Shirka Golaha Wasiirada lagu meel mariyay Siyaasada Caafimaadka iyo Dawada

0
Friday October 16, 2015 - 14:56:36 in Wararka by
  • Visits: 733
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirka Golaha Wasiirada lagu meel mariyay Siyaasada Caafimaadka iyo Dawada

    Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa dorraad yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulankan shir guddoominayay Ra'iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke, iyadoo kulankan qodobada looga hadlay ay k

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa dorraad yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulankan shir guddoominayay Ra'iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke, iyadoo kulankan qodobada looga hadlay ay ka mid ahaayeen, qaab Siyaasadeedka Caafimaadka iyo Dawada iyo Soo jeedinta Wadahadaladii Xalinta Qodobada ku xusnaa Mooshinka.

 Ugu horeyn Wasiirka Caafimaadka Marwo Xaawo Xasan Maxamed ayaa golaha Wasiirada u soo bandhigtay, sharaxaad dheerna ka bixisay qorshaha Qaab Siyaasadeedka Caafimaadka iyo Dawada, waxayna xustay in ujeedada qorshahani uu yahay in la illaaliyo, lana horumariyo caafimaadka qofka iyo kan bulshada.

Sidoo kale, Marwo Xaawo Wasiirka Caafimaadka ayaa sheegtay in Siyaasada Dawadu ay tahay in la sameeyo, lana horumariyo adeegga qeybta Daawooyinka, iyada oo la isticmaalayo awooda dhaqaale iyo mida shaqaale ee la heysto, si loo haqabtiro baahida dadweynaha ee ka hortagga, baarista iyo daweynta Cudurada.

Ugu dambeyntiina, golaha Wasiirada ayaa cod gacantaag ah ku meel mariyay Siyaasada Caafimaadka iyo Dawada.

Sidoo kale, Golaha Wasiiradu waxa ay ka hadleen qodobadii ka soo baxay wadahadaladii xallinta Mooshinka ee ka dhanka ahaa madaxweynaha, iyaga oo soo dhoweeyey.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Mudane Cumar Cabdirashiid ayaa faray xubnaha golaha Wasiirada inay si dhaqso leh ugu howlgalaan, fuliyaana waajibka Wasaarad kasta uga aadan fulinta Qodobadii ka soo baxay Wadahadalka Xalinta Mooshinka.

---Dhammaad-----

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka


Muqdisho, Somalia
media.opm@gmail.com
Twitter: @SomaliPM

IMG 7378
IMG 7375
IMG 7353

 
1px


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip