Wasiirka Caddaaladda Soomaaliya: "Caddaalad darada Soomaaliya waxay gaartay in Qof nool lagubo"
C/llaahi Axmed Jaamac Ilka-jiir Wasiirka Caddaaladda Xukumadda Soomaaliya oo ka hadlay Shir looga hadlayo Garsoonka oo laga furay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in caddaalada xumida ka jirta Soomaaliya ay gaartay halkii ugu Xumeyd.
Ilka-jiir ayaa sheegay in Caddaalad darida ka jirta wadanka ay gaartay in dad Nool la gubo sidii Xaabadii, islamarkaana ay tahay wax laga Xumado arrintaas.
Wasiirka Cadaalada Soomaaliya ayaa soo jeediyay in loo istaago soo nooleynta Garsoorka si ummadda Soomaaliyeed ay u helaan Caddaalad iyo sinaan.
Dhanka kale hadalka wasiirka ayaa imaanaya, iyadoo Gobolka Shabellaha Hoose Maalmo ka hor lagu gubay 7 Ruux oo 6 ka mid ah ay yihiin Caruur.

0 