Xusuusin: Damacii Mwai Kibaki ee JUBALAND iyo diidmadii SHEEKH SHARIIF

0
Saturday April 23, 2022 - 07:10:42 in Wararka by
  • Visits: 1053
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xusuusin: Damacii Mwai Kibaki ee JUBALAND iyo diidmadii SHEEKH SHARIIF

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Madaxweynihii saddexaad ee dalka Kenya, Mwai Kibaki, ayaa geeriyooday isagoo 90 jir ahhaa. Kibaki ayaa xilka madaxtinimada Kenya hayay intii u dhaxeysay 2002 ilaa 2012-kii.

Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in Kenya ay gashay baroordiiq qaran ilaa inta laga aasayo madaxweynahoodii hore Mwai Kibaki oo mudo 44 sano ku guda jiray arrimaha siyaasadda, kuna helay magaca iyo mansabka uu la dhintay.

Haddaba, Kibaki oo saameyn ballaaran ku lahaa arrimaha siyaasadda Somalia, maadaama uu ahaa madaxweynihii juhdiga geliyay ka mira dhalinta in Soomaaliya yeelato dowlad KMG ah oo lagu soo dhisayMbagathi2004-kii, taasoo madaxweyne loogu doortay Cabbdullaahi Yuusuf Axmed.

Mwai Kibaki ayey Soomaalida ku xasuusan doontaa inuu aabo u ahaa hannaanka federalism-ka eeMbagathi lagu soo dhisay 2004-kii Itoobiyana ku gacan siisay, nidaamkaasi oo ilaa hadda ay ku dhaqanto Soomaalida oo awood qeybsi ay ku qeybsadaan xilalka sare dalka.

Waxaa kaloo lagu xusuusan doonaa in gudaha Soomaaliya uu soo geliyay dabayaaqadii 2011-kii, ciidamadiisa isagoo marmar siinyo ka dhiganeyay inay dalkooda ka difaacayaan kooxda Al-Shabaab, howlgalkaasi oo loogu magac daray "ilaalinta dalka”. Wuxuu xiligaasi hadalkii uu jeediyay u diiwaan gashan inuu yiri "Waxaan caalamka u sheegaynaa inaan duullaan ku ahayn Soomaaliya”.

Hase ahaatee madaxweynihii xiligaasi Shariif Sheekh Axmed ayaa si cad ugu horyimid una sheegay Kibaki iyo xukuumaddiisa inuu diidan yahay soo gelitaanka ciidamada Kenya ee gudaha Somalia.

 
 

Sababta uu Shariif xiligaasi u diidanaa in ciidamada Kenya ay soo galaan Soomaaliya ay aheyd inuu ka hortago qorshe ay rabtay Kenya oo ahaa inay gobolada Jubbooyinka ka dhistomaamulka Jubaland oo ay Kenya u aragtay inay danaheeda ku fushado, difaacna uga dhigato dhibaatada iyo qalalaasaha amni ee ka jiray Soomaaliya.

Diidmada Shariif iyo shakiga uu qabay waxaa ku raacay oo ku taageeray ra’iisul wasaarihiisii xiligaasi Cabdiweli Cali Gaas oo sheegay in Kenya iyo Soomaaliya aysan gaarin heshiis ogolaanayo inay ciidamada Kenya gudaha usoo galaan Soomaaliya.

Taariikh madow ayey noqotay 28 Sep-2012-kii markii gudaha Kismaayo soo galeen ciidamada Kenya oo ay horkacayeen maliishiyadii Axmed Madoobe oo xiligaasi hoggaamin jiray xoogagii maxaakiimta ka go’ay oo la magac baxay Raas-Kambooni aakhirkiina Kismaayo lagu aas aasay maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe hoggaamiyo.

Hase ahaatee soo gelitaankii ciidamada Kenya kadib, waxay si buuxda ugu mid noqdeen howlgalka ciidamada AMISOM ee xiligaan isu badalay ATMIS, kuwaasi oo dhibaatooyin kala duwan ka geystay gobolada Jubbooyinka, iyagoo burburiyay hanti Soomaaliyeed, dil, iyo duqeymo sharci daro naxariis darann ka fuliyeen Somalia.

Waxaa kaloo sabab iyo ma hadho ku noqotay inay ilaalin waayeen derisnimo wanaaga iyo madax bannaanida dhuleed ee Soomaaliya, aakhirkiina lugaha qabsaday Soomaaliya ilaa ay ku sheegtaan baddeenna iyo dhulkeena, si sharci daro ahna qeyb ka mid ah baddeena loogu xukumay, balse Soomaaliya ku qanacday go’aanka maxkamadda caddaaladda adduunka ICJ.

Doorashadii madaxweyne Farmaajo kadib, waxay Kenya faragelinteedii xoogeysteen iyadoo ka faa’iideysaneyso maamul goboleedyada qaar inay si qaawan oo ka baxsan xeerka caalamiga ah arrimaha gudaha Soomaaliya, taasoo dhalisay in madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku eedeeyo in faragelin aan gambasho laheyn ku heyso Somalia, gaar ahaan maamulka Jubbaland.

Dowladda Madaxweyne Farmaajo oo tallaabadaasi ka jawaabeyso ayaa xiriirkii u jartay Keny, waxayna cuna qabateyn ganacsi saartay Kenya iyadoo joojisay Qaadkii la keeni jiray Somalia. Taas badelkeedna Kenya waxay ku dhaqaaqday tallaabo kasto oo ay ku carqaladeyneyso dowladda curdunka ah ee Somalia iyo madaxbannaanida dhuleed ee dalka, laakiin looga guuleystay dhinac walbo.

W/Qoray: Ali Muhiyaddiin
Caasimadda Online

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip