Muungaab oo ku hanjabay in Maxkamad la tiigsanayan Wasiirka Amniga Dowladda + SAWIRRO

0
Friday October 16, 2015 - 12:14:42 in Wararka by
  • Visits: 1099
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muungaab oo ku hanjabay in Maxkamad la tiigsanayan Wasiirka Amniga Dowladda + SAWIRRO

    Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho, ayaa weerar afka ah ku qaaday Wasiirka Wasaaradda Amniga Somaliya, C/risaaq Cumar Maxamed. Gudoomiyaha, ayaa wuxuu si xoogan uu Wasiirka ugu eedeeya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho, ayaa weerar afka ah ku qaaday Wasiirka Wasaaradda Amniga Somaliya, C/risaaq Cumar Maxamed. Gudoomiyaha, ayaa wuxuu si xoogan uu Wasiirka ugu eedeeyay in amar uu ku bixiyay in la burburiyo wadada ka baxda Isgoyska KM4 ee tagta Garoonka Aadan Cadde.

Gudoomiyaha oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in tani ay dib u dhac ku tahay Magaalada Muqdisho, isla-markaana ay Muqdisho ku celinayso waqtigaa adkaa ay ka soo gudubtay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dadkii loo wakiishay inay wadada burburiyan ay xabsiga dhigeen, isla-markaana ay sharciga la tiigsan doonaan Wasiirka Amniga Somaliya, sida uu yiri.

Duqa Muqdisho, ayaa wuxuu Madaxweynaha, Ra’iisal Wasaaraha iyo Guddiga Amniga Baarlamaanka Somaliya ugu baaqay in tallaabo laga qaado Wasiirka.

Xamar

Xamar1Xamar2Xamar3Xamar4Xamar5Xamar6

 

 






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip