Daruurta iyo Roobka

0
Sunday April 24, 2022 - 08:16:29 in Wararka by Mogadishu Times
  • Visits: 729
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daruurta iyo Roobka

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...
Ma La Beeri Karaa, Badin Karaa, Wareejin Karaa Daruur?

Maalmahaan waxaan arkayey dad si xun uga falcelinaya qodob cilmi ah oo uu ka hadley aqoonyahan lagu magacaabo Dr. Qaasim, falcelintaas oo u dhaceysey siyaabo kala duwan, waxaa iiga muuqanaysa in Soomaali haddaan nahey wax badan ay naga daboolan yihiin, isla markaana loo baahan yahey in aan hagaajisano manhajka iyo tayada waxbarasho, sare u qaadno wacyiga dadkeena, dheeragelinno wax aqriska iyo cilmi baarista.

Kimistariga (Chemistry) oo xariir la leh howlaha sameysanka Daruurta iyo Roobka, Beeridda iyo Wareejinta Daruurta, kana mid ahaa takhsusyadeyda heer jaamacadeed, ayay ila noqotey inaan wax ka qoro arimaha la xariira Daruurta iyo Roobka.

Daruurta, Roobka iyo Qur’aanka Kariimka

Sameysanka Daruurta iyo Roobka, marka aanu ka eegno dhinaca Qur’aanka Kariimka, Allah ayaa sharxey, wuxuuna ku sheegey Aayadda 43aad ee Suuradda Al-nuur, oo micnaheedu yahey;

(Miyaadan arkeyn in Allah isku soo kaxaynayo oo isu keenayo daruuro, kadibna isku geynayo, kadibna ka dhigayo mid raseysan oo isdul saaran, markaasna aad arkeyso dhibcaha roobka oo ka soo dhex burqanaya, wuxuuna Allah samada ka soo dajiyaa buuro qabow ku jiro, cidda uu doono qabowgaas wuu ku asiibaa, ciddii uu doonana wuu ka leexiyaa, hillaaca iftiinkiisuna wuxuu gaarsiisan yahey heer uu ku sigto in uu indhaha aragga ka qaado).

Sidoo kale wuxuu Allah sameysanka daruurta uga hadley Aayadda 12aad Ee Suuradda Al-racdi.

Allaah wuxuu sidoo kale ku sheegey kaalinta dabeysha ee roobka iyo tuujinta daruuraha Aayadda 14aad ee Suuradda Al-naba iyo Aayadda 48aad ee Suuradda Al-ruum.

Cilmiga Aadanuhu wuxuu raacey Quraanka Kariimka ah, wuxuuna xaqiijiyey dhammaan tallaabooyinka sameysanka daruurta iyo roobka. Tijaabo iyo cilmi baarisyo la sameeyey kadib wuxuu Aadanuhu ku kordhiyey in daruuruhu ay ka sameysmaan (Alle Ka Sameeyo) uumiga ka baxa biyaha dhulka yaala (Badaha, wabiyada iyo harooyinka) iyo boorka ama busta (Dust).

Daruur ama Roob Ma La Beeri Karaa?

Cilmiga iyo Tijnoolajiyadda ayaa lagu gaarey in daruurta la beeri karo, isla markaana lagu dari karo waxyaabo badinaya biyaha iyo fursadda roobka. Allaah wuxuu meelo badan oo Qur’aanka Kariimka ah kaga hadley cilmiga, wuxuuna Aayadda 4aad ee Suuradda Al-Calaq ku sheegey in uu Dadka barey wax aysan aqoon.Cilmiga Allah uu dadka barey ma ahan wax ku kooban waqti, goob, ama xaalad, mana ahan mid joogsanaya oo wuxuu markasta Bini-aadamku gaarayaa wax cusub ama cilmi cusub, waxaana soo baxaya farsamooyin aan hore loo aqoon.

Aayadda 13aad ee Suuradda Al-Jaasiya, wuxuu ku sheegey in uu Aadanaha u sakhirey waxa ku sugan samooyinka iyo dhulka; "Allah waxa uu idiin sakhiray waxa samooyinka iyo dhulka ku sugan, dhammaantood isaga ayey ka ahaadeen, taasna calaamado ayaa ugu sugan dad fekeraya.”

Nabiga CS ayaa arkay beeraaleydii reer Madiina oo labka iyo dhedigga geedaha timirta isku bacriminaya, markaas ayuu yiri "Ma u maleynayo in ay wax tareyso”. Saxaabadii ayaa joojiyey bacrimintii kadib markii ay maqleen hadalka Nabiga CS, taasina waxay sababtey in wax soo saarkii timirtu hoos u dhaco ama xumaado. Nabiga CS ayaa loo sheegey arintii, wuxuuna kaga jawaabey in ay aheyd aragti, isla markaana uu yahey bashar, wuxuuna hadalkiisa ku sii darey "Idinka ayaa iga aqoon badan arrimaha adduunkiinna.” Waxaa wariyey Muslim.

Daruurta oo la beero kama dhigna in aad qaadaneyso sifada Alle ee abuurista, waxay la mid tahey dhirta aad ku beerato beertaada, taas oo aad miraheeda ku nacfiso. Wax kasta oo Bini-aadamku sameeyo wuxuu leeyahey sababta, awoodda abuurista iyo sameyntana waxaa leh Alle oo aan cidina ku heysan.

Cilmiga Wax Ka Badalka Cimilada (Weather Modification Science) wuxuu sanadkii 1940 ka bilaawdey dalka Mareykanka. Sanadkii 1946 ayaa tijaabadii ugu horreysey ee Daruur Beeridda (Cloud seeding) laga bilaabay isla Dalka Mareykanka (America), waxaan isla markiiba ka faa’iideystey gobolo ka caban jirey roob la’aan, waxayna u noqotey xal kumeel gaar ah oo aan xooganeyn.

Farsamadda Daruur Beeridda (Cloud Seeding) waxaa lagu sameeyaa Isku-dhisyada Silver Iodide (AgI), Carbon Dioxide (CO2) adke ah, iyo mararka qaar Potassium Iodide (KI).

Inta badan waxaa la adeegsadaa isku-dhiska Silver Iodide (AgI), waxaana lagu qaadaa diyaarado, ama waxaa laga tuuraa ama laga firdhiyaa dhulka, iyada oo u sameysan sida quruuraxa barafka, waxaana lagu daadiyaa ama lagu sayraa Daruurta ama caadka (Daruurta Khafiifka ah).

Haddii aysan jirin Daruur ama Caad muuqda, waxaa hubaal ah in ay hawada ku jiraan biyo Uumi ah, waxaa markaas Silver Iodide lagu daadiyaa hawada, laakiin tan waxay u badan tahey in aysan gaarin ujeedada, waxaana suurtagal ah in Silver iodide (AgI) oo sideedii ah ay ku soo daadato dhulka.

Isku-dhiska Silver Iodide-ka (AgI) waxay qaboojineysaa hawada, waxaana is qabsanayaa dhibcaha biyaha ah ee ka yimid Uumiga qaboobey, iyaga oo sameynaya quruurux baraf ah, sidaas ayeyna ku sameysmeysaa Daruur biyo ah.

Markasta oo dhibcaha biyuhu isqabsadaan, sameeyaanna quruuraxa barafka ah waxaa kordhaya culeyskooda waxayna soo daadanayaan iyaga oo dhibco roob isu badaley ama baraf ah.

Marka Daruur culus, gaar ahaan kuwa madoow, lagu shubo Silver Iodide waxaa badan fursadda biyo badan ama baraf badan ay ugu soo daadan karaan Daruurta, halka marka Daruur Caad ah lagu daro Silver Iodide ay fursadda noqon karto 50/50.

Silver Iodide (AgI) waxaa sidoo kale loo isticmaalaa maroojinta daruurta (Glaciogenic seeding), si dhibcaha biyaha ah ee ka soo baxaya loo kordhiyo. Silver Iodide waxay qaboojineysaa hawada, waxayna isku qasbeysaa dhibcaha biyaha si ay isu qabsadaan.

In ka badan 50 dal ayaa adeegsada farsamadaan, waxaana xusid mudan in dalka UAE uu sanadkii 2016 sameeyey 177 howlgal oo lagu beerayey Daruuro si roob loo helo.

Daruur Beeridda (Cloud Seeding) iyo Daruur Maroojinta (Glaciogenec Seeding) ma ahan qaar faa’iido badan leh ama tayo leh, waana qaali, sidoo kale dhibaato ayey u keeni kartaa deegaanka iyo caafimaadka noolaha dhulka jooga.

Biyaha Daruurta Ku Jira Ma La Badin Karaa?

Sidaan hore u sheegey, Daruurtu waxay ka sameysantaa Uumiga biyaha iyo Boorka dhulka ka baxay oo hawo qabow ah heley, kadibna isku aruurey oo is qabsadey, sameeyeyna dhibco biyo ah ama baraf ah, kadibna soo daadanaya iyaga oo Roob ah ama baraf ah.

Mar kasta oo Uumiga hawada ku jira (Humid Air) lagu kordhiyo, waxaa badanaya dhibcaha biyaha roob ahaan uga soo burqanaya Daruurta.

Hawo qoyan (Humid Air) ayaa lagu shubaa ama lagu dul fasaxaa daruurta ama caadka, kadibna qabowga awgiis ayey qabsaneysaa Daruurta, waxaana sidaas ku badanaya dhibcaha biyaha ah ee ku jira Daruurta.

Daruur Hawada Saaran Ma La Iska Dul Wareejin Karaa?

Marka waddooyinka diyaaraduhu ku dagaan ama ku ordaan ee garoomada diyaaradaha ay daboolaan Daruuro, Caad ama Ceeryaamo, waxaa hawada, Caadka ama Daruurta lagu shubaa Silver Iodide (AgI), taas oo qaboojineysa hawada, sababeysana isqabsiga dhibcaha biyaha ah, kadibna Roob ahaan ayey u soo da’aysaa Daruurtii, Caadkii ama Ceeryaamadii.

Dalka Ruurshka ayaa la sheegey in ay Daruuro cirka dabooley iska wareejiyeen (Removed) maalin Ciid Qaran aheyd, taas oo ka dhigan in la adeegsadey Silver Iodide (AgI), sidaasna biyihii ku jirey Daruurta ay iyaga oo Dhibco biyo ah ama baraf ah dhulka ku soo daateen, waxaana dhaammanaya ama caad khafiif ah noqonaya Daruurtii cirka dabooleysey.

Sidoo kale dalka China ayaa sanadkii 2008, ciyaaraha Olympics-ka oo ka dhacayey awgeed, iska wareejiyey ama banneeyey daruuro hawada dabooley, taas oo caqabad ku aheyd habsami u socodka ciyaaraha.

Waxaa kale oo daruurta wareejin kara in Hawada la kululeeyo ama Daruurta lagu shubo isku-dhisyo ama walxo kale oo kululeynaya si baaxadda ama xajmiga Daruurta loo yareeyo ama loo baabi’iyo.

Roobka Ma La Kala Leexsan Karaa?

B) Dhirta, gaar ahaan teeda waaweyn ama jooga leh iyo Buuruhu waxay soo jiitaan daruuraha, waxayna kordhiyaan fursadda roobka.

Haddii deegaankaagu uusan buuro laheyn, dhirtiina aad gacantaada ku dhameysey, waxaa roobka kaaga fursad badan deegaanka Buuraha leh iyo kan dhirtiisa ilaashadey.

Buuraha iyo dhirta macmalka ah oo Aadanuhu sameeyo ayaa sidoo kale soo jiidan kara daruuraha, waxaana roobka kaaga fursad badan deegaanka farsamadaas awooda oo sameystey.

T)Sida Quraanku noo sheegey, daruuraha waxaa xukuma oo dhaqaajiya, isla markaana maroojiya Dabaylaha. Adiga ayaa marqaati ka ah roob xawaare sare ku socda oo mararka qaar aad u maleynayso tuuryo oo xoog kugu dhaafaya. Taas micnaheedu waxay tahey in waxa daruurta la cararaya ay tahey Dabaysha.

Danabyo electronic ah oo ay Dabayshu dhaliso ayaa keenaya in si fudud ay daruurtu u raacdo dhaqaaqa dabaysha.

Haddii ay jirto cid jihada Dabaysha leexin karta, way leexasan kartaa daruurta. Haddii la sameeyo Dabayl macmal ah iyo danabyo electronic ah oo qabsan kara daruurta, waa la kaxeysan karaa ama la leexsan karaa Daruurta.

Daruurtu waa mida markasta oo aad hawada ku safarto aad arkeyso diyaaradda oo ka dhex duseysa oo iska leexineysa, waa midda sida qiiqa culus oo kale u sameysan ee duuliye kasta oo hawada ku duula uu iska maareeyo.

Ogoow Cilmigu wuxuu gaarey in hirar Danabyo Electronic ah la marsiin karo hawada, biyaha iyo sidoo kale dhulka, mararka qaarna dhul-gariir macmal ah la sameyn karo.

Dhib (khasaare) Ma Ka Imaan Karaa Beeridda, Wareejinta Iyo Maroojinta Daruurta?

Silver Iodide (AgI), sida lagu yaqaan, khatar kuma ahan noolaha, gaar ahaan Aadanaha, waxaanse la ogeyn dhibta ay leedahey haddii ay qeyb ka noqoto habab kale ama falgalo kale, markastana wixii aan la ogeyn waxaa loo qaataa 50/50.

Dadku inta badan waxay biyaha iyo cuntada ka helaan Silver (Ag) heerkeedu hooseeyo, sidoo kale waxay ka helaan daawooyinka. Sidoo kale Ciid (Caro) oo dhan meel kasta oo ay taalo waxaa ku jira Silver (Ag). Haddii xaddi badan oo Silver ah muddo dheer ay ku dhacdo jirka bini-aadamka, waxay keeni kartaa xaaladda maqaarka ee lagu magacaabo Argyria, waxayna badaleysaa midabka maqaarka si joogto ah oo ay adag tahey daweynteeda.

Marka adke Carbon dioxide (CO2) ah hawada lagu daadiyo, kadibna habkii Daruur Beeridda uu guul darreysto, waxaa hubaal ah in uu dhulka ku soo daadanayo, wuxuuna qeyb ka noqonayaa deegaanka, taas oo dhalin karta khataro kale.

Marka deegaan gaar ah loo beerayo ama laga wareejinayo daruur, waxay saameyn ku yeelan kartaa deegaano kale oo ka fog oo wuxuu habkaan jiidan karaa daruuro kale oo uu heli lahaa deegaan kale. Tan waxay keeni kartaa in dhibaatadii hal deegaan laga xaliyey ay mid kale u wareegeyso.

Habka Daruur Beeriddu waa mid qaali ah, waxaana ka dhalan kara in cimilada loo sinnaan waayo ama la isku dulmiyo. Farsamadaan waxay keeni kartaa in dalalka iyo dadka qaniga ah ay sida ay u doonaan u helaan biyaha iyo roobka, halka kuwa faqriga ahna ay ku harayaan abaaro joogto ah iyo biyo la’aan, Alle ayaase ah caadil soo jeeda.

Gunaanad

Farsamooyinka Beeridda, Maroojinta, iyo wareejinta Daruuraha waxay qeyb ka yihiin Cilmiga Wax Ka Badalka Cimilada (Weather Modification Science) ee Aadanuhu gaarey, waana xaqiiq taala adduunka oo dalal badan oo qaarkoodna Muslimiin yihiin ay adeegsadaan.

Buuraha iyo Dhirta joogga leh waxay soo jiitaan Daruuraha, sidaas awgeed, deegaanka leh Buuraha iyo Dhirta badan waa kaga fursad badan yihiin Roobka kuwa aan laheyn Buuro iyo Dhir.

Daruuraha waxaa dhaqaajiya danabyo electronic ah oo ay dhaliso Dabayshu, cid kasta oo awoodda in ay sameyso danabyo electronic ah oo qaban kara daruurta waxay awood u yeelan kartaa in ay u dhaqaajiso jihada ay doonto.

Dhammaan farsamooyinka ku xusan qormadaan ee Cilmigu horseedey, marka laga eego dhinaca tirade, tayada, waxtarka, awoodda, badqabka noolaha iyo deegaanka, ma gaari karaan, umana dhowaan karaan kuwa dabiiciga ah ee Allaah sameeyey.

Hay’adda Biyaha ee Gobolka Utah ee dalka Mareykanka ayaa tijaabo ku ogaatey oo is barbar dhig ku sameeysey natiijada laba xili (Winter) oo kala duwan, oo mid la sameeyey Daruur Beerid midna aan la sameyn, wuxuuna faraqoodu noqdey 11%, taas oo ka dhigan in habka Daruur Beeriddu uusan tayo badneyn, wax bandanna soo kordhin.



Col. Dr. Maxamed Aadam Koofi

Email:Kf.jimale@gmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip