Ciidanka Amisom oo shalay dileen Oday Dhaqameed caan ahaa

0
Thursday October 15, 2015 - 11:45:33 in Wararka by
  • Visits: 935
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Amisom oo shalay dileen Oday Dhaqameed caan ahaa

    Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika oo shalay bilaa dagaal kula wareegay Deegaanka Gendershe Ee Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa waxay ku dileen Ugaas Siidow Maxamed, oo ka mid ahaa Odayaasha Golaha Dhaqanka Gobolka Shabellaha Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika oo shalay bilaa dagaal kula wareegay Deegaanka Gendershe Ee Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa waxay ku dileen Ugaas Siidow Maxamed, oo ka mid ahaa Odayaasha Golaha Dhaqanka Gobolka Shabellaha Hoose. Gendershe waxay ku taallaa wadada dhinaca badda ee xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho iyo Marka, iyadoo sanadkii hore ay la wareegen Ciidamada Dowladda & Amisom, inkastoo ay dib kaga soo baxeen.

Askari ka tirsan Ciidanka Amisom, ayaa si bareer ah rasaas u huwiyay Ugaas Siidow Maxamed, xilli Ciidanka Amisom ay gudaha u soo galayen Deegaankaasi, isla-markaana uu Ugaasku fadhiyay goob bannaan.

Rasaastii lagu dilay Ugaaska, ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacantay laba ka mid ah dadka reer Gendershe, waxaana dhaawacyadooda loo qaaday goobaha caafimaadka, si wax looga qabto xaaladooda.

Ugaas C/qaadir oo ka mid ah waxgaradka ku dhaqan Gendershe, ayaa si xoogan u cambaareeyay tallaabada ay Ciidanka Midowga Afrika ku dileen Ugaas Siidow Maxamed.

Ugaas C/qaadir wuxuu tibaaxay Amisom in dalka ku joogto ogolaanshaha inay ka qayb qaadato nabadda iyo xasiloonida, laakiin aanay u joogin inay ku gumaado buu yiri shacabka Somaliyeed, isagoona diiday inay aqbalaan dilalka ceynkani oo kala ah.

Sidoo kale waxa uu Dowladda Somaliya iyo Caalamkaba uu ugu yeeray in si deg deg ah wax looga qabto dhibaatada ay gaysanayso Amisom, Maxkamadna la horkeeno askarigii dilay Ugaaska.

Dowladda Somaliya, ayaan si adag Ciidanka Amisom ugala xisaabtamin dhibaatada ay u gaysanayan shacabka, waana taa midda keentay inay si joogto ah ugu dhiiradan waxyeelaynta shacabka.

xigasho:-dhacdo.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip