Muxuu yahay tartanka Mo Farah uu wadnaha farta ugu hayo?
Mo Farah ayaa isu diyaarinaya inuu si "qiira leh” u "macsalaameeyo” orodka dheer ee London Marathon, halkaas oo ay ku badan yihiin taageerayaashiisa kaddib markii uu xaqiijiyay inuu ka qeybqaadan doono tartankaasi.
Orodyahanka 39-ka ah ee afarta jeer hore ugu guulaystay orodka Olimbikada, ayaa la filayaa in 2023 uu noqon doono sannadkii ugu dambeeyay ee uu ordo kahor inta uusan tartammada ka fariisan.
Hasayeeshee ma uu hubo in orodkan dheer uu noqon doono midkii ugu dambeeyay ee uu tartan adag uga qeybgala, isagoo sheegay inuu "halkii marba ka qeybgeli doono hal tartan”.
"Ma filaayo in aan taageero la’aan ku guulaysan lahaa guulaha aan gaaray,” ayuu yiri Farah.
"Waa ay wanaagsan tahay in aad dadka macsalaamaysid, waxaanan filayaa inay noqon doonto mid qiiro leh.”
Mo Farah ayey aheyd inuu ordo 2022 hasayeeshee tartankii waxa uu uga haray dhawaac awadii.
Tartanka orodka dheer ee London Marathon ayaa lagu wadaa in dib loogu soo celiyo waqtigii gu’ga ee la qaban jiray kahor xanuunkii safmarka ahaa, iyadoo ay noqonayso markii ugu horraysay oo tartan la qabanayo muddo saddex sanadood ah waxaana si toos ah loogaga tebin doonaa BBC TV, iPlayer iyo online-ka.
'Waxaan doonayaa inaan bal har mar oo kale ordo' - Farah
Mo Farah oo bisha Maarso noqon doona 40 jir, ayaa dhaawac ka soo gaaray sinta waxa uu ka hor istaagay inuu ka qeybqaato tartankii la qabtay sannadkii la soo dhaafay, midkanna waxa uu noqonayaa marathon-kii ugu horreeyay tan iyo 2019, markaas oo uu galay kaalinta shanaad.
Farah oo haysta rikoorka orodka marathon-ka Britain ayaa lagu wadaa inuu markiisii afraad ka qeybgalo London Marathon, 2018 ayey aheyd markii uu kaalinta saddexaad galay – isla sannadkaas oo uu ku guulaystay tartankii Chicago, kaas oo ah guusha kaliya ee orod dheer ee marathon ah ee uu haysto.
"Xirfad aad u wanaagsan ayey ii aheyd, inaan ka qeybqaato London Marathon-na waa wax aad iigu wayn,” ayuu Farah yiri.
"Marwalba waxaan dhahaa waa ay wanaagsanaan laheyd inaan maalin uun ku guulaysto tartankan, laakiin waa in howl adag laga maro.”
Orodyahankan lixda jeer ku guulaystay tartanka World Track Champion, sidoo kalana ku guulaystay tartanka Big Half London ee bishii Sipteembar, ayaa tan iyo bishii Oktoobar 2019 waxa uu orday todoba jeer oo keliya.
"Aad baan ugu faraxsanahay guulaha aan gaaray, waxaanse doonayaa inaan bal markale istijaabiyo oo aan eego waxa aan samayn karo. Hasayeeshee ma jirto cid aan isu muujinayo,” Farah ayaa sidaas ku daray.
"Olimbikada ma aadi doono waxaanan filayaa in 2023 uu noqon doono sannadkii ugu dambeeyay.
"Sidaasoo ay tahayna haddii waqtiga dhammaadka sanadka la gaaro oo waddankeyga uu ii baahdo marna ma diidi doono."
XIGASHO:-BBC
Muxuu yahay tartanka Mo Farah uu wadnaha farta ugu hayo?
.