Kuxigeenka Xeerilaaliyaha oo ka horyimid hadalkii Guddoomiye Muungaab{DHAGEYSO}

0
Saturday October 17, 2015 - 07:23:40 in Wararka by
  • Visits: 810
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kuxigeenka Xeerilaaliyaha oo ka horyimid hadalkii Guddoomiye Muungaab{DHAGEYSO}

    Ku xigeenka Xeerilaaliyaha QarankaDr Muqtaar Nuur Abuukar oo la hadlay Idaacada Kulmiye ee Magaalada Muqdisho ayaa ka soo horjeestay Talaabadii Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Muungaab iyo Xeerilaaliyaha Qaranka Dr Axmed Cali Daahi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ku xigeenka Xeerilaaliyaha QarankaDr Muqtaar Nuur Abuukar oo la hadlay Idaacada Kulmiye ee Magaalada Muqdisho ayaa ka soo horjeestay Talaabadii Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Muungaab iyo Xeerilaaliyaha Qaranka Dr Axmed Cali Daahir ay Hay'adda WFP ugu joojiyeen Dhisme xarunta ay ka dagan tahay Magaalada Muqdisho ay ka waday. Dr Muqtaar Nuur Abuukar ayaa sheegay in Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya ay hay’adda WFP u Fasaxday in ay sugato Amnigeeda Maadaama Dalka ay ka jiraan Qatari amni islamarkaana ay wasaaradu leedahay Awdoodaasi.

"Xaaladda Dalka uu ku jiro waan wada ognahay Jid laxiro waxaa ku shaqo leh Wasaaradda Amniga Guddaha Soomaaliya Cid kale oo diidi karta maleh Cid kale oo Furi kartana maleh”ayuu yiriDr Muqtaar Nuur Abuukar .

Shalay ayaa Shir Jiraa’id oo ay warbaahinta ugu qabteen Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Xeerilaaliyaha Qaranka waxaa ay sheegen in ay Joojiyeen Dhisme Hay’adda WFP ay ka waday Meel u dhaw Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka



xigasho:- http://radiokulmiye.com/knn/



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip