharafeedka ay meel mariso..

Waxay ka dalbadeen dawladda inay qaado talla abooyin aad u adag, oo lagula dagaalamayo tacad iyada ka dhanka ah haweenka.

Ukraine iyo Ruushka oo maxaabiis is weyd aarsa day markii ugu horeysay Mudo Dagaalka socda kadib

Dowladaha Ukraine iyo Ruushka, ayaa sameeyay is dhaafsigoodii ugu dambeeyay ee maxaabiista – kaasoo noqonaya midkii labaad ee sanadkan ilaa iyo haatan.

Maamulka Kyiv, ayaa sheegtay in boqol iyo lix iyo toban ka mid ah askarteeda, la sii daayay. Maamulka Moscow, ayaa Iyana waxay sheegeen in saddex iyo lixdan ka mid ah shaqaalaheeda lasii daayay.

Madaxa shaqaalaha ee madaxweyne, Zelensky, ee (Andriy Yermak), ayaa sheegay in dadka reer Ukraine ee la sii daayay ay ku jiraan ciidana difaacayey Mariupol, qayb ka tirsan Kherson, iyo kuwa wax toogta ee ka dagaalamayay Bakhmut, iyo sidoo kale laba qof oo hawlgalo gaar ah qaabilsanaa.

Wasaaradda difaaca ee Ruushka, ayaa sheegtay in isweydaarsiga ay ku jiraan qaar kamid ah dad u dhsahey Ruushka, oo ay ku tilShalayy dowladda ‘kuwo aad muhiim ugu ah’, taasoo ay uga mahad celinayaan dhexdhexaadinta ay sameysay Imaaraa dka Carabta.

Meydadka labo mutadawiciin ah oo British ah oo lagu dilay bariga dalka Ukraine bishii Janaayo, ayaa la helay, iyagoo qeyb ka ah maxaabiis ay is dhaafsad een Ruushka.Ma aysan cayimin dowladda Ruushka, waxay same eyeen dadkii dhex dhexaadiyey

XASUUQII 4TA FEEBARWARI 1991 – SHEEKADA DILA IYO BOORAMA

Qeexitaanka xeerka caalamiga ah ee xasuuqa oo culumada taariikhdu aanay isku raacsanayn ay aa u yaalla sida tan: ”Acts committed with intent to destroy, in whole or in part, a national ethnical, racial or relgious group.” Khubarrada qaarkood ayaa qeexitaankan ku kabay in ficilkan baabbiinta ”problem populations” ay fulin karto kaliya hay’ad ama koox qaab-dhismeed urur leh.

Waxa dunida qarnigii 20aad ka dhacay xasuu qyo badan. In badan oo ka mid ahi waxa ay ka dhaceen qaaradda dalkeennu dhaco ee Afrika. Xasuuqyada ka dhacay Afrika waxa ka mid ahaa xasuuqii 4tii Feebarwari 1991 ay ka fulisay jabh addii Somali National Movement (SNM) deegaan nada Awdal gaar ahaan Dila iyo Boorama. Walow tiro dhab ah oo sugan aan la hayn illaa hadda, wa xa ay jabhaddu magaalooyinkan ku dishay dad tiro badan oo ah shacab aan hubaysnayn. Mawdd uucan waxa hadda arrin taagan ka dhigay, han jabaad rajiimka Somaliland ku hayo shacab iyo dhalinyaro u badan kuwii waalidkood ku waayay xasuuqan, kadib markii ay sheegeen in ay isugu soo baxayaan duco ay ugu ducaynayaan waalidi intaas la laayay. Baroordiiqda 4ta Feebarwari dar teed waxa Boorama laga soo buuxiyay ciidan xo og u hubaysan. Sadarradan hoose waxan ku iftiim inaynaa xasuuqa, taariikhdiisa guud iyo sida ay tahay in loo wajaho.

Cilmibaadhisyo badan ayaa laga sameeyay ta ariikhda xasuuqyadii dunida soo maray. Xasuuqa ugu wayn ee dhacay qarnigii 20aad waa xasuuqii Naasigii Jarmalku u gaystay Yuhuudda 1930aadkii illaa badhtamihii 40aadka. Waxa ku naf waayay xa suuqan qiyaastii dad gaadhaya 6 malyan oo qof.

Aydhiyoolajiyaddii keentay xasuuqan iyo rajiimkii waday waxa lagaga guulaystay Dagaalkii Labaad ee Dunida. Dunida iyo dalka Jarmalkuna waxa ay isku raaceen in uu dulmi ahaa xasuuqaasi, waxna laga barto si ayna adduunyada ugu soo noqonin wax la mid ahi. Sidaas darteed waxa laysla gartay in ay muhiim tahay faafinta aqoonta xasuuqa iyo taarikhdiisa.

Waxa 1960kii ka dhacay dalka South Africa xa suuqii Sharpeville oo ay ku dhinteen dad gaa dhaya 69 qof. Xasuuqani waxa uu socday wax ka yar 5 daqiiqo. Waxa laysku raacsanyahay in xas uuq waxa xasuuq ka dhigaayi uuna ahayn tirada dadka ku naf waayay ama waqtiga uu socday. Haddii tiro iyo muddo ay macno samaynayso xa suuqyo badan looma aqoonsadeen in xasuuqyo ay yihiin. Xasuuqa Sharpeville waxa aqoonsaday rajiimkii midabtakoorka ahaa ee fuliyay iyo kuwii dhibbanayaasha ahaa. Nelson Mandela waxa uu goobta xasuuqu ka dhacay ee Sharpeville u do ortay in uu ku saxeexo dastuurkii ugu horreeyay ee dimuqraaddi ah ee dalkaasi yeesho.

Xasuuqyada Holocaust, Srebrenica, Rwanda, Sharpeville, Haiti iyo kuwo kale oo fara badan ayaa looga xusaa caalamka qaab baroordiiqeed. Baroordiiqyadu waxay sidaan farriimo ah, illaawi mayno wixii dhacay walow caf iyo saamax ka dambeeyay.Culumada taariikhdu waxa ay isku raacsanyih iin in tallaabada ugu horraysa ee heshiis dhex ma ra bulshooyin ama kooxo xasuuq kala gaadhay tahay qiraal ka yimaadda dhinaca fuliyay xasuuqa. Haddii maamulkii ama cidda ka hadhay maamulka fuliyay xasuuqu ayna ogolayn soo hadalqaadkiisa, lama gaadhin wax saamaxaad, cafis ama heshiis ah.

Waxa jira kooxo ku dooda in SNM ama beela ha dhexe ee Somaliland ee lahaa jabhaddani iyo reer Awdal ay ka heshiiyeen xasuuqii 4ta Feebar wari 1991. Isla markaasna ay taasi calaamad u ta hay gogoshii reer Boorama u fidiyeen ergooyinka Somaliland 1993 oo ku beegnayd labo sano uun kadib xasuuqa. Haddiiba heshiiskaasi jiro, maxay tahay sababta uu maamulka Somaliland Shalay ku diidayo in loo duceeyo shuhadadii ku naf waa yay xasuuqan? Waxa mudan in aan akhristaya asha xasuusinno in marar hore lagu xidhay Boor ama dhalinyaro isu qaadday in ay baroordiiq iyo duco u sameeyaan munaasabadda arrintan.

Ugu dambayntii waxan jecelnahay in aan tilm aanno, in culimada taariikhdu is dul taagtay nug laan shaha nabadda iyo is ogolaanshiyaha ka dhe xe eya bulshooyin falal noocan ahi dhex mareen, haddii ay wali jiraan cabsiyo dhinac tabayo marka la soo qaado taariikhda madow ee falkaasi.

Waxa aan soo jeedinaynaa in xukuummaddu, si la mid ah sida ay u dhiirrigeliso xasuuqii rajiimkii Maxama d Siyaad Barre kula kacay qaybo ka mid ah bul shooyinka Somaliland in ay u dhiirrigeliso xasuu qyada kale ee lagu gaystay magaca SNM. Waxan u jeednaa waa muhiim in maamulku u ast eeyo miisaaniyad lagu xuso Xasuuqa 4ta Feeba rwari ee Dila iyo Boorama.

Hassan Deri

Qareen ahna Xildhibaan, Golaha Deegaanka ee magaalada Linköping, Sweden

Naafic Maxamad Qaadi

Guddida Abaabulka Xuska Baroordiiqda

4ta Feebarwari 2023

DOWLADDA PAKISTAN OO DALKEEDA KA MAMNU UCDAY ADEEGYADA WIKIPEDIA

Hey’adda maamusha isgaarsiinta dalka Pakis tan, ayaa ka xanibtay barta lagu kaydiyo qoraal ada ee Wikipedia dalkaas, iyadoo hey’addu sheeg tay inay ku guuldareystay Wikipedia iney maxfalla deeda ka saarto waxyaabaha aflagaadada ah, inkastoo digniino kal hore loo gudbiyay.

Afhayeen u hadlay, ayaa sheegay in go’aanka hey’adda dib u eegis lagu sameyn karo, haddii encyclopedia online ay meesha ka saarto waxa uu ugu yeertay macluumaadka xiisadda keenaya.

Hay’adda Wikimedia ee fadhigeedu yahay dalka Maraykanka, ayaa sheegtay in mamnuucid dan ay ku dhaqaaqda dowladda dalka shanaad ee dunida ugu dadka badan inay helaan kaydka ugu badan ee aqoonta bilaashka ah.

Mid kamid ah dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuq da dhijitaalka ah ee dalka Pakistan, ayaa ku til maamay mamnuucista mid aan u dhigmin waxa la luminayo, oo aan dastuurina ahayn. Shirkadaha caanka ah ee Facebook iyo YouTube, ayaa horay loo xayiray qoraalo loo ar kay inay yihiin aflagaado, iyo arrimo kale oo xas aasi ka ah dalka Pakistan, oo dadkiisu ay u badan yihiin Muslim

MAREYKANKA OO SHAACIYEY XOG YAAB LEH OO KU SAA BSAN BILALAL-SUDANI OO LAGU DILAY SOOMAALIYA

Saraakiisha Mareykanka ayaa xog cusub ka bixiyey dilkii ay Soomaaliya ugu geysteen Bilal al-Sudani oo ka mid ahaa saraakiisha sare ee kooxda Daacish, iyo saameynta xooggan ee uu ku

lahaa howlgallada kooxda.

Al-Sud ani ayaa ciidamada gaarka ah ee Mare ykanka ee SEAL Team 6, waxay ku dileen howlgal qorshey san oo toddobaadkii hore ka dhacay buuralayda gobolka Bari ee Puntland kadib muddo la raadinayey.

Saraakiisha Mareykanka ayaa xog yaab leh ka helay Al-Sudani, xilli ay baarayeen weerarkii lagu qaaday garoonka diyaaradaha Kabul ee dal ka Afghanistan bishii August 2021, xilligii ay Mar eykanka halkaas kasoo baxayeen.

Sirdoonka Mareykanka, oo markaas kadib xog dheeri ah ka raadinaya kooxda Daacish ee Afgha nistan, oo weerarka fulisay, ayaa ogaaday in Al-Sudani uu madax ka ahaa shabakad maaliyadeed oo Daacish ah oo ku fidsan Afrika, Yurub illaa Afghanistan.

Sirdoonka Mareykanka waxay ogaadeen in Al-Sudani uu ahaa maal-geliyaha laanta Daacish ee Afghanistan, uuna mas’uul ka ahaa dhimashada 13 askari oo Mareykan ah oo lagu dilay weerarkii garoonka diyaaradaha Kabul. Taasi waxay safka hore ka gelisay liiska Mareykanka ee xubnaha Da acish ee dil ama qabasho lagu doonayo.

"Al-Sudani wuxuu lacag geliyey jeebka unugya da kooxda ISIS-K ama Daacishta Afghanistan ee ka mas’uulka ahaa weerarkii ka dhacay albaabka Abbey Gate ee garoonka diyaaradaha Kabul,” wax aa sidaas yiri sarkaal Mareykan ah oo la hadlay wargeysjka New York Times.

Sarkaal sare oo ka tirsan maamulka madaxwe yne Biden ayaa sheegay inuusan jirin qof kale oo ka tirsan Daacish oo lahaa awoodda Bilal Al-Su dani oo kale marka ay noqoto helista iyo qeybinta lacagaha sharci-darrada ah.

Kooxda Daacish ee Soomaaliya ayaa waxay leedahay xafiis lagu magacaabo Al-Karrar oo ah xarun isku xirta howlgallada kooxda ee DR Congo, Mozambique, South Afrika, iyo dalal kale oo Afrika ka mid ah, sida lagu sheegay warbixinta.

Xafiiska Al-Karrar ayaa waxaa soo geli jiray dha qaale badan, taasi oo ka iman jirtay lacagaha sida baadda ah looga ururiyo Soomaaliya iyo Koonfur Afrika iyo dhaq-dhaqaaqyada dambiyeed ee kooxda .

Saraakiisha Mareykanka ayaa sanadihii dho waa la socday xiriir xooggan oo u dhaxeeyey xaf iiska Al-Karrar iyo kooxda Daacish ee Afghan istan.

Mareykanka ayaa Bilaal Al-Sudani ku raad-joogay tan iyo sanadkii 2012, xilligaas oo Al-Su dani lagu soo rogay cunaqabatayn, sidoo kale waxaa la ogaaday in magaca dhabta ah ee nink aas uu ahaa Suhayl Salim Abd el-Rahman


13 RUUX OO KU DHAAWACMAY WEERAR ISRAA’IIL AY KU QAADDAY DAANTA GALBEED

Ugu yaraan 13 falastiiniyiin ah oo laba kamid ahay culus tahay xaaladooda caafimaad ayaa dha awacantay ,kadib markii ciidamada Israa’iil ay we erar ku qaadeen xerada qaxootiga ee Aqbat Jabr oo ka tirsan magaalada Jericho ee dhulka la hay sto ee Daanta Galbeed.

Ciidamada Israa’iil ayaa weerarkaasi u adeegs aday rasaas, gantaal iyo sunta dadka ka ilmey siisa ,waxayna halkaasi ka wateen 10 qof oo rayid ah.

Ururka Bisha Cas ee Falastiin ayaa ku eedee yay Israa’iil in ay xannibtay marinka gaadiidka ambalaasta,waxaana saacado kadib loo ogola aday in ay daaweeyaan dadka dhaawaca ah,adib markii uu howlgalku dhamaaday.

Jericho, oo ah magaalo ay ku nool yihiin 37,000 oo qof, ayaa muddo toddobaad ahsi dhab ah u xirneyd,iyadoo la sheegay in ciidamada Israa’iil ay ugaarsanayaan qaar kamid ah dagaalyahanada Falastiin,

BALLOONKII LABAAD OO LAGU ARKAY LATIN AMERICA

Waaxda Difaaca Maraykanka (The Pentagon) ayaa shaacisay in la arkay Buufinkii 2-aad ee Bas aaska ee Shiinaha (a second Chinese spy bal loon), hal maalin kadib, markii balloonkii 1-aad la gu arkay Hawada Maraykanka (in US airspace).

Afhayeenka The Pentagon, Brig. Gen. Patrick S. Ryder oo Dorraad la hadlay Suxufiyiinta waxa uu sheegay in Balloonka cusub ee wax basaasa uu dul heehaabayo Hawada Latin America.

"Waan ka war haynaa Wararka sheegayo Bal loonka dul heehaabayo Latin America, waxaan u aragnaa mid xiriir la leh Balloonkii hore ee Basaas ka ee Shiinaha” ayuu yiri Afhayeenka oo ka gaab saday inuu Faahfaahin ka bixiyo halka uu heeha abayo Balloonka lagu arkay Hawada Latin Ame rica.

Afhayeenka waxa uu diiday inuu bixiyo Warbi xin Cusub, wuxuuse xusay in Taliska Difaaca Haw ada Sare ee Waqooyiga Maraykanka sii wadaan Ilaalaynta Balloonka Basaaska ee Shiinaha ee ha atan dul heehaabayo Bartamaha Qaaradda America

Mar wax laga weydiiyey sheegashada Shiinaha in uu Balloonkaasi yahay mid dhanka cimilada waxa uu tilmaamay inay ka war hayaan Hadalka Jamhu uriyadda Shiinaha Dadka (The People’s Republic of China), balse ay xaqiiqdu tahay inuu Balloonka asi yahay Ilaalo (a surveillance balloon).

Waxa uu intaasi ku daray in Balloonkaasi ku soo xadgudbay Hawada Maraykanka iyo Sharciga Caalamiga, taasina aan la aqbali karin, isla mark aana ay si toos ah Dowladda Shiinaha ugala xiri ireen arrintaasi

Dhanka kale, Afhayeenka Waaxda Difaaca Mar aykanka, Brig. Gen. Patrick S. Ryder waxa ka wa da gaabsaday Su’aalihii la xiriiray Tallaabada xigta ee ay ka qaadi doonaan Balloonka Basaaska dul heehaabayo meel 60,000 oo cagood (feet) ka sareeysa dhulka.

Su’aalaha uh Afhayeenka ka gaabsaday wax aa ka mid ahaa:☆ Mar haddii uu Balloonka dul marayo Montana, ma Dowladda Shiinaha ayaa maamusha Dhaqdhaqaaqa Balloonkaasi?

☆ Haddii uu Balloonka Basaaska gaaro Badda korkeeda ma toogan doontaan?

☆ Intee in le’eg ayuu Maraykanka ugu dhawa ad ay Amarkii Madaxweynaha ee ahaa in la toogto Balloonka ?

WAR MURTIYEED LAGA SOO SAARAY SHIRKII DIB U HESHIISIINTA KOONFUR

 GALBEED SOOMAALIYA

Shirka wada-tashiga dib-u-heshiisiinta siyaas addeed iyo kan bulsheed ee dowlad goboledka Ko onfur Galbeed Soomaaliya oo uu ku baaqay Gud oomiyaha Golaha Shacabka BFS M.ne. Sheekh Adan Maxamed Nuur Madoobe taariikhdu marka ahayd 19-kii bisha November 2022, si lamid si daas oo kale uu soo dhaweeyeen Madaxweynaha DKGS 20 November 2022 iyo siyaasiyiinta ku mid oobey dalladaha kala ah; Midowga Musharixiinta, Madasha samata bixinta iyo golaha Badbaadada KGS.

Ka dib, Guddomiyaha golaha Shacabka BFS ayaa soo magacaabay isaga oo la tashaday Ma daxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Sooma aliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, guddi fars amo oo ka kooban toddobo (7) xubnood oo ah guddiga farsamada ee arrimaha dib-u-heshisiinta Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Madaxweynaha JFS Dr. Xasan Sheekh Maxa muud ayaa si rasmi ah u furay shirka Dib-u-heshis iinta Koonfur Galbeed Soomaaliya taariikhda mar ka aheyd 17 Janaayo 2023, shirkaas oo ay ka soo qeyb galeen Gudoomiyaha golaha Shacabka Md.. Sheekh Adan Maxamed Nuur Madoobe, Mad axweynaha DKGS M.ne Cabdicasiis Xasan Max amed (laftagreen), iyo siyaasiyiinta ku midoobey dalladaha; Midowga Musharixiinta, Madasha Samata-bixinta KGS iyo mas’uuliyiin kala duwan ee labada heer ee Federaalka, Odayaasha dhaq anka iyo Bulshada Rayidka ah.

GUDDOMIYAHA GUDDIGA DIBU-HESHIISIINTA

Markuu Arkay: Qoddobka 61aad Farqadda 2aad Dastuurka KMG ah ee JFS iyo Qobdobka 142 aad Farqadda 2aad ee Dastuurka KMG;

Markuu Arkay: Qoddobka 4aad ee War-murtiyeed ka shirka dib-u-heshisiinta oo ka qabsoomay magaaladda Baydhabo 17,

Diseember 2022 oo tilmaamayo in Guddoo miyaha golaha Shacabka uu soo magacaabo Guddiga

Farsamadda;

Markuu Arkay: Qoddobka 3aad farqadda 5aad ee Dastuurka DKGS;

Markuu Arkay: Qoddobka 37aad farqadda 1aad Go’aanka golaha Wakiiladda Koonfur Galbe ed Soomaaliya in ay tahay hey’adda ugu sarreysa ee sharci dajinta Dowladda Koonfur Galbeed;

Markuu Dhageystay: Talo soo jeedinta odayaasha dhaqanka KGS oo ah marjica marka ay la soo g udboonaato xaalad Goleyaasha Dowladda si waa faqsan Qodobka 60aad Xarafka (C) ee Dastuurka KGS, xukuumada Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyo siyaasiyiinta ku midoobay dalladaha; Midowga Musharixiinta, Madasha Samata-bixinta Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Bulshada Rayidka.

Markuu Arkay: Dhamaan Nuquladda ay soo wada Gudbiyeen Golaha Wakiiladda nuqulka 1aad ee soo baxay 18ka Abriil 2020 iyo Nuqulka 2aad Tix: GW-DGKGS/XG-09/2020 kuna taariikh san 20ka Abriil 2020 oo labaduba ku saabsan: wax kabadalka Dastuurka Koonfur Galbeed Soom aaliya Qoddobka 50aad kaas oo lagu daray Far qada 3aad;

Marka uu Tixgaliyey Nuqulka go’aan ay soo gudbiyeen oo ay xukumadda DKGS Shirka Dib-u-heshisiinta, kuna taariikhsan 01st Febraayo 2023, iyo kan dalladaha ku midoobey; Midowga Musha rixiinta iyo Madasha samata bixinta Koonfur Galb eed Soomaaliya oo isna ku taariikhsan 2 Febr aayo 2023;

Markuu Arkay: Ismaandhaafka Siyaasaddeed ee ka jiro KGS uu caqabad ku yahay dhamaan hor umarada laga sameyn lahaa la dagaalanka koo xda khawaarijta al- Shabaab iyo Horumarinta Koo nfur Galbeed Soomaaliya;

Waxaa uu gudoomay guddoomiyaha guddiga dibu-heshiisiinta ahna Gudoomiyaha Golaha Shacabka si waafaqsan Qodobka 61aad Farqadd a 2aad Dastuurka KMG ah ee JFS iyo Qoddobka 142 aad Farqadda 2aad ee Dastuurka KMG, sidoo kalena isaga oo tixgalinaya Qoddobka 37aad Far qadda 1aad ee Dastuurka KG.

Qobkobka 1aad

Gudoomiyaha Golaha Shacabka marka uu xaqiijiyey arrimaha siyaasadeed iyo mida bulsh eed ee dooda ka taagneyd, wadatashi dheer kadib waxaa la go’aamiyey:

In ay odayaasha dhaqanka beelaha dowlad gobol eedka Koonfur Galbeed ay soo xulaan mudada u dhaxeysa bisha Novembar 2023-ka ilaa bisha Dec embar 2023 xubnaha Golaha Wakiiladda ee Baarl amaanka KGS iyaga oo la tashanaya beelahooda si waaqsan Qoddobka 37aad farqadda 3aad Das tuurka KG.

In doorashada guddoonka golaha wakiilada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo doorashada madaxweynaha Dowlad Goboleed ka Koonfur Galbeed Somaaliya la qabto inta lagu guda jiro bisha Janaayo 2024.

Qoddobka 2aad

Dhammaan guddoomiyaha guddiga dibu-he shiisiinta, Madaxweynaha Dolwad Goboleedka Ko onfur Galbeed, siyaasiyiinta ku midoobey dallada ha; Midowga Musharixiinta iyo Madasha Samata-bixinta Koonfur Galbeed Soomaaliya waxa ay isku raaceen in Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federa alka iyo Dibu-heshiisiinta ay dhaqan galineyso He shiiska qodobada kor ku xusan




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip