
Warar dheeraad ah oo ka soo kordhay toogashadii lagu dhaawacay Imran Khan
XIGASHADA SAWIRKA,PTV
Shahbaz Sharif ayaa sheegay in haddii codsigan maanta la aqbali waayo ay su’aalahaasi sii socon doonaan xilliyada soo socda, islamarkaana wararkan uu dhammaan doono oo kali ah marka xaqiiqada laga soo saaro maxkamadda.
Raysal wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif ayaa dhanka kale ku eedeeyay Imran Khan inuu ka soo horjeestay hay'adda sirdoonka qarankaee ISI- iyo ciidamada, uuna soo jeediyay eedeymo aysan cidina ka fileyn.
Shahbaz Sharif ayaa sheegay in Hindiya ay ka jirto farxad ku aadan hadalka Imran Khan. Waxa uu sheegay in eedeyma "been abuur ah" uu Imran Khan u soo jeediyay isaga, wasiirka arrimaha gudaha Rana Sanaullah iyo 'sarkaalka kale oo sarsare'.
Raysal Wasaaruha waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay weerarkii lagu dhaawacay Imran Khan.
Mr Shahbaz ayaa caafimaad degdeg ah u rajeeyay Imran Khan.
Raysal wasaarihii hore ee Pakistan, Imran Khan, ayaa ku eedeeyay madaxwaynaha imika xilka haya, Shehbaz Sharif, inuu ku lug lahaa shirqool la doonayay in lagu dilo. Wasiirka arrimaha gudaha Rana Sanaullah iyo madaxa sirdoonka dalkaasi Faisal Named Naseera ayuu sidoo kale Mr Khan sheegay inay maleegeen shirqool isaga lagu dilayo.
"Saddexdan waxay go'aansadeen inay i dilaan," ayuu yiri Mr Khan.Dowladda Pakistaan ayaa beenisay eedeynta uu Mr Khan soo jeediyay.

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES
Dhanka kale booloiiska gobolka Wazirabad ayaa sheegay in ay qof kale u qabteen weerarkii lagu qaaday kolanyo uu la socday Imran Khan khamiistii. Kooxo ka tirsan hay’adaha ammaanka ayaa helay diiwaanka dhammaan kaamirooyinka CCTV-ga ee waddada ay dhacdado ka dhacday.
Booliiska ayaa hore u soo bandhigay nin ay sheegeen in uu gaystay weerarkii lagu qaaday Imran Khan. Rai'sul wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa dhankiisa maanta lagu wadaa in uu qabto shir jaraa'id oo uu uga hadlayo xaaladahii ugu dambeeyay.
Waxaa sidoo kale la filayaa in Mr Khan laga soo saaro isbataalka oo uu maalmihii u dambeeyay looga daweynayay dhaawaca soo gaaray.Maxaa dhacay Khamiistii?
Isu soo bixii xisbiga Imran Khan oo ka soo billowday Lahore kuna socday Islamabad ayaa gaaray Gujranwala oo ka tirsan gobolka Punjab.
Kumannaan qof ayaa la socday kolonyadan. Imran Khan ayaa saarnaa gaari korka ka bannaan isaga iyo qaar ka mid ah madaxda sare ee xisbiga.
Ka dibna qof ayaa billaabay inuu rasaas furo. Markii dambe waa laga itaal roonaaday ninkii weerarka geystay, waxaana ku dhawaacmay 14 qof , hal qofna waa uu ku naf waayey.
Taas waxaa barbar socday, Imran Khan ayaa sidoo kale lugta laga toogtay.
Imran Khan ayaa isla markiiba la dhigay isbitaalka Shaukat Khanum ee magaalada Lohar, halkaasoo lagu sameeyay qalliin xalay xilli dambe, waxaana hadda la sheegay inuusan dhaawaciisa halis ahayn.
XIGASHO:-BBC


0 



Warar dheeraad ah oo ka soo kordhay toogashadii lagu dhaawacay Imran Khan
...