Dad ku dhintay mudaharaadada ay dhigeen mucaaradka Somaliland

0
Thursday August 11, 2022 - 12:26:36 in Wararka by
  • Visits: 300
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Dad ku dhintay mudaharaadada ay dhigeen mucaaradka Somaliland

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..
Saddex qof ayaa ilaa hada ku nafwaayay mudaharaadadii ay saaka xisbiyada mucaaradka Somaliland ka dhigeen magaalooyinka Somaliland.Wiil iyo gabadh ayaa ku dhintay magaalada Hargaysa sida ilo xogogaal ahi u sheegeen Hiiraan online, isla markaana hal qof ayaa ku geeriyooday magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, sida uu sheegay badhasaabka gobolka Sanaag.

Dhaawacyo iskugu jira shicib iyo askar oo aan tiradooda wali la xaqiijin, ayaa ilaa hada la ogyahay in ay ka dhasheen mudaharaadada ka dhacay magaalooyinka Hargaysa iyo Burco.


Isbitaalka wayn ee Hargaysa, ayaa lagu dabiibayaa dhaawacyada ka dhashay mudaharaadayaasha magaalada Hargaysa, waxaana la sheegay in halkaa lasoo gaadhsiiyay tobaneeyo qof oo dhaawac ah.

Sidookale, waxa jira xadhig loo gaystay dad iskugu jira shacib iyo siyaasiyiin ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.

thumbnail
thumbnail
thumbnail
thumbnail
thumbnail
thumbnail
thumbnail
         Xuquuqda sawirada Xamsa Taani


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip