Dagaalka Dhuusamareeb oo xoogeystay & Ciidamo horleh oo ku biiray

0
Friday May 13, 2022 - 08:35:46 in Wararka by
  • Visits: 289
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaalka Dhuusamareeb oo xoogeystay & Ciidamo horleh oo ku biiray

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Waxaa sii xoogeystay dagaalka Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ku dhexmaraya Ciidamada dowladda & kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo xoogagga Ahlusunna oo soo weeraray Magaalada.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka socdaa qeybo kamid ah Magaalada Dhuusamareeb, waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, sidoo kalena Gaadiidka dagaalka ee Cabdi Billaha ay wataan labada dhinac ee dagaalamaya.

 

Wararka ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in Ciidamada Dowladda ee Gorgor iyo Haramcad ay dagaalka kubiireen, kuwaas oo doonaya inay Magaalada ka saaraan dhinacyada ay kasoo galeen Ciidamada xoogagga Ahlusunna.

Waxaa jira khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo dagaalka kasoo gaaray dad rayid ah iyo dhinacyada dagaalamay, waxaana Maanta xiran inta badan Goobaha Ganacsi ee Magaalada Dhuusamareeb.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip