HALKAAN KA AKHRISO :_WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPAPAER MAANTA OO AH KHAMIIS 22-KA SEPTEMBAR 2022-KA
Madaxweynaha Somalia oo ka qeyb galay furitaanka Shirka Golaha Guud ee QM
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay furitaanka Meertada 77-aad ee Gol aha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey oo la gaga arrinsanayo yareynta saboolnimada iyo xasillooni darrada, horumarinta waxbarashada, shaqo abuurka dhallinyarada, xal u helidda musiibooyinka dabiciiga ah iyo xuquuqda dadka la hayb sooco.
Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa soo bandhigi doona aragtida Dowladda Fe deraalka Soomaaliya ee ku aaddan xasiiloonida iyo nabadda, dagaalka ka dhanka ah waxa loogu yeero argagixisada, wax ka qabashada abaaraha iyo gurmadka degdegga ah iyo dhammaan caqab adaha ay la tacaalayaan shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Shucuubta Gobolka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wafdigiisa ayaa ka wada Golaha loo dhanyahay ee Qarama da Midoobey Olole ku aaddan aragtida iyo qorsha ha dowladda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira la dagallanka saboolnimada iyo argagixisada, kuw aas oo shacabka Soomaaliyeed ay kala soo kulm een dhibaato xooggan, haatanna la joogo xilligii la ga gacan siin lahaa dowladda Soomaaliyeed in ay dhibaatadaas ka samata bixiso dadkeeda iyo gu ud ahaan Geeska Afrika.
Madaxweynaha ayaa kulan doceedyo la yeelan doona Madaxda dalalka ka qeyb galaya Meertad an, hoggaanka hay’adaha iyo ururrada caalamiga ah ee ka soo qeyb galaya Meertada 77-aad ee Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey, si uu u adkeeyo danaha iyo doorka dalkeennu uu ku leeyahay fagaareyaasha caalamiga ah.
Ra’isul wasaare ku xigeenka XFS oo daah fur ay Munaasabad lagu xusayo maalinta nabadda Adduunka
Ra’isul wasaare ku xigeenka xukuumadda So omaaliya mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa da ah furay Munaas abad lagu xusayo maalinta naba dda Adduunka oo ay soo qabanqaabisay Was aaradda arrimaha gudaha, Fed eraalka iyo dib u heshiisiinta
Hal ku dhiga munaasabadda ayaa ah sanadkan "Jooji hey bsooca, horumari nabadda”.
Munaasabadda waxaa ka qey galaya wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Maca lin Fiqi, ku xigeenka mudane Cabd ixakiim Ashkir, Ergeyga UN-ka ee Soomaaliya JamesSwan, safiirrada da lalka caalamka u jooga dalka, mas’uuliyiin matale ysa dowlad goboleedyada, maamulka gob alka banaadir, Ururada Bulshada rayidka iyo Urur ka Haweenka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Oo New York Kula Kulmay Boqorka Dalka Urdun.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan doceed kula yeeshay xarun ta Qaram ada Midoobay ee New York, Boqorka dalka Urdun Boqor Cabdalla Binu Xuseen.
Madaxweynaha Jam huuriyadda ayaa boqorka uga warbixiyey xaalada Soomaaliya iyo isbedella da dhanka amaanka, dha qaalaha iyo horumarin ta ee ay dowladiisu ku how lantahay, isagoo she eg ay in ay ka go’antahay xa silnta dalka iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda ar agagi xisada ah ee Al-Shabaab. La bada Hogga amiye ayaa isla soo qaaday xoojinta xiriirka labada dal ee walaal aha ah, iyagoo u ballamay in ay labada dowlado od ay u xilsaar aan diblumaasi yiin ka sii shaqee ya qorsheyaasha xiriirka iyo iska ashiga labada ee dhinacyada amn iga iyo xasil oonida..
Adeegga duulista hawada Soomaaliya oo lagu sameeyey horumarin weyn
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xa mza Cabdi Barre ayaa Shalay xariga ka jaray ad eega duulista hawada Soomaaliya oo horumarin lagu sameeyay, islamarkaana la gaarsiiyay heer ka ugu sareeya ee lagu qii meeyo adeega hawa da caal amka.
Ra’isul Wasaaraha oo hadal ka jeediyey muna asabaddda xarig-jarka oo ka dhacday xarunta Hey’adda Duulista Rayidka Soo maaliyeed ayaa ku nuux-nuuxsaday muhiimadda ay heerkan la ga aray u leedahay horumarka dalka iyo guud ahaan dib u habeynta casriga ah ee ade egga hawada Soomaaliya.
Waxa uu xusay in horumarinta lagu sameeyay adeega hawada dalku uu keenayo kobac dhaqa ale oo ka qeyb qaadanaya horumarka iyo isku fil naashaha dhaqaale ee uu qaranku hiigsanayo.
Sidoo kale waxa uu u mahad celiyay cid kasta oo gacan ka geysatay guusha laga gaaray hagaajin ta adeega duulista hawada dalka.
Ugu dambeyntiina Wasiirka Gaadiidka iyo Duul ista Hawada Fardowsa Cusmaan Cigaal iyo Maa reeyaha Hay’adda Duulista Rayidka, Axmed Ma callin ayaa ka warbixiyay dadaalkii lagu soo gaar ay heerka Shalay ay u gudubtay hey’adda maam usha hawada dalka, kaasi oo lagu qiimeeyo adee ga hawada caalamka.
Xijaar oo booliska adduunka u gudbiyey war bixin la xariirta argagixisada Soomaaliya
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya S/ Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo hoggaam inaya wafti ka kooban Saraakiil Sarsare oo ka soc ota Booliska Soomaaliya ayaa magaalada Lyon ee dalka Fara nsiiska kaga qayb galay shirka Boo liska Adduunka (INTER POL).
Shirkaas waxaa isugu yimid saraakiisha ugu sa reysan ee booliiska dowladaha Bariga Dhexe, Ba riga iyo Waqooyiga qaaradda Afrika, wuxuuna Tal iye Xijaar halkaas ka jeediyey warbixin ku saabs an xaaladda ammaan ee Soomaaliya.
Shirka oo ay ka soo qayb galeen madaxda boo liska ee in ka badan 20 dal, ayaa waxaa looga ha dlayey wax-ka-qabashada arrimaha argagixisada, denbiyada xuduudaha isaga gudba, daroogada iyo lacagaha sharci darrada ah, kuwaas oo dham maan halis ku ah guud ahaan amniga caalamka.
Taliye Xijaar ayaa warbixintiisa diiradda ku saaray arrimaha argagixisada ka jirta Soomaaliya iyo de mbiyada ay ka geystaan, isagoo xusay in do wladda Soomaaliya ay ku howlantahay siday u soo afjari laheyd argagixisada caqabada ku ah ammaanka guud ee dalka.Ciidanka Booliska So omaaliyeed ayaa xubin buuxda ka ah Booliska Ad duunka ee INTERPOL oo xafiiskooda Soomaaliya dib uga hawl-galiyey magaalada Muqdisho bishii 7-aad ee sanadkii 2021-kii. Sidoo kale, Taliyaha iyo wafdigiisa ayaa kulan la qaatay xoghayaha guud ee booliska Adduunka ee INTERPOL Jur gen Stock, iyaga oo ka wada ha dlay xoojinta iska ashiga ka dhexeeya Ciidanka Bo oliska Soomaa liyeed iyo INTERPOL ee dhinacya da ka hortagga danbiyada caalamiga ah iyo la da gaallanka arga gixisada.
Duqa Muqdisho Oo Wasiirka Haweenka Kala Hadlay Arrimo Ay Ka Mid Yihiin La Dagaalanka Al-Shabaab
Guddoomiyaha gobolka Banaadir Ahna Duqa M/Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan gaar ah oo ku saabsan sidii Haweenka ay qeyb uga noqon lahaayeen xoojinta Amniga iyo la dagaalanka Al-Shabaab la qaatay Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xaquuqal In saanka ee XFS Marwo Khadiija Maxamed Diriye .
Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen Guddoom iye ku-xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Guddoomiyaha Ururka Haweenka gobolka Ba naadir, ayaa ugu horeyn lagu bogaadiyay howl gala dib u xureynta ah ee ka socda Gobolada Dal ka kaas lagu cirib tiraayo Argagixisada, sidoo kale kulankan ayaa looga hadlay sidii gargaar loo gaar siin lahaa dadka Barakacayaasha ah ee kunool Degmooyinka Muqdisho
Dabageed oo ka jawaabay gefkii Cali Dheere ee Xawaadle iyo Habargidir
Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka HirShabeelle Yuusuf Dabageed ayaa si adag uga jawaabay hadalkii Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere oo habeen ka hor sheegay in u gafay qa ar ka mid ah beelaha Soomaaliyeed.
Cali Dheere ayaa sheegay in beelaha kacdoonka wada ee Al-Shabaab la dagaalama ya ay yihiin kuwii ‘isbaarooyinka dhiga jira ee Al-Shabaab ay dadka ka hor taagnaayeen’ sida uu hadal kiisa u dhigay.
Madaxweyne Yuusuf Dabageed oo wareysig aan siiyey Idaacadda dowladda ee Radio Muqdi sho ayaa gef-cad ku tilmaamay warkii Cali Dheere oo beelaha la dagaalamaya ee Xawaadle iyo Hab argidir ku tilmaamay "tuugo dadka dhici jirtay gab dhahana gufsa jirtay.”
Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Hir Sha beelle ayaa meesha ka saaray hadii warka Cali Dheere uu saameyn ku yeelanayo beeshiisa Mur usade, isagoo si cad u sheegay in Murusade oo Cali Dheere ka soo jeedo iyo Xawaadle ay isku dhaarsadeen dagaalka Al-Shabaab.
"Warka Cali Dheere Murusade u nisbey meyno, dhibka ay Al-Shabaab nagu hayaan ayey Murusa de ku hayaan, anaga iyo Murusade go’aan ayaan ku gaarnay inaan iska dhicino Al-Shabaab, uma da Soomaaliyeed oo dhan ayaa qaadatay go’aan kaas,” ayuu yiri Dabageed. Hadalka Madaxweyne ku xigeenka oo jawaab u ahaa kii Cali Dheere ay uu si weyn ugu dheer aaday in ninkaas uu islaa mnimada been ka shee gayo oo diinta islaamka uu ku been abuuranayo, isagoo baneynaya in dad ka Soomaaliyeed lagu laayo.
Ugu dambeyntii Yuusuf Dabageed ayaa Cali Dheere ugu baaqay in towbada Alle uusan ka qu usan dadkaan Soomaaliyeed-na uu dhibaatada ka dhaafo, hatii taas laga waayana wuxuu wacad ku maray in dadka Soomaaliyeed ay Al-Shabaab soo afjari doonaan mar aan dheereyn.
Hoos ka dhageyso wareysiga
Soomaaliga Iyo Sucuudiga Oo Ka Wada Hadlay Iskaashiga Labada Dal
Wasiirka Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Ca alamiga, Mudane Abshir Cumar Jaamac, ayaa ku lan doceed kula qaatay Xarunta Qaramada Midoo bey ee New York Dhiggiisa Sacuudiga, Amiir Faisal bin Farhan bin Abdu llah, oo ay ka wada qeyb galayaan shirka 77aad ee Jimciyadda quruumaha ka dhexeysa.
Labada Wasiir ayaa kulankooda kaga hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka ah iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada xoolaha, kalluumeysiga, kordhinta isdhaafsiga ganacsiga, cunto yarida, abaaraha iyo howlaha Golaha Dowladaha dhaca Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
Labada wasiir ayaa caddeeyay qoto-dheerida xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal iyo labada dad ee walaalaha ah.
DF oo ku dhowaaqday in lasoo afjaray howl galkii ka socday gobolka Hiiraan
Taliyaha ciidamada dhulka ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, General Maxamed Tahliil Biixi oo Shalay la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qa aday in lasoo afjaray howlgalkii balaarnaa ee maa lmahaan ka socday gobolka Hiiraan.
Taliye Biixi ayaa sheegay in intii uu socday howl galkan oo loogu magac daray Waabari 2 lagu dil ay 127 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shab aab, sida uu hadalka u dhigay.
"Argagaxisada waxaa halkan looga dilay 127 Al-Shabaab ah oo cadowgii ah, laguna dilay da gaalladii kala duwanaa ee ka dhacay Hiiraan” ayuu yiri taliye Biixi.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in xubnaha kale ee Al-Shabaab ay ka firxadeen Hiiraan, isla-markaana ay howlgalladu sii wadi doonaan inta laga xoreynayo dalka oo dhan.
"Firxadkooda waxaa naloo sheegay inay sii ya acayaan, iyaga oo ku yaacaya si aan talo ku jirin oo qof walba meeshii ka horreysay uu orday,” ay uu sii raaciyey.
Taliyaha ciidamada dhulka oo hadalkiisa sii wa ta ayaa sidoo kale xusay in la furay laamiga dheer ee isku xira Beledweyne iyo Buuloburte oo markii hore ay gooyeen Al-Shabaab.
"Waxaan rabaa inaan halkan ka caddeeyo wa ddada laamiga ah ee Beledweyne, illaa Buulobur de inay furan tahay oo Shalay cadow ku dhex jira uusan jirin,” ayuu markale yiri.
Ugu dambeyn wuxuu boggaadiyey ciidamada dowladda iyo maleeshiyaadka Macawiisleyda ee fuliyey howlgalladaasi, isaga oo sidoo kale u mah adceliyey dhammaan reer Hiiraan.
Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed oo Gudd oomiyey Shirka Gollaha Amniga Koonfur Galbeed.
Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowla dda goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Max amed Isaaq Cabdi ayaa Gudoomiyey Shirka Gol laha Amniga Dowladda Koonfur Galbeed. Shirka oo ay ka qeybgaleen Gudoomiyaha Gobol ka Baay, Sarakiisha Laamaha Amniga Booliska, Mileteriga, Nabad Sugida, ATMIS iyo Saraakiil Ka socday Dowladda Ingiriiska.Shirka Waxaa looga hadlay Xoojinta Howlgalada lagu soo afjaraayo ko oxaha Argigixisada ee dhibaateeya Shacabka.
Wasiirka Amniga dowladda goboleedka Koonfur Galbeed Maxamed Isaaq Cabdi ayaa u mahad cel iyey Ciidamada qeybahooda kala duwan ka qey bqaadashada sugida amniga Deeganada Koonfur Galbeed waxana Saraakisha uu Faray in loo diyaar garoobo Howlgallo ka dhan ah Argigixis ada Al-shabaab.
DF OO WAR KASOO SAARTAY CUDURKA EBOLA IYO GO’AANO CUSUB OO LAGU DHOWAAQAY
Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday go’aamo cusub oo looga hortag ayo cudurka Ebola oo dhawaan kiisas cusub oo la xiriira cudu rkaas laga soo wariyay dalka Uganda.
War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay inay bilaabeyso baaritaan la xiriira caabuqa Ebola oo lagu sameynayo dha maan muwaadiniinta iyo musaafiriinta ka imaney sa wadanka Uganda oo uu caabuqa kasoo cusbo onaaday. "Wasaaradda Caafimaadka JFS oo kaa shanaysa Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawadda iyo Hay’adaha Qaranka ee u xil saran ilaalinta xuduudaha iyo marinada isu-gudubka bu lshada, waxa ay qaadi doontaa talaabooyin looga hortagayo in uu cudurka soo gaaro dalka, maad aama wadanka Uganda oo hadda laga helay kii sas cusub ay ku nool yihiin Soomaali badan oo u soo socdaala magaalada Muqdisho iyo qeybaha kale ee dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Bayaanka kasoo baxay wasaaradda caafima adka ayaa imanaya maalin kadib markii ay Wasa aradda caafimaadka ee dalka Uganda shaacisay in tan iyo sanadkii 2019-kii ay markii ugu horrey say diiwaan-gelisay dhimashadii koowaad ee ka dhalatay cudurka Ebola.
Agaasimaha hay’adda caafimaadka adduunka qaybteeda qaaradda Afrika Matshidiso Moeti ayaa sidoo kale laga soo xigtay inay tahay markii ugu horreysay in ka badan toban sano oo Uganda la ga diiwaan-geliyay faraca Ebola ee sanadkii 1976-dii ka dillaacay dalka Suudaan.
Waxaa durtaba feejignaan dheeriya laga dareema ya dalalka dariska oo ayagu ku dhawaaqay tall aabooyin caafimaad oo looga hortagayo cudurka, xili aan weli si buuxda looga soo kabsan saa meyntii ka dhalataya Coronavirus.
Qoor Qoor Oo Saxiixay Laba Sharci Oo Doora shada Galmudug Saameynaya.
Madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor ayaa ka qeyb galay mu naadabadda xiritaanka Kalfadhiga shanaad ee Baarlamaanka Galmudug.
Munaasabadan oo lagu qabt ay xarunta madaxt ooyada waxaa ka soo qeyb galay madaxweyne kuxige enka Galmudug, gudoomiya ha Baarlamaanka, Xeer Ila aliyaha guud ee Galmudug, golaha wasiirada iyo xildhibaanada iyo marti sha raf kale.
Madaxweyne Qoor qoor ayaa sixiixay laba sha rci oo kala ah Sharciga Xibsiyada iyo Sharciga Gu diga madaxa banaan ee doorashooyinka, sida uu madasha ka sheegay.
Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor madaxwe ynaha maamulka Galmudug ayaa sheegay in Gal mudug ay u tallaabsatay wadada dimoqraadiyad da, lana diiwaan galin doono xisbiyada.
MUNA AXLAA oo faahfaahisay dhibkii lagu gaarsiiyey isbitalka Yardimeli
Muna Axlaa oo aheyd gabar u dhaq-dhaqaa qdo nabadda iyo dhallinayarada ayaa Shalay dhi bane u ah dhaqaatiir ajaanib ah oo ka howlgala isbitaalka Yardimeli ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo la sheegay inay ku sameeyeen qaliin khaldan oo dhanka caloosha ah.
Qaliinka lagu sameeyey Muna ayaa hadda ke enay inay halis gasho nolosheeda kadib markii uu soo wajahay xanuun ka adag midkii hayey ka hor inta aan qaliinka lagu sameyn.
Muna oo ku jirtay xaalad adag tan iyo bishii Ago osto ee sanadkaan oo hadda ku jirto isbitaalka Digfeer ayaa ka digtay dhakhaatiirta ajaanibta ah ee kusoo qul-qulaya Soomaaliya.
"Dhibka i gaaray dhib yar ma aheyn, xubno badan oo muhiim ah ayaa jirkeyga ka maqan oo runtii aad ii danqineysa markaa soo xasuusto, wa xay ii sheegeen inay waqti yar qaadaneyso oo le ysar la igu qalayo, qaliinkeyga kadib laba maalin ka dib waxay bixiyeen tubooyinkii caloosha iiga jir ay, kadib anoo saxaroon oo neef iga imaanin ay ey i dhaheyn xaafada aad,” ayey tiri Muna Axlaa oo la hadashay Telefishinka Dalsan.
Waxay intaas kusii dartay "Dhakhaatiirtii i qal ay waxay ahaayeen ajaanib, nin iyo naag way is qabaan la dhahayey ayaa qaliinka sameeyey, ka liya waxaa Soomaali ka ahaa ninka i suuxinayey, markii ay i dhaheyn waa bixi kartaa waxaa dalbad ay inaan habeen sii joogo si aan xaaladeeda u ogaado maadaama aan dibirsanahay, saxaroon markii qaliinka la igu sameeyey kadib.”
Muna ayaa sheegtay inay Isbitaalka kusoo bo oq deen dhakhaatiir Soomaaliyeed oo ay qara abo yihiin kadibna ay u sheegeen inay xoogaa lugeysiinayaan, balse nasiib darro waxay sheeg tay inay caloosha kasoo daadatay saxaro taasoo xaaladeeda ka dhigtay mid adag.
"Dhibkii iga soo gaaray qaliinkaas waa midka aan illaa hadda u jiifo Isbitaal oo aan koomo u ga lay, waxaa la furay caloosheeda maalmo badan, intaan qaliinka gelin ka hor waxaan la kulmay wa siirka caafimaadka waxyaabaha aan kala hadl ayna waxaa kamid aheyd in dhaqaatiirtaan wadan ka lagu soo aruurinayo ay wasaaradda xil iska sa arto inay hubiso tayadooda,” ayey mar kale tiri Mu na oo ay ka muuqatay murugo.
Muna waxay hadda dacwad ka dhan ah Isbita alka Yardimeli iyo dhaqaatiirta ajaanibta ah ee qa liinkeeda fuliyey u gudbisay xeer ilaalinta dalka, waxayna dowladda Soomaaliya ugu baaqday in la dardar geliyo kiiskeeda ka hor inta aysan dalka ka baxsan dhaqaatiirta ku sameeyey qaliinka.
"Dhibka aniga i gaaray wuxuu cashir u yahay dad badan oo aan hadli karin oo aan loo hadli karin oo Isbitaalada ku dhibaateysan qadar ayaana ii geys ay xaqiiqdii, dacwad ayaan u gudbiyey xeer ilaal inta, abuukaataheyga waan wakiishay , garsoorka ayaan ka sugeynaa inay noo cadaalad falaan anaga iyo ayaga,” ayey tiri. Dhacdada qabsatay Muna Axlaa ayaa maal mahaan heysatay baraha bulshada, waxayna aheyd inta badan u doodo dhallinyarada mar kastana diirada saarto sidii loo heli lahaa Soomaaliya oo nabad ah.
Jeesow oo mid ka mid ah isbitaallada Muqdisho ku qeexay kawaanka dadka
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa si kulul u ga hadlay dhibaatada isbitaalka Yardimeli loogu geystay gabaar dhallinyaro ah oo lagu ma gacaabo Muna Axlaa, taasi oo qaliin khaldan lo oga sameeyey dhanka Caloo sha.
Jeesow ayaa sheegay in Isbitaalka Yardimeli uu noqd ay kawaanka dadka, wuxuu na soo saaray baaq ku socda wasaaradda caaf imaadka. "Walaalayaal Isbitaalka Yardimeli dad badan ayaa ku waxyeeloobay, wuxuu noqday isbi taalka kawaanka dadka, waxaan la’ahay qof gala oo isagoo caafimaad qaba kasoo baxa,” ayuu yiri xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.Xildhibaan Da ahir ayaa sheegay in qof kasta oo taga isbitaalka Yardimeli uu u dhaxeeyo inuu dhinto ama in dhi baato loo geysto.
"Qof kasta oo qalliin u taga mid dhinta iyo mid kale ayey noqdaan, wasaaradda caafimaadka iya doo mas’uul ka ah inay koontaroolaan isbitaalada sida shaqsiga ah loo leeyahay, waa inay arrintaas baaritaan iyo dabaga ku sameeyaan,” ayuu sii raaciyey hadalkiisa.
Wuxuu ugu baaqay xarunta dambi baarista ee CID inay si deg deg ah u baarto kiiska gabadhaan oo hadda lagu daweenayo Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho.
"CID waxaan ka codsanayaa hadduu uu kiis kan soo gaaray waa inay kiiskaan si maamuus leh u qaadaan, waayo Muna Axlaa waaye qofka aan ka hadlayo aniga xildhibaankeeda ayaan ahay wa xyeelada loo geystay dhib weyn ayey igu leeya hay,” ayuu yiri mar kake.
Jeesow ayaa ku baaqay in dib looga fiirsado Isitaalka Yardimel,i isagoo taas sabab uga dhigay in dad badan lagu dhibaateeyey.
"Hay’adaha caddaaladda waa inay dhaqaatiirtii dhibaatada u geystay cadaaladda hor keenaan, waxaana ku baaqayaa in guud ahaanba isbit aalkaas dib looga fiirsado, waana in la xiro inta uu baaritaanka socdo sababtoo ah dad badan ayaa lagu dhibaateeyey,” ayuu yiri Jeesoow oo shir jar aa’id qabtay.
Ugu dambeytii xildhibaanka ayaa ugu baaqay in qof kasta oo lagu dhibaateeyey Isbitaalkaas uu soo hadlo isla markaasna ay diyaar u yihiin inay u qabtaan Abuukaatayaal u doodo.’
Hadalka xildhibaan Jeesow ayaa yimid kadib markii Muna Axlaa ay Dorraad ka hadashay dhibaatadii loo geystay Yardimeli oo ah Isbitaalk ay joogaan dhaqaatiir ajaanib ah.
Ninkii Ka Danbeeyay Qarax Ka Dhacay Deega anka Milxo Oo Lagu Qabtay Boosaaso.
Warar dheraad ah ayaa laga helayaa howlgal culus oo ciidamadda sida gaarka ah u tababaran Puntland ee PSF ay ka sameeyeen magaalada Boosaaso ee xarunta gob olka Bari.
Sida wararku sheegay aan, ciidamadda ayaa gac anta ku soo dhigay nin lagu eedeeyay inuu mas’uul ka ahaa qarax 11-kii bi shan ka dhacay deegaanka Milxo ee gobolka San aag, waxaana qaraxaasi ka dhashay khasaare dhi masho iyo dhaawacba leh. war ka soo baxay PSF ayaa lagu sheegay in lagu guuleystay soo qa bashada ninkan, waxeyna sheegeen inuusan jirin wax dagaal ah oo oo ka dhashay soo qaba shadiisa, iyagoo uga mahadceliyay shacabka oo ay tilnaameen iney arrintan kala shaqeeyeen.
Si kastaba, Qaraxa ka dhacay deegaanka Milxo oo lala eegtay xoogsato qodaneysay macdan ayaa waxaa ku dhintay lix ruux, iyadoo ku dhowaad 10 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.
Maraykanka oo sheegay inuu duqayn ku dilay 27 kartirsan kooxda Alshabaab
Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in du qeyn ka dhan ah Al-Sha baab ay ka fulisay meel ku dhow degmada Buu lo-burde ee gobolka Hi ir aan, 18-kii Sebtembar ee todobaadkaan.
War qoraal oo Shalay kasoo baxay taliska ciida mada Maraykanka ee Afrika ee loo yaqaano AFRICOM, ayaa lagu sheegay in duqayntan la gu dilay 27 katirsan da gaalamayaasha Alsha baab.
Marayanka wuxuu sheegay inuu duqayntaan ku taageerayay ciidamada qalabka sida ee Soom aaliya iyo kuwa dadka deegaanka oo dagaal kula jira dagaalamaayasha Al-Shabaab.
Wuxuu sheegay duqayntan inay tahay mid cii damada Soomaaliya iyo kuwa ATMIS ka caaw inaysa inay dagaalka horey usii wadaan.
Ma jiraan wax khasaare ah oo shacabka kasoo ga aray howlgalkan sida uu sheegay AFRICOM.
Dagaal beeleed ay dad ku dhinteen oo ka dhac ay tuulo ka mid ah degmada Gursum ee dow lad degaanka Sooma alida
Wararka ka imaanaya dowlad degaanka Soo maalida ayaa sheegaya in Shalay uu dagaal be eleed uu ka dhacay goobta lagu magacaabo Go da oo ka tirsan degmada Gursum ee dowlad de gaanka Soomaalida.
Ugu yaraan shan qof ayaa lasoo sheegayaa in ay ku dhinteen dagaal beeleedkan, iyadoo dhan ka dowladdana lasoo sheegayo in ciidamo kala dhex gala beelahan dagaalamay ay halkaa u di rtay.
Dagaal beeleedkan ayaa siday wararku shee gayaan waxa uu daba socdaa dagaal kale oo isla beelahan dagaalamay bil ka hor ku dhex maray tuulo kamid ah degmada Gursum oo lagu maga caabo Anane, halkaas oo xilligaa ay dagaal beele edkaasi ay ku dhinteen ilaa saddex qof oo kamid ah beelihii wakhtigaa dagaallamay.
Wali xukuumadda degaanka Soomaalidu kam aysan hadlin beelahan dag aallamay, iyo waxay ka qa batay dagaal beeleedkan Shalay ka dhacay degma da Gursum ee gobolka Fa afan ee dowlad degaanka Soomaalida.
Beelahan dagaallamaya ayaa wada dega degma da Gurum iyo tuulooyinka u dhaw, wuxuuna dag aalkoodu kasoo bilaabmaa ilaa 6 bilood ka hor, wakhti magaalada Bambaas oo kamid ah gobolka Faafan uu ka dhacayay caleema saarka Ugaaska beel kamid ah beelahan dagaallamaya, xafladda as oo xilligaasi ay ka dhaceen rabshado ay dad badani ku dhinteen wakhtigaas.
Dowladda ayaa horey u ballan qaaday in xallin ta khilaafaadka beelaha ay u adeegsan doonto gacanta hay'adaha amniga, maadaama ayay tiri dowladdu xal ay kerni waayeen Odayaal dhaqa meedka horey ugu xilsaarnaa xalinta khilaafaadka beelaha.
Xisbiga Sinaanta iyo Cadaaladda FEP oo go' aan kasoo saarey shirweynaha wada tashiga ee dhawaan Jigjiga ka qabsoomi doona
Xisbiga Sinaanta iyo Cadaaladda FEP laant iisa dowlad degaanka Soomaalida ayaa War saxa afadeed ay Shalay soo saar een ku sheegay inay haboon tahay in dib loo dhigo shirwe ynaha wada tashiga ee loo ballansanaa toddobaadka soo so cda ilaa inta laga saxayo khaladaad ay sheegeen inay jiraan. Xisbigu waxa kale oo uu sheegay in kala fogaanshaha u dhaxeeya saamileyda siyaas adda uu caqabad ku yahay qabsoomidda shirwey naha, sidaas darteedna loo baahan yahay in shir hordhac ah yeeshaan saamileyda siyaasaddu si loo saxo khaladaadka jira, waa sida lagu xusay War saxaafadeedka Xisbiga FEP.
Ugu dambeyn Xisbiga Sinaanta iyo Cadaalad da waxaa uu war saxaafadeedkiisa kusoo xiray in shirweynahaa loo ballansanaa uuna qabsoomi karin ilaa la saxo ayay yiraahdeen kaladaadka jira.
Xisbiga Sinaanta iyo Cadaaladda waa xisbigii labaad ee isna ka go'aan qaata shirweynaha dha waan loo ballansan yahay inuu degaanka ka qab soomo, iyadoo maalintii Dorraad ay ONLF sheegtay inay qaadacayso ka qayb galka Shirkaas.
Xisbiga Sinaanta iyo Cadaaladda waa xisbiga labaad ee mucaarad ah ee ka jira dowlad dega anka Soomaalida, iyadoo xisbigani uu sidoo kale ka jiro dhammaan degaannada uu ka kooban yahay dalka Itoobiya, Xisbigan laantiisa degaanka Soomaalida waxaa guddoomiye u ah Sheekh Ibraahim dheere, iyadoo isla Sheekh Ibraahim dheere uu guddoomiye ku xigeen u yahay Xisbiga xaruntiisa guud oo ku taal Addis Ababa.
Shirkad Shidaal Ka Qodaysay Degaanka Soom aalida Oo Shaqadii Laga Joojiyay
Dowladda Itoobiya ayaa qanddaraaska ka joojisay shirkad qaabilsan shidaalka oo laga leeyahay Shiinaha. Shirkaddan oo ay qeyb ahaan leedahay dowladda Shiinaha ayaa shidaal qodis ka waday Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.
Itoobiya waxay sheegtay inay shirkadda Poly-PGL ay kuu guuldareysatay inay raacdo heshiiska ku saab san dhaqaalaha iyo dhanka farsamada ee shidaal soo saarista.
Dadka deegaanka ayaa ku eedeeyay shirkaddan inay sumeysay ceelasha biyaha kadib markii ay shirkadda ku daadisay waxyaabo waxyeelleynayo deegaanka. Shirkadda kama aysan hadlin eede ymaha loo jeediyay.
Dowladda Itoobiya ayaa qorsheyneysay in ay ka faa’iideysato ceelal laga helay shidaal oo laga helay deegaanka Soomaalida, laakiin waxaa jirta cabasho ay dadka Soomaalida ah ka qabaan mashruucan oo ah mid aad u baaxad weyn.
Shirkad Shiineys ah, oo in muddo ah qiimeyn ku sameyneysay ceelasha shidaalka iyo sida loo wajihi karo howsha qodiska, ayaa dhawaan dowladda federaalka Itoobiya u xaqiijisay in la qaadi karo tallaabada ka faa’iideysiga.
Muddo dheer ayay Itoobiya ku howlaneyd inay xog dhammaystiran ka hesho kheyraadka dabiiciga ah ee gaarka ku ah gobolka Soomaal ida.
RW Xamse Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Danji raha Itoobiya U Jooga Soomaaliya
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Md Hamza Abdi Barre ayaa Shalay xafiiskiisa ku qaabiley Danjiraha Itoobiya u jooga Soomaaliya, Cabdifitaax Cabdullaahi Xasan.
Ra’iisul Wasaare Xam se iyo Danjiraha Itoobi ya ayaa intii kulankoodu socd ay waxay isla soo qaad een arrimo dhowr ah oo khuseeya xiriirka derisnimo ee ka dhexeeya lab ada dal iyo sidii loo sii hormarin lahaa.
Dhanka kale Ra’iisul Wasaare Hamza Abdi Barre, ayaa Shalay xarigga ka jaray adeegga duu lista hawada Soomaaliya oo horumarin lagu same eyay, lana gaarsiiyay heerka ugu sarreeya ee la gu qiimeeyo adeegga hawada caalamka.
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Far dowsa Cusmaan Cigaal iyo Maareeyaha Hay’ad da Duulista Rayidka, Axmed Macallin ayaa ka war ramay dadaalkii lagu soo gaaray heerka Shalay ay u gudubtay hey’adda maamusha hawa da dal ka.
Ra’isul Wasaaraha oo hadal ka jeediyey muna asabaddda xarig-jarka oo ka dhacday xarunta Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, ayaa ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay heerkan Shalay la gaaray u leedahay horumarka dalka iyo guud ahaan dib u habeynta casriga ah ee adeeg ga hawada Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare Barre ayaa xusay in horuma rinta lagu sameeyay adeegga hawada dalku uu keenayo kobac dhaqaale oo ka qeyb qaadanaya horumarka iyo isku filnaashaha dhaqaale ee uu qaranku hiigsanayo, waxaana uu u mahad celiyay cid kasta oo gacan ka geysatay guusha laga gaa ray hagaajinta adeegga duulista hawada dalka
Hay'adda Q/Midoobay u qaabil san qax ootiga oo soo saartay xeer cusub oo ku saabsan ila alinta qaxootiga Soomaal iyeed.
Hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay, UNHCR, ayaa soo saartay xeer cusub oo ku saabsan sida ay xaquuq magangalyo ku heli karaan qaxootiga Soomaaliyeed ee dalkooda ka cararaya.
Xeerkaan ayaa sheeg aya in dowladuhu ay u ogola adaan dadka ka cararaya Soomaaliya in ay badb aado raads adaan, iyo in sheega shadooda qaxoo tinimo lagu qiimeeyo sharciga caalamiga ah.
Hay'adda UNHCR waxay sheegtay kuwa lagu helo inay ka cararayaan rabshadaha, xadgudubya da xuquuqul insaanka iyo cadaadisku inay buux inayaan shuruudaha aqoonsiga qaxootinimo ee hoos yimaada Axdiga Qaxootiga adduunka ee 1951.
Xeerkan ayaa ujeedadiisu tahay in lagu caa wiyo dadka magangelyo doonka ah ee ka yimid Soomaaliya, si ay soo dhowayn uga helaan dalal ka ay tagaan.
"Waxaan bogaadinaynaa sida ay uga go’an ta hay dalalka deriska ah ee ku aaddan ilaalinta waajibaadkooda sharci ee caalamiga ah iyagoo soohdimahooda u furaya Soomaalida u qaxaysa inay badbaado raadsadaan. Laakiin waxaan ku boorineynaa dhammaan waddamada - oo ay ku jiraan kuwa ka fog fog - inay sidaas oo kale sameeyaan. Waxay kaloo gacan ka geysan kar aan inay taageero dheeraad ah siiyaan, iyo kordh inta meelaha la dejiyo Soomaalida iyo qaxootiga kale”ayaa lagu yidhi bayaan kasoo baxay UNHCR. Dhammaadkii 2021, 836,300 qaxooti So omaali ah iyo kuwo magangelyo doon ah, ayaa ku dhawaad 80 boqolkiiba waxaa lagu marti galiyay dalalka deriska iyo kuwa gobolka oo ay ku jiraan Itoobiya, Kenya, Yemen, Jabuuti, Uganda iyo Suu daan.
Dalal ay Soomaaliya ku jirto oo la shee gay in afartii ilbiriqi ee kasta hal qof uu gaajo u dhimanayo
Hal qof ayaa lagu qiyaasay in uu gaajo u dhim anayo afartii ilbiriqsi kasta dalal ay Soomaaliya ka mid tahay, iyada oo in ka badan 200 oo iskugu jira hay’adaha aan dowliga aheyn iyo ururrada gar gaarka ee caalamka ay ka digeen dhibaatadan Ta laadadii, iyagoo ku boorriyay tallaabo caalami ah oo go’aan looga qaato si loo
oo afjaro dhibaatada gaajada ee caalamka ku sii fideysa.
Warqad furan oo ay kula hadlayeen hogga amiyeyaasha adduunka oo isugu yimid New York oo ay kaga qeyb galayaan shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, ayaa 238 urur oo ka kala socda 75 waddan, oo ay ku jiraan Oxfam, Save the Children iyo Plan International ku muujiyeen sida ay uga xun yihiin heerka gaajada cirka isku shareertay.
Waxay bayaanka ay soo saareen ku sheegeen in 345 milyan oo qof ay hadda la il daran yihiin gaajo daran, tiradaas oo laba jibaarantay tan iyo sanad kii 2019-kii.
"In kasta oo madaxda caalamkunay ballan-qa adyo ku sameeyeen in aan marnaba la oggolaan karin macluul qarnigan 21-aad, haddana macluul ayaa mar kale kusoo fool leh Soomaaliya, add uunka oo dhan 50 milyan oo qof ayaa qarka u sa aran inay macluul u dhintaan 45 waddan,” ayay yiraahdeen ururadan.
Waxa ay tilmaameen in dad gaaraya 19,700 oo qof lagu qiyaasay inay maalin walba gaajo u dhimanayaan, waxaana ay sheegeen in taasi ay ka dhigan tahay in afartii ilbiriqsiba hal qof uu ga ajo u dhinto. Voa Somali
DF Oo Shiinaha Kala Hadashay Kaluumeys iga Sharci Darada Ah Ee Bada Soomaaliya.
Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo khey raadka badda ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Ahmed Hassan Aden ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dow ladda Shiinaha ee Soomaaliya mudane FEI Shen gchao.
Wasiirka iyo danjiraha ayaa ka wahadalay xoojinta kaalin ta kaga aadan wasaaradda iskaashiga faa’iido wadaagga ah ee ka dhaxeeya labada, abuuridda jawi wadanasheyneyd oo cusub iyo in la iska kaashado sidii looga hortagi lahaa ka lluumeysiga sharci daradda ah ee ay dowladaha shisheeye ka sameeyaan badda Soomaaliya.
Wasiirka wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyra adka badda mudane Ahmed Hassan Aden ayaa u sheegay danjiraha in ka wasaarad ahaan ay ka shaqeynayaan in ka hortag xoogan lagu sameeyo kalluumeysiga sharci daradda ah loona baahan yahay in safaaraddu ay kaalinteeda qaadato maadaama shirkaddaha ugu badan ee sharci u haysta in ay ka kalluumeystaan badda Soomaaliya ay yihiin kuwo laga lee yahay dalkooda. isaga oo intaa ku daray in shati aan ka soo bixin wasaaradda ay u aqoonsan yihiin wax kama jiraan ciddii ku kalluumeysatana ay ku jirto liiska kuwa sharci daradda lagu eedeynayo.
Wasiirka iyo danjiraha ayaa sidoo kale isla gartay in la xoojiyo wada shaqeynta labada dhinac iyadoo lagu ballamay in ay dhacaan kulamo kale oo lagu dhameystirayo wadahal ka mira dhalka ah ee ay yeesheen.
df oo shiinaha kala hadashay kaluumeysiga sharci darada ah ee bada soomaaliya.df oo shii naha kala hadashay kaluumeysiga sharci darada ah ee bada soomaaliya.df oo shiinaha kala hada shay kaluumeysiga sharci darada ah ee bada soomaaliya.
Putin oo u yeeray ciidamada keydka xilli uu qorsheynayo tallaabo cusub oo xasaasi ah
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa amray abaabul militari oo cusub, isaga oo Shalay wacad ku maray inuu adeegsan doono "wax kasta oo uu heli karo” si uu u ilaaliyo dhulka Ruushka.
Tallaabada uu Putin qaaday ayaa timid kadib markii gobollada Moscow ay haysato ee Ukraine ay ku dhowaaqeen afti ay ugu biirayaan Ruushka.
Codbixintan oo Kyiv iyo Reer Galbeedka ay ugu yeereen "been abuur” ay aa heer cusub gaarsiinaysa dagaalka toddobada bilka socda Ukraine, ayada oo Moscow siinaysa awood ay ugu eedeyso ciidamada Ukraine inay weerareen dhulka Ruushka.
Afar gobol oo ka tirsan Ukraine oo ay haystaan Ruushka kuwaas oo kala ah: Donetsk iyo Lug ansk oo ku yaalla bariga iyo Kherson iyo Zaporizh zhia oo dhaca koonfurta ah, ayaa sheegay Talaad adii inay afti dadweyne qaadi doonaan muddo shan maalmood ah oo ka billaabaneysa Jimcaha.
Khudbad horey loo duubay oo uu Shalay u jeed iyey qaranka, ayuu Putin ku eedeeyey Reer Gal beedka inay isku dayayaan "inay burburiyaan” da lkiisa ayaga oo taageeraya Kyiv, wuxuuna sheeg ay in Ruushka looga baahan yahay inay taageer aan kuwa ku sugan Ukraine ee doonaya "inay go’ aan ka gaaraan mustaqbalkooda.”
Waxa uu sidoo kale ku dhowaaqay abaabul militari oo cusub, ayada oo wasiirka difaaca Ser gei Shoigu uu taleefishinka dowladda u sheegay in 300,000 oo askari oo ciidamada keydka ah loo yeeri doono.
"Marka madax-banaanida dhuleed ee dalkee na la halis geliyo, waxaan adeegsan doonnaa wax kasta oo aan heli karno oo aan ku ilaalineyno Ruushka iyo shacabkeena. Tani ma ahan caya ar,” ayuu yiri Putin.
Putin waxa uu sidoo kale sheegay in ayaga oo taageeraya Ukraine ay Reer Galbeedka isku day ayaan "inay wiiqaan, kala qeybiyaan, islamarkaa na ay burburiyaan” dalkiisa.
Tallaabada ay qaaday Moscow ayaa imaneysa ayada oo ciidamada Ruushka ee Ukraine ay waj ahayaan caqabaddii ugu xooganeyd tan iyo markii uu dagaalka billowday.
Ciidamada Ukraine ayaa toddobaadyadii dho waa qabsaday boqolaal magaalo iyo deegaano oo ay bilo haysteen Ruushka. BAFP + VOA
MAGACYADA ILLAA 40 QOF OO SOMALI-MAREY KAN AH OO LAGU SOO OOGAY DACWAD CULUS
Waaxda Cadaaladda Mareykanka ayaa ku dhowaaqday dacwado ka dhan ah 47 qof oo badankood Soomaali ah oo lagu eedeeyey inay ku lug yeesheen xato oyadii ugu weyneyd Mareykanka ee lagu sameeyey lacago looga talo-galay gargaarka COVID-19.
Caasimada Online ayaa heshay magacyada dadkan oo ku jira lix liis dacwadeed oo kala duwan, waxaana loo haystaa kaalinta ay ku lahaayeen $250 milyan oo laga xaday barnaa mij ay dowladda federaalka Mareykanka ugu talo-gashay nafa qeynta caruurta.
Dhammaan dadkan kuma jiraan kuwa lagu caddeeey dambiga loo haysto, wax ayna sugayaan maxkamadeyn. Kuwa badan oo ka mid ah ayaa si toos ah ama ayaga marinaya qareenadooda sheegay inaysan wax dambi ah gelin.
Xeer-ilaaliyaha qaranka Mareykanka ee gobolka Minnesota, Andy Luger ayaa Talaadadii sheegay in qaar ka mid ah dadkaas lasoo xiray.
Dacwadaha illaa hadda lagu soo oogay dadkan waxaa ka mid ah shirqool, khiya ano lacag diris, been xalaaleyn lacag, iyo laaluush.
Dacad oogayaasha federaalku waxay sheegeen in eedaysanayaasha ay hele en, lunsadeen, oo ay lacag been xalaaleeyeen malaayiin dollar ah oo ay dowla dda ka dalbadeen ayaga oo sheegaya inay tahay cunno ay ku quudiyeen caruur ta qoysaska saboolka ah.
Haddaba waa kuwan magacyada dadka dacwadaha lagu soo oogay iyo kiisas dacwadeedka ay ku jiraan:
Magacyada soo socda waxay ku jiraan kiis dacwadeedka United States v. Aimee Marie Bock et al.
1- Aimee Marie Bock, oo ah 41 jir degan Apple Valley, Minnesota, aas-aasaha iyo agaasimaha hay’adda Feeding Our Future.
2- Abdikerm Abdelahi Eidleh, oo ah 39 jir degan Burnsville, Minnesota, shaqaale ka tirsan Feeding Our Future.
3- Salim Ahmed Said, oo ah 33 jir degan Plymouth, Minnesota, milkiile iyo shaqa ale maqaayadda Safari Restaurant.
4- Abdulkadir Nur Salah, oo ah 36 jir degan Columbia Heights, Minnesota, milkii le iyo shaqaale maqaayadda Safari Restaurant.
5- Ahmed Sharif Omar-Hashim, oo sidoo kale loo yaqaan "Salah Donyale,” oo ah 39 jir degan Mineapolis, Minnesota, aas-aasaha shirkada Olive Management Inc.
6- Abdi Nur Salah, oo ah 34 jir degan Minneapolis, Minnesota, kaaliyihii hore ee siyaasadda ee duqa magaalada Minneapolis Jacob Frey, kadibna iibsaday hay ’a dda Stigma-Free International.
7- Abdihakim Ali Ahmed, oo ah 36 jir degan Apple Valley, Minnesota, aas-aasa ha shirkadda ASA Limited LLC.
8- Ahmed Mohamed Artan, oo ah 37 jir degan Minneapolis, Minnesota, oo soo noqday madaxa hay’adda Stigma-Free International.
9- Abdikadir Ainanshe Mohamud, oo loo yaqaan "AK,” ahna 30 jir degan Fridley, Minnesota, oo madax ka ahaa qeybta Stigma-Free ee Willmar.
10- Abdinasir Mahamed Abshir, oo ah 30 jir degan Minneapolis, Minnesota, oo madax ka ahaa qeybta Stigma-Free ee Mankato.
11- Asad Mohamed Abshir, oo ah 32 jir degan Mankato, Minnesota, oo wax ka maamulayey qeybta Stigma-Free ee Mankato.
12- Hamdi Hussein Omar, oo ah 26 jir degan St. Paul, Minnesota, oo maamuleys ay qeybta Stigma-Free ee Waite Park.
13- Ahmed Abdullahi Ghedi, oo ah 32 jir degan Minneapolis, Minnesota, oo wax ka aas-aasay shirkadda ASA Limited LLC.
14- Abdirahman Mohamud Ahmed, oo sidoo kale loo yaqaan "Chef Abcos,” oo ah 54 jir degan, Columbus, Ohio, ahna milkiilaha maqaayadda Afra Grill.
Magacyada soo socda waxay ku jiraan kiis dacwadeedka United States v. Abdi aziz Shafii Farah et al.
15- Abdiaziz Shafii Farah, oo ah 33 jir degan Savage, Minnesota, oo ah milkiile iyo shaqaale ka tirsan maqaayadda Empire Cuisine and Market LLC.
16- Mohamed Jama Ismail, oo ah 49 jir degan Savage, Minnesota, oo ah milkiile iyo shaqaale ka tirsan maqaayadda Empire Cuisine and Market LLC.
17- Mahad Ibrahim, oo ah 46 jir degan, Lewis Center, Ohio, madaxa iyo milkiila ha hay’adda ThinkTechAct Foundation.
18- Abdimajid Mohamed Nur, oo ah 21 jir degan Shakopee, Minnesota, oo aas-aasay shirkadda Nur Consulting LLC.
19- Said Shafii Farah, oo ah 40 jir degan Minneapolis, Minnesota, milkiilaha duka anka Bushra Wholesalers LLC, lana dhashay Abdiaziz Farah.
20- Abdiwahab Maalim Aftin, oo ah 32 jir degan Minneapolis, Minnesota, milkiila ha dukaanka Bushra Wholesalers LLC.
21- Mukhtar Mohamed Shariff, oo ah 31 jir degan Bloomington, Minnesota, mada xa shirkadda Afrique Hospitality Group.
22- Hayat Mohamed Nur, oo ah 25 jir degan Eden Prairie, Minnesota, lana dhalat ay Abdimajid Mohamed Nur lana tuhunsan yahay inay kala qeyb qaadata xatooy ada la tuhunsan yahay. Magacyada soo socda waxay ku jiraan kiis dacwadeed ka United States v. Qamar Ahmed Hassan, et al.
23- Qamar Ahmed Hassan, oo ah 53 jir degan Brooklyn Park, Minnesota, milkiila ha iyo shaqaale shirkadda S & S Catering
24- Sahra Mohamed Nur, oo ah 61 jir dega Saint Anthony, Minnesota, maamule ka tirsan ururka Academy for Youth Excellence. 25- Abdiwahab Ahmed Moha mud, oo ah 32 jir degan Brooklyn Park, Minnesota, maamule ka tirsan Academy for Youth Excellence.26- Filsan Mumin Hassan, oo ah 28 degan Brooklyn Park, Minnesota, maamule ka tirsan Youth Higher Educational Achievement.
27- Guhaad Hashi Said, oo ah 46 jir degan Minneapolis, Minnesota, maamul ka ti rsan ururka Advance Youth Athletic Development.
28- Abdullahe Nur Jesow, oo ah 62 jir degan Columbia Heights, Minnesota, ka ti rsan Academy for Youth Excellence.
29- Abdul Abubakar Ali, oo ah 40 jir degan St. Paul, kana tirsan ururka Youth Inv entors Lab site.
30- Yusuf Bashir Ali, oo ah 40 jir degan Vadnais Heights, Minnesota, kana tirsan ururka Youth Inventors Lab site.
Magacyada soo socda waxay ku jiraan kiis dacwadeedka United States v. Haji Osman Salad, et al.
31- Haji Osman Salad, oo ah 32 jir degan St. Anthony, Minnesota, maamulaha maqaayadda Haji’s Kitchen.
32- Fahad Nur, oo ah 38 jir degan Minneapolis, Minnesota, maamulaha The Prod uce LLC.
33- Anab Artan Awad, oo ah 52 jir degan, Plymouth, Minnesota, madaxa ururka Multiple Community Services.
34- Sharmarke Issa, oo ah 40 jir degan Edina, Minnesota, aas-aasaha shirkad la gu magacaabo Minnesota’s Somali Community iyo maamulaha maqaayqadda Wacan Restaurant LLC.
35- Farhiya Mohamud, oo ah 63 jir degan Bloomington, Minnesota, maamulaha Dua Supplies and Distribution Inc.
Magacyada soo socda waxay ku jiraan kiis dacwadeedka United States v. Liban Yasin Alishire, et al.
36- Liban Yasin Alishire, oo ah 42 jir degan Brooklyn Park, Minnesota, maamula ha iyo milkiilaha ururka Community Enhancement Services Inc.
37- Ahmed Yasin Ali, oo ah 57 jir degan Brooklyn Park, Minnesota, wuxuu same eyey goob cunada lagu qeybiyo oo ay maamusho Lake Street Kitchen kana tirs an JigJiga Business Center.
38- Khadar Jigre Adan, oo ah 59 jir degan Lakeville, Minnesota, madaxa goob cu nada laga bixiyo oo ay maamusho Lake Street Kitchen kana tirsan JigJiga Bus iness Center.
Magacyada soo socda waxay ku jiraan kiis dacwadeedka United States v. Shar marke Jama, et al.
39- Sharmake Jama, oo ah 34 jir degan Rochester, Minnesota, maamulaha maq aayadda Brava Restaurant and Cafe LLC.
40- Ayan Jama, oo ah 43 jir degan Rochester, Minnesota, maamule ka tirsan ma qaayadda Brava Restaurant and Cafe LLC.
41- Asha Jama, oo ah 39 degan Lakeville, Minnesota, kana shaqeysay maqaa yadda Brava Restaurant.
42- Fartun Jama, oo ah 35 jir degan Rosemount, Minnesota, kana shaqeysay ma qaayadda Brava Restaurant.
43- Mustafa Jama, oo ah 45 jir degan Rochester, Minnesota, kana shaqeeyey maqaayadda Brava Restaurant.
44- Zamzam Jama, oo ah 48 jir degan Rochester, Minnesota, kana shaqeysay maqaayadda Brava Restaurant.
Magacyada soo socda waa shaqsiyaad si gaar ah dacwad loogu soo oogay, wax aana mid walba loo haystaa hal xisaab dacwad
45- Bekam Addissu Merdassa, oo ah 39 jir degan Inver Grove Heights, Minne sota.46- Hadith Yusuf Ahmed, oo ah 34 jir degan Eden Prairie, Minnesota.
47- Hanna Markegn, oo ah 40 jir degan Edina, Minnesota.
Itoobiya oo beenisay warbixinta Qaramada Midoobey ee sheegeyso in taca ddiyo laga geystay Tigray.
Dowladda Itoobiya ayaa beenisay warbixin ay soo saareen guddi ka tirsan Q/ Midoobey oo sheegay in ciidamada Itoobiya ay dilal ka geys teen halkaas. Itoobiya waxay warbixinta ku tilShalayy , "mid aan dhameystirn eyn oo aan xaq iiq aheyn” isla markaana la doo nayay in lagu waxyeelleeyo dowladda Itoobiya. Guddiga xuqu uqul insaanka ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay inay hayaan caddeymo dhameystiran oo ku saabsan in militeriga Itoobiya ay dilal baahsan ka geysteen Tigray.Dowladda Itoobiya waxay sheegtay "inay iska cad tahay in warbixinta ay tahay mid siyaas adeed iyadoo marmarsiinyo laga dhiganayo warbixin baaritaan ah”.Dowladda ay aa is difaacday xilli ay sheegtay inay caddaaladda horkeentay dadka lagu helay inay geysteen dambiyo ka dhan ah xuquuqul insaanka
Aryadyda muslimiinta ah ee Hindiya oo la barayo Heesahaa Diinta Hinduga
Siyaasiyiinta Kashmiir ee ay Hindiya maamusho ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin isku dayga ay dowladda Hindiya ku dooneyso in carruurta dugsiyada Muslimiinta lagu baro heesaha diinta Hinduuga.
Madaxa wasiirkii hore Mehbooba Mufti ayaa sheegay in ku hagida ciyaalka iskuulada in ay heesaan heeso Hinduuga ah iyo in la xiro culumada diinta muslimiinta ay daaha ka qaaday ajandaha dhabta ah ee dowl adda Hinduuga ee BJP.Kashmiir waa gobolka kaliya ee muslimiintu ku badan yihiin ee Hindiya.Faallooyinkeeda ayaa yimid ka dib markii ay soo baxeen muuqaalo ku saabsan arrimaha bulshada oo muujinaya qaar ka mid ah carruurta iskuullada oo qaadaya heesta Hinduuga.Waaxda waxbara shada ayaa sheegtay in heestan ay qeyb ka tahay sanadguuradii 153-aad ee
dhalashada hogaamiyihii xorriyadda India Mahatma Gandhi.
HALKAAN KA AKHRISO :_WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPAPAER MAANTA OO AH KHAMIIS 22-KA SEPTEMBAR 2022-KA
...