Cristiano Ronaldo: Waan U Sheegay Zinedine Zidane Inaan Dhalinayo Goolka Guusha.

0
Sunday May 29, 2016 - 12:13:08 in Sports News by
  • Visits: 805
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cristiano Ronaldo: Waan U Sheegay Zinedine Zidane Inaan Dhalinayo Goolka Guusha.

    Cristiano Ronaldo ayaa ahaa mid aad u faraxsan ka dib markii ay kooxdiisa ku guuleysatay Champions League iyagoo rigoorayaal ku garaacday Ateltico Madrid, Ronaldo ayuuna ahaa xiddigii dhaliyay rigoorada guusha oo siiyay Los Blancos koobkoodii 11aad e

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cristiano Ronaldo ayaa ahaa mid aad u faraxsan ka dib markii ay kooxdiisa ku guuleysatay Champions League iyagoo rigoorayaal ku garaacday Ateltico Madrid, Ronaldo ayuuna ahaa xiddigii dhaliyay rigoorada guusha oo siiyay Los Blancos koobkoodii 11aad ee Champions league, waxaana uu u sheegay saxaafada in kooxda oo dhan ay cajiib aheyd. Waxaana uu sharaxaad ka bixiyay inay dadaalkooda oo dhan ay ku bixiyeen kulankii xalayto.

Ronaldo oo ogaa inuu dhalinayo goolka guusha

Isagoo ka hadlayay qaab ciyaareedkiisa Cristiano Ronaldo ayaa sheegay inuu ogaa inuu dhalinayo goolka guusha. "Waan ogaa inaan dhalinayo, waana dhaliyay”. Waxa uu sheegay inuu u ku yiriZidane ka hor ciyaarta inuu dhalin doono goolka guusha. "Aragti ayaan lahaa, waxaan arkay anigoo dhalinaya goolka guusha. Waxaan weydiistay Zizou inaan tuuro rigoorada shanaad sababtoo ah waan ogaa inaan dhalinayo goolka guusha.”

1464474208_099277_1464475038_sumario_normal

Waxa uu sharaxaad ku bixiyay inuu ku faraxsan yahay inuu guusha Champions League la wadaago dhamaad Madridistas.

Isagoo ka hadlayay tababarihiisa, Ronaldo ayaa yiri: "Zidane waxa uu qabtay shaqo cajiib ah. Waa uu u qalmaa. Waa nin aan isla weyneyn, waana u faraxsanahay isaga.”

Halka Ronaldo ay guud ahaan soo martay ciyaar aamusan, waxa uu tilmaamay in xilli ciyaareedkii todobaad uu dhaliyay in ka badan 50 gool isagoo noqday ninkii ugu horeeyay ee sidaas sameeya.

Waxa uu sidoo kale ka hadlay qoyskiisa: "Weli ma aanan arkin iyaga, laakiin dabcan guushaan iyaga ayaa iska leh, ciyaartoyda ayaa iska leh, cid walba ayaa iska leh. Mahad weyn ayaan u hayaa taageerayaasha , guushaan waa guushiina. Síííííííííuuuuuu”.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip