Daawo: Xasan oo shaaciyay arrin uu ka seexan waayey kadib weerarkii G/Banaadir

0
Tuesday January 24, 2023 - 13:12:20 in Wararka by
  • Visits: 275
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Xasan oo shaaciyay arrin uu ka seexan waayey kadib weerarkii G/Banaadir

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayey weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen xarunta gobolka Banaadir ayaa ka sheekeeyey arrin uu ka seexan waayey oo ka dhacday gobolka Banaadir, kadib weerarkii ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday dhismaha Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.

Madaxweynaha ayaa shaaca ka qaaday in habeenkaas uu ka seexan waayey nin indhoole ahaa oo ku sugnaa xarunta gobolka Banaadir, markii uu dhacayey weerarka, kaas oo meesha looga kala cararay, isaguna uu garan waayey meel iyo albaab uu ka bax

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in raga weerarka geystay ay ninkaas indhoolka ah ugu tageen halka uu ku sugnaa, kadibna ay dileen, maadaama uu ka carari waayey goobta weerarka.

"Xalay waxyaabaha aan ka seexan waayey waxaa kamid ah nin indhoole ah ayaa joogay bug markii uu qaxa dhacay waa la kala cararay qof walba meesha uu aadi karo ayuu aaday wadaadka indhoolka ahaa xagge ayuu aadayaa? meel uu aado ayuu garan waayey? meesha ayey ugu yimaadeen waana dileen,” ayuu yiri madaxweynuhu.

"Adiga maxaa ku sifeynee? Maxaa dhehee? yacni ninaas qofka caadifad yar oo naxariis ah u geli weyday waa indhool meel uu ka baxi ayuu waayey waa carari lahaa,” ayuu raaciyay.

 
 

Ugu dambeyn wuxuu farriiin u diray guud ahaan dadka Soomaaliyeed, isaga oo ugu baaqay in aan laga baqan Al-Shabaab, isla-markaana meel looga soo wada jeesto.

"Nimanka meeshaas joogo ninka ka cabsanaayow cabsidaada meel maleh, cudur daarna maleh’ ayuu markale yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ninka indhoolaha aj ee uu ka sheekeeyay madaxweyne Xasan Sheek ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Axmed Xasan Warsame, wuxuuna ahaa agaasimaha naafada ee gobolka Banaadir, kaas oo la sheegay in xubnaha weerarka fuliyay ay ku gowraceen xafiiskiisa.

 

Weerarka gobolka Banaadir oo saacado badan qaatay ayaa ku billowday qaraxyo, waxaana ku dhintay ugu yaraan illaa 6 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo ka mid ahaa shaqaalaha ka shaqeeya xafiisyada dowladda hoose ee Xamar.

Waan Ka Seexanm Waayay Weerarkii Xarunta Gobolka Banaadir''Madaxweyne Xasan Shiikh - YouTube




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip