Shaqaalihii Diyaaradii Todobaadkan ku Dhacday Dulleedka Afgooye oo lagu Xiray MUQDISHO

0
Friday October 16, 2015 - 17:56:28 in Wararka by
  • Visits: 869
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shaqaalihii Diyaaradii Todobaadkan ku Dhacday Dulleedka Afgooye oo lagu Xiray MUQDISHO

    Shaqaalihii diyaaraddii dhawaan ku dhacday duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose ayaa la sheegay in lagu xiray Muqdisho, kaddib markii lagu eedeeyay inay sameeyeen khaladaad dhanka duulimaadka ah oo ay ku yimaadeen Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shaqaalihii diyaaraddii dhawaan ku dhacday duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose ayaa la sheegay in lagu xiray Muqdisho, kaddib markii lagu eedeeyay inay sameeyeen khaladaad dhanka duulimaadka ah oo ay ku yimaadeen Soomaaliya.
Diyaaraddan ayaa la sheegay inay shixnad raashin ah kasoo qaadday magaalada Ostend ee dalka Biljimka, ayna dib ugu soo laabatay magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar, sida ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta Masar.

Sidoo kale, wararka ayaa intaa ku daraya in diyaaraddu ay mar kale Qaahira kasoo duushay iyadoo ku socota caasimadda Somalia ee Muqdisho, balse ay kusoo beegantay xilli habeen ah oo uu xiran yahay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Waxaa kaloo wararku sheegayaan in taliska AMISOM ay shaqaalihii diyaarada ka qaadeen baasaboorradii, iyagoo xabsiga u taxaabay, iyadoo Qaramada Midoobay ay ku eedeysay shaqaalaha diyaarada waday inay sameeyeen khaladaad dhinaca duulimaadka ah.

Taliska ciidanka AMISOM weli ka hadlin xarigga shaqaalaha diyaaradda oo xamuul ahayd nooceeduna ahaa Airbus 300 oo ay lahayd shirkad laga leeyahay Masar oo lagu magacaabo Tristar, taasoo raashin u waday ciidamadooda ka howgala dalka Soomaaliya.

Shaqaalaha diyaaradan ee xabsiga la dhigay ayaa waxay ahaayeen lix xubnood, kuwaasoo magacyadoodu kala yihiin; Taariq Bayonmay, Mohamed Subxi, Ahmed Baradaj, Shaxata Shanoni, Alaa Raflax iyo Salah Abdi Sadaq.

Ugu dambeyn, madaxda garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa dhicitaanka diyaaraddaan siyaabo kala duwan hadlay kaddib markii ay garoonka ku degi wayday, inkastoo dhowr jeer uu duuliyuhu isku dayay inuu dego, balse uu cago-dhigan waayay, kaddibna ayna ku dhacday deegaanka Carbiska.

Si kastaba ha ahaatee, maareeyaha waaxda saadaasha hawada ee Soomaaliya, C/waaxid Sheekh Cumar ayaa HOL u sheegay habeenkii ay diyaaraddu dhacday in ay kasoo saari doonaan dhicitaankeeda warbixin dhameystiran

XIGASHO:-HIIRAAN.COM




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip