
HALKAAN KA AKHRSO WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES EE MAANTA OO AH AXAD 20-KA MARSO 2022-
Rooble Oo Guddiga Doorashooyinka Kala Hadl ay Hirgalinta Jadwalkii Ay Diideen KGS Iyo Galm udug
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka So omaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Shalay kulan la qaatay Guddoomiyaha Gudd iga Doorashooyinka Heer Federaal Muuse Geelle Yusuf.
Kulanka dhexmaray Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Guddoomiye Muuse Geelle ayaa waxaa looga hadlay inta uu socday hirgalinta Jadwalka shaha ado siinta iyo dhaarinta Xildhibaannada Golaha Shacab ka Baarlamaanka 11-aad ee guddigu shaaciyay.
Sidoo kale kulanka ayaa waxaa looga arrinsaday dhammeystirka doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee weli ku harsan dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Hirshabeelle oo aan weli dhammeeynin doorashada.
Maamulada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Pun tland ayaa gaba-gabeeyay doorashadaGolaha Sha cabka, waxaana ku harsan oo kaliya Hirshabeelle iyo Jubbaland oo caqabad siyaasadeed ka heysato deegaan doorashada labaad ee Magaalada Garba haarey.
Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyada oo maalmo ka hor Koonfur Galbeed iyo Galmudug ka soo horjeesteen Jadwalkii dhaarinta Xildhibaana da oo ay soo saareen Guddiga doorashooyinka heer Federaal, iyadoona labada maamul Jadwalka ku til maamay mid sharci darro ah, sidoo kalena shaa ciyay in aysan qaadan doonin Go’aanmada kasoo baxa Guddigaas
Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Shalay Mas’uul Cusub Magacaabay (Wareegto)
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabee lle Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe ayaa Shalay oo sabti aheyd magacaabay Agaasimaha gu ud ee Wasaarada Biyaha iyo Tamarta, isagoo xilka qaadis ku sameeyay Agaas imihii hore.
Wareegto kasoo baxday Xafiis ka Madaxweyne Guudlaawe ayaa waxaa xilka Agaasimaha cusub ee Wasaarada Biyaha iyo Tamarta Hir shabeelle loogu magacaabay inuu noqdo Saciid Saa lax Cabdiraxman, kaasi oo bedelaya Agaasimihii ho re ee Wasaaraddaas.
Sababta keentay magacaabista Agaasimaha cu sub ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay in lagama maarman tahay dardar-gelinta Maamulka Wasaara da Biyaha iyo Tamarta, waxaana magacaabista la Ogeysiiyay Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed.
Hoos ka Akhriso Wareegtada uu soo saaray Madaxweyne Guudlaawe
Xiisad ka dhex-qaraxday Saciid Deni iyo bee sha Ciise Maxamuud iyo Isimo isaga baxay magaalada Garoowe Warar soo baxaya saacadihii u danbeeyay ayaa sheegaya in khilaaf xooggan oo ku saabsan doora shada Golaha Shacabka Soomaaliya uu ka dhex qar xay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Isimada Gobolka Nugaal ee beesha Ciise Maxamuud.
Isimada ayaa la sheegay inay ka caraysan yihiin bo ob ay Siciid Deni iyo Axmed Madoobe ku sameyeen kursiga Golaha Shacabka #029 ee Beesha Ciise Maxamuud oo Shalay laga doortay magaalada Kismaayo.
Kursigan ayaa waxaa loo xiray Axmed Macamu ud Jaamac oo ah suxufi, islamarkaana iminka ka mid ah howlwadeenada madaxtooyada Jubaland, ka asi oo odayaasha beesha Ciise Maxamuud aysan ra ali ka aheyn, balse Shalay ku guuleystay.
Wararka ayaa sheegaya in Suldaan Siciid Max amed Garaase uu isaga baxay magaalada Garoowe, halka Isl aan Ciise Islaan Maxamed isna la she egayo in uu ka baxayo magaalada.
Sidoo kale maalin ka hor waxa Garoowe isaga baxay Isimo uu hoggaaminayo Islaan Bashiir Islaan Cabdulle, oo kasoo jeeda bee sha Cumar Maxamu ud, kadib markii Siciid Deni uu ka boobay kuraasta Golaha Shacabka ee HOP#198 iyo HOP#199.
Isimada Puntland ayaa ka mid ah odayaal dhaq ameedyada ugu saameynta iyo awoodda badan Soo maalida marka ay noqoto deegaanadooda, hase yee shee Saciid Deni ayaa inta badan si awood leh u ma amushay xulidda kuraasta laga soo dooranayo Pun tland, isaga oo aan eegin rabitaanka isimada..
Shir looga hadlayey Maamulka iyo Xakamaynta Hubka iyo Rasaasta oo ka Furmay Muqdisho
Waxaa Shalay magaalada Muqdisho ka furmay shir looga hadlayey maamulka iyo xakamaynta hub ka iyo rasaasta, shirkaas oo uu soo agaasimay Xafi iska Amniga Qaranka ee Madaxtooyada Jamhuuriya dda Federaalka Soomaaliya, ayaa waxa ka soo qa yb galay Wasiirro ka Tirsan Xukuumadda FS, Hay'a daha Qaabbilsan Amniga Dalka, Masuuliyiin ka soc day Madaxtooyada Qaranka iyo Xafiiska Ra'iisul Wa saaraha, wakiillo ka socday Dowlad Goboleedya da iyo Gobolka Banaadir, iyo Xubno ka socday saa xiib bada beesha caalamka ee Soomaaliya ka taageera arrimaha amniga.
Shirkan oo soconaya labo maalmood ayaa wa xaa lagu lafo gurayaa daadejinta iyo dardar gelinta hirgelinta qorshaha Qar an ee Maamulka Hubka iyo Rasaasta, tirakoobka, diiwaan gelinta, calaam adinta /suntidda iyo xakamaynta hubta yaalla dalka, taas oo qayb ka ah qorsheyaasha ay Soomaaliya ku xaqiijinayso in looga qaado cuna qabataynta hubka ee saaran dalka.
Agaasimaha Xafiiska Amniga Qaranka ee Mada xtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Sooma liya, Marwo Safiya Xasan Maxamed, ayaa ka war bixisay ujeeddada shirka iyo guulihii laga gaaray habraacya da Maamulka Hubta iyo Rasaasta, iya doo la raaca yo wareegtadii uu Madaxweynaha Jamhuuriyaddu soo saaray sannadkii 2018-kii.
Dhanka kale Wasiirradda, Gaashandhigga Cab dulqaadir Maxamed Nuur, Caddaaladda Mudane Xasan Xuseen xaaji iyo Wasiir Ku-xigeenka Maali yadda Mudane Cabdullaahi Cali Qalloocow, oo ha dal ka jeediyey Shirka ayaa soo bandhigay sida ay DFS uga go'an tahay Xakamaynta Hubka iyo Raa saasta, iyada oo dadaal badan lagu bixiyey arrin taas, sidoo kale waxa ay hoosta ka xarriiqeen muhii madda ay Soomaaliya u leedahay in laga qaado cunaqabaynta hubka.
Markii uu Shirku maalintiisii koowaad soo gaba gaboobay waxaa warbaahinta la hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Xa san Maxamed Gacaliye, isaga oo Faahfaahiyey muh iimadda uu shirkan leeyahay iyo natiijada laga filayo in ay ka soo baxdo, taasoo waxtar weyn u noqon doonta dowlad dhiska iyo dib-u-habaynta hay'adaha Amniga dalka. =DHAMMAAD=
Xildhibaa Daad: Barlamaanka Puntland wax ay xilka ka qaadayaan madaxweyne Deni haddii uu isku sharraxo Madaxweynaha Soomaaliya
Xildhibaan Cawil Xasan Daad oo katirsan barla maanka Puntland ayaa sheegay inay xilka ka qaada yaan Madaxwayne Deni haddii uu isku sharraxo xilka madaxweynaha Soomaaliya.
Xildhibaan Cawil Daad waxa uu she egay inuu dastuurka Puntland dhig ayo, in madaxweynaha uusan qaban karin xil kale. Wuxuu sheegay in loo baahan yahay in madaxweynuhu uu iscasilo haddii uu baxayo.
"Haddii madaxweynuhu isagoo aan iscasilin uu tago, waxay qasbaysaa in baramaanka intuu fariisto uu xilka ka qaado, sida uu qabo qodobka 82aad ee dastuurka farqadiisa koowaad" ayuu yiri Xil, Cawil Daad.
Xildhibaan Daad wuxuu madaxweyne Deni ku eedeeyay xil gudasho la’aan saddexdii sano ee la soo dhaafay iyo ku tumasho dastuur.
Wuxuu hadalkiisa ku daray in mudanayaasha barlaamaanka oo awood sharciyeed ka helaya das tuurka, inay madaxweynaha xilka ka qaadaayan si loo badbaadiyo Puntland, sida uu hadalka u dhigay.
Si kastaba ahaatee, madaxweynaha Puntland ayaa la filayaa inuu iskusoo sharaxo madaxweynaha So omaaliya. Waxay noqonaysaa markii labaad oo uu isku sharraxayo xilka madaxweynaha Soomaaliya.
Deni ayaa kamid ahaa musharraxiinta u tartamay xilka madaxweynaha Soomaaliya sannadkii 2017, isagoo ku haray wareegii koowaad, helayna codad dhan 17 cod.
Prof. Xasan Sheekh oo soo jeediyey arrin xasaasi ah marka ay dhamaato doorashada
Prof. Xasan Sheekh Cali oo ka faallooda siyaasa dda, ayaa wareysi uu uga hadlay arrimo xasaasi ah oo quseeya xaaladda guud ee dalka, wuxuu kusoo jeediyey tallaabo ay tahay la qaado kadib marka ay dhamaato doorashada dalka.
Dr.Xasan Sheekh ayaa soo jeediyey in marka ay dhamma ato doorashada socota maxk a mad lasoo saaro dadka geyst ay fal dambiyeedyada ee ka midka ah dowladda Soomaal iya.
"Doorashada socota haddii ay dhammaato waa in dadka galay dambiyada ee hadaaye sheegay Ma xkamad la geeyo, garsoor caadil ahna ay helaan,” ayuu Dr Xasan Sheekh Cali.
Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyey "Macnaha ani ga ma dhahaayey dadkaas waa dambiilayaal hala qabto, hala xiro, hala dilo maya, waxaan leeyahay maxkamad hala geeyo”.
Prof. Xasan Sheekh Cali oo hadalkiisa sii wata ayaa si gaar ah u eedeeyey Farmaajo iyo kooxdiisa, isaga oo tiriyey dabmbiyada loo heesto oo ay tahay in loo maxkamadeedyo.
"Golihii shacbiga Soomaaliya oo la kufsaday, dadkii guryahoodii lagu dilay, Jubbaland oo la dum iyey dhibaatadii ka dhacday Baydhabo, muwaadiniin Soomaaliyeed oo Itoobiya loo dhiibay madaxdii hore iyo dadkii la weeraray, dadka intaas galay waa in ma xkamad la saaro,” ayuu markale yiri.
Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay haddii aan qaadin tallaabooyinkaas, isla-markaana aan la aadin dhanka sharciga aysan Soomaaliya noqon do onin dowlad rasmi ah, sida uu hadalka u dhigay.
DFS ee uu hoggaamiyo madaxweynaha muddo xile edkiisu dhammaaday ee Farmajao ayaa loo heestaa eedeymo culus, waxaana ugu dmabeeyey kiiskii la yaab lahaa ee Ikraan Tahliil Faarax oo lagu waayey nolol iyo geeri.
Deni oo shaaciyey hadafkiisa ugu weyn iyo sababta uu isu-soo sharaxay
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xalay ku dhawaaqay in uu yahay mush arrax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya, isa goo shaaciyey waxa uu yahay hadafkiisa ugu weyn.
Saciid Deni ayaa sheegay in hadafkiisa ugu weyn ee musharaxnimadiisa uu yahay sidii uu meesha u ga saari lahaa madaxweyne Farmaajo, isagoo balan qaaday in musharax kasta oo hadafkaas uu garab istaagi doono.
"Waxaan halkaan baaq uga dirayaa dhamaan mu sharraxiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya, waa inay ku midoobaan in la bedelo madaxweynaha hadda jooga ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo,” ayuu yiri Deni.
sagoo sii hadlaayey Saciid Deni waxuu yiri, "Hadafka u weyn oo aan leeyahay wuxuu yahay in Maxamed Cabdullahi Farmaajo uusan sii joogi karin xilka, waa adagtahay in dalka ani uu horay u sii socdo, hadii uu sii joogo.”
Sidoo kale Deni wuxuu balan qaaday in qof kasta oo hadafkaas leh uu garab istaagi doono, "Aniga iyo xildhibaanada labada Aqalka ee reer Puntland wax aan ka wada qeyb qaada doonaa isbedel muuq da oo ku dhisan nidaam dumoqraadi ah,” ayuu yiri Saciid Deni.
Wuxuu carabka ku adkeeyey inay mabda’ ka tahay dagaalka siyaasadeed ee uu ku qaadi doono nidaamka Farmaajo, "In dalka laga bedelo wadadii Farmaajo ku waday waa waajib, qof kasta oo ma bda’aas lehna waxaan saaxiib ku noqon karnaa siy aasadda,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Saciid Deni.
Ugu dambeyntii madaxweynaha Puntland waxuu sheegay in musharax kasta oo ku soo baxa tartanka doorashada uu la shaqeyn doono, markii laga reebo Farmaajo oo dagaal siyaasadeed oo aad u adag uu kala dhaxeeyo.
"Tartanbaa la gelayaa waxaan rajeynayaa cid kheyr qabta inay ku soo baxdo tartankaas oo aan rajeynayo inuu noqdo mid xalaal ah, cid kasta oo aan Farmaajo aheyn oo ku soo baxdana in si wadajir ah gacan loo siiyo ayaan rajeynayaa, sababtoo ah in Farmaajo soo laabto, waxay dhaawac ku tahay deg anaashaha iyo midnimada Somaliya,” ayuu yiri Deni.
Wasaarada Arrimaha Gudaha Hirshabeelle oo hakisay doorashada Kursiga 135
Wasaarada arimaha Gudaha Hirsha belle ayaa sheegtay inaan habraac sax ah loo marin odoyaasha kursigga sumadiisa tahay HOP135
Jeesow oo shaaciyey arrin uu sameeyey markii la dhiibay QALBI-DHAGAX
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah xu bnaha cusub ee dib loo doortay ayaa markii ugu hor eysay si cad u sheegay in kiiska dhiibistii Cabdikariin Qalbi-dhagax uu ka gaabsaday oo miiska hoostiisa uu galay, maalmihii la is dhaafsanaayey doodaha cu lus ee ku soobsanaa dhiibistii muwaadinkaas.
Xildhibaan Jeesow oo ka mid ahaa masuuliyiin xil dhibaano u badan oo lagu casuumay munaasabad loogu dabaal-degaayey dib u soo doorashada Xildhi baan Maxamuud Cabdiraxmaan Beenabeene ayaa u jawaabay Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa oo Jeesow ku tilmaamay ninkii ugu cod-karsanaa xil dhibaanadii Farmaajo taa geersanaa.
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay in Cabdiraxamaan Odawaa uu doodo adag la yimid markii Itoobiya loo dhiibay Cabdikaariin Qalbidhagax oo ururka ONLF ka tirsan, balse uu ka Daahir ahaan doodahaas ka dhuuma jiray.
"Sanadihii lasoo dhaafay baarlamaanku wuxuu ahaa laba group, waxaan Cabdiraxmaan Odawaa ku xas uustaa markii la dhiibay Qalbidhagax inuu baarlam aanka u noqday Sheekh wacdiya, anigana waan ka dhuuntay oo kuraasta hoostooda ayaan ka galay,” ayuu yiri Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.
Sidoo kale Jeesow ayaa qiray in hormuudkii baar lamaanka ay ahaayeen xubnihii mucaaradka ahaa, isagoo xildhibaanada cusub ka codsaday in kala aragti duwanaantii hore mid lamid ah aysan ku soo noqon baarlamaanka 11-aad.
Dhanka kale xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa oo goobtaas ka hadlay ayaa sheegay in Jeesow uu ka nasiib badan yahay xubnihii taageersanaa nida amka Farmaajo oo intooda badan doorashadaan ku haray, kuraastiina loo soo diiday.
"Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow wux uu ahaa muxaafiska ninka ugu codkars an, laakiin waxaan ku faraxsanahay in ragii muxaaf idka la’ahaa uu isaga bis ka soo baxay oo intii kale ay doorashada ku hare en, taasina waxay ku tusee in Jeesow uu nin adag yahay,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa.
Labo Ruux oo cunto la,aan ugu geeriyootay Xeryaha barakaca ee Dhuusamareeb
Gudoomiyaha magaalada Dhuusamareeb ahna Duqa caasimada Galmudug mudane Abdirahman Ali Mohamed "Geedaqorow” uu wehliyo Xildhiban Ba rakaqabe ayaa kormeer kutagay xeryaha dadka bar akacayaasha ah ay daganyihiin ee kuyaal Dhuusa mareeb kadib markii ay dad ugu geeriyoodeen xer yahaasi cunto la’aan 2 ruux.
Dadka barakacayaasha oo xaalado oda nololeed lawadaagay gudoomiyaha ayaa sheegay inay haysato xaalad adag oo dhanka nolosha ah,una baahanyihiin gurmad deg dega oo kaga yimaada maamulka Degma da,hay’adaha samafalka,dadka waxhays ta iyo maamulka Galmudug.
Gudoomiyaha dadka barakacayaasha ah ee Dhuusamareeb Mohamed Shiiqow oo warbaahinta lahadlay ayaana gudoomiyaha warbixin guud ka siiy ay xaalada ay ay wajahayaan barakacayashu.
Xildhibaan Barakaqabe oo kamida golaha baarl amanka Galmudug ayaa oo isna kahadlay kormeer ka Shalay ay kutageen kaamamka barakacayaasha Dhuusamareeb ayaa codsaday in si dhaqso loogu soo gurmado barakacayaasha oo iskugu jira kuwo kasoo barakacay deegaanada cadowga khawaarijta Alshabaab iyo dad ay saamaysay abaartu oo kasoo haraaday baadiyaha.
Gudoomiye degmada Dhuusamareeb mudane Abdirahman Geedaqorow oo isna barakacayaasha lahadlay ayaa sheegay in maamulku gacan kasii do ono ugurmashada dadka barakacayaasha ah waxuu na hay’adaha samafalka,dadka waxhaysta,dowlada federaalka & dowlada Galmudug kadalbaday in Bar akacayaasha Dhuusamareeb si dhaqso ah loogu soo gurmado.
Wariye Ka Tirsanaa Telefashinka Jubbaland Oo Loo Doortay Xildhibaan Golaha Shacabka
Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubb ada Hoose ahna Caasimadda KMG ah ee Maamu lka Jubbala nd ayaa wa xaa Shalay ka dha cday doora shada kursi Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee do wladda, kaasi oo deega an do orashadiisa tahay Jub baland. Doorashada kurs iga tirsigi isu yahay HOP029 ayaa wa xaa ku tartami lahaa laba Musharax oo kala ah Axm ed Maxamuud Jaamac iyo Cabdiqani Cali Ciise, hayeeshee inta ay san bilaaban doorashada ayaa waxaa tartanka ka haray Mu sharax Cabdiqani Cali.
Ergada doorashada kursigaan ayaa Axmed Max amuud ugu coddeeyay qaab gacan taag ah, isla mar kaana waxaa uu helay dhammaan Codadkii kal soo nida ee ergada doorashada, kadib markii uu u ta na asulay Musharaxii la tartami lahaa Cabdiqani Cali.
Xildhibaanka cusub Axmed Maxamuud Jaamac ay aa muddo dheer ka mid ah warbaahinta dowlad Go boleedka Jubbaland gaar ahaan Telefashinka iyo warfaafinta Madaxtooyada, isagoo tebin jiray warar ka iyo Barnaamijyada.
Maamulka Jubbaland ayaa waxaa lagu wadaa in todobaadkaan gudihiisa ay kusoo gaba-gabeeyaan doorashada kuraasta harsan Golaha Shacabka Baar lamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Wasiirka Caafimaadka oo kullan kala yeeshay
Wasiirada maamul-goboleedyada Mashruuca Damal Caafimaad
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee XFS iyo Wasiiradda Caafimaadka ee Dowlad Goboleedyada ayaa manta yeeshay Shirka Guddiga Hogaanka Ma ashruuca Damal Caafimaad.
Kulanka ayaa ku qabsoomay hanaanka fogaan araga ee Zoom-ka, Waxaana Goob jog ahaa dham maan Wasiiaradda Caafimaadka ee Dowlad Gobol eedyada.
Kulamka waxaa Shir-guddoominayay HE. Dr. Faw ziya Abikar Nur, waxaaana kulanka diiradda lagu saaray Dardargelinta hawlaha Mashruuca Damal Caafimaad iyo dhameystirka hanaanka loo marayo adeeg bixinta mashruuca iyo Hay’adah Fulinaya Mashruuca iyo iyadoo Nimdaamka ay ku heshiiyeen Dowlada Soomaaliya iyo Bangiga Aduunka.
Wasiiradda Caafimaadka ayaa isku waafaqay la xoojiyo dadaalada lagu hormarinaya Adeega Caafi maadka dalka, sidoo kalana la iska kaashaado sidii Mashruuca Damal Caafimaad uu u guuleysan lahaa una noqon lahaa mid hufan oo masuuliayadiisa loo wad dhanyahay.
Maraykanka oo sheegay in Somaliya ay diiday in Shiinuhu saldhig milatari ka sameysto gudaha dalka
Taliyaha ciiddanka Maraykanka ee Afrika Gen. Stephen Townsend ayaa sheegay in ay dowladda Somaliya ay u xaqiijisay in aysan oggolaandoonin in China ay saldhig milatari ka sameystaan Som liya.
Gen. Townsend oo wareysi siinayay weriyaha VOA u qaabilsan Pantegon Carla Babb, wuxuu sheegay in dow ladda Shiina ha ay dowladda Sooma aliya kala ha dashay saldhigga mila teri iyo arrimo kale.
Townsend wuxuu sheegay in Soo maaliya ay u sheegtay Shiinaha in aysan oggolaan doonin inuu saldhigga milateri ka sameysto gudaha Soomaaliya.
Shiinaha ayaa saaxiib dhow la ah Soomaaliya, wuxuuna maalin ka hor siiyay qalab milatari oo caa wiya dagaalka ay kula jirto kooxda Alshabaab.
Shiinaha ayaa doonayaa in uu ballaariyo saldhi gyada ciidan ee uu ku leeyahay meel ka baxsan Jab uuti oo ku yaalla xeebaha Geeska Afrika.
Maraykanka ayaa ku eedeeyay Shiinaha inuu guranayo kheyraadka macdanka Afrika, isagoo u ma raya saldhigyo milatari oo uu ka sameysto gudaha Afrika. Warbixinnada sirdoonka Maraykanka ayaa sheegaya in Shiinuhu uu qorsheynayo inuu saldhigii ugu horreeyay ee militari oo joogto ah ka sameysto Badweynta Atlaantigga ee dalka Bartamaha Afrika
ee Equatorial Guinea.
Guddiga Doorashada SEIT Jubbaland Oo Kulan La Yeeshay Saraakiil Ka Tirsan AMISOM
Guddoomiyaha Guddiga hirgalinta doorashooyin ka dadban ee heer dowlad Goboleed ee Jubbaland ( SEIT) Dr Siyaad Maxamed Mursal ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Saraakiil ka socotay Booliska AMISOM oo qayb ka ah Ciidamada ilaaliya amaanka goobta doorashada.
Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay sii xooji nta sugida amniga goobta lagu qabto doorashada kuraasta ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka ee Magaalada Ki smaayo, taasi oo heer ga ba-gabo ah mareysa
Guddoomiyaha Guddiga hirgalinta doorashooyinka Dr Siyaad Maxamed Mursal ayaa Saraakiisha AMISOM ka dhageystay Warbi xino ku aadan xaaladda amniga goobta doorashada lagu qabto, isal markaana waxaa uu Guddoomiyaha ku boggaadiyey Saraakiisha Ciidamada dardar-gel inta howlaha sugida amniga.
Magaalada Kismaayo ayaa waxaa lagu wadaa in 7aadkaan lagu soo gaba-gabeeyo doorashada Gol aha Shacabka Baarlamaanka 11-aad, waxaana soc da diyaar garowgii ugu dambeeyay ee lagu qabana yo doorashada kuraasta harsan ee Jubbaland.
Maamulada Jubbaland iyo Hirshabeelle ayaa kal iya harsan inay soo dhameeyaan doorashada Xildhi baanada Golaha Shacabka, iyada ay soo gaba-ga beeyeen maamul Goboleedyada Koonfur Galbeed Soomaaliya, Puntland iyo Galmudug.
Doorashada 2022 ‘oo u ekaatay’ tii 2004 – Maxay noqon doontaa natiijadeeda?
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa ka hadlay meelo ay isaga egyihiin doorashada baarlamaanka ee hadda socota iyo doorashadii 2004-tii, ee lagu dhis ay baarlamankii soo doortay mad axweyne Cabdullaahi Yuusuf.
Cumar Cabdirashiid ayaa qoraal uu soo dhigay twitter-ka ku she egay in gaboodfalada ka dhacay doorashada hadda geba-gebe ada ku dhow ay horseedi karaan arrimo cabsi leh, sida uu hadalka u dhigay.
Cumar Cabdirashiid oo arrinkan ka hadlaya wa xaa uu yiri "Doorashada baarlamaanka 2022-ka wa xa ay meelo badan uga egtahay doorashadii 2004-tii, xagga qaabka loo maray iyo xataa muddada. Had dii ka falcelinta ay noqotay soo bixitaankii maxaak iimta Islaamiga aheyd, maxay horseedi karaan tac adiyada sharaci darrada ah ee dhacay haddii aan wax laga qaban khadarteeda”.
Maxkamadihii Islaamiga ah si toos ah ugama dhalan doorashadii 2004, waxayna si kooban u jire en kahor, hase yeeshee waxay ay xoogeysteen ka dib doorashadaas ayaga oo 2006 qabsaday Muqdi sho iyo inta badan koonfurta Soomaaliya.
Doorashada baarlamaanka ee hadda socota ay aa ah muddo socotay 6 bil, waxayna waqtigeeda ka dib dhacday sanad iyo bil, oo ay suurta-gal tahay in ay kasii badato.
Ma cadda waxa ka dhalan doona boobka doora shada, hase yeeshee waxaa jirta cabsi ah; in haddii doorashada madaxweynaha la boobo ama uu kusoo baxo madaxweyne Farmaajo ay horseedi karto dagaal iyo inay beelo badan hubka qaataan.
Cabdiraxmaan Dheere oo waayey kursiga HOP#124
Siyaasiga Cabdiraxmaan Dheere oo ah gacan yaraha la-taliyaha amniga qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa waayey kursiga xildhibaanimo ee beeshiisa, kaas oo uu tirsigiisu yahay HOP#124, isla markaana yaalla Kismaayo.
Cabdiraxmaan Dheere oo kursigan ku fadhiyey 12-kii sano ee lasoo dhaafay ayaa sameeyey isku dayo iyo dadaallo xoogan si dib loogu doorto, balse uma suuragelin, waxaana ka adkaaday isaga iyo kooxda Fahad Yaasiin hoggaamiye Axmed Mado obe.Ninkan oo isaga oo xildhibaan ahaa ku shaqey nayey sarkaal ka tirsan NISA ayaa sidoo kale isku dayey inuu kursiga kasoo wareejiyo deegaan doora shada Kismaayo, balse waxaa kasoo horjeestay bee shiisa oo ku gacan seertay damacii sa ah in loo weeciyo magaallo kale.
Doorashada kursiga HOP#124 ayaa waxaa lagu wadaa inla qabto Isniin ta ah ee soo socota, waxaana loo xi ray musharrax lagu magacaabo Maxamed Nadiif, ka as oo Cabdiraxmaan Dheere uga horreeyey kursi ga, wuxuuna ahaa xildhibaan 2004 illaa 2012.
Nadiif oo haatan qaatay shahaadada mushara xnimada ayaa sidoo kale ka mid ah siyaasiyiinta ca anka ah ee kasoo jeeda deegaanada Jubbaland, wu xuuna mar isku soo taagay xilka madaxweynaha, wa low aan la ogeyn kooxda uu haatan ka tirsan yahay.
Dhanka kale guddiga SEIT ee Jubbaland ayaa shaaciyey guddiga soo xulaya kuraasta kala ah HOP #124 iyo HOP#029, iyada oo gabi ahaan tartanka la ga reebay C/raxmaan Dheere. Sikastaba, gacanya raha Fahad Yaasiin ayaa arrintan u eersaday kaalintiisii ku aadaneyd dagaalkii ay Villa Somalia la gashay Jubbaland, kadib dib u doorashadii Axmed Madoobe.
Sirdoonka Somaliland oo lagu eedaynayo in ay jidhdil ugaysteen wariyayaal
Cabdisalaan Axmed Cawad (Cabdisalaan Germ anay) iyo Cali Mahdi Jibriil oo ah wariyayaal reer Har gaysa ah, ayaa sheegay in ciidan sir doon ah oo hub aysani ay soo weerareen, kadibna ay jidhdil iyo han dadaad u gaysteen.
Wariyayaashan ayaa shee gay in weerarku haleelay xili ay kasoo baxeen xaflad lagu sagootinayay tababare Jaam ac Karaaciin, kadibna hoteel ay ka cashaynayeen ay kula kulmeen inamada sirdoon ka ah oo ay is garan ayeen, Lakin ay Cabdisalaan Germany ku yidhaah deen jooji "dhaleecaynta madaxweynaha", kadibna markii ay cashada dhamaysteen ay soo daba galen.
"Inamo yar yar oo aanu u malaynayno sir doon ka, ayaa nasoo daba galay, dabadeedna laba gaa dhi ayaa nalagu jaray, baastoolada ayaa lala soo ba xay, markiiba laba xabadood ayay rideen... gaadhigi ayay igala dageen, runtii jug xoogan iyo dhaawac xo ogan ayay ii gaysteen" waxa sida yidhi Cabdisalaan Germany oo gacanta midig dhaawac ka muuqdo.
Wariye Cali Mahdi ayaa sheegay in ciidanku ay u socdeen wariye Cabdisalaan Germanay, isla mar kaa na isaga laftiisa ay dhaawac u gaysteen lakiin ay Ca bdisalaan Germany xoog u garaaceen, markii uu ka qabo is yidhina ay ka hor istaageen.
"Mid baa nabar halkaa (wajiga) iga qabad siiyay, mid kale ayaa ku yidhi waa Cali Mahdi eh ka daa, markaa waxan dareemay markiiba in ay Cabdisala an Germany u socdaan, mid baa bastoolad cabayst ay, mid kale ayaa ku yidhi howlgal keena kuma jirin dil eh joog, Cabdi ayay ku miiseen, ka qabaan is idhi nin bistoolad haysta, ayaa joog igu yidhi, kadibna Ca bdisalaan ayay garaaceen" ayuu yidhi Cali Mahdi.
Ciidanka Sirdoonka Somaliland ayaa marar kala du wan si xoog ah ku kaxaystay wariye Cabdisalaan Germanay, isagoo sheegay in danbi looga dhigay in uu dhaliilo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
Waa imisa tirada kuraasta Golaha Shacabka ee doorashadoodu harsan tahay? Inkastoo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah DFS ay qabteen inta badan doorashada kuraasta Golaha Shacabka ayaa waxay haddana weli kuraas ku harsan yihiin Dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Hirshabelle K/Galbeed iyo Galmudug ayaa doorasha da ku soo geba-gabeey ay muddadii lagu heshii y ay oo ku beeg neyd 15-kii bishan, halka Puntland ay Ji mc ihii u suurtagash ay inay qa bato doorashada 6-dii kursi ee ku harsa neyd. G/Shacabka oo ka kooban 275 Xildhibaan ayaa waxaa illaa iyo had da la doortay 242 Xildhiba an, ku waa oo 50 ka mida ay dumar yihiin.
Tirada kuraasta Golaha Shacabka ee harsan oo 33 kursi ah ayaa waxay 20 ka mid ah ku harsan yih iin Jubbaland iyo Hirshabelle oo 13 kursi ay ku dhi man yihiin.
Kuraasta baaqiga ku ah Jubbaland, 4 ka mid ah waxa ay yaallaan Magaalada Kismaayo, kuwaa oo maalmaha soo socdo lagu wado in doorashadooda la qabto, halka kuwa yaala deegaan doorashada 2a ad Jubbaland ee Garbahaarey aan la garanayn goor ta doorashadooda la qaban doono.
Guddiga Doorashada Jubbaland waxay Talaada dii shaaciyeen in muddo laba toddobaad ah ay ku qa ban doonaan dorashada kuraasta Golaha Shacabka
Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa Univer saltv u sheegay inaanan weli wax xal ahi laga gaarin caqabadda ku horgudban kuraasta taala Xarunta Gobolka Gedo ee Garbahaarey, inkastoo ay socda an dadaalo ay tahay in xal lagaga gaaro is mari-waa ga hareeyay doorashadaasi.
Dhanka kale kuraasta ku harsan D/G/ Hirshabelle waxay 9 ka mid ah yaallaan Magaalada Beledwey ne, kuwaa oo qaarkood ay caqabad ka taagan tah ay. Beledweyne waa deegaan doorashada 2aad ee Hirshabelle.Hirshabelle iyo Jubbaland ayaa laga dhawrayaa in doorashada Baarlamaanka Federaal ka ay soo geba-gabeeyan ugu dambayn 31-ka bish an March.
Madaxweyne Lafta-Gareen Oo Kulan La Qaatay Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galb eed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laft agareen ayaa Shalay kulan la qaa tay Gudiga Hirgel inta Doorashooyin ka DGK/Galbeed (SEIT). Mada x wey naha ayaa gu diga uga m ahad celyey dadaalka ay ku bixiyeen qaba shadadoorashada Xildhiba anada 2Aqal ee Barlamaan ka JFS ee dee gaan Doorashadooda ay tah ay K/ Galbeed.
15-kii bishan Maarso, sanadka 2022, ayaa M/ Ba ydhabo lagu soo gabagabeeyay doorashada Xil dhib aanada Golaha Shacabka ee Koonfur Galbeed ku matayalaya BJF Xildhibaanada 2da Aqal ee laga soo doortay Koonfur Galbeed ayaa la filayaa in dha waan isugu tegaan, kadib markii uu Shil Wadatashi ah isugu yeeray Madaxweyne Lafta-gareen, waxaa na Shirka looga hadli doonaa doorashada Guddoon ka Golaha Shacabka.
Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Ruushka iyo Ukraine
Q/M ayaa sheegtay in 6.5 Milyan ay ku barakaceen gudaha Ukraine dagaal dartiis. adaxweynaha Shiina ha Xi ayaa u sheegay Biden dagaalka Ruushka iyo Ukraine in uusan ‘qofna dani ugu jirin’.
Ugu yaraan 816 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay Ukraine tan iyo markii ay bilowdeen iska horimaady ada, QM ayaa sidaasi u sheegtay warbaahinta.
Duqeymaha Ruushka ayaa ka dhacay M/ caasimad da ah ee Kyiv iyo Kharkiv iyo Kramatorsk ee bariga, ku waas oo sababay dhimasho, sida ay sheegeen saraakiisha Ukraine. Gantaallo ayaa burburiyay war shad dayaarada ha lagu dayactiro oo u dhow garoon ka diyaaradaha ee M/Lviv ee galbeedka Ukraine, du qa M/ Andriy Sadovy ayaa sidaas yidhi.
Ciidamada Ruushka iyo xulafada gooni u goosad ka ayaa ku dagaalamaya bartamaha Mariupol "ka soo horjeeda wadaniyiinta”, sida ay sheegtay wasaa radda difaaca ee Ruushka. Maamulaha warba ahi nta UK ayaa kala noqday shatiga kanaalka Ruushka
ee RT, isaga oo tixraaca ya xiriirinta Krem lin.
Qoraal kasoo baxay Ilhaan Cumar oo ka careysi iyey wafdiga Biixi ee Washington
Ilhan Omar oo ka tirsan Aqalka Wakiilada ee Co ngress-ka Mareykanka, gaar ahaan Guddiga Arrima ha Dibadda, ayaa qoraal kooban ka baahisay kulan kii wafdiga madaxweynaha Somaliland Muuse Bixii la yeeshay xubno ka mida Guddiga ay ka tirsan ta hay.
Muuqaalka Wakiilada Conga ress-ka Mareykanka ee la kul may Wafdiga Somaliland ay ey soo bandhigtay Ilhaan, iya goo si yaab iyo taxadar leh u eegaya wafdiga Muuse Biixi oo ay kulan la lahaay een, waxayna xaaladda kulanka ku sifeysay:
"Wajiga aad samayso marka asxaabtaada ay soo saari kari waayaan lahjadda wafdiga ajnabiga ah, ayna u dhaqmaan sidii iyaga oo maqalkoodu ad ag yahay, wax kastana aad isku daydo si aysan wax kuu dhaafin,” ayey Ilhaan ku tiri qoraalkeeda
Faallooyin badan oo qaar lagu eedeeyay, qaar ka taageeraya oo qoraalkeeda laga bixiyey, kadib ay ey Ilhaan farriin kale ku caddeysay in waxa ay fahmi waayeen ay ahayd ujeedkooda, balse ingiriiska ay ku hadlayeen uu fiicnaa. "Ingiriiskooda dhabtii wuxuu ahaa mid wanaagsan,” ayeyna mar kale tiri.
Qoraalka Ilhaan ayaa ka careysiiyay madaxda iyo taageerayaasha Somaliland oo u qaatay inay we erar ku ahayd wafdiga madaxweynaha Somaliland, waxayna arrintan noqotay mid si weyn looga doodo baraha bulshada.
Somaliland ayaa safarka biixi ee Washington ka faa’iiday in Senataro sare oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka ay soo saareen sharci muhiim ah, oo isbeddel weyn ku sameyn kara habka Mareykanka ula macaamilo Somaliland.
Senatorada kala ah Chris Van Hollen (D-Md), Jim Risch (R-Idaho) iyo Mike Rounds (R-SD.) oo ka tir san guddiga arrimaha dibedda ee Senate-ka ayaa soo saaray sharci loogu magac daray Somaliland Partnership Act (Xeerka Saaxiibtinimada Somalil and), kaasi oo Waaxad Arrimaha Dibedda Mareyka na ku amraya inay Congress-ka warbixin ka siiso la-macaamilka Somaliland.
Jubbaland oo mamnuucday isticmaalka bacaha balaastigada
Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee ma amulka Jubbaland ayaa Shalay mamnuucday ist icmaalka bacaha balaastigada ee lagu qaato alaaba ha, iyada oo laga duulayo bad qabka deegaanka iyo dhammaan noolaha.
Wasaarada ayaa hoosta ka xariiqday in aan bad da iyo bariga deegaannada Jubbaland laga soo gel in karin wax bac ah laga billaabo 19-ka bisha Abriil ee 2022, iyadoona ganacsadihii lagu arko uu muteys an karo ganaax dhan $1,000 (Kun dollar) iyo in lag ala wareego badeecada.
Ganacsatada ayaa lagu wargeliyay in bacaha yaalla gudaha deegaannada Jubbaland ay uga saar aan labo bil gudahooda, oo ka bilaabmaysa Maarso 19, 2022 ilaa 19 May, 2022.
"Mudadaasi kaddib ganacsadihii lagu arko isaga oo bac ku iibinaya gudaha Jubbaland waxaa uu mut aysan doonaa ganaax dhan $250 (Laba boqol iyo konton dollar) iyo in lagala wareego badeecadaas”, ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay wasa arada.
Marka la tuuro bacaha bulshada ay isticmaalaan waxaa ay halis caafimaad ku tahay xoolaha iyo bili cda deegaanka, waxaana la arkay xoolo badan oo geeriyooday markii ay daaqeen bacaha daadsan magaallooyinka dalka.
Somaliland oo daandaansi ku tilShalayy agabka millateri ee Shiinuhu ugu deeqay Soomaaliya
Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Somaliland Maxamed Cali Bille, ayaa qalab ka ciidan ee dowlada Shiinuhu u gu deeqday Soomaaliya maalintii Jimcaha, ku tilmaamay talaabo lo oga danleeyahay in la gu carqala deeyo xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan. Agaaasime Bille ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Twitterka, taageerada millateri ee Shiinaha ku tilmaamay daan daansi lagu carqaladaynayo xidhiidhka Taiwan, xili madaxweynaha Somaliland uu safar ku joogo Washington.
" In uu Shiinuhu agab millateri siiyo Soomaaliya xi lli madaxweynaha Somaliland uu safar ku joogo Mar aykanka, maaha isku soo aad caadi ah, lakinse waa daan daansi la doonayo in lagu waxyeeleeyo xidhii dhka Somaliland iyo Taiwan, iyo iskaashiga soo ba xaya ee Maraykanka" ayuu yidhi agaasime Bille.
Xidhiidhka Somaliland iyo Shiinaha, ayaa xumaaday tan iyo markii ay sannadkii 2020 xidhiidhka la yeela tay Taiwan, sidookale xidhiidhkan ayaa uga sii daray xidhiidhka Somaliland iyo dowlada Soomaaliya oo aan awalba fiicnayn.
Somaliland ayaa isku dayaysa in ay xulufaysato waddamada reer galbeedka oo Taiwan saxiib qadii mi ah la ah, waxayna u aragtaa fursad ay reer galbe edka kaga heli karto taageero lamid ah ta ay Taiwan siiyaan, iyadoo ka faa'iidaysanaysa tartanka gobolka Geeska Afrika ay ugu jiraan waddanka Shiinaha iyo waddamada reer galbeedka.
Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya oo ugu baaqday madaxda Hirshabeelle iyo Jubbaland dhameystirka doorashada
Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya ayaa Danjire Larry André ayaa soo saaray fariin ku socota madaxweynayaasha maamulada Hirshabeelle iyo Jubbaland Cali Guudlaawe Xuseen iyo Axmed Max amed Islaam oo ku aadan dhameystirka doorashada Golaha Shacabka Baarlamaan ka Soomaaliya.
War qoraal ah oo uu Danjir aha Mareykanka ee Soomaaliya ku daabacay bartiisa Twitter-ka ayuu kula hadlay madaxweynaha maamulka Puntl and Saciid Cabdullaahi Deni oo Dorraad maamulkiisa uu soo gabagabeeyay doorashada kuraasta Golaha Shacabka ee ka socotay deegaanada Puntland ee Garoowe iyo Boosaaso.
Danjire Larry André ayaa madaxda maamulada Hirshabeelle iyo Jubbaland ugu baaqay iney soo ga bagabeeyaan doorashada kuraasta Golaha Shacab ka Baarlamaanka Soomaaliya ee ku dhiman labada maamul goboleed.
Hadalkaan kasoo baxay Danjiraha Mareykanka ee Somaliya ayaa imaanaya xili waqtigii loogu talo galay in lagu soo gabagabeeyo doorashada Golaha Shacabka ay ku akeyd 15-kii bishaan Maarso, taa soo inta badan maamulada kale ay kusoo gabagabe eyeen marka laga reebo Hirshabeelle iyo Jubbaland oo wali ku dhiman tahay doorashada kuraas ka tirs an Baarlamaanla 11-aad ee Soomaaliya
Afar dan oo Mareykanka ‘uu ka leeyahay’ Somal iland
Maraykanku waxay sheegeen in ay dan qaran oo wayn ka leeyihiin Somaliland. Waxay soo saare en xeer ay ku doonayaan in ay heshiis iskaashi amni iyo wax wada qabsi la ye eshaan Somaliland, iyaga oo aan aqoon san. Danta ay ey ku soo koobeen afar qod ob oo kala ah
1-Ilaalinta danta Marayk an ka iyo xulafadiisa ee mar in badeedka Bab-el-Mandeb, & dekeda Berbera
2- In ay noqoto albaab badeedka uu ka gelayo Bari ga Afrika.
3- In laga hortago joogntaanka Iiraan ee Gacanka Cadan iyo Awoodda Shiinaha ee gobolka ku xooga ysanaysa.
4-Xaqiijinta ujeedkii ahaa la dagaalanka argagexisa da Alshabaab iyo Daacish Ka sokow in la bogaadi yey nabadda, & xasillooni da ka jirta Somaliland, wa xay ka marag kaceen in ay dimoqoraadiyad ka jirto, doorasho nabad ah talada dalka kula kala wareege en Halka ay ku tilmaameen in Soomaaliya inteeda kale ay ka socoto doorasho lagu takrifalayo, nabad-gelyo aan la isku hallayn karin iyo xasillooni darri.
Loollanka quwadaha shisheeye ee la xariira dana ha juqraafi siyaasadeed (Geopolitical Intrest) waa ku wo xasaasi ah oo u baahan ka fiirsasho iyo go’aano dheelitiran oo dhinacyo badan laga eegay.
Waxaana taas lagu gaari karaa yagleelida hay’ ado ilaalin kara amniga qaran iyo hoggaan aan gebi dhaclayn oo fiira dheeri iyo fogaan aragba leh.
Somaliand waxay wax badan kaga xiran yihiin sida ay ugu lib keenaan doorashooyinka soo socda, Soo maaliyana hoggaanka ka yimaada doorashada dhow aan dhici doonta, iyo sida ay labadaasi iskula jaanqa adaan waxay wax badan ka teri doontaa danaha dadka Soomaaliyeed.
Qatar oo u dabaaldageysa 50 sano oo xiriir laba geesood ah oo xooggan ay la lahayd Marey kanka
Qatar ayaa u dabaaldageysa 50 sano oo xiriir laba geesood ah oo xooggan ay la lahayd Mareykanka tan iyo markii la aasaasay xiriirka diblomaasiyadeed 19-kii March 1971-kii.
Labada dal ayaa weli si wadajir ah u maalgeliya wadahadal joogto ah, iskaashi iyo iskaashi mustaqbalka fog ah. Shir jaraa’id oo ay qabatay Kha miistii, sa faaradda Mareykanka ee Qatar u qaabilsanaha arrimaha dib adda Natalie Baker ayaa carabka ku ad keysay in xiriirka ka dhexee ya Washington iyo Doha uusan ‘wa ligiis sii xoogeysan,’ taasoo muuji neysa dadaallada socday sannadaha oo dhan si wax looga qabto caqabadaha gobolka iyo caalamka.
Isagoo hoosta ka xariiqaya xiriirka adag, Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani ayaa ahaa hogaamiyihii ugu horeeyay ee Carbeed oo uu ku ca suumo Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden boo qasho qaran oo Aqalka Cad, iyadoo labada hogaami ye ay ka wadahadleen sidii kor loogu qaadi lahaa isk aashiga iyo xalinta arrimaha gobolka.
Dadaalka noocaan oo kale ah ayaa la filayaa in ay sii qoto dheeraan sanadaha soo socda, sida uu sheegay mas’uulkan, isaga oo carabka ku adkeeyay saaxiibtinimada xooggan ee ka dhaxeeya labada dowladood ee ku aaddan xiriirka ganacsi, is-weyda arsiga dhaqanka iyo iskaashiga amniga.
"Iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya Maraykanka iyo Qatar ee ku saabsan ganacsiga, wa xbarashada, gargaarka bini’aadantinimo iyo amma anka ayaa si weyn u ballaartay oo sii qoto dheereey ey sannadihii la soo dhaafay,” ayuu yiri Baker.
HAMBALYO AQAL FARXAD LEH
Ayeeyo Faadumo C/lle Siyaad,Hooyo Sacdiyo Cisma an Maxamuud Heesoow, Abti Cismaanciil Maxamuud Marwaaz ,Sagal Salaad Maxamed,Ismaan Maxamed Xuseen,Cabdi C/laahi Maxamuud,Maxamed C/laahi Maxamuud,Najmo C/laahi Maxamuud,Ismahaan Max amed Axmed, Sacdiyo Maxamed Axmed,C/laahi Xuse en Axmed,Axmed Xuseen Axmed, Saabariin Maxamed Cabdi, Axmed Maxamed Cabdi, Maxamuud Qeylshe Cageey, Xaawo Qeylshe Cageey,Fartuun Qeylshe Cag eey,Raxmo Qeylshe Cageey,Cabdinasiib Cali Maxam uud,Maxamuud Xasan Cageey, Cali Xasan Cageey ,Ab shir C/qaadir Hadaafo ow,Salax C/laahi Xagaleey, Xa san C/laahi Maxamuud,Maxamed Saciid Maxamuud Maxamed Maxamuud,Malyuun Xamza Maxamed, Farx iyo Abuukar Caddoow,Sureeyo Cabdirax maan Maxam uud Falastiin Maxamuud Caddoow, Raaxo Xuseen Cal asow,Ramla Xuseen Raage,Ariij Liibaan Axmed, Nimco C/qaadir Maxamed, Fardowzo Maxamed Raage, Saab ariin Shadoor Xasan Faadumo Saciid Maxamed,Xaliimo Muxuddiin Cosoboow, Caasho C/qaadir Maxamed, & Ismahaan C/raxmaan Maxamed Dhammaan Dadkaasi waxaay Hambalyo dhalasho u dirayaanCismaan Maxa med Axmed {Usaama} Iyo Wardo Cisman Axmed Jimcale {Rayaan} oo Gabari ugu dhalatay Cisbitaalka WARDI ee Degmada Shin-gaani ee Maga alada Muqdisho 15-ka Maarso 2022-ka waxanalooga magac daray IDMAN CISMAAN MAXAMED AXMED waxaay Alle ugu Baryayaan inay noqoto tii soo bar-baarta oo Dalkeeda Dadkeeda iyo Diinteedaba Anfacda Aamiin Aamiin Aamiin.
Madaxweynaha Suuriya Oo Sanado Badan Kadib Safarkii Ugu Horreeyay Ku Tegay Dal Carbeed
Madaxweynaha Suuriya, Bashar Al-Asad ayaa bo oqasho ku tegay Isutagga Imaaraadka Carabta, saf arkaas oo ahaa kii ugu horreeyay ee dal Carbeed uu ku gaaro tan iyo 2011 oo uu bilowday dagaalka sok eeye ee dalkiisa.
Booqashada ayaa muuj inaysa sida ay isugu soo dhawaadeen Abu Dhabi iyo Dimishiq, iyadoo sanado ka hor ay Imaaraadka taageeri jireen xooggaga doo naya inay xukunka ka tuuraan Madaxweyne Asad.
Waxa uu la kulmay dhaxal sugaha Abu Dhabi, Sheekh Maxamed bin Zayed al-Nahyan oo sheegay in Suuriya ay muhiim u tahay amniga Carabta, dalkiisana uu doonayo inuu xoojiyo iskaashiga kala dhexeeya xukuumadda Dimishiq, sida ay sheegtay wakalaadda wararka ee dowladda Imaaraadka, WAM.
Intii uu socday dagaalka Suuriya, Madaxweyne Bashar al-Asad ayaa safarro dibedda ah ku aadday dalalka Iran iyo Ruushka, kuwaas oo kaalmadooda milateri ay waxbadan u tartay ninkan mar qarka u saarnaa in laga qabsado caasimadda.
Wakaaladda WAM ayaa sheegtay in labada dhi nac ay isla meel dhigeeen "ilaalinta midnimada dhul eed ee Suuriya iyo in ciidamada shisheeye ay ka baxaan waddankaas.”
Askar ka tirsan ciidamada AMISOM oo lagu dilay qarax miino oo ka dhacay gobolka Sh/dhexe
Warar dheeraad ayaa kasoo baxaya qarax khas aaro geystay oo lala eegtay kolanyo kantirsan ciida mada AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi ee ka howlgala gobolka Sh/dhexe.
Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa miinada no oca dhulka lagu aaso ayaa cii damada Burundi lagula eeg tay agagaarka duuleedka deg mada Balcad, waxaana la til maamay inuu qabsaday Qara xa gaari nooca loo yaqaano Taw oo ay saarnayeen ciidamo ka tirsan kuwa Burundi oo la sheegay inuu ka soo gaaray khasare dhimasho & dhaawacba leh.
Askarta Burundi ayaa qaraxa kadib waxay same eyeen howlgal kooban, hayeeshee ma jirto cid ay u soo qabteen weerarka qaraxa ee lala eegtay.
Dagaalamayaasha Al-shabaab oo sheegtay ma suuliyada weerarka qaraxa miino ayaa waxay sheeg een in qaraxaasi miino ay ku dhinteen ugu yaraan 6 askari oo ka mid ah ciidamada Burundi, islamarkaa na ay ku dhaawacmeen sadax askari oo kale.Al-sha baab ayaa inta badan weeraro qaraxyo iyo kuwa toos ah la beegsata, xiliyada ay wadooyinka ku soc daalayaan ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya.
Maraykanka oo uga digay Shiinaha in uu wajahi karo cunaqabatayn haddii uu Ruush ka ku taageero dagaalka Ukraine
Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa uga digay hoggaamiyaha Shiinaha Xi Jinping jimcihii ‘cawaaqib xumo’ haddii Beijing ay taageero agab ah siiso duullaanka Ruushka ee Ukraine, iyado labada dhinac ay ka wadahadleen baahida loo qabo xal diblomaasiyadeed, sida uu sheegay Aqalka Cad.
Inkasta oo Aqalka Cad aanu fa ah-faahin waxa ay noqon karaan cawaaqi xumada uu Shiinu la kul mi karo, ama sida Mareykanka uu u qeyxi doono "ta ageerada agabka”, ayaa xoghayaha warfaafinta Jen Psaki waxa ay tilmaanty in ganacsiga ballaaran ee Shiinaha ay saameyn ku yeelan karo. Psaki waxay sheegtay in Maraykanku uu Beijing si toos ah ugala xiriiri doono cawaaqib xumo kasta, isag oo kashan aya saaxiibadiisa iyo dhiggooda Yurub, waxayna sheegtay in cunaqabateyntu tahay kaliya hal qeyb oo ka mid ah waxyaabaha u diyaarsan Mareykanka.
"Wuxuu u qeyxay saameynta iyo cawaaqibka ka dhalan kara haddii Shiinuhu uu taageero qalab siiyo Ruushka maadaama uu fulinayo weerarro naxariis darro ah oo ka dhan ah magaalooyinka Ukraine iyo dadka rayidka ah,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo bax ay Aqalka Cad, kaas oo raaciyay in Biden "hoosta ka xarriiqay inuu taageersan yahay in xiisaddan lagu xalliyo xal diblomaasiyadeed.”
Dad Hor Leh Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Duqeymo Laga Fuliyay Gobolada Kyiv
Toban qof oo rayid ah, oo ay ku jiraan laba carr uur ah, ayaa ku dhintey duqeymo ka dhacey gobola da Kyiv iyo Luhansk ee dalka Ukraine, labadii maal mood ee lasoo dhaafay, sida ay saraakiishu sheeg een.
Toddobo qof oo rayid ah, ayaa ku dhin tey shan kalana waa ay ku dhaawacmeen, kadib markii mada afiic lagu garaacey magaalada Makariv ee gobolka Kyiv 18-kii bishan Maarso.
Ciidamada booliiska ee Kyiv, ayaa kusoo gudbiyey warbixintan Facebook-ga, iyadoo markaa kadib la soo xigtay.
Haweeney iyo laba carruur ah, ayaa meydkooda laga helay burburka guri kusoo dumay, kadib duqey mo ka dhacey magaalada Rubizhne ee gobolka Lu hansk 19-kii bishan Maarso, sida ay kusoo gudbisay adeegga gurmadka degdega ah ee gobolka aaladda Telegram-ka..
Ilmo saddexaad ayaa sidoo kale laga soo saarey burburka, iyadoo xaaladdiisa aaney halis aheyn.
Ruushka oo hub aan wali dunida laga istic maalin u adeegsaday UKRAINE
Ruushka ayaa Jimcihii adeegsaday gantaalladiisa cusub ee aadka u dheereeya ee hypersonic kaasi oo uu ugu magac-daray Kinzhal, waxaana uu doonayay in uu ku burburiyo keyd dhulka hoostiisa ah oo lagu keydiyo gantaallaha iyo rasaasta kuna yaalla galb eedka Ukraine.
Goobta la weeraray ayaa u dhow Romania oo ah dal xu bin ka ah xulufada NATO, wa xaana tani ay falanqeeyayaa shu ku sheegeen in ay tahay markii ugu horreysay taariikhda dunida ee la adeegsado hubka ceynkan ah.
Wasaaradda gaashaandhigga ayaa warkan xaqii jisay Sabtida Shalay aheyd, waxaana ay timid maalintii 24-aad ee collaaddan, iyo xilli ay Ukraine ay iska caabin xooggan ku hakisay horumarkii ciid amada Ruushka, sida ay sheegeen saraakiil reer galbeed ah.
Ruushku waligiis ma qiran in uu dagaal u isticma alay hubkan saxnaanshaha sare ee sugan leh, wax aana wakaaladda wararka dowladda ee RIA Novosti ay warisay in ay ahayd markii ugu horaysay ee la ad eegsado Kinzhal (Dagger) intii uu socday duullaanka Ukraine.
Wasaaradda Gaashaandhigga ee Ruushka ay aa sheegtay in nidaamka gantaalaha Kinzhal oo wa ta gantaalada hawada sare uu burburiyay bakhaar weyn oo dhulka hoostiisa ku yaalla oo ay ku keydsa naayeen gantaalada iyo rasaasta hawada, waxaana ay sheegtay in goobta ay beegsatay ay tahay tuul ada Deliatyn ee gobolka Ivano-Frankivsk.
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ga ntaalka Kinzhal ku tilmaamay hub tayadiisu sarreyso oo ku duuli karo xowli toban laab ka dheereeya kan codka, kana gudbi kara difaacyada gantaalaha hawa da. Gantaalka Kinzhal ayaa ka mid ahaa hubka cus ub ee Putin uu ku soo bandhigay khudbaddiisii qar an ee 2018-kii.
Deliatyn, oo ah tuulo ku taal cirifka buuraha bilicda leh ee Carpathian ayaa ku taalla duleedka magaal ada Ivano-Frankivsk.
Gobolka Ivano-Frankivsk ayaa soohdin 50 km ah la wadaaga dalka Romania.
Gantaalada Hypersonic-ga ayaa loo adeegsan kar aa inay xanbaaraan madaxyada hubka dagaalka, waxaana ay ka dhaqsa badan yihiin gantaallaha ka le. Laakin awooddooda ay hubka nukliyeerka ku qa adi karaan ayaa halista sii kordhin karta, iyadoo kor u qaadeysa khatarta ah in uu dhici karo dagaal loo adeegsado hubka wax gumaada.
"Waa markii u horreysay ee dunida ee hubka hypersonic ah loo adeegsado dagaal,” ayuu AFP u sheegay Vasily Kashin oo ah khabiir ka faallooda arr imaha militariga. Ruushka ayaa hogaanka u haya tar tanka hypersonics-ka, waxaana ku xiga Shiinaha iyo Mareykanka, iyadoo dhowr dal oo kale ayaa ka shaq eynayaan in ay sameystaan. AFP + VOA
AQALGAL FARXAD LEH
Aabbe Dr.Cismaan Axmed Jimcaale {Dr .Jimmy}, Hooyo Safiyo Xuseen Maxamuud, Aayo Aahro Mux amuud Sahruuni Adeer Maxmuud Axmed Jimca ale {Xaaji Shataar}, Adeer Mux uddiin Axmed Jimca ale {Tusbax} Eeddo= Salaado Axmed Jmca le.Madiino Axmed Jimcaale, Xabiibo Axmed Jmcaale {Biibto} Yuusuf Cismaanciil Axmed {Carrabeey} , Maryan Axmed Jimcaale, Safiyo Axmed Jimcaale, Maxamed Cismaan Axmed,Qaalid Cismaan Axmed {Karaama} iyo Xaaskiisa Naciimo C/qaadir, ,Muna sar Cismaan Axmed, Maahir Cismaan Axmed,Ayuub Cismaan Axmed,Xannaan Cismaan Axmed iyo seygeeda, Muna Cism aan Axmed, Cabbiir Cismaan Axmed, Ayaan Cismaan Axmed,Maxamed Xasan Xu seen {Anaaleh} Caasho Axmed Maxamud Karaani , Salaad Shataar iyo xaaskiisa, Maxmaed Cadi Gaa foow iyo xaaskiisa, Cabdi Maxamed Axmed jmcaale iyo xaaskiisa, Farxiyo Maxamed Axmed ,Naasir Cali Cumar iyo Xaaskiisa, Najiib Cali Cumar, Nuuraddiin Cali Cumar iyo Xaaskiisa, C/hi siidoow Axmed Jimca ale. Xaliimo Saiidoow Axmed Zakariye Siidw Axmed, Batuulo Nuur Hadaafoow, C/dir Nuur Hadaafoow Ka lsoon Maxamed Salaad,C/raxmaan C/hi Cuunshe eye, Maxamed C/hi Cuunsheeye, Qadro C/hi Cali Hagareey. Maxamed Xuseen Coon,Xamdi Cumar Xasan Maryan Maxamed Maxamuud {M.Shantaay} Nuurta Cali Cumar, Aaamino Sahro Saciid. Suleym aan C/laahi Cali, Nimco Cali Cumar, Nasro Cali Cumar, Hibaaq jeeloow, Hiddaayo C.casiis, Ilhaan Xasan Bassar,Maryan Cabdi Gees, Farxiyo C/Cas iis, C/lhi C/casiis,AxmedNuur {Nuunoow} C/casiis, Mahad C/Casiis,Faadumo Maxamed Xasan, Xabiibo Maxamed Xasan,Batuulo Maxamed Xasan, Maryan Maxamed Xuseen, C/xafiid Maxamed Xuseen, Nas ro yariise ey,Shkri X.Xuseen,Qaali Xaaji Xuseen, Nadiifo X.Xuseen Sahro X.Xuseen, Sahro Muxuddiin Muqtaar,Faadumiin Najiib Cali Ikraar C/Fitaax Max amuud Salaad, Cabdi Cali Xasan {Yuubane} Safiyo Axmed Rooble {Shiino},Faadumo Cabdi Cali. Caa sho Cabdi Cali ,Ceyni Cabdi Cali, Axmed Nuur Ca bdi Cali, Maa’iddo Cabdi Cali,Ruweydo Cabdi Cali, Cali Cabdi Cali, Anfac Cabdi Cali, Nuur Maxamed Cali {N.Qamadi} Macallin Xasan, Maxamuud Axmed Xasan{Xuurshe},& Jabriil Maxamuud Nuur{Jabra} dhammaan dadkaasi waxaay Hambalyo dhalasho u dirayaan Cismaan Maxamed Axmed {Usaama} Iyo Wardo Cism an Axmed Jimcale {Rayaan} oo Gabari ugu dhalatay cisbitaalka WARDI ee Degmada Shin-gaani ee M/Muqdisho 15-ka Maarso 2022-ka waxa na looga magac daray IDMAN CISMAAN MAXAM ED AXMED waxaay Alle ugu Baryayaan inay noqoto tii so barbaarta oo dalkeeda dadkeeda iyo diinteed aba anfacda Aamiin Aamiin Aamiin.
HALKAAN KA AKHRSO WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES EE MAANTA OO AH AXAD 20-KA MARSO 2022-
....