Siyaasi caan ahaa oo xalay lagu dilay magaalada Muqdisho

0
Tuesday November 22, 2022 - 08:28:21 in Wararka by
  • Visits: 288
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi caan ahaa oo xalay lagu dilay magaalada Muqdisho

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dil qorsheysan oo ay xalay kooxo ku hubeysnaa Bistoolado ka geysteen gudaha magaalada Muqdisho.

Dilka oo si gaar ah iga dhacay Waaxda Tima Cadde ee degmada Wadajir ayaa waxaa loo geystay Maxamed Xuseen Sebriye oo loo yaqaanay (Guuleyste), kaas oo ka mid ahaa siyaasiyiinta caanka ah ee ku nool magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Marxuumka ayaa sidoo kale ka mid ahaa musharixiintii u tartamay ka mid noqoshada Golaha Shacabka, gaar ahaankursiga Hop#33 oo uu kusoo baxay Yuusuf Kabaale.

Wararka ayaa sheegaya in kooxda dilka geysatay ay goobta isaga baxsatay, waxaana meydka marxuumka goor dambe goobta kasoo qaaday qaar ka mid ah ehelladiisa.

Sidoo kale waxaa meesha ay wax ka dhaceen gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya, kuwaas oo sameeyey baaritaano kooban, balse kama hadlin falkan.

AUN dilka loo geystayb Maxamed Xuseen Sebriye (Guuleyste) ayaa ka mid noqonaya falal amni darro ah oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayey gudaha caasimada.

Si kastaba, dhacdooyinkan ayaa kusoo aadayo, xilli haatan dalka uu ka socdo dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan dowladda iyo dadka deegaanka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip