Ma suurtogal baa in Ethiopia ay qabsato Saylac?

0
Sunday January 09, 2022 - 07:17:29 in Wararka by Mogadishu Times
  • Visits: 662
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma suurtogal baa in Ethiopia ay qabsato Saylac?

    .....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.....

"Arligaa la kala boobayaa kii u itaalroone” Faarax Nuur, 1930kii.

Maqaal uu Michael Rubin, oo ka tirsan American Enterprise Instituteku qorayNational Interestayaa dhaliyay su’aalo ku saabsan waxa Itoobiya ka damacsan tahay Soomaaliya guud ahaan. Rubin wuxuu ku dooday in Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed u arko Seylac magaalo xeebeed u sahlaysa dib u dhiska ciidammada badda Itoobiya. Wuxuu Rubin u arkaa ujeeddadaas mid keeni karta in Itoobiya qabsato Seylac.

Doodda Rubin lama biciidsan karo. Maamulka Somaliland wuxuu cadaadis kala kulmay Itoobiya kaddib booqashadii Wafdi Masar ka socda uu dhowr sano ka hor ku yimid Hargeysa xilligii Itoobiya isu diyaarinaysay furista Biyoxireenka Dib-u-curashada (GERD). Dowladda Federaalka Soomaaliyeed way taageertay mowqifka Itoobiya oo ah inay xaq u leedahay dhisidda iyo maamulista biyoxireenka saameyn doona webiyada Suudaan iyo Masar. Sabab kale ayaa jirta: adduunku wuxuu marayaa marxalad habkii kala dambaynta (order) kaddib dagaalkii labaad uu aad u wiiqmay. Bishii hore majaladdaThe Economistwaxay ugu baaqday Maraykanka inuu sii ahaado ilaaliyaha habka kala dambaynta ay ku heshiiyeen dowladihii ka guuleystay Hitler. Majaladdu waxay ka digtay in dunidu dib ugu noqoto waagii kuwa awoodda lihi ay cagta marin jireen kuwa laga awood-badan yahay. Waa waagii uu Faarax Nuur, gabayaagii maskaxda badnaa, ka maansoonayay markuu tiriyay gabaygisiiArligaa la kala boobayaaoo dugsiyada lagu baran jiray ka hor 1991kii.

Miro gunti ku jira…: Madaxweyne Muuse Biixi wuu og yahay halista qarannimo bannaanka la iska taago.

Itoobiya kuma degdegi doonto inay qabsato Seylac. Waxa kaliya oo u fududeyn kara inay Seylac qabsato waa haddii ay marto waddadii ay Kenya martay 2011 iyo 2012kii markii ay qeybo ka mid ah Soomaaliya qabsatay iyadoo ku doodaysa inay Soomaaliya aysan ka jirin dowlad ka hortagi karta Al-shabaab oo weerarro Kenya kaga soo qaadaysay Gedo iyo Jubbada Hoose. Go’aanka Kenya kama duwanayn go’aankii Itoobiya ciidankeeda ugu soo dirtay Soomaaliya 2006dii si ay iskaga difaacdo wax ay ku tilmaantay ‘halis’ kaddib markii Maxamuud Siyaad Indhacadde, ku hanjabay in ururkii Maxkamadaha Islaamigu qabsan doonaan Addis Ababa.

Howlgallada militari ee Itoobiya iyo Kenya waxay ifiniyaan waxa dowladaha Soomaaliya deriska la ah sameyn karaan haddii ay dareemaan halis istaraatijiyadeed kaga imanaysa dal ku tiirsan ciidammo nabad-ilaalin. Haddii gobollo ka mid ah Soomaaliya aysan aqoonsaneyn qarannimada Soomaaliya, waxay dadka gobolladaas ku nooli u nugul yihiin weerarro kaga iman kara dalalka deriska la ah Soomaaliya.Waa halista maamulka Somaliland uu hadda ku baraarugay.

Cinwaanka maqaalka uu Rubin qoray

Itoobiya marnaba ma soo weerarayso qeyb ka mid Soomaaliya inta Soomaaliya ay dowlad la aqoonsan yahay ka jirto. In Itoobiya noqoto dal aan bad laheyn waxaa ugu wacan go’aammo uu Mengistu Haile Mariam, madaxweynihii hore ee Itoobiya, qaatay billowgii siddeetamaadkii. 1982kii markii Itoobiya qabsatay degmooyin Soomaaliyeed sida Goldogob, Mengistu wuxuu qashinka ku daray xeerkii Midowga Afrika ku saabsan dhowrista qarannimada dalalka xubnaha ka ah ururka. Isla sanadkaas Madaxweynihii hore ee Liibiya Mucamar Qadaafi ayaa taageeray Itoobiya. Qadaafi iyo Mengistu waxay, iyagoo ku tiirsan Midowgii Soofiyeeti, ku tunteen habkii kala dambeynta dunida. Waa sababta Eritreeya uga go’day Itoobiya oo ku tiirsanayd dekedda Casab. Abiy Ahmed, oo hadda maareyn la’ dagaalka sokeeye ka socda Itoobiya, wuu garan karaa waxa ka dhalan kara isballaarin xadgudub ku ah qarannimada Soomaaliya.

Sida Xayle Salaase ugu hungoobay himiladiisii

Waxay ahayd riyadii Mililiq (Menelik) inuu dhul Soomaaliyeed ka taliyo waayo wuxuu Biritishka u sheegay in "Soomaalidu tahay lo’jir isaga u shaqaysa.”

Dhammaadkii dagaalkiilabaad kaddib markii Qaramada Midoobay diyaarinaysay in Soomaaliya madaxbannaani gaarto, Imbradoor Xayle Salaase, wuxuu isku dayay inuu saameyn ku yeesho wadahadallada. Waa xilli Itoobiya ay weli si dadban ugu hoos jirtay gacanta Biritayn oo ka xoreysay Fashiistadii Musolini. Dhowr sano ka hor dhammaadkii dagaalka labaad uun buu Biritishku Itoobiya dib u siiyay qarannimadeeda waayo ka hor xilligaas wuxuu Itoobiya u arkayay dhul cadaw laga qabsaday, sida uu Bahru Zewde ku qorayA History of Modern Ethiopia, 1855–1991.

Sidaas oo ay tahay Xayle Salaase wuxuu ku guuleystay inuu, isagoo Maraykanka kaashanya, shirkaddii Sinclair keeno dhulka Soomaali Galbeed, si dhulkaas loogu aqoonsado dhul ka mid ah Itoobiya.

Fursad Soomaalida seegtay

Sanadkii 1946kii ayay dadka ku noolaa Hargeysa fureen xafiiska SYL (eeg buuggiisaA Modern History of the Somali, bogga 135 daabacaadda afraad ).Waxay arkayeen, maadaama aan maxmiyadda Biritishka ee Soomaalida loo oggoleyn inay u halgamaan madaxbannaani, inay bannaan tahay in SYL noqoto ururka u taagan raadinta madaxbannaanida Soomaalida ku kula hoos nooleyd maamulladii Talyaaniga iyo Biritishka. Go’aanka lagu furayay xafiiska xisbigii SYL waxaa ka hor yimid dad kale oo Hargeysa ku sugnaa. Fursaddaas la seegay ayaa qeyb ahaan keentay in Birtishku jebiyo heshiiskii uu beelaha Soomaalida la galay, kuna wareejiyo dhul Soomaaliyeed Itoobiya 1954kii.

Mabda’a Soomaali weyn ma ahayn mid Soomaalidu ku gardarraysanay dalal deris la ah. Waa mid ay Soomaalidu ku doonaysay inay wax ka qabato caddaalad-darradii keentay in dhul Soomaaliyeed oo dadkiisu madaxbannaani diyaar u ahaayeen la hoosgeeyo Itoobiya. Dhul Talyaani xukumayay laguma darin Itoobiya; dhul Biritishku xukumayay ayay dowladdii Biritishku ku dartay Itoobiya. Waa reer koonfureedka dadka maalka iyo dhiigga inta ugu badan ku bixiyay colaadihii ka dhashay ballanfurkii Biritishku ku sameeyay Soomaalida Waqooyiga. In maanta madaxda maamulka Somaliland ku soo toosaan halista dul heehaabeysa Seylac waxay caddaynaysaa in qarannimadu tahay waxa keliya oo ilaa hadda dunida lagu kala badbaado haddii Soomaalidu isku meel ka taagan tahay ilaalinta qarannimoku salaysan dhowrista xaqa qofka Soomaaliyeed. Haddii aynan ka dhiidhiyin gaboodfallada sida barakicinta iyo boobka qof Soomaaliyeed loogu geysto dalkiisa, way adkaan doontaa inaannu isu damqanno marka halisi soo foodsaarto qarannimada Soomaaliya.

Ma suurtogal baa in Ethiopia ay qabsato Saylac?

W.Q. Liibaan Axmad       libahm@gmail.com




Qoraalkan wuxuu markii hore kusoo baxay Puntland Post



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip