HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M. TIMES EE MAANTA OO AH ARBACO 12-KA 2022-KA

0
Wednesday January 12, 2022 - 09:45:42 in Wararka by
  • Visits: 499
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M. TIMES EE MAANTA OO AH ARBACO 12-KA 2022-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Maamulka Gobolka Banaadir Oo Ka Hor Yimid Bannaanbax Loo Qorsheeyay In Lagu Qabto Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Fi lish) ayaa Shir guddoomiyay ku lan aan caadi aheyn oo ay goobj oog ka ahaayeen Guddoo miyeya asha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Saraakiisha Laamaha Amniga ee Qeybta Guud Gobolka Banaa dir. Shirka ayaa loogu hadlay xaaladaha guud ee dalka gaar ahaan Caasimada Muqdisho iyadoona Duqa Magaalada Muqdisho uu warbixin ka siiyay ka qeybgalayaasha shirka waxyaabihii kasoo baxay Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran oo ay soo dha weeyeen dhamaan daneeyeyaasha Siyaasadda.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in xilligaan Mag aalada Muqdisho aysan xamili karin culeesyo hor leh iyadoona aan la aqbali doonin in Caasimada ay ka dhacaan Banaanbaxyo uusan la socon Maamu lka Gobolka Banaadir. waxaana uu bulshada ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan Amniga iyo Nabadge lyada Caasimada.

Maamulka gobolka Banaadir ee Soomaaliya ay aa sheegay in Muqdisho aysan ka dhici karin dibad baxyo uusan maamulka ka war heyn.

Arrintani ayaa ka dambeysay markii Muqdisho la gu qabtay shir looga arrinsanayo amniga caa simad da oo ay ku sugnaayeen madaxda degm ooyinka Banaadir iyo saraakiisha amniga.

Waxaana sidoo kale taa barbar socotay hadal hayn maal mahaan soctay oo ku aaddanayd in Mu qdisho lagu qaban doono bannaanbaxyo nabadeed, oo looga soo hor jeedo Madaxwe ynaha muddo Xile edkiisu dhammaaday

Golaha Bulshada Banaadir oo hanjabaad uga ja waabtay go’aankii maamulka G/Bana adir

Golaha Bulshada Banaadir ee maalmihii u da mbeeyay waday qaban-qaabada banaanbax weyn oo looga soo horjeedo madaxweynihii hore Max amed Cabdullaahi Farmaajo iyo isku-deygii afgambi ee 27-kii December ee fashilmay, ayaa si adag uga jawaabay go’aankii uu maamulka gobolka Banaadir uga horyimid banaan-baxaas.

Guddoomiyaha gobolka

Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho, Cumar Filish oo Shalay shir guddoomiyay kulan aan caadi aheyn oo ay goobjoog ka ahaaye en Guddoomiyeyaasha degmoo yinka gobolka iyo Saraakiisha laamaha amniga ee qeybta guud gobolka, ayaa banaanbaxa mucaarid ka ku tilmaamay mid fowdo ah oo ka dhan ah amn iga caasimada.

Cali Maxamed Maxamuud (Cali Joqonbe) oo qeyb ka ah G/Bulshada Banaadir oo Shalay war baahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa wa xba kama jiraan ku tilmaamay go’aanka kasoo bax ay maamulka gobolka Banaadir, kadib markii uu ku dooday in banaanbaxa uu yahay xaq dastuuri ah.

Waxa uu ku hanjabay in tallaabo adag laga qaadi doono Sarkaalka ama Mas’uulka isku daya in uu awood ciidan isku hortaago banaanbaxa Khamiista, isaga oo mas’uuliyada wax kasta oo dhaca ay du sha u ridan doonaan maamulka gobolka Banaadir.

"Waxaa maqalnay in maamulka gobolka Bana adir uu yiri lama banaanbixi karo, Golaha Bulshada Banaadir waa Gole lagu talo-galay in lagu difaaco codka, xuquuqda iyo dhamaan adeegyada bulsha da ku nool gobolka Banaadir. Qofka in uu si xor ah u hadlo oo si nabad ah ku banaanbaxo waa xaquuq aan u baahneyn fasax,” ayuu yiri.

"Waxaa leeyahay cid kasta oo wax ku gaarta ban aanbaxaas waxaa mas’uuliyadeeda qaadeysa maa mulka gobolka Banaadir, waxaana ka codsaneyna in bulshada soo baxdo oo aan muujino dareenke eda si nabad-gelyo ah.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in banaanbaxa uu yahay mid nabdoon, isaga oo dadka kasoo horjee dana ku eedeyay inaysan ogoleyn doorasho xor iyo xalaal ah.

"Sarkaalkii soo bixiya ciidan maxkamad ayaa la geynaya, waana lagu ciqaabi doona. Calanka ayaa qaadeyna anaga ayaa idinka horeyna oo idinka dambeyn meyno, maalinkaas ayaa noo ballan ah,” ayuu ugu dambeyntiina yiri Cali Joqonbe oo ku hadlayay afka Golaha Bulshada Banaadir.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa joojinta bana anbaxa qiil uga dhiganaya in heshiis laga gaaray mad-madowgii ka jiray doorashada, ay dhanko odana ku qanceen mucaaridka, inkasta oo banaanb axan uu yahay mid ka dhan ah Farmaajo iyo isku-deygiisa afgambi ee 27-kii December.

Waxay arrintaan sii hurineysa xiisada dhinacya da isku haya siyaasadda dalka, maadama mas’uu liyiinta raacsan Farmaajo ay xilligan ku howlan yihiin baajinta banaan-baxaas, ayaga oo dhawaan qabsaday dibadbax kusoo koobmay huteel iyo haw een oo lagu taageerayay madaxweynihii hore Maxa med Cabdullaahi Farmaajo.

Beesha caalamka oo soo dhoweysay qodo bada kasoo baxay shirkii golaha wadata shiga Qaran

Beesha caalamka ayaa soo dhoweysay shirkii golaha wadatashiga Qaran ee socday 3-9 Janaayo lagu gaaray is-afgarad ku saabsan wax ka bedelka iyo dib u habaynta habraaca iyo dedejinta waqtiga doorashada Golaha Shacabka.

War-saxaafaddeed kasoo baxay beesha caalamka ayaa lagu bogaadiyay in Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxda dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka ay qaat een go’aamo ku saleysan wada tashiyo lala yeeshay bulshada rayidka, wakiillada haweenka iyo xubnaha mucaaradka.

"Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan hoggaamiye yaasha siyaasadda Soomaaliya in ay danta qaran ka wax walba ka horraysiiyaan, ayna mudnaanta sii yaan soo gabagabaynta hannaan doorasho ee ay dadka Soomaaliyeed si weyn u aqbalaan, iyo inay ka fogaadaan daandaansi ka weecin kara hannaa nkaas oo kordhin kara khatar iska-hor-imaad ama rabshado,” ayaa lagu yiri bayanka besha caalamka.

Saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa dhammaan madaxda Soomaaliyeed u sheegay inay xaqiijiyaan in ciidamada amniga aan loo adeegsan hab siyaasadeed iyo kicin colaadeed.

Beesha caalamka waxay sheegtay in la joogo waqtigii ay dhammaan madaxda Soomaaliyeed diir adda saari lahaayeen in si degdeg ah loo dhaqan geliyo go’aannadii lagu heshiiyey si loo soo gabag abeeyo hannaan doorasho oo lagu kalsoonaan karo marka la gaaro 25ka Febraayo.

Deni oo muqdisho kula kulmay Safiirka Imaarad ka Carabta.

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Punt land Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoygiisa Muqdi sho ku qaabilay Safiirka Dowlada Imaaradka Carab ta ee Soomaaliya, Maxamed Axmed Cuthmaan.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Dowla dda Imaaraadka garab istaaga iyo gurmadka ay u fidiyeen dadka Soomaaliyeed ee Abaaruhu saamee yeen.

Dhiggiisa Safiir ka Dowlada Imaa ra dka Carabta ee Somaliya,Maxam ed Axmed Cuthma an ayaa uga mah ad celiyey qabiilada uu qabilay deni usagoona cad eeyay in imaaradka ay ka go’antahay sidii ay tag eero buuxdo usiin lahaayeen Dowladda iyo shac abka Soomaaliyeed. Imaaradka carabta ayaa maalmo kahor muq disho soo gaarsiiyay gargaarka ay ugu talagashay dadka ay abaaruhu saameey een, waxa ka gudo omayay Ra’iisul wasaraha xuk umada xilgaarsiinta ah Naxamed Xuseen Rooble.

Qoorqoor Oo Muqdisho Kula Kulmay Ergey ga Qaramada Midoobay Ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa magaalada Muqdishu kula kulmay Ergeyga Qaramada Midoobay u qaa bilsan Soomaaliya Mr. James Swan.

Kulanka laabda masuul ayaa looga hadlay arr imo quseeyo siyaaasadda dalka, gaar ahaan arrim aha taagan, Xili Qaramada Midoobay ay soo dhawe yeen go’aamadii kasoo baxay shirkii Muqdisho lagu soo gabagabeeyay.

Madaxweynaha iyo Ergeyga ayaa si gaar ah ka ga wada hadlay arrimaha amniga iyo horumarinta Galmudug gaar ahaanna, mashaariicda horumari need ee hay’adaha qaramada midoobay ay ka wa daan Galmudug.

Goor sii horreysay Shalay Qoorqoor ayaa Muq disho kula kulmay Ergayga Dowladda Norway u qaabilsan Soomaaliya Heidi Johansen.

Madaxweynaha iyo Ergeyga ayaa ka wada hadl ay howlaha horumarinta Galmudug iyo Mashaariic da kale ee Dowladda Norway ay ka wado Ga mu dug iyo sidii loo ballaarin lahaa

DFS oo shaacisay meelaha ugu horreeya ee la geynayo deeqdii Imaaraadka

Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyin ka Khadiija Maxamed Diiriye, ayaa ka warbixisay meelaha ugu horeeya oo la geyn doono deeqdii do wladda Imaaraadka ugu talagashay dadka Soo maaliyeed ee abaaruhu saameeyeen.

Wasiir Khadiijo oo Warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in gargaarka la geyn doono meelaha ugu daran ee abaarka kajirto, sida Beledweyne, Garbahaareey iyo Xudur oo katirsan Gobolka Bako ol, halka Wajiga labaad ee deeqda loo qeybin doo no Gobolka Banaadir si loogu qeybiyo dadka baahi yaha gaarka qaba & kuwa ku dhibaate eysan daaf aha Magaalada.

Sidoo kale Wasiirka waxaa ay sheegtay in isla Shalay gargaarkaas ay ku wareejisay Maamul Go boleedyada si ay u geeyaan Magaalooyinka, Bele dweyne, Garbahaareey iyo Xudur ee Xarunta Gobo lka Bakool.

Jimcihii la soo dhaafay ayaa dowladda Imaar aadka Carabta waxaa ay garoonka Aadan-Cadde ka soo dejisay Sahay Garga arka, oo ay ka guddoo meen Ra’iisul Wasaare Rooble & Xubnaha Guddiga gurmadka Abaara ha.

Madaxweynaha Galmudug oo Isbitaalka ku booq day dhaawacyada dagaalo ka dhacay Galga duud

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo uu wehliyo Gudoomiyaha

Baarlamaanka Galmudug Dr. Maxamed Nuur Ca gal ayaa Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdishu ku booqday Xildhibaan Xasan Xirsi Faafaale oo hal kaas lagu dabiibayo.

Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaan ka ayaa xildhibaanka u rajeeyay caafimaad taam ah asagoona xaaladiisa caafimaad ay soo hagaage yso.

Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa tacsi u diray eheladii iyo qaraabadii ay ka baxeen Allaha u naxa riistee Taliyihii guutada 13aad G/dhexe Cali cagawe yne iyo taliyihii howlgalinta qeybta 21aad Gle/sare Cabdiqaadir Cartan Gasaawe oo ku shahiiday howlgal ka dhan ahaa kooxaha argagaxisada, loog

ana guuleystay deeganadii ay kusoo duuleen.


Maamulka Koonfur Galbeed oo soo bandh igay Xubno ka tirsan Al-Shabaab & hubkooda

Taliska Hay’adda Nabadaugida iyo Sirdoonka ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Maga alada Baydhabo eee Xarunta Gobolka Baay kusoo bandhigay Saddex Xibnood oo ay sheegeen inay ka tirsanaayeen Ururka Al-Shabaab balse isku soo dhiibay Ciidamada.

Saddexda Xubnood oo dhalinyaro ah ayaa wax aa Magacyadooda lagu kala sheegay Ibraahim Aad an, Cabdiraxmaan Xuseen Sheekh Maxamuud & Ugaas Xuseen Nuur, waxaana mid kamid ah uu wa tay Qoray nooca AK47 iyo Booshkiisa, waxaana Sa ddexdooda ay ka qeyb qaateen weeraro ka dhacay Jubbooyinka iyo Shabeellaha Hoose.

Saddexda Xubnood ee ka tirsanaa Al-Shabaab ee isku soo dhiibay Ciidamada Koonfur Galbeed ay aa waxaa ay sheegeen in sababta ay uga soo ba xeen Al-Shabaab ay tahay cunaqabateynta ay ku hayaan Shacabka kunool qaar kamid ah degaanna da Koonfur Galbeed, iyaga oo ugu baaqay Xubnaha kale ee ku harsan inay isaga soo baxaan.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa kordhay tirada xubnaha isu soo dhiibaya Dowladda Soom aliya ee ka tirsan Al-Shabaab, waxaana todobaad kaan kaliya degaannada Koonfur Galbeed iska soo dhiibay ilaa 5 Xubnood oo katirsanaa Al-Shabaab.

Dhaqdhaqaaqyo liddi isku ah oo ka jira Villa Somalia

Kulamo iyo dhaqdhaqaaq ciidan oo iska soo ho rjeeda ayaa laga soo sheegaya Xarunta Madaxto oyada ee Magaalada Muqdisho, xilli uu meeshii ugu sarreysay gaaray khilaafka Madaxda Dowladda.

Khilaafka soo laba kacleeyay daba-yaaqadii bi shii December ayaad mooddaa inuu halkiisii ka sii socdo, ka gadaal markii Madaxweyne Maxamed Ca bdullaahi Farmaajo uu Jimcihii ka soo horjeestay ha dalkii Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee ahaa in Dowladda Emirate-ka Carabta dib loogu celin doono lacag ay laheyd oo Ciidamada Dow ladda ay bishii April ee sanadkii 2018 ku qabte en Garoonka Aadan Cadde.

Ciidamada ayaa xilligaa gacanta ku dhigay lacag ka badneyd 9 milyan oo dollar, oo ay siday diyaarad ka timid dalkaasi. Safaa radda Emirate-ka Carabta ee Muqdisho ayaana lac agtaasi ku sheegtay in loogu talagalay mushaarka Ciidamada Somaliya ee Emirate-ku tababarayay.

Kulamada sida aadka ah uga soconaya labada xafiis ee dalka ugu sarreeya ayaa Villa Somalia la ga dareemay, ka dib dooddii adkeyd ee ka dhalatay qodobka amniga, ee looga hadlayay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee maalin ka hor lagu soo geba-gabeeyay Caasimadda Muqdisho.

Sidoo kale dhaqdhaqaaqa ciidan ee laga dare emayo Aqalka Madaxtooyada ayaa waxaa bud-dhig u ah ciidamada lagu arkayo afaafka hore ee labada xafiis, taa oo aysan markii hore ka jirin.

Sarkaal ka tirsan Ilaalada Madaxtooyada ayaa Universaltv u sheegay in khilaafka Madaxda D/Fed eraal uu dareen ka abuuray Madaxtooya da.

"Khilaafkan waxa uu soo kordhiyay waxa weeye dareen aan horey uga jirin Madaxtooyada, marka aad fiiriso ciidamada iska soo horjeeda ee horey iyo gadaalba u socda. Waxaad arkaysaa ciidan gelbi naya nin masuul ah oo soo gelaya Madaxtooyada, ka dibna uga sii gudbaya Xafiiska Madaxweynaha ama kan Ra’iisal Wasaaraha.” Ayuu yiri Sarkaalkan oo codsaday inaanan magaciisa Warbaahinta loo adeegsan.

Waxa kaloo uu yiri "Madaxtooya du waxay la heyd hal ciidan oo si guud u wada ilaaliya xafi isyada dowladda, haddase waxay yeelatay laba ci idan, dhaqanka noocaas ahna waa mid nagu cu sub.”

Axaddii, Golaha Wadatashiga Qaran ayaa Cii danka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ugu baaqay inay xoojiyaan amniga Qasriga Madaxtooyada, in kastoo AMISOM ay haddaba ilaaliso Madaxtooya da, haddana uu dhaqdhaqaaqe edu xadidnaa, sana dihii ugu dambeeyay.

Si kastaba ha-ahaatee xaaladda ka soo kor ortay Madaxtooyada ayaa noqonayso markii ugu ho reysay oo xaalad ceynkaasi oo kala ah laga soo sheego, tan iyo intii dib loo yegleelay Dowladn imada Somaliya, sanadkii 2000.

XIGASHO:DHAC.C0M

Axmed Madoobe Oo La Kulmay Ergayga Dowla da Norway U Qaabilsan Soomaaliya

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Ahmed Mohamed Islaam (Axmed madoobe) ayaa kulan la qaatay ergayga Dowladda Norway u qaabi lsan Soomaaliya.

Kulankan oo Madaxweynaha uu ku wehelinayay Gudoomiya ha Gobolka Jubada Hoose, Cabdir ashiid Cabdullahi Gooni ayaa lagaga hadlay arrimo kala duwan oo ku aaddan siyaasadda dalka,gaar ahaan xaaladaha siyaasadedeed ee maamulka Jubbland.

Kulankaasi dhexmaray Madaxweynaha Maamul ka Jubbaland Axmed Madoobe iyo ergayga Dow lada Norway u qaabilsan Soomaaliya Heidi Elburgi Johansen, ayaa si gaar ah loogu faaqiday arrimaha doorashooyinka iyo tageerada Dowlada Norway ee dhinacyada hormarka iyo dib u dhiska dalka.

Dhawaan madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa ka qayb galay Shirka Golaha wadatashiga qar an, kaasi oo lagu saxay habracyadii hore ee door ahooyinka.

Isimada Puntland oo go’aano dhabarjab ku ah Deni kasoo saaray xiisadda PSF

Isimada dhaqanka Puntland oo maalmahaan u fadhiyey xalka xiisadda magaalada Boosaaso ee u dhaxeysa xukuumadda Deni iyo taliska ciidanka PSF ee uu hoggaaminayo Max amuud Diyaano ayaa Xalay soo saaray 6-qodob oo ay u arkeen in arrintaan lagu xali karo.

Isimada ayaa go’aamiyey in hey’adda PSF ay sideeda sii aha ato oo hoggaa nkeeda loo daayo Maxamuud Cusma an Diyaano, iyadoo Agaasime Maxam uud la hordhigay inuu dib isugu raadi yo ciidankii ku kala jabay dagaalkii ka dhacay Boo saaso.

Sidoo kale waxay soo jeediyeen in Madaxweyna ha Puntland Saciid Deni iyo Agaasime Maxamuud Cusmaan Diyaano loo dhigo gogol dib u heshiine ed, si loo soo afjaro khilaafka.

Qodobka sedaxaad waxay Isimadu ku go’aami yeen in dhibkii ka dhacay magaalada lagu dagaal amay ee Boosaaso loo bandhigo shareecada Isla amka oo lagu dhaqmo xukunkeeda.

Dhanka kale Isimada ayaa xukumadda Puntl and u soo jeediyey in laga laabto heshiiskii ay la ga shay shirkadda Imaaraadka ee DPW oo maamusha Dekedda magaalada Boosaaso, iyagoo sheegay in shantii sano ee gacanta ay ku heysay aysan shirka daasi qaban waxii looga baahnaa. "Waxaan go’a aminay in 17% dakhliga dekedda loo qoondeeyo hormarinta magaalada Boosaaso, dhaqaalahaas waxaa si wadajir ah gacanta ugu heyn doona, Isim ada dhaqanka iyo guddi hormarinta magaalada loo sameyn doono, kuwaas oo noqon doona guddi aa min ah I.A,”ayaa lagu yiri bayaanka Isimada Punt land. HOOS KA AKHRISO

 

Maareeyihii Guud Ee Hay’adda Tayo-Dhowrka Soomaaliyeed Oo Shaqada Laga Joojiyey

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshada ha Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Khaliif Cabdi Cumar ayaa shaaca ka qaaday inuu shaqo joojin ku sameeyay Maareeya ha guud ee Hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed Aadan Xasan Barre.

Wareegto uu soo saaray Wasiir Khaliif Cabdi ayuu shaqada uga joojiyay Maareey ihii guud ee Hay’adda Tayo-dhowrka, isla markaana waxaa lagu eedeeyay xadgudubyo kala duwan uu ku kacay iyo Wadashaqeyn la’aanta Mas’uuliyiinta kale ee Hay’adda.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuum adda xilgaarsiinta ayaa xilka Maareeyaha guud ee Hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed si KMG ah ugu magacaabay inuu noqdo maareeye ku-xigeen ka Hay’addaasi

Wasiir Khaliif Cabdi Cumar ayaa faray dhamma an hay’addaha kala duwan ee dowladda oo wad ashaqeynta kala dhexeeyso Hay’adda Tayo-dhowr ka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan oo ay gacan kusiiyaan maareeye ku-xigeenka Hay’addaasi ee la magacaabay.

Hoos ka Akhriso Wareegtada uu soo saaray Wasiirka Ganacsiga


Madaxweynaha Somaliland oo markii ugu horaysay Maraykanka u safraya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland D.R Cii se Kayd Maxamuud, ayaa sheegay in madaxweyne Biixi uu safar ku tagi doono dalka Maraykanka bisha saddexaad ee sannadkan.

Wasiir Kayd oo safaradiisii u danbeeyay xog ka siinayay Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa sheeg ay in la qaban qaabiyay safar uu madaxweynaha Somaliland ku tagayo dalka Maraykanka, kadib waftigii ka socday shaqaalaha aqalka Koongaraska Maraykanka ee Somalil and soo booqday.

"Safarkaygii dabadii waa kuwii yimid waftigii Maraykanka ahaa, kuwi ina waxay keeneen in an iga iyo madaxweynuhu cisha dhaw aanu kulan la ye elan doono Heritage Foundation, taasina ay sii xa adhi doonto safar loo qaban qaabiyay in madaxwey nuhu uu ku tago waddanka Maraykanka March" ayuu yidhi wasiir Kayd.

Xidhiidhka Somaliland iyo dowlada Maraykanka, ayaa dad badan oo siyaasada falanqeeyaa ay aam insanyihiin in uu isku badali karo xidhiidh adag oo dhab ah, waxaana jira xildhibaano ka tirsan Koong araska Maraykanka, oo dabada ka riixaya in Mara ykanku Somaliland la yeesho xidhiidh amaan oo ka madax banaan dowlada Soomaaliya.

Waxa jira qaybo kamid ah warbaahinta caalam ka iyo dibulumaasiyiin bilihii u danbeeyay qorayay in xidhiidhka Somaliland uu Maraykanka ka caa win karo in uu is hortaago is balaadhinta dowlada China ee Afrika.

Maxkamadda Ciidamada oo xukun dil toogasho ah Shalay fulisay

Maxkamadda dajajada 1aad ee Ciidamada Qal abka sida qeybta 27aad ayaa Shalay waxaa ay xu kun dil toogasho ah ku fulisay askari katirsanaa Ci idamada xoogga dalka, kaas oo horay degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo ugu dilay qof Shac ab ahaa.

Askariga foogashada lagu fuliyay oo lagu Magac aabi jiray Cabdiqaadir Faarax dhaqane (Nuune ) ayaa magaalada Baladxaawo wuxuu ku dilay Marx uum Mowliid Baashe Cumar oo ahaa makaanik baabuurta sameeyo.

Fagaaraha toogashada Shalay ka dhacday ayaa waxaa ku sugnaa Saraakiisha Maxkamadda Ciidam ada qeybta 27aad, Ehellada Askariga la toogtay & Ehelada qofkii uu horay u dilay iyo dadweyne kale oo u soo daawasho tegay.

Xeer ilaaliye kuxogeenka Maxkamadda Ciidama da Walabka sida qeybta 27aad Gaashaanle Maxam ed Cabduqaadir Maxamed ayaa sheegay in Dable xoogga Cabdiqaadir Faarax dhaqane (Nuune ) lagu helay in uu dilka ka dambeeyay, isla markaana Shalay xukunkii horay loogu riday ee dilka ahaa la gu fuliyay.

Dorraad ayay aheyd markii Maxkamadda Ciidam ada Qalabka sida qeybta 27aad ay xukun dila ah ku fulisay Askari kayirsanaa Ciidamada Booliska oo de gmada luuq ku dilay darawal Mooto Bajaaj.

Galmudug oo baaris ku bilowday Askartii ka dambeysay dagaalkii Guriceel

Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Galmudug, Gaashaanle Dhexe Cabdulaahi Abuukar Xassan iyo saraakiil sare oo ka socota Ma xkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Shalay ka dagey Degmada Guriceel ee gobo lka Galgaduud.

Gudoomiyaha ayaa u tagay baarista dagaal dhex marey ciid amo ka tirsan Booliiska iyo Gor Gor horaantii todobaadkan.

Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida qaybta Galmudug ayaa sheegay in dirirta ciida mada dhex martay ee guriceel iyo Dhuusamareeb ka dhacdey ay aheyd mid ka baxsan dhaqanka su uban iyo shuruucaha ciidanka.Waxaa uu balan qa adey in cid kasta oo baarista socota ku cadaato in ay ku lug laheyd Mas’uuliyada dagaalkii dhacey, la marin doono sharciga, maadaama dadaalada cii danka dhex marey sababeen dhimasho iyo dha awac.

Baarista hordhaca ah ayaa lasoo wariyey in ay durba kiiskan ku lug yeesheen saraakiil ka tirsan Booliiska iyo Milatariga oo maxkamada kasoo hor muuqan doona todobaadyada soo socda.

Al-shabaab oo Shalay la wareegtay gacan ku heynta deegaanka Qalimoow ee gobolka Sh/dhexe

Wararka ka imaanaya deegaanka Qalimow ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in Shalay da gaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta deegaankaasi.

Wararka waxay sheega yaan in dagaalyahanada Shabaab ay weerar dho wr jiho ah ku qaadeen de egaanka Qalimow, kaa soo ugu dambeyn u suur ta galiyay iney la wareegaan gacan ku heynta deeg aanka Qalimow oo ah deegaan u dhaxeeya maga alooyinka Jowhar iyo Balcad.

Lama oga khasaaraha ka dhashay weerarka ay Al-shabaab ku galeen gudaha deegaanka Qalimow, iyagoona sheegtay iney Saldhiga deegaankaasi ka qaateen hub iyo saanad Militari oo ciidanka dowla dda lahayeen.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka laam aha amaanka maamulka Hirshabeelle oo ku aadan weerarka Shalay Shabaab kula wareegeen gacan ku heynta deegaanka Qalimow ee gobolka Sh/ dhexe.

Soomaaliya iyo Talyaaniga oo ka wadahad lay iskaashiga labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caa lamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay Agaasimaha Hay’adda Horumarinta Iskaashiga ee Dowladda Tal yaaniga Mudane Luca Maestripieri, iyaga oo ka wa da hadlay xoojinta iskaashiga dheef-wadaagga ah ee Lab ada Dal.

Agaasimaha ayaa la wa daagay Wasiirka arag tiyo ku aaddan istaraatiijiyadda hour marineed ee Talyaaniga ee ku wajahan xoojinta xir iirka Sooma aliya ee dhinacyada dib-u-dhiska iyo ho rumarinta dhaqaalaha, isaga tilmaamay in booqa shada uu ku yimid Soomaaliya ay muujineyso ahm iyadda Dow ladda Talyaaniga uu u leeyahay iskaa shiga kala dhexeeya Soomaaliya.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyey Dowladda Tal yaaniga taageerada ay u fidiso Soomaaliya, waxa uu na hoosta ka xarriiqay in Soomaaliya ay ka go’ an tahay horumarinta xiriirka laba geesoodka ah ee ay la leedahay Talyaaniga.

Kenya oo shidaal baarista kawada aagga ay maxkamaddda ICJ go'aanka horey ugasoo saartay

Dowladda Kenya ayaa xoojisay howlihii shidaal baarista ee gobolka xeebta ee Lamu, ku dhawaad sanad kadib markii ay diiday go’aankii maxkamadda caddaalada adduunka ee la xiriirtay muranka ay galisay badda Soomaaliya.

Guddoomiyaha batroolka James Ng’ang’a ayaa she egay in shirkadda ENI Kenya Bus iness Venture (BV) oo hore u aha an jirtay Agip ay bishii hore ka bilaawday qodista ceelka Mlima-1 oo sidoo kale loo yaqaan Block L11B.

Tani waxay daba socotaa sah anno qoto dheer ah oo daaha ka qaaday in aaggu leeyahay awood shidaal iyo gaas. Shirkaddu waxay sheegtay in ay rajaynaysao inay siidaayaan natiij ooyinka kaydka block-ga labada bilood ee soo socda. Tan iyo bishii April ee sannadkii hore, Kenya waxa ay samaynaysay khariidadda kaydka saliidda iyo gaasta ee Lamu, in kasta oo uu muran xuduud eed ka taagan yahay aaggaas.

Goobta ay Kenya ka sameynayso shidaal baari sta waxay ku taal dhulka lagu muransanaa ee maxk amadda ICJ go’aanka kasoo saartay march 2021. Arrintaas oo sabab u ahayd khilaaf diblomaasiy adeed oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa sanadkii ho re sheegay in Kenya aysan ku wareejin doonin Soo maaliya xitaa taako ka mid ah dhulka laga xuku may, isagoo muujiyay sida ay Kenya uga go’an tah ay inay ilaaliso wadada ay ku noqon karto waddan shidaal soo saara.

17 Qof Oo Rayad Ah Oo La Sheegay In Lagu Dilay Gobolka Tigary

Shaqaalaha gargaarka ee ka howlgala deega anka Tigraay oo wakaaladda wararka ee AFP u warramay ayaa sheegay duqeyn ay diyaaradaha dagaalka ee aan duuliyaha lahayn ee Itoobiya gey steen in lagu dilay 17 qof oo rayad ah.

"Duqeynta waxay gelinki dambe ee Isniinta ka dhacday magaalada Mai Tsebri waxaana duqeynta asi ku dhimatay 17 qof oo shaqaala ah oo ka how lgalayey warshad burka soo saarta” ayuu yiri mid ka mid ah shaqaalaha gargaarka oo dhacdada asi goob joog u ahaa.

Duqeyntan cusub ayaa imaneysa maalma un kaddib marki la sheegay duq eyn la mid ah in lagu dilay dad badan qaar kalana ay ku dhaawacmeen.

Shaqalaha gargarku waoo ku yaalla Dedebit in lagu dilay ugu yaraan 59 qof, 138 ay ku dhaawac meen.

Xoghayaha guud ee qaramada midoobayna mar kale wuxuu ku baaqay in colaadda degdeg loo joo jiyo hay’adaha gargaarkana loo oggolaado iney dee gaanka Tigraay galaan.

Khilaaf soo kala dhexgalay shirkada DPw orld iyo ganacsatada Somaliland

Waxa qarxay khilaaf u dhexeeya ganacsada wax kala soo degta Dekedda Berbera iyo shirkada DP world ee gacanta ku haysta dib u dhiska iyo maa mulka dekedda, kadib markii ay shirkadu kor dhisay tacriifada (Can shuurta) ay ka qaado alaabaha dekedda ka soo daga.

Maareeyaha Deked aha Somalila nd Siciid Xasan Cabdillaahi, oo waraysi siiyay idaa cada VOA Somali, ayaa sheegay in uu khilaafku soo if baxay kadib markii shirkadu kordhisay laca gaha laga qaado alaabaha dekedda.

"Way jirtaa tacriifada ay kordhisay shirkada ka howlgasha Berbera ee DPworld, koontiinarka 20 ka ah waxa la kordhiyay $60, koonteenarka 40 ka ah na waxaa la kordhiyay $100, taasi oo keentay in ay cabasho xoogan ka muujiyaan ganacsatada J. So maliland" ayuu yidhi Siciid.

Mareeyaha ayaa sheegay in xukuumada Somal iland ay soo dhex gashay labada dhinac isla mar kaana khilaafkii lasoo gaba gabeeyay "Sidaana ay dowladu ku dhex gashay, insha allah-na ay Shalay soo gaba gabowday".

Mareeyaha ayaa sheegay in Dekedda Berbera ay wali tahay tan ugu jawaban dhinaca tacriifadaha la saaro alaabada, sida ku jirta heshiiska ay xuku umada Somaliland kula jirto shirkada DPworld.

Dekedda ayaan shaqaynin muddo 3 maal mood ah kadib markii ay ganacsatadu ka gadoodeen koro dhka tacriifada (Canshuurta) dekedda wax lagagala soo dago, iyadoo la sheegayo in ay hada gana csatadu dib u bilaabeen in ay badeecadaha deked da kala soo baxaan.


SIDEE LOOGA FAL-CELIYEY KHUDB ADDII FARMAAJO?

Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxa med Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa Habeen hore jeediyey khudbad lama filaan ah, taas oo ay Villa Soomaaliya sii deysay saq-dhexe, waxaana ka dha shay falcelin aad u xoogan.

Farmaajo ayaa khudbaddiisa ku sharaxay han aankii ay u shaqeyneysay dowladii sa mudadii uu joogay xukunka, he shiiska laga gaaray doorashada, dib u dhiska ciidamada, hannaan ka siyaasadda arimaha dibadda iyo arrimo kale, isagoo sidoo kale fariin uu u diray shacabka.

Sidee looga falceliyey khudbaddiisa?

Dr Maxamuud Maxamed (Culusow) oo ah siy aasi ka faalooda xaaladd Soomaaliya iyo doorash ooyinka ayaa faallo uu soo saaray ku sheegay in khudbadda uu jeediyey Habeen hore madaxweynaha waq tigu ka dhamaaday laga dheehan karay xilkasnimo-xumo, dareen la’aan, daacad darrom xaqiraad iyo is moogeysiin ula kac ah, sida uu hadalka u dhigay.

"Khudbadda socotay 8da daqiiqo ee 54 ilbiriqsi ee Maxamed Cabdullahi Farmajo, Madaxweynaha muddo xileedkiisii dhammaaday, ka jeediyay Mada xtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee uu sharcidarrada ku dhex deggan yahay, waxaa laga dheehan karaa xilkasnimoxumo, dareen la’a an, doqonnimo, marin habaabin, dulleyn, iyo awr ku kacsi dhallinyaro nolol raadis ah, daacad-darro, taa gero raadis, xaqiraad, eedeyn, xusuus la’aan ama is moogeysiin ula kac ah,” ayuu ku yiri Faallada Dr Maxamuud Culusow.

Dhankiisa xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo qo raal soo saaray ayaa shaaca ka qaaday in madaxw eynuhu is-hilmaansiiyey in uu aag dagaal ka furey madaxtooyada qaranka, balse uu ka hadlay qabkii iyo gobonimadii fagaarayaasha caalamiga in la soo celiyey.

"Qabkii iyo gobonimadii fagaarayaasha caalam iga in la soo celiyey ayuu noo sheegey! Balse wux uu is-hilmaansiiyey in aag dagaal uu ka furey mada xtooyada qaranka looga talinayey oo uu qabtii soo celiyey!?,: ayuu qoraalkiisa ku yiri siyaasiga Axmed Macallin Fiqi.Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in uu Farmaajo u ekaa nin lasoo qasbay, isla-marka ana loo soo qoray khudbadda, sida uu hadalka u dhigay.

"Odayga Habeen hore wuxuu u ekaa nin la soo qasbay oo dhibban, nin hadalkiisa ay soo qoreen kuwo caa lam kale ku nool, nin ay la taliyaal u yihiin kuwo god iyo haadaan ka sii tuuraya, nin u afduuban kuwo aan ka naxayn oo ka faa’idaysanaya go’doonka si yaasadeed ee ay galiyeen,” ayuu markale qoraalkii sa sii raaciyey siyaasiga Axmed Macalin Fiqi.

Mahad Salaad oo ka mid ah xildhibaanada muca aradka ah ayaa sidoo kale ka falceliyey hadalkii ma daxweynaha waqtigu ka dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo, wuxuuna yiri "Khud badda Farmaajo QUWAAXII aan sheegay soo ma noqon?!”.

Si kastaba, khudbadda uu jeediyey Farmaajo ay aa ku soo aaday xilli xasaasi ah, isla-mar kaana ma gaalada Muqdisho lagu soo gabag abeeyey shirkii Golaha Wadatashiga Qaran

XIGASHO:-CAASIMA DDA.NET

HANNAAN NOOCEE AH AYAA LA MARSIIYAA MADAXDA ALSHABAAB EE DOWLADDA ISU DHIIBAY?

Xasan Daahir Away wuxuu ka mid ahaa madaxdii Alshabaab iyo Xisbul Islaam XIGASHADA SAWI RKA,AFP

Dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab ayaa dhaw aan shan iyo toban jirsaday. Dowladda Soomaaliya ayaa siyaayo kala duwan u wajahday la dagaalanka ururkaas. Marka laga tago dagaallada foolka foolka ah iyo duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dowladda Mareykan ka ay ka geystaan qeybo ka mid ah deegaannada ay maamulaan, waxaa bar bar socday dedaallo xooggan oo lagu soo jiidan ayay u dagaallamayaasha iyo qaar kamid ah hogga amiyayaasha sar sare ee ururkaas.

Wasaaradda amniga gudaha, wasaaradda gaa shaandhigga, wasaaradda garsoorka iyo caddaala dda, xeer illaalinta qaranka, taliska booliska, iyo hay 'adda Nabad sugidda qaranka ayaa iska kaashaday diyaarinta siyaasadda isa soo dhiibayaasha (Defec tion policy). Ugu dambeyn wasiirkii amniga gudaha dowladda Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxa med ayaa May sannadkii 2015 hor geeyay xukuu maddii ra'iisul wasaare Cumar Cabdirashiid oo mar kii dambe cod aqlabiyad leh ku meel marisay. Inkas too aanan baarlamaanka la horgeeynin, haddana sida ay qabaan khubarrada amniga, siyaasaddaas waxa ay door fiican ka qaadatay dardar gelinta dad aaladii kasbashada isa soo dhiibayaasha.

Isla sannadkii 2015 waxaa magaal ada Muqdisho laga furay xarunta dhaqan celinta Sarandi oo loogu tal agalay in lagu dhaqanceliyo dagaa lyahannada Alshabab kasoo goos ta.

Mashruucaas oo ay hirgelintiisu lahayd wasaa radda amniga gudaha Soomaaliya oo kaashaneys ay dowladaha Imaaraadka, Denmark iyo Jarmalka ayaa hadafkiisu ahaa sidii cafis loogu fidin lahaa cid kasta oo dooneysa in ay kasoo baxsato ururka Als habaab. Waxaa sidoo kale xarumo dhaqan celin laga furay magaalooyinka Baydhabo, Kismaayo, Baladweyn, ka hor inta aanay badankoodu xirmin.

Isa soo dhiibayaasha ayaa kala leh laba heer oo mid kastaahi si gaar ah loola macaamilo. Isa soo dhiibayaasha heerka hoose oo u badan askarta u dagaalanta Alshabaab, wadaaddada ka shaqeysa faafinta aragtidooda iyo saraakiisha heer dhexaad ka ah ee ururkaas waxa ay isku soo dhiibaan xeroo yinka dhaqan celinta iyaga oo toos u tagaya ama usii maraya saraakiil ka tirsan dowladda ama oday aasha dhaqanka si ay u dhammeystiraan hanaanka isa soo dhiibidda.

SARAAKIIL ALSHABAAB

saraakiil Alshabaab Ka dib xarumaha waxa ay sii yaan isa soo dhiibayaashaas fursad lagu dhaqan celiyo, iyadoo la barayo waxyaabo la xiriira diinta Islaamka iyo aasaasiyaadka xuquuqda Aadanaha. Marka laga soo tago in qiyam ahaan qofka loo rogo, waxaa kale oo la baraa xirfado gacanta ah oo ay ku shaqeysan karaan. Sida uu noo sheegay mid kamid ah howl wadeennada xarunta dhaqan celinta Sara ndi oo diiday in aan magaciisa u adeegsanno warb aahinta.

Dhanka kale isa soo dhiibayaasha sar sare waa saraakiisha sare, madaxda iyo hoggaamiyayaasha kooxda ee doorta in ay isku soo dhiibaan dhanka do wladda. Hannaan ka duwan kan la marsiiyo isa soo dhiibayaasha yar yar ayeey maraan, oo waxaa la geeyaa guryo iyo goobo gaar ah, halka qaarka aan dhammeystirin hannaanka isa soo dhiibiddana la dhigo xabsi guri.

"Saddex qodob ayaa ugu muhiimsan siyaasadda dowladda Soomaaliya uga degsan cafinta xubnaha sare ee Alshabaab ee isa soo dhiibaya. Kow waa in uu ka tanaasulo xubinnimada ururka Shabaab/ Daa cish, iwm. Labo In uu aqoonsada dowladnimada So omaaliya (qasab ma ahan in uu taageero xukuumad da markaas jirta) iyo qodobka saddexaad oo ah in uu qaab nabadeed ku raadiyo ahdaaftiisa siyaas iga" ayuu yiri Xuseen Sheekh Cali oo horey u ahaa la taliye dhanka amniga saddexdii madaxweyne ee u dambeysay Soomaaliya.

"Haddii uu oggolaado isa soo dhiibaha saddexd an qodob, dowladda Soomaaliya waa ay cafineys aa, ha yeeshee cafiskaas ma damaanad qaadayo haddii qof ama qofaf ay si shakhsi ah maxkamad ugu dacweeyaan isa soo dhiibaha iyagoo ku eedey naya inuu si shakhsi ah u waxyeeleyay, kiiska wa xaa uu noqonaya mid maxkamad u furan ama isa soo dhiibaha uu la macaamilo dacwoodayaasha" Xuseen Sheekh Cali, markale. Xubnaha sarsare ee kasoo goostay ururka Alshabaab waxaa ugu mug weynaa kuxigeenkii ururkaas Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur oo isku soo dhiibay maamulka Koon fur Galbeed 13kii August sannadkii 2013 kii, dhowr bil uun kaddib markii dowladda Mareykan ka ay ka saartay liiska argiggixisada.

Wasiirkii gaashaandhigga Soomaaliya Cabdir ashiid C/llaahi Maxamed iyo wafdi uu hoggaamin ayo ayaa usoo galbiyay Roob oow magaalada Muqdisho si loo dhammeystiro heshiiska labada dhinac.

Dhawaan ayeey ahayd markii taliyaha nabad sugidda qaranka Gaashaanle Yaasiin Farey uu war qad jawaab celin ah u diray wasiirka Amniga oo dal baday in laga soo warbixiyo sababta uu u xiran yah ay Mukhtaar Rooboow. Warqadda taliska Nabad sugidda kasoo baxday ayaa lagu sheegay in Roob oow uusan dhammeystirin shuruudaha isa soo dhib itaanka. haddaba maxay ahaayeen shuruudaha ay ku heshiiyeen dowladda Soomaaliya iyo Mukhtaar Rooboow. Ha inoo sharxo Cabdirashiid C/llaahi Maxamed oo ahaa wasiirkii hore ee gaashaandhig ga Soomaaliya, door muhiimna ka ciyaaray isa soo dhiibiddii Sheekh Mukhtaar Rooboow

"Dowladda Soomaaliya waxa ay kula heshiisay Mukhtar Rooboow in uu ka tanaasulo fekerka Sha baab, iskana beriyeelo. Sidoo kale uu ka qeyb qaa to dowlad dhiska dalka isagoo la dagaallamaya koo xda Alshabaab. In uu door muuqdo ka ciyaaro tashk iilinta iyo in ay isa soo dhiibaan saraakiisha sarsare ee ururka, in ciidamadii la socday la qarameeyo, la na dagaallamaan Alshabaab. Dhanka Rooboow is na waxaa uu codsaday in dowladda ay kala shaqe yso sidii loo sixi lahaa khaladaadkii dhacay, laguna garab istaagi lahaa la dagaalanka Alshabaab".

Markale isla su'aashaas waxaa ka jawaabaya la taliye Xuseen Sheekh Cali.

"Dowladda Soomaaliya waxa ay jebisay dhamm aan heshiiskii lala galay Rooboow, oo si sharci darro ah ayuu ku xiran yahay. dhanka Sheekh Mu khtaar waa uu dhammeystiray dhammaan shuruu dihii looga baahnaa qof isa soo dhiibe sidiisa oo kale, waa uu ku dhawaaqay in uu ka baxay ururka Shabaab, si cadna waa u u qiray dowladnimada Soomaaliyaad, wixii markaas ka dambeyayna waa tii la wada ogaa in damaciisa siyaasiga ah uu ku doonayay qaab nabadeed illaa isaga oo musharrax ah Villa Somalia ay soo qafaalatay".

Cabdiwahaab Axmed Cali Qoraa madaxbannaan

XIGASHO:-BBC

Muwaadin Soomaaliyeed Oo Ka Mid Noq day Golaha Wasiirada Dalka Tanzania

Madaxweynaha Tanzania ayaa isku shaandhe yn ku sameeyay golihiisa wasiirada, Wasiirada cu sub ee uu magacaabay Madaxweynaha Tanzania ayaa waxaa ka mid ah Xuseen Maxamed Baashe oo loo maga caabay Wasiirka Beeraha, isagoo laga bedelay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha.

 

Wasiirka Beeraha Xuseen Maxa med Baashe oo muwaadin Soo maali ah,wuxuu 26 Ogosto 1975 ku dhashay gobolka Nzega, waa na siyaasi iyo gana csade caan ah oo u dhashay dalka Tanzania.

Xuseen Maxamed Baashe oo ah nin dhalinyaro ah oo ku biiray siyaasadda Tanzania,isagoo ka tir san xisbiga talada haya, ayaa sidoo kale ah xil dhibaan laga soo doorto dalka Tanzania, horayna u

soo noqday wasiir ku-xigeenka beeraha.


MAXAY QABIILLADA SOOMAALIDA U SAMEYSANAYAAN CALAMO U GAAR AH?

Muddooyinkii dambe waxaa isasoo tarayay dad ka Soomaalida ah ee sameysanaya calamada ast aanta u ah qabiilladooda, iyadoo walaac xooggan la ga muujinayo inay abuurto kala qaybsanaan dhin aca bulshada ah.

Calamada kala duwan oo horay u jiray balse aan sidaas usii badneyn ayaa aad loogu baraarugay wi xii ka dambeeyay markii Soomaaliya laga hirgeliyay nidaamka federaalka.

Balse arrintan oo markii hore ka jirtay meelo ka mid ah Soomaaliya ayaa u muuqata inay kusii fideyso bulshooyinka Soomaalida ah ee ku nool dalalka ge eska Afrika.

XIGASHADA SAWIRKA,SOCIAL

Culimada magaalada Wajeer ee gobolka Waq ooyi-bari Kenya ayaa bayaan kasoo saaray calamo ay dhallinyarada magaaladaas kusoo bandhigeen baraha bulshada. Waxay culimadu tallaabadan ku tilmaameen mid khatar keeneysa, maadaama ay calamdu muujinayaan astaamo qabiil.

Dr Aadan Yuunis Sheekh Ibraahim, oo ah mada xa xafiiska Wajeer ee Golaha Sare ee Muslimiinta Kenya ayaa BBC-da u sheegay inay cabsi weyn ka qabaan arrintan.

"Waxaan bayaankeenna digniin ugu dirnay dad ka sameynaya calamada qabiilka loo asteeyay. Dhallinyaradii qabiil kasta ayay calan u sameeyeen, wa xay ka sameysteen calaamado ga cmaha lagu xirto, gabdhihiina dhar bay ka dhigteen meelaha xafladaha ah ayaa cala mo lagu xiraa, gawaarida ayaa lagu dhajiyay cal amo qabiil," ayuu yiri Dr Aadan. Calan

XIGASHADA SAWIRKA,SOCIAL

Caqabado badan oo dhanka wada noolaansha ha bulshada ah ayuu sheegay inay ka imaadeen.

"Arrintan waxay keentay in dhallinyaradii wax isla baraneysay, sida iskuullada, madarasooyinka iyo jaamacadaha ay dhibaato soo wajahdo. Barbaartii isku dhex jirtay ee shaqada isla raadsan jiray ee isku waddanka ahaa, isku diintana ahaa ayaa lagu korinayaa qabyaalad, taasna waa khatar weyn oo nagu soo fool leh," ayuu yiri.

Culimada ayaa aaminsan in calamada kala du wan ay saameyn ku yeelanayaan midnimada bulsh ada iyo awooddooda dhinac walba ah.

Maxaa sabab u ah calamada beelaha?

Prof Maxamed Xaaji ingiriis oo ka mid ah aqo onyahannada Soomaaliyeed ayaa BBC-da u she egay in sababta ugu weyn ay tahay mid kusoo biyo shubaneysa nidaamka federaalka.

"Waxaa dhiirrigeliyay federaalisimka qabiilka ku dhisan ee la dabaqay 20 sano ka hor. Qof walba markii uu ar kay wuxuu dhahay, 'anigana in uu calan ii saaran yahay baan rabaa', marka waxay noqone ysaa qabiilkii oo la dowlad eeyay," ayuu yiri.

Calamada ayaa sidoo kale laga sameystaa jijima ha gacanta XIGASHADA SAWIRKA,SOCIAL

Calamada ayaa sidoo kale laga sameystaa jijimaha gacanta

Waxa uu barfasoorka hoosta ka xarriiqay in had dii la fasaxo federaaleynta qabiillada ay xaaladdu gaari doonto heerka ugu sarreeya.

"Hadda wuu xiran yahay hannaanka federaale ynta qabiillada, dastuurku wuxuu dhigayaa oo keliya in dhul ahaan labo gobol ay no qon karaan federaal. Haddii la furo oo la dhaho cid walba xaq bay u leedahay inay federaal noqoto, sida Itoobiya ka jirta oo kale, nin walba calankiisa ayuu taaga nayaa," ayuu yiri Maxamed Xaaji Ing iriis.

'Waa arrin horay usoo jirtay' Barfasoor Ingiriis ay aa sheegay in waqtigii ka horreeyay gumeysiga ay Soomaalida lahaayeen astaamo u gaar ah qabiil kasta.

"Waxaan ma aha wax cusub, waa wax nala socon jiray gumeysiga ka hor. Waa wax la xiriira sumadda uu qabiil walba ku sameysan jiray geeli isa.

Markii hore dhaqan ahaan ayay noo ahayd laa kiin hadda waxay nala gashay siyaasad ahaan. Dhu lka lama kala calaameysan jiray waayo Soomaalidu waxay ahaayeen dad reer guuraa ah.

"Si dabiici ah ayay u baaba'een 1940-meeyadii mar kii la isku raacay in la raadiyo shanta Soomaali yeed, calaamadihii qaab siyaasad ahaan ah ayay meesha uga baxeen, waxay noqotay in Soomaalinn imada la isku aqoonsado, hadda waxay kusoo laab atay siyaasad ahaa, tii hore dhaqan ayay ahayd," ayuu yiri.

Dhanka kale waxa uu intaas ku daray in ilaa had da Soomaalida ay heysato dhibaato dhinaca aqoo nsiga ah. "Waxaa Soomaalida taariikh ahaan ula socda, ilaa Shalayna jira cillad ka heysata dhanka aqoonsiga. Waxaa lagu jahwareersan yahay aqoo nsiga Soomaalida ma mid Islaamnimo ayay ka dhigeysaa? Ma mid Soomaalinnimo ayay ka dhigey saa? Ma mid gobolka ku saabsan oo umadaha gob olka la daggan ay kula walaal tahay ayay ka dhige ysaa? Ma mid qabiil guud bay ka dhigeysaa mise mid qabiil gaar ah?".

CALANKII UGU HORREEYAY

Sannad kasta, 12-ka October, waxaa la xusaa maalinta calanka Soomaaliya balse waayadii da mbe waxaa calanka qaranka barbar socda calamo kale oo aad u badan.

Shan marxaladood oo uu soo maray calanka Soom aaliya

Muxuu calanka Soomaaliya u kulansaday jaceyl iyo naceyb xad-dhaaf ah? Calanka Soomaaliya

XIGASHADA SAWIRKA,TELEFISHINKA QARAN KA SOOMAALIYEED Qoraalka sawirka,

Calanka Soomaaliya waxaa hindisay Alle ha u naxa riistee Maxamed Cawaale Liibaan

Xornimadii kaddib, muddo 30 sano ah ayuu cala nkaas buluugga ah ee dhexda ku leh xiddigta cad ee shan geesoodka ah kaligiis astaan u ahaa Soo maalida ku midowday gobolladii Waqooyiga iyo Koonfurta.

Markii ugu horreysay ee lagu fikiray in calan ay Soomaali leedahay la abuuro waxay ahayd dabay aaqadii 1940-meeyadii, markaas oo tallaabo loo qaadayay sidii ay Soomaaliya uga bixi lahayd gume ysiga, sida uu horay u sheegay Maxamed Cawaale Liibaan - oo ah maskaxdii ka dambeysay calanka naqshaddiisa.

Wareysi uu Cawaale bixiyay sannadkii 1983, ay uu ku yiri: "Markii xaaladda Soomaaliya go'aanke eda lagu wareejiyay Qaramada Midoobay, oo Taliy aanigana la yiri 10 sano haku gaarsiiyo hannaanka xorriyadda, qodobbadii lagu heshiiyay waxaa ka mid ahaa in la sameeyo calan summad u noqda Soomaaliya oo looga sooco ummadaha kale."

DOOLLI DUNIDA CAAN KA AHAA OO DHINTAY ISAGA OO 8 JIR AH

Apopo Siciid Magawa Wuxuu ahaa mid ka mid ah dooliyada dunida ugu caansan, wuxuuna xitaa shaqadiisa ku muteystay abaalmarin, balse Shalay ayuu dhintay isaga oo 8 sano jir ah.

Jiirkan oo magaciisu yahay Apopo Siciid Magawa ayaa maalinkii cuni jiray hal xabo oo karooto ah, waxaana la sheegay in uu caafimaad qabay todobaadkan, balse maalmihii dambe uu xoogaa wajahsanaa.

Dooligan miino baarka ah ayaa waxa uu heley wax ka badan 100 miino, waxaana aad loogu ti

 

xgalin jirey shaqadiisa miino baarka. Waxaana jiirkani laga lahaa dalka Tanzania.

Ha'yad samafal oo qaabilsan xaananada xoolaha ee uu fadhigeedu yahay UK ayaa bilad dahab ah ku abaal marisay jirkan, waxay sheegtay in loo adeegsaday baarista miinooyin halis ah oo laga soo saaray Cambodia.

"Shaqadiisa oo aheyd badbaadinta nolosha gaar ahaan deegaanada uu kasoo saaray miinooyinka halista ah ee dalka Cambodia" sida ay sheegtay ha'yadda PDSA.

Jiirkan wuxuu uriyaa miinooyinka iyo qaraxyada.

Biladda ha'yadda samafalka ee PDSA ay siisay jiirkan waxaa ku qornaa "Xayawaanka geesiga ah ee shaqada sida daacadda ah u qabtay", ilaa 30 xayawaan ayaa abaal marin la siinayay balse waxaa ugu horreeyay jiirka oo ku muteystay shaqada miino baarista.

Jiirka oo da'diisu lagu sheegay 7 jir waxaa lagu soo tababaray dalka Belgium- waxaana gacanta ku heysaa ha'ayad samafal oo la yiraahdo Apopo oo uu fadhigeedu yahay Tanzania- waxaana loo yaqaana 'Jiirka halyeeyga ah' , waxaa loo adeegsan jiray baarista miinada iyo dadka qabo cudurka qaaada tan iyo sagaashamaadkii.

Magawa waxaa ka tabobarayay muddo sanad ah

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,

Magawa waxaa ka tabobarayay muddo sanad ah

Muddo sanad ah ayaa la tababarayay jiirkan

"Sharaf ayay inoo tahay in aan helno biladda no ocan ah" waxaa sidaas yiri madaxa fullinta ee ha' yadda Apopo, Christophe Cox xilli uu la hadlayay wakaaladda wararka ee PA

Jiirka Magawa waxaa loo tababaray in uu uriyo walxaha qarxa, wuxuuna si deg deg ah ku ogaanay aa goobta ay ku aasan tahay miinada, taas oo khub urada u fududeyneyso inay soo saaraan miinada.

UK oo kumanaan dooli shimbiraha cuna kula daga alantay diyaarado

Gabadh Dooli uu cunay oo xaaladeeda laga dayr inayo Jiir baajiyay duullimaad diyaaradeed

Agaa simaha ha'yadda abaalmarinta guddoonsiisay jiirka Jan McLoughlin, waxay ku tilShalayy shaqadi isa "Mid kheyrul caadi ah oo waxtar weyn leh"

"Magawa wuxuu badbaadinaya waxna ka badd alaya nolosha ragga, haweenka iyo carruurta ay saameeyeen miinooyinka, miino kasta uu soo saaro waxay ka hortageysaa halista dhimashada iyo dhaawaca".

Miinooyinka ayaa halis ku ah nolosha carruurta ku nool dalalka ay dagaallada ka dhacaan sida So omaaliya iyo Ciraaq.

Sida laga soo xigtay ha'yada miinooyinka baarta oo la yiraahdo HALO Trust, dalka Cambodia miin ooy inka waxay ku dhintay ama ku dhaawacmay in badan 64,000 qof, miinooyinkaas oo dhulka lagu aasay sanadihii toddobaatamaadkii iyo siddeetama adkii

XIGASHO:-BBC


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip