Libaaxad dhasheeda difaacatay kadib markii la xadi gaarey

0
Tuesday August 30, 2022 - 21:04:09 in Wararka by
  • Visits: 260
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Libaaxad dhasheeda difaacatay kadib markii la xadi gaarey

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...
Ninka oo ahaa nin da dhexaad ah, ayaa u dhintay dhaawacyadii markii uu dhacay weerarka kaga yimid Libaaxa, sida ay sheegeen saraakiisha.

Saraakiisha ka shaqeeya arrimaha duurjoogta, ayaa ka shakisan in laga yaabo in ninkaa uu qorsheynayey inuu xado oo la baxo labo Libaax, oo ah nooca cadcad ee dhasha ah ama cago-baruura.

Ninkaas ayaa meydkiisa laga helay beerta xayawaanka, waxaana la geeyey isbitaalka goobaha la dhigo meydka.

Beerta xayawaanka ee Accra, ayaa si ku meel gaar ah loo xiray oo laga joojiyey in dadku booqdaan, taasoo ka dambeysay shilkaas oo dad badan oo reer Ghana ah naxdin ku abuurtay.

Booliiska ayaa bilaabay baaris ku saabsan sababta ku qasabtay ninka dhintay, inuu beerta xayawaanka galo iyo xaaladaha ku gadaaman weerarkaa.

Libaax lab ah (Aar), Libaaxad dheddiga oo ah (Gool) ah, iyo labo Libaax oo yar yar oo cago-baruur ah, ayaa ku jiray meel xiran markii shilku dhacay.

‘’Libaaxyadu waxay haysteen carruur, qofkii u soo dhawaadana waxay u maleynayaan inuu rabo in uu ka qato carruurtooda’’ ayuu u gudbiyey warbaahinta wasiir ku xigeenka Dhulka iyo Kheyraadka Dabiiciga ah, Benito Owusu Bio.

‘’Waxaan shacabka weydiisanaynaa inay iska ilaaliyaann waxyaabahan oo kale ‘’ ayuu sii raaciyey.

Libaaaxyada dhasha ah oo kasoo askumay mid lab ah mid dheddig ah, ayaa leh calaamado looggu yeero Leucism, taasoo ah mid ka duwan albinismka, ama maqaarka cas.

Waxay leeyihiin soo jiidasho, taasoo keenaysa in dadka beerta u dalxiisaya ay aad u bataan.

Noocyada Libaaxyada ee yar yar, ayaa ah kuwo aad ugu tiro yar caalamka helitaankooda, sida ay sheegtay hey’adda Ilaalisa Libaaxyada cad cad ee dhifka ah.

Libaaxyada ayaa si dhif ah loogga helaa dalka Ghana, si kasta oo ay tahayna cilmi baarayaasha, ayaa sheegaya in tiro aad u yar ay ka joogto haatan dhinaca woqooyi ee dalkaa, sida ay sheegayaan cilmi baarayaasha.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip