Dhakhtar lagu tuhunsan yahay in uu ka tirsan yahay Alshabaab oo lagu xirey dalka Kenya

0
Friday October 16, 2015 - 23:05:11 in Wararka by
  • Visits: 709
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhakhtar lagu tuhunsan yahay in uu ka tirsan yahay Alshabaab oo lagu xirey dalka Kenya

    Ciidamada Booliska magaalada Marsabit ee dalka Kenya ayaa xabsiga dhigay nin lagu tuhunsan yahay in uu xubin ka yahay ururka Alshabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Booliska magaalada Marsabit ee dalka Kenya ayaa xabsiga dhigay nin lagu tuhunsan yahay in uu xubin ka yahay ururka Alshabaab.

Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Yaqub Cabdi Cumar ayaa ah 29 jir dhakhtar ah Yacqub ayaa la sheegay in uu asalkiisu yahay Soomaali, xiritaanka dhakhtarkan ayaa ka dambeysay kadib markii uu booqday habeenimadii Axadii isbitaalka Marsabit County Referral isagoo ay la socdaan koox dhalinyaro ah oo la tuhunsan yahay in ay xubno ka yihiin ururka Alshabaab.

Sarkaalka u qaabilsan baarisa dambiyada magaalada Mersabet Benard Barasa ayaa sheegay in ay baadigoobayaan saddex ruux oo la tuhunsan yahay in ay dhakhtarkan ku wehelinayeen xilligii uu booqanayay isbitaalka.

Sarkaalkan ayaa sheegay in kooxdan la tuhunsan yahay ay booqdeen isbitaal xilli saq dhexe ah kadib markii ilaalada isbitaalka ay isugu sheegeen in ay booqanayaan bukaan isbitaalka jiifa.

Mr Barasa waxa uu sheegay in qofka ay hayaan uu degen yahay Nairobi dhowaana ku soo laabtay Marsabit si uu waalidkiis u soo booqdo.

Baaritaano hordhac ah ayaa sheegaya in ragga kale ee la tuhunsan yahay lana baadigoobayo ay ka mid yihiin dadka degen magaalada Marsabit asalkooduna yahay Soomaali.Mr Barasa ayaa sheegay in kooxdan argagaxisada ah ay weydiiyeen hooyooyinka ku umulay isbitaalka iyo kuwa kalaba magacyada ay u bixinayaan carruurtooda.

Kooxdan ayaa la sheegay in ay u ballanqaadeen hooyooyinka inay ku soo laaban doonaan oo ay hadiyado u keenayaan kahor inta aysan qeybta bukaanka ragga u gudbin.

"Qeybta bukaanka ragga ay jiifeen ayay weydiiyeen bukaankii ku jirey diinta ay haystaan.”ayuu sii raaciyay dambi baaraha magaalada Marsabit.

Mr Barasa oo xafiiskiisa ugu waramayay saxafiyiinta ayaa sheegay in raggan ay tuhunsan yihiin ay u sheegeen bukaanada isbitaalka ku jira inaysan ka quusan nolosha ayna dib ugu soo laaban doonaan




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip