HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH TALAADO 3-DA JANNAAYO 2023-KA

0
Tuesday January 03, 2023 - 08:13:08 in Wararka by
  • Visits: 429
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH TALAADO 3-DA JANNAAYO 2023-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Madaxweyne Xasan oo laba sarkaal ku amaa nay kaalintooda dagaalka Al-Shabaab

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Ma xamuud ayaa aad ugu ammaanay doorka ay ku leeyihiin dagaalka dalka ka socda Taliyaha ciidan ka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf iyo Tali yaha ciidanka dhulka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi.

Madaxweynaha oo Shalay xerada ciidanka xo ogga ee Jeneraal Goordan kula hadlaayey cutub yo ka tirsan ciidankii tababarka ku soo qaatay dal ka Eritrea ayaa labadaas taliye ku ammaanay sida ay waqti ugu bixiyeen hoggaaminta dagaalka dal ka looga xoreynayo Al-Shabaab.

Wuxuu sheegay in maalin kasta ay isaga gud baan dhul halis badan oo cadow ka dagaalamayo, iyagoo awooda inay xafiisyadooda fariistaan oo cii danka halkaas ka hagaan.

"Odawaa iyo Biixi oo garbaheyga taagan har iyo habeyn ma nastaan, iyagoo Jananno ah oo xa fiisyo leh ayey buuraha ku dhex hoydaan, furima ha kama soo baxaan, sidaas oo kale ayaan idinka rabaa inaad uga qeyb qaadataan dagaalka Al-Sha baab,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo aad ula dardaarmay ciidankaan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Biixi iyo Odawaa ay awood u leeyihiin in xafiiskooda aysan ka bixin oo ciidanka dagaalamaya ay gacanka oo kaliya kala hadlaan, balse taas ay meel iska dhig een oo furimaha ay isku daba-maraan, si looga gu uleysto argagixisada.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa shaaciyey in dad badan ay su’aalo ka weydiiyeen sababta uu ciidanka u dhex-tago, balse wuxuu sheegay inuu aad ugu farxo guulaha ciidamada, isla markaana uu farxad badan dareemo marka uu la kulmayo ciidanka.

"Waxaan ahay Aabbe, waana garanayaa in aad u baahan tihiin inaad u tagtaan ehelladiinii oo bo oqataan tuulooyinkii ay waalidkiin deganaa yeen, waa tegeysaan insha allaah, iyagoo xor ah oo intii cadow heysto laga xoreeyey,” ayuu ciidan kaan kula dardaarmay madaxweynuhu.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ciidankaan faray in ay u diyaar garoobaan ka qayb galka da gaalka dalka looga xoreynayo kooxda Al-Shab aab.

"Aniga iyo shacabka Soomaaliyeedba waan ku faraxsanahay dib usoo laabashadiina. Shalay wi xii ka dambeeya waxaan galeynaa diyaar garoow iyo dhaqaaq aan ku wajahayno cadowga. Waxaan rabnaa in howgalka cusub ee deegaan ada dhimm an lagu xoreynayo uu ka degdeg bato kii hore, mu ddo koobana lagu soo afjaro,” ayuu dardaarankii sa ku sii daray Xasan Sheekh.

Ugu dambeyntii Madaxweyne Xasan Sheekh ay aa uga mahad celiyay Dowladda Eritrea garab ist aagga ay u muujisay Shacabka iyo Dowladda Soo maaliyeed waqtiga adag ee lagu jiro dib u xoreyn ta dalka.

"Halka Ujeeddo ee Eritrea ay ka leedahay inay ciidankaan noo tababarto waa in Soomaaliya ay ka xorowdo cadowga dalka iyo dadka duleystay, magaca Eritrea in mar kasta aan xusno kama caa jisi doono,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ra'iisul Wasaaraha oo la kulmay Guddiga Door ashooyinka ee Xiriirka Kubadda Cagta Soomaa liyeed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa kulan la qaatay Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaa raha, Mudane Maxamed Barre Maxamuud iyo Guddiga Doorashooyinka ee Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed.

Md.Xamse Cabdi Barre ayaa kala hadlay masu uliyiinta cayaaraha dhawr arrimood oo muhiim ah oo ku saabsan doorashada Guddoomiyaha Xirii rka Kubadda Cagta oo la filayo in dhowaan la qa bto iyo sidii fursado loogu abuuri lahaa dhalliny arada ku sugan goobaha laga xoreeyay Khawa arijta.

R/Wasaaraha ayaa sheegay in Guddiga looga fadhiyo inuu qabto doorasho daah-furan oo cadd aalad ku dhisan, iyadoo la raacayo shuruucda u degsan xiriirka. Waxuna tilmaamay in aan la aqb ali karin is barbar yaac, isaga oo kula dardaarmay guddiga in ay ka feejignaadaan dhinac gaar ah in ay la saftaan.

R/Wasaaraha ayaa sheegay in rajo weyn laga qabo dhallinyarada 17 jirka ah ee guusha soo hoo yay, isla markaana aan loo baahneyn in lagu niy ad jabiyo is qabqabsi fursadaha jira lumiya.

Dhinaca kale, Mudane Xamse Cabdi Barre ay aa xusay in Wasaaradda iyo Xiriirka laga doonayo abaabulka cayaaro iyo is dhexgal bulshada iyo dhallinyarada ku sugan goobaha Khawaarijta laga xoreeyay, isla markaana jiilalka soo kacaya loo dhi so garoomo ay ku ciyaaraan.

Xasan oo shaaciyey xogta sababtii ay Puntl and u saxiixi diiday heshiiska

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Ma xamuud ayaa khudbadiisii Habeen hore qeyb ka mid ah uga hadlay khilaafaadka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka, si gaar ah khilaafkii la sheegay in Puntland ay kala noqotay shirkii u dambeeyey.

Madaxweynaha ayaa sheegay in faalooyin qaldan laga qoray shirkii u dambeey ey ee dowladda federaalka iyo dowlad gobolee dyada, isagoo qiray in madaxweyna ha Puntland Saciid Deni uus an saxiixin heshiiskii lagu gaaray shirkaas.

"Waxaan rabaa in warbixin aan idinka siiyo shi rkii u dambeeyey oo laga faafiyey faalooyin aan sax aheyn, shirkii dhowaa ee golaha wadatashiga, wuxuu ahaa muhiim, waxaana looga hadlayey la ba ajende,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in labadaas Ajende horay looga balamay oo shirkii hore ee golaha lagu go’aamiyey in shirkaan dambe looga wadaha dlo labadaas qodob, "Xiligaas waxaan ku balanay in qolo kasta ay ka soo fekerto,” ayuu yiri.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in wadahadal kadib shirkii u dambeeyey heshiis loo ga gaaray labadii qodob ee ajendaha u aheyd shir ka, balse Puntland aysan saxiixin heshiiska.

"Walaalaheen reer Puntland waxay ka cudurd aarteen heshiiskaas, waxay dalbadeen waqti dhe eri ah oo wadatashi ay ku soo galaan, waqtigii ay u baahnaayeen ayey qaateen, waana ka rajeyney naa in aragtidooda ay noo keenaan,” ayuu hadalkii sa ku sii daray Xasan Sheekh. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa cadeeyey in dowl adda federaalka iyo afarta dowlad goboleed ee kale ay heshiiskaas si buuxda isugu af-garteen oo la wada saxiixday.

"Walaaleheen reer Puntland, waxaan ka rajey ney naa in mar dhow aan aragtidooda helno, si lo ogu saleeyo dastuurka la sameyn doono,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Labada qodob ee ajendaha u aheyd shirkaas, Puntland-na ay ka cudurdaaratay inay saxiixdo ayaa bayaankii ka soo baxay shirka waxaa lagu cadeeyey in loogu heshiisyey sidaan:

1–HANNAANKA FADERAALAYNTA GARSOORKA

Goluhu, marka laga reebo Puntland, wuxuu sax iixay heshiis siyaasadeedka Hannaanka Fedaraa laynta Garsoorka iyadoo la isku raacay in la qaato hannaanka isku-dhafka ah ee garsoorka.

2 – ASTAYNTA AWOODAHA HEERARKA DOWLADDA

Goluhu, marka laga reebo Puntland, wuxuu isku raacay, saxiixayna heshiis siyaasade edka Astayn ta Awoodaha heera rka dowladda kuwaas oo kala ah: awoodaha u gaar ah heer federaal, ku wo u gaarka ah heer DXDF iyo kuwo wadaagga ah.

Wasiirka Maaliyadda DF oo shaaciyey in deyn cusub ay qaadatay Somalia

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cilmi Maxa muud Nuur ayaa markii ugu horeysay ka soo jaw aabay warbixintii sanadlaha aheyd ee hantidhawr aha guud ee qaranka, taas oo inteeda badan quse ysay wasaaradda maaliyadda.

Xafiiska hanti-dhowraha guud ee dawladda So omaaliya ayaa dhowaan daabacay warbixin sanna deedka maaliyadda ee 2021-kii, taas oo lagu shaaciyey in 55% wasaara daha iyo hay’adaha dawladda ay ku guul-daraysteen inay ree baan caddaymaha lacag bixiin ta iyo kharashaad ka xisaab-xirka hay’adahaas.

Waxaa kale oo hanti-dhowruhu sheegay lacag ku dow $100 milyan oo dollar inay Wasaaradda Maaliyaddu ka daynsatay hay’adda lacagta addu unka ee IMF iyo Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, taas oo la isticmaalay.

Wasiirka ayaa qiray in caqabadihii iyo dul-dul eeladii maaliyadeed ee hantidhawruhu soo bandhi gay ay jiraan, sidoo kale wuxuu qiray inay jirto la cagtaas ay deynsatay dowladda Sooma aliya.

Wasiir Cilmi ayaa sheegay in Dowladda Soo maaliya aan loo ogoleyn in ay deyn qaadato, ba lse hey’adda lacagta adduunka ee IMF ay horay u ogolaatay 100 milyan oo lagu qalabeynayo Bangiy ada maamula dhaqaalaha dalka.

"Soomaaliya hadii ay qaadato deyn wax badan ayey ku weyneysaa, laakiin hadda waxaa noo ogo laatay oo na deymisay IMF, lacagtaas waxay keyd ahaan u tiilay bangiga dhexe, hadii aan isticmaal no waxaa nagala rabaa dul-saar, hadii ay iska taal ana dul-saar nalama qaadeen, balse hadda waan u baahanay waana isticmaalnay, waxaana lagu waajibay dul-saar,” ayuu yiri Wasiir Cilmi.

Sidoo kale wuxuu cadeeyey in laca gtaas ay is ticmaashay xukuumadii tan ka horeysay, "Lacagt aas oo ku keydsaneyd Bangiga dhexe, waxaa ka maarmi weysay xukuumadii hore, xiligaasna baar lamaanka la hor geeyo, si loo fasaxo isticmaalkee da ma uusan jirin, marka sidaas ayaa loo isticmaa lay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.Lacagtaas ayuu sheegay in markii hore loogu tala galay xoojinta ke ydka bangiga dowladda, isla mar kaana ay ogol aadeen bangiga adduunka iyo IMF in la isticmaali karo,hadii laga maarmi waayo, balse aysan aheyn deyn si ku talagal ah loo soos qaatay.

Ku simaha Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista hawada oo Shalay kormeeray waaxda (PRA) ee Gadiidka Rayidka.

Kusimaha Wasiirka Gadiidka iyo Duulista haw ada ahnna Wasiiru’dawlaha Wasaaradda Gadiid ka iyo Duulista hawada XFS Xildhibaan Maxa med Cumar (Cananuug) ayaa Shalay kormeeray hab sami u socodka shaqada Waxda (PRA) ee Wasa aradda Gadiidka isaga oo mid mid ugalay Xafiisya da kala duwan ee loogu adeego shacabka Somali yeed.

Agasimaha Waaxda (PRA) Mawliid xusen c umar ayaa uga warbixiyey Wasiirka intii uu ku guda jiray shaqa da kormeerka uga

Wasiir Cananuug ayaa shaqa alaha Wasaradda u sheegay in ay ilaaliyaan wakhtiga shaqada soo gal ista iyo ka bixitaanka Madaama ay Gudan ayaan wajib kooda shaqo.

Xukumadda Dan-qaran ayaa wada dadaaallo lagu hormarinayo shaqada hey’addaha Dawlada taas oo lagu kormeerayo shaqaalaha Dowladda goobahooda shaqo.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo kulan la qaatay qaar ka mid ah madaxda Ururrada Saxaafadda Soomaaliya

Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaa liya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa xafiiski isa kulan kula qaatey madaxda ururrada saxaafad da ee FESOJ, SOMA iyo MEDIA WOMEN NETW ORK (MWN). Waxaa xubnaha uu shirka la qaatey ay kala yihiin Faarax Cumar Nuur (FESOJ), Max amed Cusmaan Maka raan (SOMA) , Kaafiyo Ca bdullaahi Naaleeye (MWN) iyo Maxamed Maxam uud Cadde.

Kulankan wadatashiga ah ayaa looga hadlyay sidii Wasaaradda iyo Ururrada Suxufiyiintu isaga kaashan lahaayeen u adeegidda bulshada Soom aaliyeed, looguna gudbin lahaa fariimo sax oo la xiriira wacyigelinta iyo horumarka dalka.

Wasiirka ayaa tilmaamey doorka ururradan ku leeyihiin horumarka saxaafadda iyo waqtigii adkaa ee ay ku shaqeynayeen, isagoo ku bogaadiyay da daalka ay weli ugu adeegayaan shacabka. Waxaa uu wasiirku intaa ku darey in saxaafaddu ay kaalin mug leh ay ku leedahay jiheynta shacabka iyo dhi smaha dowladnimada , madaama ay iyagu yihiin kuwa fariimaha waxgalka ah u gudbiya bulshada.

Madaxda ururrada suxufiyiinta ayaa dhankooda sheegay in muhiim ay tahay in wax laga qabto caq abadaha qaar , taasina ay qeyb weyn ka qaadan karto in fariimo wax dhisaya oo isku mid ah loo gudbiyo bulshada Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa u ballan qaadey madaxda urur rada in wasaaraddu ay xoogga saari doonto wada shaqeynta ay la leedahay dhammaan ururrada sa xaafadda iyo warbaahinta kala duwan ee dalka ka jira, isagoo intaa ku darey in caqabadaha jira si wa dajir ah xal loogu raadin doono.

Guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya oo magacaabay guddiga farsamada shirka dib u heshiisiinta K/Galbeed

Guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya, She ikh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa magacaabay guddiga farsamada ee shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed Soomaal iya.

Guddigan oo ka ko oban 7 xubnood ay aa loogu ta lo galay inay isku du barid aan fars amo ahaan shirka dib u heshii siin ta Koonfur galbeed oo la qab ana yo shanta bi sh an January.

Guddoomiyaha barlamaanka So omaaliya, Aad an Madoobe, ayaa rajo weyn ka qa ba in shirka dib u heshiisiinta uu soo afjaro khilaaf ka siyaasa deed ee cakiran ee ka taagan Koonfur Galbeed.

Qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ee u ololaynaya doorashada Koonfur Galbeed ayaa horey u saluugsanaa shirkaan, iyagoo ku eedee ynayay guddoo miye Aadan Madoobe inuu u jan jeero dhinaca Lafta Gareen.

Balse, Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo labo habeen ka hor kulan kula qaatay magaalada Muqdisho Midowga Musharrax iinta iyo Madasha Badbaadada Koonfur Galbeed, waxay ku heshii siyeen in laga wada qeyb galo shirka dib u heshiisiinta.

SACIID DENI oo shaaciyay laba hab oo ay ku wajahayaan xiisadda Laascaanood

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdulla ahi Deni oo warbaahinta kula hadlay mad axtooyada Garoowe ayaa shaaciyay in Puntland ay diyaar u tahay xal millateri iyo mid siyaasadeed inay ku wajahdo xaalada ka taagan magaa lada Laasca ano od.

Madaxweyne De ni ayaa sidoo kale waxa uu she egay in siyaasiyiinta iyo waxgaradka reer Laa sca anood loo ga baahan-yahay inay la yimaadaan qa diyad mid aysan oo ku saabsan xaaladda taa gan.

"Haddii ay Somaliland qaadan weydo baaqya da shacabka Laascaanood kasoo yeeraya ee ay ku dalbanayaan inay ka baxdo Laascaanood iyo guud ahaan gobolka Sool, Puntland waxay diyaar u tahay tallaabo kaste oo suuragal ah inay qaad do,” ayuu yiri madaxweyne Saciid Deni. Deni ayaa waxa kale oo uu iska diiday dhaliil loo soo je ediyay oo ku saabsanayd inuu ku ma shquulsan yahay arrimaha door ashada, xili mag aalada Laa scaanood uu ka taagan yahay qalala ase dad badani ku dhinteen.

"Waxba iskama quseeyaan doorashada iyo arri nta Laascaanood. Waxaa doorashada waji xume ynaya ururo aan dad haysan. Waxaa diyaar u ah ay in aan qabto doora shada Golaha Deegaanka,” ayuu hadalki isa sii raaciyay xili uu khilaaf badan ka taag an yahay doorashada qof iyo cod ee maa mulkaasi. Deni ayaa hore garab istaag ugu muuj iyay dadweynaha reer Laascaanood ee dhigaya dibadbaxa, isaga oo Somaliland ugu baaqay inay ka waantoobaan ficilada guracan ee loo sama ynayo in lagu cabudhiyo ama lagu xukumo dad u soo halgamay, welina u dhimanaya jiritaanka iyo midnimada ummada Soomaaliyeed.

Hadalkan ayaa imanaya xili ay weli sii socdaan rabshadaha Laascaanood, islamarkaana uu kor dhay khasaaraha ka dhashay, ayada oo dhimasha da ay gaartay 20 qof, sida ay shaaci yeen bahda caafimaadka.

Xaaladda Laascaanood ayaa u muuqata mid kasii dareysa, maadaama aan weli xal loo helin ra bshadaha socda, waxayna sha cabku sii wadaan dibadbaxa, halka ciid amaduna ay adeegsanaya an awoodooda, taasi oo kordhisay khasaaraha soo gaaray dadka rayidka ah.

Qorshihii JANAN ee Gedo oo fashilmay saddex sabab dartood

Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa she egaya inuu fashil ku yimid qorshaha wasiirkii hore ee amniga Jubbaland, Cabdirashiid Nuur (Janan), kaas oo dhowaan dib ugu laabtay gobolkaas, isaga oo uu wehlinayay Senator Fartaag.

Janan oo doonayey in uu mark ale dib u soo cesh ado awood dii uu mar ku lahaa Gedo ay aa wa xaa haatan dhici soobay qor shihii uu maalmo ka hor u tagay gob olkaasi.

Midda koowaad ee fashilisay ayaa ah in qaar ka mid ah ciidamadii uu ku abaabulay gudaha degm ada Do olwoay ayla goosteen hubkii uu siiyay, is la-marka ana ay tageen degmada Beledxaawo, ayaga oo gabaad ka dhigtay xero ay ku sugan yihiin ciida mada dowladda.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Janan oo sameeyay dadaallo kala duwan laga diiday dalab ah in askarta iyo hubkaba markale dib loogu soo celiyo gacantiisa.

Sidoo kale qorshaha labaad ee fashiliyay dam acii Janan ee ahaa inuu markale gacanta ku dhi go Gedo ayaa ah in saraakiisha ciidamada dowlad da oo uu xiriir la sameeyay ay ka biyo diideen aba abulkiisa, isla-markaana ay u sheegeen in xittaa aysan siin karin magan-gelyo.

Arrimaha kale ee ka horyimid ninkan waxaa ka mid ah in la kala fur-furay xulafadiisii, wuxuuna wa ayey Senaor Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fart aag oo la tegay Gedo, kaas oo hadda si deg deg ah looga yeeray magaalada Muqdisho, kadib dac wad uu ka gudbiyay madaxweynaha dowlad gobol eedka Jubaland,Mudane Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doon aan, balse madaxda Jubbaland ayaa doonaya in ay dhinac isaga ridaan arrinta Gedo, si loo soo af jaro xiisada muddada soo socotay

Xigasho:caasimadda.net


Wasiirka Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaar aha XFS oo la kulmay wiil dhalinyaro ah oo sa meeyay ganacsi guulaystay.

Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaar aha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud oo ay weheliyaan Agaasimaha guud ee Wasaar adda Cabdiraxiim Warsame Diiriye iyo Agaasima ha waaxda Hal-abuurka iyo wacyigelinta dhalinyar ada Ikraan Cabdullaahi Jogow ayaa xafiiska Wasaaradda ku qaabilay Maxamed Cabdullaahi Barre oo ah wiil hormuud ka noqday hal-abuur guulays tay oo la xiriira Shinida.

Wasiir Maxamed Barre Maxamuud ayaa si loo dhiirri-geliyo dhalinyarada Soomaaliyeed ee hal-abuurka leh soo kordhiyay waaxda Hal-abuurka dhalinyarada Soomaaliyeed.

Hal-abuurka Maxamed Cabdullaahi Barre wa xaa weheliya inuu shaqaaliiyay dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa balan qaaday inay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS xoojinayso taag eerada dhalinyarada Hal-abuurka soo kordhiya isagoo sheegay in maalin

ka mid ah shirweynaha dhalinyarada Soomaali yeed ee dhamaadka bishan dhacaya loo gaar yeelay dhalinyarada Hal-abuurka leh.

Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid arrin qeyb ka ah xiisadda Laascaanood

Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa ka horyimid in Somaliland ka baxdo magaalada Laa scaanood, xili ay arrintaan qeyb ka tahay xiisadda ka taagan ee maalmihii da mbe isku rogtay rabshada ha ay ciidanka Somaliland ku dileen dadka shacabka ah

Xoghayaha cadaalada ee xisbiga Yoonis Axmed Yoonis oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xukuumadda ku taageers an-yihiin difaaca ciida Somaliland, balse waxa uu cambaareeyay sida booliisku uga jawaabay mud aharaadada, isaga oo sheegay in ka xisbi ahaan aanay xukuumadda kula socon arrintaasi.

"Qorshe xumo xukuumadda ah ayaa Laas ca anood taalla, madaxweyne kuwaad u igmaday go bolka Sool way ku fashilmeen, may ahayn dadka mudaharaadka salmiga ah sameeynayay ee cow day ee xaqa u leh in la laayo, waanu ka xunahay kulama socono xukuumada,” ayuu yiri.

"Laakiin waxaanu kula soconaa oo ciidamada ku taageersanahay, oo dowlada ku taageersanah ay difaaca Somaliland laakiin Somaliland cidi may soo weerarin dadka yaan been loo sheegin, Laasc aanood waa Somaliland, Somaliland ayay doona yaan oo ay leeyihiin yaa na-dilay.”

Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa doo da dadweynaha reer Laascaanood kusoo aruuriy ay inay xukuumadda Somaliland ka doonayaan in ay uga jawaabto cida dilalka geysaneysa.

"Somaliland kama baxayso Laascaanood ka ku leh Somaliland ayaa kasoo baxaysa Laascaanood waa nin aan habeen jirin, haduu madaxweynuhu waxa ku kaco, danbi qaran ayuu galay oo qarankii ay uu kala jaray,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xog hayaha cadaaladda ee xisbiga Waddani. Xaalada Laascaanood ayaa lagu soo waramaya inay saac adihii dambe tahay mid degan, ayada oo ciidama da millateriga lagu arkayay iyaga oo dhooban wad dooyinka, waxaana hawada ka maqan khadka internet-ka ee magaalada oo xukuumadda Somali land ay xoog ku jartay.

Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo safiir cu sub usoo magacaabay Soomaaliya

Madaxweynaha dalka Turkiga, Rajab dayib Erd ogan ayaa Ibrahim Mete Yagli u magacaabay saf iirka Turkiga ee Soomaaliya, kaddib markii Erdo gan uu saxiixay wareegto uu isku shaandheyn ugu sameeyay safiirada caalamka.

Wareegtada ayaa lagu daaba cay Faafinta Rasmiga ah wax yar ka hor sanadka cusub.

Safiirka cusub ayaa beddeli doo na Mehmet Yilm az oo tan sannadkii 2018 shaqad an hayay.

Mehmet Yilmaz ayaa waxaa lagu xasuusan doo naa kordhinta tirada ardayda Soomaaliy eed ee wax ka barata waddanka Turkiga.

Ibrahim Mete Yagli, oo ah diblumaasi xirfade ed oo ku biiray Wasaaradda Arrim aha Dibadda ee Turkiga 1986, ayaa la wareegi doona xilkan.

Yagli wuxuu soo qabtay jagooyin dhowr ah gud aha iyo dibadda, oo ay ku jiraan ku-xigeenka koow aad ee safaaradda Poland 2005 iyo Agaasinka Guud ee Arrimaha Dhaqaalaha ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda 2008.Yagli ayaa la filayaa inuu Muqdisho soo gaaro bishan Janaayo si uu warq adihiisa aqo onsiga ugu gudbiyo madaxweyne Xa san Sheekh Maxamuud.

Turkiga iyo Soo maaliya ayaa leh xiriir dibluma asiyadeed, dhaqaale, militari iyo mid siyaasadeed tan iyo horraantii 2010-kii.

Turkiga ayaa Soomaaliya ku leh dhismaha saf aaradda ugu weyn adduunka, taasoo uu ma daxw eyne Erdogan furay sannadkii 2013-kii.

Wararkii ugu dambeeyay xiisadda Magaalada Laascaanood

Xaaladda Magaalada Laascaanood ayaa Shalay u muuqatay mid degan, inkastoo meelaha qaarkood ay ka dhaceen isku dhacyo u dhaxeey ay ciidanka amniga iyo dad ka bannaanbaxyada sameyn aya.

Bannaanbaxyadan oo mar kii hore u muuqday ku wo looga soo horjeedo dilalka ka dhanka ah dadka ha door ka ayaa markii dambe isku bedelay mid lagu diidan yahay joogitaanka Ciida mada Somaliland ee Gobolka Sool.

Kulan ay Shalay odayaasha iyo waxgarad ka reer Laascaanood ku yeesheen magaa lada ayaa laga soo saaray baaq Somalil and looga dalban ayo in ay isaga baxdo gobolkaasi.

Waxay baaqooda ku sheegeen inaanay So ma liland xoog ku haysan karin gobolka, ayna tah ay in ay isaga baxdo.

Magaalada ayaa maalintii 7aad kala xarin, wa xaana weli xiran goobihii ganacsiga ee magaal ad aasi. Sidoo kale dadka deega anka qaarkood ay aa ka barakacaya guryahooda.

Dhanka kale Madaxweynaha Puntland, Siciid C/hi Deni oo mar kale Shalay ka hadlay xiisadda ka taagan maga aladaasi ayaa xaalad deeda ku til maamay nasiib darro weyn oo ku soo korortay So maliya, xilli dalka uu dib u soo kab anayay.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay ina anay Puntland aqbali doonin in dadkee da lagu la ayo M/Laascaanood, isagoona dilalka dadka ray idka ku sheegay kuwo qorsheysan oo Somaliland ay ka dambeyso, sida uu yiri.

Madaxweyne Deni ayaa ku hanjabay in Pu ntla nd ay qaadi doonto tallaabo ay ku ba dbaadineyo dadkeeda, haddii aanay Somaliland dhageysan codka dhaqanka. "Dowladda Puntland waxay diya ar u tahay dad keeda inay ka difaacdo xadgudub kasta, ilaaliso sharaftooda, dhowrto xuquuqdooda mada niga ah iyo inay ilaaliso sidii ay ugu noolaan lahaayeen no lol karaamo leh.” Ayuu yiri Madaxw eyne Deni. Madaxweyne Deni oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Garoowe ayaa yiri "Puntl and waxay diyaar u tahay tallaabo kasta, xilliga muna asa bad ka ku ah inay qaaddo oo suurtagal ah.”

Deni ayaa ugu dambayn Beesha Caalamka ugu baaqay inay go’aan cad ka qaadato xasuuqa Ma gaalada Laascaanood loogu gaysanayo sida uu yiri dad codkooda iyo dareenkooda dhiibanaya.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada S/LAND oo farageliyay arrinta Laascaanood

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland, Md. Cabdirisaaq Khaliif oo farageliyay xiisadda ka taagan Laascaanood ayaa eedeymo culus u jeedi yay xukuumadda maamulkaas ee uu horkacayo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Khaliif oo aan si aan li fileyn uga hadlay arrinta Laascaanood ayaa shaaca ka qaaday in xukuumad da ay ciidamo u adeegsatay shac abka ku dhaqan magaaladaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in caburin iyo xoog aan xalku ku jirin balse loo baahanyahay in xuku umadda ay la timaado qorshe ay wax kaga qab anayso xaaladda Laascaanood.

"Waa howl masuuliyadeeda ay leedahay xuk uumadu waana shaqadii loo igmaday madaxweyn aha iyo xukuumadiisa, laamaheeda amniga, was aarada arrimaha guddaha, taliska ciidanka booliis ka, sirdoonka, waxa laga rabaa in ay waxkasta oo ka dhacaya ay iyagu wax ka qabtaan” ayuu yiru guddoomiyaha Golaha Wakiilada Maamulka Som aliland,.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray in xukuu madda Somaliland ay dayacday dadka reer Laas caanood, maada in muddo ah dilal qorsheysayn loo geysanayey haldoorka magaalada.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo weli ay sii socdaan rabshada Laascaanood, waxaana kor dhay dhimashada oo gaartay 20 qof, sida ay shaa ciyeen bahda caafimaadka.

Si kastaba, Xaaladda ayaa haatan u muuqata mid kasi dareysa, maadaama aan weli xal loo he lin rabshadaha socdo, waxayna shacabku sii wad aan dibadbaxa, halka ciidamaduna ay adeegsa nayaan awoodooda, taas oo kordhisay khasaara ha soo gaaray dadka rayidka ah.

Madaxda IMF oo ka digtay in koboca dhaqa alaha dunida uu ka adkaan doono sanadkii tagay

Madaxda hay’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa ka digtay in sannadkaan bilowga ah dhaqa ala ha caalamka uu ka adkaan doono kii sanadkii hore,isla markaana dalalka Maraykanka, Midowga Yurub & Shiinaha ay arki doonaan kobac gaabisa

Agaasimaha Maamulka IMF Kristalina Georgieva ayaa sheegtay in sanadka 2023-ka uu noqon do ono "sanad adag”, iyadoo saddex-meelood meel dhaqaalaha adduunka ay u badan tahay ama la fi layo in uu hoos u dhaco.

Hadalkan ayaa yimid ka dib markii hey’ada IMF saadaall 2.7 ah oo ay bixisay bishii Oktoobar ee la soo dhaafay uu hoos uga dhacay 2.9 90% bishii Luulyo ee dhnaca koboca dhaqaalaha xilli ay jiraan xaalado xasaasi ah oo ay ku jiraan daga alka Ukraine iyo sicirka dulsaarka ee kor u kaca.

Georgieva ayaa sheegtay in Shiinaha, oo ah dhaqaalaha labaad ee ugu weyn adduunka, ay u badan tahay inuu ka hoosmaro kobaca caalamiga ah markii ugu horreysay muddo 40 sano ah ,iya doo intaa ku dartay in saddexda dale ee ugu dhaqaalaha weyn sida US, EU iyo China, dham

aantood isku mar ay gaabin doonaan

TOBAN QOF OO CAAN KA AHAA SOOMAALIYA OO GEERIYOODAY 2022-KII

Khadra Daahir

XIGASHADA SAWIRKA,FACEBOOK

Sanadkii tegay ee 2022 waxaa dhintay dad tiro badan oo Soomaali ah, ku waas oo doorar kala duwan bulshada ugu aaddanaa, isla mar ahaantaana ge eridoodu ay taabatay dad badan.

Dadkaas ayaa isugu jirey fannaaniin, abwaanno, culimo, siy aasiyiin iyo aqooonyahanno, iyo qaar kale.

Haddaba warbixintan kooban waxaannu ku eegaynaa qaar ka mid ah dadkaas.

Cabdikariin Faarax Qaarey (jiir) – February 2022

Laxamiiste Cabdikariin Jiir

XIGASHADA SAWIRKA,FACEBOOK

Laxamiiste Cabdikariin Faarax Qaarey oo ku magacdheeraa Cabdikariin Jiir waxa uu ku dhashay magaalada Hobyo ee gobolka Mudug sanadkii 1943dii.

Hobyo ayuu ku soo barbaaray, kuna soo qaatay dugsi hoose iyo dhexe.

Barbaarkiisa iyo waxbarashadiisa waxaa u garab-socday hibo faneed, wuxuu na yaraantiisii heellada ka qaadi jiray xafladaha iyo goobaha ay dadku isugu yimaadaan.

Sanadkii 1960kii oo ay Soomaaliya xorriyadda qaadatay ayuu Muqdisho soo galay.

Barashada codka iyo laxanka ayuu baadigoobay. Sanadkii 1968dii ayuu laxameeyay heeskii ugu horreeyay. Waa heesta Sabab kale ee loo yaqaanno Hiba Nuura, balse uu markii ugu horreysay qaaday Maxamed Mooge.

Cabdikariin Jiir wuxuu sidoo kale laxameeyay heesaha ku jira silsiladdii Sii nley oo si dadban loogu weerarayay xukunkii askarta ee uu hoggaanka u hay ay Maxamed Siyaad Barre, kana koobneyd 29 maanso oo ay allifeen 15 Abwaan oo ay ka mid ahaayeen Hadraawi, Cabdiqeys, Gaarriye, Xaaji Aad an Axmed Afqallooc iyo Siciid Saalax.

Sanadkii 1970-kiina Cabdikariin Jiir wuxuu gacan libaax leh ka qaatay aas aaskii kooxdii Iftin ee ay laheyd wasaaraddii waxbarashada oo uu tiirarkeeda ka mid ahaa. Balse kuma koobneyn kooxda Iftin ee uu ka tirsanaa ee wuxuu laxameyn jiray heesaha kooxaha kale sida kooxda Waaberi oo uu raad xoo ggan ku yeeshay.

Ka dib xanuun maalmahaan wadnaha ka hayay oo uu koomo u galay, Shalay oo Axad ah, February 13, 2022 ayuu Cabdikariin Jiir ku geeriyooday isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho. Wuxuu ifka uga tegay siddeed carruur ah, afar wiil iyo afar gabdhood. Eebbe ha u naxariisto.

Shiikh Cali Warsame – March 2022

Sheekh Cali Warsame

XIGASHADA SAWIRKA,SHEEKH CALI WARSAME

Waddanka Urdun ayuu ku geeriyooday mid ka mid ah culimada ugu caansan Soomaalida, bishii March dhammaadkeedii.

Waqti ku beegan 1939-kii ilaa 1940-kii ayuu Sheekh Cali Warsa me ku dhashay miyiga gobolka Saraar, carruurnimadiisiina waxa uu kusoo qaatay baaddiyaha.

1958-kii ayuu waxbarasho u aaday magaalada Diridhabo ee wa ddanka Itoobiya, isagoo halkaas ku maqan ayayna Soomaaliya xorriyaddee da qaadatay oo la aasaasay dowladdii Soomaaliya, sida uu noo sheegay Sul daan Yuusuf Cabdi Cawad.

Dalka ayuu dib ugu soo laabtay, waxa uuna halkiisa kasii waday waxb arashadiisa.

Dabayaaqadii 1960-meeyadii ilaa horraantii 1970-meeyadii waxa uu aad ay dalka Sacuudiga oo uu ka bilaabay machad lagu barto culuumta islaamiga ah.Muddo kaddib waxa uu ka qalin jebiyay Jaamacadda Islaamiga ah ee magaalada Madiina. Shahaadada heerka labaad ayuu markaas kaddib ka diy aariyay Jaamacadda Malik Sacuud ee isla dalka Sacuudi Carabiya.

1980-kii ayuu mar kale dib ugu soo laabtay dalka Soomaaliya oo uu ka bilaabay howlaha dacwada Islaamka iyo duruusta cilmiga.

Waxa uu noqday wadaadkii ugu horreeyay ee magaalada Burco ka bilaaba kutubta caqiiqada ka hadlaysa.

Dhowr jeer ayay dowladdii kacaanka ee uu hoggaaminayay Maxamed Si yaad Barre xabsiga dhigtay Sheekh Cali Warsame, sida uu nooga warramay Suldaan Yuusuf Cabdi Cawad.

Markii ay Soomaaliya kasoo shaac baxeen ururka Al-Shabaab, Sheekh Ca li Warsame waxa uu ka mid ahaa culimadii sida wayn uga soo hor jeestay fiki rkooda, sida lagu shaaciyay warbaahinta dowladda.

Xildhibaan Aamino Maxamed – March 2022

Xildhibaan Aamino Maxamed

Qarax ka dhacay magaalada Baledwayn ayaa lagu dilay Allah u na xriistii xildhibaan Aamino Maxamed. Xildhibaan Aamino Maxamed ayaa ku dhalatay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, halkaasi oo waxbarshadeedii dugsiga hoose, dhexe, sare ilaa heer jaamacdeed ay ku so qaadatay. Waxay shahaadada culuumta ganacsiga ay sanadkii 2010-kii ka qaadatay jaamacadda SIMAD ee magaalada Muqdisho. Waxaa ay sidoo kale isla jaamacadda ka sameysay shahaadada Mastarka.

Marxuumadda ayaa waxaa ay siyaasadda ku soo biirtay sanaddii 2012 mar kaasi oo xildhibaan loo doortay.

Xildhibaan Aamino Maxamed ayaa mar kale sanaddii 2016 loo doortay xil dhibaan ka tirsan golaha shacabka.

Intii ay baarlamaanka ku jirtay waxay ka mid ahayd xildhibanada dumarka baarlamaanka ugu firfircoon.

Waxaa ay ka mid ahayd intii baarlamaanka ku jirtay xubnaha guddiga baarla manka ee arrimaha bulshada.

Jaamac Maxamed Qaalib – April 2022

Jaamac Qaalib

XIGASHADA SAWIRKA,JAAMAC QAALIB

Qaytii danbe bishii April ayay ahayd markii uu Jabuuti ku geeriyooday taliyihii ugu horreeyay ee Sirdoonka Jamhuuriyadda Soomaaliya, Sarree ye-gaas Jaamac Maxamed Qaalib (Jaamac Yare).

Jaamac Maxamed Qaalib waxa uu sannadkii 1933-dii ku dhash ay Deegaanka Dhoodigaban ee gobolka Sanaag.

Isaga oo 12 jir ah ayay hooyadiis geeriyootay. Markii uu u adkaysan waayay rajanimada iyo nolosha adag ee miyiga ayuu u soo wareegay magaalada Hargeysa.

Waligiis ma dhigan dugsi Quraan, dugsi hoose, dhexe, sare ama jaamac ad. Waa iskoris isagu wax isbaray. Isago oo 13 sano jir ah ayuu ku biiray xibi sgii SYL, si uu u dhigto koorso lagu baranayay af Ingiriiska oo loo dhigayay xubnihii SYL ee magaalada Hargeysa.

Af Ingiriiskii uu ka bartay xaruntii SYL ayaa u furay albaab kale, oo isaga oo 15 sano jir ah ayuu biyatooni (Office Boy) ka noqday xafiiska Hawlaha Gu ud, April 1948. Mar kale ayuu 1950kii ka qaybgalay koorso luqadda Ingiriiska ah oo loo dhigayay Naadigii Shaqaalaha Soomaalida. Kadibna karraannimo ayaa loo dalacsiiyay 1952dii.

Prof. Cabdullahi Maxamed Shirwac – May 2022

Shirwac

XIGASHADA SAWIRKA,SOCIAL MEDIA

Dhammaadkii May ayay ahayd markii magaalada Muqdisho uu ku geeriyo oday Prof. Cabdullahi Maxamed Shir

Prof Shirwac ayaa muddo ka badan 30 sano qayb ka ahaa horumarinta xuq uuqul inksaanka iyo samafale lagu yaqaanno hawlaha nabadaynta ee Soomaaliya.

Prof Shirwac, ayaa lagu tilmaamaa in uu ka mid ahaa hoggaa miyaashii ururadda bulshada rayidka ee Muqdisho, waxuuna ma rar badan horkacay, isla mar ahaantaana hoggaan u ahaa shirar nabadeed oo qaarkood ay ka dhaceen goobo kala duwan oo ku yaalla Soo maaliya

Khadra Daahir Cige – July 2022

Fannaanad Khadra Daahir ayaa magaalada Hargeysa ku geeriyootay hor raantii bishii Julaay.

hadro Daahir Cige, waxay ku dhalatay magaalada Hargey sa, sannadka markuu ahaa 1957-dii iyadoo nolasheeda int abadan ku qaadatay halkaasi, kuna barbaartay, ka hor intii aanay ku biirin fanka.

Alle ha u naxxariistee khadra Daahir Cige intii ay noolayd waxa ay xaas u noqotay Axmed Cali Cigaal iyo Cabdillaahi Sabriye.

Ifka waxaa ay kagga tagtay saddex wiil iyo laba gabdhood iyo intii ay sii dhal een. Khadro waxay qaadday ku dhawaad 250 Heesood, heeseheedana wa xa ay u badan yiihin kuwo aan dhicin ilaa hadda, mararka qaarna khadro wax aa heeseheeda laga sameeyaa sheekooyin.

Fannaanadda caanka ah ee Khadro Daahir Cige ,waxay fanka ku soo bii rtay sanadkii 1974-tii markaas oo ay qaadday heesteedii ahayd "Afka lagama sheegto adigoon jacayl arag.”

Abwaan Maxamed IbraahiM Warsame (Hadraawi) – August 2022

Maxamed Ibraahim Warsame – Hadraawi

XIGASHADA SAWIRKA,MARY HARPER

Bishii August 18-keedii ayay markii magaalada Hargeysa uu ku geeriyood ay abwaankii caanka ahaa ee Maxamed Ibraahin Warsame Hadraawi.

Maxamed Ibraahin Warsame "Hadraawi" waa mid ka mid ah halabuurrada u gu magaca weyn ee sooyaalka Soomaalida, haddii aanu ah ayn maansayahannada casrigan ka ugu magaca dheer ee ay maansadiisu ugu tisqaadka ballaadhan tahay.

Hadraawi waxa uu ku dhashay deegaan ka tirsan gobolka Togdheer oo lagu magacaabo Calanle, afartameeyadii.

Waxaana uu waxbarasho Cadan oo Yemen ah, halkaas oo ku soo bartay qur’aanka iyo carabida sida oo kalena uu kula baxay magaca Hadraawi, ka hor inta aanu Sooomaaliya ku soo laaban.EEG BOGGA 6AAD

Hadraawi ayaa ku caan baxay ka soo horjeeditaankii dawladdii kacaanka oo ka tirin jiray suugaan kala duwan, isaga oo markii danbena ku biiray jabha ddii SNM.

Halka markii dalkii burburayna uu u guuray Ingiriiska, inkasta oo aanu ku raagin oo dib ugu soo noqday magaaladiisii hooyo ee Burco, halkaas ooo uu muddo ka aha macallin jaamacadeed, ka hor intii aanu xanuusan.

Jenaraal Farxaan Maxamuud Aadan (Qaroole) – Septemper 2022

Farxaan Maxamuud Aadan

XIGASHADA SAWIRKA,SNTV

Taliye Farxaan Maxamuud Qaroole ayaa ku dhintay howl gal ka socday deegaaNnada dhaca xuduuda saddexda gob ol ee gobolka Banaadir, Shabeellada Dhexe iyo Shabeellada Hoose, bishii September ee sanadkii tegay.

Waxa uu sannadkii 1991-kii ku dhashay isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee SOS ee magaalada Muqdisho.

Wuxuu ifka uga tagay saddex xaas oo u dhalay toddoba wiil iyo labo gabdho od. Wuxuuna ahaa madi, sida laga soo xigtay hooyadii.

Bishii Febraayo ee sannadkii 2011-kii ayuu u biiray ciidamada dowladda Som aliya gaar ahaan kuwa Nabad Sugidda. Ciidankan ayuu ku jiray ilaa 2017-kii.

Ka dib waxa loo baddalay ciidanka booliska markaas oo uu noqday taliya hii koobaad ee ciidanka Haramcad, isla sanadkaas ayaa laga dhigay gaasha anle horana wuxuu u ahaa kabtan.

Mar kale sannadkii 2019-kii ayaa waxaa loo dalacsiiyay Gaashaanle Dhe xe ka hor inta aan 2021-kii loo dalac siinin Gaashaanle sare.

Wuxuu xilka taliyaha booliska gobolka Banaadir qabtay bishii April ee sannad kii 2021-kii, markii awoodda laga xayuubiyay taliyihii hore ciidanka booliska Banaadir, Saadaq Joon.

Cumar Cabdiwaaxid Aadan (Geesi) - November 2022

Abwaan Geesi

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa uu ku geeriyooday Cumar Cabd iwaaxid Aadan oo loo yaqaannay (abwaan Geesi).

Abwaan Geesi ayaa muddo toddobaad ah ku jiray isbitaal, is agoo u geeriyooday xanuun dhanka caloosha ah oo uu in mu ddo ah la xanuunsanaa, sida uu BBC-da u xaqiijiyay abwaan Cabdishukri Maxamed oo ay marxuumka qaraabo ahaayeen isla markaana ay isla shaqeyn jireen.

Abwaan Geesi ayaa ahaa abwaan iyo jilaa aad loogu yaqaanno ruwaayada ha, isaga oo ka mid ahaa dhallinyarta danbe kuwooda loogu jecla marka ay tahay jilliinka.

Muddooyinkii ugu dambeeyay wuxuu ku noolaa qeybo ka mid ah Somaa liya, labadii bilood ee ugu dambeysay ayuuna ku soo laabtay Nairobi oo hore uu ugu noolaa.

Wuxuu marxuumka dunida uga tegay afar carruur ah.

Cabdinaasir Macallin Caydiid – December 2022

Cabdinaasir Macallin Caydiid.

XIGASHADA SAWIRKA,ASTAAN

Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa ku geeriyooday fanna ankii caanka ahaa ee la oran jiray Cabdinaasir Macallin Caydiid oo in muddo ah xanuunsanayay.

waxa uu ahaa muusigyahan qalabyo kala duwan tuma, laxan sameeye iyo heesaa. Wuxuu ku dhashay Cadan, 1959. Tacliinta kaddib, Yemen wuxuu uga shaqeeyay xirfaddiisa makaanignimada; geerash buu Cadan ku lahaa. Fanka, siiba muusigga, wuu jeclaa ilaa yaraantiisii, hase ahaatee aabbihii baa ka hor taagnaa, oo hadba giitaar ka kala jebin jiray.

Sanadkii 1979 ayay reer Macallin Caydiid ka guureen Cadan oo Harge ysa degeen. Dhowr sano kaddib, Cabdinaasir dalka Qatar buu u dhoofay, 1983. Markaa uu Qatar tegay buu fursad u helay barashada muusigga. Kam an buu gacanta ku dhigay, macallin buu se waayay.

Tumidda heesaha Soomaaliga ah wuxuu ku billaabay qaraamiga, sida uu ku warramay. Heesihii ugu horreeyay ee tumiddooda uu isku dayayna waxay nu ka carrabbaabi karnaa codka Laac. Sidaas oo kale, S oomaalida, hoobal Maxamed Saleebaan Tubeec baa ah fannaankii koowaad ee Cabdinaasir uu kaman u tumo. Barnaamij uu Tubeec Qatar ku qabtay 1985 ayuu Cabdina asir ka tumay.

Cabdinaasir wuxuu tumi jiray dhowr qalab, sida giitaar, dhexy ar, oorgan iyo kaman. Masraxyaddii kooxda Danan, tusaale ahaan, Cabdinaasir waxa lagu xusuustaa giitaarka. Dhanka kale, isla xilliyad aas waxaa hirg alay kamankiisa oo lagu maqlay heesaha qaaciga ah. Laba daa kaddib waxaa fagaaraha yimid, shaashaddana laga ar kay, Cabdinaasir oo dhexyar iyo oorgan tumaya. Hase ahaatee waxa si gaar ah loogu bartay Kamanka .==DHAMMAAD ==XIGASHO:BBC

4 CILMI BAARIS OO DHANKA SEYNISKA AH OO SANNADKAN 2023 LA FILAYO IN LA GAARO

Guulaha dhanka seyniska ee 2023

2022 wuxuu ahaa sanad horumar weyn laga sameeyay cilmiga sayniska, da awada, iyo safarka

hawada sare kuwaas oo horseeday guulo badan oo hir geli doona 2023.

Laga soo bilaabo barnaamijka NASA ee Arte mis, kaas oo maskaxdeena dib u gu soo celiyay safarka Dayaxa, hababka cusub ee samaynta tallaallo hufan.

Sannadka 2023 waxa kale oo uu ballan qaad ayaa in uu sii wadi doono hor umarkaas.

Kuwani waa shan horumar oo la filayo sannadkan 2023.

1. Tallaal cusub

Waa tallaabo weyn oo la xiriiirta guusha tallaallada tignoolajiyada mRNA ee ka hortagga faafitaanka COVID-19, dhammaan noocyada tallaallada ayaa lagu soo saaray tignoolajiyadan ka hortagga cudurrada.

Waxaa jira tallaalo isku dhafan oo ay ka mid yihiin duumada, qaaxada, HIV, cystic fibrosis, kansarka iyo noocyada kala duwan ee cudurrada sambabada, iyo kuwo kale.

Shirkadda Jarmalka ee BioNTech ee tallaalka sameysa ayaa qorsheynaysa inay bilowdo tijaabooyinkii ugu horreeyay ee tallaalka hortagga duumada iyo qaax ada dhowr toddobaad gudahood, halka Moderna, oo Mareykanka laga leeyahay aysameyneyso tallaalka ka hortagga fayrasyada keena buroyinka xubinta taranka

Mid ka mid ah tallaalada tignoolajiyada mRNA ee ugu caansan waa ka horta gga kansarka. Waxaa loogu talagalay in lagu aqoonsado unugyada kansarka si loo burburiyo.

Shirkadaha kale ee dawooyinka ayaa baaraya suurtagalnimada isticmaalka tal laal degdeg ah oo wax ku ool ah oo xanuunka covid-19 ah oo sanka lagu buufiyo. Waxay lagu soo tijaabiyay xayawaanka, waxaana la filayaa in dhawaan tijaabooyi n dhanka bini'aadmiga ah la sameeyo.

2: Hormarka sahminta hawada sare

Hormarka sahminta hawada sare

XIGASHADA SAWIRKA,J. ORRELL/SLAC NATIONAL ACCELERATOR LABORATORY

Waxa dunida la yaab ku noqotay sawiro cusub oo dunida laga qaaday oo uu qaaday Telescope-ka awoodda badan ee James Webb, qalabkaas oo ay hawada u mariyeen NASA, hay’adda hawada sare ee Yurub (ESA) iyo wakaaladda haw ada sare ee Canada oo sii wadi doonta in ay soo saarto sahan muddo tobanaan sano ah.

Waxa kale oo jiri doona qalab baaritaan oo aad u horumarsan.

ESA waxay qorsheyneysaa inay soo saarto telescope Euclid sanadka 2023, kaas oo ku wareegi doona qorraxda muddo lix sano ah si caalamka loo abuuro kha riidad 3D ah.

Dhankeeda, Wakaaladda Sahminta Hawada Sare ee Japan ayaa qorsheynaysa hawlgal lagu ogaanayo shucaaca xiddigaha fog.

Dalka Chile, telescope-ka Vera C. Rubin, oo leh kamarad awood u leh in ay ga arto in ka badan 3,000 oo milyan oo pixels, ayaa diyaar u ah inuu sawirro qaado bi sha Luulyo ee soo socota.

3: Safarka Dayaxa

Safarka Dayaxa

XIGASHADA SAWIRKA,POT

Barnaamijka Artemis ee NASA, ee dayax gacmeedka Orion oo aan cidina wad in dayaxa, ayaa si guul ah dib loogu soo celiyay dhulka bishii Disembar.

Imaaraatka Carabta ayaa 11-kii Diseembar bilowday duullimaadkeeda Rashid Moon Rover, kaas oo loogu talagalay in lagu sahmiyo oogada dayaxa. NASA ay aa waxay sidoo kale hawada u dirtay dayax-gacmeed ku wareegaya meeraha orb it kaas oo daraasad ku samayn doona qaabka kaydka biyaha ee Dayaxa.

Waxaa sidoo kale jira naqshadda markabka HAKUTO-R ee Japan, kaasoo isku dayi doona inuu ku dego dayaxa bisha Abriil, iyo sidoo kale Hindiya Chandraya an-3, oo doonaysa inay ku degto meel u dhow cirifka koonfureed ee dayaxa bartamaha 2023.

Mid ka mid ah safarrada aadka loo filayo ayaa noqon doona safarkii ugu horr eeyay ee rayid ah ee Dayaxa. 11 qof ayaa u safri doona muddo lix maalmood ah iyagoo isticmaalaya gantaalka Starship ee shirkadda Elon Musk ee SpaceX.

4: CRISPR, barnaamijka injineernimada hidaha

CRISPR, barnaamijka injineernimada hidaha

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Shirkadaha dawooyinka ee Vertex iyo CRISPR Therapeutics waxay soo saar ayaan dawo loo yaqaan exa-cel, taasoo loo soo gudbin doono si ay u ansixiyaan Maamulka Cuntada iyo Dawooyinka ee Maraykanka bisha March ee soo socota.

Oggolaanshaha ayaa ka dhigi doona exa-cel inay heli karaan bukaanada qaba leukemia, oo weerarra unugyada dhiigga cas. XIGASHO:BBC


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip