
Boko Haram oo Shabaab ugu baaqay inay ku biiraan Daacish
Warbaahinta reer Galbeedka qaar ka mid ah oo baahiyay Muuqaalkaasi, ayaa sheegay Boko Haram inay muhiimad gaar ah siinayso in Kooxda Shabaab ay ku biiraan Daacish si awoodaha Ururada Jihaadiga ah hal meel la isugu geeyo, kadibna dagaalka ay sii wadaan.
Boko Haram, iyaga horay ayeey ugu dhawaaqeen inay ku biireen Kooxda Daacish, hadana waxa ay doonayaan inay geliyaan Kooxdaasi Shabaabka Somaliya ka dagaalama.
ISIS ayaa wadda dadaallo badan oo ay ku doonayso inay ku qal qaaliso Al-Shabaab inay ka baxdo Al-Qaacidda, kana mid noqoto ururrada jihaadiga ah ee ISIS hoos-taga.
ISIS ayaa iyadoo adeegsaneysa dhallinyaro Soomaali ah oo xubno ka ah kooxdeeda, waxay ku dhiirrigelisay Al-Shabaab inay ka mid noqoto kooxda.
Kooxda Wilayat Sinai ee ka dagaallanta Masar ee taageersan ISIS ayaa dhowaan soo saartay muuqaal kan la mid ah oo ay ugu baaqeyso Al-Shabaab inay ka mid noqoto ISIS, wakiilna uga noqoto Geeska Afrika.


0 



Boko Haram oo Shabaab ugu baaqay inay ku biiraan Daacish
Ururka Boko Haram ee ka dhisan dalka Nigeria, ayaa fariin waxa ay u soo direen Ururka Al Shabaab ee ka dagaalama dalka Somaliya, kadib muuqaal ay soo duubeen Boko Haram.