Xildhibaanada Mareexaan ee BF oo soo saaray mowqfi ku aadan golaha wasiirada

0
Friday August 05, 2022 - 14:57:28 in Wararka by
  • Visits: 307
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaanada Mareexaan ee BF oo soo saaray mowqfi ku aadan golaha wasiirada

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Xildhibaanada labada gole ee ku metala beesha Mareexaan-Sade ayaa markii u horeysay shaaciyay inay gebi ahaanba qaadaceen Golaha Wasiirada cusub ee dhawaan uu ku dhawaaqay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Qoraal ay si wada-jir ah u soo saareen Xildhibaanada SADE ayaa waxaa lagu sheegay in lagu xad-gudbay awood qaybsiga beesha Daarood habkii soo jireenka ahaa ee awood qaybsiga dhexdooda taasi oo xad-gudubkeedu u muuqdo quursi iyo gaf aan la qaadan karin.

"Xildhibaanada labada gole ee Beesha Mareexaan-Sade, waxay si buuxda u garwaaqsadeen in hanaanka lagu dhisay xukuumadda federaalka Soomaaliya uu yahay mid abaal marsan dastuurka dalka iyo hanaanka awood qeybsiga habka beelaha 4.5 ay Soomaalidu ku heshiisay,” ayaa lagu yiri.

Sidoo kale waxaa lagu yiri qoraalka "Xildhibaanada labada gole waxay dareen mideysan kusoo jeedinayaan in masuuliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya ay dib u saxid ku sameeyaan hanaanka awood qaybsiga beelaha dhexdooda si shacabka Soomaaliyeed u helaan xukuumad dheelitiran oo ay ku wada qanacsan yihiin.”

Xildhibaanada ayaa waxay ugu baaqeen masuuliyiinta dowladda federaalka iyo xubnaha labada gole in laga fogaa meelna looga soo wada-jeesto waxkasta oo cadaalad darro ah oo halis ku keeni kara geedi socodka dowladnimada Soomaaliya.

Ugu dambeyntiina waxaa war-saxaafadeedka Xildhibaanada SADE lagu taageeray shirka wad-tashiga ah ee ay shalay ku dhawaaqeen madaxweyne ku-xigeenada Jubbaland iyo Galmudug.

Xildhibaanada Mareexaan ee BF oo soo saaray mowqfi ku aadan golaha wasiirada - Caasimada Online


Xigasho:-caasimadda.net



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip