Haweeneydii xaaska ahayd ee loo daldalay fal uu sameeyay nin iyada jeclaa

0
Wednesday January 11, 2023 - 21:26:43 in Wararka by
  • Visits: 813
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haweeneydii xaaska ahayd ee loo daldalay fal uu sameeyay nin iyada jeclaa

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

XIGASHADA SAWIRKA,RENÉ WEIS

Qoraalka sawirka,Freddy Bywaters (bidix) oo la sawiran Edith iyo Percy Thompson xilli ay ku sugnaayeen daaradda lamaanaha is guursaday

Freddy Bywaters (bidix) oo la sawiran Edith iyo Percy Thompson xilli ay ku sugnaayeen daaradda lamaanaha is guursaday

Taariikhdu markii ay ku beegneyd 9-kii January 1923, Edith Thompson iyo Frederick Bywaters oo ay jacleyd ayaa loo daldalay dilka ninkeedi iyadoo aysan jirin wax cadeynaya inay ogeyd cidda tooreysay. Maxaa loo xukumay, waa sidee saameynta kiiskaas oo markii uu dhacay laga joogo hal qarni?

Ninka daldalaadda fulinayay iyo kaaliyihiisa ayaa soo galay qolka xabsiga Holloway ee magaalada London subax Talaado ah oo baraf da’ayay.

Waxay la kulmeen Edith Thompson oo 29 jir aheyd oo aan miyir fiican laheyn ka dib maalmo lagu durayay daawo xooggan oo dajisa. Markii ay kooxda dilka soo galeen ayey bilowday inay baroorato.

"Kaalay, waa degdeg,” ayuu nin ka mid ah ku yiri, isagoo dhexda ka haya. Gacmaheeda iyo lugaha ayaa isku xirnaa, waxaana loo qaaday dhinaca halkii daldalaadda. Dhaqso ayaa loo dilay.

Dadweyne badan oo isugu tagay afaafka hore ee xabsiga Holloway subixii la daldalayay Edith

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,

Dadweyne badan oo isugu tagay afaafka hore ee xabsiga Holloway subixii la daldalayay Edith

Meel wax kiilomitir ka yar u jirta xabsiga Pentonville ayuu jaceylkeeda oo dil suge ah ku jiraa.

3 bilood ka hor ayuu Freddy Bywaters tooreeyay Percy oo ahaa ninkii Edith iyagoo xilligaas u socday gurigooda kana yimid tiyaatar. Freddy wuxuu markasta lahaa Edith waxba kama ogeyn weerarka.

Dambiga Edith ay gashay ayaa ahaa inay tahay qof qurxoon oo madaxbanaan oo shaqeysaneysay, sidaasina waxaa yiri mid ka mid ah khubaradii kiiska.

Edgar Wallace oo ah qoraa ayaa yiri, " Hadiiba taariikhda dalkan haweeney loo daldalay eex iyo ogaal la’aanta dadweynaha iyo cadeyn la’aan, haweeneydaas waxay aheyd Edith Thompson."

‘Waxay aheyd qof aan caadi aheyn’

Edith (midig) iyo walaasheed ka yar Avis waxay dhasheen 1890-meeyadii

XIGASHADA SAWIRKA,RENÉ WEIS

Qoraalka sawirka,

Edith (midig) iyo walaasheed ka yar Avis waxay dhasheen 1890-meeyadii

Edith Graydon waxay dooneysay nolol ka duwan midda haweenka dabaqada dhexe laga filayay inay aqbalaan.

1893-dii ayey ku dhalatay Manor Park bariga London. Carruur 5 ka kooban ayey curad u aheyd. Hooyadeed ayey la hayn jirtay walaasheed iyo 3 wiil oo la dhashay.

Markii ay iskuulka dhameysay ayey shaqo ka doonatay magaalada iyadoo ku biirtay shirkadda Carlton & Prior. Degdeg ayey u dalacday iyadoo noqotay madaxa iibka ee shirkadda.

"Waxay aheyd gabar caadi ah oo dooneysay inay noqoto qof aan caadi aheyn,” ayey tiri Laura Thompson oo labo buug ka qortay kiiskan.

January 1916-kii ayey Edith guursatay Percy Thompson. Aqal ayey wada iibsadeen oo ku yaal xaafadda Ilford ee bariga London, kamana fogeyn halkii ay labadoodu ku soo koreen. Edith way ka mushaar badneyd ninkeeda iyo aabaheed. Iyada ayaa bixisay in ka badan kala bar qiimaha guriga inkastoo magaca ninkeeda lagu qoray.

Edith (oo sawirka ka ah qofka shanaad laga soo billaabo dhinaca bidix) waxay marxalado kala duwan kasoo martay shirkadda milliners Carlton & Prior

XIGASHADA SAWIRKA,RENÉ WEIS

Qoraalka sawirka,

Edith (oo sawirka ka ah qofka shanaad laga soo billaabo dhinaca bidix) waxay marxalado kala duwan kasoo martay shirkadda milliners Carlton & Prior

Maadama ay aheyd haweeney dhawaan la guursaday, waxaa laga filayay inay guriga joogto balse taas iyada ma dooneyn. Qoob ka ciyaarka ayey ku fiicneyd waxayna aadi jirtay hoteelada London ee lagu ciyaaro iyo meelaha aan loogu talogelin kuwa dabaqadeeda ah.

"Qof casri ah ayey aheyd,” ayey tiri Ms Thompson oo intaas sii raacisay, "Waxay aheyd qof damac leh oo dhiiran”. Waxay dooneysay inay gurigeeda yeelato taas oo ay gaartay xitaa iyadoo uu ninkeeda ku qoran yahay guriga.”

Edith lama mid aheyn xaasaska, waxay laheyd saaxiib, wuxuu ahaa nin qurxoon oo soo jiidasho leh.

‘Waxaan la kulmay haweeney 3 nin ay ka dhimatay’

Freddy, Percy, Edith

XIGASHADA SAWIRKA,RENÉ WEIS

Qoraalka sawirka,

Freddy, Percy, Edith

Frederick Bywaters wuu yaqaanay qoyska Graydon. Waxay isku fasal ahaayeen mid ka mid ah wiilasha la dhashay Edith. 13 sano markii uu jiray ayuu Freddy ka tagay London isagoo ciidamada badda ku biiray.

Mar uu booqasho ku yimid bishii June 1921 ayuu toddobaad fasax ku tagay Isle of Wight, isagoo u tagay Percy, Edith iyo walaasheed Avis Graydon.

Waxaa halkaas ka bilowday jaceyl u dhexeeyay isaga iyo Edith kaas oo soo ifbaxay markii Freddy uu toddobaad la soo dagay. Wuxuu isaga tagay markii ay isku dhaceen Percy kaas oo mararka qaar ku xadgudbi jiray xaaskiisa. Waraaqo ayey isu qori jireen iyadoo markii ay Edith aqriso jeex jeexi jirtay.

"Si cajiib ah ayey wax isugu qoreen,” ayey tiri Thompson oo buugeeda cusub si faahfaahsan loogu qoray waraaqihii ay isu qoreen.

Edith walaalkeed Bill Graydon (qofka labaad ee dhanka bidix ee safka saddexaad) waxa uu iskuul la dhigtay Freddy Bywaters (qofka afaraad ee dhanka midig ee safka afaraad)

XIGASHADA SAWIRKA,RENÉ WEIS

Qoraalka sawirka,

Edith walaalkeed Bill Graydon (qofka labaad ee dhanka bidix ee safka saddexaad) waxa uu iskuul la dhigtay Freddy Bywaters (qofka afaraad ee dhanka midig ee safka afaraad)

Hal warqad ayey Edith ku faahfaahisay howlaha joogtada ee nolosheeda iyadoo kaga hadashay waxyaabo ay ka mid ahaayeen, galmo, ilmo-sooridid iyo is-dilid. Waxaa isaga khaldanaa xaqiiqda iyo mala-awaalka. Mararka qaar Edith waxay sawiran jirtay in sida filimada inta ay quraarad jabiso ay ugu darto cuntada.

Mid ka mid ah waraaqaha ayaa sidan u qorneyd:

Shalay waxaa la kulmay haweenay ay 3 nin ka dhinteen, dagaal kuma dhiman, labo biyo ayey ku qarqameen, midna wuu isdilay, dad aan aqaano hal kama dhimanayo. Sidee taas sax ku tahay

Mid kalena sidan ayey u dhigneyd:

Rajadeyda iftiinka nalka ayey la ekeyd, wax badan ayaan ka isticmaalay-wax weyn, wax saameyn ah ma lahan, xariga korontada inaan kuu soo diro ayaan doonayay balse waxba ma dhicin

Prof. René Weis oo ka tirsan jaamacadda UCL ayaa ku dhawaad 10 sano kiiska baarayay, wuxuuna aaminsan yahay in waraaqaha ay muujinayaan un jaceyl.

‘Muxuu saa u yeelay?’

Freddy meel ayuu isku qariyay ka hor inta uusan weerarka ka fulin waddada Belgrave
Qoraalka sawirka,

Freddy meel ayuu isku qariyay ka hor inta uusan weerarka ka fulin waddada Belgrave

3-dii Oktoobar 1922 ayey Edith iyo Percy aadeen tiyaatar ku yaal Piccadilly Circus. Markii ay ruwaadda dhamaatay ayey soo raaceen tareen iyagoo soo aaday wadada Liverpool ka hor intii aysan tareen kale u soo raacin xaafadda Ilford. Markii ay marayeen wadada Belgrave ayaa waxaa ku soo orday nin. Percy ayuu abaaray kaas oo goobta ku dhacay. Dhowr jeer ayaa luqunta tooreeya looga dhuftay. Dhiigiisa ayaa meel kasta gaaaray. Waxaa bilowday baaritaan.

Freddy, oo lagu arkay saldhigga booliska Ilford waxaa la xiray isagoo booqanaya Edith waalidiinteeda

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,

Freddy, oo lagu arkay saldhigga booliska Ilford waxaa la xiray isagoo booqanaya Edith waalidiinteeda

Percy walaalkii ayaa booliska ku yiri la hadla Freddy. Waxaa la baaray qolkiisa oo ku yaalay guriga hooyadii iyadoo la helay waraaqihii jaceylka. Tuhun ayaa labadooda soo galay.

Saldhigga booliska xaafadda Ilford ayaa labadooda laysugu keenay iyadoo la rajeynayo in dambiga lagu helo. Markii ay is hor faristeen ayey ku qelisay, "Muxuu galabsaday? Ma dooneyn inuu sidaa yeelo, Alla, maxaa sameeyaa? Waa inaan runta sheegaa.”

Markabka uu ka shaqeynayay ayaa la baaray waraaqo ayaa laga helay, waxaana ku jiray kuwa ay Edith ku laheyd waxaan doonayaa inuu meesha ka baxo.

Freddy ma beenin inuu Percy tooreeyay balse wuxuu ku dooday inuu ku dhagay sidaasna isku difaacay. Markii loo sheegay in Edith sidoo kale eedeysane tahay, wuxuu Freddy ku jawaabay, "Waa maxay sababta? Mrs Thompson lama socon dhaqdhaqaaqeyga.”

‘Jawiga habeenkii koowaad’

Edith iyo Percy waxay is guursadeen January 1916 ka hor inta aysan bisha malabka u aadin Westcliff, Essex

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,

Edith iyo Percy waxay is guursadeen January 1916 ka hor inta aysan bisha malabka u aadin Westcliff, Essex

Wargeysyada ayaa qoray faahfaahinta maxkamadda. Bad ayey dhexda ka galeen eedeysanayaasha.

"Indhaha dadka ayaa soojiiteen. Waxay noqdeen sida xidigaha filimada,” ayey tiri Ms Thompson.

6-dii December 1922-kii ayaa Edith iyo Freddy maxkamadda la soo taagay. Dad ayaa isugu yimid dibadda maxkamadda. Sagaal maalmood oo ay socotay maxkamdda waxaa dadka boosaska u sii qabanayay rag badan oo shaqo la’aan ahaa kuwaas oo lacag ka sameeyay.

Freddy waxaa sawirkan laga qaaday intii ay socotay dacwadda dilka Percy ka hor inta aan si rasmi ah loogu aqoonsan la tuhunsane

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,

Freddy waxaa sawirkan laga qaaday intii ay socotay dacwadda dilka Percy ka hor inta aan si rasmi ah loogu aqoonsan la tuhunsane

Picture

 

Beverley Nichols oo markaas ahaa wariye da‘yar ayaa maxkamadda joogay. BBC-da ayuu la hadlay 1973-dii isagoo sharaxay sida uu jawiga maxkamadda ahaa.

"Waxaa joogay dad badan, ururada haweenka, iyo kuwa warka doonayay”

‘Haweeney isla-weyn oo daneyste ah’

Dad ayaa saf u galay si ay u galaan xarunta ay dacwadda ka socotay ee Old Bailey

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,

Dad ayaa saf u galay si ay u galaan xarunta ay dacwadda ka socotay ee Old Bailey

Cadeyn muhiim u aheyd xeer-ilaalinta iyo waraaqihii jaceylka ayaa la aqriyay. Xeerbeegtida waxaa loo sheegay inay akhristaan iyaga.

"In maxkamadda laga aqriyo qoraalkas ayaa naxdin aheyd. iyo erayada gaarka ay dadweynaha dhageysteen sida erayo ay ka mid ahaayen jirdil,” ayey Ms Thompson tiri. Xilliga ay ku soo aaday oo aheyd dagaalkii koowaad kaddib ayaa kordhiyay naceybka loo qaaday Edith sida uu sheegayo Prof Weis.

"Sheekada ugu badan UK waxay aheyd haweeney ragoodi dhinteen balse tan waa ka duwaneyd, waxay u ekeyd mid jacel, nin fiican, tiyaatar. Bal eeg waxa ay ku sameysay. Nin wanaagsan kuma fileyn miyaa.”

"Dadweynaha waxay jaclaadeen Freddy iyagoo naceyb u qaaday Edith taas oo nin da’yar ah shukaansatay kaddibna sababtay geerida nin kale”, ayuu yiri Prof Weis.

‘Gabadha dambi ma leh’

Xilliga Edith oo 29 jir ahayd lagu daldalayay xabsiga Holloway weli ma aysan gaarin da'da lagu codeeyo

XIGASHADA SAWIRKA,MUSEUM OF LONDON/GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,

Xilliga Edith oo 29 jir ahayd lagu daldalayay xabsiga Holloway weli ma aysan gaarin da'da lagu codeeyo

Naceybka dadweynaha u qaadeen Edith waa mid uu garsooruhu la qabay. Shearman, kaas oo si joogta ah u joojinayay xeerbeegtida. Cadeynta laga keenay waxay aheyd mid aan adkeyn. Meydka Percy waxaa laga baaray sun iyo quraarado balse waxba lagama helin

Inkastoo qareenkeeda uu baryay hadana Edith waxay u istaagtay inay cadeyn bixiso.

"Waxay iila ekeyd astaan dambi lawaawe oo aad dooneyso inaad sameyso sidaa,” ayey tiri Ms Thompson.

Edith waxay sameysay qalad weyn. Xeerbeegtida waxay ka faa’idesteen wixii ay qortay iyagoo hadalo been ah ka helay si ay xiraan.

11kii December ayey maxkamdda go’aanka gaartay. Edith oo oohinta ceshan la’ iyo Freddy ayaa lagu xukumay inay dambi dil ah galeen. "Xeerbeegtida way qaldan yihiin, gabadhan dambi ma lahan” ayuu ku qeyliyay Freddy

‘Dhabtii fursad lama siin’

Edith waxay waalidkeeda aragtay hal maalin ka hor daldalaaddeeda

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,

Edith waxay waalidkeeda aragtay hal maalin ka hor daldalaaddeeda

Codsi Freddy looga badbaadinayo dilka ayaa waxaa saxiixay in ka badan milyan.

 

"Haweenka naceyb ayey u qaadeen maxaa yeelay way ka baqayeen, waxay ka mid aheyd haweenka ay kuwa kale u arkayeen in raggu ay jecel yihiin” ayey tiri Ms Thompson.

 

"Marna fursad lama siin”

Ra’yiga dadweynaha ee wargeysyada qoreen into badan way ka horjeedeen. Kaddib markii la daldalay waxay haweenka warqad u qoreen xoghayaha arrimaha gudaha William Bridgeman iyagoo uga mahadceliyay inuu difaacay sharaftooda

Alaabtii guriga Edith oo la xaraashay ayaa lagu tartamay

XIGASHADA SAWIRKA,RENÉ WEIS

Qoraalka sawirka,

Alaabtii guriga Edith oo la xaraashay ayaa lagu tartamay

Edith intii ay xabsiga ku jirtay ayey waraaqo soo qortay. Mid ka mid ah ayaa sidan u qorneyd

Maanta waxay u muuqataa in waxwalba dhammaadeen. Ma qiyaasi karo, Darbi adag gadaashiisa ayaan ku jiraa kaas oo indhaeya iyo maskaxdeydaba ka dhaxbixikarin. Waa wax awoodeyda ka baxsan in xukunkan uu u taagan yahay fal aanan geysan, wax aanan ogeyn mar sii horeysay iyo hadda.

Haweeney kasta oo dil lagu xukumay 10 kii sano ee la soo dhaafay dib ayaa loo dhigay dilkooda balse Edith kiiskeeda waa la diiday

‘Ugu dambeyn hadda way la jirtaa’

Qabriga Edith Thompson waxa uu ku yaallaa qabuuraha London City
Qoraalka sawirka,

Qabriga Edith Thompson waxa uu ku yaallaa qabuuraha London City

Picture

 

Sebtember 1923-kii waxaa la xaraashay agabkii Thompsons, dad badan ayaa jecleystay. Mid ka mid ah shaqaalihii xaraashka ayaa sheegay waxwalba waa la qaaday sababtoo ah dadku waxay doonayaan inay dhahaan wax ayaan ka helnay gurigaas. Inkastoo 50 sano ka hor la joojiyay daldalaadda Britain hadana weli sheekadooda waa mid taagan. "Waxaa muhiim ah in dadku weli ogaadaan inaysan waxba isbeddelin, markatsa eexashada waa wax jira.

"Digniin culus ayaa ku jirta sheekadan, hubi dareenkaaga ku wajahan dadka fakarka qaldan laga qaatay. Waa dareen adag oo bulshada ku adag inay iska celiyaan.”

XIGASHO:-BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip