badbaadiyayHaweeney Kenyan ah oo laga soo afduubtay Kenya

0
Friday October 16, 2015 - 15:59:55 in Wararka by
  • Visits: 697
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    badbaadiyayHaweeney Kenyan ah oo laga soo afduubtay Kenya

    Wararka ka imanaya magaalada Dhoobley ayaa sheegay in ciidamada maamulka Jubba ay weerareen dabley afduub ka soo qafaalatay xerada qaxootiga ee Dhadhaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imanaya magaalada Dhoobley ayaa sheegay in ciidamada maamulka Jubba ay weerareen dabley afduub ka soo qafaalatay xerada qaxootiga ee Dhadhaab.

Iskahorimaad dhex maray dableydii afduubka u haysatay haweeneydan iyo ciidamada maamulka Jubba ayaa sababay in ay ku dhintaan saddex ka mid ah dableydii afduubka u haysatay gabadha halka mid kalana ay gacanta ku dhigeen ciidamada isagoo nool.

Haweeneydan oo lagu magacaabo Judy oo u shaqeynaysay hay’adda Winldle Trust International ayaa 12kii bishan lagala degey gaari ay saarneyd meel ku dhow xerada qaxootiga Dhadhaab.

Wararka ayaa sheegaya in haweeneydan ay haatan ku sugan tahay magaalada Dhoobley waxana la sheegay inay bedqabto oo aysan wax dhibaato ah soo gaarin.

Waa markii ugu horeysay ee ay ciidamada maamulka Jubba ay xoog ku soo furtaan dad laga soo qafaashay dalka Kenya. Dowlada Kenya ayaa ku eedeysay ururka Alshabaab inay ka dambeeyeen afduubka haweeneyda




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip