Mareykanka oo ciidan Militari u diraya dalka Cameron

0
Thursday October 15, 2015 - 10:52:30 in Wararka by
  • Visits: 941
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo ciidan Militari u diraya dalka Cameron

    Dowladda Mareykanka ayaa ciidamo ka socda dalkeeda waxa ay u diraysaa dalka Cameron, si ay u sameeyaan ciidankaasi la socod dhanka hawada ah oo lagu sameeyo Kooxda Boko Haram.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Mareykanka ayaa ciidamo ka socda dalkeeda waxa ay u diraysaa dalka Cameron, si ay u sameeyaan ciidankaasi la socod dhanka hawada ah oo lagu sameeyo Kooxda Boko Haram. Sida laga soo xigtay sarkaal ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga ee Maraykanka, askarta ayaa waxa marti qaaday dawladda Cameroon, arrintaas oo qeyb ka ah dadaalo caalami ah oo lagu horjoogsanayo fididda kooxda xagjirka ah ee Boko Xaraam ay ku fideyso Galbeedka Afrika.

Baahida loo qabo talaabo caalami ah ayaa noqotay mid degdeg ah, iyada oo Boko Xaraam iyo ururo kaleba ay kor u qaadeen dhaqdhaqaaqyadoodii gacan ka hadalka ku saleysnaa, sida uu sarkaalka Maraykanka ahi sheegay.

Ururka Boko Xaraam ayaa ku firfircoonaa woqooyiga Cameroon, halkaas oo ah xuduudda uu dalkaasi la wadaago goobta ururka saldhigga u ah ee woqooyi-bari Nigeria.

Kooxda ayaa ilaa iyo hadda dalka Cameroon ku dishay boqolaal shicib ah. Intaas waxa dheer ugu yaraan 10 kun oo ay dalka Nigeria ku dishay dhowrkii sano ee la soo dhaafay.

Boko Haram weerarada ugu badan waxa ay ka geystaan gudaha dalka Nigeria oo awood badan ay ku leeyihiin.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip