Haweeney loo xiray inay dishay arday si ay gabadheeda kaalinta koowaad u gasho
Tartanka ka jira dugsiyada ayaa sii xoogaystay balse tusaaleyaal badan ayaa muujiyay in culayska tartankaas uu sidoo kale saamaynayo waalidiinta oo wiil yar ayuu hadda noloshiisagalaaftay tartankaas.
Haweeney ayaa go’aan ku gaartay inay disho wiil ka dhibco badan gabadheeda, wiilka yar ayaana sidaasi noloshiisa ku waayay.
Haweeneyda oo ku nool magaalada Puducherry ee gobolka Karaikal ayaa dishay wiil ay isku fasal ahaayeen gabadheeda. Haweeneyda ayaa kaniin ku dhex ridday sharaab uu cabayay ardayga. Waxaa la sheegay in markiiba isbitaal loola cararay oo xaaladdiisa ay ka sii dartay, uuna billaabay matag.
Dhaqaatiirtu waxay caddeeyeen inuu dhintay kaddib labo maalin oo isbitaalka lagu daaweynayay.
Sidee ayay arrintu u dhacday?
Wiilka iyo gabdhada hooyadeed lagu eedeeyay dilkiisa waxay wada dhiganayeen fasalka 8-aad, waxaana la sheegay in ardayga uu aad ugu fiicnaa waxbarshada iyo cayaaraha iskuulkaba.
Haweeneyda ayaa dareentay in gabadheeda aysan u furneyn fursad ay kaalin fiican ku gasho wiilka dartiis.
Markaas kaddib haweeneyda ayaa go’aansatay inay wiilka yar cabitaan ugu dhex-darto kaniiniyo kala duwan.
Markii ay isku qastay kaniiniyada iyo cabitaanka oo ku jiray dhalo yar ayaa waxay u dhiibtay waardiyaha iskuullka, waxayna u sheegtay inay wiilka siiyaan.
Waardiyihii iskuulka waxay u maleeyeen in wiilka qoyskiisa ay cabitaanka u keeneen, waxayna siiyeen wiilka, kaddibna wuu cabbay.
Markii uu wiilka tagay xaafadda waxa uu billaabay matag. Waalidiintiisa ayaa markiiba isbitaalka ula cararay.
Kaddib markii wiilka la seexiyay isbitaalka, waaliddiintiis iyo qaraabadiisa ayaa aaday iskuulka si ay u baaraan waxa ku dhacay.
Waardiyaha iskuulka ayaa waxay u sheegeen sheekada haweeneyda cabitaanka u keentay ardayga. Waxaa la eegay kaamarada qarsoon ee iskuulka waxaana dacwad la geeyay booliska.
Sidaas ayuu boolisku ku billaabay baaritaanka kiiska, waxayna wereysi la yeesheen haweeneyda. Waxay sheegeen inay sheegtay hadallo iska hor imaanaya.
Hase yeeshee, markii ay booliska tuseen caddeymo la xiriira cabitaankii ay iskuulka geysay, kuwaas oo laga helay kaamarada qarsoon ayay haweeneyda qiratay wax walba.
Wiilka oo labo maalin lagu daweeynayay isbitaalka ayaa geeriyooday maalintii Sabtida, abbaare 11-kii subaxnimo.
Waaliddiinta iyo qaraabada ardayga dhintay ayaa dibadbax ka dhigay isbitaalka, taas oo horseedday in maamulka gobolka uu amro in baaritaan lagu sameeyo kiiska.
Maxay Booliska ka yiraahdeen dhacdadaan?
BBC Tamil ayaa waxay arrintan kala hadashay sarkaal sare oo ka tirsan booliska gobolka Karaikal, wuxuuna u xaqiijyay in baakad kaniiini ah ay ku qastay dhalo uu ku jiro cabitaanka fudud kaddibna ay wiiilka u dhiibtay.
Haweeneyda hadda waxaa loo xiray dambi la xiriiira inay qof dishay, waxayna weli dhaqaatiirtu wadaan baaritaan la xiriira sababta saxda ay ka dambeysa geerida wiilka.
Haweeney loo xiray inay dishay arday si ay gabadheeda kaalinta koowaad u gasho
...