Dowlada Naura oo sheegtay in ay maxkamad soo taagayso gabar Soomaaliyeed oo sheegtay in la kufsaday

0
Friday October 16, 2015 - 14:44:25 in Wararka by
  • Visits: 972
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowlada Naura oo sheegtay in ay maxkamad soo taagayso gabar Soomaaliyeed oo sheegtay in la kufsaday

    Dowlada Naura ayaa sheegtay in gabar Soomaaliyeed oo 26 jir ah ay sharciga horkeenayaan kadib markii ay ashtakadeedii ahayd in la kufsaday ay booliska cadeeyen inay tahay mid been ah oo aan sal lahayn.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowlada Naura ayaa sheegtay in gabar Soomaaliyeed oo 26 jir ah ay sharciga horkeenayaan kadib markii ay ashtakadeedii ahayd in la kufsaday ay booliska cadeeyen inay tahay mid been ah oo aan sal lahayn.

Wasiirka Cadaalada dowlada Naura David Adeang ayaa sheegay in baaritaan ay sameeyeen Booliska ay ku ogaadeen in uusan jirin wax kufsi ah oo lagula kacay gabadhan sidaa darteedna aysan waxba ka jirin dacwadeeda.

Warkan ka soo yeeray Maamulka Naura ayaa ah mid ka dhashay cambaareyn xoog leh oo loo soo jeediyay kadib markii gabadha kufsiga lagula kacay ay shaaciyeen magaceeda.

Mr Adeang ayaa sheegay in go’aanka ah in gabadhan magaceeda la shaaciyo uu ahaa go’aan maamulka Naura u gaar ah oo kaliya.Wasiirka Cadaalada Naura ayaa sheegay in warbixinta loo direy xarumo warbaahineed oo kooban kuwaasoo horeba u yiqiin qofka dacwoonaysay iyagoo doonayay in la xisaabtan uu yimaado.

Hase yeeshee Mr Adeang ayaa sheegay in warbaahinta ay tahay inay joojiyaan is eedeedka ayna ka mid tahay warbaahintaas shirkada PR oo baahisa warka ka soo baxay dowlada Australia oo kaliya.

Wasiirka ayaa sheegay warbixinada lagu daabacay ABC iyo Guardian iyo warbaahin kale ay ku tahay ceeb iyo sharaf dhac ay u geysanayaan qofka sheeganayay in meel ka dhac lagu sameeyay. Gabadhan Soomaaliyeed ayaa ku jirtey xero qaxooti jasiirada Naura oo ah jasiirad ay dowlada Australia gayso dadka qaxootiga ah ee ka imanaya wadamo badan oo caalamka ah.

21 August ee sanadkan ayay gabadhan xilli habeen lugeynaysay meel ku dhow xeradii ay ku nooleyd waxaa afduubtay labo nin kuwaasoo kufsi kula kacay. Hase yeeshee gabadhan ayaa la xiriirtay ciidamada Booliska iyadoo taleefan u dirtay kadib markii raggii faro xumeeyay ay ku dhex tuureen meel god ah.

Hase yeeshee warka maanta ka soo baxay wasiirka cadaalada ee maamulka Naura ayaa ah mid ka nixiyay caalamka oo idil maadaama la rajaynayay in cadaalada la horkeeno dadkii ku kacay falka kufsiga ah.

XIGASHO:-JOWHAR.COM




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip