Taariikhda addoonsiga iyo deegaanadii Soomaaliyeed ee dadka laga dhoofin jiray

0
Thursday December 02, 2021 - 23:18:10 in Wararka by Mogadishu Times
  • Visits: 614
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taariikhda addoonsiga iyo deegaanadii Soomaaliyeed ee dadka laga dhoofin jiray

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Dadka Soomaaliyeed waxay ka mid ahaayeen dadyowgii ku howlanaa howlihii addoonsiga, ee ka jiri jiray Qaaradda Afrika iyo dunida Carabta, wixii ka horreeyey dhammaadkii qarnigii sagaal iyo tobnaad. Is-addoonsiga ayaa isugu jiray laba nooc: ka-ganacsi addoonsi (slave trade) iyo ku-shaqeysi addoonsi (slave labour). Soomaalida ayaa labadaas-ba qeyb weyn ka ahayd.

Tusaale, dhanka bariga iyo koonfurta waxaa ka jiray ka-ganacsi addoonsi iyo ku-shaqeysi addoonsi, oo addoomaha loo isticmaali jiray in guryaha iyo beeraha lagula shaqeysto (internal consumption) iyo in dibadda loo dhoofiyo, si loogu shaqeysto (external consumption). Balse, dhanka waqooyi iyo galbeedka Geyiga Soomaalida, kama jirin ku-shaqeysi addoonsi ee gudaha ah, ee waxaa ka jiray oo keliya ka-ganacsi addoonsi, ee dibadda loo sii dhoofiyo.

Dhanka waqooyiga iyo galbeedka, waxay lahaayeen meelo transit ah oo la sii marsiiyo dad addoomo ah, oo laga keenay bartamaha Itoobiya, hase yeeshee dhanka bariga iyo koonfurta waxaa dadka addoomaha ah laga keeni jiray koonfurta Itoobiya iyo wadammo kale oo ku yaalla Bariga Afrika, sida Jasiiradda Zanzibar, ee maanta ka tirsan Tanzania.

Dhanka koonfurta, waxaa laga dhoofin jiray Muqdisho, Merka iyo Baraawe, halka Awdheegle, Baardheere iyo Luuq ay ahaayeen seylado la soo marsiiyo. Dhanka waqooyiga iyo galbeedkana, waxaa addoomaha laga dhoofin jiray dekedaha Seylac iyo Berbera, halka Harar ay ahayd xarun la soo marsiiyo.

Inkasta oo la hayo caddeymo badan in Soomaalidu ay ku lug-lahayd ka-ganacsigii addoonsiga ee ka socday Bariga Afrika iyo wadammada Carabta ee ku xeeran Geyiga Soomaalida, weli lama hayo wax caddeyn ah, oo muujinaysa inay Soomaalidu qeyb ka ahayd ka ganacsigii addoonsiga, ee la isaga gudbay qaaradda Atlantica (transatlantic slave trade). Si taas loo xaqiijiyo, waxaa loo baahan yahay in la fiiriyo aarkiifiyada Senegal iyo Faransiiska iyo guud ahaan addoonsigii ka socday Galbeedka Afrika.

Ka-ganacsiga addoonsigu wuxuu ahaa mid keliya gobollada bariga, waqooyiga, galbeedka iyo koonfurta Geyiga Soomaalida la isaga gudbo, kuna xira Geyiga Soomaalida deegaammo kale oo ku yaalla Afrika iyo Carabta. Halka gobollada waqooyiga iyo galbeedka ay sii dhoofin jireen addoomaha laga keenay Itoobiya, gobollada bariga iyo koonfurtu waxay la soo degi jireen addoomo laga keenay Zanzibar. Emily Ruete, oo ah haweeney ka mid ah qoyska boqortooyada Cummaan iyo Zanzibar, waxay ku xustay buugga xusuus-qorkeedka, Memoirs of an Arabian Princess: An Autobiography, ee la daabacay 1888-kii, in addoomaha jooga Zanzibar ay ka badnaayeen kuwa jooga Cummaan.

Addoomaha la soo gelin jiray Soomaaliya ayaa isugu jiray (1) dad cawaan ahaa, oo aan diin haysan, (2) dad lagu soo qabtay dagaallo dhex-maray qowmiyadaha Itoobiya dhexdooda iyo (3) dad markoodii horeba lagu soo kala iibsaday seyladaha addoonsiga ee Bariga iyo Geeska Afrika. Dhanka koonfurta Geyiga Soomaalida, addoomaha loogu jecel yahay waxay ahaayeen kuwa laga keeno dhulka Oromada, halka kuwa waqooyiga iyo galbeedka addoomaha la sii safrinayo ay u badnaayeen kuwa laga keeno dhulka Guraagada. Dhanka bariga, waxay addoomuhu ahaayeen Sawaaxili laga soo waariday Jasiiradda Zanzibar.

Soomaalida ayaa mararka qaar qabsan jirtay dad u dhashay Yurub oo maraakiib ay kula jabi jirtay xeebaha waqooyi bari iyo bartamaha Geyiga Soomaalida. Markab uu Ingiriisku leeyahay ayaa 1868-kii ku jabay meel u dhow xeebta waqooyi ee Muqdisho, waxaana dadkii Ingiriiska ahaa ee la socday laga xiiray madaxa, waxaana lagu kallifay inay addoomo u noqdaan qabaa’ilkii deegaanka deggenaa, hase ahaatee isla sannadkaas ayaa lagu soo daayey wada-hadallo lala galay. Isaga oo xiganaya Qunsulkii Ingiriiska ee fadhiyey Zanzibar, John Kirk, ayaa Alastair Hazell, buuggiisa, The Last Slave Market, ee soo baxay 2011, wuxuu ku xusay in Soomaalidu mar ay ku beegnayd 1873-kii ay qabsadeen oo addoonsadeen dad u dhashay Ingiriiska.

Maraakiibta Yurubta ayaa iyaguna dhankooda mararka qaar qabsan jiray oo addoonsi ahaan u qaadan jiray dad Soomaaliyeed. Wixii ka horreeyey 1884-kii, dooman ganacsi oo ay lahaayeen gumeysigii Ingiriiska ayaa dad Soomaaliyeed oo u badnaa gabdho yar yar waxay dhowr jeer ka afduubteen dekedda Berbera, waxayna ula keceen Ciraaq iyo meelo kale, iyagoo halkaas ka sii iibsaday.

Taariikhda laguma hayo gumeysiga Talyaaniga oo dad Soomaaliyeed inta ay afduubteen addoonsi ahaan ula tagay dalkooda ama meel kale. Hase yeeshee, waxaa warbixinnada gumeysiga Talyaaniga ee sannadihii 1901-1904 ku cad in saraakiisha gumeysiga Talyaaniga ay lahaayeen addoomo uga shaqeeya guryahooda billowgii qarnigii labaatanaad, xitaa kaddib markii ay soo saareen sharciyo ka hor-tagaya addoonsiga aakhirkii qarnigii sagaal iyo tobnaad.

Si kastaba, ma jirin is-addoonsi ka dhex jiray dadkii Soomaalida ahaa, ee Muslimka ahaa, ee wada deggenaa Geyiga Soomaalida, oo ay ku jiraan dadka Soomaaliyeed, ee loo yaqaanno Bantu/Jareer. Arrintaan ayaa ku taxalluqday diinta Islaamka oo xarrimeysa in dadka Muslimka ah ay dhexdooda is-addoonsan karaan. Sidoo kale, xeerar-dhaqameedkii Soomaalida (Somali customary laws) ayaa ka mamnuucayey qof Soomaali ah inuu lahaado Soomaali kale ama iibiyo ama iibsado. Sidaas awgeed, addoomuhu, qeexitaan ahaan, waxay Geyiga Soomaalida ka ahaayeen dad loo aqoonsan yahay inay ajnabi yihiin.

Mamnuuciddii Is-Addoonsiga

Dhammaadkii qarnigii sagaal iyo tobnaad, in loo dhoofiyo addoomo dhanka bariga iyo koonfurta ee Geyiga Soomaalida ayaa dulaalleyda is-addoonsiga ee Bariga Afrika uga macaash badneyd inay addoomo u dhoofiyaan dunida Carabta iyo meelo kale. Sababtu waxay ahayd waxaa soo xirmaayey jidadkii badda, ee la marsiin jiray dadka addoomaha ah, taas oo salka ku haysay ku-dhawaaqiddii ay quwadaha gumeysiga Yurub ku dhawaaqeen inay qarnigii sagaal iyo tobnaad joojiyeen is-addoonsiga.

Markaas ka hor, ka-ganacsiga addoomaha wuxuu ahaa mashruuc aad looga macaasho Qaaradda Afrika. Saddexdii qof ee Afrikaan ah, hal ayaa wuxuu ahaa qof la addoonsado, sida ay Catherine Coquery-Vidrovitch ku caddeysay buuggeeda, Africa and the Africans in Nineteenth Century: A Turbulent History, ee la daabacay 2009-kii.

Sahmiyihii Faransiiska, Georges Révoil, ee sahanka ku maray gobollada bariga, waqooyiga iyo koonfurta Geyiga Soomaalida, wuxuu ku sheegay maqaalkiisa,’Voyage chez les Bénadirs, les Çomalis et les Bayouns en 1882 et 1883′, in dadkii ku noolaa degmooyinka Shingaani iyo Xamarweyne ay saddex dhig laba dhig ahaayeen dad addoomo ah. Toban sano kaddib, sahmiyihii Talyaaniga, Luigi Robecchi-Bricchetti, ayaa buuggiisa xusuus-qorka, Somalia e Benadir: Viaggio di Esplorazione nell’Africa Orientale, ee la daabacay 1899, ku sheegay in saddex dhig ay hal dhig dadkii ku noolaa labadii degmo ee Muqdisho ahaayeen addoomo.

Tirooyinkaas ayaa u muuqata mid ka-badbadis ah. Sahmiyaashii gumeysiga ayaad mooddaa inay isaga dayanayeen inay buunbuuniyaan dhaawaca bulshadeed, ee u sahli karaya inay sharciyeeyaan aasaaska xukunkoodii gumeysi. Jan-Georg Deutsch, buuggiisa Emancipation without Abolition in German East Africa, c. 1884-1914, ee la daabacay 2006, ee uu kaga warramayo qaabkii addoonsiga looga joojiyey Bariga Afrika, wuxuu ku nuuxnuuxsaday in joojinta addoonsiga ay qeyb weyn ku lahaayeen dadkii addoomaha ahaa laftirkooda.

Si kasta ha noqotee, soo-gelitaankii gumeysiga ee Afrika ayaa keenay is-beddelka weyn ee ku yimid ka-ganacsiga iyo ku-shaqeysiga addoomaha ee qaaradda gudaheeda iyo dibaddeeda. Iyaga oo meel-marinaya siyaasad liberal ah ayaa gumeystayaashii reer Yurub waxay la yimaaddeen in la mamnuuco addoonsiga, nooc kasta oo uu yahay.

Saraakiisha gumeysiga ayaa u isticmaalayey joojinta addoonsiga inay ku meel-mariyaan siyaasaddoodii beenta ahayd, ee ay ku magacaabeen ‘xadaaradeynta Afrika’. Waxay meel mariyeen sharci ka hor-tagaya addoonsiga (anti-slavery law), kaas oo markii dambe loo bixiyey sharciga quruumaha (the Law of the Nations). Sharciga ka hor-tagga addoonsiga ee gumeysiga marnaba ma joojininin ku-shaqeysigii adoonsiga, laakiin waxaa yaraaday ka-ganacsigii addoomaha ee dibadda loo dhoofin jiray Geyiga Soomaalida.

Natiijadii Mamnuucidda Addoonsiga

Dhanka koonfurta, si kasta ha noqotee, wuxuu gumeysigu joojinta addoonsiga ku wiiqay qabiillo Soomaaliyeed oo isaga dagaal gumeysi-diid ah kala hor-yimid, kuwaas oo addoomahoodu ay u ahaayeen kuwa u soo saara dhaqaalaha beeraha iyo xoolaha, ee ay ku maareynayeen noloshooda. Qabiilladaan ayaa nooca addoonsigoodu ahaa mid aan dibadda waxba loo dhoofin, ee dibadaha lagala yimaaddo addoomo.

Gumeysigii Talyaanigu, wuxuu aad u buunbuuniyey in qabiilladii Soomaalida ee koonfurta, ee la xarbinaayey xukunkooda, ay si xun ula macaamilaan dadka ay addoonsadaan. Sidaas awgeed, wuxuu gumeysigu meesha ka saaray inaan la dhoofin karin, lagana ganacsan karin dadka addoomaha ah. Arrintaas waxay toos u saameysay qabiilladii Soomaaliyeed ee ku tiirsanaa addoonsiga iyo tujaar Carbeed oo ku nooleyd magaalooyinka waaweyn ee xeebaha, kuwaas oo ku tiirsanaa dhaqaalaha laga sameeyo ka-ganacsiga iyo ku-shaqeysiga addoonsiga.

Waxaa kaloo jiray in dulmiga is-addoonsiga awgeed, ay addoomo fara-badan u baxsadeen meelo ku yaalla jiqda dhanka koonfurta, ayna aasaaseen tuulo weyn oo ay isugu yimaaddaan dadka soo fakaday, tuuladaas oo u dhow duleedka Webiga Jubba.

Hal mar ayaa meelo ka mid ah Geyiga Soomaalida, sida magaalada Muqdisho, waxaa sannadkii 1901-kii, buux-dhaafiyey dad addoomo ah oo la xoreeyey, oo ay adkaatay sida ay noloshooda ku maareyn lahaayeen.

Addoomihii la xoreeyey waxay ku qasbanaadeen inay u shaqeeyaan dadkii addoonsan jiray, waxaana billaabatay waxa loo yaqaanno servitu domestica (in guryaha la isku shaqeysto) iyo mid ka sii xumeyd oo ahayd lavoro forzato (in xoog la isugu shaqeysto beeraha). Tan dambe ayaa waxay soo gaartay illaa 1941-kii, oo gumeysigii Ingiriiska uu ka sii dhaxlay gumeysigii Talyaaniga, illaa la joojiyey kaddib markii ay dadka Soomaaliyeed, oo gumeysiga Ingiriisku u ballan-qaaday inuu ka xoreynayo gumeysiga Talyaaniga, ay ka dacwoodeen.

Waxaa weli taagan oo aan tirtirmi karin tiiraanyadii ka dhalatay taariikhdii addoonsiga ee Geyiga Soomaalida. In la qoro taariikhdaas foosha-xun, ee ay qeybta ka ahaayeen dadka Soomaalida ayaa muddo dheer ahayd wax facshar oo kale ah, oo la qariyo, lana tirtiro, qaasatan markii ay dhalatay Jamhuuriyaddii Soomaaliya ee 1960-kii. Maamulkii xukunka rayidka ahaa iyo taliskii xukunka militariga ee ka dambeeyey ayaa labadaba meel iska dhigay faylka ku saabsan in mashruuca addoonsigu – sida dunida inteeda kale – uu ahaa mid ka taaba-qaaday Geyiga Soomaalida.

In la duugo taariikhdii addoonsiga ee Geyiga Soomaalida ayaa waxaa ugu wacneyd in dersidda taariikhda Soomaalida loo jiheeyey wax kasta oo kaabaya in hoggaamiyeyaashii xukunnadaas ay sii haystaan ama sii xoojiyaan xukunkooda. Sida awoodda lagu haysanayo ama lagu raadinayo ayaa ahayd in taariikhda laga masaxo wax kasta oo keeni kara kacdoon dadweyne, oo ay dadku ku dalbanayaan taariikhda teeda runta ah, si loo abuuro mustaqbal wadajir ah oo la wada leeyahay.

Illaa iyo hadda, ma jiro buug cilmi ah, oo si faahfaahsan uga hadlaya taariikhdii addoonsiga ee Geyiga Soomaalida.

Taariikhda addoonsiga iyo deegaanadii Soomaaliyeed ee dadka laga dhoofin jiray

Maxamed Xaaji Ingiriis wuxuu wax ka dhigaa Jaamacadda King’s College London.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip