DEGDEG: Xaaska madaxweynihii hore ee dalka Kenya oo magaalada Nairobi ku geeriyootay 'Haweeney ninkeeda ka adag'

0
Tuesday April 26, 2016 - 12:09:34 in Wararka by
  • Visits: 833
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEGDEG: Xaaska madaxweynihii hore ee dalka Kenya oo magaalada Nairobi ku geeriyootay 'Haweeney ninkeeda ka adag'

    Magaalada Nairobi ee caasimadda wadanka Kenya waxaa goor dhow ku geeriyootay Ms Lucy Kibaki oo ahayd xaaska Madaxweynihii hore ee dowladda dalkaasi Mwai Kibaki, kahor inta aan xaalad caafimaad loogu qaadin isbitaal ku yaala dalka Ingiriiska kaasi oo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Nairobi ee caasimadda wadanka Kenya waxaa goor dhow ku geeriyootay Ms Lucy Kibaki oo ahayd xaaska Madaxweynihii hore ee dowladda dalkaasi Mwai Kibaki, kahor inta aan xaalad caafimaad loogu qaadin isbitaal ku yaala dalka Ingiriiska kaasi oo lagu magacaabo Bupa Cromwell.
Madaxweynaha dowladda Kenya Uhuru Kenyatta ayaa qoraal uu ka soo saaray madaxtooyada looga taliyo dalka Kenya waxa uu tacsi u diray ehelada iyo Madaxweynihii hore Mwai Kibaki, isagoo ku hadlayay magaciisa, kan Dowladda iyo shacabka Kenya.

Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in aas qaran loo sameynayo xaaska Kibaki oo iyadu door lixaad leh ka soo qaadatay hoggaanka iyo dowladnimada dalka Kenya xilligii uu seygeeda dalka Kenya ka talinayay.

Dhinaca kale Lucy Kibaki ayaa lagu xusuustaa inay ahayd marwo ka adag ninkeeda, iyadoo ku amartay ninkeeda inuu saxaafadda hor istaago isla markaasina u caddeeyo inuusan qabin xaas kale, tallaabadaasi oo dadka Kenyaatiga ahi si weyn ugu xusuustaan marwada geeriyootay.

lucy-kibaki




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip