Mukhtaar Roobow oo markii ugu horreysay kasoo muuqday warbaahinta afar sano kadib markii la xiray

0
Saturday May 21, 2022 - 14:07:19 in Wararka by
  • Visits: 289
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mukhtaar Roobow oo markii ugu horreysay kasoo muuqday warbaahinta afar sano kadib markii la xiray

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...
Mukhtaar Roobow, Hoggaamiye ku xigeenkii hore ee kooxda Al-Shabaab oo muddo afar sano ah xabsi guri ugu jira hay’adda nabad sugida Soomaaliya ee NISA ayaa markii ugu horeysay tan iyo markii la xiray Dec 2018, kasoo muuqday warbaahinta.
Arrintaan ayaa kusoo aaday, kadib markii uu dalku galay isbeddel siyaasadeed oo cusub islamarkaana ay meesha ka baxday dowladdii soo xirtay ee uu hoggaaminayay madaxweyne Farmaajo.

Warar ayaa sheegaya in la oggolaaday Mukhtaar Roobow in ay booqasho ugu taagan qoyskiisa. Wareysi qarsoodi ah oo lix bilood ka hor ay VOA Soomaali la yeelatay, ayuu ku sheegay in tan iyo markii lasoo xiray loo diiday in la booqdo.


Dhammaadkii December sannadkii hore, wasiirka amniga Soomaaliya, ayaa hay’adda nabad sugida ka dalbaday inay muddo 24 saac ah faahfaahin kagasoo bixiso xaaladda Mukhtaar Roobow.

Maalin kadib hay’adda NISA ayaa kasoo jawaabtay dalabka wasiirka amniga, waxayna sheegtay in Roobow uu ku jiro xaalad wanaagsan ayna dowladdu bil walba daryeelkiisa ku bixiso $7,000.

Roobow ayaa December 2018 lagasoo xiray magaalada Baydhabo, isagoo ahaa musharrax u taagan madaxweynaha Koonfur Galbeed. Xarrigiisa ayaa loo aaneynayaa inuu salka ku hayo arrimo siyaasadeed oo looga hortagayay inuu ka qeyb galo tartanka doorashada Koonfur Galbeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Mukhtaar Roobow uusan buuxin sharuudihii cafiska loo fididay, islamarkaana uusan doorasho madaxweynaha Koonfur Galbeed ka qeyb gali karin.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip