Wefdiga Madaxweynaha, ayaa waxaa loo galbiyay hawlka ay shirarka kaga soconayan Odayaasha Dhaqanka, ee soo xulaya Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed.
Madaxweynaha oo khudbad u jeediyay Odayaasha Dhaqanka, ayaa wuxuu sheegay inay lagama maarmaan tahay in qaab cadaalad ah lagu soo xulo Xildhibaanada Baarlamaanka, si dadka oo dhami ugu wada qancaan.
Madaxweynuhu wuxuu Odayaasha Dhaqanka uu kula dardaarmay inay ka fogaadan wax kasta oo keeni kara cadaalad darro, dadkana ay ku diidi karaan jiritaanka Xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee loo wado in loo dhiso Koonfur Galbeed.
Sidoo kale waxa uu Odayaasha Dhaqanka uu ka codsaday in haweenka Koonfur Galbeed lagu soo diro Xildhibaanada Baarlamaanka, si ay isaga dhex arkaan, lana siiyo wixii saami ah ay Baarlamaanku ku lee yihiin.
Suldaan Warsame Caliyow (Ibrow) oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Xildhibaanada soo xulaysa, ayaa sheegay in si wanaagsan ay u socoto soo xulistooda Xildhibaanada.
Dhanka kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wuxu kulan gaar ah uu la qaatay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, wuxuuna ka codsaday in la joojiyo qaylo dhaanta ka soo yeeraysa beelaha qaarkood.
Shariif Xasan, ayaa Madaxweyne Xasan u sheegay in dadaal badan uu ku bixinayo, sidii lagu wada qancin lahaa beelaha degga Gobolada Bakool, Baay iyo Shabellaha Hoose, oo Maamulka Koonfur Galbeed uu ku magacaaban yahay.
Safarka uu Madaxweynaha Somaliya uu ku tagey Magaalada Baydhabo, ayaa la xiriira, sidii looga gudbi lahaa khilaafka ka dhashay soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed.
Muddooyinkii ugu dambeysay, ayaa wuxuu khilaaf xoogan uu ka taagnaa qaabka lagu soo xulayo Xildhibaanada, xilli cabasho ay ka muujiyen beelaha qaarkood, oo cadaalad darro tirsanaya.



0 



































Daawo Sawirada: Socdaalka Madaxweynaha Somaliya ee Magaalada Baydhabo
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Khamiistii booqasho ku tagey Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Baay, xilli ay ka socoto soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed.