HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER MAANTA OO AH AXAD 22-KA MAY 2022

0
Sunday May 22, 2022 - 08:50:16 in Wararka by
  • Visits: 464
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER MAANTA OO AH AXAD 22-KA MAY 2022

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Dadaallada lagu raadinayo xilka Ra’iisul wasaaraha oo ka socda Muqdisho

Dadaallada lagu raadinayo xilka Ra’iisulwa saaraha ayaa ka socda magaalada Muqdisho, waxaana Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu qaabilay saacad dihii lasoo dhaafay siyaasiyiin qaarkood si weyn looga yaqaano siyaasa dda.

Madaxweynaha Puntland ayaa wali ku sugan M/ Muqdi sho,waxaana lagu soo wara maya in uu dhankiisa waddo dadaallo ku aadan sidii xil kaasi uu mari lahaa dhanka maamulka Pun tland.

Qaar ka mid ah xildhibaanadii doortay Xasan Sheekh Maxamuud ee ololihiisa hormuudka u ahaa dhankooda wadda shaqsiyaad ay u ar kaan in ay yihiin kuwo u qalma in ay noqdaan Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya.

Madaxweynaha cusub ayaa lagu soo waram aya in dhankiisa wali uusan qaadan go’aan ku aadan cida noqonaysa ra’isul wasaaraha, wax aana sanadkaan Jubbaland ay dadaal ugu jirta qof dhankeeda ka socda uu noqdo Ra’I isulwasaaraha.

Madaxweynaha cusub ayaa xilka la wareegi doona maalinta isniinta ah ee soo socota, ka di bna 30 maalmood guhahood ayuu ku dhawaaqi doona Ra’iisulwasaaraha.

Xog: Halka uu degayo Farmaajo iyo wararkii ugu dambeeyey xil wareejinta

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soo maaliya, gaar ahaan Villa Soomaaliya waxaa ka socota

munaasabadda xil wareejinta ee Madaxweyn aha cusub ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxam uud.

Munaasabadda xil wareejinta oo guddiga ga ar ah loo xil-saaray ayaa la filayaa inay dhacdo maalinta Isniinta ee soo socota, waxaana haat an socda diyaar gar owgii ugu damb eeyey.

Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cab dullahi Farmaajo ayaa haatan bilaabay inuu ka guuro dhismaha madaxtooyada, iyadoo laga ra rayo alaabta qoyskiisa.

Farmaajo ayaa loo diyaariyey guri ku dhow garoonka Aadan Cadde, halkaas oo ay dagan yihiin inta badan xubnihii mucaaradka ku ahaa dowladdiisa.

Sida ay sheegtay inay ogaatada Caasimada Online guriga Farmaajo loo diyaariyey ayaa wa xaa horey u dagganaa Madaxweynaha dowl ad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), waxaana ka socday xilligii doora shada ololaha dib doorasho ee Farmaajo, wa low laga adkaaday.

Arrintan ayaa soo gabagabeyneysa 5 sano oo uu xafiiska joogay Madaxweynihii hore ee dalka, waxaana haatan u bilaabanaya nolol ka duwan tii hore iyo mucaaradnimo horleh.

Si kastaba, Xasan Sheekh Maxamuud oo horey usoo noqday Madaxweynihii 8-aad ayaa horey xilka ugu wareejiyey Farmaajo, hadda oo mar labaad loo doortayna wuxuu xilka kala wareegayaa Madaxweynihii beddalay, taas oo noqotay dhacdo aan horey uga dhicin dalka Rooble iyo Madaxweynaha Imaaraatka oo kulan yeeshay

Ra’iisul Wasaaraha XFS Md. Maxamed Xus een Rooble ayaa Magaalada Abu Dhabi kula kulmay madaxweynaha Imaaraadka Carabta Sheikh Maxamed Bin Zayid Al Nahyaan, isagoo uga tacsiyeeyay geerida Allaha u maxariis mad axweynihii hore ee Imaaraadka Sheikh Khalifa Bin Zayid.

Ra’iisul Wasaa raha ayaa mada xweynaha Cusub ee Imaaraad ka Sh. Maxamed Bin Zayid gaarsi iyay dhambaal hambalyo iyo tacsi ah oo uu u ga siday madaxweyne Xasan Sheikh M/xamud.

Dhankiisa madaxweyne Maxamed Bin Zayid ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalye e yay doorasha dii madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud iyo in guud ahaan howshii doora shada dalku ku soo dhammaatay si nabad ah.

Muxuu Guddoomiye Cabdi Xaashi Kala Hadlay Safiirka Boqortooyada Sacuu diga?

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Shalay oo sabti ah waxaa uu xafiiskiisa kulan gaar ah kula qaatay Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Axmed Maxamed Saalax Almuwallad.

Safiirka ayaa Guddoomiye Cabdi Xaashi marka hore ugu tegay salaan sharafeed iyo hambalyo ku aaddan dib u doorashadiisa Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo sida hufnaanta laheyd ee ay u qabsoontay doorashadii Guddoonka Aqalka Sare.

Kulanka dhexmaray Guddoomiyaha iyo Safi irka Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya Axmed Maxamed Saalax Almuwal lad ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii ay isk aga kaashan lahaayeen kor u qaadidda xiriirka labada Dal ee Soomaaliya iyo Sacuudiga ee walaalaha ah.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa Safiirka uga mahadceliyay booqashada uu ugu yimid, wuxuuna Guddoomiyaha ka hadlay muhiimada ay leedahay dardar-gelinta xoojinta xiriirka wan aagsan ee ka dhexeeya labada dal, kuna sale ysan dhinacyo kala duwan.

Safiirada dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa kulamo maalmahan ka wada Ma gaalada Muqdisho, iyagoona Madaxda ugu sar reeysa dowladda Federaalka Soomaaliya kala hadlaya xoojinta xiriirka dalalka Soomaa liya, Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha Jubbaland "Shalay laga bila abo waa la fasaxay dhamaan tageer adii iyo adeegyadii hormarinta ee gobol ka Gedo”

Madaxweynaha maamulka Jubaland Md. Ax med Maxamed Islaam, ayaa soo dhaweeyay isbadalka Cusub ee dalka ka hirgalay isagoo xu say in mudo la sugayay doorashooyinka guud ee dalka ka dhacay. Madaxweynaha ayaa u ma had celiyay Madaxweynahii hore ee Dowlada Federaalka ah Md. Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo shan tii sano ee la soo dhaafay dalka soo hog aam in ayay isla markana aqba lay natiijada doora shada.

Sidoo kale waxaa Madaxweyna hu uu u mahad celiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo si naf hurnimo ah ugu istaag ay sidii dalka ay uga dhici lahayd doorasho xal aal ah oo loo dhan yahay isla markana natii jadeeda la wada aqbalo, Guddiyada doorashoo yinka ayuu sidoo kale Madaxweynahu ku ama anay shaqadii hufnayd ee ay soo qabteen.

Madaxweynaha cusub ee JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayuu Madaxweyna hu Alle uga baryay inuu la garab galo shaqada culus ee hortaala isagoo dhamaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay Dowlada cusub garab istaagan si shaqooyinka horyaala ay u ful iso iyadoo haysta kalsoonida shacabka Sooma aliyeed.

Dhinaca kale Madaxweynahu wuxuu sheeg ay in sanadahii lasoo dhaafay Jubaland ay dhib aato culus kasoo gaartay khilaafad ay abuurtay Dowlada Federaalka ah gaar ahaan Gobolka Gedo Madaxweynahu wuxuu sheegay in la xa lin doono wax walba oo caqabado ah oo jiray is la markana caqabadaha gobolkaas ka jiray ay ahayeen kuwo dano gaar ah laga lahaa balse aan qusayn bulshada deegaanka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Shalay laga bilaabo la fasaxay dhamaan tageeradii iyo adeegyadii hormarinta ee gobolka ka xayirnaa sanadahii lasoo dhaafay ee heer Federaal iyo heer Jubaland isagoo intaas ku daray in dhism aha golayaasha deegaanka laga bilaabi doono Degmada Garbahareey ee Xarunta gobolka Ge do isla markana aanay jirin maamul cusub oo gobolkaas loo magacaabayo dadka deegaan kuna ay soo dooran doonan dadka matalaya.

Ugu danbayn Madaxweynahu wuxuu sheegay in kala aragti duwanaantii iyo khilaafkii Dowlada Federaalka ah ay gobolkaas ka abuurtay aan ci dna loo beegsan doonin dadka deegaanka iyo guud ahaan shacabka Jubaland ay u siman yi hiin xuquuqaha ay xaqa u leeyahiin wax walb ana wada hadal lagu dhamayn doono.

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhig ay dhagar qabe ku hawlanaa malee gidda dhibaateynta Bulshada

Ciidanka xooga dalka soomaliyeed ayaa Xalay howgal ay ka sameyen magaalada Mar ka ee gobolka Shabeelaha Hoose waxa ay ku soo qabteen Horjooge ka tirsan kooxda xagjirka ah ee Alshabaab.

Hawlgankan oo ay fuliyeen ururka 14 aad, guutada 14 October ee fadhigoda yahay M/ Marka ee Casimada gobalka Sh/Hoose ayaa la gu soo qabtay Madaxa Miinooy inka ee urur ka Argagixisada u qaabilsanaa Marka oo lagu ma gacaabo Aweys Mayoow Axmed, kaa magac iisa afgarashada uu ahaa Aweys Eelaay. Dhaq arqabe Aweys Eelay ayaa markii la soo qaban ayey ku hoowlanaa sidii uu u aasi lahaa miino nooca dhulka ah


Guddoonka Aqalka sare oo Shalay ku lan la yeeshay guddoonadda golayaa sha sharci dajinta dowlad goboleedyada

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay wehliyaan guddoom iye ku xigeenadda Golaha Aqalka sare ayaa Shalay xarunta Golaha kulan kula yeeshay gu ddoonadda Golayaasha sharci dejinta dowlad goboleedyada dalka.

Kulanka Shalay dhexmaray guddoonka Golaha Aqalka Sare iyo guddoonnada golay aasha sharci dejinta ee dowlad gobaleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka (DXDF) waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka Aqalka Sare iyo golayaasha Sharci dejinta dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Sooma aliya.

"Waxaan Shalay shir-guddoomiyay kulan miro dhal ah oo ka dhacay xarunta Aqalka Sare oo aan la yeelannay Guddoonnada Golaya asha Sharci dejinta Dowladaha xubnaha Dowl adda Federaalka (DXDF) oo aan ka wada ha dlnay xoojinta xiriirka Aqalka Sare iyo Golayaa sha Sharci dejinta DXDF iyo ka wada shaqayn ta adkaynta nidaamka federaalaynta Dalka. Ku lanka waxaa igu wehliyay Guddoomiye ku xig eennada Aqalka Sare ee BFS" ayuu yiri gu ddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Kulankaan ayaa labada dhinac waxay diir ada ku saareen sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka Golaha Shacabka iyo golayaasha sharci dejinta maamul goboleedyada iyo waliba ka wada sha qeynta adkeynta nidaamka Fedaraaleynta dal ka Soomaaliya

Mukhtaar Roobow oo markii ugu horre ysay kasoo muuqday warbaahinta afar sano kadib markii la xiray

Mukhtaar Roobow, Hoggaamiye ku xigeen kii hore ee kooxda Al-Shabaab oo muddo afar sano ah xabsi guri ugu jira hay’adda nabad su gida Soomaaliya ee NISA ayaa markii ugu ho reysay tan iyo markii la xiray Dec 2018, kasoo muuqday warbaahinta.Arrintaan ayaa kusoo aaday, kadib markii uu dalku galay isbeddel siy aasadeed oo cusub islamarkaana ay meesha ka baxday dowladdii soo xirtay ee uu hogga aminayay madaxweyne Farmaajo.

Warar ayaa sheegaya in la oggolaaday Mukhtaar Roobow in ay booqasho ugu taagan qoyskiisa. Wareysi qarsoodi ah oo lix bilood ka hor ay VOA Soomaali la yeelatay, ayuu ku she egay in tan iyo markii lasoo xiray loo diiday in la booqdo.

Dhammaadkii December sannadkii hore, wasiirka amniga Soomaaliya, ayaa hay’adda nabad sugida ka dalbaday inay muddo 24 saac ah faahfaahin kagasoo bixiso xaaladda Mukht aar Roobow.

Maalin kadib hay’adda NISA ayaa kasoo jaw aabtay dalabka wasiirka amniga, waxayna she egtay in Roobow uu ku jiro xaalad wanaagsan ayna dowladdu bil walba daryeelkiisa ku bixiso $7,000.

Roobow ayaa December 2018 lagasoo xiray magaalada Baydhabo, isagoo ahaa musharrax u taagan madaxweynaha Koonfur Galbeed. Xar rigiisa ayaa loo aaneynayaa inuu salka ku hayo arrimo siyaasadeed oo looga hortagayay inuu ka qeyb galo tartanka doorashada Koonfur Ga lbeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Mukhtaar Roobow uusan buuxin sharuudihii caf iska loo fididay, islamarkaana uusan doorasho madaxweynaha Koonfur Galbeed ka qeyb gali karin.

Madaxweyne SACIID DENI oo ku sii jeeda KENYA

Madaxweynaha dowlad goboleedka Punt land, Mudane Saciid Cabdullahi Maxamed (De ni) ayaa Shalay ku wajahan magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, sida ay innoo xa qiijiyeey ilo wareedyo la gu kalsoonaan karo.

Saciid Deni oo haat an ku sugan magaalada Muqdisho ayaa saacada ha oo socda ka duulo doono garoonka Aadan Cadde, isagoo kusii jeeda Kenya oo uu maa lmo soo joogo doono.

Lama shaacin ujeedka safarkiisa, balse waxaa la filayaa inuu kulamo la yeesho madax ka tirsan dalkaas iyo safiirada qaar ee ku sugan magaalada Nairobi.

Safarka Deni ee Kenya ayaa kusoo aad aya, xilli ay soo dhammaatay doorashadii Som alia, gaar ahaan mida Madaxweynaha oo uu u tartamay, isaga oo gudbay wareegay 2-aad, ba lse ku haray wareega 3-aad oo ay ku loolam een Farmaajo oo laga adkaayo iyo Xasan Sheekh oo guuleystay, sidaasina loogu doortay Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda So malia.

Kenya ayaa ka mid aheyd dalalka Afrika ee sida weyn u daneynayay inuu isbedal siyaas adeed ka dhaco Soomaaliya, si uu meesha uga baxo Farmaajo iyo maamulkiisa.

Dhinaca kale guddoomiyaha baarlamaanka Puntland iyo mas’uuliyiin kale oo wehliya oo iy agana ku sugan Muqdisho ayaa lagu wadaa inay Shalay dib ugu laabtaan Garoowe.

Si kastaba, Deni ayaa wajahaya xaalad adag iyo khilaaf ka dhashay damiciisii siyaasa deed ee hoggaanka dalka, kadib markii uu ka soo horjeestay ku xigeenkiisa Axme Karaash.

Waalidiin dibadbax dhigay oo Xasan Sheekh ka codsaday fulinta ballan uu ka qaaday

Waalidiinta wiilashooda ay ku maqan yihiin dalka Eritrea oo tababar ay ugu qaaday dow ladii uu hoggaaminayey Mad axweyne Farmaajo ayaa Shalay bana anbax ka dhigay degmada Gur iceel ee gobolka Galgaduud.

Banaan-baxaas oo lagu taag eeray doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale Madaxweynaha looga codsa day inuu deg deg uga jawaabo dhibka heysta waalidiintaan dhalinyaradu ka maqan tahay.

Qaar ka mid ah hooyooyinkii warbaahinta la ha dlay waxay sheegeen in hoyaad ay ka quus teen, balse hadda ay farxeen markii uu guule ystay Madaxweyne Xasan Sheekh oo horay u balan qaaday in shaqada koowaad ee uu qaba nayo hadii uu guuleysto ay tahay soo celinta dhalinyaradii loo qaaday Eritrea.

"Madaxweyne marka hore hambalyo, laba sano iyo bar ayey sii maqan yihiin wiilasheenii, waxaan nahay waalidiin dhiban, waxaan Sha lay kaa rabnaa in shaqada koowaad aad ka dhi gto ina ad dalka ku soo celiso wixii ka nool, waan kugu faraxnay markii lagu doortay oo wa xaan heysanay balan-qaadkaagii hore,” ayey yiri mid ka mid ah waalidiintii Guriceel kula had lay warbaahinta.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horay u balan qaaday in dhalinyaradaas oo la sheegay in qaarkood ay galeen dagaalkii Itoobiya uu sha qada koowaad ka dhigaayo dib u soo celin tooda, markii la doorto, taas oo hadda looga fadhiyo.

Sanadkii 2019-kii ayaa dalka laga daabulay dhalinyaradaas oo ilaa hadda aan faahfaahin la ga bixin nidaamka loo qaaday, balse waxaa la sheegay in lagu siray in dalka Qatar tababar iyo shaqo loo geynayo, laakiin Eritrea loo dhigay, welina ma jirto cid warbixintooda dadka la wada agtay.

Wararkii ugu dambeeyay weerar askar lagu laayay oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Lix askari ayaa lagu dilay weerar kooxda Al-Shabaab ay Habeen hore ku qaadeen bar koontarool oo ku taala waddada ka baxda deg mada Balcad ee aada magaalada Jowhar.

Dad ku sugan Balcad ayaa sheegay in koox ka tirsan Al-Shabaab oo wata mid kamid ah ga waarida dadweyanaha ay yimaadeen halka ay fadhiyeen ciidamada Dawladda, dabadeedna ay tacshiirad ku fureen askarta.

Kooxda weerarka geysatay ayaa horey u qaadatay hubkii askarta la laayay.

Al-Shabaab ayaa sheegatay weerarka, iyagoo intaa ku daray inay dileen todobo askari, hore yna ay u qaateen lix qori.

Illaa hadda Milatariga Dawladdu kama hadlin weerarka ka dhacay Balcad.

Ruushka oo talaabo adag ka qaaday dalka Finland

Sida ay sheegeen mas’uuliyiin katirsan xuku umadda Moscow, Ruushka aya gaaska ka ja ray dowladda Fiinland kadib markii ay dalbatay inay kamid noqoto Gaasha anbu urta NATO. Ruushka ay aa horay Finland uga digey inay ku biirto NATO

Maria Vladimirovna Zakharo va, oo ah Afhay eenka Wasaaradda arrimaha di badda ee Ruu shka ayaa horay u sheegtay in "Finland oo ku biirta NATO ay yeelan doonto ca waaqib daran oo ciidan iyo mid siyaasade edba.”


Axmed Madoobe oo codsi yaab leh oo ku saabsan guddiyada doorashada u jeediyey madaxweyne Xasan

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa madaxweyna ha Soomaaliya Xasan Sheekh usoo jeediyey co dsi yaab leh oo ku saabsan guddiyada doora shadda ee heer Federaal iyo heer dowlad gob oleedba ee qabtay doorashooyinkii dalka ka dhacay.

Axmed Madoobe ayaa si weyn u amaanay do orkii uu guddiga doo ra shada ka qaatay doo rashada Soomaal iya oo soo jiitameysay wax ku dhow laba sano, bal se lasoo geba-gebe eyey 15-kii May markii la doortay madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ugu baaqay madaxweynaha cusub ee la doortay Xa san Sheekh Maxamuud in uu abaal mariyo gud diyaddaas, islamarkaana guddoomiyaha gudd iga iyo xubnaha kale laga qeyb geliyo dowl adda cusub ee la dhisi doono.

Madaxweynaha ayaa sigaar ah u codsaday in xubnahasi sida gudoomiyaha iyo gudoomiye ku-xigeenada guddiyadda doorashooyinka laga dhigo safiiro iyo sidoo kale loo dhiibo shaqooyin ka ay qaban karaan, oo an la hilmamin.

Dadka qaar ayaa codsiga Axmed Madoobe u arka inuu ugu abaal gudayo guddoonka gudd iga doorashada oo ka caawiyey inay u sharciy eeyaan xubnihii baarlamaanka 11-aad ee lagu soo doortay magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Guddiga doorashada ayaa go’aamiyey in doorashada kuraasta Gedo ee tiilay Garbah aarey loo weeciyo Ceelwaaq oo gacanta ugu jir ta Axmed Madoobe, taasi oo ka saaciday inuu halkaas kasoo saaro xildhibaano taabacsan, meeshana ka saaro isku daygii madaxweyne Farmaajo.

Xildhibaanada Ceelwaaq ayaa waxaa kadib muran geliyey xubno kale oo sheegtay xildhib aannimo oo laga soo doortay Garbahaarey, balse waxaa saaciday guddiga doorashada oo shahaado siiyey, kadibna albaabka ka xirtay xubnihii Garbahaarey.

Codsiga Axmed Madoobe ayaa qeyb ka ah aa khudbadii uu Habeen hore kaga hadlay isba dalka dalka ka dhacay iyo xaalada gobolka Gedo.

DF oo shaacisay jadwalka imtixaanka dugs iyada sare

Wasaaradda Waxbarashada,Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee dowladda federaalka Sooma aliya ayaa shaacisay jadwalka imtixaanka shah aadiga ah ee dugsiyada sare ee dalka.

Wasaaradda ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in waqtiga qaadista imtixaan ka sanad dugsiyadeedka 2021/2022 uu noqon doono taariikhdu markay ku beegan tahay 18ka ilaa 22ka Juun, 2022.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran

Wasaaradda Waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay ardayda, waalidiinta, ma callimiinta, maamulayaasha iyo dhammaan bah wadaagta waxbarashada Soomaliyeed halkaan kula wadaagaysaa shaacinta waqtiga qaadista imtixaanka midaysan ee fasalka 12-aad.

Wasaaradda Waxbarashadda ee JFS markii ay wadatashi ku saabsan qaadista imtixaanka la sameysay bahwadaagta waxbarashada qay bahooda kala duwan waxa ay go’aamisay in wa qtiga qaadista imtixaanka sanad dugsiyad eedka 2021/2022 uu noqon doono taariikhdu markay ku beegan tahay 18-ka ilaa 22-ka Juun, 2022.

Haddaba, Wasaaraddu waxay ku boorinay saa isla markaasna ka rajeyneysaa dhammaan ardayda dhigata fasalka 12aad in ay u diyaar-garoobaan imtixaanka. Sidoo kale waalidiinta iyo maamulayaasha dugsiyadana waxa ay ka rajeyneysaa in ay ardayda ku garab-siin doon aan diyaargarowgooda.

F.G: Dhammaan ardayda ka qalin-jabin aysa fasalka 12aad ee sanad dugsiyadeedka 2021/2022 iyo ardayda ku hartay imtixaankii ho re ee dib isku diiwaangeliyay si ay uga qayb-no qdaan imtixaanka sanadkaan waxaa loo diyaari nayaa aqoonsiyadooda si ay ugu fariistaan imti xaanka iyaga oo ka heli doona dugsiyadooda. Arday waliba oo aan horay isku diiwaan-gelin kama qayb-geli doono imtixaanka sanad-dugs iyadeedka 2021.

Maxkamadda CQS oo xukun ku riday xubno Argagixisada Alshabaab ka tirsanaa.

Usaama Cabdi-Nuur Saciid, Cabbdi-Samad Cabbdullaahi Maxamed iyo Sakariye Axmed Cabdullaahi ayaa loo haystaa ka mid ahaan shiyaha Alshabaab.

Usaama Cabdi-Nuur Saciid iyo Cabbdi-Sa mad Cabbdullaahi Maxamed waxa ay kuwada dhasheen Burco halka Sakariye Axmed Cabd ullaahi uu ku dhashasy Hargaysa.

Sedaxda dhalinyarada ah ayaa loo daaray Muuqaal laga sameeyay dhulka cagaaran ee Soomaaliya, waxaana sidoo kale ay dhegey steen Codad laga soo duubay dhalinyara Jidba ysan oo Nolosha adduunka ka doortay in Lafa hooda ay Holciyaan.

U qaabilsanaha goballada Woqooyin ee Mal eeshiyada Alshabaab ayaa u sheegay dhaliny arada inay Nolol wanaagsan ka jirto Howdka, wa xa ayna safar so cdaal ah ku soo mareen inta u dhexeyso Burco iyo Garowe.

Garowe oo ay diyaarad ka soo raaceen ka dib waxaa laga soo dajiyay Muqdisho, haween ay magaceed Xarakigaha uu ahaa Wiillo ayaa dajisay Hotel, waxaana maalma kadib loo kax eeyay Jilib, maalmo Nasiino ah kadib waxa ay uga sii gudbeen Bu’aale oo lagu baray tababar 90 Cisha ah Isticmaalka Qoryaha AK47-G3-BKM- F1 & PISTOL.

Intii ay tababarka ku jireen waxaa sidoo kale loo fasir xumeeyay dhowr nusuus oo ka mid ah Kitaabka iyo Sunnaha, waxaana loo raaciyay oraahya laga soo guuriyay kuwa diinta fasir war eeriyay oo is gaar siiyay darajada Fatwa.

Sedaxdan dhalinyarada ayaa sidoo kale lala soo qabtay buug xasuus qor oo ay wateen ku na diiwaan gelin jireen Howl maalmeedkooda.

Sidoo kale hay’adaha Amniga ayaa Xafiiska Xeer Ilaalinta la wadaagay fariimo ay u direen Saaxiibbadooda gabdhaha ahaa, waxaana ay tiriyeen tixo Samir siin ah.

U jeedkooda ayay ku koobaan in ay billow u yihiin dhalinyaro loogu tala galay in ay ka howl-galaan Goballada Woqooyi iyo dhulka Soom aali Galbeed Ethiopia.

Dhammaan dhalinyarada ayaa wada qaa tay fikirka kooxda October 2021, 15-kii March Sanadkan ayaa lagu wareejiyay hogaanka ba arista NISA.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa la wareegay Eedeysanayaasha April sanadkan, waxa ayna Codsadeen dabayaaqdii April Garsoorka ciid amada Qalabka Sida in loo Maxkamadeeyo Sedaxda Eedeysane kamid noqoshada Argagi xisada.

Maxkamadda ayaa fadhiya kala duwan ka dib ku xukuntay min 8-sano oo Xabsi Ciidanah, sida dhinacyada Dacwadda uu u sheegay Gaa shaanle Maxamed Cabdi Muumin.

Xukunsanayaasha ayaa haysta Fursad ay ku dalban karaan Rafcaan.

Madaxweyne Qoorqoor oo muddo ka dib ku laabtay Dhuusamareeb

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Gal mudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee Shalay ku laabtay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa dhowrkii tod dobaad ee ugu dambeysay ku sugnaa Magaal ada Muqdisho, iyagoona u joogay doorash adii madaxtinimada dalka, ee 15-kii bishan lagu soo doortay Madaxweyne Xasan Sh.Maxamuud.

Madaxweyne Qoorqoor iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Ugaas Nuur ku soo dhaweeyay Gudoomiyaha Gobolka Gal gaduud, Duqa Dhuusamareeb, Wasiiro, Xildhib aano, Saraakiisha Ciidamada iyo bulshada qay bteed.

Dib ugu soo laabashada Madaxweynaha ee Dhuusamareeb ayaa ku soo aadaysa toddob aad ka dib, weerarkii xooganaa ee Xoogaga Ahlu Sunna ku galeen magaaladaasi.

Weerarkaas oo u muuqday mid si weyn loo soo qorsheeyay ayay Xoogaga Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe, ay saacado dhowr ahi ku hay steen xaafado ka mida magaalada.

Ciidamada Ruushka oo si buuxda u la ware egay Magaalo muhiim ah oo ka taal Ukraine

Ciidamada Ruushka ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku haynta Magaalada dekadda leh ee Mariapol ee wadanka Ukraine, taasi oo dharbaaxo ku ah Ciidamada Ukraine.

Magaalada Mariapol ayaa oo ah goob Istaraatiini ah ayaa waxaa ay Ciidam ada Ruushka u fududeyn aysa inay u si fudud ugu gudbaan Gobolka Cre mia oo saadka iyo hubka uga yimaado.

Ciidamo badan oo ka tirsan Ukraine ayaa ku go’doonsan qeybo kamid ah M/Mariupol, wax aana la filayaa in soo deyntooda loo maro wada hadal iyo Maxaabiista oo la is dhaafsado


Taliyaha cusub ee loo magacaabay qey bta 60-aad oo xilka la wareegay

Gaashanle Sare Ibraahim Cusmaan Maxa med (Tifow) oo dhawaan loo magacaabay Taliy aha Cusub ee Qeybta 60aad ayaa Shalay si rasmi ah Xilka Taliya ha ugula wareegey Taliyihii hore Qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Sarree yo guuto Maxamed Sheekh Cabdullahi Ciirow.

Taliye Ciiro oo ahaa sanadyadii lasoo dhaafay taliyaha qeybta ayaa dhawaan kamid noqday Xildhibaanada 11aad ee BJFS ee laga doortay magaalada Baydhabo.

Waxaana Munaasabadda Xil wareejinta ka soo qeyb galey Saraakiisha Ciidanka Qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaali yeed. G/le Sare Ibraahim Cusmaan Maxamed (Tifow) taliyaha cusub ee qeybta ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalk ay bilaabi doonaan ho wlgallo lagu xaqiijinayo ammaanka degaan ada maamulka Koonfur Galbeed.

Waxaa uu sidoo kale xusay in ay dejin doo naan qorshe ku aadan sidii loo furi lahaa wado oyinka ay go’doomiyeen ururka Al-Shabaab.

Maxkamadeynta dad loo heysto dhoofi nta dhirta oo Garowe ka socota

Maxkamadda derejada kowaad ee M/ Garo owe ayaa Shalay mar kale u fadhida dhegaysi ga dacwadda ku saabsan dhoofinta dhirta loo yaqaan geed-quwaaxa.

Dhegaysiga dacwadda ayaa socda kadib mar kii maxkamad da la hor-keenay nin ku eedays an mashruuca dhoofin ta dhirta geed-quwaa xa kaas oo u xiran dowla dda.

Xeer ilaalinta ayaa sidoo kale waaran u jar tay mas’uuliyiin hore xilal uga soo qabtay Punt land oo ku eedaysan dhoofinta geed-quwaaxa.

Mas’uuliyiinta ku lug yeeshay barnaamijkaas waxaa kamid ah kuwa hadda xilal ka haya dow ladda oo ay ku jiraan xildhibaano inkastoo aan weli tallaabo laga qaadin.

Laamaha Amniga Oo Gacanta Ku Dhig ay Rag Geystay Fal Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac

Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug Cali Muuse Maxamu ud ayaa faah faa hin ka bixiyay fal sa babay dhimasho iyo dhaawac oo la gu rasaaseeyay ga ari ay saarnaayeen dad shacab ah oo marayay duleedka Gaalkacyo.

Taliye Cali Muuse oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in falka lagu rasaase eyay gaariga ay ka xun yihiin, isla markaana waxaa uu tacsi u diray laba ruux oo ku dhintay weerarka lagu qaaday gaariga, wuxuuna Caaf imaad u rajeeyay qof dhaawacmay.

Wuxuu intaas kusii daray Taliyaha Booliska Gobolka Mudug in laamaha amniga Gobolka ay gacanta kusoo dhigeen rag maleeshiyaad ah oo ka dambeeyay falkii ka dhacay duleedka Ga alkacyo, ayna ku daba jiraan kuwo kale oo bax saday, lana soo qaban doono.Taliye Cali Mu use Maxamuud ayaa waxaa uu shacabka ugu baaqay inay ciidamada amniga la shaqeeyaan, isagoona Carabka ku dhuftay Taliyaha Booliska Gobolka Mudug inay gacan bir ah ku qaban doonaan amniga guud ee Gaalkacyo iyo guud ee Gobolka.

Rag hubeysan oo maleeshiyaad ah ayaa Dorraad gaari ay saarnaayeen dad shacab ah ku rasaaseeyay duleedka Gaalkacyo, waxaana falkaas ku dhintay laba ruux, halka qof kalena dhaawac uu soo gaaray, falka ayaa salka ku haayay dilal horey u dhacay. Kulan ku saabsan sugida Amniga gobol ka Mudug oo Gaalkacyo ka dhacay

Gudoomiyaha gobolka mudug mudane Axmed Bukhaari ayaa kulan deg deg ah oo ku saabsan sugidda amniga gobolka Mudug wax aa uu la qaatay Saraakiisha ciidanka.

Kulankaan waxaa kasoo qeyb galay taliska qeybta booliska gobolka, kan degmada, gudoo miye ku xigeenka degmada eng Maxamed ca bdi cilmi iyo saraakiisha ciidamada xasilinta go bolka mudug, kuwaas oo door muhiima ka qa ata sugista amni gobolka Mudug.

kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii wax looga qaban lahaa fal-dabiyeedyada amniga ka dhanka ah ee saacadihidii ugu danbeeyay ka dhacay degmada gaalakcyo.

Gudoomiyaha ayaa gobolka ayaa ka codsaday saraakiisha ciidanka in gacanta lagu soo dhigo kooxo hubeysan oo Dorraad labo ruux ku dilay duleedka magaalada Gaalkacyo.

Midowga Yurub oo war culus soo saaray ka dib wadahadal ay la yeesheen Xasan Sh.

Wakiilka sare ee siyaasadda arrimaha dibed da Midowga Yurub Josep Borrel ayaa khadka talefonka kula soo hadlay madaxwey naha cu sub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay ururka.

Borrel oo madaxweyne Xasan ugu hambalye eyey guushiisa iyo soo geba-gebeynta doorasha dii Soomaaliya, ayaa hoos ta ka xariiqay sida ay Mid owga Yurub uga go’an ta hay inay Soomaaliya la billowdo waa cusub oo wada-shaqeyn ah.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale is-weyda ar saday xog ku saabsan qorshaha madaxweyna ha iyo muhiimadihiisa koowaad ee arrimaha uu wax ka qabanayo.

Borrel ayaa ku celiyey ballan-qaadka Midow ga Yurub ee ah inay taageerto Soomaalia, ka na saaciddo isbeddelo wanaagsan oo lagu sam eyo arrimaha siyaasadda, amniga iyo dhaqaa laha.

Wakiilka sare ee siyaasadda arrimaha di bedda Midowga Yurub ayaa sidoo kale shee gay inay taageerayaan hanaanka ay Soomaal iya ula wareegeyso amnigeeda iyo wax ka qab ashada xasaradaha bani’aadaminimo ee dalka ka jira.

Arrimaha kale ee ay ka wada hadleen mad axweyne Xasan Sheekh iyo Borrell ayaa waxaa ka mid ah kaalinta dowladda Soomaaliya, QM, Midowga Afrika iyo Midowga Yurub, iyo baah ida loo qabo in dib loo billaabo wada-hadalladii farsamo ee ku aadan amniga Soomaaliya.

Dhanka xafiiska madaxweyne Xasan Sh. Ay aan weli wax war ah kasoo saarin wada-hadal lada Borrel.

Midowga Yurub ayaa horey ugu hanjabay Soomaaliya inay ka jari doonaan dhaqaalaha haddii aanay doorasho la qaban, xilligii uu mad axweyne Farmaajo isku dayey inuu xukunku uu sii dheereysto ee laga horyimid.

Xigasho:-caasimadda.net

Dhaq-Dhaqaaqa Xamaas Oo Fariin Culus U Soo Diray Madaxweynaha Cusub Xasan Sheekh.

Dhaq-dhaqaaqa Xamaas ee u dagaalama xoriyada reer Falastiin ayaa war ka soo saartay doorashada Muqdisho ka dhacday 15-kii bi shan ee uu ku soo baxay madaxweynaha 10-aad ee dalka Xasan Sheekh Ma xamuud.

Madaxa xafiiska siyaasadda dhaq-dhaqaaqa Xamaas Ismaac iil Haniyah ayaa hanba lyo u di ray madaxweynaha cusub, is agoo u rajeeyay inuu hormar ba laaran gaars iiyo dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

"ka Dhaqdhaqaaq Xamaas ahaan iyo guud ahaan Shacabka Falastiin waxa aan fariintaan hambalyada ah u diro Walaalaheen Soomaaliy eed gaar ahaan Madaxweynaha aan walaalaha nahay ee la doortay, waxa aan ugu duceynee naa Horumar iyo Barwaaqo, innaga oo u rajeyn eyno wax u qabadka Qaranka iyo dadka” ayuu yiri Ismaaciil Haniyah.

Mr. Haniyah oo u duceeyay madaxweynaha cusub ayaa sidoo kale hordhigay fariin culus oo ah arrinta falastiin oo uu ka dalbaday inuu ka qaato doorkiisa hoggaamineed marka la joogo fagaarayaasha caalamiga ah.

"Waxa aan kuu rajeynenaa in aad guullo ku hoggaamisid dalka una adeegtid qarankaaga si aad wax ugu qabatid arrimaha waaweyn ee ku horyaalla, arrinta falastiin waa in aad doorkaa ga ka qaadataa, si kal iyo lab ah ayaan kuugu duceynaa mudane guul iyo in Walaalaheen Soomaaliya aad gaarsiisid horumar iyo Barwaa qo” ayuu sii raaciyey Xigasho:-jowhar.com

Muxuu yahay cabuuqa cusub ee ka dilaacay Yurub?

In ka badan 80 xaaladood oo bus-bus (Monkey Pox) ah ayaa laga xaqiijiyay ugu yar aan 12 waddan. Hay’adda caafimaadka add uunka ee WHO ayaa sheegtay in ay baareyso ilaa 50 xaaladood oo kale oo ah Fayruska bus-bus, waxayna ka digtay in kiisas kale ay suur agal tahay in la soo sheego.

Caabuqan ayaa laga xaqii jiyay sagaal waddan oo kuyaala Yurub , iyo sidoo kale wadamadda Marey kanka , Kanada iyo Austr alia.Bus-buskan ayaa waxa uu ku badan yahay meelaha fogfog ee Bartamaha iyo Galbeedka Afrika.

Caabuqan si sahal ah uguma kala gudbo dadka, waxaana la sheegay in khatarta uu ku hayo shacabka ay tahay mid aad u yar.

Sida ay sheegtay Adeegga Caafimaadka Qaranka ee UK, Caabuqan ayaa ah mid naadir ah kaas oo caadi ahaan dadka badankiisu ay ka bogsadan muddo dhawr 7aad Gudahod ah.


Nin mucaarad ku ah Ismaaciil Cumar Geelle oo lagu qabtay Hargeysa lagana cabsi qabo in…

Wararka naga soo gaarayo degmada Gebi ley ee maamulka Somaliland ayaa sheegaya in halkaas lagu xiray nin u dhashay dalka Ja bu uti. Ninkaan oo ay xireen cii damada Booliska ayaa la sheegay inuu caan ku ahaa inuu Baraha Bulshada ku dhaliilo madaxweynaha Do wladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Magaca ninka la xiray ayaa lagu sheegay Arreh Souleiman Aouled, waxaana la rumeysan ya hay inay sababta tahay dhaliilaha uu u jeed iyo madaxweynaha Jabuuti.

Sida aan xogta ku helnay, maamulka Som aliland ayaa qorsheenaya inay ninkaan u gacan geliso booliska dalka Jabuuti si uu halkaas ugu wajaho maxkamad.

Hay’adaha xuquuqul insaanka ee ka jira ma amulkaas ayaa maamulka ugu baaqay inuu ka fogaado ku xadgudubka Arreh Souleiman, wax ayna hey’adaha ka digeyn in Jabuuti loo gacan geliyo.

Maamulka Somaliland ayaa horey ugu caan baxay inuu cadaadis saaro wariyayaasha iyo Dadka caadiga ah ee dhaliila madaxweyna ma amulkaas Muuse Biixi.

Xabsiyada maamulkaas ayaa waxaa ku jiro 3 wariye oo loo heysto tabinta dhacdadii dhawa an ka dhacday xabsiga weyne ee Hargeysa. Xigasho:-caasimadda.net

Dowlad degaanka Soomaalida oo wali aan ka hadal dagaalka Soomaalida iyo Canfarta u dhaxeeya ee galbeedka gobolka Sitti

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa jiray in dib uu dagaal uga dhex qarxay Soomaalida iyo Canfarta wada dega dalka Itoobiya, dagaalkan ayaa ka socday dhawr goobood oo kamid ah galbeedka gobolka Sitti ee degaanka Soomaal ida gaar ahaan magaalooyinka Danlahe lay iyo Cundhufo.

Khasaaraha ka dhashay dag aalladan ayaa siday wararku sheegayaan waxaa ku naf waa yay dhawr qof tiro kalena way ku dhaawacm een, iyadoo wararkii u damb eeyay na ay shee gayaan inay go'doonsan yihiin sha cabka ku dhaqan magaalada Danlahelay, oo ay go'doo miyeen Maleeshiyaadka Canfarta, oo xir ay jid ka u dhaxeeya Danlahelay iyo Cundhufa.

Wali ma jiraan wax jawaab ah oo kasoo baxay dhanka dowlad degaanka Soomaalida, iyadoo sidoo kale aysan jirin wax gurmad ah oo loo fid iyay dadkii ku dhaawacmay dagaalladan.

Dagaalladan kasoo cusboonaaday Sooma alida iyo Canfarta ayaa kusoo hagaagaya xilli ay maalmo aad u yar ay kasoo wareegtay he shiiskii lagu dhexdhexaadinayay Soomaalida iyo Canfarta, oo ay kasoo qayb galeen masuuli yiinta u sarreysa labada degaan ee Soomaalida iyo Canfarta, heshiiskaas oo ka dhacay magaal ada Jigjiga.

Balse dadka deggan degaannada galbeed ka Sitti ee hadba dagaalladu ka dhacaan, ayaa mala awaal iyo waxba kama jiraan ku tilmaama heshiis kasta oo ay wada galaan Soomaalida iyo Canfarta, iyagoo xusay in heshiis walba uus an soo dhaafin halka lagu galay, Soomaaliduna ay yihiin dad nabadda jecel waa siday hadalka u dhigeen qaar kamid ah shacabka ku dhaqan galbeedka Sitti.

Colaadda u dhaxaysa Soomaali iyo Canfar oo ka billaabantay dhulka u dhaxeeya labada degaan ee Soomaalida iyo Canfarta ayaa mud do sannado ah soo socday, iyadoo colaaddana aan wali wax xal ah laga gaarin, marka laga re ebo kulamo ay isugu yimaaddaan masuuliyiinta labada degaan waa Soomaali iyo Canfarta, ku lamadaas oo lagu gaaro qodobbo iyo go'aano aan intooda badan qalinka iyo warqadda lagu qoro aan soo dhaafin.

Gobolka Sitti gaar ahaan goobaha ay haa tan dagaalladu ka dhaceen, ayaa waxaa ka jir tay Abaaro daran oo saamaysay dad iyo duun yo, iyadoo haatana ay ugu darsameen shacab ka aagaas ku dhaqan colaaddan cusub ee u dhaxaysa Soomaalida iyo Canfarta.

Bosnia oo ka hortimid Cunaqabateynta Mid owga Yurub ay kusoo rogeen Ruushka

Hogaamiyaha Bosnia Milorad Dodik, ayaa u sheegay madaxweynaha golaha Yurub Charles Michel in Bosnia ay u baahan tahay inay ilaaliso dhex-dhexa adnimada oo aysan ku biirin cu naqabataynta Midowga Yurub ee ka dhanka ah Ruushka .

waxaa uu sheegay in dalkiisa uusan cidna ku raaci doonin in cunaqabateyn la saaro, islama rkaana uu dhexdhexaad ka noqon doono xaal adda Ukraine.

"Waxaan u maleynayaa inay muhiimadda u gu weyn u leedahay Bosnia inay ahaato dhex dhexaad,” Dodik ayaa ka sheegay shir jaraa’id.

Waxaa uu intaasi kusii daray "Xaalada aan ku jirno, waxay nagu noqon doontaa dhibaato inaan ku soo rogno nooc kasta oo cunaqabat ayn ah oo aan ku biirno EU ama cunaqabatayn caalami ah.”

Dalalka Yurub ayaa intooda badan go’aansa day in ay cunaqabateyn kusoo roggaan dalka Ruushka ka dib markii uu weerar ku qaaday dalka Ukraine.

Kuuriyada Waqooyi oo bilaawday daawo dhaqameed ay kula dagaalamey so Cudurka Covid 19

Kuuriyada Waqooyi ayaa la daalaa dhacey sa xanuunka coronavirus, iya doo bulshada dal kaas aan laga tallaalin xanu unka, isla markaa na aysan ool lin daawo waxtar leh.

Dadka ayaa lagula tali nayaa in ay isticmaal aan daawo-dhaqa me ed sida shaah dhir leh iyo in ay ku luqluqdaan biyo cusboleh.

Horraantii sanadkii 2020, dalkaas ayaa xiray xa dka si uusan ugu soo gudbin cudurka.

Dowladda ayaa diidday caawinaad caafimaad oo dibadda uga timaadda.

Itoobiya oo maxkamad soo taagtay sara akiil kasoo horjeesatay Abiy Axmed

Jeneraal caan ah oo ka tirsan dowladda Ito obiya oo dhaliili jiray xukuumadda Ra’iisul Was aare Abiy Axmed ayaa Jimcihii kasoo muuqday maxkamadda, kadib markii toddobaadkan la xir ay, sida ay sheegtay xaaskiisa, xilli la xir-xira yay qaar ka mid ah dadka u ololeeya siyaasad da qowmiyadda Amxaarada. Sarreeye Guuto Tefera Mamo ayaa ahaa tal iyaha ciidanka Axm aarada ilaa bishii February markaas oo xilka laga xayuubiyay, iyada oo aan la sheegin sab abta. Ciidamada Axmaarada ayaa taageerayay ciidamada federaalka ee Ab iy ee kasoo horje eda xoogaggii kacdoonka wad ay ee waqooy iga Tigray markii uu dagaalku ka qarxay hal kaas sanadkii 2020.

Axaddii hore, Tefera ay aa waray si uu siiyay TV waxa uu ku naq diyay istiraatijiyada Abi y ee ka dhanka ah koo xda TPLF, isagoo si doo kale ku eedeeyay xubnaha Axmaarada ee ka tirsan xisbiga talada haya ee raysal wasa araha in lagu dhiirragel iyay lacag.

Menen Haile, oo ah xaaska Tefera, ayaa sheegtay in lagu hayay xabsiga muddo toban ma almood ah. "Boolisku waxay sheegeen inay tuhunsan yihiin inuu ka shaqaynayo inuu si xo og ah u burburiyo nidaamka dastuuriga ah,” ayay u sheegtay Reuters.

Tefera ayaa lagu xiray caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa Isniintii, Menen ayaa sidaas yidhi.

Dhinaca kale,shan weriye oo ka tirsan warb aahinta maxalliga ah ee Ashara, ayaa sidoo kale la xiray Khamiistii, sida uu saaxiibkood u sheegay Reuters. "Dadka kaxaystay suxufiyiin ta waxay ku labisnaayeen dharka ciidamada ga arka ah ee Axmaarada, Booliiska Axmaarada iyo ciidamada ka hortaga rabshadaha, markii ay qabteen waxaan ku dhex dhuumanayay mu squl” ayuu yiri taliyaha oo intaa ku daray inay xi reen xafiisyadii Ashara ee M/Bahir Dar.Saraakiisha Axmaarada, militariga iyo booliiska ayaan wax hadal ah ka bixin dhacdooyinka. 

Voa +Reuters.

Israa’iil oo waajahayso cabsi la xiriirta in ay la wareegaan Falastiiniyiintu.

Wasiirka difaaca ee Israa’iil Benjamin Gantz ayaa sheegay in Israa’iil ay soo waajahayso ca bsi ah in mustaqbalka ay la wareegaan Falas tiiniyiintu.

Wasiirka oo ka hadlayey ku lan albaabada u xidha nyihiin oo uu lahaa isbahaysiga ‘Blue and Whi te’, wa xaa hadalladiisa ka mid ahaa, "Waa dhab,waxa ay u dhowdahay in dawladda Yuhu uddu ay mus taqbalka ku soo ur urto inta u dhe xeysa labada degsiimo ee Ged era iyo Hadera”

Hadalkan ayaa yimi toddobaado yar kaddib, markii uu raysalwasaarihii hore ee Israa’iil Ehu ud Baraak uu qoray maqaal walaac ku abuuray Yuhuudda oo uu ku sheegay in dawladda Yuhu uddu ay waajahayso waxa uu ugu yeedhay, ‘Nacdasha siddeetan guurada’. Waxa uu shee gay in boqortooyooyinkii iyo dawladihii hore ee Yuhuuddu ay dhammaant ood burbur een mar kii ay 80 jirsadeen.

Ehuud Baraak waxa uu sheegay Israa’iil oo hadda 74 sanno jirtay in ay ka muuqato awo oddeedii oo hoos u soo dhacaysa, marka laga hadlayo jiritaanka qarannimo ee siyaasiga ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip