
Maxay qabiillada Soomaalida u sameysanayaan calamo u gaar ah?
XIGASHADA SAWIRKA,SOCIAL
Muddooyinkii dambe waxaa isasoo tarayay dadka Soomaalida ah ee sameysanaya calamada astaanta u ah qabiilladooda, iyadoo walaac xooggan laga muujinayo inay abuurto kala qaybsanaan dhinaca bulshada ah.
Calamada kala duwan oo horay u jiray balse aan sidaas usii badneyn ayaa aad loogu baraarugay wixii ka dambeeyay markii Soomaaliya laga hirgeliyay nidaamka federaalka.
Balse arrintan oo markii hore ka jirtay meelo ka mid ah Soomaaliya ayaa u muuqata inay kusii fideyso bulshooyinka Soomaalida ah ee ku nool dalalka geeska Afrika.
Culimada magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi-bari Kenya ayaa bayaan kasoo saaray calamo ay dhallinyarada magaaladaas kusoo bandhigeen baraha bulshada. Waxay culimadu tallaabadan ku tilmaameen mid khatar keeneysa, maadaama ay calamdu muujinayaan astaamo qabiil.
Dr Aadan Yuunis Sheekh Ibraahim, oo ah madaxa xafiiska Wajeer ee Golaha Sare ee Muslimiinta Kenya ayaa BBC-da u sheegay inay cabsi weyn ka qabaan arrintan.
"Waxaan bayaankeenna digniin ugu dirnay dadka sameynaya calamada qabiilka loo asteeyay. Dhallinyaradii qabiil kasta ayay calan u sameeyeen, waxay ka sameysteen calaamado gacmaha lagu xirto, gabdhihiina dhar bay ka dhigteen meelaha xafladaha ah ayaa calamo lagu xiraa, gawaarida ayaa lagu dhajiyay calamo qabiil," ayuu yiri Dr Aadan.

XIGASHADA SAWIRKA,SOCIAL
Caqabado badan oo dhanka wada noolaanshaha bulshada ah ayuu sheegay inay ka imaadeen.
"Arrintan waxay keentay in dhallinyaradii wax isla baraneysay, sida iskuullada, madarasooyinka iyo jaamacadaha ay dhibaato soo wajahdo. Barbaartii isku dhex jirtay ee shaqada isla raadsan jiray ee isku waddanka ahaa, isku diintana ahaa ayaa lagu korinayaa qabyaalad, taasna waa khatar weyn oo nagu soo fool leh," ayuu yiri.
Culimada ayaa aaminsan in calamada kala duwan ay saameyn ku yeelanayaan midnimada bulshada iyo awooddooda dhinac walba ah.
Maxaa sabab u ah calamada beelaha?
Prof Maxamed Xaaji ingiriis oo ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed ayaa BBC-da u sheegay in sababta ugu weyn ay tahay mid kusoo biyo shubaneysa nidaamka federaalka.
"Waxaa dhiirrigeliyay federaalisimka qabiilka ku dhisan ee la dabaqay 20 sano ka hor. Qof walba markii uu arkay wuxuu dhahay, 'anigana inuu calan ii saaran yahay baan rabaa', marka waxay noqoneysaa qabiilkii oo la dowladeeyay," ayuu yiri.

XIGASHADA SAWIRKA,SOCIAL
Calamada ayaa sidoo kale laga sameystaa jijimaha gacanta
Waxa uu barfasoorka hoosta ka xarriiqay in haddii la fasaxo federaaleynta qabiillada ay xaaladdu gaari doonto heerka ugu sarreeya.
"Hadda wuu xiran yahay hannaanka federaaleynta qabiillada, dastuurku wuxuu dhigayaa oo keliya in dhul ahaan labo gobol ay noqon karaan federaal. Haddii la furo oo la dhaho cid walba xaq bay u leedahay inay federaal noqoto, sida Itoobiya ka jirta oo kale, nin walba calankiisa ayuu taaganayaa," ayuu yiri Maxamed Xaaji Ingiriis.
'Waa arrin horay usoo jirtay'
Barfasoor Ingiriis ayaa sheegay in waqtigii ka horreeyay gumeysiga ay Soomaalida lahaayeen astaamo u gaar ah qabiil kasta.
"Waxaan ma aha wax cusub, waa wax nala socon jiray gumeysiga ka hor. Waa wax la xiriira sumadda uu qabiil walba ku sameysan jiray geeliisa. Markii hore dhaqan ahaan ayay noo ahayd laakiin hadda waxay nala gashay siyaasad ahaan. Dhulka lama kala calaameysan jiray waayo Soomaalidu waxay ahaayeen dad reer guuraa ah.
"Si dabiici ah ayay u baaba'een 1940-meeyadii markii la isku raacay in la raadiyo shanta Soomaaliyeed, calaamadihii qaab siyaasad ahaan ah ayay meesha uga baxeen, waxay noqotay in Soomaalinnimada la isku aqoonsado, hadda waxay kusoo laabatay siyaasad ahaa, tii hore dhaqan ayay ahayd," ayuu yiri.
Dhanka kale waxa uu intaas ku daray in ilaa hadda Soomaalida ay heysato dhibaato dhinaca aqoonsiga ah.
"Waxaa Soomaalida taariikh ahaan ula socda, ilaa maantana jira cillad ka heysata dhanka aqoonsiga. Waxaa lagu jahwareersan yahay aqoonsiga Soomaalida ma mid Islaamnimo ayay ka dhigeysaa? Ma mid Soomaalinnimo ayay ka dhigeysaa? Ma mid gobolka ku saabsan oo umadaha gobolka la daggan ay kula walaal tahay ayay ka dhigeysaa? Ma mid qabiil guud bay ka dhigeysaa mise mid qabiil gaar ah?".
Calankii ugu horreeyay
Sannad kasta, 12-ka October, waxaa la xusaa maalinta calanka Soomaaliya balse waayadii dambe waxaa calanka qaranka barbar socda calamo kale oo aad u badan.

XIGASHADA SAWIRKA,TELEFISHINKA QARANKA SOOMAALIYEED
Calanka Soomaaliya waxaa hindisay Alle ha u naxariistee Maxamed Cawaale Liibaan
Xornimadii kaddib, muddo 30 sano ah ayuu calankaas buluugga ah ee dhexda ku leh xiddigta cad ee shan geesoodka ah kaligiis astaan u ahaa Soomaalida ku midowday gobolladii Waqooyiga iyo Koonfurta.
Markii ugu horreysay ee lagu fikiray in calan ay Soomaali leedahay la abuuro waxay ahayd dabayaaqadii 1940-meeyadii, markaas oo tallaabo loo qaadayay sidii ay Soomaaliya uga bixi lahayd gumeysiga, sida uu horay u sheegay Maxamed Cawaale Liibaan - oo ah maskaxdii ka dambeysay calanka naqshaddiisa.
Wareysi uu Cawaale bixiyay sannadkii 1983, ayuu ku yiri: "Markii xaaladda Soomaaliya go'aankeeda lagu wareejiyay Qaramada Midoobay, oo Taliyaanigana la yiri 10 sano haku gaarsiiyo hannaanka xorriyadda, qodobbadii lagu heshiiyay waxaa ka mid ahaa in la sameeyo calan summad u noqda Soomaaliya oo looga sooco ummadaha kale."
XIGASHO:BBC


0 



Maxay qabiillada Soomaalida u sameysanayaan calamo u gaar ah?
....