HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OO AH AXAD 24-KA JULY 2022-KA

1
Sunday July 24, 2022 - 08:06:30 in Wararka by
  • Visits: 458
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OO AH AXAD 24-KA JULY 2022-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Xog: Xasan oo berri u baxaya safar kale oo dibadeed xilli uu Shalay dalka kusoo laabtay

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu safar kale oo dibadeed Maanta ugu baxo dalka Masar, sida aySheegtay in ay ogaatay Caasimada Online. Booqashadan ayaa ah mid rasmi ah oo qaadan doonta dhowr maalmood, ka dib mar kii madaxweynaha uu casuumad ka he lay dhi ggiisa Dalka Masar Md.Abdifatah El-Sisi, si da ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo ka tir san Villa Somalia.

Booqashadan ayaa noqon doonta tii 7-aad ee madaxweyne Xasan Sheekh uu dibed da ku aado tan iyo markii dib loo doortay 15-kii May ka dib Imaaraadka Carabta, Turkiga, Eritrea, Kenya, Jabuuti yo Tanzania.

Sida aan xogta ku helnay, Masar ayaa ka mid aheyd dalalkii ugu horreeyey ee casuum adda usoo diray madaxweyne Xasan Sheekh markii dib loo doortay, ayada oo la rumeysan yahay in Qaahira ay guushii Xasan Sheekh u aheyd neef weyn oo kasoo fuqday.

Dalka Masar ayey isku xumaayeen dowl addii madaxweyne Farmaajo ka dib markii uu doortay inuu Itoobiya kala safto, oo ay isku hayaan biyo-xireenka ay Addis Ababa ka sa meysay webiga Nile, oo ay aad uga soo hor jeedaan Masar iyo Itoobiya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb-galay Shir-Madaxeedka dalalka ku mideysan Dalladda Bulshada Bariga Afr ika (EAC) oo ka dhacay magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya ayaa Shalay dib ugu soo laabtay dalka.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa inta ay ku sugnaayeen magaalada Arusha ee Ta nzania waxa ay soo bandhigeen fursadaha ganacsi, dhaqaale iyo bulsho ee ka jira Soo maaliya iyo doorka xooggan ee ay shacabka Soomaaliyeed ka qaadan karaan horumarka Dalladdan iyo guud ahaan saamaynta togan ee ay ku leeyihiin Gobolka.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan-doceedyo la qaatay Madaxda ka soo qayb-gashay Shir-Madaxe edka, taas oo uu ku xoojinayey ololahiisa ku aaddan ansixinta codsiga DFS ee kamid-noq oshada Dalladda Bulshada Bariga Afrika, is agoo adkeeyey ahmiyadda ay leedahay isk aashiga Soomaaliya iyo waddamada ku bah oobay Dalladdan.

DFS ayaa dadaal buuxa ku bixineysa hir gelinta codsigii ay u gudbisay Dalladda Bul shada Bariga Afrika (EAC) sanadkii 2016-ka, iyada oo War-murtiyeedkii ka soo baxay dha mmaadkii Shirka lagu faray Golaha Wasiirr ada Dalladda inay si degdeg ah uga hawlgal aan sidii loo dardargelin lahaa hannaanka ay Soomaaliya kaga mid noqonayso Bulshada Bariga Afrika

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Dalab Culus U Diraya Baarlamaanka Kahor Magaca abista Wasiiradiisa.

Ilo wareedyo kala duwan ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre uu codsan rabo in 10 maalmood oo dheeraad ah loogu daro muddada uu ku soo magaca abayo Golihiisa Wasiirada.

Kulan u dhaxeeyay Mada xweyne Xasan Sheekh, Gud doomiyaha Golaha Shac abka Aadan Madoobe iyo Ra’Iisul Wasaare Xamse ay aa Shalay soo idlaaday, iyadoo wararku shee gayaan in looga hadlay arrintan 10-ka cisho ee dheeraadka la siiyo Ra’iisul Wasaaraha, si uu usii dhameystiro wadatashiyo horay u gu socday oo ku saabsan dhismaha Golaha Wasiirada.

Dhaqan Siyaasadeed ka Dalka Soomaal iya ayaa ahaa in 30 maalmood gudahood la gu soo dhiso Golaha Wasiirada, marka la an sixiyo Ra’iisul Wasaaraha, taasoo dhaq an soo jireen aheyd illaa 1960-kii.

Jawaari, Muudey, Shariif Xasan iyo siya asiyiin ku dhawaaqay Isbaheysi ka dhan ah C/casiis Laftagareen

Isbaheysi siyaasadeed oo loogu magac daray golaha ‘Samata bixinta maamulka Ko onfur Galbeed’ ayaa Shalay looga dhaw aaqay magaalada Muqdisho, kaas oo ka dhan ah madaxweynaha maamulkaas Cabd icasiis Laftagareen.

Isbaheysigaan waxaa ku mideysan siya asiyiin reer Koonfur Galbeed ah oo u badan madax hore, xildhibaano, wasiirro, siyaasiyiin kale iyo dhalinyaro, kuwaas oo dhamaantood ka soo jeeda Koonfur Galbeed.

Xubnaha ka soo muuqday isbaheysigaan waxaa ka mid ah Madaxweynihii hore ee ma amulkaas Shariif Xasan Sheekh Aadan, gudd oomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, gudd oomiye ku xigeenkii hore ee golaha shacab ka Cabdiweli Ibraahim Muudey, wasiirka haw eenka XFS Xaniifo Xaabsade iyo xubno kale.

Golahaan ayaa si weyn uga soo horjeeda Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen oo horay siyaasiyi intaan ugu adeegsaday awoodiisa, kana ree bay tartankii doorashada baarlamaanka.

Arrinta gu weyn ee muranku ka taagan ya hay waa muddo xileedka Madaxweyne Laft agareen goorta uu ku egyahay, wuxuuna ja ha wareerkaan ka soo bilowday mudo kor dhin ay kol hore uu baarlamaanka maamul kaas u sameeyey madaxweynaha.

Siyaasiyiinta ku mideysan isbaheysigaan oo warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay in caqabado maamul oo aad u adag ay ka jira an Koonfur Galbeed, isla markaan ay qasab tahay in deg deg looga tashado aayaha dee gaanada maamulkaas.

Iyagoo mid mid ula hadalay warbaahinta ay is dul taageen duurufaha maamul ee ka jira Koonfur Galbeed, waxayna aad u dhaliil een habdhaqanka Madaxweyne Laftagareen oo sida ay sheegeen caburin ku haya bul shada ku nool deegaanada maamulkiisa.

Amni darro, maamul xumo, hormar la’aan iyo caqabado kale oo ay soo tiriyeen ayey sheegeen in Laftagareen uu reer Koonfur Gal beed ugu daray mudo kororsi, waxayna wa cad ku mareen in taas aysan ka aqabali doo nin.

Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada oo gaaray Caabudwaaq

Wararka laga helayo magaalada Caabudw aaq ayaa sheegaya Wafdiga Gudoomiyaha

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo ka amba baxay Magaalada Muqdisho lagu soo dha weeyay Magaalada Caabu dwaaq ee gobolka Galga duud.

Wararka ayaa sheegaya in wafdiga Gud oomiyaha ay Magaalada Caabudwaaq u tageen, sidii ay u dhageysan lahaayen rag ku xiran xabsiyada magaaladaasi, oo eedeymo kala duwan loo haysto.

Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa waxaa lagu wadaa in dha geysiga ka dib uu sharciga ku qaado xubna ha ku xiran xabsiyada Caabudwaaq.

Ciidanka Booliska Caabudwaaq ayaa ga canta ku haaya nin loo heysto in uu dilay tal iye ku xigeenkii Ciidanka NISA ee Galmudug iyo Gabadh la dhalatay, waxaana lagu wadd aa in la bilaabo dhageysiga kiiskiisa.

Korneyl Shuute oo horey u tagey Magaal ooyinka Dalka qaarkood ayaa xukuno kala duwan ku riday xubno ka tirsanaa Shabaab iyo kuwa geystay dilal.

Shixnaddii ugu horreysay ee Jaadka Mir owga oo maalinta berrito ah loo dhoofin yo Soomaaliya

Shixnaddii ugu horeysay ee Jaadka Mii rowga Kenya, ayaa lagu wadaa inay u amba baxdo Soomaaliya, maalinta Maanta ah oo ku beegan 24-ka Luulyo 2022.

Hay'adda Beeraha iyo Cunnada (AFA) iyo wasii rka Beeraha dowladda Ke nya, ayaa ku dhawaaqday in la dhameeyay dhamma an nidaamyadii loo marayay dhoofinta Miraa.

Hay’addu waxay sheegtay in 22 Ganacs ato ah loo ogolaaday shatiga dhoofinta Jaad ka, kuwaas oo buuxiyay sharuudihii ku xirn aa.Beeralayda Jaadka Miiraa ayaa ka xayir naa suuqyada Soomaaliya tan iyo bishii Ma arso 2020 sababo la xiriira cudurka faafa ee COVID-19, iyo khilaafaadka labada dowla ddood oo saamayn ku yeeshay.

Xaalada ayaa isbedeshay kadib wadahad alo laba geesood ah oo dhex maray Madaxw eynaha Kenya, Uhuru Kenyatta iyo Madaxweyn aha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweyne Saciid Deni Oo Shalay Gudd oomiye Cusub U Magacaabay Gobolka Mudug

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntl and Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shalay oo taariikhdu tahay 23-da July 2022, soo saaray Xe er Madaxweyne Lr. 35, ku na saabsan magacaabid Gudoomiyaha Gobolka Mu dug. Wareegto kasoo baxday Xafiiska Mad axweyne Saciid ayaa waxaa xilka Guddoomi yaha cusub ee Gobolka Mudug looga mag acaabay Faysal Sheekh Cali Maxamuud (Jifo Jabsade), kaasi oo bedelaya Guddoomiyihii hore ee Gobolkaas Cabdiladiif Sanyare.

Wareegtada magacaabista uu soo saaray Madaxweynaha ayaa u qorneyd sidaan:

Madaxweynaha Maamulka Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Puntland Qodobki isa 80aad.

Markuu arkay: Aqoontiisa iyo waayo-aragn imadiisa shaqo.

Markuu la-tashaday: Madaxweyne Ku-xig eenka Puntland

Wuxuu xeeriyey:

1- Waxaa Faysal Sheekh Cali Maxamuud (Jifo Jabsade) loo magacaabay Guddoo mi yaha Gobolka Mudug.

2- Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa mar kuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Mudug loo magacaabay ayaa waxaa kal hore xilkaas u gu magacaabay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, balse Madaxweyne Saciid Deni ayaa ka ho ryimid magacaabistaas, balse Shalay ayuu dib u magacaabay Faysal Sheekh Cali Max amuud inuu noqdo Guddoomiyaha Gobolka.

Si kastaba Guddoomiyihii hore ee Gobo lka Mudug ee Mamulka Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur Sanyare ayaa noqday Xildhib aan ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaan ka Federaalka Soomaaliya

XASAN oo looga digay qorshaha qaad ka Kenya loogu xirayo dad gaar ah

Haweenka Soomaaliyeed ee ka Ganacs ada Qaadka Miiraa ee Kenya laga keeno ay aa Shalay shir jaa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, iyagoo ka cabanaya xildhibaano iyo wasiirro ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Haween oo mid mid warbaahinta ula had lay ayaa sheegay in xubnahaan ka tirsan do wladda ay doonayaan in qaadka la keenayo Soomaaliya ay saartaan kiiladii $5 dollar, iyagoo ku cataabay in taas aysan qaada karin.

Ubax Sangaabo oo ka mid ahaa haween kii sida adag uga hadlay arrintaan ayaa farr iin u dirtay madaxda dalka, gaar ahaan mada xweynaha oo sida ay sheegtay xubnahaan siyaasiyiinta ah ay aad ugu dhowyihiin.

"Qowleysato Dowladda iyo anaga noo dhaxeysa oo waliba ah wasiirradii iyo xildhib aannadii annaga na matalayay ah ayaa rabta inay lacag ribo ah na saartaan, Xasan She ekhow yaan dhiiqo lugaha laguu galinin,” ay ey tiri Ubax Sangaabo.

Waxay sheegtay in 30-kii sano ee Soomaa liya ay burburka ku jirtay ay hooyooyinka Soo maaliya qaadka ka deberayeen nolosha qoys askooda, sidoo kalena ay heystaan shatiga ganacsi ee dowladda, canshuurtana ay bixi yaan.

"Dowladu ayadaa shatiga noo jartay, nagu og inaan qaadka ka ganacsano, naguna can shuurta, mudadii uu qaadka Kenya hakadka ku jiray canshuur ayaa ku socotay shatige ena, balse hadda markii la yiri qaadka dib ha loo furo waxaa soo baxday qowleysato noo dhaxeysa anaga iyo dowladda,” ayey hadalk eeda ku sii dartay Ubax Sangaabo.

Sidoo kale Maamo Istaahil Abshir oo ayad una hadashay ayaa tiri, "Rag ka tirsan dowla dda ayaa raba in lacag badan ay na dulsaart aan, Jaadka namana qabato in dad gaar ah loo xiro sidii dowladdii tan ka horeysay, wa xaan ka codsaneynaa dowladda inay deg deg wax uga qabato cabashadeenna, 3 sano oo aanaa shaqeysan canshuur ayaan bixine ynay.” Xigasho:Caasimadda.Net

Xasan Sheekh oo loogu baaqay inuu maa mul goboleed u dhiso G/Banaadir

Caaqil Xaaji Macow oo ka mid ah hog gaanka dhaqanka ee kasoo jeeda gobolka Banaadir ayaa ka hadlay arrimo ku saabsan metelaadda magaalada Muqdisho, kadib wareysi gaar ah oo uu siiyey Telefishinka Caalamiga ah ee Universal.

Caaqil Xaaji Macow ayaa she egay in bulshada gobolka Banaadir ay weli xuquuq uga maqan tahay federaalka, sidaas daraadeed na looga baahan yahay dowladda inay meel saarto.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayuu ugu baaqay in uu il gaar ah u yeesho arrintaan, isla-markaana uu si deg-deg ah uga jawaabo baaqa bulshada gobolka Bana adir.

"Waxaan ka rajeyneynaa kaa sugeynaa inaad bulshada Banaadir xaqeedii insha alla ahu saad sheegtay aad kow ka bilaabi doon to xaquuqdii ay ku lahaayeen federaalka” ayuu yiri.

Sidoo kal wuxuu intaasi ku daray in gobo lka Banaadir uu la mid yahay gobollada kale, isla-markaana bulashada u baahan tahay inay hesho metelaad la mid ah bulshooyinka kale.

"Soomaalida federaal ayey qaadatay ma amul goboleedyaa la dhisay Soomaali marka ay xisaabtay 4.5 ayey wax ku kala qaadatay nin kasta meeshiisa ayuu joogaa wixiisana waa qaatay, marka cidda iska leh waa cidda u dhalatay waana la ogyahay,” ayuu sii raac iyey. rrinta gobolka Banaadir oo aan weli xal loo helin ayaa muddo soo jiitameysay, waxa ana sidoo kale suuragelin 13 kursi oo doora shooyinkii ka hor laga siiyey Golaha Aqalka Sare.

Wafdi Ka Socday DFS Oo Ka Qeyb Galay Shir Looga Hadlay Abaaraha Iyo Aafooyinka Jira

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa DFS Maxamed Aadan Macalin (Somali) iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa kaga qeybgaly magaalada Addis Ababa shir heer sare ah oo aysoo qaban qaabiyen Ururgoboleedka IGAD.

Shirkan oo soconayay muddo seddex maalin ah ayey kasoo qaybga leen dowladdaha Xubnaha ka ah Maamul go boleedka IGAD, waxaana looga hadlayey joo gtaynta xalka Waara ee U-adkaysiga Abaar aha iyo Aafooyinka.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray baahida loo qabo waxqabadka Bini’aadantinimo, Joog taynta xalka Waara iyo Sare u qaadida u ad kaysiga Abaaraha iyo Aafooyinka.

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xool aha, Dhirta & Daaqa DFS Maxamed Aadan Macalin (Somali) ayaa ka warbixiyey Xaalada Abaaraha Dalka iyo saamaynta ay ku yeeshe en dhamaan bulshadda Soomaaliyeed gaar ahaan sida ba’an ay u saamaysay dadka, xo ola dhaqatada iyo sugnaanta cuntadda ee dalka.

Wasiiirka ayaa ku tilmaamay Abaarta ka dhacday Soomaaliya ay tahay mid aad u dar an, Abaarahan kusoo noq-noqday Soomaliya sannadihii la soo dhaafay in ay abuureen u nuglaansho joogto ah ee abaarta iyo aafooy inba kale oo ay weheliso cunto-yaraan, caqa bado dhaqaale oo baahsan, barakac, iyo dhi baatooyin aan la soo koobi karin oo bani’aad animo, gaar ahaan bulshooyinka reer miyiga ee xoolo dhaqatada.

Si xal-waara loogu helo abaaraha soo noq noqonaya ayuu Wasiirka Wasaaradda Xana anada Xoolaha, Dhirta & Daaqa DFS Maxam ed Aadan Macalin (Somali) ku baaqay in si deg deg ah wax looga qabto xaaladaha cak iran ee iminka jirta Soomaaliya.

Wasiiir Maxamed Soomaali waxa uuu ku booriyey siyaasado iyo barnaamijyo ka turju maya Dowladaha Xubnaha Urur Goboleedka IGAD, kuna jihaysan baahiyaha ballaaran ee xoolaha sida Daaqa, Biyaha, Caafimaadka Xoolaha, Wax-soosoorka Xoolaha iyo Sare u qaadida Nolasha Bulshooyinka Xoola Dhaqa tada iyo dadyawga Reer miyiga ah.

Gabagabadii shirka ayaa waxaa la isla gaaray is afgarad u dhexeeya dalalka ku ba hoobay maamul gobeleedka IGAD ee Mada sha Hindishaha Joogtaynta Xalka Waara ee u adkaysiga Abaaraha iyo Aafooyinka ee loo soo gaabiyo IDDRSI iyo sida taageero loogu heli lahaa mashaariicda IDDRSI isla markaana la iskaga kaashan lahaa dhaqan galintooda.

Muxuu Maxamed Injineer Yariisow ka sheegay kulankii loogu duceynayey aabbihiis

Kulan loogu duceynayey Allaha u naxarii stee guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Eng. Cabdiraxmaan Yariisow iyo masuuliyiin tii kale ee maamulkiisa ka tirsaneed oo had da 3-sano ay ka soo wareegtay markii lagu qarxiyey xarunta dowladda hoose ee Xamar ayaa Shalay lagu qabtay Mowlaca Macalin Nuur ee magaalada Muqdisho.

Dadkii Shalay ka hadlay kulankaas ducada ah waxaa ka mid ahaa Maxamed Eng. Yarii sow oo ah diblomaasi ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxamed wu xuu goobta ka qiray in geeridii Aabihiis kadib uu garab istaag fiican ka helay dadka Sooma aliyeed.

Sidoo kale Maxamed Eng. Yariisow wuxuu sheegay in sanad kasta ay xusi doonaan ge erida Aabihiis, si cadaalad ay ugu helaan, isa goo aad ugu mahad celiyey Khaliif-Cabdulqa adir Macalin Nuur oo go’aamiyey in sanad ka sta la xuso shukadadii uu Aabihiis ku jiray ee dowladda Hoose lagu qarxiyey.

"Mowlacaan Macalin Nuur waa halkii uu Aabbahey ku soo barbaaray, khudbadii ugu dambeysay wuxuu ka jeediyey halkaan, qad adii ugu dambeysayna halkaan ayuu ka cu nay, marka in la go’aamiyo in sanad kasta mowlacaan lagu xuso geeridii Aabe iyo shu hadadii kale, si gaar ah ayey noo taabaneys aa,” ayuu yiri Maxamed Eng. Yariisow.

Maxamed oo hadalkiisa sii watay ayaa intaas ku sii daray, "In sanad kasta aan xus no geerida Aabe iyo shuhadada kale, waxay naga caawineysaa inaan ka fekerno sidaan cadaalad ugu heli laheyn dadkaas, sidoo ka le waxaan diyaar u nahay inaan qabano wixii wanaagsanaa ee shuhadadaas ay u qaban jireen bulshadooda.”

Ugu dambeyntii Maxamed Cabdiraxmaan Cumar Yariisow ayaa balan qaaday inta uu noolyahay inuu ku dadaali doono sidii uu kaalin uga qaadan lahaa hormarinta Soomaa liya, "Sida Aabahey u dadaali jiray ayaan u dadaali doonaa sharaf weyna way ii tahay,” ayuu yiri.

URURKA EAC OO DEDEJINAYA HANAAN KA AY SOOMAALIYA XUBIN UGA NOQONEYSO

Ururka Bulshada Bariga Afrika, East African Community (EAC) ayaa dedejinaya hanaanka ay Soomaaliya uga mid noqo neyso ururkaas, sida lagu sheegay war-murt iyeed kasoo baxay dhammaadka shirkii uu ururkaas ku yeeshay agaaladaArusha ee dal ka Tanzania.

War-murtiyeedka kasoo baxay shir mada xeedka ururka ayaa lagu xusay in laga gaab iyey eegista codsiga Soomaaliya, waxaana Golaha ururkaas lagu faray inay dedejiyaan tallaabooyinka ay tahay in Soomaaliya ay marto, kaddibna ay warbixin siiyaan shir madaxeedka 23-aad ee ururka.

Tani waxa uu macnaheedu yahay inay qaa dan karto laba illaa saddex sano hanaanka la gu hubinayo inay Soomaaliya buuxisay shur uudihii ururka, kadibna waxay si buuxda ugu biiri kartaa ururka.

Guusha arrintan ku jirta ayaa ah; in kahor safarkii uu madaxweyne Xasan Sheekh ku tegay Arusha uu kiiska Soomaaliya ahaa mid meel la iska dhigay oo aan la furin, balse had da ay si rasmi ah Soomaaliya u billaabeyso hanaanka looga mid noqonayo ururka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Dorraad ka qayb-gelay xiritaanka shir-madaxeedka dalalka ku mideysan Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo ay martigelisay magaalada Arusha ee dalka Tanzania, iyadoo Madaxda dalalka ni ay Dorraad ka doodeen codsiga rasmiga ah ee dowladda Soomaaliya ay ku dooneyso kamid noqoshada dalladan.

Madaxweynaha oo kulan-doceedyo la qa atay Madaxda ka soo qeyb galay shirkan ay aa xoojiyey ololaha ansixinta codsiga dowla dda Soomaaliya, isagoo soo bandhigay furs adaha dhaqaale iyo bulsho ee ay ku tilmaa man yihiin shacabka Soomaaliyeed, doorka xooggan ee ay ka qaadan karaan horumarka dalladan iyo saameynta ay ku leeyihiin Gob olka.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Madaxda dalalka Dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC), fursadda ay u siiyeen in uu sii xoojiyo codsiga dowladda Soomaaliyeed ee ku aadd an ku mid noqoshada dalladdan, waxa uuna ku ammaanay shacabka iyo dowladda Jam huuriyadda Tansaaniya soo dhaweynta iyo marti-gelinta wanaagsan ee ay ku qaabileen isaga iyo wafdigiisa.

Jubbaland oo mamnuucay jarista dhirta iyo shidida dhuxusha

Maamulka jubbaland ayaa mamnuucay jarista dhirta iyo shidida dhuxusha si loo ila aliyo degaanka.

Mas’uuliyiin ka tirsan Jubaland oo gaaray degaanno ka baxsan magaalada Kismaayo ayaa ku amray laamaha amniga in tallaabo adag laga qaado dadka dhirta guba si ay dhu xul uga shidaan.

Mas’uuyiyiinta ayaa booqday degaanno kala duwan oo ku yaalla duleedka Kismaayo halkaas oo maalmihii u danbeeyay laga soo sheegayay kooxo dhuxulaysato ah.

Gobolka Jubada hoose ayaa kamid ah me elaha ay dhibaatada badan ku hayaan dadka loo yaqaan dhuxulaysatada ee xaalufiya degaanka.

Wararkii ugu dambeeyey ee duullaanka Al-Shabaab ee xuduudda Itoobiya iyo xog cusub oo la helay

Guddoomiyaha deegaanka Yeed ee gob olka Bakool Cabdisalaam Duwane Cumar ay aa ka war bixiyey dagaalkii ay kooxda Al-Sha baab ku qaaday deegaanada Yeed, Atoo iyo Washaaqo kadib wareysi uu siiyey idaaca dda VOA.

Guddoomiye Duwane ayaa sheegay in kooxda Al-Shababaab ay weerarka soo qa aday isla markaasna uu saameyn xoog leh ku yeeshay deegaanada uu dagaalka ka dha cay.

"Degmada Yeed gudaheeda waxaa ku dhintay laba askari oo ciidankeena ah, wax aa kaloo ku dhaawacway dad shacab ah oo kor u dhaafayo toban oo isugu jiray carruur, haween iyo odayaal” ayuu yiri guddoomiye Duwane.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in khasaaro intaas ka badan ay ka dhaceen deegaanada Atoo iyo Washaaqo, isagoo xus ay in dagaalka lagu soo qaaday waqti isku mid ah.

" Dagaalka waxaa si wadajir ah uga qeyb qaatay ciidamada dariska nala ah ee Liyuu Boolis, kuwa Militariga ee dowladda Soomaal iya iyo shacab ku sugan deegaanada lasoo weeraray, kooxda Al-Shabaab waxay dadka shacabka ah ku duqeysay madaafiic taasoo sababtay inay dadkii dhan barakacaan” ayuu mar kale yiri guddoomiyaha.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ciidama da weerarka soo qaaday ay ahaayeen laba qeyb, kuwa wuxuu sheegay inay toos ugu gudbeen gudaha Itoobiya halka kuwa kalana ay difaac u ahaayeen isla markaasna ay dagaal ku mashquuliyeen ciidamada dowlad da iyo kuwa Liyuu Boolis ee ku sugnaa dee gaanada xuduuda u dhow.

Duwane ayaa wareysigiisa ku sheegay in ciidamadii Shabaabka ahaa ee Yeed soo we eraray ay weli is hor fadhiyaan isla markaa sna ay rajeenayaan inay dhawaan iska fogee yaan.

Ugu dambeyntii guddoomiyaha ayaa xaqi ijiyey in ciidamada Shabaabka gudbay ay ga areen illaa 145Km oo gudaha Itoobiya ah, wu xuuna sheegay inay ahaayeen ciidamo 400 gaarayo kuna hubeysnaa gawaarida dagaa lka oo ahaa 18 gaari.

Booliska Soomaaliya Oo War Ka Soo Saa ray Waxa Ka Jira Gabdho Yar Yar O She egay In La Afduubtay.

Booliska Soomaaliya ayaa war ka soo sa aray laba gabdho ah oo lagu kala magcaabo Asmo Cabdullaahi Cismaan iyo Shaadiyo Ca bdullaahi Cismaan, isla-markaana ah 15 sa no jir iyo sidoo kale 13 sano jir, kuwaasoo wa rbaahinta gudaha sheegtay in laga afduubtay degmada Deyniile.

Afhayeena Booliska Soom aaliyeed Cabdifitaax Aadan Xasan oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuusan jirin afduubka, isagoo sheegay in gabdhahaasi yaryari ay jileen falk aasi.

"Afuubka la sheegay ee warbaahinta laga baahiyey ma’aha afduub sax oo jiray waa afduub ay gabdhaha abaabuleen iyaguna ay waalidiintooda u sheegeen in la afduubtay,” ayuu yiri.

Afhayeenka booliska ayaa dhinaca kale tilmaamay in gabdhahan yar yari ay falkaasi jiliinka ah ay u sameeyeen cabsi ay ka qabe en Aabohood oo ah macalin Dugsi Qur’aan, maadaama ay xili danbe imaadeen guriga.

"Gabdhaha oo la wareystay xaqiiqdana la ogaaday ayna cadeeyeen inay ka baqayeen Aabbahooda, maadaama ay xilli habeen ah soo habsaameen,” ayuu sii raaicyey hadal kiisa.

Maamulka Degaanka Yeed Oo Ka Hadl ay Dagaaladii Dhacay Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

Guddoomiyaha deegaanka Yeed ee Gobo lka Bakool ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdisalaan Duwane Cumar ay aa waxa uu faah-faahin ka bixiyey dagaaladii ka dhacay ka dhacay deegaano dhaca xadka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Guddoomiye Cabdisal aan Duwane ayaa waxaa uu sheegay in Al-shabaab ay weeraro culus kusoo qaadeen de egaanada Yeed, Aato, iyo Washaaqo oo ku ya alla xuduudka Soomaaliya iyo Itoobiya, isla markaana ay dhaceen dagaalo khasaaro ba dan dhaliyey.

Wuxuu intaas kusii daray Guddoomiyaha deegaanka Yeed in Ciidanka Xoogga dalka ee ku sugan halkaas ay ka hortegeen weer arro uga yimid dhanka Shabaab, isagoona til maamay in Al-shabaabka weerarka soo qaad ay ay u gudbeen dhinaca Itoobiya.

Sidoo kale Guddoomiye Cabdisalaan Du wane Cumar ayaa xaqiijiyay in dagaaladii dhacay ay geysteen khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo gaaray dad shacab iyo Askar ka tirsan Ciidanka dowladda, wuxuuna xusay in madaafiic lagu gaaray goobo ay ku sugnaaye en shacab. "Dagaalka saameyn badan ayuu geystay, Yeed gudaheeda waxaa ku dhintay labo Askari oo ciidankeenna ah, dad shacab ah oo dhowr iyo toban ahna waa ay ku dhaaw acmeen, dhankoodana khasaaro culus baa gaaray,” ayuu yiri Guddoomiye Duwane.

Gaba-gabadii Guddoomiyaha ayaa sheegay in weli dagaalo culus ay deegaano ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida ku dhex-mar ayaan Al-shabaab iyo Ciidanka Liyuu Boolis, khasaaro badan ayaa ka dhashay dagaal ada, DDS iyo Shabaab ayaa guulo ka kala sheegtay.

IGAD oo sheegtay in 50 Milyan oo qof ay saameysay abaarta ka jirta Geeska Afrika

In ka badan 50 milyan oo qof oo ku nool gobolka Bariga Afrika ayaa la filayaa inay soo wajahdo xaalad cunto yari ah sannad kan.

Urur goboleedka ayaa Jimcihii sheegay, isagoo ka digay in ilaa 300,000 oo ku nool So omaaliya iyo Koonfurta Suudaan la saadaalin ayo inay ku jiraan xaal ado macaluul oo ba’an hadda.

Qiimayntan ay samaysay urur goboleed ka IGAD ayaa ah tii ugu darnayd ee ay hay’ adaha Qaramada Midoobay, kuwa bini’aa dantinimada iyo kuwa kale ka qeylo dhaamiy aan dhibaatada cunno yarida ee ka jirta gobo lka oo ay dad badani sheegeen in si weyn loo dayacay iyada oo beesha caalamku ay diirada saarayso dagaalka Ukraine.

Qiimayntaasi waxay khusaysaa todobada waddan ee xubnaha ka ah IGAD, Djibouti ilaa Uganda.

Samantha Power, oo ah maareeyaha hay ’adda horumarinta caalamiga ah ee Marayk anka, ayaa socdaal ku mareysa bariga Afrika si ay u soo bandhigto dhibaatada gaajada ee ka jirta gobolka.

Caasimadda Kenya ee Nairobi Jimcihii, Power waxay ku dhawaaqday ugu yaraan 255 milyan oo doollar oo gargaar bani’aadam nimo iyo horumarineed oo la xidhiidha aba arta oo la siinayo Kenya.

Waxaa la filayaa in ay booqato Itoobiya iyo Soomaaliya,halkaas oo bulshooyinka qa ar ay ku dhibaateysan yihiin afar xilli roobaad oo xiriir ah.

Power horraantii toddobaadka ayaa ka ha dashay baahida loo qabo in laga hortago in cunno yarida adduunka ay noqoto masiibo, iyadoo ku dhawaaqday 1.2 bilyan oo doollar oo maalgelin ah oo ay ku jirto gargaar cunto oo degdeg ah dadka ku nool Itoobiya, Sooma aliya iyo Kenya.

Faahfaahin Ka Soo Baxaysa Qarax Ka Dhacay Magaalada Buuloburde

Qarax Miino ayaa Shalay ka dhacay Koo ntoroolka dhanka Koonfureed ee magaalada Buulo-burde gobolka Hiiraan. Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in qar axan ay ku dhinteen saddex askari oo ka tir san ciid amada Milatariga Soomaaliya halka 2 kale ay ku dhaawacmeen.

Qaraxan ayaa la sheegay inuu ka dha shay miinada dhulka lagu aaso oo meel fog laga qarxiyo.

Askarta waxyeelada ka soo gaartay qara xa ayaa waxa ay ka tirsanaayeen ururka 41 aad ee Qeybta 27aad.Saraakiil ka tirsan ciid amada Milatariga iyo Ciidanka booliska ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, waxa ana halkaasi ay ka qaadeen meydka iyo ask artii dhaawacu soo gaaray.

Midowga Yurub oo doonaya in ay dhex dhexaadiyaan xukuumada iyo mucaarad ka Somaliland

Ergayga dowladda Finland u qaabilsan Geeska Afrika Suldaan Siciid Axmed, oo kulan la qaatay madaxda xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye, ayaa sheeg ay in uu danaynayo in uu dhexdhexaadiyo xukuumada iyo mucaaradka isaga oo matalaya Midowga Yurub.

Qoraal lagu daabacay hoga Facebook ee xisbiga Kulmiye kulanka kadib, ayaa la gu sheegay in ergaygu uu doonayo in uu dhexdhexaadin ka gaysto khilaafka doora shooyinka ee ka dhexeeya xukuumada iyo mucaaradka Somaliland.

"Ergayga dowladda Finland ee Geeska Afrika Suldaan Siciid Axmed oo ah nin reer Somaliland ah, isla markaana ay wehelina ysay Cawo Axmed oo ka tirsan safaaradda Finland ee Nairobi, waxa uu sheegay inuu danaynayo isagoo ka wakiil ah Midowga Yurub inuu dhexdhexaadin ka galo khilaaf ka arrimaha doorashooyinka ee ka jira Somaliland".

Dhankooda madaxda xisbiga Kulmiye oo faah faahin ka bixiyay qodobada ay isku hayaan mucaaradka iyo muxaafadka Somaliland, ayaa ergayga u sheegay in dhi nacooda ay diyaar u yihiin dhexdhexaadin iyo wadahadalkasta oo lagu soo afjarayo khilaafka taagan.

Suldaan ayaa sidookale maalmihii lasoo dhaafay kulamo la yeeshay madaxda ax saabta mucaaradka Somaliland ee Wad dani iyo UCID, isagoo kala hadlay khilaaf ka ka taagan doorashooyinka iyo waxyaab aha laysku hayo.

Ciidanka Liyuu boolis oo soo bandhigay Al-Shabaab ay dagaalka ku qabteen

Ciidanka Liyuu Boolis ayaa gacanta ku soo dhigay ku dhawaad 50 ka mid ah da gaalyahanada ururka Al-Shabaab kuwaasoo gudaha u galay dowlad deegaanka Soomaa lida.

Taliska Ciidanka Liyuu Boolis ayaa shee gay ayaa sheegay in dadkaan loo dhaa dhiciyay xabsiya dda,islamarkaana kuwa dhaaw acyadda ah la daaweyn doono.

Waxaa weli dag aalo goos goos ah oo u dhaxeeya Ciidamada liyuu Boolis iyo Al-Shabaab ay ka socdaan degaano kamid ah Dhulka Soomaalida Itoobiya.

Dagaalada ayaa ka dambeeyay kadib markii Al-Shabaab oo wata gaadiidka dagaal ka noocyadooda kala duwan ay weerareen degaano kuyaalla dowlad degaanka, waxaa na dagaalada ka dhashay dhimashada in ka badan 100 Ruux tiro ka badana waa ay ku dhaawacmeen.

Saraakiil katirsan Ciidanka liyuu Boolis ay aa sheegay in ay ku hareereeyeen degaanka Huluul oo hoostaga degmada Hargeelle ee Gobolka afdheer, halkaas oo ay ku sugan yih iin Xubno kamid ah Al-Shabaab.

Laamaha ammaanka oo guulo ka sheegt ay dagaalka ayaa sidoo kale sheegay in ilaa intii uu socday dagaalka, 16-gaadiid oo ay wateen ay ka carareen Al-Shabaab marka la ga reebo toddoba gaari oo ay gubeen.

Ruushka Iyo Ukraine Oo Qodob Aad U Ad kaa Heshiis Rasmi Ah Ka Gaaray.

Heshiis u dhexeeya Ukraine iyo Ruushka oo ogolaanaya in qamadida laga dhoofiyo de kedaha badda madow ayaa si weyn looga soo dhaweeyay caalamka oo dhan.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in he shiiskaasi uu ahaa iftiin rajo ah, iyadoo tilm aamtay inuu bilow u yahay isu soo dha weynta labada dal.

Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas ayaa ku tilShalayy heshiiskan mid badbaadinaya nolo sha aadanaha. Sida ku cad heshiiska, Ruushka iyo Ukraine ayaa bal lan-qaaday in ay hubiyaan in maraakiibta Xa muulka ah ay si nabadgelyo ah u kala goo shaan.Ciidamadda Ruushka ayaa wali ku su gan deegaano kamid ah dalkaasi Ukraine, iyagoo isku sii fidinaya dhul horleh, waxaana hore u guuldareystay isku dayo lagu doonay ay in laga saaro dalkaasi, xaaladda ayaana wali ah mid aad u adag.

QM oo si kulul u cambaareysay duqeynta Ruushka uu u geystay Odesa.

Xoghayaha guud ee Qaramada midoobay Antonio Guterres ayaa si weyn u cambaaree yey duqeynta Ruuhska, wux uuna ku baaqay in la dhaqan geliyo heshiiski hadhuudhka ee ay wada gaareen Ruushka, Ukrain iyo Turkiga lagama maarmaan ay tah ay. Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Josep Borrell ayaa sheegay in bartilmaameedka muhiimka ah ee dho ofin ta hadhuudhka ay mar kale muujisay sida uu Ruushku u ixtiraami waayay sharciga caal amiga ah iyo ballanqaadyada.

Ruushka ayaan wax hadal ah ka soo sa arin weerarkaasi, halka Safiirka Mareykanka ee Ukraine uu weerarkaasi ku tilmaamay wax laga xumaado.

Itoobiya oo shaacisay tirada askarta looga dilay dagaalkii xuduudda ee Al-Shabaab

Sarkaal sare oo ka tirsan militariga Itoob iya ayaa ka hadlay weerarkii ay Al-Shabaab ku qaaday xuduudda, isaga oo qirtay in tiro askar ah laga dilay ciidamada booliska dal kiisa, sida ay qortay wakaaladda wararka Reuters. Sarkaalka ayaa sheegay in Itoobiya laga dilay 17 askari oo boolis ah, balse ay Al-Shabaab ka dileen 63 dagaal-yahan. Al-Shab aab ayaa horey u sheegtay inay dagaalka ku dishay 87 askari oo ka tirsan ciidamada Liy uu Boolis.

Weerarkan naadirka ah ee xuduudda Itoo biya ayaa Arbacadii dhacay kadib markii koo xda Al-Shabaab ay weerartay deegaanada Yeed iyo Caato ee gobolka Bakool, kadib markii maalmo ka hor laga dilay taliye sare, sida uu sarkaalka sheegay.

Inta badan Al-Shabaab ayaan weeraro ka gaysan xuduudda Itoobiya, si ka duwan xu duudda Kenya, sababo la xiriira ciidamada Itoobiya ee ku sugan xuduudda iyo dhul badan oo ka mid ah Soomaaliya kuna dhow xuduudda.

Sarkaalka Itoobiyaanka ah ee la hadlay Reuters oo codsaday inaan la magacaabin ayaa sheegay in taliye Al-Shabaab ah uu ka soo gudbay xuduudda, si uu unug ka tirsan kooxdaas uga aasaaso gudaha Itoobiya.

Inkasta oo sarkaalka Itoobiyaanka ah uu markii hore tirada khasaaraha gaaray ku she egay 17 askari, haddana wuxuu goor dambe sharxay inay ku jiraan dad shacab ah.

Waxa uu sheegay in booliska gobolka Soo maalida ay hub culus iyo gawaari ka qabsa deen dagaalyahanada Al-Shabaab, islamark aana uu arkay dhimashada xubno badan oo ka tirsan kooxda.Afhayeenka militariga Al-Shabaab Cabdicasiis Abu Muscab ayaa hor ey u sheegay in dagaal-yahanada ay qabsad een Yeed iyo Caato, ayna dileen 87 askari oo Liyuu Boolis ah. Al-Shabaab ayaa sidoo kale soo bandhigtay sawirro ay ku sheegtay khasaaraha dagaalka.Abu Muscab kama had lin khasaaraha ga aray Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Ca bdi Barre ayaa Khamiistii amray hey’ada ha kala duwan ee amniga iyo gargaarka inay si deg deg ah uga jawaabaan xaaladda gobol ka Bakool oo deegaano ka mid ah ay kooxda Al-Shabaab weerar ku qaadeen Dorraad. Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafii ska ra’iisul wasaaraha, amarka Ra’iisul Was aaraha ayaa waxa uu ka dambeeyay kadib markii uu khadka telefoonka kula hadlay Mad axweynaha dowlad gobolleedka Koonfur Ga lbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-Ga reen oo warbixin ka siiyay deegaannada la weeraray.

Qaraxyo Ruxay Dekedda Muhiimka Ah Ee Ukraine, Kadib Heshiiskii Kyiv Iyo Moscow

Qaraxyo ayaa ruxay dekedda muhiimka ah ee Ukraine maalin uun ka dib markii Kyiv iyo Moscow ay gaar een heshiis taariikhi ah oo ogolaanaya in dib loo bilaabo dhoofin ta badarka sida hadh uudhka.

Taliska ciidamada Ukraine ee koonfurta ayaa sheegay in labo gantaal oo Kalibr ah ay ku dhaceen magaalada dekedda leh ee Od esa , halka labo kalena ay soo rideen nidaam ka difaaca cirka.

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Ukra ine oo la yirahdo Oleksiy Honcharenko, ayaa ku qoray Telegram in dekadda magaalada uu dab qabsaday weerarka kadib.

Sida ku cad heshiiskii ay kala saxiixdeen lab ada dal, Ruushku wuxuu ogolaaday in aan la bartilmaameedsan dekedaha inta shixnada ha hadhuudhka ah ay ku sii socdaan.

Qaramada Midoobay ayaa heshiiskaa ku tilShalayy "iftiin rajo” ka dib colaadda dalkaas oo barakac, dhimasha iyo burbur hantiyeed geysatay.

WAX KA OGOW DEYNTA LAGU LEEE YAHAY DALKA ITOOBIYA.

Deymaha waddamada iyo hay’adaha caa lamiga ee deynta bixiya ay ku leeyihiin Itoobi ya ayaa sii badaneysa.

Bangiga Adduunka warbixin uu sanadkan 2022-ka soo saaray wuxuu ku sheegay Itoo biya in lagu leeyahay deyn gaareysa 56.6 balyan oo doolar.

Lacagta deynta oo Ito obiya lagu leeyahay oo u dhiganta kala bar wax soo saarka dalkaasi ee sa nadka.

Waddamada deymaha ugu badan ku leh Itoobiya waxaa ugu horreeya Shiinaha iyo Fa ransiiska.

Kulan looga hadli lahaa deynta dalkaasi la gu leeyahay sidi looga khafiifin lahaa oo loo ballansanaa waxaa saameeyey dagaalkii ka qarxay waqooyi dalkaasi.

Hay’adda lacagta adduunka ee IMF wax ay sheegtay iney ka shaqeyneyso waddam ada Afrika oo deymaha ugu badan lagu leey ahay oo ay ka mid yihiin Itoobiya, Chad iyo Zambia sidii deymaha lagu leeyahay wax loo ga dhaafi lahaa.Bangiga Adduunka wuxuu sheegay 40% waddamada Saxaraha Afrika ka hooseeya iney deyn la ciirciirayaan, raja da ay isaga bixin karaanna ay aad u yartahay

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip